Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,641
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Trondheim, Norway Wacdarihii 1da Luulyo oo magaalada Trondheim ee dalka Norway ku soo biirtay Xaflad heer sare oo aad loosoo abaabulay oo lagu maamuusayey munaasibada koowda luulyo oo ka dhacday magaalada Trondheim ee wadanka Norway. Sanadkaan oo eey 51 jirsatay Xuriyada qaranimada Soomaliyeed ayaa waxa xafladaan si weyn usoo qabanqaabiyay dhalinyaro isxilqaantay iyo Mudane Ismaaciil Muxudiin oo ah run ahaantii Shaqsi aad ugu firfircoon Bulshada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan magaalada Trondheim. Soomaalida ku nool magaalada Trondheim iyo agagaarkeeda ayaa si weyn u xusay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyada Soomaaliya. Soomaalidua Trondheim waxay muujiyeen midnimo iyo isjeceyl taasoo muujineysa baahida ay u qabaan in Soomaaliya ay markale lugaheedda isku taagto oo laga dhabeeyo guushii la gaaray 1-dii Luuliyo 1960. Sii aqriso
  2. Jarmalka 1d Luulyo oo Jarmal laga xusay - Soomalida Jarmalka oo u dabaaltagtay Maaalintii Xoriyadda Soomaaliya qaadatay Xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay laguna xusayay 51 guurada ka soo wareegatay mideyntii gobolada waqooyi iyo koonfureed,ee giyaga soomaliyeed laguna qabtay magaalada trustoof ee dalka jarmalka,ayna ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid,guud ahaan Gobolada uu ka kooban yahay Dalka Jarmalka iyo Wadamada deris la ah Dalka Jarmalka. Furintaanka xaflada waxaa ugu horeyn aayado quraana iyo hadal yar oo kooban, ka soojeediyay Dr. Aweys Cumar Xaayoow wuxuuna Dr Aweys Cumar Xaayoow dadkii ka soo qeyb galay xaflada xusuuyay,qiimaha ay 1 luuliyo ugu fadhido Ummada Soomaaliyeed, taas oo ah mid aan weligeed la ilaawi doonin,inta jiil soomaaliyeed jiro, waxaa kaloo halkaasi ka soo jeediyay eryo soo jiitay dadkii halkaas isagu yimid Safiirka Dowlada Soomaaliyeed u fadhiyo Dalka Jarmalka Maxamud maxamed Tiifoow. Sii aqriso
  3. Cumaan 1da Luulyo oo Cumaan laga Xusay iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Cumaan oo si heersare ah oogu Dabaal-degtay Sanad-guuradii 51-aad ee Xornimada Soomaaliya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqaan dalka Cumaan ayaa u Dabaal Degtay Maalinta 1 luulyo xafladan ay waxa sii gaar ah ulahaa Qabanqaabadeeda iyo isku-dubraidkeeda gudiga PDF community xafladda oo ahayd heer sare ah ayna kaso qaybgaleen dhamaan bulshada somaliya ee ku dhaqaan sultanate Oman Xaflada waxa kaso qaybgalay safaarad somalida.kowda luulyo waxa loogu talagay baramijo xiis gelyey dadka somaliyad ee goob joog ka ahayd xafladda Waxa lagu furay quuraanka karimka ah. Xaflada Waxaa Xiriirinayey Mohamed Yusuf waxaa halkas ka hadalay oo furay Gudoomiyaha Qaban Qaada Xafladaas Mudane: Mohamed Farah Xaaji Mire oo halks kaso jeediyey Taarikhda kowda luulyo oo kooban xooriyadii somaliya iyo Muhiimada Xaflada Caawa Wuxuuna Mahad Gaar Ah u Celiyey Dhamaan Dadkii kasoo Qayb Galay . Ay Ugu Horayso Safaarada Somalida . Somalida Iyo Sida Wanaagsan Ee Umudu Ugu Riyaaqday Xafladaas Quruxda Badan. Sii aqriso
  4. Kuweyd Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay dalka kuwait waxaa soo Agaasimay Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay dalka Kuwait taasoo looga xusay 1-da Luulyo 2011, halkaas oo ay ka soo qeeb galeen dhamaan jaaliyada iyo ururka ardayda Soomaaliyeed ee Kuwait intoodi uu ku jiray dareenka Wadaninimo. Xafladan Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa soo agaasimay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Kuwait oo ay aad ugu eeyntahay Wadaniyada iyo xurmada ay u hayaan dalkoodi hooyo. Xafladan Xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay Social Development Centre halkaa oo ay heeso wadani ah oo kiciyay dareenka dadka ka soo qeeyb galay Xaflada ay ka qaadeen fanaaniinta jaaliyada soomaaliyeed ee Kuwait iyo dhaliyaro kale oo fara badan oo door muhiim ah ka qaatay in la qabto Xaflada Xuska 1-da Luulyo2011. Waxaa kasoo qeeyb galay xafladan xuska 1-da Luulyo Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed Mudane/ Max’mud khumayni iyo Gudoomiyaha Ururka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait Eng. C/rashiid Mahad Ayaanle Shire iyo aqoonyahano , fanaaniinta, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ,Hooyooyinka Mas’uuliin sare oo Ka socda DKM ee Soomaaliya waxaana horkacay safiirka soomaaliya ee Kuwait. Furitaanka xaflada xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa ka jeediyay qudbado ku saabsan dhibtaada loo soo maray Xoriyada iyo Taariikhda iyo qiimaha wadani nimada iyo Soomaaliyeed, Mudane Max’mud khumayni , Eng.C/rashiid Mahad Ayanle iyo Mudane C/laahi sooran, halkaas oo dad badan wejiyadooda qarisay ilin, aadna arkeeyso inay marba masaxayaan indhahooda, taa oo ay ugu wacneed dareenkooda dhibka loo soo maray Xoriyada iyo baahida ay u qabaan in dalkeeni helo nabad. waxaa lagu soo bandhigay oo kale dhamaan ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku ciyaarayeen goobtaas caruur yar yar iyo dhalinyaro dhamaantood ku wada xaragoonaya Dhar ay ku sawiran yihiin astaamaha Calanka Soomaaliyeed iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dhanka hooyoyinkana waxa ay soo bandhigeen buraanburo ay ku luuqeeynaysay Marwo Shukri hooyoyinka kalena ay iyaguna ku muujinayeen dareenkooda Soomaalinimo cayaarti buraanburka, taa oo iyana sii kiciysay dareenka dhamaan dadkii kasoo qeeyb galay Xuska 1-da Luulyo 2011. Waxaa ah wax aan la hilmami karin dadkana dareenkooda aad u kiciyay dhalinyaro yar yar oo qaarkood laga yaabo weligood inaysan arag Soomaaliya, balse ay ka muuqatay Wadaninimo aysan ku jirin hagrasho. Erayadii ugu qiimaha badnaa ee ay dhalinyaradan adeegsanayeen iyaga oo indhahooda ka muuqato ilmo ayaa waxaa ka mid ahaa Soomali Waa Hal Dad, Soomaaliya Waa Hal Dal, Soomaaliya Nabad insha allah.Dhalinyarada soomaaliyeed ee Kuwait ee soo abaabushay Xuska 1-da Luulyo ayaa waxa ay yihiin kuwo mudan in hiil iyo hooba lala garab istaago si ay u baahiyaan dareenkooda Wadaninimo iyo baahida ay u qabaan dalkoodi hooyo oo hela Nabad iyo Dowladd baahi tiri karta Shacabka Soomaaliyeed. Xaflada ayaa waxa ay bilaabatay 8.00 habeenimo waxa ayna dhamaatay 1.00 subaxnimo, waxa ay xafladaas Xuska 1-da Luulyo 2011 kusoo gabagaboowday Guul iyo sidii ay ugu tala galeen dhalinyaradii soo abaabushay ee Soomaaliyeed. Xigasho
  5. Boosaaso 1da Luulyo oo xalay laga xusay magaalada Boosaaso Munaasabad balaaran oo lagu xusayo 1-da luulyo oo ku beegan xiligii gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay madaxbanaanida ay ka qaateen gumaystihii Talyaaniga islamarkaana ay la midoobeen gobolada waqooyi ee dalka ayaa xalay ka dhacaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabad lagu qabtay guriga gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, dadwayne,siyaasiyiin iyo ururada haweenka iyo kuwa dhalinyarada ee magaalada Boosaaso. Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay kuxigeenka duqa magaalada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir waxaana uu sheegay in munaasabadan ay tahay mid lagu wayneenayo xiligii umada Soomaliyeed ay ka xoreebeen gumaytihii Talyaaniga,waxaana uu sheegay inuu si’aad ah uu ugu faraxsanyahay munaasabadda. Siyaasi Barqad Cali Saalax oo ka mid ahaa marti sharaftii kasoo qaybgashay kulanka ayaa ka sheekeeyay qaabkii shacabka Soomaliyeed ay u soo mareen sidii xoriyadooda uga qaadan lahaayeen gumaystihii dalka Talyaaniga iyo dhibaatooyinkii gumaystaha uu ku hayay shacabka Soomaliyeed. Waxaa uu sheegay xoriyada maanta ay harsanayaan shacabka Soomaliyeed in loosoo maray dhibaatooyin waawayn oo isugu jirta dil,xabsi iyo waxyeelo kale duwan,waxaana uu sheegay in dhalinta Soomaliyeed in maanta looga baahanyahay in iyagoo isku duuban ay calanka Soomaliyeed ay ka qaadaan meesha uu maanta yaalo. Duqa degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje oo ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu ka sheekeeyay xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo qaankii ay u xoriyadooda u qaateen shacabka Soomaliyeed,waxaana uu sheegay in munaasabaddan uu ku faraxsanyahay,waxaana dhinaca kale uu ka hadlay xaaladda ka jirta dalka Soomaliya waxaana uu sheegay in guud ahaan umadda in looga baahanyahay inay midoobaan. Xuska 1-da luulyo oo ay siweyn loo soo qabanqaabiyay ayaa hadalo badan iyo dardaaran kadib waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidamo katirsan dowladda Puntland kuwaasi oo gaardis kusoo bandhigay madasha ay kasocotay xafladda,waxaana ay salaan sharaf ay ka qaateen masuuliyiintii goobta ku sugnayd. Waxaa intaasi kadib la saaray calanka Soomaaliya,waxaana hal mar isbadalay jawiga goobta xafladda ay ka socotay oo hal mar laguda galay sacab iyo farxad kale duwan. Munaasabadda ayaa intii socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah waxaana goobta siweyn u soo camiray dhalinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho oo ka yimid degmada Carmo ee gobolka Bari. Haweenka iyo dhalinyarada kasoo caratay xaafadaha Horseed iyo Dayaxa ee degmada Carmo ayaa ciyaaro xiiso badan oo soo jiitay kasoo qaybagalayaasha xafladda soo bandhigay,waxaana ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka dadkii cayaaray ka mid ahaa kuxigeenka duqa degmada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir. Si kastaba munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan.
  6. More sawiro from Kowda Luulyo celebrations in Nayroobi. Quruxdeeda iyo quruxda calankeena isku darsatay. Wadanimo quruxna ku darsatay = xaax.com
  7. Calankaaga suubanoow - hees cusub calanka loo qaaday iyo Kowda Luulyo.
  8. Suudaan 1-da Luulyo oo si aan horey loo arag looga xusay magaalada Khartoum Xaflad ballaaran oo si heersare ah loo soo agaasimay laguna xusayey sanadguurada 51aad ee kasoo wareegatay markii ay madaxbanaanida qaateen gobolada koonfureed iskudarsankii labada gobol ee woqooyiga iyo koonfurtuna uu dhacay ayaa cawada waxa ay ka dhacday magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan. Munaasabadaan oo ahayd mid aan horey loo arag oo aad uqurux badnayd ayaa waxaa soo agaasimay midowga ardada Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo gacan ka helaya dhaqdhaqaaq diimeedka Aala-Sheekh ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee lagu magacaabo ( Freindship Hall) waxaana kasoo qeybgalay mas,uuliyiin ka kala socotay safaarada Somalida , shirkadaha xawaaladaha, ururada bulshada ,hooyooyin iyo boqolaal ka tirsan ardayda halkaan wax ka barata. Sii hayaha xilka safiirka safaarada Soomaalida ee magaalada Khartoum Ibraahim Guure Maxamed oo halkaas hadal qiiro iyo xamaasad xambaarsan ka jeediyey ayaa waxa uu ugu horeyn u hambalyeeyey umada Somaaliyeed meelkasta ay joogto isagoo kasoo qeybgalayaashii munaaasabada xuska ah joogeynta usoo gudbiyey fariin hambalyo ah oo ku aadan munaasabadaan oo uu uga siday madaxweynaha dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sii hayuhu waxa uu umada Soomaaliyeed alle uga baryey inuu ka saaro dhibka haatan ay ku sugantahay isagoo ugu baaqay dhalinyarada waxbarata in ay isu taagaan sidii umadooda ay wax ugu qaban lahaayeen ayna uga miro dhalin lahaayeen ujeedka Sudan ay u yimaadeen. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha midowga ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Sudan waxa uuna sheegay in manta ay tahay meel qiimo xambaarsan waxa uuna hambalyo guud u diray umada Soomaaliyeed meelkasta ay ku sugantahay , isagoo sheegay in dhibaatada iminka dalka iyo dadka haysata looga bixi karo midnimo iyo wada jir maadaama midnimada iyo xoriyada manta loo dabaaldagayo lagu keenay isu duubnaan iyo wadajir. Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Maryan Abuukar oo ka mid ahayd hooyooyinka soo xaadirey munaasabada xuska ah waxaana halkaas ay ka qaaday hees wadani ah oo intii goobjooga ahayd ka ilmeysiisay waxaana umada Soomaaliyeed ay ugu baaqday in ay is raacaan sanadkan kiisana uu alle ku gaarsiiyo nabad iyo horumar. Munaaasabaad ayaa kusoo idlaatay jawi wanaagsan ayadoo dadkii kasoo qeybgalay ay kala dareereen ayagoo qiireysan oo calanka lulaya kuna celcelinaya Soomaaliyeey Toosoo Toosoo Isku Tiirsada. Xigasho
  9. Koonfur Afrika Soomaalida K/Afrika Oo Siweyn Ugu Dabaaldagey 1-da Luulyo Munaasabad weyn oo loogu dabaaldagayey munaasabadda 1-da Luulyo, ayaa xalay ka dhacday Magaalo-xaabeedka Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika. Munaasabaddan oo ay soo agaasimeen Jaaliyadda Soomaalida ee (Somali Community Board) iyo ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJASA, ayaa waxaa si weyn loogu muujiyey mudnaanta ay leedahay maalintii uu gayigeena Somalia ka xuroobay gumaystihii ku amartaagleynayey. Goobta xafladdu ay ka dhacaysay oo ku taalla xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Bellville, ayaa waxaa kazoo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo ay ka muuqatay qiirad wadaniyadeed, iyagoo lulala calamka dalkeena HOOYO. Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Cabdi Yare Jidow, oo ku hadlayey magaca Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, ayaa si diiran uga hadlay halgalkii dhalinyarada SYL ay usoo mareen gobanimada dalkeena Soomaaliyeed, isagoo rajo aad u weyna ka muujiyey in sanadkan kiisa xiga anagoo xur ah aan dalkeena oo nabad ah kuwada xusi doono munaasabadan oo kale 1-Luulyo. Xigasho
  10. Suudaan Ururka Saxafiyiinta Sudan oo xusay Munaasabada Ida Luulyo Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan oo Xalay Khartoum ku Xusay Munaasabada 1da Luuliyo iyo Sanad Guurada 51aad ee Maalinta Madax Banaanida iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed. Xaflad ay ka soo qeeyb galeen qeeybaha kala duwan ee jaaliyada iyo Ardayada Soomaaliyeed ee Sudan ku dhaqan ayaa xalay ka dhacday Holka Shirarka Caalamiga ah ee Africa ee Magaalada Khartoum Caasimada Dalka Sudan. Xaflada oo aheed mid ka duwan Xafladihii horay uga dhici jiray Khartoum ayaa aheed xalay mid lagu Xusayay Sanad Guurada 51aad ee ka soo wareegatay Maalinta Xoriyada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed ee 1 dii Luuliyo. Munaasabada 1 Luuliyo oo aheed mid maalmahaanba si aad ah la isugu diyaarinayay ayaa waxaa xafladii xalay uu Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan uu ku weeyneeynaya xuska maalinta Qaranka Soomaaliyeed waxaa ka soo qeeyb galay Madax kala duwan oo ka kala socoday Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan, Ururada Wadaniga iyo kuwa Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku Sugan Sudan, Waayeel iyo Wax garad intaba ayadoo dhamaan ka soo qeeyb galayaashii Xaflada Xalay ay hareeyeen Dareen iyo Qiirad wadaniyad. Xafladii Xalay Khartoum ka dhacday ee uu soo qaban qaabiyay Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan ayaa aheed mid lagu soo bandhigay Barnaamijyo badan oo ay ka mid ahaayeen Gabayo, Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Heeso Wadani ah, Filin uu Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan uu soo diyaariyay oo lagu soo Bandhigay Xaflada dhexdeeda kaas oo ay ka Muuqanayeen Aabayaashii Xoriyada Soomaaliyeed ee S.Y.L iyo Dhamaan Madaxweeynayaashii iyo Qaar ka tirsan Ra’iisul Wasaarayaashii Dalka ka soo taliyay, Magaalooyinka Faca weeyn ee Soomaaliya iyo Dhaqanka miyiga Soomaalida Siduuu yahay taasoo ay u wada Sacaba tumeen dhamaan ka soo qeeybgalayaashii Munaasabada, ayadoo ay saa tahay ayaa arinita layaabka noqtay waxa ay aheed markii uu soo muuqday Sawirka Ra’iisul Wasaare Max’ed C/llahi “Farmaajo” ayaa hoolkii oo idil mar qura waxaa is qabsaday Sacab iyo Sawaxan halmar ay isla wada heleen Dad weeynihii daawanayay Filimka taasoo muujineeysa taageeraha ay Umadda Soomaaliyeed u hayaan Mudane Ra’iisul Wasaare Max’ed C/llaahi “Farmajo”. Dhanka Kale Munaasabadii Xalay uu Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed uu ku weeyneeynayay Maalinta Qaranka iyo Midnimada Umada Soomaaliyeed waxaa qudbado kala duwan oo ku aadan Munaasabada 1da Luuliyo ka soo jeediyay Madax uu ugu horeeyay Xog-hayaha Guud ee Midawga Ardayada Soomaaliyeed ee Sudan Mudane Max’ed C/qaadir Adam “Andhi” Gudoomiyaha Ardayada Reer Jabuuti ee aynu Walaalaha Nahay, Xog-hayaha Sportska iyo Dhalinyarada ee Midawga Ardayada Soomaaliyeed ee Sudan Mudane Haruun Imaan “Haruun Yare” Xog-hayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Mudane Yusuf Cismaan Cali, Xog-hayaha Arimaha Dibada Midawga Ardayada Soomaaliyeed ee Sudan Mudane Abuukar Salaad Maxamuud iyo Madax kaloo fara badan. Xafladii Xalay oo aheeyd mid si heer sara ah loo soo agaasimay ayuu Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan waxa uu ka soo saaray Baaq iyo Tahniyad uu Ururku u dirayay Umada Soomaaliyeed munaasabada 1da Luuliyo aawadeed, ugu dambeeynna hadal ku aadan munaasabada 1da Luuliyo iyo Xuska 51 aad ee Xornimada iyo Madax Banaanida Umada Soomaaliyeed waxaa Goobta ka soo jeediyay Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan Mudane Max’ed C/wali Yusuf “Otanga” asagoo ku nuux-nuuxsaday ahmiyada ee leedahay in la Xuso Manaasabadaha wadaniga ah ee Noocaan oo kala ah waxa uuna dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbaa oo ay joogto ugu hambalyeeyay Munaasabada 1da Luuliyo iyo Xuska 51aad ee Madax Banaanida Umadda Soomaaliyeed asagoo u rajeeyay Horumar iyo Baraare. Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan waa Urur ay ku Mideeysanyihiin dhamaan Saxafiyiinta Qoomiyada Soomaaliyeed ee Shanta ah, kaasoo ka madax banaan Qabyaalad iyo Is Faquuq, waana Ururka kaliya ee Saxafiyiin Soomaaliyeed leedahay oo u dhisan noocaan oo kale. Xigasho
  11. Dhuusamareeb Galgaduud oo 1 da Luulyo Laga Xusay Munaasubad lagu maamuusayay 1da luulyo oo si weyn loosoo agaasimaya ayaa ka dhacday xarunta gobolka galgaduud ee Dhuusamareeb. Maalinta xornimada koofurta soomaalia iyo israaca waqooyiga iyo koofurta soomaaliay ee 1da luulyo ayaa si weyn looga xusay degmooyin ka tirsan gobolka galgaduud. Inkastoo ay goboloda dhexe ee Soomaaliya ay iyo koofurta inteeda badanba aan maanta laga xusin 1da luulyo hadana waxaa si weyn ooga xusay guud ahaan degaanada ay ka arimiyaan culimada ahlu sunna wal jamaaca waxaana ugu waaweynaa degmooyinka maanta munaasbadahaani ka dhacayeen degmada Caabudwaaq, Balanbal, Guriceel, Matabaan iyo xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb oo aheyd goobtii ugu weyneed ee xafaladaani ka dhaceysay. Banaanka weyn ee fagaaha u ah munaasabada ceynkaan oo kale ah ee lagu sameeyo Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta soo buux dhaafiyay dad isugu jiray bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasoo intooda badan sita caleemo qoyan iyo calanka soomaaliya waxaana ishu qabaneysay ardada iskuulaadka oo dareyskoodii labasan oo gaaf wareegaya wadooyin waaweyn ee magaalada ayagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ka mid ahaayeen Soomaaliya ha noolaato. Nabadoon cilmi xirsi carab oo ka hadlay xafladii munaasabdaasi ayaa tilmaamay inay maanti si weyn ugu faraxsanyihiin asaga iyo loodkiisu iney ayagoo 50 sano ka hor dabaal dagii ugu horeeyay ka qeyb qaatay maantana kii kontonaad ka qeyb qaataan. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay duqa magaalada dhuusamareeb Maxamuud Nuur Cantoobo oo tix ka hadlaysa nabadda iyo faaiidooyinka ay leedahay halkaasi kasoo jeediyay. Ugu dambeeystii Munaasabadda ayaa waxaa hadlay gudoomiyaha guddiga fulinta Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow asagoo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay munaasabadda 1da luulyo, waxaana uu hadladiisa ku daray halka ay mareyso arimihii u dhexeeyay dowladda iyo uruka ahlu sunna waxaana uu intaa raaciyay in saxaafada gobolku hadeysan uga hadlay arimaha ka jira gobolka si dhex dhexaad ah ay munaasabkeedu noqon doono iney isga baxaan gobolka. Xigasho
  12. Landhan RA’IISAL WASAARIHII HORE FARMAAJO: ”Dad badan oo idinka mid ah waxay aaminsan yihiin in aan shucuurtooda kiciyay oo aan qiyaanay balse waxaan idiin sheegayaa sababtii aan isu casilay...” Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa shaaciyay sababtii uu isu casilay, isagoo dad aad u faro badan oo isugu yimid xuska munaasabadda 1-da Luulyo kula hadlay Magaalada London ee dalka Britain. Ra’iisal wasaarihii hore Mr. Farmaajo oo ugu horreyn u mahadceliyay Maamulaha TV-ga Universal Inj. Axmed Abuu Bakar oo suurtageliyay in xafladdaas toos loo daawado ayaa wuxuu dhanka kale ka hadlay sababtii keentay in uu is-casilo, wuxuuna sheegay ra’iisal Wasaaruhu in sababtaas ay ahayd tanaasul xal-doon ah. Dad badan oo idinka mid ah waxaa laga yaabaa in ay rumeysan yihiin in aan shucuurtiina kiciyay kadibna aan idin qiyaanay oo aan is-casilay, balse caawa waxaan idiin sheegayaa sababtii aan isu casilay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay in xornimada iyo gobonimada Soomaaliya aaney bilaash ku imaan, isla markaana naf iyo maal loo soo huray. ”Dhibaatada Soomaaliya ka taagan hadda ma bilaaban, waxayna soo bilaabatay markii laga soo noqday dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray ee dhacay Sanadkii 1977-kii, waxaa hubanti ah haddii tanaasul la heli lahaa in aan la weerari lahayn gobollada waqooyi, sidoo kale haddii loolankii xukunka ee horraantii sagaashamaadka dhacay ee dagaallada ahliga ah keenay in laga baaqsan lahaa haddii tanaasul imaan lahaa, sidoo kalena uu tanaasulku xal ahaa markii ay xukunka isku qabsadeen Jen. Caydiid iyo Cali Mahdi”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xor u ahayn in ay aayahooda ka tashadaan. ”Waxaan xilka Ra’iisal Wasaaraha qabtay iyadoo Xukuumaddii iga horeysay oo ka soo baxday Shirkii Jabuuti uu Ra’iisal Wasaaraheedii xafiiska uga tegayay khilyaaf dhexmaray isaga iyo madaxweynaha, kaddibna Xukuumaddii aan soo dhisay ee tayo ayaa markii dhowr bilood shaqeysay waxaa ka horyimid caqabado iyo khilaaf ka yimid madaxda sare ee Dowladda, illaa ugu dambeyntii ay noqotay in aan iscasilo”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo. Farmaajo waxaa uu sheegay in markii ay isqabteen madaxda sare ee Dowladda ee dhexdhexaadinta laga dhex sameeyay isaga iyo madaxda sare ee Dowladda uu maxsuulkii noqday in la yiraahdo ra’iisal wasaaraha ha is-casilo, sidaasna uu isku casilay. ”Waxaa la socotaa kubadda marka la ciyaarayo ee uu kabtanka dhaawacmo waa la bedelaa, aniga oo kabtankii ahaana waan dhaawacmay, waana la i bedelay. Kabtankii i bedelay oo aan soo wada shaqeynay nasiib wanaag waa la ansixiyay, Xildhibaannada aad bey u mahadsan yihiin, balse weli howsha ma dhamaan oo howl baa harsan, taasi oo ah in Xukuumadda ay noqoto Xukuumaddii tayo oo ah wixii aan isku ogeyn aniga iyo madaxda dowladda”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaayo oo ay si weyn u soo dhaweeyeen Soomaalida ku nool UK. Xafladda lagu xusay munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu qabtay Magaalada London ayaa waxay ahayd tii ugu ballaarneyd ee dalka dibaddiisa lagu qabto tan iyo markii dibadaha loo soo qaxay, waxaana si weyn uga dhex muuqday Xafladda Wariyayaasha TV-ga Universal iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed iyo Bahda Isboortiga ee UK ku nool. Xigasho
  13. Iswiidhan Munaasabada 1 Luulyo oo si weyn looga xusay magaalooyinka Sweden Soomaalida ku nool magaalooyinka kala duwan ee Sweden ayaa si weyn u xusay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyada Soomaaliya. Koonfur ilaa waqooyi ayay Soomaalidu muujiyeen midnimo iyo isjeceyl taasoo muujineysa baahida ay u qabaan in Soomaaliya ay markale lugaheedda isku taagto oo laga dhabeeyo guushii la gaaray 1-dii Luuliyo 1960. Wariyaheena magaalada Linköping ee gobolka Östergotland Siyaad Cabdi Jaamac ayaa ka qeyb galay munaasabadii lagu maamuusayay 1 Luuliyo isagoo noo soo tabiyay sida ay xafladaas u dhacday. “Munaasabada Linköping ayaa socotay galabtii ilaa habeenkii iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socota maamulka magaalada iyo Soomaali fara badan. Munaasabada ayaa lagu saaray calanka Soomaaliya iyadoo ay ka soo qeyb galayaashu ku soo bandhigeen hidayaha iyo dhaqanka Soomaaliya” Dhinaca kale magaalada Fagersta ayaa waxaa ka dhacday xaflad aad u qiimo badan oo ay soo agaasimeen dhalinyaro isxilqaantay oo lagu qabtay hoolka ugu weyn magaalada. Xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen inta badan dadka magaalada ku nool ayaa lagu muujiyay midnimo iyo galgacalka loo qabo dalkii iyadoo markii heesta calanka la daaray ay dadka ka muuqatay qiiro. Ugu dambeyntii ayaa waxaa na soo gaaraya wararka ku saabsan xafladaha ka dhacay magaalooyinka kala duwan ee Sweden inagoo ka fileyna warbixinada iyo sawirada dadka meelahaas ku dhaqan. Xigasho
  14. Koonfur Afrika Ciyaar lagu xusayay 1-da Luulyo oo ka dhacday Koonfur Afrika Ciyaartan ayaa wax ay ka dhacday Garoonka Kubada Cagta ee magaalada George oo aheyd goob ay isugu yimaadeen Dhalinyaro aad u fara badan oo xusayay Munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalin ku weyn Shacbka Soomaaliyeed ee ku nool Dunida dacaladeeda. Ciyaarta oo aheyd mid qurux badan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay C/risaq C/dule Cali Amiiko oo ah Mas’uul ka tirsan Xizbiga Cadaalada iyo Horumarint Soomaaliya una qaabilsan dhanka arimaha Bulshada. Ciyaartan ayaa waxaa ay ku bilaabatay si xamaasadaysan, waxaana labadii Koox ee Ciyaaraysay ay soo bandhigeen Ciyaar aad u wanaagsan taasi oo soo jiidatay Indhaha dawadayaashii ka soo qeybgalay Ciyaarta. Labada Koox ayaa waxa ay ku kala Ciyaarayeen Magacyada kala ah SYl Team iyo Somali Stars. Ciyaarta waxa ay socotaba waxaa Gool aad u qurux badan Kooxda SYL Team Daqiiqadii 24-aad u dhaliyay Ciyaaryahan Nadaara. Dhinaca kale daqiiqadii 35-aad ee Ciyaarta ayaa waxaa Gool helay Kooxdii ku ciyaaraysay magaca Somali Stars, waxaana u dhaliyay Ciyaaryahan Dhaaleey. Qeybtii danbe ee Ciyaarta ayaa waxaa Gool kale fursad u helay Kooxda Syl Team, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Taakow. Guud ahaan Ciyaarta ayaa waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda Kubada Cagta ee SYL Team iyadoona halkaasi lagu gudoonsiiyay Koobkii lagu xusayay Munaasabada 1-da Luulyo. Xigasho
  15. Sacuudiya Jidda oo laga xusay 1da Luulyo Munaasabad lagu xusayay 51 guuradii ka soo wareegatay xornnimadii gobollada Koonfureed iyo israac koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Jiddah ee wadanka boqortooyada Sacuudiga. Munaasabadda oo ay soo qaban qaabiyeen Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaar kubadda cagta oo loogu magac daray 1-da Luulyo oo ay wada ciyaarayeen labo koox oo kala ah horseed iyo Jeenyo. Xildhibaan Cabdullaahi Geedi Raage oo ka tiran xildhibaannada Baarlamaanka Soomaalida ayaa ugu horreyn munaasabadaasi ka hadlay Taariikhda maalinta xornnimada 1-da Luulyo iyo israacii gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga. Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay aqoonyahanada, haweenka iyo dhallinyarada Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Sacuudiga. Munaasabadaasi o si heer sare loo soo agaasimey ayaa waxa ay ku dhamaatay jawi farxadeed, iyada oo Soomaalida ku dhaqan wadankaasi ay soo xirteen dhar ka sameysan calanka iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Xigasho
  16. Xamar Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP oo Magaalada Muqdisho ku qabtay xaflad lagu xusayay 1-da Luuliyo Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii Waqooyi iyo Koofur ayuu xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP wuxuu shalay ku qabtay hoteel Shaamow ee magaalada Muqdisho. Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiga PDP iyo marti-sharaf kale, waxaana heeso wadaniyadeed kusoo bandhigay fanaaniintii kasoo qaybgalay kulanka. Ugu horreyn waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Maxamed Sheekh Xasan Faqiih isagoo sheegay in 1-da Luuliyo ay tahay maalin ku weyn dhammaan ummadda Somaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xuriyadda wuxuuna tilmaamay haddii dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo isku-duuban in hormar la gaari karo. Sidoo kale munaasabadda ballaaran ayaa waxaa ka hadlay Dr. Nuurto Sheekh Maxamuud waxayna sheegtay in maalintaan ay tahay maalin qiimo weyn, iyadoo xustay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku lahaayeen xurriyada waxayna tilmaantay in haweenka badan la xiray xiliggii xorriyad doonka. Munaasabaddu intii ay socotay ayaa qaar ka mid ah dhallinyarada xisbiga Nabada iyo Hormarka waxay soo bandhigeen majaajilooyin ay ku cabirayeen xaaladda uu dalku marayo. Sidoo kale dhallinyarada ayaa qaadayay heeso wadani ah oo ku aadan maalintii xorriyadda dalka oo ay kasoo wareegtay 51-sano. Guddoomiyaha xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud oo xafladda ka hadlay ayaa u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed maalinta xorriyadda, isagoo sheegay in dadka iyo dalka ay iminka qabaan dhibaatooyin badan isla markaana xisbiga Nabada iyo Hormarka uu u taagan yahay in mar kale la istaajiyo xorriyaddii Soomaaliya. "Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay meel iska dhigaan isku dayadii hore oo dowladnimada lagu keeni waayay oo aan wax kale isku dayno, taasoo dalka iyo dadka u horseedi karta nabad iyo baraare waara," ayuu yiri Xasan Sheekh. Guddoomiyaha xisbiga Nabadda wuxuu sheegay in dalka ay u rabaan dowlad ay dadka Soomaaliyeed wada leeyihiin oo keentay haybadda iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, ayaa waxaa munaasabadda lagu soo xiray heesta caanka ah ee ah: 'Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada', iyadoo ay si wadajir ah ugu luuqeynayeen qaar ka mid ah golaha dhallinyarada ee xisbiga iyo dadweynihii munaasabadda kasoo qaybgalay. Xigasho