Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,520
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Willmar, Mareykanka 2012: Somalida degan Willmar oo si weyn ugu dabaaldegay maalinta 1-da Luulyo Munaasabada kowda luuliyo ayaa maanta lagu xusey magaalada Willmar ee gobolka Minnesota ee cariga dalka mareykanka ,dabaaldagaan ayaa waxaa isku soo duba-ridey Jaaliyada dumarka Somalida (Somali Women) oo gacan ka heleyso African Development Center ,waxana ka soo qeyb galey odayaal, dhalinyaro iyo dumarka ku dhaqan magaalada Willmar ee gobolka Minnesota.
  2. Minneapolis, Mareykanka 2012: Xafladii Kowda Luulyo iyo Minneapolis Dibad bax lagu xusayo 1 da Julay oo ah 52 sano kahor markii ay gobolada Koofureed ee Soomalia ay iska tureen heeryadii gumeysiga isla mar ahaantaana ay lamidoobeen gobolada woqooyi ayaa galabta lagu qabtey magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo ah meesha ugu soomalida badan wadankaan. Dibadbaxaan ayaa waxa uu kadhacay bartamaha magaalada Minneapolis, iyadoo loo xiray dibad baxaani wadooyin dhawr ah oo dhex mara is magaalada,waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu ku dhaqan tahay, waxaa sidoo kale iyaguna munaasibadan kala soo qeybgalay dad kale oo ka socday bulshooyinka kale ee ku nool wadankaan. Dadka isku soo baxay, oo intooda badan muuqaalka ay ka sinaayeen ay ahayd midabka buuluga ah ee calanka Soomaaliya,waxaana dadkii halkaasi isugyimid la hadlay aqoonyahano, waxgarad, iyo siyaasiin isugu jira Soomaali iyo waliba kuwo ka tirsan dowladda wadankaan Mareykanka, kuwaasi oo dhammaantood ka sheekeeyey qiimaha ay bulsho waliba u leedahay maalintooda qornimada, islamarkaasina loo baahan yahay in la weyneeyo maalintaan oo kale. Pro. Axmed Maxamed Qaadi, oo isagu ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo maadada taarikhda ka dhigi jiray kuliyadii lafoole, oo ka mid ahaa dadkii madashaan ka hadlay, ayaa sheegay in qornimada Soomaaliya loo soo maray marxalad adag, islamarkaana aan si fudud lagu helin.”Dadkii xornimadaan aan manta harsaneyno keeney waxay ahaayeen dad adinkoo kale ah ee dhiig isku yeela dhalinyaroy noqda sidii 13kii dhaliyaro ee caanka kanoqday Somalida dhexdeeda ee S Y L.” Waxaa sidoo kale halkaasi kahadley Fardawso Jaamac kuhadleysay magaca haweenka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in mar waliba haweenku utaaganyihiin iney garab sitaagaan cid waliba oo wax uqabaneyso wadankeena hooyo, iyadoo intaasi raacisey “Ninkii daneynaayo inuu kashaqeeyo nabad kusoo dabaalida wadankeena hooyo waan lashaqeyneynaa waana gaarabtaganahey laakiin ninkii raba inuu dumiyo gurigii shalay ladayactiray ragow maxaaad katiraahdeen?” Hadalkaas oo soo jiitey dhageystayaasha ayaa mar qura sacab iyo sawan kutaageeray. Fanaaniin ay kamid ahaayeen Saynab Labodhagax, Khadro Cumar Dhuule, Fartuun Cumar iyo Hodan Cabdiraxmaan ayaa ka qaaday heeso wadani ah oo dadkii daawanayey ay la dhaceen, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey majaajilo, gabayo iyo waliba buraanbur guud ahaanba katurjumaya maalmaha taakhiga u’ah Soomaali meel ay joogtaba iyadoo gabayadii halkaasi laga qaadey qaarkood ay dadkii ilmo ka keeneen. Muuqaal:
