-
Content Count
17,576 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
318
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Aabahood wuxuu ahaa miyaa Marxuum Saleebaan Colaad Rooble, Eebba ha u raxmadee. Aabahooda qaraxaas Shaamoow ka dhacay wuu ku dhaawacmay, isla markii kuma geeriyoon. Saa u maleeyo bilooyin ka bacdi ayuu Sacuudiga ku geeriyooday. Aad ayaan ugu faraxsanahay in carruurtiisa waxbarasho sare oo bilaash ah helaan.
-
Dhulbaraha Soomaaliya, near Jilib and Jamaame. Somewhere between Jilib iyo Kismaayo.
-
Horn of Africa hit by worst drought in 60 years
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Naxar Nugaaleed's topic in Politics
Geed la jaro, geedo la gooyo, geeda la gubo -- soon or later inay tan iyo mid ka daran dhaceyso ma ogeyn miyaa dadkeena. Walaahi abaaraha ka taagan dhamaan Soomaaliweyn waa murugo aad u weyn. Just last night on Universal channel, hooyo Soomaaliyeed ayaa ku ooyneysay iyadoo la wareysanaayo. I wasn't watching it, but waxa la ii sheegay inay tiri dhowr ciyaal inay dhashay kana soo qaxday Shabeellaha Hoose, sadex jidka ku dhinteen intee soo socdeen, hal kalena meydkiisa kaamirada qabaneysay oo xoogahoo yar kahor geeriyooday inta la wareysan, midkii u dambeeyana bastiisa ahaa. Dad ama hay'ad u maqan ma lahayn, wey iska ooyneysay sida la ii sheegay. Now boqolaal kun sideeda camal ku jiro, walaa Wajeer ilaa Jabuuti wada gaartay. Eebboow amuuraha sahal. -
African man in the kitchen? Quick, call the fire brigade
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in General
Aaliya iyo 'marriage topics' maxaa kala heysto. Any topic lagu soo dhajiyo inta oo ka hadlaayo directly or indirectly about marriages/husband material/wife responsibilities/dooqa qofka la dooranaayo/etc, Aaliya is the midst of it all, right and left. Aaliya, saan si ma'aha, sister; mid keenso ama waa laguu keenaa. Saan ma u daawan karnee. Kaftan waaye yaah, ha u bixin. -
Somaliland oo xabsiga dhigay Fanaan Axmed Biif
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to A_Khadar's topic in Politics
Waala waashay. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Showqi, Aaliya iyo Soomaalina, idinkaa wada mudan. _______________ Iswiserlaan Koob Lagu Maamusayay Munaasabada Sanadguurada 51aad ee 1 Luulyo oo ka dhacay Gobolka Zurich ee Wadanka Switzerland Waxaa ka dhacay Cariga switzerland magaalada zurich munaasabad balaaraan oo lagu maamuusayay maalinta xoriyada iyo qaranimada Soomaaliyeed ee 1da luulyo waxaana lagu qabtay koob ay ku tartamayeen afar kooxood oo heerka koowaad ah gobolka Zurich ee wadanka Switzerland Sii aqriso -
Xamar - 1977
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Atlanta, Mareykanka JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE ATLANTA OO U DABALDEGTAY MAALMAHA XORIYADDA SOOMAALIYEED Waxaa Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka lagu sameeyey Xaflad aad iyo aad u heer sareysa oo ay abaabuleen Somali_American Community Center oo loogu dabaldegaayey Maalmaha 26 Juun oo aheyd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago iyo 1da Luulyo oo aheyd Xoriyaddi Goboladda Koonfureed iyo Midawgii Labadii Gobol oo ay halkaa ku noqdeen Jamhuuriyaddi Soomaaliyeed,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Odayaal oo ay dhamaantood ka muuqatay Shucuur wadaninomo,waxaana Xaflaadasi lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah,waxaana