-
Content Count
17,646 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Landhan RA’IISAL WASAARIHII HORE FARMAAJO: ”Dad badan oo idinka mid ah waxay aaminsan yihiin in aan shucuurtooda kiciyay oo aan qiyaanay balse waxaan idiin sheegayaa sababtii aan isu casilay...” Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa shaaciyay sababtii uu isu casilay, isagoo dad aad u faro badan oo isugu yimid xuska munaasabadda 1-da Luulyo kula hadlay Magaalada London ee dalka Britain. Ra’iisal wasaarihii hore Mr. Farmaajo oo ugu horreyn u mahadceliyay Maamulaha TV-ga Universal Inj. Axmed Abuu Bakar oo suurtageliyay in xafladdaas toos loo daawado ayaa wuxuu dhanka kale ka hadlay sababtii keentay in uu is-casilo, wuxuuna sheegay ra’iisal Wasaaruhu in sababtaas ay ahayd tanaasul xal-doon ah. Dad badan oo idinka mid ah waxaa laga yaabaa in ay rumeysan yihiin in aan shucuurtiina kiciyay kadibna aan idin qiyaanay oo aan is-casilay, balse caawa waxaan idiin sheegayaa sababtii aan isu casilay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay in xornimada iyo gobonimada Soomaaliya aaney bilaash ku imaan, isla markaana naf iyo maal loo soo huray. ”Dhibaatada Soomaaliya ka taagan hadda ma bilaaban, waxayna soo bilaabatay markii laga soo noqday dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray ee dhacay Sanadkii 1977-kii, waxaa hubanti ah haddii tanaasul la heli lahaa in aan la weerari lahayn gobollada waqooyi, sidoo kale haddii loolankii xukunka ee horraantii sagaashamaadka dhacay ee dagaallada ahliga ah keenay in laga baaqsan lahaa haddii tanaasul imaan lahaa, sidoo kalena uu tanaasulku xal ahaa markii ay xukunka isku qabsadeen Jen. Caydiid iyo Cali Mahdi”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xor u ahayn in ay aayahooda ka tashadaan. ”Waxaan xilka Ra’iisal Wasaaraha qabtay iyadoo Xukuumaddii iga horeysay oo ka soo baxday Shirkii Jabuuti uu Ra’iisal Wasaaraheedii xafiiska uga tegayay khilyaaf dhexmaray isaga iyo madaxweynaha, kaddibna Xukuumaddii aan soo dhisay ee tayo ayaa markii dhowr bilood shaqeysay waxaa ka horyimid caqabado iyo khilaaf ka yimid madaxda sare ee Dowladda, illaa ugu dambeyntii ay noqotay in aan iscasilo”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo. Farmaajo waxaa uu sheegay in markii ay isqabteen madaxda sare ee Dowladda ee dhexdhexaadinta laga dhex sameeyay isaga iyo madaxda sare ee Dowladda uu maxsuulkii noqday in la yiraahdo ra’iisal wasaaraha ha is-casilo, sidaasna uu isku casilay. ”Waxaa la socotaa kubadda marka la ciyaarayo ee uu kabtanka dhaawacmo waa la bedelaa, aniga oo kabtankii ahaana waan dhaawacmay, waana la i bedelay. Kabtankii i bedelay oo aan soo wada shaqeynay nasiib wanaag waa la ansixiyay, Xildhibaannada aad bey u mahadsan yihiin, balse weli howsha ma dhamaan oo howl baa harsan, taasi oo ah in Xukuumadda ay noqoto Xukuumaddii tayo oo ah wixii aan isku ogeyn aniga iyo madaxda dowladda”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaayo oo ay si weyn u soo dhaweeyeen Soomaalida ku nool UK. Xafladda lagu xusay munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu qabtay Magaalada London ayaa waxay ahayd tii ugu ballaarneyd ee dalka dibaddiisa lagu qabto tan iyo markii dibadaha loo soo qaxay, waxaana si weyn uga dhex muuqday Xafladda Wariyayaasha TV-ga Universal iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed iyo Bahda Isboortiga ee UK ku nool. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Iswiidhan Munaasabada 1 Luulyo oo si weyn looga xusay magaalooyinka Sweden Soomaalida ku nool magaalooyinka kala duwan ee Sweden ayaa si weyn u xusay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyada Soomaaliya. Koonfur ilaa waqooyi ayay Soomaalidu muujiyeen midnimo iyo isjeceyl taasoo muujineysa baahida ay u qabaan in Soomaaliya ay markale lugaheedda isku taagto oo laga dhabeeyo guushii la gaaray 1-dii Luuliyo 1960. Wariyaheena magaalada Linköping ee gobolka Östergotland Siyaad Cabdi Jaamac ayaa ka qeyb galay munaasabadii lagu maamuusayay 1 Luuliyo isagoo noo soo tabiyay sida ay xafladaas u dhacday. “Munaasabada Linköping ayaa socotay galabtii ilaa habeenkii iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socota maamulka magaalada iyo Soomaali fara badan. Munaasabada ayaa lagu saaray calanka Soomaaliya iyadoo ay ka soo qeyb galayaashu ku soo bandhigeen hidayaha iyo dhaqanka Soomaaliya” Dhinaca kale magaalada Fagersta ayaa waxaa ka dhacday xaflad aad u qiimo badan oo ay soo agaasimeen dhalinyaro isxilqaantay oo lagu qabtay hoolka ugu weyn magaalada. Xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen inta badan dadka magaalada ku nool ayaa lagu muujiyay midnimo iyo galgacalka loo qabo dalkii iyadoo markii heesta calanka la daaray ay dadka ka muuqatay qiiro. Ugu dambeyntii ayaa waxaa na soo gaaraya wararka ku saabsan xafladaha ka dhacay magaalooyinka kala duwan ee Sweden inagoo ka fileyna warbixinada iyo sawirada dadka meelahaas ku dhaqan. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koonfur Afrika Ciyaar lagu xusayay 1-da Luulyo oo ka dhacday Koonfur Afrika Ciyaartan ayaa wax ay ka dhacday Garoonka Kubada Cagta ee magaalada George oo aheyd goob ay isugu yimaadeen Dhalinyaro aad u fara badan oo xusayay Munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalin ku weyn Shacbka Soomaaliyeed ee ku nool Dunida dacaladeeda. Ciyaarta oo aheyd mid qurux badan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay C/risaq C/dule Cali Amiiko oo ah Mas’uul ka tirsan Xizbiga Cadaalada iyo Horumarint Soomaaliya una qaabilsan dhanka arimaha Bulshada. Ciyaartan ayaa waxaa ay ku bilaabatay si xamaasadaysan, waxaana labadii Koox ee Ciyaaraysay ay soo bandhigeen Ciyaar aad u wanaagsan taasi oo soo jiidatay Indhaha dawadayaashii ka soo qeybgalay Ciyaarta. Labada Koox ayaa waxa ay ku kala Ciyaarayeen Magacyada kala ah SYl Team iyo Somali Stars. Ciyaarta waxa ay socotaba waxaa Gool aad u qurux badan Kooxda SYL Team Daqiiqadii 24-aad u dhaliyay Ciyaaryahan Nadaara. Dhinaca kale daqiiqadii 35-aad ee Ciyaarta ayaa waxaa Gool helay Kooxdii ku ciyaaraysay magaca Somali Stars, waxaana u dhaliyay Ciyaaryahan Dhaaleey. Qeybtii danbe ee Ciyaarta ayaa waxaa Gool kale fursad u helay Kooxda Syl Team, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Taakow. Guud ahaan Ciyaarta ayaa waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda Kubada Cagta ee SYL Team iyadoona halkaasi lagu gudoonsiiyay Koobkii lagu xusayay Munaasabada 1-da Luulyo. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sacuudiya Jidda oo laga xusay 1da Luulyo Munaasabad lagu xusayay 51 guuradii ka soo wareegatay xornnimadii gobollada Koonfureed iyo israac koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Jiddah ee wadanka boqortooyada Sacuudiga. Munaasabadda oo ay soo qaban qaabiyeen Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaar kubadda cagta oo loogu magac daray 1-da Luulyo oo ay wada ciyaarayeen labo koox oo kala ah horseed iyo Jeenyo. Xildhibaan Cabdullaahi Geedi Raage oo ka tiran xildhibaannada Baarlamaanka Soomaalida ayaa ugu horreyn munaasabadaasi ka hadlay Taariikhda maalinta xornnimada 1-da Luulyo iyo israacii gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga. Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay aqoonyahanada, haweenka iyo dhallinyarada Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Sacuudiga. Munaasabadaasi o si heer sare loo soo agaasimey ayaa waxa ay ku dhamaatay jawi farxadeed, iyada oo Soomaalida ku dhaqan wadankaasi ay soo xirteen dhar ka sameysan calanka iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xamar Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP oo Magaalada Muqdisho ku qabtay xaflad lagu xusayay 1-da Luuliyo Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii Waqooyi iyo Koofur ayuu xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP wuxuu shalay ku qabtay hoteel Shaamow ee magaalada Muqdisho. Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiga PDP iyo marti-sharaf kale, waxaana heeso wadaniyadeed kusoo bandhigay fanaaniintii kasoo qaybgalay kulanka. Ugu horreyn waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Maxamed Sheekh Xasan Faqiih isagoo sheegay in 1-da Luuliyo ay tahay maalin ku weyn dhammaan ummadda Somaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xuriyadda wuxuuna tilmaamay haddii dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo isku-duuban in hormar la gaari karo. Sidoo kale munaasabadda ballaaran ayaa waxaa ka hadlay Dr. Nuurto Sheekh Maxamuud waxayna sheegtay in maalintaan ay tahay maalin qiimo weyn, iyadoo xustay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku lahaayeen xurriyada waxayna tilmaantay in haweenka badan la xiray xiliggii xorriyad doonka. Munaasabaddu intii ay socotay ayaa qaar ka mid ah dhallinyarada xisbiga Nabada iyo Hormarka waxay soo bandhigeen majaajilooyin ay ku cabirayeen xaaladda uu dalku marayo. Sidoo kale dhallinyarada ayaa qaadayay heeso wadani ah oo ku aadan maalintii xorriyadda dalka oo ay kasoo wareegtay 51-sano. Guddoomiyaha xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud oo xafladda ka hadlay ayaa