-
Content Count
17,633 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
1 Luulyo oo Laga Xusay Garoowe Xuska Luulyo oo ah kii 51aad ee ayaa Laga Xusay Qaar Ka mida Dhulka ay soomaalidu Degto , Munasabadda oo ahayd Mid Heer sare loo soo Agaasimay ayaa waxaa Lagu Qabtay Aqalka Madaxtooyadda Puntland ee Garowe, Xafladda ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Golayaasha Dowlada Puntland,& Qaybaha Bulshada sida Isimada,Culimada Haweenka & Marti sharaf kale ,ay ka mid ahaayeen saraakiil ka socday Safaada Ethopia ay ku leedahay Puntland, Ugu Horeyna Waxaa Codbaahiyaha Lagu soo DhaweeyeyShiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mida Culimada Puntland,waxaana uu Dardaaran u jeediyey Umada Soomaaliyeed uguna Baaqay in ay ilaahay ka Cabsadaan Dhowraana Sharaftooda iyo Tan Dalkooda Madaama Soomaalidu Dagaalo sokeeye soo Martay Kuwaasoo aad wax looga Xumaado uu ku Tilmamay Shiikhu,Bulshada Puntland ayuu ugu Baaqay In ay ilaashadaan Nabada iyo Xasiloonidda ayna ka waan toomaan Coladaha Sokeeye ee aan Diinta & Dhaqanka Midna la Xiriirin, Abwaaniin ay Ka midyihiin Jamac kadiye, Cabdiraadir Shube & Xalimo Puntland ayaa jeediyey Gabayo & Buraanburo aad u Qiira Badan oo ku saabsan Maalintan 1 luulyo iyo Ahmiyada ay u leedahay Bulshada Soomaaliyeed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa Codbaahiyaha Loo Dhiibay Hadalo Kooban ayuu jeediyey wuxuuna yiri Munaasabadan waa Mudantahay Xusitaan ,Waa Nasiib Daro in Caawa Xoriyadaas iyo Halgankii aan Guud ahaan soomaaliya Laga Xusayn Dhibaato Dadku Geysteen Awgeed, Garaase Waxaa uu Xusay Asaaskii Puntland waxaana uu Sheegay in ay Qayb Libaax ka Qateen Isimadu Dhismhii Xiligaa waa wax Baal dahaba ugu Yaal Dadweynaha Reer Puntland , Salaadiin ahaan Hadaan aragno Daldaloolada iyo Lumitaanka wixii aan Geedka ku Yagleelnay Kama Laaban Doono Gacmaha, Maamulka ayuu ku Booriyey in ay u Guntaeen wixii ay u Dhaarteen, Boqor C/laahi Axmed Cali ayaa isna ka Hadlay Heerka Amaanka Gobolada Puntland ,waxaana uu Bulshada Ugu Baaqay in amaanka lagala shaqeeyo Ciidamada ku Howlan si loo Helo Nabad Caam ah,Xukuumaduna Ha ku Faaneen Shaqada loo igmaday intii ay isugu Faanayaan Hantida & Tabaca , Boqorka ayaa sidoo kale ugu Baaqay Ciidamada Amaanka in ay ku Dadalan Xilka iyo Masuuliyada ka saran Dalka & Dadka ayna ku Dadaalan sugida iyo Xaqiijinta Nabadda , Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa sheegay in aan lagu koobi Karin Hadal Qiimaha 1 Luulyo marka loo eego Ahmiyadda ay noogu Fadhido hadaa nahay soomaali, ugaasku waxaa uu ku dheeraaday Siyaabihii loo Xusi jiray Xiligii Dowladii Dhexe ee soomaaliyeed ay Jirtay,” Xiligaa Ma jirin Qabiil & Xisbiyeyn Maantana waxaa Dalkeenii Ragaadiyey Labadaa Shay oo aad Bulshadan u Isticmaasho. C/rashiid Maxamed Xirsi Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Qaatay Hadalka waxana uu ku Dheeraaday Xuska Maalinta,Gudoomiyuhu waxaa uu ka Hadlay Farqiga u dhaxeeya Dhalintii Hore & Kuwa iminka Jooga, “ waxa Maanta ka socda Dalka waxaa Lafdhabar u ah Dhalinyarada , Gudoomiyuhu waxaa uu Xusay Coladaha Qoysaska Puntland ka Dhaca ,waxaana uu ku tilmaamay waxan Sal iyo Raad Toona Lahayn ,waxaana uu ugu Baaqay in la xakameeyo Dagaalada aan Micnaha ku Fadhiyin. Sawiro -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Soomaaliya 1-da Luulyo oo xalay laga xusay magaalada Boosaaso Munaasabad balaaran oo lagu xusayo 1-da luulyo oo ku beegan xiligii gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay madaxbanaanida ay ka qaateen gumaystihii Talyaaniga islamarkaana ay la midoobeen gobolada waqooyi ee dalka ayaa xalay ka dhacaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabad lagu qabtay guriga gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland,dadwayne,siyaasiyiin iyo ururada haweenka iyo kuwa dhalinyarada ee magaalada Boosaaso. Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay kuxigeenka duqa magaalada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir waxaana uu sheegay in munaasabadan ay tahay mid lagu wayneenayo xiligii umada Soomaliyeed ay ka xoreebeen gumaytihii Talyaaniga,waxaana uu sheegay inuu si’aad ah uu ugu faraxsanyahay munaasabadda. Siyaasi Barqad Cali Saalax oo ka mid ahaa marti sharaftii kasoo qaybgashay kulanka ayaa ka sheekeeyay qaabkii shacabka Soomaliyeed ay u soo mareen sidii xoriyadooda uga qaadan lahaayeen gumaystihii dalka Talyaaniga iyo dhibaatooyinkii gumaystaha uu ku hayay shacabka Soomaliyeed. Waxaa uu sheegay xoriyada maanta ay harsanayaan shacabka Soomaliyeed in loosoo maray dhibaatooyin waawayn oo isugu jirta dil,xabsi iyo waxyeelo kale duwan,waxaana uu sheegay in dhalinta Soomaliyeed in maanta looga baahanyahay in iyagoo isku duuban ay calanka Soomaliyeed ay ka qaadaan meesha uu maanta yaalo. Duqa degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje oo ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu ka sheekeeyay xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo qaankii ay u xoriyadooda u qaateen shacabka Soomaliyeed,waxaana uu sheegay in munaasabaddan uu ku faraxsanyahay,waxaana dhinaca kale uu ka hadlay xaaladda ka jirta dalka Soomaliya waxaana uu sheegay in guud ahaan umadda in looga baahanyahay inay midoobaan. Xuska 1-da luulyo oo ay siweyn loo soo qabanqaabiyay ayaa hadalo badan iyo dardaaran kadib waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidamo katirsan dowladda Puntland kuwaasi oo gaardis kusoo bandhigay madasha ay kasocotay xafladda,waxaana ay salaan sharaf ay ka qaateen masuuliyiintii goobta ku sugnayd. Waxaa intaasi kadib la saaray calanka Soomaaliya,waxaana hal mar isbadalay jawiga goobta xafladda ay ka socotay oo hal mar laguda galay sacab iyo farxad kale duwan. Munaasabadda ayaa intii socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah waxaana goobta siweyn u soo camiray dhalinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho oo ka yimid degmada Carmo ee gobolka Bari. Haweenka iyo dhalinyarada kasoo caratay xaafadaha Horseed iyo Dayaxa ee degmada Carmo ayaa ciyaaro xiiso badan oo soo jiitay kasoo qaybagalayaasha xafladda soo bandhigay,waxaana ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka dadkii cayaaray ka mid ahaa kuxigeenka duqa degmada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir. Si kastaba munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Denmark Xaflada Xuska 1-da Luulyo ee Magaalada Odense Dalka Denmark Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa abid markii ugu horeeysay lagu qabtay magaalda Odense, isla markaana si’aan horay loo arag looga xusay 1-da Luulyo 2011, halkaas oo ay isugu soo baxeen dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Odense intoodi uu ku jiray dareenka Wadaninimo. Xafladan Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa soo agaasimay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense oo ay aad ugu weeyntahay Wadaniyada iyo xurmada ay u hayaan dalkoodi hooyo. Furitaanka xaflada xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa ka jeediyay qudbad dheer oo ku saabsan dhibtaada loo soo maray Xoriyada iyo Taariikhda Soomaaliyeed Nabadoon Faarax Raage iyo Nabadoon Xuseen Xasan, Dr. Maxmed Faarax Jaamac oo sadexduba ah odayaasha magaalada Odense, halkaas oo dad badan wejiyadooda qarisay ilin, aadna arkeeyso inay marba masaxayaan indhahooda, taa oo ay ugu wacneed dareenkooda dhibka loo soo maray Xoriyada iyo baahida ay u qabaan in dalkeeni helo nabad. Waxaa kaloo kasoo qeeyb galay xafladan xuska 1-da Luulyo Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Børgeparken iyo ku xigeenadiisa Cali Diiriye Maxamed, C/qaadir Ibrahim Cali Shire iyo C/risaaq Labaale, Aqoonyahano, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Hooyooyinka magaalada Odense ee dalka Denmark. Xafladan Xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay Park weeyn halkaa oo ay heeso wadani ah oo kiciyay dareenka dadka ka soo qeeyb galay Xaflada ay ka qaadeen fanaaniinta da’ada yar iyo da’ada weeyn Sheekh Nuur, Cali Ukun, Leeyloon,C/casiis (Jarmal), halka ay isku xirka iyo iskuduba ridka ay daadihinayeen C/llaahi Bashiir, **** Axmed Ismaciil, Hani Maxamed Faarax, Cawil B Axmed iyo C/salaan Yuusuf Axmed iyo dhaliyaro kale oo fara badan oo door muhiim ah ka qaatay in la qabto Xaflada Xuska 1-da Luulyo2011. About Us Contact Us. rss Xaflada Xuska 1-da Luulyo ee Magaalada Odense Dalka Denmark. Sawiro. Published on July 1, 2011 by admin · No Comments July 1, 2011: Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa abid markii ugu horeeysay lagu qabtay magaalda Odense, isla markaana si’aan horay loo arag looga xusay 1-da Luulyo 2011, halkaas oo ay isugu soo baxeen dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Odense intoodi uu ku jiray dareenka Wadaninimo. Xafladan Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa soo agaasimay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense oo ay aad ugu weeyntahay Wadaniyada iyo xurmada ay u hayaan dalkoodi hooyo. Furitaanka xaflada xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa ka jeediyay qudbad dheer oo ku saabsan dhibtaada loo soo maray Xoriyada iyo Taariikhda Soomaaliyeed Nabadoon Faarax Raage iyo Nabadoon Xuseen Xasan, Dr. Maxmed Faarax Jaamac oo sadexduba ah odayaasha magaalada Odense, halkaas oo dad badan wejiyadooda qarisay ilin, aadna arkeeyso inay marba masaxayaan indhahooda, taa oo ay ugu wacneed dareenkooda dhibka loo soo maray Xoriyada iyo baahida ay u qabaan in dalkeeni helo nabad. Waxaa kaloo kasoo qeeyb galay xafladan xuska 1-da Luulyo Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Børgeparken iyo ku xigeenadiisa Cali Diiriye Maxamed, C/qaadir Ibrahim Cali Shire iyo C/risaaq Labaale, Aqoonyahano, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Hooyooyinka magaalada Odense ee dalka Denmark. Xafladan Xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay Park weeyn halkaa oo ay heeso wadani ah oo kiciyay dareenka dadka ka soo qeeyb galay Xaflada ay ka qaadeen fanaaniinta da’ada yar iyo da’ada weeyn Sheekh Nuur, Cali Ukun, Leeyloon,C/casiis (Jarmal), halka ay isku xirka iyo iskuduba ridka ay daadihinayeen C/llaahi Bashiir, **** Axmed Ismaciil, Hani Maxamed Faarax, Cawil B Axmed iyo C/salaan Yuusuf Axmed iyo dhaliyaro kale oo fara badan oo door muhiim ah ka qaatay in la qabto Xaflada Xuska 1-da Luulyo2011. Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhamaan ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku ciyaarayeen goobtaas caruur yar yar iyo dhalinyaro dhamaantood ku wada xaragoonaya Dhar ay ku sawiran yihiin astaamaha Calanka Soomaaliyeed iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dhanka hooyoyinkana waxa ay soo bandhigeen buraanburo ay ku luuqeeynaysay Marwo. Abshiro Salaad Halka hooyoyinka kalena ay iyaguna ku muujinayeen dareenkooda Soomaalinimo cayaarti buraanburka, taa oo iyana sii kiciysay dareenka dhamaan dadkii kasoo qeeyb galay Xuska 1-da Luulyo 2011 oo mar qura qeeylo afka furtay. Waxaa ah wax aan la hilmami karin dadkana dareenkooda aad u kiciyay dhalinyaro yar yar oo qaarkood laga yaabo weligood inaysan arag Soomaaliya, balse ay ka muuqatay Wadaninimo aysan ku jirin hagrasho taa oo dadkii ku noqotay yaab iyo amakaag. Erayadii ugu qiimaha badnaa ee ay dhalinyaradan adeegsanayeen iyaga oo indhahooda ka muuqato ilmo ayaa waxaa ka mid ahaa Soomali Waa Hal Dad, Soomaaliya Waa Hal Dal, Soomaaliya Nabad insha allah. Dhalinyarada Odense ee abaabushay Xuska 1-da Luulyo ayaa waxa ay yihiin kuwo mudan in hiil iyo hooba lala garab istaago si ay u baahiyaan dareenkooda Wadaninimo iyo baahida ay u qabaan dalkoodi hooyo oo hela Nabad iyo Dowladd baahi tiri karta Shacabka Soomaaliyeed. Xaflada ayaa waxa ay bilaabatay 13.00 duhurnimo waxa ayna dhamaatay 21.00 habeenimo, waxa ay xafladaas Xuska 1-da Luulyo 2011 kusoo gabagaboowday Guul iyo sidii ay ugu tala galeen dhalinyaradii soo abaabushay ee Soomaaliyeed. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xafladdo lagu maamuusayo maalinta xornimada Soomaaliya oo ay ka soo wareegatay 51 sannadood ayaa lagu qabtay meelo ka tirsan Soomaaliya Munaasabaddo lagu maamuusayo maalinta Kowda Luulyo oo ah markii gobollada Koonfureed ay xorriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Somalia ayaa waxaa lagu qabtay meello kale duwan oo ka tirsan gudaha Soomaaliya iyo dibeddaba. Xarunta madaxtooyada ee Muqdisho, waxaa xalay ka dhacday xaflad lagu xusayay kowda Luulyo, taasoo ay ka qeybgaleen mas'uulliyiin uu ka mid yahay Raisal-wasaaraha Somalia, Dr. C/weli Max'ed Cali, guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka tirsan madaxda Hay'addaha dowladda KMG ee Soomaaliya. Xafladaasi waxaa saqdii dhexe markay ahayd lagu saaray calanka Soomaaliya. Dhinaca kalena, Qaar ka tirsan maamullada ka jira gobollada Somalia ayaa sameeyay munaasabaddo ay ku xusayeen maalinta kowda Luulyo. Sidoo kale, magaalada Nairobi waxaa ka dhacday xaflad lagu xusayay maalinta kowda Luulyo oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi. Qaar ka tirsan waddamada dibedda ee ay ku nool yihiin qurbojoogta Soomaalida ayaa waxaa sidoo kale laga dhigay xafladdo lagu xusayay maalinta xornimada Soomaaliya. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
From Raadiyo Muqdisho website: Munaasabadda 1da Luulyo Oo Lagu Xusay Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay maalinta xornimada gobollada koofureed iyo midowgii labada gobol ee koofur iyo woqooyi ayaa waxa ay ka dhacday xarunta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo dhowaan soo Gabgabowday dacwad ku saabsaneed lahaanshaha dhulka safaaradda. Xaflada oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Safaarada, waxaana ka qeyb galay boqolaal Soomaalida ku nool dalka Kenya iyo marti sharaf wadamo kale kaga yimid in ay xafladaan ka qeyb qaataan, sida faanaaniinta kala ah Ustaad Axmed Naaji Sacad, iyo Saado Cali Warsame oo labadaba heeso wadani ah ka qaaday goobta, kalmadana ka jeediyay iyaga oo ammaanay dadaalka ay safaaraddu gashay soo celinta dhulka soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa martida ka mid ahaa xubno ka socday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab oo sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay ka qeyb galaan xaflad tan la mid ah, mudo 20 sano ahna ay dagganaayeen dalka Kenya, waxa ayna uga mahadceleyeen Danjire Cali Ameeriko oo marti geleyay, kafaala qaadayna inta ay magaalada Nairobi joogaan, isla markaana dib ugu celin doono xeryahooda, markii xafladu soo gabagaboowdo. Dhanka martida ajaanibta ah iyana waxaa kamid ahaa safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, iyo Safrro kale oo ka socday wadamo Soomaaliya saaxiib la ah, oo iyana aad ugu ammaanay sida ay soomaalidu ugu midoobeen in ay helaan dowlad ay u wada dhanyihiin. Safiirka oo hadal kooban u jeediyay ka soo qeyb galayaasha ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday arrinka qaxootiga isga oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee hantida heysta in ay barbar istaagaan walaalahooda dhibaateysan, waxa uuna Illaaheey uga baryay ummaada Soomaaliyeed midnimo iyo nabad waarta, oo gaarta dhamaan geyega Soomaaliya. Xafladan ayaa waxaa miisaan dheeeri ah sii siinaya goobta ay ka dhacday oo ah dhul ay soomaalida leedahay oo aan ahayn mid kira ah, walibana waqti xasaasi ah oo ay warbaahinta Kenya hadal heyso wararka ku saabsana maxkamadda iyo isku dayo racfaan oo dhanka Hindidii iibsatay ka socdo. [source: Barkulan] -
Well, facebook is a sea of blue today. Well, at least Soomaalida badankooda aan ogahay. I am very glad to see this spirit of solidarity. Keep it up, Soomaaliyeey!