  3. Columbus, Mareykanka 2012: Sida 1-da Luulyo looga xusay Ohio Boqolaal qof oo Soomaali ah oo ku nool waddanka Mareykanka ayaa xalay ka qeybgalay xaflad lagu maamuusayay 52 guuradii ka soo wareegatay xilliga xornnimada gobollada koonfureed iyo israacii waqooyi iyo koonfur. Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka qeybgalay dadwayne Soomaaliyeed oo ku labisan calanka isla markaana ku dhawaaqayay 1-Luulyo ha noolaato, Soomaaliya ha midowdo iyo erayo kale. Waxaa goobta xafladda ka hadlay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka hadlayay qaabkii lagu helay xorriyada iyo halgankii loo soo maray. Muuqaal:
  4. Gothenburg, Iswiidhan 2012: 1-da luulyo oo si weyn looga xusay magaalada Gothenburg Xaflada si heer sare loo soo qabanqaabiyay oo ku saabsan dabaaldeegga xuska sanadguurada 52 ee madaxbanaanida gobollada koonfureed iyo midowga Somaaliya ayaa lagu qabtay hoolka wayn Volviahallen ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden maalinta sabtida 30-ka june 2012. Xafladda waxaa lagu furay ayaado quràan ah. Kadibna heesta astaanta calanka soomaaliya ayaa la saaray oo dadka oo dhan u wada istaageen. Waxaa Baraambur iyo gabayo wadani ah qaaday Sacdiyo Soomali, Abwaan Hurfe, Caasha Cuud, Hussein Adde, Safiya Foodcadde , Farhiya Tifow iyo Saadiq Seyga. Marti sharafta qudbada ka jeedisay goobta waxaa ka mid aha Mudane Jaamac Ali Jamac oo ah Musharrax u tartamaayo Madaxwynenimo ee dalka Soomaaliya. Mudane Jaamac wuxuu warbixin dheer ka bixiyay xilligii gobanima doonka Soomaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee wadanka soo maray. Waxaa isana goobta ka hadlay Macallin Ismail Ali Abdulle oo ku guubaayiyay Soomalida qurbaha deggan in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka, gaar ahaan in la taakuleeyo ciidamadda dawladda Somaaliya. Waxaa dhinaca haweeynka u hadlay Shamso Dahir oo ka hadashay midnimada iyo wadajirka Soomalida. Xafladaasi oo si wadajir ah ay u soo abaabuleen Jaaliyadaha ka tirsan magaalada Gothenburg. Xiriiriyaha barnaamijka waxaa si wanaagsan u daadihinaysay Wariye Anfac Caddow oo ka tirsan bahda Somaliwayn tv. Bahda warbaahinta waxaa ka mid ahaa Hussein Abdi Alasow oo ah soo saaraha Somaliwayn tv. Hussein Alasow waa madaale had iyo jeer u taagan hawlaha hurumarinta bulshada Somaaliyeed dhinaca saxaafadda.. Ugu dambayn waxaa mahad gaar ah loo celiyay Ibrahim Qalinle, Abdullahi Jawhar, Ahmed Arabey iyo Adam Oor oo dhammaantood sii Soomaalinimo ah soo qaban qaabiyay xafladda sanad guurada 52ad oo qiimaha leh.
