Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,520
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Kontonmeeyadii iyo lixdameeyadii, dad aan isir ahaantooda Soomaali ahayn ayaa dhalasho ahaan Soomaali ahaa. Qaarkoodna waliba xildhibaano ayee ahaayeen, iyagoo Carab, Talyaani, Bakistaani iyo Hindi wada ahaa. Taas dhib ma keenin. Waxa dhibka keenaayo waa institutionalizing it or making it a consitutional law. It can be abused from left to right. It should have been left to the invididuals and how they apply iyo Soomaaliya kuwa ku dhashay how long they lived in there, how they carry they view their Soomaali citizenship should they receive one, where are they going to live, et cetera. Qof Soomaali isir ahaan ahayn dhalasho Soomaali wuu qaadan karaa, but not in five years or ten years. Or twenty xataa. No. It should depend on the individual and how he carries his Soomaalinimo. Look waxa qashinka ku qoran axdigaan: Qof kasta oo ku dhasha gudaha Soomaaliya dhalasho ahaan waa Soomaali. Qof kasta oo ay isqabeen ugu yaraan shan sano muwaaddin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn. Qof shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn 'Soomaaliyeyn' kulahaa. They even tried to invent a new word for it afka Soomaaligaba ku jirin. Wax meelo kale laga soo qaatay inay tahay waa iska arkeysaa, plus shisheeye kuu qoray oo Afingiriis lagu hor qoray markaas Afsoomaaligii lagu micneeye. Shuruudo la buuxinaayo iska yar. It will be abused. Soomaaliya isn't dal hormaray now, looma baahno waxaana camal. Dal hormaray waxaan sameysto, not us, not for now.
  2. I had never agreed any article Culusoow qoray, but this one waa ku wada raacsanahay. Again, what exactly was wrong with 1960 axdi oo la wada badalo taas. Wax waa lagu dari karay, but la wada badalo. Dad yar dano gaar wato iyo shisheeye dalka ma wada isticmaali karaan. Soomaaliya Soomaali dhan leh, kana dhaxeysaa.
  3. I don't think DNA is 100 percent reliable either.
  4. We don't need DNA. This is purely why abtirsi was necessary in the first place, the one good reason qabiil haddii lagu dhaqmaayo loogu tala galay. Dadkaan Reer Galbeedka ah qoyskooda iyo meelahee kasoo jeedaan ayee jareen xiroorkooda waa hore, so this was inevitable to them. Now DNA ayee wax ka raadinayaan markee wareereen.
  5. But Galeyr was at this kulan that happened just less than two weeks ago in Nayroobi. Shirweyne looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka oo ka dhacay Nairobi Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah. Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo la hadlay kasoo qaybgalayaasha shirka ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ay go’aansadeen qabashada shirkan oo uu ku tilmaamay wadatashi. “Shirkaan waxaan u qabannay inaan idin la tashano sidii dalka looga saari lahaa marxalada ku meel gaarka ah, meeshaan dadka isugu yimid waa caqligii Soomaaliyeed” ayuu yiri Goodax. Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay sida ay dawlada uga go’antahay dhammaystirka qorshaha roadmapka ayaa sheegay in aysan jirin wado kale oo Soomaaliya ay uga bixi karto ku meel gaarka iyo faragalinta shisheeye, hadii aan la helin dastuur dhammaystiran oo u dalku yeesho. “Dastuurka dadka ansixinaya waxaa laga soo xulayaa qaybaha kala duwan ee dalka. Maadaama aan afti la qaadi Karin xilligan wadada noo furanna ay tahay midaan kaliya” Ayuu yiri Xoosh. Waxaa uu wasiirku sheegay inay ogolyihiin in lala taliyo lana dhaliilo, waxaana u ku boorriyay hogaamiyayaasha qabaa’ilka in dadka ay soo xulanayaan ay noqdaan dad aqoon leh oo lagu aamini karo shaqada culus ee loo dhiibayo. “Waxaan ka codsanayaa dadka aqoonta leh ee dalka badbaadin kara inay ka agdhawaadaan salaadiinta iyo ugaasyada si dadka lasoo xulayo ay u noqdaan kuwo tayo leh oo dalka badbaadiya” ayuu sii raacshay wasiirku. Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka cusub ee dalka ay soo xuli doonaan hogaamiye dhaqameedkii soo jireenka ahaa. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallayr oo kamid ahaa siyaasiyiintii lagu martiqaaday shirka ayaa sheegay inuu taageersanyahay qorshaha Soomaaliya looga saarayo ku meel gaarka balse uu kasoo horjeedo qaabka wax loo maamulayo. “Dadka lasoo xulayo waxaa la yiri waxaa soo xulaysa Puntland, annagu haddaan nahay Khaatumo ma aqbalayno in ay na matasho Puntland” ayuu yiri Gallayr. Waxaana uu sheegay in Khaatumo ay u taagantahay oo dhiigeeda u daadinayso sidii looga hortagi lahaa kala goynta Soomaaliya. “Dadka reer Khaatumo wuxuu dhiigoodu u qubanayaa waa adkaynta midnimada Soomaaliya, taasna cidna abaal uga dooni mayno” ayuu yiri Gallayr. Shirkii maantay oo ahaa midkii ugu ballaarnaa ee muddooyinkan ka dhaca Nairobi oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno kala duwan ayaaa waxaa isku soo duba riday hay’ada ka shaqaysa arrimaha horumarinta sharciga ee (IDLO). Madaxa hay’adaasi u qaabilsan wadamada Kenya iyo Soomaaliya Shirwac Maxamed Jaamac ayaa sheegay in looga fadhiyo waxgaradka Soomaalida ka tashiga aayaha dalkooda gaar ahaanna arrimaha haatan taagan ee ugu horreeyo dastuurku. Madaxdii iyo aqoonyahannnadii kale ee shirka maanta kasoo qaybgalay waxaa kamid ahaa, C/kariim Xassan Jaamac, Daahir Geelle,madaxweynaha Ximin iyo Xeeb , madaxweynaha Azaaniya, madaxweynaha Mareeg State, Faadumo Jibriil, Batuulo Axmed Gabal,C/risaaq Khaliif Ashkir, C/laahi Axmed Azhari, Cawad Axmed Casharo iyo dadkale oo farabadan N. B. - Our own SOLer Sophist was holding good in that meeting. Good for him.
