Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,641
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. A more fitting and appropriate title would have been thus: Madaxweyne goboleedka Waqooyi Bari oo taageero ka helay qaar kamid ah tolkiisa qaxooti ku ah dalalka Iswiidhan iyo Mareykanka.
  2. Somalina;682950 wrote: 'Own goal iska dhalisay' kulahaa.
  3. The 77/78 0gaden war - however heroic it was - is generally viewed by most as mistake. Who are the 'most'? You and your fellow cohorts?
  4. Magaceygu waa Afsoomaali. Da’deyda ma aqaan. Hayeeshee in dhaaxo waan soo joogay. Tartan badan waan soo maray. Afaf gumeyste ahaa waan ka guuleystay. Waan jiray. Oo noolaa. Gallad Eebbe ha iga gaadhee, intii uu Islaamku ku faafayay geyiga aan ku noolahay waxaan iska caabbiyay in aan liico—dabar-go’ warkiisaba daa. Kuwo aan degaan ahaan iga fogeyn iyo kuwo kaloo igula noolaa Afrika waxaa ka xoog-batay afafkii qalaad ee gumeysanayay. Anigu waxa aan gabbaad ka dhigtay suugaan hodan ah oo aan leeyahay iyo af nolosha si dhammeystiran u cabbiri karo. Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii gabayaasha. Garab ayaan ahay. Aniguu i kaashadaa Soomaali walboo uu haleelay jaceyl ugub ah, ama dhiillo qaran, ama dal-tabyo ba’ani, ama dareen dulmi-diidnimo. Waxaa kaloon ahay af hibo u leh oo ay iga soo burqadaan maanso murti iyo madadaallo leh—ama mid Alle-bari iyo sama-doon ah—lagana meeriyo oo looga damaashaado gole nabadeyn, ama xaflad arooseed, ama fagaaro caleemo-saarid, ama dabbaaldeg qaraneed. Ilaah wuxuu igu galladeystay awood aan ku cabbiri karo dhacdo walba iyo abuur walba. Waxaan ahay af-Soomaali. Waan is’hubaa. Xoolo-dhaqatada waraabka shubeysa, beeraleyda la foorarta yaambada, iyo kalluumeystaha xeebta ka jillaabanayaba waxaan ku maaweeliyaa hees hawleed. Dhallaanka ooyayee daallan waxaan nasiino uga dhigaa hees caruureed. Ardayga loox-jiidka ahee u oomman barashada afkiisa waxaan leyliyaa oo aan garaadkiisa ku kobciyaa hal-xiraale iyo googaaleysi. Waxaan ku xujeystaa “Googaa!” Say yiraahdaan, “Cadalle!” Saan iraahdaa, “Haddaan hayay.” Say yiraahdaan, “Waa hadalka.” Si aan nafta u baro, waxaan ku googaaleystaa Guntin macaan geed la fuul. Si aan wadnaha u baro, waxaan ku googaaleystaa Dudun yaree daba baruur. Si aan afka iyo ilkaha ku taxan u baro, waxaan ku googaaleystaa Idan yaroo aleelaale. Rag afkeyga kaashanayaa ifka uga tegay weydiimo maan-daalis ah. Indheer-garad baa yiri: Lugo goroyo ma horaadaa mise waa dambeeddo? Abwaan kalaa yiri: Hadduu dabkii dhaxmoodo, maxaa lagu diiriyaa? Hadday dawo bukooto, maxaa lagu dabiibaa? Hadduu dufan basaaso, xaggee dux looga doonaa? Sida la iigu kala badiyo af ahaan ayuu Soomaali walibana qaayihiisu la egyahay. Mid waa aftahan; mid waa af-maal; midna af-miishaar; ama af-garooc. Cawo iyo ayaan waxaa ii ahaa maalinkuu qarankii Soomaaliyeed si rasmi ah u askumay dhigaalkeyga 1972, laguna sii xijiyay Olilihii Horumarinta Reer Miyiga. Waxaan yara dhaliilsanahay in la igu keydiyo far qalaad oo Laatiin ah. Jeclaan lahaayaa in dhigaalkeygu uu noqdo farihii ay curiyeen maskax-maal Soomaaliyeed sida fartii **********, ama tii Cusmaaniya, ama tii Kaddare. Cakuye saboolnimo! Laatiinka looma iisheen haddii uu