Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. And Mareykanka now wants to counter this, which is years and trillions late. New US-backed India-Middle East trade route to challenge China’s ambitions US President Joe Biden, along with leaders of India, Saudi Arabia and the United Arab Emirates, announced on Saturday the launch of a new trade route connecting India to the Middle East and Europe through railways and ports. The White House said the project would usher in a “new era of connectivity.” Some analysts are saying it will be a direct challenge to China’s Belt and Road Initiative, a multi-trillion-dollar infrastructure project launched a decade ago by Beijing with the aim of connecting China to the rest of the world. Announced at the Group of 20 (G20) summit in India, Biden’s plan also includes the European Union, France, Italy and Germany. It is comprised of two separate routes – an east corridor linking India to the Gulf Arab states and a northern corridor connecting the Gulf states to Europe. Xigasho
  2. Al-Shabaab oo tababar usoo xirtay 60 nin oo loo diyaariyey inay is-qarxiyaan Cumar Maxamed Ismaaciil oo uu magaciisa afgarashadu yahay (Nuur), isla-markaana ah sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, balse la qabtay isaga oo ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ayaa shaaciyay xog ku aadan ku aadan xubno ay Shabaab u tababareen is qarxinta, si ay u fuliyaan weerarada is-miidaaminta ah. Cumar oo wareysi bixiyay ayaa marka hore ka sheekeeyay qaabka uu ugu biiray kooxda, wuxuu sheegay in markii hore deganaa Gaalkacyo, kadibna uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, isla-markaana uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah. Intaas kadib waxa uu sheegay inuu lasoo xiriiray nin ay qaraabo yihiin, uuna ku tashkiiliyay Al-Shabaab, sidaasna uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar gaar ah. “Waxa uu tilmaamay in tababarka uu ku qaatay xero ku taalla tuulada Buulo Ooman, isla-markaana ay tiro ahaan gaarayeen in ka badan 200, oo isugu jiro Soomaali iyo Oromo. “220 nin ayaan ku galnay tababarka waxaa Reer Waqooyi ahaa 17 nin, Oromana waxaa ahaa oo nagu jiray 50 nin” ayuu wareysiga ku yiri Cumar Maxamed. Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga lasoo tababaray ay ku jireen 60 nin oo gaar ah, isla-markaana loo tababaray qaybta is qarxinta, isaga oo sheegay in loo xiray dhar gooni ah. “Waxaa kale oo ragga ku jiray 60 nin oo ay dheheen waa rag is qarxinaayo oo iyagana darees gaar ah loo geliyay, kuwaas ayaa iyagana jiray” ayuu yiri Cumar Maxamed. Waxaa kale oo uu yiri “Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay”. Ninkan oo 40 jir ah ayaa hadda soo galay gacanta Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Gakbeed , wuxuuna sidoo kale ka sheekeeyay sida lagu qabtay. “Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uga soo kacay marka halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo raba inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay. Xigasho
  3. Is it really necessary at THIS time? And why such a haste. Knowing Xasan Socdaal - one who only cares about his pockets - his Kiikuuyo masters probably bribed him and asked to make Soomaaliya join this political and economic organization we have nothing to do with. If he was interested, he would have advocated expanding IGAD and changing its mandate, which affects all ummadda Soomaaliyeed. But no, he wants to give an excuse arrintii badda Soomaaliya na loo xukumay already amd is settled. If Soomaaliya joins, a kangaroo court of this EAC will hear it since one of its core principles is to solve 'disputes' between its members. This is also a political group led by Tansaaniya iyo Kiinya, to facilitate and take advantage of their ports for the rest of the landlocked members like Uganda, Rwanda, South Sudan, Congo and Burundi. Soomaaliya doesn't need this and is far away from these countries to take advantage of its ports.
