-
Content Count
17,576 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
318
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Ciiddii Carafada imid. In fact, waqtiga Ciidda salaada Heathrow airport diyaarad fadhiso ku jiray oo ciryaamo la kici weysay. Iskeen adiga iyo Tuujka. Intuu joogaa hadda? Yurub?
-
Bahrain, Iran and the Obama Administration
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
'Dual' approaches ma'ahee waa hypocritical approaches. You can almost taste the animated words of Hillary Clinton when she talks about banaanbaxyada yar yar ka socdo Iiraan, but kuwa Baxreena? They are even more scared than kuwii Masar ka socday maadaama Baxreen Shiica (read: Iiraan, Iiraan) qabsada ka cabsanaayaan Obama's maamul awalba xishmad yar u haaye laakiin waxaan waa too much. -
nuune;695603 wrote: 14 Babababa, waa weynaatee, igaarkeey. Ki salaamay, widaay.
-
Salaams and helloing from Islii. To those who need basic instruction and not that familiar about what is famously called 'city within a city' of Nayroobi, then this blog is not for you. To others, all welcome. I have been here in the last three months, and Islii never stops surprising me, especially the wild ride of booming and never-ending property wars. It is ridiculous. Too ridiculous. The price a small piece of land costs in Islii, especially on prime locations, is too, too, too ridiculous. Just in the past month, an empty non-prime land about a boos and half that used to be dugsi costed, it has been said, 600 million Kenyan shillings. I can't convert it to US dollars now, but you can do the math online. I will explore this topic mar kale, for now qeyr iyo wanaag idiin dhaafay. And enjoy those pictures I just took on today. The building on the left is Emirates Shopping Mall located on the 9th Street and a neighbouring building. Its upper floors consist a fully equipped rented residential flats that cost $650 per month. Yep. Should you and your family wish to 'vacation' Islii for a month or two, this building is for you since you wouldn't even need a spoon to buy.
-
Ama this:
-
What do you think about ska doing mogadisho airport?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to caydarus's topic in Politics
caydarus;692173 wrote: sxb amison skilling our brothers and sisters in mogadisho.........lol... Killing our 'brothers and sisters' iyo LOL intee isku raacaan. Bisinka. Walaahi waala yaabay, damiirkii ayaaba dadka qaarkood kasii tagooyo, mise ameeba waalasho yar tahay. -
Rabi ha u raxmado, walaaloow. Samir iyo iimaan adiga iyo reerkaba. Aad iyo aad ugu xumahay, mar kale janadii Fardowso Eebbe haka waraabiyo -- aamiin, aamiin.
-
More like 'Calaacal on Farmaajo.' Farmaajo jid toosan ayuu ku socdaa, waaba la dhacay ficilada ay dowladiisa ku dhaqmeyso so far.
-
Somalina;682950 wrote: 'Own goal iska dhalisay' kulahaa.
-
Jihaadka oo lagu dhigayo Iskuulada Shabaabku ka taliyo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalina's topic in Politics
Minii la yaabo... -
SAYID MAX'ED CABDULLE XASAN: Was he a Mujahid Shahiid??
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to MoonLight1's topic in Politics
The 77/78 0gaden war - however heroic it was - is generally viewed by most as mistake. Who are the 'most'? You and your fellow cohorts? -
Magaceygu waa Afsoomaali. Da’deyda ma aqaan. Hayeeshee in dhaaxo waan soo joogay. Tartan badan waan soo maray. Afaf gumeyste ahaa waan ka guuleystay. Waan jiray. Oo noolaa. Gallad Eebbe ha iga gaadhee, intii uu Islaamku ku faafayay geyiga aan ku noolahay waxaan iska caabbiyay in aan liico—dabar-go’ warkiisaba daa. Kuwo aan degaan ahaan iga fogeyn iyo kuwo kaloo igula noolaa Afrika waxaa ka xoog-batay afafkii qalaad ee gumeysanayay. Anigu waxa aan gabbaad ka dhigtay suugaan hodan ah oo aan leeyahay iyo af nolosha si dhammeystiran u cabbiri karo. Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii gabayaasha. Garab ayaan ahay. Aniguu i kaashadaa Soomaali walboo uu haleelay jaceyl ugub ah, ama dhiillo qaran, ama dal-tabyo ba’ani, ama dareen dulmi-diidnimo. Waxaa kaloon ahay af hibo u leh oo ay iga soo burqadaan maanso murti iyo madadaallo leh—ama mid Alle-bari iyo sama-doon ah—lagana meeriyo oo looga damaashaado gole nabadeyn, ama xaflad arooseed, ama fagaaro caleemo-saarid, ama dabbaaldeg qaraneed. Ilaah wuxuu igu galladeystay awood aan ku cabbiri karo dhacdo walba iyo abuur walba. Waxaan ahay af-Soomaali. Waan is’hubaa. Xoolo-dhaqatada waraabka shubeysa, beeraleyda la foorarta yaambada, iyo kalluumeystaha xeebta ka jillaabanayaba waxaan ku maaweeliyaa hees hawleed. Dhallaanka ooyayee daallan