u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed maalinta xorriyadda, isagoo sheegay in dadka iyo dalka ay iminka qabaan dhibaatooyin badan isla markaana xisbiga Nabada iyo Hormarka uu u taagan yahay in mar kale la istaajiyo xorriyaddii Soomaaliya. "Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay meel iska dhigaan isku dayadii hore oo dowladnimada lagu keeni waayay oo aan wax kale isku dayno, taasoo dalka iyo dadka u horseedi karta nabad iyo baraare waara," ayuu yiri Xasan Sheekh. Guddoomiyaha xisbiga Nabadda wuxuu sheegay in dalka ay u rabaan dowlad ay dadka Soomaaliyeed wada leeyihiin oo keentay haybadda iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, ayaa waxaa munaasabadda lagu soo xiray heesta caanka ah ee ah: 'Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada', iyadoo ay si wadajir ah ugu luuqeynayeen qaar ka mid ah golaha dhallinyarada ee xisbiga iyo dadweynihii munaasabadda kasoo qaybgalay. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Aaliya, adigaa mudan, abaayadiis. ______________ Ugaandha Munaasibad Lagu Xusayay 1-da Luliyo oo xalay lagu qabtay magaalada Kampala Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida waddanka looguna debaal degayay 51-sano guuradii ka soo wareegtay markii ay gobollada Konfured ee Soomaaliya ka xureebeen gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Woqiyga iyo Konfurta dalka ayaa xalay lagu qabtay hoolka Aga Khan ee magaalada Kampala ee wadanka Uganda. Munasibadani oo ay soo agaasimeen Safaaradda Soomaalida ee Uganda iyo Dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Kampala ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne kor u dhaafaya boqolaal kuwaasi oo illaa 12-kii saqda dhexe sugayay calan saarka. Madaxdii ka soo qeyb gashay munasibadani loogu debaaldegayay 51-sano guuradii ka soo wareegtay markii dadka Soomaaliyeed ay iska rideen heryadii gumeystaha ayaa waxaa ka mid ahaa sariifka Soomaaliya ee wadanka Sayd Axmed Sh Abukar , Siciido Cali Gurxan oo ah marwadii Jeneral Caydiid saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan wadanka Uganda kuwaasi oo dadkii ka soo qeyb galay munaasibadani uga sheekeeyay qiimaha ay leedahay maalintan oo kale iyo dhibaatadii loo soo maray helidda Calan Xor ah. Safiirka Soomaaliya ee Uganda Dr Sayd Axmed Shiikh Abuukar oo Munaasibada ka hadlay ayaa waxaa uu jaaliyada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay nabada ka shaqeeyaan oo ay si nabada ah ugu noolaadaan wadankana Uganda ee loo oggolaaday in ay ku noolaadaan, isla markaana ay mar uun guddi doonaan abaalka ay u galeen shacabka iyo dowlada Uganada sida ammaanka ah ee ay shacabka Soomaaliyeed ugu nool yihiin wadankooda. “Waxaan inku baaqayaa walaalayaal in si ammaan ah aad wadanka ku joogtaan oo aad nabada ka shaqeysaan isla markaana aad dhowrtaan dalka ,dadka iyo dowlada Uganda ee idiin ogolaaday in aad si nabad ah ugu noolaataan wadankooda” ayuu yiri Amp. Sayd Axmed. Sidoo kale Safiirka waxaa uu u balan qaaday Jaaliyada Soomaaliyeed in ay gudaha bishani heli doonaan Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya kaasi oo markii hore aan laga heli jirin wadanka Uganada. Saacadu markii ay gaartay 12-kii saq dhex ayaa waxaa hoolka Aga Khaqn mar qura qabsaday sacab iyo mashxarad xiligaasi oo la saarayay calkanka Baluga ah ee xidigta cad dhexda kuleh, waxaana dadka qaar ee munaasibadani ka soo qeyb galay wejiyadooda laga dheehanayay wadaniyad Jeceylka kuwaasi oo ay indhahooda soo buuxiyeen Ilmo. Ma aha markii ugu horeysay ee munaasibad sidan oo kale ah loogu debaaldegayay 1-da luliyo ay qabtaan jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Uganda, balse munaasibadani ayaa waxaa ay aheeyd mid ka duwan munasaibadihii hore loo qaban jiray marka loo eego hab maamuuska iyo sida loo soo agaasimay. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Wonderful to see now all Soomaali telefashin channels broadcasting Kowda Luulyo celebrations - Universal, Telefashinka Qaranka, Royal and even Hargeysa-based Horn Cable. -
Awright, sister. _____________ Today's blog: Meeting accidentally a SOLer. At Soomaali independence celebrations at Soomaali embassy in Nayroobi, wonder of all, I accidentally met a SOLer. His name, of course, is Sophist. Yep, that Sophist. Last time we met was some eight years ago in London. Anigaa gartay, though markaa istaajiye asagiina isla markiiba wuu i gartay. I wasn't expecting him inuu i garto. Qofkii Sophist yaqaano ayaa yaqaanee, it was great meeting him with his friend Jangeli, the former foreign minister.