qarankii jiray awoodi lahaa sameynta ama soo iibsashada madbacad faafiso mid ka mid ah far Soomaaligii ay curiyeen aqoonyahan Soomaaliyeed. Waxay ahaataba, wixii intaa ka danbeeyay waan kobcay. Oo koray. Oo sii xidideystay. Oo xoogeystay. Oo xadaarad keydsan yeeshay. Ma aan ogeyne, waxaa igu soo baxay tartan hoosaad. Kooxo ayaa igu soo baxay la yiraahdo tiibo talyaani iyo tiibo carabi. Af-Ingiriisiguna kama xawaaro yareyn. Geed ayaa beri ku garramay “Gudineey ima goyseen haddaan badhkay kugu jirin.” Rag Soomaaliyeed baa u soo tafa-xeytay luggooyadeyda. Anigii oo nool ayaa afaf kale la igu milay. Waxaan lahaa Nagaad, markaasaa la igu beddelay Sabti. Waxaan lahaa Suni, markaasaa la igu beddelay Axad. Waxaan lahaa Sani, markaasaa la igu beddelay Isniin. Goodaar waxaa lagu beddelay Talaado; Goonyaadna Arbaco; Ugbaadna Khamiis; Hooyaadna Jimce. In badan waan iska caabbiyay. Qaran baa ii taagnaa. Aqoonyahan iyo suugaanyahan baa ii taagnaa. Hidde iyo dhaqan jiray ayaan ku ilaashanaa. Nabad iyo Soomaali qab-weyn ayaan higsanayay. Anigoo firfircoon—dhigaal ahaanna jirsaday 18 gu’—balse weli u sii baahnaa turxaan-bixin, ayaa waxa igu dul dhacday wax ay Soomaalida cusubi ugu yeeraan “qabta”. Qarankii i kabayay ayaa burburay. Isla xilliyadaasna waxay Ilmo Aadan u xuub-siibteen tiknoolijiyad dardarteeda wadata. Af ahaan waxaan la jaan-qaadi waayay isbeddelkaas cusub ka dib markii calankii ii babanayay uu la itaal-xumaaday daruur dhiig hoorineysa iyo duufaanno colaad oo kala firdhisay midnimadii walaalaha iyo maskax-maalka Soomaaliyeed. Da’yartii gudaha ku jirtayna waxay galeen meerto madow oo ma-dhammaato ah; kuwii dibedda u firxadayna waxay ku indho-sarcaadeen kombiyuutarrada iyo degellada internetka ee kobcinaya afaf qalaad. Sidii ruux gablamay ayaan dhabanno-heys miciin biday. Waxaan isku sasabay rajo ma gablanto, Rabbina ma war la’a. Siddeed iyo tobankii gu’ ee aan qornaa waxaa ii xigtay 20 gu’ oo dayac iyo dar-xumo ah. Waan shakiyay. Oo is canaantay. Oo aan is iri tolow ma nabsi ayaa ku heysta sidii wiilkii aabbihiis indhoolaha ahaa uga dhaqaaqay geedkii higlatible? Waan dayacmay. Oo doorsoomay. Dhexda ayaan ka baxay. Neef gowracan geed kama waabtee anigoo gagabaya ayaan waxa aan magan u noqday wadaaddadii. Waxaan lahaa maadaama diintu u baahan tahay in la kala dhigdhigo af ahaan, dadkana lagu baro af-Soomaali ahaan, wadaaddada ayaa ku weeleyn doono. Mise waa iiga sii dareen. Dugsiyo Islaami ah ayaa la furay. Anigoo af-Soomaali ahna docadocayn baa laygu sameeyay af shisheeye sidiisii. “Maktabado” ayaa dal iyo dibadba laga dhakoolay. Oo aan aniguna marti ka noqday. Waxaan lahaa ereyada baraarug, walaalo, gaal, iyo kuwo kale oo gooni u istaagi karo. Waxaa si doqon-ma-garato ah hoosta la iiga soo geshay saxwo, ikhwaan, murtad, muqaawamo, iyo kuwo kale…. Hooyooyinkii iyo caruurtii waxaa guryaha loo soo dhoobay “nashiido” aysan af-aqoon. Halkii ay aheyd in cunug qurbaha joogo loo badbaadiyo afkiisa, loona tix-geliyo Soomaalinimadiisa, waxaa caruurta sanka laga geliyay cajallado ay ka soo yeerayaan Dhalacul shamsu calaynaa! Kaaga daranee wixii nebi-ammaan ahee af-Soomaali ahaa waa loo “fatwooday”, oo la yiri waa “shirki” ama “quraafaat” ama “makruuh”. Sii aqriso.