  6. It is eternity. Eebbaa mahad leh laakiin Turkiga mahad weyn ayee naga mudanyihiin. Lamana iloowi doono.
  7. Reer Koronto ayaa dhiman, xaaji. Inkastoo few 'unofficial' appreciation events loo sameeye qunsulka laakiin mid official ayaa noo dhiman. ____________________ Somali-Turkish Friendship Night On December 7, more than 240 guests from around the country filled Bamian Restaurant in West Falls Church, VA for a Somali-Turkish Friendship Dinner Reception. Among the guests were Turkish and Somali dignitaries, business leaders, civic leaders, and student leaders from various universities in the D.C. area. Both communities recently experienced disastrous events in their home countries. Turkey had been a victim of two consecutive earthquakes and PKK terrorist attacks claiming the innocent lives of hundreds while Somalia is suffering through endless drought, hunger, famine and civil war.
  8. Soomaalida Ku Nool Minnesota Oo Xaflad U Sameeyey Safiirka Turkiga Ee Mareykanka Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota Oo Xaflad U Sameeyey Safiirka Turkiga u fadhiya dalkaasi Mareykanka. Sawiro kale/
  9. Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee UK Oo Xaflad Heer Sare Ah Kusoo Dhaweeyey Safiirka Soomaaliya Ee Turkiga Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska maanta lagu qabtay kulankii ugu ballaarnaa ee ay ka soo qeybgalaan jaaliyadda Soomaalida eek u dhaqan dalkaasi, laguna soo dhaweynayay Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya H. E. Dr. Kani Torum. Ugu horreyntii waxaa halkaasi aayado quraan ah ka soo jeediyay Sh. Axmed Caato, iyadoo aayadahii quraanka ka dib, halkaasi uu ka qaaday heestii furitaanka ee Al Ustaad Axmed Naaji Sacad ee uu u sameeyay kaalmo walaalnimo ee dowladda Turkiga la garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed. Waxaa isna halkaasi hadallo qiimo badan ka soo jeediyay Wariye C/llaahi Xaaji oo ku saabsanaa xiriirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Soomaalya & jamhuuriyadda Turkiga isaga oo ku dheeraaday in xiriirka ka dhaxeeya labada ummadood uu yahay mid taariikhi ama soo jireen ah. Intaas ka dib, waxaa isna hadalkii qaatay Danjiraha dowladda aan walaalaha nahay ee dalka Turkiga u fadhiya dalka jamhuuriyadda Soomaaliya H. E. Ambassador Kani Torum oo halkaasi ka soo jeediyay hadallo isugu jira ammaan & mahadcelin ballaaran oo uu u jeediyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo dhaweynta jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingriiska. H. E. Ambassador Kani Torum oo kulankaasi ka sii hadlayay waxa uu yiri;- Waxaan goosanay haddii aan nahay dadka & dowladda dalkaasi Turkiga in aan is garab taagno halganka ay ummadda Soomaaliyeed ugu jirto dib u soo celinta qarannimadoodii, ka dib markii ay garowsadeen in bulshada caalamka ay dhabarka u jeedisay shacbiga Soomaaliyeed. Waxaa iyaguna halkaasi hadallo ammaan & mahadcelin ah ka soo jeediyay dad ay ka mid ahaayeen Xildhibaan C/risaaq Cusmaan juriille, Sureer Abshir Muuse,Sakariye Xaaji Max’ud Cabdi, Dr, Shariif Cabaas, Prof. C/raxmaan Kiimiko & xubno kale oo fara badan. Muddadii ay socotay xafladdan lagu soo dhaweynayay Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya H.E. Dr Kani Torum isna daadaheynayay Axmed Nuur Sheikh Yuusuf Guuleed.
