-
Content Count
17,576 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
318
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Feestada Kowda Luulyo ka dhacday safaaradda Soomaaliya ee dalka Kiinya xalay. The legends Axmed Naaji Sacad and Saado Cali Warsame were both there in their majestic ways. The embassy is a large mansion, but xalay it was full of beautiful Soomaalis with their equally beautiful blue adornments. I was, in the words of the ambassador Max'ed Cali Ameerika, "afka juuqda gabay." The embassy was recently re-acquired by the Soomaali people after a very long, long (15 years) struggle in judicial process of Kenya. It was corruptly sold to a Hindi living in Kenya in mid '90s. All thanks to every Soomaali dalkiisa jecel u istaagay badbaadinta safaaradaan. It is located in the prime, leafy parts of Nayroobi's Westlands. Somewhere in there is the queen of daljecelnimo Saado Cali Warsame Somehow I couldn't upload other pictures, but I will soon, Eebba ha idmee. -
Countdown to AbdiWeli's Visit to Zenawi's Villa!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Som@li's topic in Politics
Soomaali meel xun laga heystaa runtii. Addis Ababa sida loo wada aado wey isku wada raaceen, ismana arki karaan iyaga dhexdooda dhul Soomaaliyeedna inay ku kulmaan wey diidayaan. Yaab. -
I do love reer Xamar maahmaah -Thread
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Qodax Qorax's topic in General
Aaliyyah;730916 wrote: lmao what does that even mean..I heard been hadaad shegasid been run u eeg sheeg..macnuhu ma intaas uun baa.. I know many mahmaahs, but I have never differentiated them to be reer xamar or otherwise. I just know them as somali maahmaah.. "Been haddii sheegeysid, been dacas qabto lee sheeg" waxaa loola jeedaa, waa saa sheegtee, mid run u eg sheeg. Yacni been qaawan ha sheegin, oo dhar xataa haddee wadan dacas (sandals) u gili oo qurxi. Ma kastay hadda? -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Masoo dhaqsaninee but I don't know inaa waqti helaayo beri. So... -
It is the day, so if aad dalkaaga iyo dadkaaga jeceshahay, facebookna ku jirtid, show your daljecelnimo on facebook.
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koobka koowda Luulyo oo lagu wado in lagu qabto Xaafada Southall Waxaa lagu qabanayaa magaalada London gaar ahaan xaafada Southall koob loogu magacdarey ‘’koobka Koowda Luulyo’’, oo ku beegan 51-guuradii madax banaanida dalka Soomaaliya, yacni markii Soomaaliya loo aqoonsadey inay Qaran buuxa oo xor ah tahey. Koobkaas waxaa ka soo qayb galaya ilaa 7 kooxood oo u badan dhalinyarada cuslaatey ee degan magaalada London xaafadaheeda iyo hal koox oo ka socota magaalada Manchester kuna magacdheer (Old Boys team), waxaana soo qabanqaabiyay mudane Cabdikariin Cabdulle Shiidle “Black’’ iyo Mustaf Farey oo labaduba ka soo mid ahaan jirey ciyaartooydii hore kooxaha Wagad iyo Badda ee barisamaadka dalka Soomaaliya, kuwaasoo sanadihii ugu dambeeyay deganaa xaafada Southall. Ciyaarahaan xiisaha badan waxaa lagu qaban doonaa maalinimada Sabtida taariikhduna tahey: 02/01/2011 Saacaduna tahey : 12:00 duhurnimo Garoonka weyn: Dominican Centre 112 The Green. Southall Waxaa barnaamijkaan marka laga soot ago kooxaha ka qayb galaya marti sharaf isboorti iyo ururada isboortiga dalkaan ka dhisan kuwooda ugu wanaagsan, halka SSPAMEDIA & Barnaamijka faaqidaada Cayaaraha TV-ga caalamiga ah ee Universal uu gacan weyn ka geysan doono sidii uu bulshada Soomaaliyeed ee isboortiga jecel ugu soo taban lahaa tartanka lagu weynaynaayo maalintii dalka Soomaaliya laga surey Calanka Buluuga ah,islamarkaana aan ka xaroowdey gumaystaha reer Galbeedka. Hadaba hadii aad doonaysid wixii faahfaahin ah kale xiriir Black iyo Mustafe oo ah gudiga qabanqaabada koobka koowda Luulyo ee lagu qaban doono magaalada London gaarahaan xaafada Southall. Xaafada Southall waxaa degan jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u farabadan Allaha deystee, kuwaasoo aad u jecel isboortiga kuna wanaagsan martisoorka martida timaada xaafadda Southall, kuwaasoo diyaargaroow ugu jira sidii ay u martigalin lahaayeen koobka koowda Luulyo. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mgaalooyinka Gothenburg iyo Söderhamn iyo wacdaraha maalinta Xuriyada Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka Gothenburg iyo Söderhamn waxaa lagu wargalinayaa in munaasabada maalinta xuriyada ee kowdda luulyo la qaban doono 2-da bisha Luulyo, iyada oo xafladahaasina ay ka soo qeybgali doonaan fanaaniin iyo abwaaniin, iyo sidoo kale taariikh yahano ka sheekeyn doono halgankii xuriyada loo soo maray. Hadaba si aad faahfaahin dheeraad ah u hesho halkan ka daawo goobta lagu qabanayo xaflada Söderhamn. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kowda Luulyo: Ciid wanaagsan dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba oo aad joogtaan -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sanadguuro wanaagsan oo wacan mar kale Soomaalida sharafta leh dadkooda iyo dalkoodaba wada jecel. Mar kale guul iyo gobonnimo wanaagsan. Kowda Luulyo ha waarto, ha jirto, hala xuso - halyeey baa madaxbannaanimadeena naftooda iyo maalkoodaba u huray. Waana xasuustii iyaga iyo dhammaan inta dalkeena iyo dadkeena u soo halgamay. Ha jirto Kowda Luulyo! -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sidee Loogu Diyaar Garoobay Maalinta Qiimaha Badan ee 1-da Luulyo Waxaa I Naga Xigta Hal Maalin Iyo Saacado Maalinta Qiimaha Badan Ee Xurnimada Qaadanay Ee Ku Beegan 1-da Luuliyo Oo Ah Habeenkii aan Ka Xurownay Gumesytiahii Talyaaniga Isla Markaana ay Midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koofur, Waa Maalin Qiimo Badan Guud Ahaan Shacabka Soomaaliyeed Meel Walba oo ay Joogaan u Dabaal Daga Isla Markaana U Sameeya Fantastiyo Ku Aaadan Maalitaan Dabcan Sanad Walba waxa uu Wataa Wacadaro Gooni ah Iyo Marxalad u Gaar ah oo ay kaga Duwan tahay Qaabka Loo Qaabilo Maalintaan Qiimaha Badan ee Kowda Luuliyo,Taa oo Sababeynayo Xaaladaha Cagiran ee Ka Jira iyo Dagaalada aan Dhamaad Laheyn ee Hareeyay Caasimadii Dalka Hooyo iyo Deegaanada Dalka Hooyo Ee Soomaaliya.Nasiib Darada Haleeshay Shacabka Soomaaliyeed Ku Dhawaad 20Sano Si Wada Jir ah Uma aysan Xusin Maalinta Qiimaha Badan isla Markaana ugama Aysan Arag Fagaaraha ee looga Bartay In Loogu Dabaal Dago Maalintaan Qiimaha Badan , Sanadaan Soomaalida Waxa Dhamaan Magaalooyinka ay ku Nooshahay Waxaa Laga Dareemayaa Dahq Dhaqaaqyo Culus iyo Diyaar Garow Xoogan oo ay ugu Jiraan Soo Dhaweynta Maalinta Calanka Soomaaliyeed ee Kowda Luuliyo,qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada,Fanaaniinta ayaa Wada Dhaq Dhaqaaaqyo ay kusoo Dhaweynayaan ayadoo ay horseed u yihiin Bulshada in ay Kala Qeyb qaataan Xuska 1 Luulyo,Goobo Badan ayaa Loo Diyaariyey si Bulshada Isugu Timaado Isla markaana ay Meel ugu wada Xusaan, Xarunta Madaxtooyada Ee Dowlada KMG ah Soomaaliya Ayaa La Faliyaa in Lagu Dhigo Munaasabad Balaaran oo Loogu Dabaal Dagayo Maalintaan Qiimaha Badan Waxaana Munaasabadaas Ka Qeyb Gali Doono Madaxda Sarsare Ee Dowlada