  4. Warbaahin qaran mase warbaahin reereed? Warbaahinta qaranku waxay ka kooban-tahay: Muuqbaahiye (SNTV) Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Codbaahiye (Radio) Radio Mogadishu, mareeg (Website), sidoo kale waxa kaaliya Codbaahiye gaar u ah, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, lana yiraahdo: SNA RADIO (Somali National Army Radio). Warbaahinta qaranku waxay hoostagtaa wasaaradda WARFAAFINTA. Guud ahaan wasaaradda warfaafintuna way laalan tahay oo cidda maamulkeeda sida saxda ah u hoggaamisa lama yaqaan. Awooddii wasiirka waxa la wareegay wasiir ku xigeen, wasaaraddi iyo warbaahintiina waxa loo raray DHUUSAMAREEB iyo deegaannada ku xeeran. Haddaba 24-saac ee la soo dhaafay 6-duqeyn oo ay khawaariijtu ku baaba'een ayaa ka dhacday Degmada Ruunnirgood iyo deegaannadeeda. Duqeymahaas oo mid ka mid ah ay hadda socoto. Haddaba maxay tahay sababta ay u baahin la'dahay warbaahintii ay dowladdu laheyd? Waa waydiin warcelin looga rabo maamulkeeda? Haddaba duqeymuhu sida ay u dhaceen, goobaha ay ka dhaceen iyo gooraha ay kala dhaceen waa sidaan:- 1: Habeen hore abbaaro: 04:15 daqiiqo ah ayaa guri ay ku shirayeen amiirro iyo maleeshiyaad maafiyo ah kuna yaalla bartamaha degmada Ruunnirgood duqeyn culus loogu geystay, sida la soo weriyana gurigaas waxa ku dhintay waxa ku jiray laba amiir, maleeshiyaduna tiro ma leh. Warbaahinta qaranku marna ma aysan tebin. Sabab? 2: Shalay abbaaro: 12:00 duhurnimo ah meel degmada Ruunnirgood jihada koofuro ugu aaddan, isla markaana 7-kiilow mitir u jirta lana yiraahdo: "Gacal Ugaas" waxa lagu duqeeyay maaleeshiyaad iyo madaxdooda oo halkaas qaraxyo ku diyaarinayay isla markaana ujeedkoodu ahaa inay xalaydii aan soo dhaafnay ay mar kale weerari rabeen deegaanka NUURDUGLE. Dhagartoodiina Eebbe ayaa ku naqay. Nin halkaas ka baxsaday isla markaana orod ku tegay tuulo la yiraahdo: "Ceel Abaaji" oo deexda afkeeda ku taallaa waxa uu yiri: 6-cabdi-bile oo dhashiikayaal ay saarnaayeen, 2-cabdi-bile oo booyada yaryar oo biyo ah ay saarnaayeen ayey diyaaraduhu gubeen, maleeshiyadii halkaas joogtana inta nooli way yartahay oo badidood way le'deen. Wuxuu yiri: 5-gentaal ayey nagu dhifatay, ka dibna risaas ayey nagu rusheysay, mana filayo in wax nooli ay halkaas joogaan.Warbaahinta qaranku marna ma aysan tebin. Sabab? Sii aqriso
  5. Dad wada waalan meel iskugu habar wacday. Literally.
  6. Another rotten mark on this dowlad ku sheeg. Xataa ilaa iyo hadda warbaahintii 'qaranka' Alqabyaala maamulo ma soo galinin tacsi iyo aaska Axmed Naaji, even though their mic can be seen on this Universal clip below, which means they had a wariye present at duugtii shalay, but on their Youtube channel, waxba lama soo galinin. Almost every last ten clips are about Galgaduud iyo waxaas, including a clip about Alqabyaala himself. Shame.
  7. After the hostile takeover of Telefishinka Qaranka by moooryaantii Alqabyaala and co. in 2021 in support of Baahane, it became a severe tolka mouthpiece. If one randomly checks their YouTube page, their overwhelming clips are about Galmudug, Hirshabeelle and Banaadir. Nothing else. Prior 2021, they had wariyaal in degmooyin and magaalooyin badan - from Buuhoodle to Dooloow to Boosaaso to Xuddur to Baraawe to Garoowe. They also had diaspora wariyaal. Wariyaal badana wey kala buriyeen, kuwa aanan xirfad lahayn tolka ah keensadeen. You don't have to believe me - just go and scroll into recent weeks clips and see yourself. Alqabyaala and co. also cut the short news reports in Afmaay. Hal sano lama arag these clips. Now they are not even reporting Axmed Naaji Sacad's geeri. Zero news on their YB page. I don't know about their Facebook, but I am sure it is the same. What a shame.