  5. Oslo, Norway 2012: Oslo oo si weyn looga xusay Kowda Luulyo Xaflad weyn oo lagu xusayay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyadda Soomaalida koonfureed iyo israacii Wuqooyiga iyo Koonfurta ay ku midooween sanadkii 1960 ayaa waxey ka dhacday fagaarahasofienbergparken magaalada Oslo ee dalka Norway. Xafladdan oo ay kasoo qeybgaleen dadweyne aad u tira badan oo badankooda xernaa astaanta iyo midabada calanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayay shucuur wadaninimo. Waxaa halkaasi ka mid ahaa dadkii ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/samad Maxamuud Xassan , taliya waaxda socdaalka C/laahi Gaafow oo ku nuux nuuxsaday in la taageero habsami usocodka nabadda Soomaaliya , waxaana sidoo kale halkaasi dhiiri galin iyo taariikhdii halganka ka iftiimiya halgamaa C/qaadir Cali Boolaay oo ah ragga fara ku tiriska ah ee ka nool dhalinyaradii ku jirtay SYL. Muuqaal:
  6. Helsinki, Finland 2012: Ururka Dhalinyarada ee KANAVA oo Helsing ku qabtay Munaasabada 1-da Luulyo Xaflad aad aad u balaaran oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Helsinki ee dalka finalnd laguna xusayey sanadguuradii 52aad ee maalintii xorrnimadda Soomaaliyeed ee 1 luulyo ayaa lagu qabtey Dalkaaasi Xafladan oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimey ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee KANAVA Waxaana ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha ururka kanava C/qaadir Nuur Hadafow oo hambalyo balaran u diray umadda soomaaliyeed meel wabo ay dunida ka joogaan gaar ahaan umada ku dhaqan dalka filand waxaana u u rajeeyay in sanadkan kiisa kale uu illaah kugaarsiiyo umaada Soomaaliyed ku gaarsiiyo nabad iyo baraare Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay waxgaradka ku sugan dalka finland kuwaas oo ku dheeraaday ahmiyada ay maalintan u leedahay umadda soomaaliyeed iyo dhibaatadii laga soo maray xornimada aynu maanta kunaalooneyno. Sidoo kale waxaa xafaladaii maanta bilado lagu gudoonsiiyay ilaa iyo 3 kooxood oo iyagu kamid ahaa 10 kooxoood oo aha dhalinyaro yaryar ah oo ciyaaro kubadda cagta ah uga socday dalka filand ciyaarahaas oo loogu talagalay sanadguurada xuska maalinta xornimada soomaaliyeed ee 1da luulyo. Xuska maalintan kuweyn umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qeybgalay Orodyahano soomaaliyeed oo iyagu kaqeybgalay orodada qaarada yurub oo kakla yimid wadamada Holand iyo Bilgiumka waxaana ay ku dhiirageliyeen dhalintada yar yar ee Soomaaliyeed ee ku mashquulsan kubadda cagta in ay kaqeybqaataan ciyaaraha fudud.
  7. Iswiserlaan 2012: Xaflad lagu Xusayey Maalinta 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Olten ee dalka Switzerland Waxaa habeenkii Axadda ahayd ee 1-da Luulyo si weyn looga dabaal dagay magaalada Olten oo ku taala gobolka Solothurn ee dalkan Switzerland munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalin ay si weyn u qadiriyaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan. Munaasabadan oo ka dhacday magaalada Olten ee gobolka Solothurn ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal Jaaliyadda Soomaaliyeed ah ee ku nool dalkan Switzerland, waxaana Halkaasi ay isugu Jeediyeen Shacabka Soomaaliyeedna ugu Hambalyeeyeen Munaasada ku aadan 1-da Luulyo oo ah Malinta Xornimada Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Israacii Goboladii Waqooyi iyo Koonfur.
  8. Adaa mudan, abaayadiis. _____________________ Shiinaha 2012: Soomaalida Shiinaha oo xustay Munaasabadda 1-da Luulyo Xaflad qurxoon oo lagu maamuusayay xuska 1-da luulyo ayna kula lamaansaneyd xaflad sagootin ah oo looo sameeyay arday Somaliyeed oo ka qalin jabisay Jamacada Beihua University ayaa ka dhacday Magaalada Jilin ee dalka Shiinaha. Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudoonka ardayda Somaliyeed ee Jamacadaan dhigata, kuwaa oo uu Gudoomiye uu sanadkaan u yahay Mudane C/Raxmaan Maxamed Xasan. Xaflada waxaa ka soo qayb-galay arday badan oo Soomali ah oo ka kala yimid Gobolada qaar ee dalkaan, halkaas oo ardaydu ay isu dhaafsadeen wixii taariikh ah ay dalka isu dhaameen, kuna dheehneyd Suugaanta Wadaniga iyo dhamaan waxkasta oo ninkastaa uu ula soo diyaar garoobay inuu kaga qayb galo xuska maalinka xoriyada wadankiisa. Waxaan meesha kamarneyn in qofwalba uu uhambalyeynayay 3 arday oo shalay ka qalin jabisay Jamacadaan, waxaana ardaydii nasiibka u yeelatay inay Jaamacadaan ka qalin jabiso ay kala noqdeen Dr Daahir, Drs Safa iyo Drs Sahra. Ugu dambeen dhamaanba ardaydaan Soomaaliyeed ayaa waxay duco ay u jeediyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoona ugu duceeyay in sanadkaan sanadkiisa uu Alle ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.
