-
Content Count
17,576 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
318
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Ani a cup of French Vanilla or Icecap from Tim Hortons per day igu filan. Wax kale kaama rabi. Marka baraf kuugu dhamaado meesha rabtaa yaah? Awalba B. C. baraf badan ma lahayn, I guess.
-
Amiin Caamir dacaayad raqiis loo joogin uu iska galaa. Dadka ka qosolsii ee ka tahay, mar mar dhab ayee u baahantahay wuxuu gacanta ku sawiro. Dadkaan hadda lee soo baxeen in uu saas u dacaayadeeyo waaba iska raqiis. It says more about him than anything else. Wax walba sawir ahaan ugu soo horjeedaa, anigana nabadda Kanadana waaku noolaanaa ma soconeyso. Qashin isku badalee marka wixiisa.
-
The new TFG - Somalia's hope to stability!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalina's topic in Politics
Waxaa ka jeclaan lahaa inay dowladda la wareegto isbitaalka dhan. Dowladdaan aad u dadaaleysaa, bilaash difooso uguma ihi in Islii. Kuwa Barbaarta taageero joogo meeshaan inkastoo loogu badanyahay. Eebba ha u garabgalo dowladaan. -
Kaabalaadar noocee ka dhigee hee. Butus Baanjar, Salaamasee, Yuulka Disgoo, Shakti. Soo sheeg hee.
-
Cawaale, sheekada kuwaas camal ku socotaa, walaahi. Haddii wax laga qaban xaalka waa xumaan doonaa. _______________ Today's blog. Islii has apartment blogs with funny, eccentric nicknames. Dadka Islii ula baxay, waana wada caan. Waxaa kamid ah those apartments Burcadbadeed, Tifqaaye, Muuse Suudi iyo Jiniboqor. Tan Burcadbadeed loo bixiye waxaa ugu wacan a few years ago markii la degaaye it was one of the most expensive apartments built in Islii at that time. And two months of deposit la shubaaye, plus korontada lacagteeda iyo other fees. Therefore qaalinimo ahayd only a 'burcadbadeed' can afford la yiri. Tan Tifqaaye ah iyada wasaq ahaanteeda loogu bixiye. Dharka dadka kor degan waxee ku waraayaan dhexda oo kor xarko ku leh, dharkii oo qooyan tifiq tifiq iyagoo lehna dadka hoos maraayo qooyaan. Kuwa Muuse Suudi iyo Jiniboqor ma ogi sababaha, dadka loogu magac darayna malaha, waligoodna ma arkin.
-
Ururkaan waaba ka helay, dad aan aad u xishmeeyana wey ku jiraan. I hope mid dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa wax u taro noqdo. Waaba ku biiraa ururkaan, Rabi ha idmee.
-
Xisbi siyaasadeed ay horboodayaan dad caan ah oo xaflad gogolxaar ah loogu sameeyay London Xaafadda Wembley ee magaalada London ayaa shalay lagu qabtay xaflad loogu gogol-xaarayay xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabay Hiil-Qaran, kaasi oo ay qaabeyntiisa hor-boodayaan rag si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo siyaasiyiin iyo aqoonyahanno isugu jira. Halka lagu qabtay Xafladda ayaa waxaa ka soo xaadiray dad badan, inkastoo masraxa shirka ay fadhiyeen dad si weyn loogu ixtiraamo siyaasadda Soomaaliya sida Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Cusmaan Jaamac Cali Kalluun, Danjire Maxamed Shariif iyo C/qaadir Aadan Shiikh Jengeli. Liibaan Daahir Nuur oo ka mid ah Ardayda wax-ka-barata Jaamacadda London, isla markaana shirkaas ka qeybgalay ayaa qaabkii shirkaas uu u dhacay waxaa uu uga warramay Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da, wuxuuna sheegay in Xisbiga Hiil-Qaran ee shirka loogu gogol-xaarayay uu ula muuqday mid in muddo ah laga soo shaqeynayay oo hadda wixii ka dambeeya la doonayo in la shaaciyo, isagoo xusay in daadiyihii shirka oo ahaa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar uu mar ka dhawaajiyay in Dhuuxa Xisbigan uu yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen. Waxaa uu intaas ku daray Liibaan Daahir in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo shirka ka hadlay uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaalida isu tagto, isla markaana ay sameystaan wax ay wada leeyihiin oo aan ahayn Dowlad dalka dibaddiisa lagu soo dhisay ama sida uu u yiri ay wadaan dowlado shisheeye ah. Xisbigan Siyaasadeed ee magaciisu yahay Hiil-Qaran ayaa haddii si rasmi ah loo shaaciyo, waxaa uu noqonayaa xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay oo ay hoggaankiisa hayaan dad Qurbo-joog ahaa, kuwaasi oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeeda, waxaase is-weydiin leh sida Xisbigan uu lugta u soo gashan doono siyaasadda jaha-wareersan ee Soomaaliya, taasi oo aan hadda maareynteeda gacanta ugu jirin sida la wada ogyahay dadka Soomaaliyeed. Xigasho Shabakadooda waa tan.
