Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,641
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Canada had military base in UAE? And they were using it for FREE yet they couldn't accommodate landing slots for only two UAE airlines? Just to protect Air Canada? I guess Air Canada can now come up with the $300m the military has to pay now. UAE is showing some xiniinyo lately. I blame and place all on these squabbles at the feet of Air Canada. It is this airline who is doing behind the scenes war against the expansion of Emirati airlines. They are strongly lobbying efforts of denying Emirates and Etihad to have more landing rights on their expansion of Canadian cities. If both Etihad and Emirates were allowed to land on other major cities like Vancouver, Montreal and Calgary and more frequently as they want, few people would use Air Canada, which Air Canada is fearing. The Conservative government is also biased, biased against successful Muslim companies with global brands, officially stating there is no market for those two Emirati airlines. Why don't they let the market judge.
  2. Originally posted by Taleexi: quote:Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Qosol la dhac xee tahay. Ereyada kuwa lasoo gaabiye waayee, oo ah 'laughing my *** off.' Marka it should be: Laughing my as's off = dabada ayaan ka koodooyaa/qoslaayaa. The world of languages you can't have literal translation all the time. Haddaan kuu jilciyo qosol baan la dhacay baa ku habboon Laughing my *** off...... unlike as you put it up there. okay ya MMA. [/b] Kaftan iga ahayd, xaaji. Inaa ila fahmeysid moodee.
  3. I don't see no poppies on their chests. Where are the poppies? Speaking of poppies, my ten-year-old niece once asked me on a so-called Remembrance Day why I am not wearing a poppy. After she arrived from school, she asked me, "Abti, where is your poppy?" "Waa kusoo isistaagay ku iri." "Alla..." kulahaa. "I am not a Canadian," ku iri, "You are." And that awoowgey dagaal gaaleed iigama dhiman, dalkeenana uma dhiman. Iyadii qosol.
  4. Shukaansiga qoraxda uu la dhacaa miyaa? And see lagu ogaanaa qof shukaansigiisa maadaama dad guryahooda ku jiro yihiin, and since when did diinta allow dad guryahooda ku jiro loogu tago? Then again kuwaaan maxee diin ka ogyihiin.
  5. Originally posted by Ismalura: quote:Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: quote: Originally posted by Ismalura: "Hamdi Ali Osman, aka “Big Hamdi,” aka “Boss Lady,” 22 Years old. Fadumo Mohamed Farah, aka “Naana Naana,” aka “Gangster Boo,” aka “Barnie,” 25 Years old. XAMDI IYO FADUMO markay howshaan ku jireen aawaye dadkoodii mise Soomaaliyeey danbigaan gaalada maan u saarnaa mise yuhuudda mise quruuma kale iyo howlaha maraakiibta?????" Copy pasted this from wergalin show's Facebook page and I was like this is exactly my sentiment ! Caruurtan inbadan beey lunsanaayeen. You are a member of Wargelin Show's facebook page miyaa? I thought I was the only SOLer on that page. Let me guess, you are also a member of One People. One Religion. One Somalia. No Qabiil , the largest Soomaali group on Foolbuug. Actually I am not on 'One people. One religion. One Somalia.' I checked it out now and it looks good; SOL beyba meela badan uga egtahay. I wondered if MMA is one of the moderators there too ! I enjoy Wergalin show and I follow it both on Facebook and youtube. I think that guy is doing some good work. No, abaayadiis, I am not a moderator on that group page, but I do post on there some of the time, especially some of the things I post on SOL. I guess that is where you got the familiarity from. It is the best Soomaali group on facebook. It tells you midnimada Soomaalida waa laga maarmaan.
  6. Maskiin. Hore u arkay laakiin markaa arkaaba waaka naxaa. Waxaa ku qoslay laakiin tan markaa aqriye from wikipedia: The Hensel twins both successfully passed their driver's license exam, both the written and driving tests. They had to take the tests twice, once for each twin. Abby controls the pedals, radio, heat, defogger, and other devices located to the right of the driver's seat, while Brittany controls the turn signal and lights; together, they control the steering wheel.