  9. If only Jarmalka soo bixi lahaa. Jarmalka ayaa Isbaanishka wacdaro ku dhigi lahaa, unlike Talyaaniga.
  10. Hilary Clinton: Hillary Clinton Oo Ugu Hambalyeysay shacabka Soomaaliyeed Maalinta sanadguuradii 52 Ee Xoriyada Gobolada koonfureed iyo Iaku darsanka Gobolada Waqooyi Xog-hayaha arimaha debada ee dalka maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton aya waxay hambalyo ku aadan 1-luulyo ay udirtay dhamaan umada soomaliyeed,kuwaasi oo manta udabaal degaya sanad guuradii 52-aad. Hillary Clinton oo wakiil ka ah madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo shacabka dalkaas ayaa hambalyadaas ku aadisay xilli inta badan ummadda Soomaaliyeed ay u dabaal-degayaan maalinta xorriyadda ee 1-da Luulyo, iyadoo xustay in sanadihii la soo dhaafay Soomaaliya laga sameeyay horumar dhinaca ammaanka ah. Mrs Clinton ayaa xustay in dowladda KMG ah iyo maamul goboleedyada ay la dagaallameen dhibaatooyinka ka jiray Soomaaliya oo ay keeneen abaaraha, macluusha iyo colaadaha ay sababeen maleeshiyada al-Shabaab oo ay sheegtay in laga sifeeyay inta badan deegaannada ku dhow dhow Muqdisho. Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka oo warkan saxaafadda siisay ayaa tilmaamtay in horumar buuxa laga gaaray sidii loo soo afjari lahaa waqtiga kumeel gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ay ku sifeysay in siyaasad furfuran lagu wajahay arrimahaas. Dhanka kale, Hillary Clinton ayaa u mahadcelisay deddaallada xooggan ee nabad ku soo dabaalidda oo ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo dhammaantood howllo muuqda ka fuliyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxay intaas raacisay in magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareersan ay yihiin kuwo ka madaxbannaan maleeshiyada al-Shabaab. Mrs. Hillary Clinton ayaa sheegtay in ay mar walba garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay garab ku siinayaan soo afjaridda xilliga kumeel gaarka ah iyo soo celinta xasilloonida, iyadoo u rajeysay Soomaalida nabad iyo horumar.
  11. Ankara, Turkiga 2012: Magaalada Ankara Ee Dalka Turkiga & Munaasabada Qiimaha Badan ee 1-Luulyo Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay looguna dabaal degayay 1-da Luulyo 52-guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Gobolada Koofur iyo Waqooyi ayaa xalay waxaa lagu Qbatey Magaalada Ankara Ee Dalka turiga taas oo ay qaban qaabadeedu laheyd Safaarda Soomaalida ee Dalkaasi. Munaasabadaan lagu weyneynayey 1-da Luuliyo ayaa waxaa si taariikhi ah uga wada Hadley Amb.Maxamed Mursal Sheekh oo ah Safiirka Safaarada Soomaalida Turkiya, xoghayaha Koowaad ee Safaaradaasi Mudane C/qaadir Maxamed Nuur iyo Madaxkale oo isugu jirey Diplamaasiyiin, waxgarad siyaasiyiin, Ardey oo ay ka dhax muuqdeen Haween si aad ah ugu soo lebistey Dharka hidaha iyo Dhaqanka Astaanta Soomaalida u ah. Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Amb. Maxamed Mursal wuxuu ku dheeraadey Taariikhdii Gumeysiga iyo marxaladihii kala duwanaa ee dalka soomarey. Safiirka oo Khudbadiisa aad udheereed ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 1luuliyo isagoona tilmaamay in shacabka looga baahan yahay in ay ku dadaalaan si dalka nabad waarta logu soo celin lahaa kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibada jooga intuba, amaan aan lasoo koobi karin ayaa wuxuu udirey shacbiga iyo dowlada Turki oo garab istaagey dadka soomaaliyeed. Sidoo kale Xoghayaha koowaad ee Safaarda Tukiya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur ayaa amaan iyo bogaadinba ujeediyey Dowlada Turkiga oo Howlo aad u wanaagsan ka wada dalka soomaaliya ayadoo dib usoo nooleysey Rajadii iyo karaamadii ay lahaan jirtey Umada soomaaliyeed.