  5. Ismalura;685840 wrote: I don't like to take part in arguments about different sectors of diinta lakiin I can't stand the theory that Wahabisim brought Islam to Somalida." @ Tuujiye many people knew how to pray and read the Quran long before qixii ee talk for your self. Tajweedka kama fadli badna codadka kalee quraanka lagu akhriyo...there are different qira'aa styles and imitating a certain voice doesn't make you more religious. @ Ismahaan abaayo subac iyo quraan la xifdiyo suufiyada unbaa laga soo gaadhay. These new wadaado cajalada unbeeyba ka dhageysan jireen quraan. I guess we have our indvidual biases lakiin aniga quraan sufiyada unbaan ku arkay. Si fiican ayaa u hadashay. Hoo koob isbarmuuto isku qabooji. Tuujkana warkiisa ha u bixin, dhag jalaqna ha u siin, gadaal ka gaar in uu surwaalgaab seeflaboodnimo ugu noqdo rabaayee. Waraa Tuujka, shimee shuqul Barbaarta bilowday. Gabadha faraha ka qaad, waana Reer Kanadee. Yaa ku yiri Reer Kanada la hadal hortaba. Washamsi in laguugu qaado waaye, mise sida shuqul Barbaarta sameyaan waa in faraha lagaa gooyo maadaama dadka Quraanka kusoo baray u gaftay. Suufi-based kulahaa. Suufi la'aantood Soomaali, Eebba ka sakoo, si sahal diinteena kuma qaadateen. Waa degnaanta, dulqaadka iyo u samirka Suufinimada diinta lagu soo wad bartay, laguna qaatay, not gardheere iyo surwaalgaab isqarxin iyo hanjabaad waxaas noo keenee. Xoog diin dad laguma gaarsiiyo. Cajalka yar meesha lagu soo dhajiye haddaan ka hadlo, Barbaar ku sheegaas awalba waxaan iyo wax ka daran waa laga sugaaye. Kooda labada alif iyo ba' bartay ismoodo samada toddobaad soo taabtay. Kuwaas dad ee diin baraan iska dhaafee dadka inay ugu baxaan ka cabsanaa.
  6. Go, Banaadir, go. Waa gobolkee xuduntey ku duugantahee. Actually, Isbitaal Banaadir ku duugantahee oo kooxdaan noo mataleyso hadda. Barbaarta Bari barbaratooy banooni mala baray?
  7. Walaashiis, meel masaajid, washamsi walaa tahliil isa saarid dhaaftay la igu xukumay. Maya, mala i soo deyn. Xili dheer oo fog la igu xukumay. SOL budkeeda adaa la wareegtay waa arkaa, karbaashkaa dhamaan la'.
  8. Can you folks stick with the topic at hand? Shiish. Maba la kala daalo miyaa. Sanad ka sanad isbursanoysiin, isna afxumeyneysiin. War kala leersada.
  9. Actually if anyone steals from someone else, the credit should be given to Shego Band. This song's beat and words closely resembles to one of their popular songs. It is a song whose name escapes me now, but has similar beat and has those following words in its lyrics: Buug iyo qalin malii gadoo ABC malii dhigoo Calanka baluugga malii baroo
  10. Somalina;682361 wrote: Illaahow na cafi kuligeen! My eedo looks good. Midaa u bogay. Ma sheegaayi waa ayeeyo haddee.
  11. Somalina;682660 wrote: Our very own "Beatles". Reer Naaji iga dheh. Cali Naaji iyo Axmed Naaji waa arkaa koley. Ninac, waaku salaamay. Meesha diracaaga ka shidan waa arkaa.