  7. Faahfaahin ku saabsan dil Hooyooyin loogu geystay Beledweyne Weerarkaan oo dhacay shalay abaaro 12 duhurnimo ayaa waxaa ku geeryooday hooyo Soomaaliyeed oo da’ ah halka ay ku dhaawacantay mid kale. Falkaan naxariis darrada ah ayaa waxaa gaystay labo wiil oo yar yar kuwaas oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 14 jir iyo 15 jir, waxaana ay ka tirsanaayeen carruurta yar yare ee Alshabaab ay ka soo duufsadeen reerahoodii. Hooyada dhimatay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dhuubo Garwayne waxaana da’deeda lagu sheegay 60 ilaa 70 sano inta udhaxaysa, taas oo ku howlaneyd Sameynta Salliyada (Dirin), xaafad ku taalla Gudaha degmada Beledweyne. “ labo wiil oo yar yar ayaa u yimid Maama Dhuubo oo iska joogta halkii ay ku soohaysay (falkineysay) dermaha, waxaa ay ku dhaheen salaadda aada, waxay ku tiri salaadda waa ii dhawran tahay waana aadayaa, markaas ayaa labada wiil kii yaraa jeedal (karbaash) ku bilaabay, iyaduna waxay la qabsatay jeedalkii kaddibna wiilki la socday ayaa xabad ku furay , sidaas ayay ku geeryootay” ayuu yiri goobjooge ku sugannaa meel u dhaw halka uu falkaasi ka dhacay. Wararka aanu ka helayno Beladwayne ayaa intaasi ku daraya in hooyadaan aanay caafimaad qabin oo ay wax uga dhimanaayeen maskaxda isla markaana ay ahayd qof waayeel ah oo nolosheeda ka soo saran jirtay samaynta saliyada (Dermaha). Haweenayda dhaawacantay ayaa iyana waxaa lagu magacaabaa Mayran Goobe, waxaana da’deeda lagu sheegay inta udhaxaysa 50 ilaa 60 jir, waxaa ay la joogtay hooyada geeriyootay Dhuubo Garwane, rasaasta ayaa haleeshay iyadoo hadda lagula tacaalayo goob caafimaad oo ku taalla Beladwayne. Weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee maleeshiyada Al-shabaab ay ku hayaan haweenka Beladwayne ayaa walwal ballaaran ku dhaliyay haweenka halkaasi ku nool kuwaas oo mucjiso iyo la yaab ay ku noqotay markii ay arkeen rag ku tartamaya dilka haweenka si sharci darro ah, taas oo ka sakoow ay ka soo horjeedo Diinta Islaamka haddanna ka baxsan dhaqanka dadka Soomaaliyeed oo ku salaysnaa in aan haweenka la dilin iyo guud ahaan dadka loo yaqaano Birimagaydada. Dhawaan ayay ahayd markii labo gabdhood oo da’ yar ay isla maleeshiyada Shabaabku ku dishay meel fagaare ah oo ku taalla magaalada Beladwayne, iyagoo ku eedaynaya in ay u basaasayeen dawladda Soomaaliya, taas oo ay beeniyeen ehellada gabdhahaas, hase ahaatee waxaaba su’aali ka taagan tahay dilka dadka u shaqeeya dawladda Soomaaliya oo uu sal u yahay ku dhaqanka shreecada Islaamka. Xigasho Duurjoogtaan ayaa diin iyo wax inay xukumaan kuu sheeganaayo. Actually, duurjoogtada weyba ka daranyihiin.
  8. Si fiican loo qoray xataa. Mar dhowna kanaal afka dowladda ku hadlo sugeynaa.
  9. Samir iyo iimaan reerka Eebba haka siiyo. Rabi ha u raxmada marxuumkana -- aamiin, aamiin.
  10. By the way, whatever happened to your old nick? You sound very familiar.
  11. This isn't wadani hees, but sawir. Waa calanka Soomaaliya oo cambuurnimo u sameysan. Err, about kubkaas, no comment. Absolutely...I said no comment, darn it. P.S. - Qofta waa model and she posted this picture by herself publically online, so I am not violating anyone's privacy by posting this sawir on here.
  12. Originally posted by Ismalura: "Hamdi Ali Osman, aka “Big Hamdi,” aka “Boss Lady,” 22 Years old. Fadumo Mohamed Farah, aka “Naana Naana,” aka “Gangster Boo,” aka “Barnie,” 25 Years old. XAMDI IYO FADUMO markay howshaan ku jireen aawaye dadkoodii mise Soomaaliyeey danbigaan gaalada maan u saarnaa mise yuhuudda mise quruuma kale iyo howlaha maraakiibta?????" Copy pasted this from wergalin show's Facebook page and I was like this is exactly my sentiment ! Caruurtan inbadan beey lunsanaayeen. You are a member of Wargelin Show's facebook page miyaa? I thought I was the only SOLer on that page. Let me guess, you are also a member of One People. One Religion. One Somalia. No Qabiil, the largest Soomaali group on Foolbuug.
  13. Swirl = wareeg Dare = maku dhacdaa/car Plunge = tiimbo (ruub)
  14. Hoobaa Hilowloow, heestii Sulfa isoo xasuusisee. Ninka badda gaduudan, xaa ka hadloysaa? Now I am a bot? Who allowed me and who didn't allow you? Did you even double read the word 'mooryään'? You don't see any difference in spelling? I cheated on the Bot, you didn't. That is why I wasn't asterisked. Dah. Deg deg badanaa dadkaan. P.S. - The word 'mooryään' is not banned. It is just discouraged, hence the bot automatically giving it an asterisk status. Same like the words 'istubid' and 'a'ss' of course in English spelling. Why the word 'mooryään' you ask again? Because some people on here used to have the tendency to use this word as an insult against some whole qabiil.