waxaan nasiino uga dhigaa hees caruureed. Ardayga loox-jiidka ahee u oomman barashada afkiisa waxaan leyliyaa oo aan garaadkiisa ku kobciyaa hal-xiraale iyo googaaleysi. Waxaan ku xujeystaa “Googaa!” Say yiraahdaan, “Cadalle!” Saan iraahdaa, “Haddaan hayay.” Say yiraahdaan, “Waa hadalka.” Si aan nafta u baro, waxaan ku googaaleystaa Guntin macaan geed la fuul. Si aan wadnaha u baro, waxaan ku googaaleystaa Dudun yaree daba baruur. Si aan afka iyo ilkaha ku taxan u baro, waxaan ku googaaleystaa Idan yaroo aleelaale. Rag afkeyga kaashanayaa ifka uga tegay weydiimo maan-daalis ah. Indheer-garad baa yiri: Lugo goroyo ma horaadaa mise waa dambeeddo? Abwaan kalaa yiri: Hadduu dabkii dhaxmoodo, maxaa lagu diiriyaa? Hadday dawo bukooto, maxaa lagu dabiibaa? Hadduu dufan basaaso, xaggee dux looga doonaa? Sida la iigu kala badiyo af ahaan ayuu Soomaali walibana qaayihiisu la egyahay. Mid waa aftahan; mid waa af-maal; midna af-miishaar; ama af-garooc. Cawo iyo ayaan waxaa ii ahaa maalinkuu qarankii Soomaaliyeed si rasmi ah u askumay dhigaalkeyga 1972, laguna sii xijiyay Olilihii Horumarinta Reer Miyiga. Waxaan yara dhaliilsanahay in la igu keydiyo far qalaad oo Laatiin ah. Jeclaan lahaayaa in dhigaalkeygu uu noqdo farihii ay curiyeen maskax-maal Soomaaliyeed sida fartii **********, ama tii Cusmaaniya, ama tii Kaddare. Cakuye saboolnimo! Laatiinka looma iisheen haddii uu qarankii jiray awoodi lahaa sameynta ama soo iibsashada madbacad faafiso mid ka mid ah far Soomaaligii ay curiyeen aqoonyahan Soomaaliyeed. Waxay ahaataba, wixii intaa ka danbeeyay waan kobcay. Oo koray. Oo sii xidideystay. Oo xoogeystay. Oo xadaarad keydsan yeeshay. Ma aan ogeyne, waxaa igu soo baxay tartan hoosaad. Kooxo ayaa igu soo baxay la yiraahdo tiibo talyaani iyo tiibo carabi. Af-Ingiriisiguna kama xawaaro yareyn. Geed ayaa beri ku garramay “Gudineey ima goyseen haddaan badhkay kugu jirin.” Rag Soomaaliyeed baa u soo tafa-xeytay luggooyadeyda. Anigii oo nool ayaa afaf kale la igu milay. Waxaan lahaa Nagaad, markaasaa la igu beddelay Sabti. Waxaan lahaa Suni, markaasaa la igu beddelay Axad. Waxaan lahaa Sani, markaasaa la igu beddelay Isniin. Goodaar waxaa lagu beddelay Talaado; Goonyaadna Arbaco; Ugbaadna Khamiis; Hooyaadna Jimce. In badan waan iska caabbiyay. Qaran baa ii taagnaa. Aqoonyahan iyo suugaanyahan baa ii taagnaa. Hidde iyo dhaqan jiray ayaan ku ilaashanaa. Nabad iyo Soomaali qab-weyn ayaan higsanayay. Anigoo firfircoon—dhigaal ahaanna jirsaday 18 gu’—balse weli u sii baahnaa turxaan-bixin, ayaa waxa igu dul dhacday wax ay Soomaalida cusubi ugu yeeraan “qabta”. Qarankii i kabayay ayaa burburay. Isla xilliyadaasna waxay Ilmo Aadan u xuub-siibteen tiknoolijiyad dardarteeda wadata. Af ahaan waxaan la jaan-qaadi waayay isbeddelkaas cusub ka dib markii calankii ii babanayay uu la itaal-xumaaday daruur dhiig hoorineysa iyo duufaanno colaad oo kala firdhisay midnimadii walaalaha iyo maskax-maalka Soomaaliyeed. Da’yartii gudaha ku jirtayna waxay galeen meerto madow oo ma-dhammaato ah; kuwii dibedda u firxadayna waxay ku indho-sarcaadeen kombiyuutarrada iyo degellada internetka ee kobcinaya afaf qalaad. Sidii ruux gablamay ayaan dhabanno-heys miciin biday. Waxaan isku sasabay rajo ma gablanto, Rabbina ma war la’a. Siddeed iyo tobankii gu’ ee aan qornaa waxaa ii xigtay 20 gu’ oo dayac iyo dar-xumo ah. Waan shakiyay. Oo is canaantay. Oo aan is iri tolow ma nabsi ayaa ku heysta sidii wiilkii aabbihiis indhoolaha ahaa uga dhaqaaqay geedkii higlatible? Waan dayacmay. Oo doorsoomay. Dhexda ayaan ka baxay. Neef gowracan geed kama waabtee anigoo gagabaya ayaan waxa aan magan u noqday wadaaddadii. Waxaan lahaa maadaama diintu u baahan tahay in la kala dhigdhigo af ahaan, dadkana lagu baro af-Soomaali ahaan, wadaaddada ayaa ku weeleyn doono. Mise waa iiga sii dareen. Dugsiyo Islaami ah ayaa la furay. Anigoo af-Soomaali ahna docadocayn baa laygu sameeyay af shisheeye sidiisii. “Maktabado” ayaa dal iyo dibadba laga dhakoolay. Oo aan aniguna marti ka noqday. Waxaan lahaa ereyada baraarug, walaalo, gaal, iyo kuwo kale oo gooni u istaagi karo. Waxaa si doqon-ma-garato ah hoosta la iiga soo geshay saxwo, ikhwaan, murtad, muqaawamo, iyo kuwo kale…. Hooyooyinkii iyo caruurtii waxaa guryaha loo soo dhoobay “nashiido” aysan af-aqoon. Halkii ay aheyd in cunug qurbaha joogo loo badbaadiyo afkiisa, loona tix-geliyo Soomaalinimadiisa, waxaa caruurta sanka laga geliyay cajallado ay ka soo yeerayaan Dhalacul shamsu calaynaa! Kaaga daranee wixii nebi-ammaan ahee af-Soomaali ahaa waa loo “fatwooday”, oo la yiri waa “shirki” ama “quraafaat” ama “makruuh”. Sii aqriso.