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Feestada Kowda Luulyo ka dhacday safaaradda Soomaaliya ee dalka Kiinya xalay. The legends Axmed Naaji Sacad and Saado Cali Warsame were both there in their majestic ways. The embassy is a large mansion, but xalay it was full of beautiful Soomaalis with their equally beautiful blue adornments. I was, in the words of the ambassador Max'ed Cali Ameerika, "afka juuqda gabay." The embassy was recently re-acquired by the Soomaali people after a very long, long (15 years) struggle in judicial process of Kenya. It was corruptly sold to a Hindi living in Kenya in mid '90s. All thanks to every Soomaali dalkiisa jecel u istaagay badbaadinta safaaradaan. It is located in the prime, leafy parts of Nayroobi's Westlands. Somewhere in there is the queen of daljecelnimo Saado Cali Warsame Somehow I couldn't upload other pictures, but I will soon, Eebba ha idmee. -
Countdown to AbdiWeli's Visit to Zenawi's Villa!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Som@li's topic in Politics
Soomaali meel xun laga heystaa runtii. Addis Ababa sida loo wada aado wey isku wada raaceen, ismana arki karaan iyaga dhexdooda dhul Soomaaliyeedna inay ku kulmaan wey diidayaan. Yaab. -
I do love reer Xamar maahmaah -Thread
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Qodax Qorax's topic in General
Aaliyyah;730916 wrote: lmao what does that even mean..I heard been hadaad shegasid been run u eeg sheeg..macnuhu ma intaas uun baa.. I know many mahmaahs, but I have never differentiated them to be reer xamar or otherwise. I just know them as somali maahmaah.. "Been haddii sheegeysid, been dacas qabto lee sheeg" waxaa loola jeedaa, waa saa sheegtee, mid run u eg sheeg. Yacni been qaawan ha sheegin, oo dhar xataa haddee wadan dacas (sandals) u gili oo qurxi. Ma kastay hadda? -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Masoo dhaqsaninee but I don't know inaa waqti helaayo beri. So... -
It is the day, so if aad dalkaaga iyo dadkaaga jeceshahay, facebookna ku jirtid, show your daljecelnimo on facebook.
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koobka koowda Luulyo oo lagu wado in lagu qabto Xaafada Southall Waxaa lagu qabanayaa magaalada London gaar ahaan xaafada Southall koob loogu magacdarey ‘’koobka Koowda Luulyo’’, oo ku beegan 51-guuradii madax banaanida dalka Soomaaliya, yacni markii Soomaaliya loo aqoonsadey inay Qaran buuxa oo xor ah tahey. Koobkaas waxaa ka soo qayb galaya ilaa 7 kooxood oo u badan dhalinyarada cuslaatey ee degan magaalada London xaafadaheeda iyo hal koox oo ka socota magaalada Manchester kuna magacdheer (Old Boys team), waxaana soo qabanqaabiyay mudane Cabdikariin Cabdulle Shiidle “Black’’ iyo Mustaf Farey oo labaduba ka soo mid ahaan jirey ciyaartooydii hore kooxaha Wagad iyo Badda ee barisamaadka dalka Soomaaliya, kuwaasoo sanadihii ugu dambeeyay deganaa xaafada Southall. Ciyaarahaan xiisaha badan waxaa lagu qaban doonaa maalinimada Sabtida taariikhduna tahey: 02/01/2011 Saacaduna tahey : 12:00 duhurnimo Garoonka weyn: Dominican Centre 112 The Green. Southall Waxaa barnaamijkaan marka laga soot ago kooxaha ka qayb galaya marti sharaf isboorti iyo ururada isboortiga dalkaan ka dhisan kuwooda ugu wanaagsan, halka SSPAMEDIA & Barnaamijka faaqidaada Cayaaraha TV-ga caalamiga ah ee Universal uu gacan weyn ka geysan doono sidii uu bulshada Soomaaliyeed ee isboortiga jecel ugu soo taban lahaa tartanka lagu weynaynaayo maalintii dalka Soomaaliya laga surey Calanka Buluuga ah,islamarkaana aan ka xaroowdey gumaystaha reer Galbeedka. Hadaba hadii aad doonaysid wixii faahfaahin ah kale xiriir Black iyo Mustafe oo ah gudiga qabanqaabada koobka koowda Luulyo ee lagu qaban doono magaalada London gaarahaan xaafada Southall. Xaafada Southall waxaa degan jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u farabadan Allaha deystee, kuwaasoo aad u jecel isboortiga kuna wanaagsan martisoorka martida timaada xaafadda Southall, kuwaasoo diyaargaroow ugu jira sidii ay u martigalin lahaayeen koobka koowda Luulyo. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mgaalooyinka Gothenburg iyo Söderhamn iyo wacdaraha maalinta Xuriyada Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka Gothenburg iyo Söderhamn waxaa lagu wargalinayaa in munaasabada maalinta xuriyada ee kowdda luulyo la qaban doono 2-da bisha Luulyo, iyada oo xafladahaasina ay ka soo qeybgali doonaan fanaaniin iyo abwaaniin, iyo sidoo kale taariikh yahano ka sheekeyn doono halgankii xuriyada loo soo maray. Hadaba si aad faahfaahin dheeraad ah u hesho halkan ka daawo goobta lagu qabanayo xaflada Söderhamn. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kowda Luulyo: Ciid wanaagsan dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba oo aad joogtaan -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sanadguuro wanaagsan oo wacan mar kale Soomaalida sharafta leh dadkooda iyo dalkoodaba wada jecel. Mar kale guul iyo gobonnimo wanaagsan. Kowda Luulyo ha waarto, ha jirto, hala xuso - halyeey baa madaxbannaanimadeena naftooda iyo maalkoodaba u huray. Waana xasuustii iyaga iyo dhammaan inta dalkeena iyo dadkeena u soo halgamay. Ha jirto Kowda Luulyo! -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sidee Loogu Diyaar Garoobay Maalinta Qiimaha Badan ee 1-da Luulyo Waxaa I Naga Xigta Hal Maalin Iyo Saacado Maalinta Qiimaha Badan Ee Xurnimada Qaadanay Ee Ku Beegan 1-da Luuliyo Oo Ah Habeenkii aan Ka Xurownay Gumesytiahii Talyaaniga Isla Markaana ay Midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koofur, Waa Maalin Qiimo Badan Guud Ahaan Shacabka Soomaaliyeed Meel Walba oo ay Joogaan u Dabaal Daga Isla Markaana U Sameeya Fantastiyo Ku Aaadan Maalitaan Dabcan Sanad Walba waxa uu Wataa Wacadaro Gooni ah Iyo Marxalad u Gaar ah oo ay kaga Duwan tahay Qaabka Loo Qaabilo Maalintaan Qiimaha Badan ee Kowda Luuliyo,Taa oo Sababeynayo Xaaladaha Cagiran ee Ka Jira iyo Dagaalada aan Dhamaad Laheyn ee Hareeyay Caasimadii Dalka Hooyo iyo Deegaanada Dalka Hooyo Ee Soomaaliya.Nasiib Darada Haleeshay Shacabka Soomaaliyeed Ku Dhawaad 20Sano Si Wada Jir ah Uma aysan Xusin Maalinta Qiimaha Badan isla Markaana ugama Aysan Arag Fagaaraha ee looga Bartay In Loogu Dabaal Dago Maalintaan Qiimaha Badan , Sanadaan Soomaalida Waxa Dhamaan Magaalooyinka ay ku Nooshahay Waxaa Laga Dareemayaa Dahq Dhaqaaqyo Culus iyo Diyaar Garow Xoogan oo ay ugu Jiraan Soo Dhaweynta Maalinta Calanka Soomaaliyeed ee Kowda Luuliyo,qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada,Fanaaniinta ayaa Wada Dhaq Dhaqaaaqyo ay kusoo Dhaweynayaan ayadoo ay horseed u yihiin Bulshada in ay Kala Qeyb qaataan Xuska 1 Luulyo,Goobo Badan ayaa Loo Diyaariyey si Bulshada Isugu Timaado Isla markaana ay Meel ugu wada Xusaan, Xarunta Madaxtooyada Ee Dowlada KMG ah Soomaaliya Ayaa La Faliyaa in Lagu Dhigo Munaasabad Balaaran oo Loogu Dabaal Dagayo Maalintaan Qiimaha Badan Waxaana Munaasabadaas Ka Qeyb Gali Doono Madaxda Sarsare Ee Dowlada KMG ah Soomaaliya,Mas,uuliyiin Kala Duwan, Golaha Barlamaanka,Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Marti Sharaf kale oo Aad Badan,Sido kale Munaasabado kuwaan La Mid ah ayaa Aayaguna Lagu Qaban Doonaa,Gobalada Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Deegaanada ay Ka Taliyan Maamulada Ka Madax Banaan Ururka Al Shabaab, Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Ayaa Ayaduna Lagu Wadaa In Lagu Qabto Munaasabad Balaaran oo Aay