  8. Yaab, kuwii Telefishanka Qaranka sheeganaaye hal muuqaal Axmed Naaji geeridiisa ma soo galin bartooda Youtube. Meeshiiba telefashin qabiileed ka dhigeen, kaliya Galmudug iyo Hirshabeelle ka hadlaayo inta Xamar ahayn.
  9. I was in London five weeks ago and stayed a house not far from this masaajid in the north of the city. Waaka qeybgali lahaa aaskiisa of I was still there. I still wish in meydkiisa loo qaado Soomaaliya.
  10. Waare and tolkiisa also want jagada wasiirka gaashaandhigga, which is not possible. For one wasiir ayee heystaan. Secondly, if wasiirka gaashaandhigga laga qaado ninka Reer Koonfur Galbeed, xataa yuunan waxba u qabaninee, ku matalo oo qof xaga ka soo jeedo lagu badalin, then wasiirada maaliyada, arrimaha dibadda ama wasiirka arrimaha gudaha midkood la siiyo noqonee. These wasaarado are called A1 oo 4.5 xumaa ku dhisan. Tolka wasaaradahaan heysto laga qaado ma yeelayaan? Meesha 4.5 qaabka darnaa waaye sheekada.
  11. Wasiir Tiktok inay ku ciil baxaan ayee rabaan kuwa la fashilmay. Iyaga dhan ayaa wada fashil ah, from Xasan himself to Mahad Qalaaye to kan uu ciidamada madax ugu dhigay. Do you know kan Jen. Odowaa lagu badalay, aanan qibrad ciidan lahayn, in mishaarka ciidamada ka jarto bishii. Plus wuxuu xoog ku qaatay qanadaraaskii shidaalka iyo cuntada ciidamada and promptly cut it, pocketing what was saved. Xasan Socdaal can't change wasiirka Tiktok, refer to this clip below. Nin Imaaraadka jeebkooda galay waaye.
  12. Waaku faraxsanahay in Xamar la geeyo meydka Axmed Naaji sida uu Maki Xaaji Banaadir yiri. Waa qasab in aas mudnaan ah Xamar loogu sameeyo:
  13. Waa runtaa. Fanka needs nourishment from a strong central government oo mid walba meesha uu ka soo baxo ku dari jirtay hobollada Waaberi. And others created their own hobollo - Shareero, Durdur, Iftin. You and your talent kaliya ayaa kaa xigo meesha and zero nepotism like we are unfortunately witnessing today, like xariiftii ordeysay a few weeks ago. In short 15 years of the beginning of Kacaanka, we were privileged to witness the likes of Faadumo Qaasin Hilowle, Caasho Cabdoow Maleysa (from Baajuuni islands) and Luul Jeylaani of Xamar. Just for the Banaadiri females, not to forget the semi-Banaadiri singers and dancers like Sahra Dawo, Marisa Karboone and Feynuus Sh. Daahir (from Kismaayo). On the male side, we had the heavy hitters of Aweys Khamiis Mabuuse (Shabeellaha Dhexe) Axmed Naaji (from Baydhabo), Shariif Killer, Cabdalla Jeeri and Baastoow. Semi-Banaadiri singers of Sulfa and Shimaali ha iloowin. And ha sii iloowin jilayaasha sida Iikar Jeesto, Awkoombe, Awkuuku, Shariif Jeeg, Odey Cabdulle, Siyatoom (Uncle Tom)... That is just for Banaadiri genre. So in the last 33 years, Illyria ha noo sheego hal qof u dhigma dadkaas oo badalo oo dalka ka soo baxo, let alone two or three. Even if one counts qurbojoogta.
  14. Ma Diidi Naaji ayaa hadda baraneysaa, Maakhiri? I thought he and most of Naaji family live around meeshaa degantahay.
