-
Content Count
17,576 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
318
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Mahiga’s Woman, Art and SNM’s Pimp politics
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abtigiis's topic in Politics
This is uncalled for thread. Wax faa'ida boggaan leeyahay haba yaraatee ma jrito. -
Dhaqan celis deg deg ayaa u baahantahay. Qurbahaa ku kortay ayaa maskaxdaada si si kale dhigay, even harmless gestures Soomaalida lagu yaqaano inay sameyaan ayaa micnooyin kale habooneyn ku tilmaameysaa.
-
I like this qori of theirs. It looks like dabajeex, without the long silsilad of xabbadaha.
-
Showqi, bar iskeerso maa Hodan loogu bixiye degmadaas. Magac dheel dheel kuma baxo. Che, Hoteel Guuleed Shaaqshiid uu ku yaalay technically, laakiin degmada Huriwaa ayaa kasoo horjeeday hoteelka; it was facing that degmo. Marka it felt it located more in Huriwaa than in Shaaqshiid.
-
I am not a Secessionist, so don't call me one
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Carafaat's topic in Politics
You can either be a goosashadoon one or goosashadiid one. Wax u dhaxeeyo ma jirto, and your long, poor attempt to obfuscate isn't working, either. -
Showqi, ileen Xanaanadda Caruurta waa taqaanaa. Tii u dhaxeysay ma'ahoo Shaneemo Kaasabalbalaare iyo Isteeshinka Hodan. Safaaradda aad rabtid waa safaaradda Masar. Hoteelka Maka Almakurama waa iloowday meeshaasna. Che, koox degmeed dooro ayaa na diray, waa dooranay, waana kuu sharxooynaa, see camal. Bring your Huriwaa xaafad nooh. Maxaa Huriwaa lagu yaqaanay? Hmm. Hoteel Guuleed iyo maxaa kale? Suuqa Xoolaha? SOS?
-
Kuwaan aaba dhaamo with their nonsense, but still kiyuut.
-
Watch the highlights: Somalia Basketball Women
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Shinbir Majabe's topic in General
Aad iyo aad ugu farxay gabdhaheena goolaha ay gaareen. Run ahaantii kama filaneynin, farxad lama filaan ayee igu reebeen. Soomaali badana dareenkooda kor u qaadeen. Eebba ha u garab galo gabdhahaan halyeeyda ah. Guulal wacan kale ayaan ka rajeynaa iyo mustaqbal wanaagsan. N. B. - Haddee ragga dhankooda saas camal ahaan lahaayeen lee. If only. -
Yaa isxoreynaayo, oo isa sharaxaayo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Che, did you bookmark that email? -
Waxaa ka tagayba hoos ayaa lagu sharxay, waliba qariiradeeda iyadoo wadato. 1-Kuliyaddi Jalle Siyad 2-Isbitaal Digfeer 3-Tarabuunka 4-African Village 5-Wasaaradii Macdanta & Biyaha 6-Hotel Taleex 7-Carwadi caalamiga 8-Banaadir Sare 9-banaadir H/Dhexe 10-Xamar Sare 11-Warshaddi Coke Cola 12-Shaleemo KPP 13-KPP Secondry School 14-Masaajidka Sh. Cali Suufi 15-Saldhiggii Hodan 16-Degmadii Hodan 17- Kulliyaddi Caafimaadka 18-Taleex H/Dhexe 19-Warshaddi Caanaha 20-Wakaaladdi Biyaha 21-Albaraka Hotel 22-1da Majao H/Dhexe 23-Sh.Madar H/Dhere 24-Shaleemo Ekotore 25-Laanta Ahmed Gurey 26-Mowlaca Macallin Nuur 27-Masaajidka Cabdirashiid 28-Shaleemo Hodan 29-H/Dhexe Hodan 30-H/dhexe Dhagaxtuur Source: Facebook
-
Viva Degmada Hodan. Always Reer Hodan baan ahaa, xaafadda reer magaalka u badnaa oo Soomaaliweyna wada deganayd equally, unlike other degmooyin. Degmada Hodan in a nutshell: Isbitaal Digfeer, barxadii iyo fagaarihii weyneyd ee Tarbuunka, iskooladii caanka ahaa ee Sh. Madar, Kowda Maajo, Iskool Hodan, Iskool Dhagaxtuur, Iskool Banaadir, Iskool Kaasabalbalaare. Shaneemooyinkii caanka ahaa Shaneemo Kaasabalbalaare [aka Shuun], Shaneemo Ekwatoore, Shaneemo Hodan. Xaafadihii caanka ahaa Afrikan Filaj [African Village], Taleex, Kaasabalbalaare, Bangaariyada, Sarihii Ruushka. Masaajidkii weynaa Sh. Cali Suufi, masaajidkii C/rashiid Cali Sharmaarke. Qabuurihii qaranka ku aasanyihiin madaxdii dalkeena u soo halgantay. Isbitaalkii Ciidamada Xoogga Dalka.