  15. Qosol la dhac xee tahay. Ereyada kuwa lasoo gaabiye waayee, oo ah 'laughing my *** off.' Marka it should be: Laughing my as's off = dabada ayaan ka koodooyaa/qoslaayaa.
  16. Rabi ha u sahlo. Anoo wiilkii la dilay ka naxsanaa ayaaba gabdhahaan cajalkaas kusii arkay on that program, aad ugu sii naxay. Koley caqlixumo iyo ciyaalnimo u geysay waxee sameeyeen, oo waxee islahaayeen waa ka baxsaneysiin. Caqlidaro weyn ahaa. I believe, and every common sense person would believe likewise, inay ogaayeen waxee sameynaayeen laakiin in la qabanaayo ma filaneynin ama wax sahlan moodeen. They didn't fly from Toronto to Jameyka. They flew from Montreal to Jameyka, intaas aan u maleeyo isqarisnimo oo reerkooda iska qarinaayeen. Well, again, Eebba ha u sahlo.
  17. Xaaji, see camaleeto. Toddobaatameyadii horta ma neefsan jiray oo adduunkaanba ma joogtay i dheh, see camal. Dunidaanba dhamaadkii toddobaatameyadii imid, in fact sanadkii iyo bishii u dambeeye of that decade dhashay. No, ma tagin Soomaali Galbeed waligey. Dhulkii aabahey ku dhashay ee Xudur iyo meelahaas ayaaba waligey arkin, meel kale intee joogtaa.
  18. The troller is in it again, his very poor imitation of Muriidi never working.
  19. Shababka Oo Mamnuucay Boorashka & Galeyda Gaduudan Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya dadka degan tuulooyinka u dhaxeeya Muqdisho & Balcad ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Shabaabka ee degaanadaasi ay soo saareen awaamiir qalafsan oo saameyn ku yeelatay Xoolo dhaqatada iyo Xoolahaba ee degaanadaasi, kuwaasoo horey ay heystay duruufo adag xagga nolosha ah, waxaana la laga mamnuucay in Xoolahoodu ay siiyaan Boorashka iyo Galeyda Gaduudan oo macaawino ahaan loo keeno dalka Soomaaliya, bacdamaa xilliga jiilaalka ay degaanadaasi lahayn wax baad ah oo ay xoolahoodu quutaan, halka xoolaha ay siiyaan raashinka ay mamnuucday xarakada Alshabaab iyo waliba geedka tiinka loo yaqaan oo marka la gubo la siiyo xoolaha. Horjoogaha Maamulka Gobolka Benaadir ee kooxda Shabaabka ee ka taliya inta u dhaxeysa degaanada hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo G/Banaadir ayaa gebi ahaanba ka mamnuucay dadka reer miyiga ah ee degan halkaasi inay xoolahooda u iibiyaan raashinka sida Boorashka iyo Galley gaduuda oo ah calafka kaliya ee xilligaan jiilaalka ah la siiyo xoolaha, iyadoo ay horay u jireen tacadiyo kale oo loo geystay gawaarida ay isticmaalaan xoolo dhaqatada degan degaanada u dhaxeeya Balcad iyo Banaadir isla markaana ay uga daadiyeen raashin ay xoolahooda u iibsadeen, halka qaar ka mid ah xoolo dhaqatada caanaha keenta Muqdisho ay u geysteen jirdil, caga jugleyn iyo cabsi gelin. Joojinta kooxda Alshabaab ee iibsiga boorashka iyo galleyda ay ku soo rogeen dadka degan inta u dhaxeysa Balcad iyo Banaadir, ayay ku sheegeen Shabaabka inay leedahay Hay'adda QM u qaabilsan cuntada ee WFP, sidaasi darteedna sharcigoodu dhigayo inay ka mamnuucaan degaanada ay ka taliyaan, hase yeeshee arrintaasi ayaa la sheegay inay inay dadka degaanka ka gadoodeen. Jawaabta ay dadka degaanka ka bixiyeen awaamiirta kooxda Al-Shabaab ay ku soo rogeen ayaa noqotay mid si weyn saameyn ugu yeelatay dhaqdhaqaaqa awooda ay ku leeyihiin degaanadaasi kaddib markii ay ciidamadii degaanka ka soo jeeday isaga baxeen kooxda Al-Shabaab, waxayna arrintaasi soo dedejisay inay kulan ka yeeshaan waxgaradka iyo odayaasha degaanka oo dhinac ah iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Qaar ka mid ah odayaasha ka qeyb galay kulamada dhex maray odayaasha degaanka iyo saraakiisha kooxda Al-Shabaab oo diiday magaciisa la faafiyo ayaa sheegay in la isku afgaran waayay waxyaabihii looga hadlayay oo uu sheegay inay ugu muhiimsanaayeen inay Shabaabku dib uga laabtaan awaamiirtii ay dadka degaanka uga mamnuuceen iibsiga Boorashka iyo Galleyda oo xoolaha la siiyo, waxaana aad u cakiran cunaqabateynta faraha badan ee maalin walba lagu soo rogay reer miyiga ku dhaqan Balcad iyo Banaadir. Xigasho