ka Qeyb qaadan Doonaan,Fanaaniin,saxafiyiin,Madaxda Jaaliyada Dalka Kenya,iyo Marti Sharaf kale oo Farabadan,waxaana Munaasabadaa lagu Casuumi doonaa Madax Ka Socota Dowlada Dalka Kenya.Sida uu Warbaahinta u sheegay Safiirka Soomaaliya U fadhiya Kenya Cali Americo,waxaana Xusay in Ay Ka Duwanaan Donto Maalintaan Maalmaha Kale. Goobaha Waa weyn ee Ilaa Iminka La Cayimay Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Xarunta Weyn ee Tv-ka Caalamiga ah Universal Tv Halkaa oo uu Ka Dhici Doonp Xaflad Balaaran ooo Ay Soo Agaasimeen Madaxda Tv-ka Caalamiga Ah Universal Howl weyn ayaa loo Diyaariyey Si Dadweynaha Ku Sugan Magaalada London Iyo Nawaaxigeeda ay uga Qeyb Qaataan Munaasabadaa Waxaana Halkaa Lagu Casuumay Fanaaniin Aaad U farabadan Aayadoo Dadweynaha Ku Sugan Daafaha Dunida ay Xafladaa Si Toos Ah Uga Daawan Doonaan Shaashada Caalamiga ah ee Universal Tv. Guud Ahaan Magaalooyin Waa Weyn oo Caalamka Ka Mid Ah Isla Markaana ay Ku Badan Yihiin Soomaalida Aayaa Waxaa Ka Socda Qaban Qaabo Xoogan oo Ay Wadaan Jaaliyadaha Soomaalida ee Ku Nuul Qurbaha, Magaalooyinka La Filayo In Fantasyiyaha uu Ka Dhaco Waxaa Ka Mid Ah Wadamada South Africa, America, Swedan, Sacuudi arabiya, Dubai, Holand, Maleysia, Qadar, Kuweit, iyo Wadamo Kale Oo Badan. Maamulka iyo Shaqaalaha Kala Duwan Ee Shabakada Warbaahinta Caalamka.net Ayaa Dhankeeda Diyaar Garrow Kaa La Mid ah Gashay Waxaana Shaashada Weyn Ee Caalakamka.net Si Talantaali ah Idin Kugu So Gudbin Doonto Hadba Munaasabad Walba ee Loogu Dabaal dagayo Maalinta Kowda Luulyo,ayado Sido Kale Shabakada Aay soo Bandhigi Doonto Barnaamijyo,Maqal iyo Qoraal ah Intaba Kuwaa Oo Ku Saabsan Taariikhda Faca Weyn ee Maalinta 1-da Luulyo Ku Dhax leedahay Bulshada Soomaaliyeed. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
U diyaar garowda Xuska 1-luulyo oo laga dareemayo Magaalada Garoowe Qaban qaabada xuska 1-lulyo ayaa waxaa laga dareemayaa qaybo ka mid ah Degaanada Puntland .iyadoona ay 1-lulyo ay ku beegan tahay maalinta bari oo waana waqtigii ay xornimada ay qaateen Gobaladii koonfureed ee wadanka soomaaliya. Xuska maalintii ay xoriyada ay qaateen Gobaladii koonfurta soomaaliya oo kuna beegan 1-lulyo ayaa waxaa dadka ku dhaqan magaalada garowe caasimada Puntland ka buuqatay u diyaar garowda xuska maalintasi qiimaha wayn ku leh umada soomaaliyed meel walba ay joogaan . Maxamad Cali Cabdi oo ka mid ah Dadka indho garadka ah ee ku dhaqan magaalada garoowe ayaa maanta isago u waramayay warbaahinta Dunida Online xafiiska magaalada Garoowe ,waxa uu sheegay xuska luulyo kowdeeda inay tahay maalin qiimo leh ,isagoo ay ka buuqato qiiro iyo wadaniyad ayaa waxa uu sheegay naf ahaan tiisa inuu barito xus gooni ah u samaynayo . Dhanka kalena hooyoyinka ku dhaqan magaalada Garoowe waxaa laga dareemayaa u diyaar garow maalinta 1-lulyo oo ah xiligii ay midoobeen Gobaladii waqooyiga iyo koonfurta soomaaliya ,waxayna dhamaan iisheegaan inay ku farax san yihiin xusitaanka maalintaasi qiimaha leh . Dowlada Puntland dhankeeda wax qaban qaabo ah lagama dareemayo oo ku aadan xuska maalinta 1-lulyo xoriyad qaadashada G/koonfureed ee dalka soomaaliya, waxayna arintaasi kusoo beegmaysaa xili wadanka soomaaliya uu caga la galay waqti xun oo dadka wax ku oolka ah la dilayo maalin cad. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