-
Gabdho Culumada Weydiistay Rag Wanaagsan oo Guursada Masaajidda Abuukar Sadiiq iyo Al Hiddaaya ee ku yaalla xaafadda Nairobi ee caasimadda Dalka Kiinya, ayaa waxaa ka dhacday arin ku cusub guud ahaanba dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaana dareenka bulshada Nairobi oo ahayd in Gabdho Soomaaliya oo kuu xiran qaar kamida masaajiadda Nairobi ay culimada Weydiisteen rag wanaagsan oo guursada. Labada masaajid ee ugu waaweyn xaafadda ay Soomaalidu ka deggan tahay caasimadda Nairobi ayaa waxaa todobaadyadanba ka socday Barnaamijyo lacago tabarucaadda loogu aruurinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu iyo cooladaha isugu darsameen, waxaana lacagahaasi loo aruurinay qaab ay culimada masaajiddu u bandhigayeen dadka kusoo tukada halkaasi, kadibna la qorayay qiime kasta oo lagu tabaruco. Iyadoo ay si wanaagsan ku bilaabatay tabarucaaddu islamarkaana ay Soomaalidii kusoo tukatay masaajiddu ay si fiican uga qeyb qaadatay ayaa waxaa hal mar lagu baraarugay arin ku cusbayd masaajidka islamarkaana waxoogaa yaab ah ku beertay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan caasimadda Nairobi gaar ahaana kuwii wakhtigaasi wax la aruurinayay ku sugnaa Masaajidka. “Waxay ahayd wakhti masaajidka lagu soo tukaday islamarkaana wax loo aruurinayay walaalaha Soomaaliyeed ee ay abaaraha iyo colaadu isugu darsantay, waxaana uu qor walba sheegayay waxa uu sadaqadaas amaba tabarucaadaas ku darsanayo, waxaase xoogaa markii ay arintu socotay oo dhaqaale fiican la aruuriyay hal mar masaajidka laga maqlay arin ku cusbayd Soomaalida sidaasi waxaa Horumar Online u sheegay Cabdi Yare oo ka tirsan dadka ku tukada masaajidka Abuukar Sadiiq ee ku yaalla wadada 6th Street ee u dhaxeeya Second Ave iyo First Ave. Waxa uuna Cabdi Yare intaasi ku daray in warqad lagu soo qorayay lacagaha lagu tabarucayay ee qeybta gabdhaha loo geeyay Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo isagu markaasi aruurinayay lacagaha tabarucaadda ah, waxaana warqadaasi ku qornaa lacagaha lagu tabarucayay iyo iney gabadhahaasi u baahan yihiin rag wanaagsan oo ay nolosha la wadaagaan. Markii Sheekh Umal warqadaas loo keenay ayaa waxaa hal mar arintii ku baraarugay walaalihii muslimiinta ahaa ee masaajidka kusoo tukaday qeybna ka ahaa lacagihii la aruurinayay, iyadoo Sheekhuna uu si dheer uga sheekeeyay arintaasi. Cabdi Yare ayaa Horumar Online uga warbixiyay qaabkii uu Sheekh Umal uga sheekeeyay arintaasi, waxa uuna Yiri markii uu Sheekhu Warqadda gabadhaha ka timid akhriyay ayuu waxa uu u soo gudbiyay Raggii masaajidka ku tukanayay, si loo helo rag dhalinyaro ah oo diyaar u noqon kara iney nolosha la wadaagaan gabadhaha walaalaha Soomaaliyeed ah ee ka cawday guur la’aanta codsadayna in lala raadiyo rag wanaagsan oo ay Nolosha la wadaagaan. “Arinta ugu naxdinta badnayd ayaa waxay ahayd in wiil yar oo aad dhalainyaro ah u ah laga helay kaliya inuu diyaar u yahay ka jawaabidda codsigii gabdhaha isagoo farta taagay isla markaana sheegay inuu diyaar u yahay inuu nolosha la qeybsado qofta uu ilaahay uga dooro, gabdhaha guurka soo codsaday” Sida uu xaqiijiyay Cadi Yare oo masaajidka wakhtigaasi ku sugnaa. Dhinaca kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa si dheer uga faalooday in dalalka Islaamku ay leeyihiin xafiisyo arimahan oo kale u qaabilsan, kuwaasi oo u xilsaaran iney isu guuriyaan dadka wanaagsan ee guur la’aantu ay ku dhacday, isagoo sidoo kalana xusay in dadka noocaasiya la isugu darro koox koox markii la fiiriyo qaar kamida xafiisyada ka furan dalalka Islaamka, waxa uuna Sheekhu tilmaamay in loo baahnaan lahaa in Masaajidka 6-ka laga furo xafiis arimahaasi qaabilsan, si fursad loo siiyo dhalinyarada islaamka ah ee jeclaan lahaa iney Nolosha wada qeyb sadaan isla markaana ay is guursadaan. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in arintan arin la mida ay ka dhacday masaajidka Markazul Hiddaaya ee ku yaalla wadada Jaam Street ee xaafadda Islii oo isagana laga aruurinayay lacago tabarucaadda oo loogu tallo galay abaaraha ka jira Geeska Afrika gaar ahaana Soomaaliya iyo xeryaha Qaxootiga Dadaab, taasi oo iyana si lamida qaabkii hore ay gabdhuhu u codsadeen rag wanaagsan oo guursada. Gabdhahan guurka codsaday ayaa la tilmaamayaa iney yihiin gabdho dhalinyaro ah oo kamida dadka sida joogtada ah u yimaada isla markaana duruusta dhinaca diinta ah kala socda masaajiddan, iyadoo ay gabadhuhu codsadeen rag wanaagsan oo nolosha la qeyb sada. Arintan arin lamida ayaa kal hore laga soo sheegay masaajidka Abuubakr sadiiq ee ku yaalla Gobolka Minnesota ee Soomaalida ugu badani ay ka deggan tahay dalka Mareykanka, kaasi oo la tilmaamay in Gabdhaha iyo wiilasha guurdoonka ahi ay iska diiwaan galiyaan isla markaana laga reebo lambarada taleefanadooda iyo cinwaankooda, si kadib loogu xiro ruuxa guurdoonka ah ee u qalma. Waxay arintani noqonaysaa mid ugub ah oo ku cusub bulshada Soomaaliyeed oo kamida bulshooyinka ku dhaqma diinta islaamka, haddana waxaa hubaala in dalalka Islaamka qaarkood ay arimahan oo kale u furaan xafiisyo qaabilsan dhalinyarada guurdoonka ah isla markaana isugu guuriyaan koox koox, si ay nolosha u wada qaybasadaan. Haddaba hadii aad diyaar u tahay in laguugu xiro Gabdhaha Guurdoonka ah Nala soo Xiriir Webmaster@horumar.com Xigasho
-
This is for you, sister. Ciidamada kenya oo Dhalinyaro Soomaali ah ku dilay Xaafada Islii 11.December.2011: Ciidamada Booliska Kenya ayaa xalay Waxaa ay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ku toogteen Afar Wiil oo dhalinyaro Soomaali ah. Wiilashan Soomaalida ah ee la toogtay ayaa waxaa da’dooda lagu sheegay in ay udhaxayso 16 sano ilaa 20 sano. Inkastoo aan ilaa iyo hada la ogayn sababta rasmiga ah ee loo toogtay dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa hadana Wararka naga soo gaaraya Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ay