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Malaysia Aqriso -
Legend Saado Ali Received Huge Welcome in Nairobi -
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to A_Khadar's topic in Politics
I had met her last night at Kowda Luulyo celebrations in Soomaali embassy in Nayroobi. She looks better and wonderful in person than in pictures. I even talked to her, since I was standing right next to her ear. I uttered a few words to her, saying, "Kusoo dhawoow Nayroobi, Saado." Intee gadaal gadal ii soo fiirisay, ayna dhoolacaddeysay, ayee tiri, "Waa ku dhawahay. Mahadsanid." With a bright smile. Wonderful. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Masar Jaaliyada Soomaalida Masar oo xustay 1-da Luulyo Aqriso -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Gaalkacyo Koowda Luulyo oo Gaalkacyo lagu xusay Aqriso -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xamar Aqriso -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
1 Luulyo oo Laga Xusay Garoowe Xuska Luulyo oo ah kii 51aad ee ayaa Laga Xusay Qaar Ka mida Dhulka ay soomaalidu Degto , Munasabadda oo ahayd Mid Heer sare loo soo Agaasimay ayaa waxaa Lagu Qabtay Aqalka Madaxtooyadda Puntland ee Garowe, Xafladda ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Golayaasha Dowlada Puntland,& Qaybaha Bulshada sida Isimada,Culimada Haweenka & Marti sharaf kale ,ay ka mid ahaayeen saraakiil ka socday Safaada Ethopia ay ku leedahay Puntland, Ugu Horeyna Waxaa Codbaahiyaha Lagu soo DhaweeyeyShiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mida Culimada Puntland,waxaana uu Dardaaran u jeediyey Umada Soomaaliyeed uguna Baaqay in ay ilaahay ka Cabsadaan Dhowraana Sharaftooda iyo Tan Dalkooda Madaama Soomaalidu Dagaalo sokeeye soo Martay Kuwaasoo aad wax looga Xumaado uu ku Tilmamay Shiikhu,Bulshada Puntland ayuu ugu Baaqay In ay ilaashadaan Nabada iyo Xasiloonidda ayna ka waan toomaan Coladaha Sokeeye ee aan Diinta & Dhaqanka Midna la Xiriirin, Abwaaniin ay Ka midyihiin Jamac kadiye, Cabdiraadir Shube & Xalimo Puntland ayaa jeediyey Gabayo & Buraanburo aad u Qiira Badan oo ku saabsan Maalintan 1 luulyo iyo Ahmiyada ay u leedahay Bulshada Soomaaliyeed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa Codbaahiyaha Loo Dhiibay Hadalo Kooban ayuu jeediyey wuxuuna yiri Munaasabadan waa Mudantahay Xusitaan ,Waa Nasiib Daro in Caawa Xoriyadaas iyo Halgankii aan Guud ahaan soomaaliya Laga Xusayn Dhibaato Dadku Geysteen Awgeed, Garaase Waxaa uu Xusay Asaaskii Puntland waxaana uu Sheegay in ay Qayb Libaax ka Qateen Isimadu Dhismhii Xiligaa waa wax Baal dahaba ugu Yaal Dadweynaha Reer Puntland , Salaadiin ahaan Hadaan aragno Daldaloolada iyo Lumitaanka wixii aan Geedka ku Yagleelnay Kama Laaban Doono Gacmaha, Maamulka ayuu ku Booriyey in ay u Guntaeen wixii ay u Dhaarteen, Boqor C/laahi Axmed Cali ayaa isna ka Hadlay Heerka Amaanka Gobolada Puntland ,waxaana uu Bulshada Ugu Baaqay in amaanka lagala shaqeeyo Ciidamada ku Howlan si loo Helo Nabad Caam ah,Xukuumaduna Ha ku Faaneen Shaqada loo igmaday intii ay isugu Faanayaan Hantida & Tabaca , Boqorka ayaa sidoo kale ugu Baaqay Ciidamada Amaanka in ay ku Dadalan Xilka iyo Masuuliyada ka saran Dalka & Dadka ayna ku Dadaalan sugida iyo Xaqiijinta Nabadda , Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa sheegay in aan lagu koobi Karin Hadal Qiimaha 1 Luulyo marka loo eego Ahmiyadda ay noogu Fadhido hadaa nahay soomaali, ugaasku waxaa uu ku dheeraaday Siyaabihii loo Xusi jiray Xiligii Dowladii Dhexe ee soomaaliyeed ay Jirtay,” Xiligaa Ma jirin Qabiil & Xisbiyeyn Maantana waxaa Dalkeenii Ragaadiyey Labadaa Shay oo aad Bulshadan u Isticmaasho. C/rashiid Maxamed Xirsi Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Qaatay Hadalka waxana uu ku Dheeraaday Xuska Maalinta,Gudoomiyuhu waxaa uu ka Hadlay Farqiga u dhaxeeya Dhalintii Hore & Kuwa iminka Jooga, “ waxa Maanta ka socda Dalka waxaa Lafdhabar u ah Dhalinyarada , Gudoomiyuhu waxaa uu Xusay Coladaha Qoysaska Puntland ka Dhaca ,waxaana uu ku tilmaamay waxan Sal iyo Raad Toona Lahayn ,waxaana uu ugu Baaqay in la xakameeyo Dagaalada aan Micnaha ku Fadhiyin. Sawiro -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Soomaaliya 1-da Luulyo oo xalay laga xusay magaalada Boosaaso Munaasabad balaaran oo lagu xusayo 1-da luulyo oo ku beegan xiligii gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay madaxbanaanida ay ka qaateen gumaystihii Talyaaniga islamarkaana ay la midoobeen gobolada waqooyi ee dalka ayaa xalay ka dhacaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabad lagu qabtay guriga gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland,dadwayne,siyaasiyiin iyo ururada haweenka iyo kuwa dhalinyarada ee magaalada Boosaaso. Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay kuxigeenka duqa magaalada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir waxaana uu sheegay in munaasabadan ay tahay mid lagu wayneenayo xiligii umada Soomaliyeed ay ka xoreebeen gumaytihii Talyaaniga,waxaana uu sheegay inuu si’aad ah uu ugu faraxsanyahay munaasabadda. Siyaasi Barqad Cali Saalax oo ka mid ahaa marti sharaftii kasoo qaybgashay kulanka ayaa ka sheekeeyay qaabkii shacabka Soomaliyeed ay u soo mareen sidii xoriyadooda uga qaadan lahaayeen gumaystihii dalka Talyaaniga iyo dhibaatooyinkii gumaystaha uu ku hayay shacabka Soomaliyeed. Waxaa uu sheegay xoriyada maanta ay harsanayaan shacabka Soomaliyeed in loosoo maray dhibaatooyin waawayn oo isugu jirta dil,xabsi iyo waxyeelo kale duwan,waxaana uu sheegay in dhalinta Soomaliyeed in maanta looga baahanyahay in iyagoo isku duuban ay calanka Soomaliyeed ay ka qaadaan meesha uu maanta yaalo. Duqa degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje oo ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu ka sheekeeyay xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo qaankii ay u xoriyadooda u qaateen shacabka Soomaliyeed,waxaana uu sheegay in munaasabaddan uu ku faraxsanyahay,waxaana dhinaca kale uu ka hadlay xaaladda ka jirta dalka Soomaliya waxaana uu sheegay in guud ahaan umadda in looga baahanyahay inay midoobaan. Xuska 1-da luulyo oo ay siweyn loo soo qabanqaabiyay ayaa hadalo badan iyo dardaaran kadib waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidamo katirsan dowladda Puntland kuwaasi oo gaardis kusoo bandhigay madasha ay kasocotay xafladda,waxaana ay salaan sharaf ay ka qaateen masuuliyiintii goobta ku sugnayd. Waxaa intaasi kadib la saaray calanka Soomaaliya,waxaana hal mar isbadalay jawiga goobta xafladda ay ka socotay oo hal mar laguda galay sacab iyo farxad kale duwan. Munaasabadda ayaa intii socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah waxaana goobta siweyn u soo camiray dhalinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho oo ka yimid degmada Carmo ee gobolka Bari. Haweenka iyo dhalinyarada kasoo caratay xaafadaha Horseed iyo Dayaxa ee degmada Carmo ayaa ciyaaro xiiso badan oo soo jiitay kasoo qaybagalayaasha xafladda soo bandhigay,waxaana ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka dadkii cayaaray ka mid ahaa kuxigeenka duqa degmada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir. Si kastaba munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Denmark Xaflada Xuska 1-da Luulyo ee Magaalada Odense Dalka Denmark Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa abid markii ugu horeeysay lagu qabtay magaalda Odense, isla markaana si’aan horay loo arag looga xusay 1-da Luulyo 2011, halkaas oo ay isugu soo baxeen dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Odense intoodi uu ku jiray dareenka Wadaninimo. Xafladan Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa soo agaasimay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense oo ay aad ugu weeyntahay Wadaniyada iyo xurmada ay u hayaan dalkoodi hooyo. Furitaanka xaflada xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa ka jeediyay qudbad dheer oo ku saabsan dhibtaada loo soo maray Xoriyada iyo Taariikhda Soomaaliyeed Nabadoon Faarax Raage iyo Nabadoon Xuseen Xasan, Dr. Maxmed Faarax Jaamac oo sadexduba ah odayaasha magaalada Odense, halkaas oo dad badan wejiyadooda qarisay ilin, aadna arkeeyso inay marba masaxayaan indhahooda, taa oo ay ugu wacneed dareenkooda dhibka