-
Al shabaab oo su'aalo weydiinaya nin Reer baadiye video
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to oba hiloowlow's topic in General
Ismalura;685840 wrote: I don't like to take part in arguments about different sectors of diinta lakiin I can't stand the theory that Wahabisim brought Islam to Somalida." @ Tuujiye many people knew how to pray and read the Quran long before qixii ee talk for your self. Tajweedka kama fadli badna codadka kalee quraanka lagu akhriyo...there are different qira'aa styles and imitating a certain voice doesn't make you more religious. @ Ismahaan abaayo subac iyo quraan la xifdiyo suufiyada unbaa laga soo gaadhay. These new wadaado cajalada unbeeyba ka dhageysan jireen quraan. I guess we have our indvidual biases lakiin aniga quraan sufiyada unbaan ku arkay. Si fiican ayaa u hadashay. Hoo koob isbarmuuto isku qabooji. Tuujkana warkiisa ha u bixin, dhag jalaqna ha u siin, gadaal ka gaar in uu surwaalgaab seeflaboodnimo ugu noqdo rabaayee. Waraa Tuujka, shimee shuqul Barbaarta bilowday. Gabadha faraha ka qaad, waana Reer Kanadee. Yaa ku yiri Reer Kanada la hadal hortaba. Washamsi in laguugu qaado waaye, mise sida shuqul Barbaarta sameyaan waa in faraha lagaa gooyo maadaama dadka Quraanka kusoo baray u gaftay. Suufi-based kulahaa. Suufi la'aantood Soomaali, Eebba ka sakoo, si sahal diinteena kuma qaadateen. Waa degnaanta, dulqaadka iyo u samirka Suufinimada diinta lagu soo wad bartay, laguna qaatay, not gardheere iyo surwaalgaab isqarxin iyo hanjabaad waxaas noo keenee. Xoog diin dad laguma gaarsiiyo. Cajalka yar meesha lagu soo dhajiye haddaan ka hadlo, Barbaar ku sheegaas awalba waxaan iyo wax ka daran waa laga sugaaye. Kooda labada alif iyo ba' bartay ismoodo samada toddobaad soo taabtay. Kuwaas dad ee diin baraan iska dhaafee dadka inay ugu baxaan ka cabsanaa. -
Walaashiis, meel masaajid, washamsi walaa tahliil isa saarid dhaaftay la igu xukumay. Maya, mala i soo deyn. Xili dheer oo fog la igu xukumay. SOL budkeeda adaa la wareegtay waa arkaa, karbaashkaa dhamaan la'.
-
2011: A Miracle Year for Somalia or more of the same?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to NASSIR's topic in Politics
Can you folks stick with the topic at hand? Shiish. Maba la kala daalo miyaa. Sanad ka sanad isbursanoysiin, isna afxumeyneysiin. War kala leersada. -
Shame as K'naan is caught stealing Ethiopian music
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Daandurreey's topic in General
Actually if anyone steals from someone else, the credit should be given to Shego Band. This song's beat and words closely resembles to one of their popular songs. It is a song whose name escapes me now, but has similar beat and has those following words in its lyrics: Buug iyo qalin malii gadoo ABC malii dhigoo Calanka baluugga malii baroo -
Somalina;682361 wrote: Illaahow na cafi kuligeen! My eedo looks good. Midaa u bogay. Ma sheegaayi waa ayeeyo haddee.
-
Somalina;682660 wrote: Our very own "Beatles". Reer Naaji iga dheh. Cali Naaji iyo Axmed Naaji waa arkaa koley. Ninac, waaku salaamay. Meesha diracaaga ka shidan waa arkaa.