shegayaan in Dhalinyaradan ay kamid ahaayeen Super Power oo ah Koox ubadan Soomaali oo Kenya ay mamnuucday. Mid kamid ah Dadka deegaanka ayaa Warqaad.com usheegay in Ciidamada Dilka gaystay ay yihiin Ciidamo loo yaqaan Fly Scott kuwaa oo u tababaran si ka gadisan sida ay u tababaranyihiin ciidamada kale ee dalkan kenya. Wali Wax Faah Faahin ah Taliska Booliska Kenya kama uusan bixin Dilka ay ugaysteen Wiilasha Soomaalida ah, sidoo kale waxaa inoo suurta geli weysay Xariir aan la samaynay Gudiga ganacsatada Xaafada Islii. Habeenadan ayaa Waxaa Xaafada Islii ku badnaa Ciidamo isugu jira dhar cad iyo Boolis kuwaas oo qab-qanaya shacabka Soomaalida sharci la’aanta ku jooga Magaalada kadibna lacag ku sii daynaya, Waxaana Arintan lacag qaadashada ah sii xoogaysatay kadib Markii Ciidamada Kenya ay bilaabeen in lacagihii Ciida Masiixigi Kirismiska ay soo dhawaatay. Xigasho
-
Somali girl gang attack couple (Video)
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalia's topic in General
Nin-Yaaban;765755 wrote: Runtaa, Aniga waxaan oron la'haa, Gabdhahaas....halagu xukumo tumitaan (lashes), see mardanbe u cabin alaabtaas. Xaaji, maxaa 'runtaa' ah oo aad ku raacsantahay? In bahasha Soomaalida dhan wada cabto (my interpretation) or inay maskaxda furto according to that dude you quoted? -
Horn Cable Journalist Slain In Morguedishu
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dr_Osman's topic in Politics
Eebba ha u raxmado. -
Viva Hodan.
-
Abdullahi Yusuf Memoirs Official Book Opening. PICS
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dr_Osman's topic in Politics
Che -Guevara;765618 wrote: looooooooooooooool Runtii waala heshay. I was about to quote that exact part, then waa iska dhaafay until I saw your quote again. Ninka wuu bugaa. Welkam back, Cowke. -
Turkey Modernizes Adan Cadde International Airport
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Turkiga abaalkee u galeen Soomaalida 2011 mid la iloowi karo ma'aha. Taariiqdeena ayaa xusi doonto. I hope meel magac leh in Turkiga loogu magac daro, sida jidadka waa weyn Xamar ku yaalo midkood. -
The Nomad of the Year Is.............
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Nuunaha probably Afrika iyo meelahaas ka qaraabanoyaa. Haye, hambalyo hee Nuunoow. Waxaa maqlay xataa in lagaa dhigay guddoomiyaha baarlamaarka cusub, Madoobe Nuunoow. -
Ximan and Xeeb meets with Jiinwabi State (Pictures)
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalia's topic in Politics
Meeqo gobol magac u yaal Shabeellada Dhexe matalo meesha ku qoran? Bisinka. Waxaaba kasii daran kuwii gacanta ku haaye, oo awooda u lahaana meesha ma joogaan but kuwii qurbaha ku wareeray kuraas caag iigu fadhiyo, sheeganaayana gobol inay matalaan aynan waliba hal buul ka maamulin. Waxaan labadoo shilin ayaa Qaramada Midoobay in looga raadsado la rabaa. A nation of unashamed beggers noqonay, bilaa xishood la'aan.