KMG ah Soomaaliya,Mas,uuliyiin Kala Duwan, Golaha Barlamaanka,Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Marti Sharaf kale oo Aad Badan,Sido kale Munaasabado kuwaan La Mid ah ayaa Aayaguna Lagu Qaban Doonaa,Gobalada Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Deegaanada ay Ka Taliyan Maamulada Ka Madax Banaan Ururka Al Shabaab, Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Ayaa Ayaduna Lagu Wadaa In Lagu Qabto Munaasabad Balaaran oo Aay ka Qeyb qaadan Doonaan,Fanaaniin,saxafiyiin,Madaxda Jaaliyada Dalka Kenya,iyo Marti Sharaf kale oo Farabadan,waxaana Munaasabadaa lagu Casuumi doonaa Madax Ka Socota Dowlada Dalka Kenya.Sida uu Warbaahinta u sheegay Safiirka Soomaaliya U fadhiya Kenya Cali Americo,waxaana Xusay in Ay Ka Duwanaan Donto Maalintaan Maalmaha Kale. Goobaha Waa weyn ee Ilaa Iminka La Cayimay Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Xarunta Weyn ee Tv-ka Caalamiga ah Universal Tv Halkaa oo uu Ka Dhici Doonp Xaflad Balaaran ooo Ay Soo Agaasimeen Madaxda Tv-ka Caalamiga Ah Universal Howl weyn ayaa loo Diyaariyey Si Dadweynaha Ku Sugan Magaalada London Iyo Nawaaxigeeda ay uga Qeyb Qaataan Munaasabadaa Waxaana Halkaa Lagu Casuumay Fanaaniin Aaad U farabadan Aayadoo Dadweynaha Ku Sugan Daafaha Dunida ay Xafladaa Si Toos Ah Uga Daawan Doonaan Shaashada Caalamiga ah ee Universal Tv. Guud Ahaan Magaalooyin Waa Weyn oo Caalamka Ka Mid Ah Isla Markaana ay Ku Badan Yihiin Soomaalida Aayaa Waxaa Ka Socda Qaban Qaabo Xoogan oo Ay Wadaan Jaaliyadaha Soomaalida ee Ku Nuul Qurbaha, Magaalooyinka La Filayo In Fantasyiyaha uu Ka Dhaco Waxaa Ka Mid Ah Wadamada South Africa, America, Swedan, Sacuudi arabiya, Dubai, Holand, Maleysia, Qadar, Kuweit, iyo Wadamo Kale Oo Badan. Maamulka iyo Shaqaalaha Kala Duwan Ee Shabakada Warbaahinta Caalamka.net Ayaa Dhankeeda Diyaar Garrow Kaa La Mid ah Gashay Waxaana Shaashada Weyn Ee Caalakamka.net Si Talantaali ah Idin Kugu So Gudbin Doonto Hadba Munaasabad Walba ee Loogu Dabaal dagayo Maalinta Kowda Luulyo,ayado Sido Kale Shabakada Aay soo Bandhigi Doonto Barnaamijyo,Maqal iyo Qoraal ah Intaba Kuwaa Oo Ku Saabsan Taariikhda Faca Weyn ee Maalinta 1-da Luulyo Ku Dhax leedahay Bulshada Soomaaliyeed. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
U diyaar garowda Xuska 1-luulyo oo laga dareemayo Magaalada Garoowe Qaban qaabada xuska 1-lulyo ayaa waxaa laga dareemayaa qaybo ka mid ah Degaanada Puntland .iyadoona ay 1-lulyo ay ku beegan tahay maalinta bari oo waana waqtigii ay xornimada ay qaateen Gobaladii koonfureed ee wadanka soomaaliya. Xuska maalintii ay xoriyada ay qaateen Gobaladii koonfurta soomaaliya oo kuna beegan 1-lulyo ayaa waxaa dadka ku dhaqan magaalada garowe caasimada Puntland ka buuqatay u diyaar garowda xuska maalintasi qiimaha wayn ku leh umada soomaaliyed meel walba ay joogaan . Maxamad Cali Cabdi oo ka mid ah Dadka indho garadka ah ee ku dhaqan magaalada garoowe ayaa maanta isago u waramayay warbaahinta Dunida Online xafiiska magaalada Garoowe ,waxa uu sheegay xuska luulyo kowdeeda inay tahay maalin qiimo leh ,isagoo ay ka buuqato qiiro iyo wadaniyad ayaa waxa uu sheegay naf ahaan tiisa inuu barito xus gooni ah u samaynayo . Dhanka kalena hooyoyinka ku dhaqan magaalada Garoowe waxaa laga dareemayaa u diyaar garow maalinta 1-lulyo oo ah xiligii ay midoobeen Gobaladii waqooyiga iyo koonfurta soomaaliya ,waxayna dhamaan iisheegaan inay ku farax san yihiin xusitaanka maalintaasi qiimaha leh . Dowlada Puntland dhankeeda wax qaban qaabo ah lagama dareemayo oo ku aadan xuska maalinta 1-lulyo xoriyad qaadashada G/koonfureed ee dalka soomaaliya, waxayna arintaasi kusoo beegmaysaa xili wadanka soomaaliya uu caga la galay waqti xun oo dadka wax ku oolka ah la dilayo maalin cad. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