loo soo maray Xoriyada iyo baahida ay u qabaan in dalkeeni helo nabad. Waxaa kaloo kasoo qeeyb galay xafladan xuska 1-da Luulyo Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Børgeparken iyo ku xigeenadiisa Cali Diiriye Maxamed, C/qaadir Ibrahim Cali Shire iyo C/risaaq Labaale, Aqoonyahano, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Hooyooyinka magaalada Odense ee dalka Denmark. Xafladan Xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay Park weeyn halkaa oo ay heeso wadani ah oo kiciyay dareenka dadka ka soo qeeyb galay Xaflada ay ka qaadeen fanaaniinta da’ada yar iyo da’ada weeyn Sheekh Nuur, Cali Ukun, Leeyloon,C/casiis (Jarmal), halka ay isku xirka iyo iskuduba ridka ay daadihinayeen C/llaahi Bashiir, **** Axmed Ismaciil, Hani Maxamed Faarax, Cawil B Axmed iyo C/salaan Yuusuf Axmed iyo dhaliyaro kale oo fara badan oo door muhiim ah ka qaatay in la qabto Xaflada Xuska 1-da Luulyo2011. About Us Contact Us. rss Xaflada Xuska 1-da Luulyo ee Magaalada Odense Dalka Denmark. Sawiro. Published on July 1, 2011 by admin · No Comments July 1, 2011: Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa abid markii ugu horeeysay lagu qabtay magaalda Odense, isla markaana si’aan horay loo arag looga xusay 1-da Luulyo 2011, halkaas oo ay isugu soo baxeen dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Odense intoodi uu ku jiray dareenka Wadaninimo. Xafladan Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa soo agaasimay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense oo ay aad ugu weeyntahay Wadaniyada iyo xurmada ay u hayaan dalkoodi hooyo. Furitaanka xaflada xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa ka jeediyay qudbad dheer oo ku saabsan dhibtaada loo soo maray Xoriyada iyo Taariikhda Soomaaliyeed Nabadoon Faarax Raage iyo Nabadoon Xuseen Xasan, Dr. Maxmed Faarax Jaamac oo sadexduba ah odayaasha magaalada Odense, halkaas oo dad badan wejiyadooda qarisay ilin, aadna arkeeyso inay marba masaxayaan indhahooda, taa oo ay ugu wacneed dareenkooda dhibka loo soo maray Xoriyada iyo baahida ay u qabaan in dalkeeni helo nabad. Waxaa kaloo kasoo qeeyb galay xafladan xuska 1-da Luulyo Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Børgeparken iyo ku xigeenadiisa Cali Diiriye Maxamed, C/qaadir Ibrahim Cali Shire iyo C/risaaq Labaale, Aqoonyahano, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Hooyooyinka magaalada Odense ee dalka Denmark. Xafladan Xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay Park weeyn halkaa oo ay heeso wadani ah oo kiciyay dareenka dadka ka soo qeeyb galay Xaflada ay ka qaadeen fanaaniinta da’ada yar iyo da’ada weeyn Sheekh Nuur, Cali Ukun, Leeyloon,C/casiis (Jarmal), halka ay isku xirka iyo iskuduba ridka ay daadihinayeen C/llaahi Bashiir, **** Axmed Ismaciil, Hani Maxamed Faarax, Cawil B Axmed iyo C/salaan Yuusuf Axmed iyo dhaliyaro kale oo fara badan oo door muhiim ah ka qaatay in la qabto Xaflada Xuska 1-da Luulyo2011. Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhamaan ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku ciyaarayeen goobtaas caruur yar yar iyo dhalinyaro dhamaantood ku wada xaragoonaya Dhar ay ku sawiran yihiin astaamaha Calanka Soomaaliyeed iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dhanka hooyoyinkana waxa ay soo bandhigeen buraanburo ay ku luuqeeynaysay Marwo. Abshiro Salaad Halka hooyoyinka kalena ay iyaguna ku muujinayeen dareenkooda Soomaalinimo cayaarti buraanburka, taa oo iyana sii kiciysay dareenka dhamaan dadkii kasoo qeeyb galay Xuska 1-da Luulyo 2011 oo mar qura qeeylo afka furtay. Waxaa ah wax aan la hilmami karin dadkana dareenkooda aad u kiciyay dhalinyaro yar yar oo qaarkood laga yaabo weligood inaysan arag Soomaaliya, balse ay ka muuqatay Wadaninimo aysan ku jirin hagrasho taa oo dadkii ku noqotay yaab iyo amakaag. Erayadii ugu qiimaha badnaa ee ay dhalinyaradan adeegsanayeen iyaga oo indhahooda ka muuqato ilmo ayaa waxaa ka mid ahaa Soomali Waa Hal Dad, Soomaaliya Waa Hal Dal, Soomaaliya Nabad insha allah. Dhalinyarada Odense ee abaabushay Xuska 1-da Luulyo ayaa waxa ay yihiin kuwo mudan in hiil iyo hooba lala garab istaago si ay u baahiyaan dareenkooda Wadaninimo iyo baahida ay u qabaan dalkoodi hooyo oo hela Nabad iyo Dowladd baahi tiri karta Shacabka Soomaaliyeed. Xaflada ayaa waxa ay bilaabatay 13.00 duhurnimo waxa ayna dhamaatay 21.00 habeenimo, waxa ay xafladaas Xuska 1-da Luulyo 2011 kusoo gabagaboowday Guul iyo sidii ay ugu tala galeen dhalinyaradii soo abaabushay ee Soomaaliyeed. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xafladdo lagu maamuusayo maalinta xornimada Soomaaliya oo ay ka soo wareegatay 51 sannadood ayaa lagu qabtay meelo ka tirsan Soomaaliya Munaasabaddo lagu maamuusayo maalinta Kowda Luulyo oo ah markii gobollada Koonfureed ay xorriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Somalia ayaa waxaa lagu qabtay meello kale duwan oo ka tirsan gudaha Soomaaliya iyo dibeddaba. Xarunta madaxtooyada ee Muqdisho, waxaa xalay ka dhacday xaflad lagu xusayay kowda Luulyo, taasoo ay ka qeybgaleen mas'uulliyiin uu ka mid yahay Raisal-wasaaraha Somalia, Dr. C/weli Max'ed Cali, guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka tirsan madaxda Hay'addaha dowladda KMG ee Soomaaliya. Xafladaasi waxaa saqdii dhexe markay ahayd lagu saaray calanka Soomaaliya. Dhinaca kalena, Qaar ka tirsan maamullada ka jira gobollada Somalia ayaa sameeyay munaasabaddo ay ku xusayeen maalinta kowda Luulyo. Sidoo kale, magaalada Nairobi waxaa ka dhacday xaflad lagu xusayay maalinta kowda Luulyo oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi. Qaar ka tirsan waddamada dibedda ee ay ku nool yihiin qurbojoogta Soomaalida ayaa waxaa sidoo kale laga dhigay xafladdo lagu xusayay maalinta xornimada Soomaaliya. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
From Raadiyo Muqdisho website: Munaasabadda 1da Luulyo Oo Lagu Xusay Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay maalinta xornimada gobollada koofureed iyo midowgii labada gobol ee koofur iyo woqooyi ayaa waxa ay ka dhacday xarunta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo dhowaan soo Gabgabowday dacwad ku saabsaneed lahaanshaha dhulka safaaradda. Xaflada oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Safaarada, waxaana ka qeyb galay boqolaal Soomaalida ku nool dalka Kenya iyo marti sharaf wadamo kale kaga yimid in ay xafladaan ka qeyb qaataan, sida faanaaniinta kala ah Ustaad Axmed Naaji Sacad, iyo Saado Cali Warsame oo labadaba heeso wadani ah ka qaaday goobta, kalmadana ka jeediyay iyaga oo ammaanay dadaalka ay safaaraddu gashay soo celinta dhulka soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa martida ka mid ahaa xubno ka socday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab oo sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay ka qeyb galaan xaflad tan la mid ah, mudo 20 sano ahna ay dagganaayeen dalka Kenya, waxa ayna uga mahadceleyeen Danjire Cali Ameeriko oo marti geleyay, kafaala qaadayna inta ay magaalada Nairobi joogaan, isla markaana dib ugu celin doono xeryahooda, markii xafladu soo gabagaboowdo. Dhanka martida ajaanibta ah iyana waxaa kamid ahaa safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, iyo Safrro kale oo ka socday wadamo Soomaaliya saaxiib la ah, oo iyana aad ugu ammaanay sida ay soomaalidu ugu midoobeen in ay helaan dowlad ay u wada dhanyihiin. Safiirka oo hadal kooban u jeediyay ka soo qeyb galayaasha ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday arrinka qaxootiga isga oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee hantida heysta in ay barbar istaagaan walaalahooda dhibaateysan, waxa uuna Illaaheey uga baryay ummaada Soomaaliyeed midnimo iyo nabad waarta, oo gaarta dhamaan geyega Soomaaliya. Xafladan ayaa waxaa miisaan dheeeri ah sii siinaya goobta ay ka dhacday oo ah dhul ay soomaalida leedahay oo aan ahayn mid kira ah, walibana waqti xasaasi ah oo ay warbaahinta Kenya hadal heyso wararka ku saabsana maxkamadda iyo isku dayo racfaan oo dhanka Hindidii iibsatay ka socdo. [source: Barkulan] -
Well, facebook is a sea of blue today. Well, at least Soomaalida badankooda aan ogahay. I am very glad to see this spirit of solidarity. Keep it up, Soomaaliyeey!