  12. Odense, Denmark 2012: Maalinta Xornimada ee 1-da Luulyo oo si balaaran maanta looga xusay magaalada Odense ee Dalka Denmark Dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Odense ee dalka Denmark ayaa waxay u dabaaldageen Maalinta Xornimada ee Jamhuuriyada Soomaaliya, taas oo ka soo wareegtay sanadguuradii 52-aad, halkaas oo ay isugu soo baxeen dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Odense ee dalka Denmark,Dhalinyarada Soomaaliyeed ee magaalada odense ayaa halkaas waxa ay ku muujiyeen dhoolatus iyo gaada ka ciyaar aad loola riyaaqay kuna soo beegantay xili ay nabaddeynta dalka Soomaaliya si dardar leh ay ku socoto. Odoyaasha Dhaqanka Gudoonka Jaaliyada Soomaaliyeed, Ganacsatada, Culumaa’udiinka, Hooyooyinka, Dhalinyarada ayaa dhamaantood ka soo qeyb galay maanta munaasabaddan lagu maamuusayay maalinta xornimada oo ka dhacday Hoolka wayn ee Vollsmose Torv Center. Nabadoon Xasan Barre Qaasim oo kamid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee magaalada Odense ayaa hadal uu ka yiri xaflada maalinta xornimada ku tilmaamay midnimo iyo iskuduubni dareenka ay maalintan u lee dahay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. “Waa maalin aad ugu weyn qalbiga ummada Soomaaliyeed oo ay ku xasuustaan geesiyaashii u soo halgamay xornimadda, unna huray dalka Naftooda iyo maalkooda, waxaana ka mid ah Dhalinyaradii SYL iyo halgameyaashii suuragaliyay midnimadii iyo sameynta jamhuuriyad hal calan leh” ayuu yiri Nabadoon Xasan Barre Qaasim.” Nabadoon Xasan Barre Qaasim wuxuu intaas ku daray, “Geesiyaashu waa ay badan yihiin, waxaana kamid ah dhalinyarada maanta soo abaabushay xafladan lagu xusayo maalinta xornimada Soomaaliyeed ee aanu dhamaanteen isugu nimid, waxaa annoo ku hadlaya magaceeyga iyo kan Jaaliyadaba u mahadnaqayaa Dhalinyarada magaalada Odense oo aan oran karo waxa ay ku socdaan wadadi SYL. Maalinta Xornimada 1-da Luulyo ayaa waxaa si buuxda maanta looga xusay magaalada Odense iyo meelo kale oo badan oo ay isugu soo baxeen dhamaan intii lahayd damiir Soomaalinimo iyagoo sitay Calanka Soomaaliyeed. Sanadguurada 52 aad ee xornimada Soomaaliya ayaa sanadkan 2012 waxay ku soo beegantay xili ay Soomaaliya ka soo kabsaneyso qaskii iyo dowlad-la’aantii ka jirtay mudo dhan 21 sanadood. Si kataba ha ahaatee, Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Odense oo ay codkooda ku hadlayaan Nabadoon Xuseen Barre Qaasim, dhamaan Gudiga dhalinyarada Soomaaliyeed ee soo abaabulay Xuska 1-da Luulyo,Ganacsatada, Culumaa’udiinka iyo Hooyooyinka, waxay hambalyo u dirayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, iyagoo u rajeynaya Nabad, Farxad iyo Guul waarta. Waa markii labaad oo magaaladda Odense ee dalka Denmark si aan horey loo arag looga xuso maalinta 1-da Luulyo oo ay dad badan ka soo qeyb galeen iyagoo sita Calanka Soomaaliyeed. Waxay arintan cadeyn u tahay isbadalka iyo jawiga horumarka leh ee dadka Soomaaliyeed gaareen, taas oo aan suuragali laheyn hadii aan dhalinyarada Soomaaliyeed ee magaalada Odense ay si wadajir ah ugga shaqeen qabsoomida xuska 1-da Luulyo. Dhalinyarada Soomaaliyeed ee magaalada Odense ayaa waxaa ka go’an dadaalka ay ku doonayaan in ay ku horumariyaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Odense taa oo ay horay u balan qaadeen inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaan.