OGEYSIIS: Xuska munaasabada Kowda Luulyo ee magaalada München ee dalka Jarmalka Dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada München Ee Dalka Jarmalka & Agagaarkeeda la Ogeysiinayaa inay kasoo qeyb galaan Xaflad ay soo Agaasimeen Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed München oo lagu xusaayo Munasabadda 1-da Luuliyo waxaanna la qaban donaa Maalinta Jimcaha 1-Luulyo, Saacada 20:00 (Laba Saac Habeenimo), Addreska Leipziger Strasse 2 U1 Westfriedhof Waxii Faahfaahin Ah Kala Xiriir Maamulka Xaflada Saalax Muriidi Iyo Ilyas Ahmed 017673276458 Iyo 017673969310 Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Danjire Ameeriko:Xaflada 1da Luulyo Waxaan Ku Qabanaynaa Guriga Safaarada Qabanqaabo xooggan oo loogu dabaaldagayo maalinta xurnmada iyo midnimada Soomaaliya ee 1da July ayaa waxa ay ka socotaa xarunta safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur (ameeriko) ayaa Radio Muqdisho u sheegay in safaaradu ay qabanqaabineyso xaflad weyn oo lagu qaban doono dhismihii safaarada la soo celiyay, si soomaalidu u dareemaan xorriyad. Safiirka ayaa waxa uu intaas ku daray in ay doonayaan in ay tusaan dadkii ka shakisanaa soo celinta dhismaha safaaradda oo ay maxkamadda sare ee dalka Kenya 7dii bishii disember 2010 ay u xukuntay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale safiirku waxa uu sheegay in ay dabaaldagga ka qeyb qaadan doonaan fanaaniin caan ah sida Saado Cali Warsame iyo fanaanka Axmed Naaji Sacad, waxaana markii ugu horreysay la marti qaaday qaxootiga xeryaha Dhadhaab oo Nairobi ugu dabaal dagi doono maalinta xorriyadda, waxaana safarkooda iyo joogitaankooda Nairobiba dusha u ridatay safaarda Soomaaliya ee Nairobi. Dabaal daggaan ayaa waxaa la filayaa in uu ku beegmi doono maalinta 1da luulyo, waxaana jira xaflad kale oo ay safaaradu qabanqaabineyso oo habeenka ay soo galeyso 1da Luulyo ka dhici doonto goobo ku yaalla Nairobi. Hadalka safiirka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay wargeysyada dalka Kenya si aad ah u hadal hayaan, isku day ay wadaan qolyihii safaarada iibsaday oo doonaya in ay dib u furan dacwad, si ay u mar kale ula wareegaan hantidan Soomaaliyeed. Xigasho -
Are Pete Sampras and Boris Becker still playing? How about Steffi Graf and Arantxa Sanchez Vicario?
-
Today's blog: Electricity and Islii In Islii, we have a persistent blackouts and outages that lasts into next day. What is amazing is that Islii generates more tax income into coffers of Kenyan government than any other place in Kenya, except save downtown core of Nayroobi. Yet, we have this persistent blackouts. Worse, whenever it heavily rains the power goes with it. Power poles and wires kala go'go'a mar walba, siiba markuu roobka socda fiilooyin badan iska soo go'a, dadkana dilo. Since dowladaan Kenya completely ignores Islii's public needs, more and more business places and joints and residential building blocks as well are becoming self-sufficient. Sar walba la dhisaayo and previously built ones as well ceelal laga qodaayaa (access to water in Islii is even much worse) and almost all business places use private generators. Some altogether stopped relying unreliable public electricity, instead relying their own private generators 24 hours a day.