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Feestada Kowda Luulyo ka dhacday safaaradda Soomaaliya ee dalka Kiinya xalay. The legends Axmed Naaji Sacad and Saado Cali Warsame were both there in their majestic ways. The embassy is a large mansion, but xalay it was full of beautiful Soomaalis with their equally beautiful blue adornments. I was, in the words of the ambassador Max'ed Cali Ameerika, "afka juuqda gabay." The embassy was recently re-acquired by the Soomaali people after a very long, long (15 years) struggle in judicial process of Kenya. It was corruptly sold to a Hindi living in Kenya in mid '90s. All thanks to every Soomaali dalkiisa jecel u istaagay badbaadinta safaaradaan. It is located in the prime, leafy parts of Nayroobi's Westlands. Somewhere in there is the queen of daljecelnimo Saado Cali Warsame Somehow I couldn't upload other pictures, but I will soon, Eebba ha idmee. -
Countdown to AbdiWeli's Visit to Zenawi's Villa!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Som@li's topic in Politics
Soomaali meel xun laga heystaa runtii. Addis Ababa sida loo wada aado wey isku wada raaceen, ismana arki karaan iyaga dhexdooda dhul Soomaaliyeedna inay ku kulmaan wey diidayaan. Yaab. -
I do love reer Xamar maahmaah -Thread
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Qodax Qorax's topic in General
Aaliyyah;730916 wrote: lmao what does that even mean..I heard been hadaad shegasid been run u eeg sheeg..macnuhu ma intaas uun baa.. I know many mahmaahs, but I have never differentiated them to be reer xamar or otherwise. I just know them as somali maahmaah.. "Been haddii sheegeysid, been dacas qabto lee sheeg" waxaa loola jeedaa, waa saa sheegtee, mid run u eg sheeg. Yacni been qaawan ha sheegin, oo dhar xataa haddee wadan dacas (sandals) u gili oo qurxi. Ma kastay hadda? -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Masoo dhaqsaninee but I don't know inaa waqti helaayo beri. So... -
It is the day, so if aad dalkaaga iyo dadkaaga jeceshahay, facebookna ku jirtid, show your daljecelnimo on facebook.
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koobka koowda Luulyo oo lagu wado in lagu qabto Xaafada Southall Waxaa lagu qabanayaa magaalada London gaar ahaan xaafada Southall koob loogu magacdarey ‘’koobka Koowda Luulyo’’, oo ku beegan 51-guuradii madax banaanida dalka Soomaaliya, yacni markii Soomaaliya loo aqoonsadey inay Qaran buuxa oo xor ah tahey. Koobkaas waxaa ka soo qayb galaya ilaa 7 kooxood oo u badan dhalinyarada cuslaatey ee degan magaalada London xaafadaheeda iyo hal koox oo ka socota magaalada Manchester kuna magacdheer (Old Boys team), waxaana soo qabanqaabiyay mudane Cabdikariin Cabdulle Shiidle “Black’’ iyo Mustaf Farey oo labaduba ka soo mid ahaan jirey ciyaartooydii hore kooxaha Wagad iyo Badda ee barisamaadka dalka Soomaaliya, kuwaasoo sanadihii ugu dambeeyay deganaa xaafada Southall. Ciyaarahaan xiisaha badan waxaa lagu qaban doonaa maalinimada Sabtida taariikhduna tahey: 02/01/2011 Saacaduna tahey : 12:00 duhurnimo Garoonka weyn: Dominican Centre 112 The Green. Southall Waxaa barnaamijkaan marka laga soot ago kooxaha ka qayb galaya marti sharaf isboorti iyo ururada isboortiga dalkaan ka dhisan kuwooda ugu wanaagsan, halka SSPAMEDIA & Barnaamijka faaqidaada Cayaaraha TV-ga caalamiga ah ee Universal uu gacan weyn ka geysan doono sidii uu bulshada Soomaaliyeed ee isboortiga jecel ugu soo taban lahaa tartanka lagu weynaynaayo maalintii dalka Soomaaliya laga surey Calanka Buluuga ah,islamarkaana aan ka xaroowdey gumaystaha reer Galbeedka. Hadaba hadii aad doonaysid wixii faahfaahin ah kale xiriir Black iyo Mustafe oo ah gudiga qabanqaabada koobka koowda Luulyo ee lagu qaban doono magaalada London gaarahaan xaafada Southall. Xaafada Southall waxaa degan jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u farabadan Allaha deystee, kuwaasoo aad u jecel isboortiga kuna wanaagsan martisoorka martida timaada xaafadda Southall, kuwaasoo diyaargaroow ugu jira sidii ay u martigalin lahaayeen koobka koowda Luulyo. Xigasho