  15. Alloow u raxmo. I hope magalaadiisa ku dhashay ee Xamar lagu aaso.
  16. Waxaa la xiray Taliyihii ururka 7-aad Taliyihii Ururka 9-aad iyo Taliyihii Ururka 10-aad Dhammaan Taliye Ururrada la xiray waxay ka tirsanyihiin Guutada 18-aad ee Gorgor oo ah guuto dalka dhiiggeeda u shubtay. Caawa waxaa si rasmi ah u billowday iska- hirkeenidda Madaxweynaha iyo ciidamadda. Dhowr arrimood oo cajiib ah ayaa is waydiin mudan waxay sababi doonaan in Khawaarija ay Xamar soo gaaraan. 1. Soo Madaxweynaha dalka ma aheyn ninkii habeen hore Twitter space-ka shacabka Soomaaliyeed uga sheegay in ciidanka lauu nasiino u dirayo, waliba uu abaal marin siinayo? 2. Maxaa keenay in ciidanka Milatari ah lagu xiro xarunta sirdoonka? 3. Sidee saraakiil dalka dhiiggooda u soo huray loogu quuray in Alshabaab lala xiro? 4. Haddii uu cadowgu xabsiga ku dhex dilo yaa masuuliyad darradaas qaadaya? 5. Tan ugu daran uguna muhiimsan ayaa ah; Aaway masuuliyiinta dhammaan la isla qoray ih ay ciidanka qayaameen oo xataa Madaxweynuhu qoray? 6. Haddii ay tan dhacday sidee danbe oo ay madaxweynaha suacabkiisu ku rumeeysanayaan wixii danbe ee uu u sheego? Madaxweynaha fashilin ayaa ku socota Gorgorna-na ciribtir ayaa ku socda labaduba waa dhibane. Yeey aheyd in Madaxweynuhu caawa la xisaabtamo? - Cali Yare Cali
  17. Shirqoolkii ayuuba ka soo guuray Xasan Socdaal. Will he learn his lesson and start sacking Mahad Qalaaye, wasiir Tiktok and taliyaha ciidamada, who all have zero military training? Xasan oo kasoo guuray Dhuusamareeb kadib markii ay hagradeen reer Galmudug Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad shalay tagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, tan iyo markii uu dib u billowday dagaalka lagula jiro argagixisada. Sida ay sheegtay madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, “sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.” Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo guuray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib muddo Bil ah oo uu ku sugnaa. Xogta Caasimada Online ayaa intaas ku dareysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu taageeradii uu ka rabay ka heli waayey beelaha ugu waa weyn Galmudug, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo ee ****. Beelaha Galmudug ayaa soo bandhigay ciidamo fara badan oo dagaal diyaar u ah, balse laguma arag aaggaga dagaalka, taasoo keenay su’aalo badan oo ka dhashay sii joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb. Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa u muuqda dagaal kusoo koobmay kaliya beelaha *** iyo ***, kuwaas oo markii hore kooxda ka xoreeyey inta badan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, haddana ay u muuqato in ayaga un laga sugayo inay kooxda ciribtiraan. Kumanaan ciidan oo lagu soo bandhigay Galmudug ayaa illaa iyo hadda u dhaqaaqi la’ inay wajahaan kooxda, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu dareemayo hagrasho. Hagrashada reer Galmudug ee dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa horey si dadban ugu sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo khudbad uu ka jeediyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan kusoo geba-geboobay Dhuusomareeb. Axmed Madoobe ayaa gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu uga socdo deegaannada Galmudug. Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.
  18. And the latest shirqool from today: Dagaal culus oo ka socda Daaru-Nicma iyo wararkii ugu dambeeyay Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka oo ah mid xoogan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh. Sidoo kale waxaa deegaanka laga maqlay jugto qaraxyo xoogan oo ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka culus ee ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma. Al-Shabaab waxa ay durbo guullo ka sheegatay dagaalkaasi, ayada oo shaacisay inay cagta marisay saldhigyada ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda, ayna la wareegtay deegaanka. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi. Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi. Xigasho
  19. Ciidamadii sanad gudaheeda ayuu ku burburiyey Xasan Socdaal by following the nefarious advises of anti-Soomaaliya group Sahan Research and their funders, Imaaraadka.
  20. Ciidamada had suffered far worse in the last ten days than ever. Boqolaal si shirqoonlsan loo xasuuqay, kuwii kalena meelahee ka joogeen ka soo baxeen and demoralized. Xasan Socdaal panicked, suddenly asking everyone to call for final war against kuwa afka duuban. Now he realized shirqoolka is from within and dadkuu xilalka ka qaaday ayuu la shiraayaa maanta: