-
Content Count
17,641 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Masaakiintaas barbaarta waxba ogeyn xasuuqooda loo wadaa. Maalin hore inta ciyaal ee soo sireen oo laga wada laaye ayaa ku filnaan weysay filaa.
-
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Hilowloow, dhowr jeer magacyo qabiil inta kusoo qortay adoo la socotid inaan laga ogoleyn meeshaan magacaabida qabiilada ee jooji, baliis. -
Today's blog: Buufiska iyo Islii Buufisnimo Islii koley kuma cusbo, and in fact, I believe the very word buufis was re-interpreted from its original meaning right here in Islii sometime in ‘90s. Of course Soomaalis being Soomaalis, wali wey socdaan, especially bug ku socdaan qaarkood, laakiin it is getting harder and harder to get into Yurub illegally. Thus qiimaha lagu baxaayo each time hundreds of dollars iskaga darsanto. Demand and supply economics in reverse. The harder it gets to get into Yurub, the more expensive it is to pay a muqalas. The price range these days is $23,000 to 27,000 depending the destination, particular time and how well you or your family know the muqalas. On rare times, it is even $30,000. Before your jaw-dropping reaction, know this: Reer Islii waxba lama aha waxaas, especially dad buufis si xun u haayo and it is not lacag ee shaqeysteen badanaa. Ehelkooda usoo diree, kusoo rafaadee. Haddaa ku dhahdid maa lacagta iskaga shaqeysatid, waaba laguugu qoslaa, laguuna jawaabaa waa gartaa adiga beri meeshaan busteeda waaka noqoneysaa, adigaba maad joogtid, maxaa ugu carareysaa lagu leeyahay.
-
Wyre, kuwaas warkooda laga maqlo warbaahinta laba sano kahor ugu dambeysay. Eber laga dhigay, wax la dilay iyo wax la wada xiray noqdeen filaa. Laakiin kuwa iyaga camal Soomaali ah Islii ka bilaabooyo sheeko dadka inay dilaan, xaley ugu dambeysay wiil ayee jugta ka saareen, si xun u jirdileen. Nabadadaye, isqabqabashadii dadka la qabanaaye wey dhamaatay, tii waliba askartii tuugada ahayd oo dhar caadi qabtay dadka iska qabsan jiray habeenkii kuwaas waa hore dhamaaday warkooda. Isqabasho waxee jirtaa kaliya markuu official raaf jiro bas. Umul wuu joogaa filaa oo Koonfur Afrika kasoo noqday, laakiin aniga kama heli ninkaas. Dadkuu kicin jiray, oo dhiiragelin jiray ka buuxo Barbaarta kuwa la baxay Soomaaliya ka dagaalamooyo maanta oo nafta u keenay ummadda. Maxaana ula yaabee gabdhaha imaado wiilashiiba iyaga xataa wey imaanoyaan. Waayeel, da'yar iyo barbaarba wey wada imaanoyaan meeshaan. Saa'id loo imaanooyaa, Soomaali meel kale ee tagto malahee. Eebboow dhulkeena noo nabadee -- aamiin.
-
Al Shabaab Asks Former Military for Consultations
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kamaavi's topic in Politics
Naf lacaari ayaa heyso. -
The new TFG - Somalia's hope to stability!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalina's topic in Politics
Soomaalina, however, will love to read this: "SOMALI NATIONAL TV (SNTV) was OFF AIR in 20 years but today i'm telling you friends the TV will be on air next week... Thank God we're coming back. Soon i'll tell you guys where you can watch it Frequency and stuff..." That is what the host of Wargelin Show posted on his facebook page. He is in Xamar. -
Lahjadihii Xamari iyo Xaayoow maala isku qaldooyaa. At least he tried and came close. Cajaladaha Awkoombe soo dhadhageyso, waa soo barbaranee Xamari si fiican markaas. Or better yet Marshaale jilaaga ah oo Yunifersal (Universal) kasoo galo mar mar fiirso asagaa kasii baranee.
-
The new TFG - Somalia's hope to stability!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalina's topic in Politics
Ay dhoont noow weer to boost dis, bat eniwej, hiya it is. ____________________ DFKMG oo Magaca ka bedeleysa Dugsigii Xaawo Taako Tallaabo iila muuqata gaf laga galayo taariikhda iyo halgankii dadkii dhiiggooda u daadiday Dalka iyo Dadka Somalia ayay dawladda magac ahaanta haattan u jirta qaadatay waa go'aan la ii sheegay inuu ka yimid madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uuna soo marsiiyay Wasiirkiisa Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Dr C/nuur Sheekh Maxamed, sida aan ka xogsaday saraakiil ka tirsan waxbarashada . Xaawa Cismaan (Xaawa Taako) oo lagu garto halgankii la dagaallanka Gumaysiga waxay ka mid tahay astaamaha xornimo u dirirka Dalka, Dawladdihii xalaasha ahaa waxay u sameeyeen xasuus waarta waxaa kaalinta xasuus reebka dadkii halganka usoo galay dalka kaalin mug leh ku lahaan jirtay wasaaradii waxbarasho. Maanta oo ay dawladda Soomaaliya isugu soo aruurtay afar xaafadood oo xamar ka mid ah ayay go, aan ku gaartay inay magacii iyo maamuuskii ka xayuubiso Xaawo Taako , wasaaradda waxbarashada ayaa maaggan inay Iskoolka Xaawa Taako ka dhigto xarun lagu xanaaneeyo Caruurta Agoonta ah , waxaa la ii sheegay inuu Madaxwayne Shariif u sheegay Wasiirka Tacliinta inuu Iskoolkaas u bixiyo Prof Caddow, wasiirkii Tacliinta ee Shaamoow lagu dilay Qarax . Wuu mudan yahay Caddow in loogu magac daro iskool iyo wax ka wayn laakiin ma qurxana in Hooyadii dhiigeeda u daadisay Ummadda Somaliyeed iyadoo waliba hor taaggan Gumaysi Gaamuray dalka iyo dadkana xoog ku haysta in magaceeda loo tir tiro taasi waxay hordhac fiican u noqon kartaa in gurboodka yar yar si sahlan looga masaxo taariikhdii halganka xornimo u dagaallankii mudda dheerna aan soo harsanay asii maanta naga maqan tahay oo aan heer ka xun kii maantaa xaawo uu Gumaysiga arxanka daran ku daadiyay dhiiggeeda . Ma filayo inay Xukuumadda haattan Villa Somalia daggan haysato dhaqaale xumo ay ku dhisto xarun agoomeed magacii la doono markaa ha loo baxshee laakiin waxaa dhab ah in Magaca Iskoolka Xaawa Taako doorintiisu tahay gaf wayn oo laga galay halgankii xornima u darirkii lagu Dhaliyay J. Soomaaliya, in la doooriyo magaca iskoolka Xaawo Taako wuxuu ka dhigan yahay astaanta Qaranka oo la badalay. Xaawo waa astaan qaran una taagan halgankii xoraynta dalka. Xigasho _______________ Qoraalka waa tifaftiray. -
Hilowloow, maxaa ka ogtahay waxee soo kordhin karaan. Kasoo horjeedida aad ciyoow kasoo horjeedid iska dhaaf, horta hubso ama la sug waxee kusoo kordhiyaan. Mise inay Shariifka meesha ka saaraan ka cabsanee? Ma saasaa Shariifka ula safantahay. Shariifka waa shaqsi, berina waa baxaa, wuuna baxaa ee jagadaas asaga malahee. Wax walba oo xaalka Soomaaliya nabad u keenaayo, samatabixinaayo waa soo dhaweynaa. Taas isweydiin maleh.
-
Nuunka mee ku dhahayn. Dhinaceena aa ka galnay iga dheh. Laakiin shiishooyinka meeshaan miyaa mise shiisho dhan saas u urto. Yaq, meeshaan ur kaliya shiishadee cabaan. Waaba lagu lalaboonaa markaa gishid guri saa'id loogu cabo oo leersan. Bahashaas ebidkey ma cabin, mana cabi dooni. ________________ Today's blog: A family feast.
-
Ar Soomaalidaa!
-
Askar ugu wac? Askarta iyaga hilfaha loo qaadaa. A whole block leeyihiin oo masaajidkooda ku yaalo. Nuunka knows masaajidkaas asagaaba ku tukan jiray. Mar walba mid isla muranaa guriga imaado, suu u amanaayo dhiigkar ku kaco anaga sheekadooda nama marsiin karee. Rag rag dhalay u aqaan kulahaa kuwaas. Ar daraad waala dhameeye, dad badan reerka yaqaanaan oo qaraabo kore la yahayna laga dilay ama laga dhaawacay oo Barbaarta ku jirtay. Xaalkooda waa siibtay labadaan beri, saas Maadeey Maadkeer u aamusanyahay ogoow. Inta kale howl kale waxaas ka daran u joogaa. Koley inta barafka socdo waa sii joogaa, Eebba ha idmo. Speaking of shiisho, meeshaan ayaa shiisho qalad laga fahmay. Mid walba iyo dhoore walba caboyso. Uff. Urkeeda guryaha laga cabo markaa gishid yaabeysaa. Waligey ma cabin bahashaas, haddana markaa inta ku arkay saan loogu isticmaalo waaba sii nacay. Maalin guri tagay, gabdhahoo fadhiyo oo bahasha cabaayo soo fadhiiso aboowe kulahaa, oo nala cab. Jaadaa ii dhaamo anoo cuno ku iri, maxaana kulahaa. Saas waaye iri.