  10. Chimera;824377 wrote: God bless the Old Republic. What a historical picture. Sidee u taaganyihiin askarta xataa says so much about the xishmad ay u haayeen madaxdooda iyo sharaftee dowladnimo jirto lahayd. Xataa look how very close he was to general public without being heavily guarded.
  11. Mukulaalow;824400 wrote: here is one of old time Maay song "Maykiin galee". but I could't find the old version. Muna walaaleey Magan ku roon Moora dadoow mana kiin galoow Mana kiin hadoow Maangaabana... Kuusoow Kunturwaareey ayaa qaadi jiray heesta asalkeeda. Inta ka dhageyso. Or go to this site, click the song that says 'Mooradadoow' under the name of singer Kuusoow Kunturwaareey. The maahmaah he starts with the song, Madhaayti ii Mooragaabeey lan maal qaboo dagee waa maahmaah caan ah. Madhaayta ii Mooragaabeey is also where my long gone awoowiyaal ku duuganyihiin. It is deegaan between Xuddur and Ceelbarde. Nice to hear it is given a mention. ______________________ Farxaan wuxuu bilaabay heesihii Afmaaygii hore inuu boorka kasoo jafo sanadkaan. Good for him.
  12. Nice hees. Laakiin magaca amateurish ah ha iska badalo.
  13. It doesn't even look like somewhere in qaaradda Afrika. More like in a Caribbean city. If only.
  14. Poor Caadil Iimaam. Intuu Xusni Mubaarak u shactiree islahaa tan ka daba timid. I guess he never thought Xusni would one day toppled and dragged to court himself. Laakiin ninkaan majaajiliiste weyn ayuu ahaa, anigoo yar ayaana daawan jiray courtesy of my sister. Iyadaa keeni jirtay cajaladiisa guriga in '80s. Waxaa ka xasuustaa asagoo fiyoow la geeye meel dadka waalan lagu xanaaneeyo, asagii ka fiyoowaana dadkii wada waalnaa lagula xareeye mooday in uu waalanyahay. Shactiro nuskeeda ahayd.
  15. After 21 years of cuqdad-ridden heart, still cuqdad kama bogsoodo in this age and waayo. I bet he had never even seen Soomaaliya, or if he did, waxba kama xasuusto.
  16. Nuunka, stop advocating 'domestic violence.' It is a serious matter.
  17. Dayaana kulahaa. Sidooda natural ah u cad yihiin, plus the camera's light also brightened their faces.
  18. Che -Guevara;823882 wrote: Did you just call Mujahid Faisal a donkey? Wax waalan. Just quoting the maahmaah. Blame maryooleey with their direct kala gambasho lahayn maahmaahyo.
  19. Qarsoodi, qarsoodi in Shariifka loogula kulmo maa bilaabatay. Kursi ayaa la kala raadsanayaa miyaa inta meesha lagu kala kicin. Waxaa maqli jiray dameerka ugu foolxun ayaa ugu haraanti kulul. How true. I knew Waraabe was always bluffing, jagadoon ayuu iska ahaa.
  20. If we only had a few thousand people in our community like our brother Daa'uud Waraaqle.
  21. I respect the the open secessionist than the closet splitist. Maahmaahdii maxee ahayd, aaheey: La jiifiyaa banaan, la joojiyaa banaan. And it is Soomaali. Whatever one wishes would not change the fact it is Soomaali.
  22. Xaaji Xunjuf;823280 wrote: Manifesto crew hijacked the Somali cause they were nothing more than former SIyadist loyalists and corrupted Ex officials with no Vision. Do you even know who Manifesto members were intaadan iska hadlin? You think Cumar Carte Qaalib was a Manifesto member? "Siyadist loyalists" kulahaa. Nimaan waxba ogeyn Eebboow ha cadaabin. Those men below were the primarily signatures. Read on here what they signed.
  23. Abdul;823511 wrote: I thought the pm was supposed to be sitting in the middle and not the speaker. Nah. It is not a cabinet meeting. It is kulan dhaar ah. Shariif Xasan in his capacity as a second commander in hand (after the president) ayaa dhaarin karo as the president does, not the prime minister. Highest office holders in order: Madaxweynaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Wasiirka Koowaad Guddoomiyaha Maxkamadda Sare So if Shariifka dies tomorrow, Shariif Xasan ayaa interim leader noqonaayo.
  24. Waa garbage, qashin la iska qor qoray shisheeye soo dhoob dhoobeen. Soomaali sida lagu noqdo iyo kaarar loo sameeyo shisheeye sidee Soomaali ku noqon lahaayeen. I don't even have to read it fully to know waxa lasoo wado. Defining who can be a Soomaali, naturalizing non-Soomaalis with bogus cards. Defining the Soomaali Republic borders. What the... Bring back the 1960 axdi, Soomaali ayaa qoratay, iyagaana afti ku taageeray from tuulo to tuulo. It was a fine one. Let it be used until a new one is necessary, a one that is completely written by Soomaalida for Soomaalida and approved in countrywide referendum. Until then let the 1960 be in place.