  13. Cabuudwaaq 2012: 1da Luulyo oo Maanta Laga Xusay Magaalada Caabudwaaq Waxaa Manta siweyn looga dabaal dagay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud munaasabada 1-luulyo oo ah maalin kuweyn guud ahaanba qalbiyada umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan. Munaasibadani ayaa ka dhacday Bartamaha Magaalada Caabudwaaq ayadoona ay kasoo qayb Galeen Boqolaal Dadwayn ah kuwaasoo iskugu Jira Qaybaha Bulshada waxaana Halkaasi ay ka Jeediyeen Hambalyo ku aadan Munaasada 1da Luulyo oo ah Malinta Xornimada Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Israacii Goboladii Waqooyi Iyo Koonfureed. Munaasabada oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyiinta maamulka Magaalada Caabudwaaq iyo Ururada Bulshada , ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka Tirsan Ahlusunna , ururada haweenka iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada ku dhaqan Caabudwaaq. Gudoomiyihii Hore ee Degmada Caabudwaaq Xasan Cabdi Calas Xasan Caabudaaq oo kamid ahaa Dadkii Kasoo qayb Galay Nunaasibadani Maanta ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ayaa wax lagu farxo ku Tilmaamay in Bulshada Magaalada Caabudwaaq siwayn u xusaan 1da Luulyo wuxuuna Hambalyo u diray Guud ahaan Shacabka soomaaliyeed isagoona alle oga baryay in uu dhibka haysta ka dulqaado. faadumo caanood oo kamid ah Ururada Haweenka ee Degmada Caabudwaaq oo iyana madasha ka hadashay ayaa Hambalyo u dirtay Shacabka Soomaaliyeed Waxaana ay sheegtay in Shacabka Degmada Caabudwaaq ay Usoo ducaynayaan Dalka in Eebe ka dulqaado Dhibaatada umada soomaaliyeedna Noqdaan kuwii aayahooda Garta ayadoona ay Munaasida Maanta ka dhacday Magaalada Caabudwaaq ay ahayd Mid siwayn ay ula dhaceen dadkii kasoo qayb Galay waxaana ay Munaasibadani maanta ka dhacday Bartamaha Magaalada Caabudwaaq. Munaasibadani Maanta ka dhacday Magaalada Caabudwaaq ee Loogu Da’baal Dagayay 1da luulyo ayaa qayb ka noqonaysa Munaasibado waawayn oo sidan oo kale looga dhigay Gobolada Dalka soomaaliya iyo Guud ahaan deegaanada ay ku nool yihiin Shacabka Soomaaliyeed.
  14. Boosaaso 2012: Munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo oo ka dhacday dowladda hoose ee Boosaaso Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey, oo loogu dabaal degayey maalinta xoriyadda gobolada koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Talyaaniga iyo Ingiriisku kala gumeysanayeen oo ku beegneyd 1-July-1960, ayaa xalay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso. Xafladda oo ay dad badani kasoo qayb galeen ayaa ahayd mid leh muuqaal aad u qurxoon kaas oo laga dheehan karay sida ay dadka Soomaaliyeed maalintaasi qalbigooda ugu dheertahay ayna u jecel yihiin inay dib u midoobaan.