-
Maydka ciidamada Burundiga oo daadsan!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Maaddeey's topic in Politics
Folksa, aflagaadada naga yareeya, baliis. Kamoon. -
Maydka ciidamada Burundiga oo daadsan!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Maaddeey's topic in Politics
Somalina;698137 wrote: Law student jailed in UK for posting terrorist propaganda online By The Associated Press (CP) – 1 day ago LONDON — A London court has sentenced a law student who posted Islamic terrorist propaganda on the Internet to five years in jail. Judge David Paget said Friday Mohammed Gul was "thoroughly radicalized" and that the sentence must serve as a deterrent to others . The 23-year-old was found guilty of five counts of distributing terrorist publications. The charges related to 30 videos posted online where Gul added jihadi songs to clips from al-Qaida, the Taliban and Iraqi media sites. Gul told the court he did not support terrorism but acted out of curiosity and his political beliefs. Scotland Yard took six months to review the data on Gul's laptop. The investigation involved the most extensive data review done by the anti-terrorist branch of the police organization. Copyright © 2011 The Canadian Press. All rights reserved. ----- Polanyi Soomaliya aad oo kaalmey your brothers. Maadeey Maanuur maaka cabsii isleedahay. Hayeey. ______________ M/weyne Shariif oo booqday goobihii Shabaab lagala wareegay Waa wareey, war ninkii ciidamo loo soo dhisay. They look professional. Asagiina African statesman la iska dhigooyaa, bakoorad lagu xaragoonooyaaba. -
Soomaalina, kuwaas downtown joogi jiray 'jokoro' ayaa la dhahaa, loomana ogola magaalada hoose, awalba wey ku yaraayeen. Hadda Islii ee joogaan qaarkood. Waardiyo ijaarkiisa xaa ku falee? Koley kama badnaanaayo boqol doolar, qaarkood even less than konton doolar waaye. Anaa free bodyguard kugu ahaanaayo iskeen. Sawirada xaafadaas kale waa tagay, waayadii hore inta joogay iyo haddaba, sawiro aan kasoo qaadayna dad ayaa ku jiro, marka masoo gilin kari inta. Laakiin sawir magaalada hoteel aan aroos u aaday on Boxing Day back in Diseembar ayaan haayaa oo hoteelka Grand Regency (aka Laico) kaga dhex qaaday. Kaas soo gilinaa next time. And speaking of South C, meeshaas guryo balaayo laga dhisay. All new gated communities and estates, oo quiet ah, oo wada Soomaali leh, gadatay, degana. Aad heersare u yihiin. Laakiin maxee kugu taalaa waa biyo la'aan. Fancy estates without biyo maxee sheegayaan. Islii ayaaba dhaanto oo ceelal u qodonyihiin some of the newly built apartments, including ours. Biyo la'aan maba dareeno. Haye, goormaa laga yaabaa imaatid oo rajeynee? Malika, LooooooL, runtii waa iga qosolsiisay and you reminded me what we Ciyaal Xamar used to do back in the day. As for a pet, we used to have pigeons (qooleey) and the more qooleey one had, the more protective one felt. So we used to hang bottles full of salty sea water on the top of qooleey's little homes, called saxaarad. So the evil eyes wouldn't harm the qooleey we loved.
-
Hollywood iska dhaafee Soomaali u noqo jilaa horta. Wax xirfad ama karti aad u baahantahay maleh, xoogaaga lee kaa xigo iyo afmiinshaarnimadaada. Haye, diyaar ma u tahay?
-
Maydka ciidamada Burundiga oo daadsan!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Maaddeey's topic in Politics
Bilowga dagaalka Warbaahinta ee Muqdisho iyo Dowladda oo aamusiisay Idaacadda Shabaab Waa bilow kale oo dhinaca dagaalka Warbaahinta ee horay uga dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda ka soo horjeeda ee Shabaab, iyadoo loolanka dhanka dagaalada uu sii kululeeyay dagaalka dhanka afka ee Barobagaandada labada dhinac. Tan iyo markii dagaalada ka bilowdeen Caasimada Muqdisho horaantii todobaadkan, isla markaana Dowladda KMG ay qaaday hujuum ballaaran ayaa waxaa waji kale sii yeeshay dagaalka dhanka warbaahinta. Muqdisho waxaa ka howl galla Idaacado kala duwan oo qaarna madax banaan, kuwana ku kala hadlay afafka dhinacyada isku haya Caasimada. Dadka Muqdisho waxay todobaadkan ku jahwareersanaayeen hadalada is khilaafsan ee Idaacadaha ka sii deynayeen dhinacyada dagaalka ku lugta leh oo guulo ka kala sheeganayeen. Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee IQK ayaa soo gudbinaya macluumaadka dagaalada, iyadoo wariyeyaasheeda ay jiidaha dagaalka ku sugnaayeen, Idaacada waxay gashay xaalad dagaal, barnaamijyadii caadiga ayaa noqday mid bedela xaaladaha dagaalka, waxaa sii wehliya Nashiido, iyo suugaano gabayo ah oo ka hadlay guubaabada dagaalka. Radio Muqdisho Idaacada afka Dowladda ku hadasha ayaa iyana ahaa kuwo la saan qaadayay dagaalka, waxay dib u soo nooleeyeen Heesihii wadaniga xilligii gumeystaha, iyo suugaano guubaabo ah, kaas oo bilow u ahaa duulaanka qorsheysan ee Dowladda. Labada warbaahin weerarkooda dagaalka afka waa sii xoogeystay labadii maalmood ee u dambeeysay, dadkana waxay ahaayeen kuwo hadba mar dhagaha u raaricinaya, si xaalada ay ugala socdaan. Balse maanta ayaa markii u horeysay abaarihii 11-tii barqanimo la waayay codkii IQK, iyadoo mowjada Idaacada ay ka soo gashay la dul saaray Radio Muqdisho, waa tallaabo dhanka dagaalka iyo moraalka Ciidamada ay u qaadeen, kadib markii si rasmi u aamusiyeen Idaacadaas. Mowjada FM-ka ay ka soo gasho IQK ee 102,5MHZ, waxaa la dul saaray Mowjada kale ee Radio Muqdisho ka soo gasho, ee dhirirkeedu yahay 90.00MHZ, tiiyo xaalada sidaas u muuqata ayaa labada mowjadood waxaa isku qabsaday Wariyeyaasha ka hadlay Radio Muqdisho. Xeyndaabka Dowladda oo si weyn loogaga dhageysanayay IQK ayaa waxaa banaday Dowladda oo dulsaartay mowjadeeda Raadiyaha codkeeda ku hadla, waana ficil kale oo dhanka dagaalka warbaahinta u qaaday. Arrintan ayay Dowladda macno badan uga dhigan tahay, taas oo dadka la socda arrimaha warbaahinta sheegayaan in dagaalka warbaahinta uu yahay mid qeyb lixaad leh ka qaadan kara dhanka dagaalada tooska iyo niyada ciidamada, si loo jahwareeriyo dhanka kale guulihiisa is daba jooga hadii ay noqdaan in lagu soo gudbiyo Iclaamka. Xigasho -