OGEYSIIS: Xuska munaasabada Kowda Luulyo ee magaalada München ee dalka Jarmalka Dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada München Ee Dalka Jarmalka & Agagaarkeeda la Ogeysiinayaa inay kasoo qeyb galaan Xaflad ay soo Agaasimeen Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed München oo lagu xusaayo Munasabadda 1-da Luuliyo waxaanna la qaban donaa Maalinta Jimcaha 1-Luulyo, Saacada 20:00 (Laba Saac Habeenimo), Addreska Leipziger Strasse 2 U1 Westfriedhof Waxii Faahfaahin Ah Kala Xiriir Maamulka Xaflada Saalax Muriidi Iyo Ilyas Ahmed 017673276458 Iyo 017673969310 Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Danjire Ameeriko:Xaflada 1da Luulyo Waxaan Ku Qabanaynaa Guriga Safaarada Qabanqaabo xooggan oo loogu dabaaldagayo maalinta xurnmada iyo midnimada Soomaaliya ee 1da July ayaa waxa ay ka socotaa xarunta safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur (ameeriko) ayaa Radio Muqdisho u sheegay in safaaradu ay qabanqaabineyso xaflad weyn oo lagu qaban doono dhismihii safaarada la soo celiyay, si soomaalidu u dareemaan xorriyad. Safiirka ayaa waxa uu intaas ku daray in ay doonayaan in ay tusaan dadkii ka shakisanaa soo celinta dhismaha safaaradda oo ay maxkamadda sare ee dalka Kenya 7dii bishii disember 2010 ay u xukuntay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale safiirku waxa uu sheegay in ay dabaaldagga ka qeyb qaadan doonaan fanaaniin caan ah sida Saado Cali Warsame iyo fanaanka Axmed Naaji Sacad, waxaana markii ugu horreysay la marti qaaday qaxootiga xeryaha Dhadhaab oo Nairobi ugu dabaal dagi doono maalinta xorriyadda, waxaana safarkooda iyo joogitaankooda Nairobiba dusha u ridatay safaarda Soomaaliya ee Nairobi. Dabaal daggaan ayaa waxaa la filayaa in uu ku beegmi doono maalinta 1da luulyo, waxaana jira xaflad kale oo ay safaaradu qabanqaabineyso oo habeenka ay soo galeyso 1da Luulyo ka dhici doonto goobo ku yaalla Nairobi. Hadalka safiirka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay wargeysyada dalka Kenya si aad ah u hadal hayaan, isku day ay wadaan qolyihii safaarada iibsaday oo doonaya in ay dib u furan dacwad, si ay u mar kale ula wareegaan hantidan Soomaaliyeed. Xigasho -
Are Pete Sampras and Boris Becker still playing? How about Steffi Graf and Arantxa Sanchez Vicario?
-
Today's blog: Electricity and Islii In Islii, we have a persistent blackouts and outages that lasts into next day. What is amazing is that Islii generates more tax income into coffers of Kenyan government than any other place in Kenya, except save downtown core of Nayroobi. Yet, we have this persistent blackouts. Worse, whenever it heavily rains the power goes with it. Power poles and wires kala go'go'a mar walba, siiba markuu roobka socda fiilooyin badan iska soo go'a, dadkana dilo. Since dowladaan Kenya completely ignores Islii's public needs, more and more business places and joints and residential building blocks as well are becoming self-sufficient. Sar walba la dhisaayo and previously built ones as well ceelal laga qodaayaa (access to water in Islii is even much worse) and almost all business places use private generators. Some altogether stopped relying unreliable public electricity, instead relying their own private generators 24 hours a day.
-
Kariokor Estate dhowr jeer korkeeda agmaray, waa isku dayaa inaa kuu soo sawiro next time aan agmaraayo, Eebba ha idmee. Adaana mudan. Ma Soomaali badan ayaa degan? Uma maleeyi, perhaps in the old days.
-
Hambalyo iyo boggaadin. Awlaad liibaantay Eebba idinka baryayaa.
-
Today's blog: Questions, questons... A lot of dibadjoog Soomaalis have been to Islii, especially high during the northern summer months like now. However, quite a few more had never been to Islii or have been ages ago when Islii was dominated by single-story lodged houses, like in early '90s. To those who have never been here, they might have questions about it. They might want to check it, but want to know a bit more about it before coming here. So if you happen to be one that is mentioned above, you can fire all your questions about Islii. Any question is welcome.