-
Kariokor Estate dhowr jeer korkeeda agmaray, waa isku dayaa inaa kuu soo sawiro next time aan agmaraayo, Eebba ha idmee. Adaana mudan. Ma Soomaali badan ayaa degan? Uma maleeyi, perhaps in the old days.
-
Hambalyo iyo boggaadin. Awlaad liibaantay Eebba idinka baryayaa.
-
Today's blog: Questions, questons... A lot of dibadjoog Soomaalis have been to Islii, especially high during the northern summer months like now. However, quite a few more had never been to Islii or have been ages ago when Islii was dominated by single-story lodged houses, like in early '90s. To those who have never been here, they might have questions about it. They might want to check it, but want to know a bit more about it before coming here. So if you happen to be one that is mentioned above, you can fire all your questions about Islii. Any question is welcome.
-
Al--Shabaab.. We Owe Our Allegiance To Al-Zawahiri
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to caydarus's topic in Politics
genius pauper.;729483 wrote: 2)alshabaab waxa kaqaldan inaad saxdaan maxaad kudiidantihiin??/ Kii isku dayo in uu saxaba qoorta laga goynaayaa yaa saxaayo marka? Even su'aalahaaga camal uma dulqaadan karaan maadaama dad qaldan ismoodin, oo divine laws wato ismooday. And haddee dhab kaa tahay qalalaadka ee galeen inta lagu soo qoro, taas waa ogtahay in maalin dhan qaadaneyso. Laakiin tan lee haku bilaabaan: Inay aaminaan calanka baluugga, in uu dal jirana u jiro ha qirtaan hana qaataan. Waa inay ku eekaadaan xadka dhulka Soomaaliyeed ee Soomaaliweyn, meel kale waxba nagama galin. Waa inay iska dhaafaan shisheeyaha meelaha kale laga soo buriye. Waa inay ka cararin dhaqankeena iyo hiddaheena wanaagsan, iyagoo ka doorbiday inay walbana ku badalaan dhaqamo shisheeye that had nothing to do with diinteena suuban. Waa inay joojiyaan dagaalada ay barbaarta xoogga ku gilinaayaan. Waa inay dadka cabsi iyo hanjabaad ku xukumin, but camal wanaagsan iyo hoggaan caddaalad iyo daacadnimo ku dhisan. Sur goynta, gacma iyo luga goynta waa inay joojiyaan. Kaba sii daran iyaga maxkamada fadhiyo, kan garsoorka fadhiyo iyaga yahay, kan dambiga kusoo oodaayo iyaga yahay, kan fulinaayana iyaga yahay. Dadka masaakiinta haka shaqeystaan, oo cumanka yee qaban, cunaqabateyn yee ku ridin, ha u fasaxaan waxee kasoo saaran lahaayeen daruurigooda. Hay'adaha dadka wax u qabanaayo, dhaqankeena iyo diinteenana waxba u dhimaneynin, ha fasaxaan. Ha joojiyaan waxa micnadarada maalin walba ay u mamnuucaan. Intaas ha inoo joogto. -
Mahiga iyo Musaveni haku maamulaan mashaqo ahaa. Meeshaan Farmaayo iyo shaqsi ahaantiisa ma taagnee, Soomaaliya iyo badaxbanaanimadeeda taagantahay. Haddii maanta sidaan sahlan Farmaajo -- oo ahaa shaqsigii kaliya waxqabanaaye -- loogu tuuro yaa haraayo oo la dhaafaa.