-
Aboosto, xaaji. Bash bash, barbaar iyo barwaaqo. Kooyaasee?
-
Ani a cup of French Vanilla or Icecap from Tim Hortons per day igu filan. Wax kale kaama rabi. Marka baraf kuugu dhamaado meesha rabtaa yaah? Awalba B. C. baraf badan ma lahayn, I guess.
-
Amiin Caamir dacaayad raqiis loo joogin uu iska galaa. Dadka ka qosolsii ee ka tahay, mar mar dhab ayee u baahantahay wuxuu gacanta ku sawiro. Dadkaan hadda lee soo baxeen in uu saas u dacaayadeeyo waaba iska raqiis. It says more about him than anything else. Wax walba sawir ahaan ugu soo horjeedaa, anigana nabadda Kanadana waaku noolaanaa ma soconeyso. Qashin isku badalee marka wixiisa.
-
The new TFG - Somalia's hope to stability!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalina's topic in Politics
Waxaa ka jeclaan lahaa inay dowladda la wareegto isbitaalka dhan. Dowladdaan aad u dadaaleysaa, bilaash difooso uguma ihi in Islii. Kuwa Barbaarta taageero joogo meeshaan inkastoo loogu badanyahay. Eebba ha u garabgalo dowladaan. -
Kaabalaadar noocee ka dhigee hee. Butus Baanjar, Salaamasee, Yuulka Disgoo, Shakti. Soo sheeg hee.
-
Cawaale, sheekada kuwaas camal ku socotaa, walaahi. Haddii wax laga qaban xaalka waa xumaan doonaa. _______________ Today's blog. Islii has apartment blogs with funny, eccentric nicknames. Dadka Islii ula baxay, waana wada caan. Waxaa kamid ah those apartments Burcadbadeed, Tifqaaye, Muuse Suudi iyo Jiniboqor. Tan Burcadbadeed loo bixiye waxaa ugu wacan a few years ago markii la degaaye it was one of the most expensive apartments built in Islii at that time. And two months of deposit la shubaaye, plus korontada lacagteeda iyo other fees. Therefore qaalinimo ahayd only a 'burcadbadeed' can afford la yiri. Tan Tifqaaye ah iyada wasaq ahaanteeda loogu bixiye. Dharka dadka kor degan waxee ku waraayaan dhexda oo kor xarko ku leh, dharkii oo qooyan tifiq tifiq iyagoo lehna dadka hoos maraayo qooyaan. Kuwa Muuse Suudi iyo Jiniboqor ma ogi sababaha, dadka loogu magac darayna malaha, waligoodna ma arkin.
-
Ururkaan waaba ka helay, dad aan aad u xishmeeyana wey ku jiraan. I hope mid dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa wax u taro noqdo. Waaba ku biiraa ururkaan, Rabi ha idmee.
-
Xisbi siyaasadeed ay horboodayaan dad caan ah oo xaflad gogolxaar ah loogu sameeyay London Xaafadda Wembley ee magaalada London ayaa shalay lagu qabtay xaflad loogu gogol-xaarayay xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabay Hiil-Qaran, kaasi oo ay qaabeyntiisa hor-boodayaan rag si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo siyaasiyiin iyo aqoonyahanno isugu jira. Halka lagu qabtay Xafladda ayaa waxaa ka soo xaadiray dad badan, inkastoo masraxa shirka ay fadhiyeen dad si weyn loogu ixtiraamo siyaasadda Soomaaliya sida Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Cusmaan Jaamac Cali Kalluun, Danjire Maxamed Shariif iyo C/qaadir Aadan Shiikh Jengeli. Liibaan Daahir Nuur oo ka mid ah Ardayda wax-ka-barata Jaamacadda London, isla markaana shirkaas ka qeybgalay ayaa qaabkii shirkaas uu u dhacay waxaa uu uga warramay Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da, wuxuuna sheegay in Xisbiga Hiil-Qaran ee shirka loogu gogol-xaarayay uu ula muuqday mid in muddo ah laga soo shaqeynayay oo hadda wixii ka dambeeya la doonayo in la shaaciyo, isagoo xusay in daadiyihii shirka oo ahaa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar uu mar ka dhawaajiyay in Dhuuxa Xisbigan uu yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen. Waxaa uu intaas ku daray Liibaan Daahir in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo shirka ka hadlay uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaalida isu tagto, isla markaana ay sameystaan wax ay wada leeyihiin oo aan ahayn Dowlad dalka dibaddiisa lagu soo dhisay ama sida uu u yiri ay wadaan dowlado shisheeye ah. Xisbigan Siyaasadeed ee magaciisu yahay Hiil-Qaran ayaa haddii si rasmi ah loo shaaciyo, waxaa uu noqonayaa xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay oo ay hoggaankiisa hayaan dad Qurbo-joog ahaa, kuwaasi oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeeda, waxaase is-weydiin leh sida Xisbigan uu lugta u soo gashan doono siyaasadda jaha-wareersan ee Soomaaliya, taasi oo aan hadda maareynteeda gacanta ugu jirin sida la wada ogyahay dadka Soomaaliyeed. Xigasho Shabakadooda waa tan.