Maydka ciidamada Burundiga oo daadsan!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Maaddeey's topic in Politics
Maadeey Maanuur Maadkeer waa isku dhex yaacee. Hoobaa Hilowloow (heesta Sulfa lee kusoo xasuustaa magacaan) oo shaf qabin uu shaf aad leedahay yiri, Soomaalina oo shuf lahayna shuf kugu yaalo yiri. Wareer ahaa hee taas. -
Jacbaro ka qalee. The burgeoning Soomaali gangs of Islii. Wax ku bilowday ciyaal isbaheysi is seriously damaging the overall security of Islii, which was not that much to begin with. Nowadays, certain areas are no go-go on certain times of the night, otherwise gangs of Soomaalis would target you. They will violently punch or slap you hard, in your disorientation jeebabkaaga baaranaayo and ifyou resist, jirdil xun kuu sii geysanaayo. Some are armed with baangado. Mostly, the cellphones rabaan. They go together up to 12 in a group. They used to target one another, but now waa tuugnimo cad oo cabsi lahayn. Booliiska Islii ka yaraaday ugu wacan, but saan haddii lagu socdo booliis waa imaanaa and guess who will be targeted -- Soomaalida dhan, of course, oo waaba la iska qab qabsanaa awalba lacagtooda lagu noolaa markii la qabto bixiyaan. They just targeted two guys I know in the past two nights, in same exact area. One was on his mobile phone and talking when out of no where a guy slapped hard with his very phone pressed on his ear. He dropped it, and they took it. Weyba u qaleeyaan. Not the other guy, a brother to a girl I know. Xaley jugta ka giliyeen when he tried to resist of giving up his mobile. Asagoo buus buusan gurigood la geeye. Reer Islii certainly doesn't want Ciyaal Faaycali wannabe on the streets of Islii. Certainly not.
-
Maydka ciidamada Burundiga oo daadsan!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Maaddeey's topic in Politics
Meeqo barbaar oo ciyaal ah oo maskaxa laga duufsaday dagaaladaan ku hoobtay? Taas markaa ka jawaabtid meyd kale ka hadal. Soomaaliya 14 ilaa 20 jir aad ugu tirtirmooyaan, xasuuq tartiib tartiib ah, waana la ogyahay kuwa ka dambeeyo. -
Maxee tahay 'kkkkkkkkk.' Meesha qol chatroom maa mooday mise bahaltalk?
-
Heesta Islii gees ka gees ka qabsatay si kadis ah toddobaadyadii lasoo dhaafay. Qofkaa aragtidba, weyn iyo yariis, dhag dhag/dhab dhab ku haayo. Islaantoo guriga timid maalin hore iga qosolsiisayba. Heestaan qof ka dhageysanaaye on the laptop, markee aragtay tiri, "Labadaan beri lee yaab aragnay. Dhimasho, dhimasho lagu haayaa ee awal lama dhiman jirin miyaa." Ereyga dhimasho soo noq noqonaayo ku jirto heesta, taas oo ah intaan kala dhiman.
-
Soomaalina, abaaydiis, askarta dadka qabanaaye oo laaluushka ku noolaa Reer Islii wey ka neefsadeen in the past six months. Kuwa civilian clothes wato ahaayeen, and xataa qaarkood ex-askar ahaayeen, oo sheekadooda wey qaraxday until ay qabteen mid Sujuu askari dhar caadi wato. Bistoolado la iskula soo baxay and other enforcements arrived. Kuwii dadka qab qabanaaye meesha laga waday, filinkoodana saas ku qarxay, according to Reer Islii. This happened some six months or so ago. Markaan wax dad qab qabto maba jiro, unless it is the official raaf, oo guri ka guri, hoteel ka hoteel la galaayo, which happened a few months ago. Waagii hore aan joogay ayee mar i qabteen kuwaas, the night before the night I was about to leave. A copy of the passport with fiiso dhacday ku dhagan watay. Iyagii qosol, ‘we are not fools’ kulahaa. Waala murmay, that the original passport has a current visa on it, which was true. I didn’t bother making the new visa’s copy, instead the old one iska wad wadan jiray. Murankaa la mur murmaaye markuu arkay kulahaa and I quote, “You Canadians so arrogant, not Americans or British.” He means Soomaalida baasaboorada Galbeedka wato uu qabto. Canadiankiina ugu kibir badan kulahaa, oo markii la idin qabto you don’t pay easily. I told him sharci kusoo galnay, sharcina ku joognaa, and in Canada, sharci laga yaqaanaa. “This is Africa,” kulahaa. Anyway, in the end xoogahoo iska siiye jeebka iigu jirtay. And kaftan ay bilaabeen markaas, iyagoo leh, “You came from Canada, the best country in the world.” Haye fiiso makaaga soo diraa ku iri, oo gabar makaaga soo raadinaa. Haa kulahaa, ee runtaa miyaa. Haa iri, but first leave the innocent Soomaalis habeen walba qabsatiin alone. Asagii qosol, maxaa kaa galay kulahaa, you are not Soomaali. Dhiigeyga ah iri, waana ahay ee dadka qabsatiin iska dhaafa. Hadda kuwaas Soomaalidii weyba ka neefsatay. And about Kanadeeska being on the top-sought tier. Taas isweydiin maba leh. Soomaalida meel walba joogo Reer Kanada iska jecel, and kuwa Islii kasii daranba. Kanada is a league of its own, most sought destination. Kanada waa koow, and in second and far distance waa Australia and third places waa Ingiriiska ama Holland. Mareykankaba maba laga jeclo inta because dadka ka imaaday ayee arkaan oo wada laf lafo ah, doolar iyo nafba ka muuqan, not Kanadeeska. Reer Kanada inta yimaado wey dhalaalaan, dadka qurbaha ka imaado iyaga ugu dhalaalo. Bas, bas, bas amaanta yaanan iska badininee. About menus haddaa fursad u helo waa kuu soo sawiraa. Islii waa u kulushahay filaa, imoow iskeen waaka helee. Canjeero kulul with beer subax walba haddaa heshid adi maaba hadleysid. But don’t leave your Angel sunglasses, it is a must. It is a bit dusty here sometimes. Sensei, wiil aan aqaano ayaa Juba u socdo, in the next few weeks waa baxaa lahaa. Horena waa u maqlay dad badan aaday ee meeshaas koley Soomaalida waxee ku arkeen, especially since it being a very expanding town and soon, a future capital city. So it is growing rapidly, I guess. Soomaalidana wey ka faa’ideysaneysaa. However, aad iyo aad u kulushahay la yiri. Kuleel saa’id ah. About the upmarket cafe I was suggesting about, there is a one in downtown Nayroobi, called Coffee Pub and it is among with three highest coffee houses, along with the international Dormans and Nairobi Java House. All isku dhaganyihiin ama iska soo horjeedaan. A Soomaali Canadian owns Coffee Pub one. I wish mid kaas camal Islii laga furo. Jacfar, brother, which part of Islii aad joogtay. A ‘ghost town’ at night? Oh, kamoon. Adaa meel xun ka joogtay filaa. Generally, the main, historical part Soomaalis used to live is generally and relatively as safe as any other part of Nayroobi. This area’s boundary starts from the 5th Street to 12th Street. All those streets and the main avenues that sandwich them are safe until the wee hours of dawn. And some parts of it, like 7th to 12th Streets, it is safe until dawn. Mar mar daaqadda ayaan fiiriyaa mar aan musqul usoo kaco and Soomaali ayaa ku qayileyso banaanka around 3 am, 4 am, in front of their marfishes. Ghost town aad ka hadleysid waxaa ka wadaa filaa the main street (1st Avenue) suuqa dhex maro habeenkii xiliga dambe cidlo ayuu noqdaa maadaama wada dukaamo yihiin, but kan kale (2nd Ave.) ayuu dadka u bataa kaas ayaa residential ah. I guess your two nights stay was short oo saas uma kala arkin filaa. How was Mambaasa? And of course Islii being a commercial part of Nayroobi oo intaas oo lacag ku jirto, it obviously would attract unwanted elements and people. Waa runtaa, tuugo wey joogaan, meelaha cidlada dadka ku gaadaan during late time of the night. Xataa tuugo dhalinyaro Soomaali oo gang ah, a la Ciyaal Faaycali-style, soo baxday recently, oo mindiyo wato. Late at nights ayee ka qaraabtaan in certain areas, waana shame. Caydaruus, so ma arkin miyaa waxaa earlier soo dhajiye. Yes, I have been to Kilimanjaro too many times. And waana runtaa iyadaa Islii ugu shidan, waana very modernised maqaayad. Laakiin their pizza waa marax big time. Reer Islii ha ugu booteeyaan pizza sameynaa, but waxaas real pizza aan naqaanay ma’aha.