  12. Ayaandarro. And dadka qaarkood Carabtaan camal ii amaanaayo, qaar kalena ismoodo inay kasoo jeedaan. Yax yax badnaa. Soomaalina dhibkaan maalin iyo habeenkee ahaataba wey ka bixi doontaa, Eebba ha idmo. Dal iyo dad walba qaxar iyo ibtilo wuu soo maray.
  13. Mööryaantaan busta miirana meesha lagu soo dhajiye xee ahaayeen. Mööryaanimo xiligeeda in la mooday moodee. I guess I thought wrong.
  14. Labada xabo ee 'public relations' Reer Iswiidhan kasoo bartay muu meesha keenay. Yaa u sheego in dadweynaha masaakiinta iyo Barbaar ku sheegaas xiriir aad u sareeyo ka dhaxeeyo, taas oo ah qoor goyn, isbiimeyn la isku qarxinaayo, karbaashid, garaacid, gacmo iyo lugo goyn iyo maalkooda maalin walba la dhaco. Intaas ka sare xiriir kale maaba jiri karo.
  15. Museveni waa nin shaqsiyadeed oo iskiisba Soomaalida jecel. Laakiin waxmagarato badan Soomaali fahmeynin meeshuu wax ka arko. Museveni Soomaalida dhibkood ayuu la dareemoyaa. Museveni waxba ma ugu soo kordhin lahayn hadduu ka seexan lahaa arrimaha Soomaaliya, sidee ugu seexdeen madax badan ka tirsan Afrika. Not him. Haddaadan ogeyn, ogoow hadda: Isla Musevenigaan waa kii isku daye in uu heshiisiiyo Cali Mahdi iyo Caydiid iyo damcayna in uu kahortago dagaalkoodii halaagga weynaa. Waa kii ka degay Xamar oo gubaneyso, asagoo cabsaneynin in uu heshiisiiyo labadaas qabqable isku daye. Ma dan siyaasadeed ayuu kalahaa waagaas? Ma kuwaan Barbaar ku sheega ayaa joogay? Ee marka jacburkaan raqiiska ah naga yaree.
  16. Maya waa daruuro socdo, hadba meesha dabeesha (u aqri: $$$) yaalo u yaaco.
  17. Mayaani, ma ila aragtay? Mareykanka in loo dabanaageeyo waaba laga yaabaa waaba dal awood adduuneed aad u sareeyo lahee, laakiin ka waran kan Soomaaliga ah oo Xabashi tuugsi ku nool sii tuugsanaayo, kana cabsanaayo. And they support those fawning entities. Epic irony is lost to dad badan.
  18. Weyba ku jiri jireenee see ugu biirayaan. Ninac, waaku salaamay. Halganka meesha kasii wad, aniga a bit torobo mashquul iska noqdee.
  19. I would like to know Xabashida kuwa u dhilo ah then oo waliba Soomaali sheeganaayo. Hmm...
  20. Yaa Reer Maanifeesto wax ka sheegay? Markaas anaaba la isoo galooyaa. Kaftan aside, Maanifeesto dad badan oo wanaagsan ayaa ka buuxay oo dalkeena la jeclaa horumar weyn. Kuwii saxiixay ka hadlooyaa that famous Manifesto baaq in Juun of 1990, just a mere six months before the civil war reached the centre of Xamar. Aqoonyahanadaas, waxgaradkaas, reer diinlayaashaas, ganacsatadaas, siyaasiintaas, odey dhaqameedkaas iyo kuwa kale oo badan oo sumcad iyo heybad ku leh dalkeena iyo dadkeenaba waxee ka cabsi qabeyn, kana digeen wey soo baxday. If only Siyaad Barre listened to them, if only...
  21. Goormuu wax the regime in Israa'iil ku saabsan soo bandhigi doonaa, oo qarxin doonaa sirar badan iyaga ah. Markaas ayaa geesi geesi dhalay u aqoonsan doonaa.
  22. Hambalyo iyo boggaadin ayaan leeyahay Md. Max'ed Colaad Xasan. Calankaas aad ku labisantahayna waligaaga haay, waligaagana aaminsanoow dad badan kula aaminsanee. Meeshana kasii wad dadaalkaaga.