-
Maydka ciidamada Burundiga oo daadsan!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Maaddeey's topic in Politics
Folksa, aflagaadada naga yareeya, baliis. Kamoon. -
Maydka ciidamada Burundiga oo daadsan!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Maaddeey's topic in Politics
Somalina;698137 wrote: Law student jailed in UK for posting terrorist propaganda online By The Associated Press (CP) – 1 day ago LONDON — A London court has sentenced a law student who posted Islamic terrorist propaganda on the Internet to five years in jail. Judge David Paget said Friday Mohammed Gul was "thoroughly radicalized" and that the sentence must serve as a deterrent to others . The 23-year-old was found guilty of five counts of distributing terrorist publications. The charges related to 30 videos posted online where Gul added jihadi songs to clips from al-Qaida, the Taliban and Iraqi media sites. Gul told the court he did not support terrorism but acted out of curiosity and his political beliefs. Scotland Yard took six months to review the data on Gul's laptop. The investigation involved the most extensive data review done by the anti-terrorist branch of the police organization. Copyright © 2011 The Canadian Press. All rights reserved. ----- Polanyi Soomaliya aad oo kaalmey your brothers. Maadeey Maanuur maaka cabsii isleedahay. Hayeey. ______________ M/weyne Shariif oo booqday goobihii Shabaab lagala wareegay Waa wareey, war ninkii ciidamo loo soo dhisay. They look professional. Asagiina African statesman la iska dhigooyaa, bakoorad lagu xaragoonooyaaba. -
Soomaalina, kuwaas downtown joogi jiray 'jokoro' ayaa la dhahaa, loomana ogola magaalada hoose, awalba wey ku yaraayeen. Hadda Islii ee joogaan qaarkood. Waardiyo ijaarkiisa xaa ku falee? Koley kama badnaanaayo boqol doolar, qaarkood even less than konton doolar waaye. Anaa free bodyguard kugu ahaanaayo iskeen. Sawirada xaafadaas kale waa tagay, waayadii hore inta joogay iyo haddaba, sawiro aan kasoo qaadayna dad ayaa ku jiro, marka masoo gilin kari inta. Laakiin sawir magaalada hoteel aan aroos u aaday on Boxing Day back in Diseembar ayaan haayaa oo hoteelka Grand Regency (aka Laico) kaga dhex qaaday. Kaas soo gilinaa next time. And speaking of South C, meeshaas guryo balaayo laga dhisay. All new gated communities and estates, oo quiet ah, oo wada Soomaali leh, gadatay, degana. Aad heersare u yihiin. Laakiin maxee kugu taalaa waa biyo la'aan. Fancy estates without biyo maxee sheegayaan. Islii ayaaba dhaanto oo ceelal u qodonyihiin some of the newly built apartments, including ours. Biyo la'aan maba dareeno. Haye, goormaa laga yaabaa imaatid oo rajeynee? Malika, LooooooL, runtii waa iga qosolsiisay and you reminded me what we Ciyaal Xamar used to do back in the day. As for a pet, we used to have pigeons (qooleey) and the more qooleey one had, the more protective one felt. So we used to hang bottles full of salty sea water on the top of qooleey's little homes, called saxaarad. So the evil eyes wouldn't harm the qooleey we loved.
-
Hollywood iska dhaafee Soomaali u noqo jilaa horta. Wax xirfad ama karti aad u baahantahay maleh, xoogaaga lee kaa xigo iyo afmiinshaarnimadaada. Haye, diyaar ma u tahay?