  20. Haddee saan ku socoto, mar dhow neefsashada ayaa la mamnuuci doonaa. Qof neefsan karo ma jirto la dhihi doonaa. Sii aqriso. _______________________ ALSHABAAB OO MAMNUUCDAY LOOXA QUR’AANKA LAGU BARTO Deegaanada ay maamusho kooxda Shabaab ayaa waxaa guud ahaan laga mamnuucay looxa Qur’aanka Kariimka ah lagu barto iyadoo culees la saaray dugsiyada Qur’aanka. Xog iyo warbixino hoose oo soo gaaray shabakada shacabka.net ayaa xaqiijinaya in Shabaabka ay Kismaayo ka soo bilaabeen mamnuucida looxa Qur’aanka lagu baranayo. Dhammaan magaalada Kismaayo ayaa dugsiyada laga waayay todobaadkii la soo dhaafay dugsi Qur’aan loox lagu dhiganayo waxaana sidoo kale jiray deegaano Jubooyinka ka mida oo ay soo mareen gudi u xilsaaran joojinta looxa Qur’aanka lagu baranayo. Sidoo kale Gudiga masuulka ka ahaa tirtirida astaanka sanadaha soo socotay ee Qur’aanka lagu baran jiray ayaa waxa ay soo mareen Shabeelaha Hoose iyadoo ay ka joojiyeen magaalada Marka iyo Baraawe halka deegaano kale laga biya diiday amarka kooxdaasi wallow wadahadal uu u socanayo. Waka ayaa intaasi ku daraya in gudigan oo qeyb ka aha Waaxda Dacwada Ee Alshabaab ay gaarayaan magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ay shabaab ka taliyaan. Dhammaan dhulka gudigaasi ay gaareeen ayaa waxaa dugsiyada Qur’aanka ardayda dhigata la faray in ay qaataan libis gaar ah sida qaadashada qamiis iyo koofiyad iyo sidoo kale buugaag Qur’aanka lagu barayo caruurta. Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ayaa sidoo kale lagu amray in caruurta la baro tarbiyada Islaamka iyadoo si gaar ah loogu tarbiyaynayo jihaadka sida ay inoo cadeeyeen odayaal ka caraysan diida looxa Qur’aanka lagu barto. Waxaa horay loo xasuusta amar Shabaab ay soo saareen oo dugsiyada Qur’aanka Kariimka iyo iskoolada caadiga ah lagu faray in la badalo yunifoomka ay ardayda xertaan. Libiska ardayda magaalada Jowhar wax ka barata dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ayaa la faray in la badalo islamarkaana qamiis ay qaataan ardayda iyadoo sidoo kale la amray machadyada in lagu dhigo kitaabo la geyay oo la barayo caruurta wax baranaysa. Amarkan cusub ayaa waxaa lala xiriirinayaa in ay soo agaasimeen madaxda Dacwada Alshabaab oo la xasuusto in ay horay u fareen in aan la baran Karin English-ka iyo sidoo kale libisyada iskoolada qaar oo la diiday waxaana dhammaan arimahan ay noqonayaan cadaadis weji cusub ah oo ardayda Qur’aanka baranaysa iyo kuwa Maadiga barana soo wada wajahay. Xigasho [Maqaalka waala tifaftiray si aqrinta u sahlanaato.]
  21. Dhanka kale maleeshiyo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa rasaas uu si bareer ah ugu riday gabar yar waxa ay ku dhacday haweeney waayeel ah oo ka dawarsaneysay deegaanka Calamada. Askarigaasi ayaa ceyrsanayay gabar yar oo jalbaab la'aan aheyd taasoo uu ku doodayay in ay qaan gaar aheyd. Xigasho
  22. HARGEISA (Somalilandpress) — The United Nations Support Office for AMISOM (UNSOA), a field support operation for African Union troops supporting the weak transitional government of neighbouring Somalia Some people seriously need to check the closest maanakoobiyo. 'Neighbouring' ayaaba la iska dhac dhacsiinoyaa maalin caddeey.