ku xiga Heestii caanka aheyd ( SAREEYOW MA NUSQAAMOW KAN SIIB KANNA SAAR),waxaana heestaasi inta ay socotay kor u kacay shucuurtii Soomaalinimo oo ay Muujiyeen ka soo qeyb galayaashii,waxayna Ummadii ka soo qeyb gashay ay soo Bandhigeen in ay yihiin kuwa waligood aysan ka tirtirmeynin Wadaniyadda iyo Soomalinimadda,waxayna ka soo qeyb galayaashi ay u Mahadceliyeen Guddiga Soomali-Americaan Community Center,iyago ka codsaday in ay sanad walba Maalintaa oo kale la qabanqaabiyo Xaflado loogu dabaldegaayo maalmahaasi qiimaha leh. Sii aqriso -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Holland Jaaliyadda Soomaalida Holland oo sanadkan si weyn u xusay Munaasabada 1da Luulyo Aqriso maqaalka iyo sawiro kale -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Soderhamn, Iswiidhan Munaasabada 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Soderham iyo dad caan ah oo ka qeyb galay Waxaa lagu qabtay Magaalada Soderhamn ee dalkan Sweden munaasabad si weyn loo soo agaasimey oo lagu xusayey Maalinta Xornimada Umadda Soomaaliyeed. Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Jaaliyadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda Haweenka Soomaaliyeed ee Magaalada Söderhamn ee dalkan Sweden. Munaasabaddan oo ay ka so qeybgaleen Marti sharaf badan oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo dalkan Sweden ah ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Cabdi Raxmaan Diinaari, Wasiirkii Ganacsiga hore, isla markaasna ahaa Afhayeenkii Dowladda Kumeelgaarka. Martisharaf ta kale ee ka soo qeybgalay munaasabaddan ayaa waxaa ka mid ahaa Abwaanka Weyn Mustafa Sheikh Cilmi, Abwaanka Weyn Cabdullahi Nuur Ducaale, Mudane Cabdullahi Yalaxow Maalin oo ah xubin sare oo ka tirsan Ururka Waddaniyiinta Soomaaliyeed iyo Madaxda Xisbiga Social Democrats ee Söderhamn Kommun iyo Madaxda Ururka ABF Hälsingekusten. Munaasabaddan ayaa abwaan Cabdullahi Nuur Ducaale ku soo bandhigay isla markaasna warbixin kooban ka bixiyey Ruwaayadda Sandareerta oo ah mid ka hadleysa sida ay u dhaqmaan madaxda dowladda ee ka doortay lacago yar yar halkii ay qaranimadda u istaagi lahaayeen. Khudbadihii la soo jeediyey oo runtii ahaa kuwa aad u xiiso badan ayaa waxaa khudbad xiiso badan ka jeediyey Mudane Cabdiraxmaan Diinaari oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga ee dowladda ku meel gaarka ah, isla markaasna ah Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Suuriya. Mudane Diinaari ayaa ka warbixiyey sida ay muhiim u tahay in dhalaanka soomaaliyeed lagu abaabiyo qaranimo iyo dal jaceyl, isagoo ku baaqay in ay wadaniyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isku xirnaadaan waxna u qabtaan dalkooda. Dhinaca fanka iyo heesaha waxaa isku soo dubariday isla markaasna wacdaro ka dhigay goobta fanaaniintan kala ah Faysal Hobolka, Fanaanka Söderhamn Maxamed Warsame Ganey, Maxamed Saalax Qaasim iyo fanaanka da'da yar Maxamed Yare. iyadoo dhinaca fankana uu qeyb weyn ka qaatay Abwaan Mursal Geesaale. Munaasabaddan ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iyadoo dadkii ka soo qeybgalay laga dareemayey wadaninimo iyo dal jaceyl. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Landhan Xafladii Balaran oo lagu xusayey 1-da Luulyo oo lagu qabtey London Aqriso maqaalka -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Trondheim, Norway Wacdarihii 1da Luulyo oo magaalada Trondheim ee dalka Norway ku soo biirtay Xaflad heer sare oo aad loosoo abaabulay oo lagu maamuusayey munaasibada koowda luulyo oo ka dhacday magaalada Trondheim ee wadanka Norway. Sanadkaan oo eey 51 jirsatay Xuriyada qaranimada Soomaliyeed ayaa waxa xafladaan si weyn usoo qabanqaabiyay dhalinyaro isxilqaantay iyo Mudane Ismaaciil Muxudiin oo ah run ahaantii Shaqsi aad ugu firfircoon Bulshada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan magaalada Trondheim. Soomaalida ku nool magaalada Trondheim iyo agagaarkeeda ayaa si weyn u xusay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyada Soomaaliya. Soomaalidua Trondheim waxay muujiyeen midnimo iyo isjeceyl taasoo muujineysa baahida ay u qabaan in Soomaaliya ay markale lugaheedda isku taagto oo laga dhabeeyo guushii la gaaray 1-dii Luuliyo 1960. Sii aqriso -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Roome, Talyaaniga Riix inta. More -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Oslo, Norway Aqriso maqaalka -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Jarmalka 1d Luulyo oo Jarmal laga xusay - Soomalida Jarmalka oo u dabaaltagtay Maaalintii Xoriyadda Soomaaliya qaadatay Xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay laguna xusayay 51 guurada ka soo wareegatay mideyntii gobolada waqooyi iyo koonfureed,ee giyaga soomaliyeed laguna qabtay magaalada trustoof ee dalka jarmalka,ayna ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid,guud ahaan Gobolada uu ka kooban yahay Dalka Jarmalka iyo Wadamada deris la ah Dalka Jarmalka. Furintaanka xaflada waxaa ugu horeyn aayado quraana iyo hadal yar oo kooban, ka soojeediyay Dr. Aweys Cumar Xaayoow wuxuuna Dr Aweys Cumar Xaayoow dadkii ka soo qeyb galay xaflada xusuuyay,qiimaha ay 1 luuliyo ugu fadhido Ummada Soomaaliyeed, taas oo ah mid aan weligeed la ilaawi doonin,inta jiil soomaaliyeed jiro, waxaa kaloo halkaasi ka soo jeediyay eryo soo jiitay dadkii halkaas isagu yimid Safiirka Dowlada Soomaaliyeed u fadhiyo Dalka Jarmalka Maxamud maxamed Tiifoow. Sii aqriso -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Cumaan 1da Luulyo oo Cumaan laga Xusay iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Cumaan oo si heersare ah oogu Dabaal-degtay Sanad-guuradii 51-aad ee Xornimada Soomaaliya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqaan dalka Cumaan ayaa u Dabaal Degtay Maalinta 1 luulyo xafladan ay waxa sii gaar ah ulahaa Qabanqaabadeeda iyo isku-dubraidkeeda gudiga PDF community xafladda oo ahayd heer sare ah ayna kaso qaybgaleen dhamaan bulshada somaliya ee ku dhaqaan sultanate Oman Xaflada waxa kaso qaybgalay safaarad somalida.kowda luulyo waxa loogu talagay baramijo xiis gelyey dadka somaliyad ee goob joog ka ahayd xafladda Waxa lagu furay quuraanka karimka ah. Xaflada Waxaa Xiriirinayey Mohamed Yusuf waxaa halkas ka hadalay oo furay Gudoomiyaha Qaban Qaada Xafladaas Mudane: Mohamed Farah Xaaji Mire oo halks kaso jeediyey Taarikhda kowda luulyo oo kooban xooriyadii somaliya iyo Muhiimada Xaflada Caawa Wuxuuna Mahad Gaar Ah u Celiyey Dhamaan Dadkii kasoo Qayb Galay . Ay Ugu Horayso Safaarada Somalida . Somalida Iyo Sida Wanaagsan Ee Umudu Ugu Riyaaqday Xafladaas Quruxda Badan. Sii aqriso -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kuweyd Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay dalka kuwait waxaa soo Agaasimay Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay dalka Kuwait taasoo looga xusay 1-da Luulyo 2011, halkaas oo ay ka soo qeeb galeen dhamaan jaaliyada iyo ururka ardayda Soomaaliyeed ee Kuwait intoodi uu ku jiray dareenka Wadaninimo. Xafladan Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa soo agaasimay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Kuwait oo ay aad ugu eeyntahay Wadaniyada iyo xurmada ay u hayaan dalkoodi hooyo. Xafladan Xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay Social Development Centre halkaa oo ay heeso wadani ah oo kiciyay dareenka dadka ka soo qeeyb galay Xaflada ay ka qaadeen fanaaniinta jaaliyada soomaaliyeed ee Kuwait iyo dhaliyaro kale oo fara badan oo door muhiim ah ka qaatay in la qabto Xaflada Xuska 1-da Luulyo2011. Waxaa kasoo qeeyb galay xafladan xuska 1-da Luulyo Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed Mudane/ Max’mud khumayni iyo Gudoomiyaha Ururka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait Eng. C/rashiid Mahad Ayaanle Shire iyo aqoonyahano , fanaaniinta, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ,Hooyooyinka Mas’uuliin sare oo Ka socda DKM ee Soomaaliya waxaana horkacay safiirka soomaaliya ee Kuwait. Furitaanka xaflada xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa ka jeediyay qudbado ku saabsan dhibtaada loo soo maray Xoriyada iyo Taariikhda iyo qiimaha wadani nimada iyo Soomaaliyeed, Mudane Max’mud khumayni , Eng.C/rashiid Mahad Ayanle iyo Mudane C/laahi sooran, halkaas oo dad badan wejiyadooda qarisay ilin, aadna arkeeyso inay marba masaxayaan indhahooda, taa oo ay ugu wacneed dareenkooda dhibka loo soo maray Xoriyada iyo baahida ay u qabaan in dalkeeni helo nabad. waxaa lagu soo bandhigay oo kale dhamaan ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku ciyaarayeen goobtaas caruur yar yar iyo dhalinyaro dhamaantood ku wada xaragoonaya Dhar ay ku sawiran yihiin astaamaha Calanka Soomaaliyeed iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dhanka hooyoyinkana waxa ay soo bandhigeen buraanburo ay ku luuqeeynaysay Marwo Shukri hooyoyinka kalena ay iyaguna ku muujinayeen dareenkooda Soomaalinimo cayaarti buraanburka, taa oo iyana sii kiciysay dareenka dhamaan dadkii kasoo qeeyb galay Xuska 1-da Luulyo 2011. Waxaa ah wax aan la hilmami karin dadkana dareenkooda aad u kiciyay dhalinyaro yar yar oo qaarkood laga yaabo weligood inaysan arag Soomaaliya, balse ay ka muuqatay Wadaninimo aysan ku jirin hagrasho. Erayadii ugu qiimaha badnaa ee ay dhalinyaradan adeegsanayeen iyaga oo indhahooda ka muuqato ilmo ayaa waxaa ka mid ahaa Soomali Waa Hal Dad, Soomaaliya Waa Hal Dal, Soomaaliya Nabad insha allah.Dhalinyarada soomaaliyeed ee Kuwait ee soo abaabushay Xuska 1-da Luulyo ayaa waxa ay yihiin kuwo mudan in hiil iyo hooba lala garab istaago si ay u baahiyaan dareenkooda Wadaninimo iyo baahida ay u qabaan dalkoodi hooyo oo hela Nabad iyo Dowladd baahi tiri karta Shacabka Soomaaliyeed. Xaflada ayaa waxa ay bilaabatay 8.00 habeenimo waxa ayna dhamaatay 1.00 subaxnimo, waxa ay xafladaas Xuska 1-da Luulyo 2011 kusoo gabagaboowday Guul iyo sidii ay ugu tala galeen dhalinyaradii soo abaabushay ee Soomaaliyeed. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Minnesota, Mareykanka -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Boosaaso 1da Luulyo oo xalay laga xusay magaalada Boosaaso Munaasabad balaaran oo lagu xusayo 1-da luulyo oo ku beegan xiligii gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay madaxbanaanida ay ka qaateen gumaystihii Talyaaniga islamarkaana ay la midoobeen gobolada waqooyi ee dalka ayaa xalay ka dhacaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabad lagu qabtay guriga gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, dadwayne,siyaasiyiin iyo ururada haweenka iyo kuwa dhalinyarada ee magaalada Boosaaso. Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay kuxigeenka duqa magaalada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir waxaana uu sheegay in munaasabadan ay tahay mid lagu wayneenayo xiligii umada Soomaliyeed ay ka xoreebeen gumaytihii Talyaaniga,waxaana uu sheegay inuu si’aad ah uu ugu faraxsanyahay munaasabadda. Siyaasi Barqad Cali Saalax oo ka mid ahaa marti sharaftii kasoo qaybgashay kulanka ayaa ka sheekeeyay qaabkii shacabka Soomaliyeed ay u soo mareen sidii xoriyadooda uga qaadan lahaayeen gumaystihii dalka Talyaaniga iyo dhibaatooyinkii gumaystaha uu ku hayay shacabka Soomaliyeed. Waxaa uu sheegay xoriyada maanta ay harsanayaan shacabka Soomaliyeed in loosoo maray dhibaatooyin waawayn oo isugu jirta dil,xabsi iyo waxyeelo kale duwan,waxaana uu sheegay in dhalinta Soomaliyeed in maanta looga baahanyahay in iyagoo isku duuban ay calanka Soomaliyeed ay ka qaadaan meesha uu maanta yaalo. Duqa degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje oo ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu ka sheekeeyay xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo qaankii ay u xoriyadooda u qaateen shacabka Soomaliyeed,waxaana uu sheegay in munaasabaddan uu ku faraxsanyahay,waxaana dhinaca kale uu ka hadlay xaaladda ka jirta dalka Soomaliya waxaana uu sheegay in guud ahaan umadda in looga baahanyahay inay midoobaan. Xuska 1-da luulyo oo ay siweyn loo soo qabanqaabiyay ayaa hadalo badan iyo dardaaran kadib waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidamo katirsan dowladda Puntland kuwaasi oo gaardis kusoo bandhigay madasha ay kasocotay xafladda,waxaana ay salaan sharaf ay ka qaateen masuuliyiintii goobta ku sugnayd. Waxaa intaasi kadib la saaray calanka Soomaaliya,waxaana hal mar isbadalay jawiga goobta xafladda ay ka socotay oo hal mar laguda galay sacab iyo farxad kale duwan. Munaasabadda ayaa intii socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah waxaana goobta siweyn u soo camiray dhalinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho oo ka yimid degmada Carmo ee gobolka Bari. Haweenka iyo dhalinyarada kasoo caratay xaafadaha Horseed iyo Dayaxa ee degmada Carmo ayaa ciyaaro xiiso badan oo soo jiitay kasoo qaybagalayaasha xafladda soo bandhigay,waxaana ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka dadkii cayaaray ka mid ahaa kuxigeenka duqa degmada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir. Si kastaba munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
More sawiro from Kowda Luulyo celebrations in Nayroobi. Quruxdeeda iyo quruxda calankeena isku darsatay. Wadanimo quruxna ku darsatay = xaax.com -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bergen, Norway -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kanna saar, kanna siib -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xiddigtii caddeyd -- hees calan kale. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Calankaaga suubanoow - hees cusub calanka loo qaaday iyo Kowda Luulyo.