-
Libya: Anti-Gaddafi protests spread to Tripoli
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Waa fiirsanaaye on Aljasiira, waana iskaga tagay markuu iska had hadlaayo. Ninkaan caadi uu qac u yahay. Habeenkii xaley tagay waaye in uu fiyoowyahay. Soomaaliyana tusaale xun noqotay, a bogeyman oo magaca dalkeena kii dadkiisa ka cabsiinaayaba wuu isticmaalaa. Xataa Falastiimiintii isticmaasho, especially when the 'Palestine Papers' Aljasiira published two months ago. His son, Seefta Islaamka (), used the Soomaaliya bogeyman, too, in his last speech. -
Malika, Mowliid ma holiday ayuu ka yahay Kenya? Uma maleeyi. Sensei, tough question you asked on there. On a glance one would think Islii (I can't comment about the wilder Nayroobi) doesn't need anything and it got everything under the sun, but on a further look, one can still see it needs this and that. One aspect I think it lacks is high-end cafe, not as high as Starbucks, but certainly one that is between Tim Hortons and Starbucks. I believe inay soconeyso if maamul wanaagsan iyo dhaqaalo adag la giliyo, dad badan ayaa lacag ku heysto inta and wouldn't mind spending a few shillings of theirs to relax, especially since Soomaalida iska war jecelyihiin iyagoo fadhiyo. About the flags, waala iska waday, I guess. Dadka waday maba ogeyn in uu yahay upside down. Soomaalina, I just had suqaar iyo sabaayad at a maqaayad with a friend just short while ago. If I knew waa kuu soo sawiri lahaa, though that suqaar sucked. The suqaar version of Islii and kan Soomaalida dalalka Galbeedka degan maqaayadahooda sameyaan laba kala yahay. Islii's suqaar is more like kalaankal. Marax iga dheh. Che, hoteelada in mid-range prices waxaa qaarkood la dhahaa: Landstar, Gulf Place (aka Shariifka), Barakaad, Xiddig, Kaah iyo kuwa kale. My personal recommendation would be Landstar. Qaarkood hoteelada wadaado ayaa leh oo dadka wareerinaayo, I mean like no visitors allowed, no going out on certain times. Kuwaas ha isku degin. Saak, hadduu xuska dhalashada Nabigeena (NNKH) dadka ka wada dhigaayo 'Suufiyo,' then we all are. Meeshaan gardheere waa joogaan, dadkaa ku sheegtay 'Suufi' iyagana waa joogaan. In fact, masaajido ayaa la kala leeyahay, waana la iscaayaa qudba ka qudba each Jimco. Waa yaabeysaa. I will blog about this in another time. Wyre, haa, wey ku dhaaftay.
-
-
Rejected Members: 163,670+
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Waxaan cag cagaaran magacyada hoostooda ku qoran (if you put the cursor on it, it says heblaayo hebel is a name known to all) iyo 'rep power' xee ahaayeen? Aniga waa dambeeyaa see camaleeto waxbaaba iga dambeeyee. -
Kobcinta aqoonta af-soomaaliga
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Positive's topic in News - Wararka
Mahiigaan waxaa u aqaan wax isdaba socdo oo awood ku socdo, sida roob xoog ku socdo camal oo aan kala joogsi lahayn. Roob mahiigaan maqli jiree. Kuwa kale waa usoo noqonaa, xaaji.