-
Labadii xadqaro ku heshiiso...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Aamiin, abaayadiis. Dhibka maantana ma'aha Xamar iyo dadkeeda degan -- dhibka wuxuu ka taaganyahay faragelin shisheeye oo dhamaad lahayn, iyagoo adeegsanaayo kuwa Soomaali isku sheegaayo calooshood u shaqeystiyaal ah. -
Labadii xadqaro ku heshiiso...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Labada Shariif oo isku mari waayay kulan ay ku yeesheen Muqdisho Muqdisho - Kulan la isku mari waayay ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Filla Soomaaliya waxaa ku qaatay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kulankaani oo mudo saacado ah socday ayaa xarunta madaxtooyada waxaa ku qaaday madaxweynaha dowladda KMG iyo gudoomiyaha Barlamanka, waxaana sida la sheegay kulanka looga hadlayay sidii loo magacaabi lahaa Ra’iisul wasaare badela Ra’iisul wasaarihii xilka shalay ka degay ee Max’ed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka maanta la isku mari waayay ayaa waxaa la sheegay in uu ka horeeyay kulan xalay labada Shariif ay ku qaateen xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana saakay 8-dii aroornimo ilaa 2-da duhurnimo socday kulanka labada masuul ay isku mari waayeen. Warar ay Shabelle ka haleyso ilo ku dhow dhow gudoomiyaha Barlamanka ayaa sheegaya in labada masuul ay isku raaceen markii hore in Ra’iisul wasaare rasmi ah loo magacaabo C/wali Max’ed Cali oo hadda ah siihayaha Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG hase ahaatee mudo kadib oo saxaafada la wacay lana doonayay in la shaaciyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa kulanka waxaa isaga baxay gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Isfaham waaga ayaa yimid kadib markii sida la sheegay C/wali Max’ed Cali uu wehliyo Ra’iisul wasaarihii xukuumada KMG Max’ed C/laahi Farmaajo uu soo galay goobta uu kulanku ka socday taasi oo dhaliysay in wax yar 20 daqiiqo gudoomiyaha Barlamanku uu isaga soo baxo kulanka. Markii intaasi la isku mari waayay ayaa saxaafadii tagtay xarunta Madaxtooyada ee Filla Soomaaliya waxa lagu wargaliyay in uu dib u dhacay kulankii la doonayay in maanta lagu shaaciyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Xigasho -
...xaqa ayee ku dagaalaan. Labadii tuug koofiyadaha dheeraa already isqabqabsigooda bilowday. Sii aqriso. Munaasabad la sheegay in lagu soo magacaabi lahaa ra'iisul wasaare cusub ee Soomaaliya oo dib u dhacday Isniin, Juun 20, 2011 – Wararka laga helayo madaxtooyada DKMG ah Soomaaliya ayaa sheegay in munaasabad lagu waday in lagu soo magacaabo ra'iisul wasaare bedela ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo shalay iscasilay, kaddib markii uu muran soo dhexgalay madaxweyaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Saakay ayaa madaxtooyada Soomaaliya looga yeeray suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho iyadoo kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ay yeesheen labada Shariif oo uu wehliyo ra'iisul wasaarihii xilka ka dagay Maxamed C/llaahi Farmaajo, balse daqiiqado kaddib ayaa la shaaciyay in xafladdu ay baaqatay. "Waxaan aragnay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo isagoo dadaalaya kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, kaddibna fuulay gaarigiisii - waxaana xigtay in naloo sheegay in kulankii uu baaqday," ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah wariyeyaashii saakay tagay xarunta madaxtooyada oo magaciisa qariyay. Sidoo kale, wariyahan ayaa sheegay inay jireen warar sheegayay in labada Shariif ay isku af-garan waayeen in cidda noqonaysa ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo bedeli doona ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Warar ay HOL helayso balse aan la hubin ayaa sheegaya in madaxweyne Sheekh Shariif uu soo jeediyay in xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya loo magacaabo Cabdiweli Maxamed Cali oo shalay si KMG ahaan ah loogu dhiibay xilka, taasoo la sheegay inuu ka soo horjeestay Shariif Xasan. Ma jirto xilli kale oo loo qabtay in xaflada ay dhici doonto, waxaana tani ay muujinaysaa in weli ay jirto kala fikir duwanaasho u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya kaddib heshiiskii ay ku gaareen Kampala oo qodobbadiisu ay ka mid ahaayeen in hal sano lagu kordhiyay xilliga ay DKMG ah shaqeynayso. Xigasho
-
A brief history of SOL. Before there was SOL, there was a site called somali.com in late '90s. Then that site's then popular chatroom was hacked and placed in another upcoming site. That upcoming site now is the most infamous Soomaali site on the net. I won't mention it but almost all the older members of SOL are familiar with it, and we were refugees of that site, taking shelter in SOL. When that popular chatroom on somali.com was hacked, the masses who were using it were not aware it. They moved along with that chatroom. And during the late summer of 2000, ex-admins (I think) of somali.com created SOL. It was August. And we were invited in a grassroots-like campaign from that infamous site. Each member invited another and then another. And the rest is history. Sanadguuro wacan SOL. SOL mar dhow curad ayuuba noqon doonaa. Anagana abtiyaal/adeero/habaryaal/eedooyin u wada noqon doonaa, if not awoowiyaal/ayeeyiyaal.