Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,520
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Mario iyo Blue, dalkeena waa wada jecelnahay. Blue, waa joogay sister, xoogahoo mashquulay lee. _____________________ London Southall, Ingiriiska 2012: Muuqaal
  2. Odayaasha Dhaqanka Beelaha *****, ***** iyo ***** oo Isku Aragti ka Noqday Dastuurka Qabyada ah Iyo Muran Adag oo Soo Kala Dhexgalay DKMG ah iyo Odayaasha Odayaasha dhaqanka ee beelaha *****, ***** iyo **** oo maanta kulan loo kala kicin ku lahaa xarunta ay ku shiraan ee magaalada Muqdisho ayaa go’aan mideysan oo ay soo saareen waxay ku cadeeyeen inaysan raali ka noqon doonin in habdeg deg ku jiro lagu meel mariyo dastuurka qabyada ah. Odayaasha saddexda beelood waxay sheegeen inaysan suurtagali doonin ion ergada ansixinta dastuurka ee 825 la soo xulo iyadoo uu weli madmadsow ku jiro dastuurka qabyada ah oo ay ku dhaliileen inuu khatar gelinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Shabakada Raxanreeb oo la hadashay qaar ka mid ah odayaasha saddexda beelood ee kulanka lahaa ayaa ogaatay in odayaasha ay soo saareen illaa 11 qodob oo ka mid ah dastuurka cusub oo ay sheegeen in laga soo bedelo dastuurka ama gebi ahaanba laga saaro. Qodobadaasi waxaa ku jira: Qodobka jinsiyada oo ay sheegeen inuusan u qalmin Soomaalida Qodobka xuduudaha dalka oo markale isbedel lagu soo sameeyey isla markaaba sheegaya in xuduudaha dalka laga gorgortami karo haddii loo baahdo. Qodobka shuruudaha madaxda dalka oo aad loo fududeeyey lagana saaray arimaha sheegaya diinta iyo muwaadinimada. Qodobka xoriyada diimaha oo dib looga soo daray dastuurka qabyada ah. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha saddexda beelood ee maanta kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu shaki badan ku jiro in waraaqaha loo keenay uu yahay dastuurkii rasmiga ah iyo in wax kale odayaasha loo dhiibay. Odayaashu waxay dalbanayaan in 11 qodob ee ay u calaamadiyeen laga saaro dastuurka ama laga soo bedelo inta horeysana aan loo gudbi karin ansixin dastuur. Xarunta shirka odayaasha uu ka socdo ee magaalada Muqdisho ayaa maanta duhurkii waxaa soo gaaray xubno ka mid ah golaha wasiirada DKMG ah, kuwaasoo markii dambe iyagoo careysan isaga baxay xariunta, waxaana warar ku dhow ay noo xaqiijiyeen in odayaasha iyo wasiirada ay isku afgaran waayeen dalab odayaasha ka soo baxay oo ah inaan loo gudbi karin ansixinta dastuurka iyadoo madmadow iyo wax aan bisleyn ay ku jiraan dastuurka. Waxaa jira hadalheyn ah in odayaasha saddexda beelood ee ka horjeestay ansixinta dastuurka ay wada hadal kula jiraan odayaasha beelaha ***** si ay uga dhaadhiciyaan diidmada dastuurka cusub kaasoo odayaashu shuruudo adag hordhigeen. Dhanka kale waxaa aad u yar waqtiga u haray mudada loo qabtay ansixinta dastuurka oo klu beegan 12-ka bishaan July xilligaasoo ay tahay inay diyaar yihiin golaha dastuuriga ee ka kooban 825 xubnood oo ka wada kooban dhamaan beelaha Soomaalida, sida ku qoran qorshihii Addis Ababa ee 23-kii May, taasoo u muuqata inaysan ku diyaar garoobi karin. Dawlada KMG ah ayaa dhankeeda ka cabaneysa inaysan heyn dhaqaale iyo tasiilaad ay ku socodsiiso shirka golaha dastuuriga ah ee dhacaya 12-ka July iyadoo la sheegayo in Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ee taageera aysan weli bisin lacagihii ay u balanqaadeen meelmarinta dastuurka. Odeyaasha waaku raacsanahay, waana ku taageersanahay go'aanada iyo aragtida ay qaateen.
  3. Ankara, Turkiga 2012 II: Madaxda Ugu Sareysa Turkiga Iyo Safiirrada Dalalka Caalamka U Fadhiya Dalkaasi Oo Soomaalida Kala Qeybgalay Munaasabadda Koowda Luulyo Ayadoo dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan si aad ah ugu dabaal degayaan Munaasabadda Koowda Luulyo oo ku beegan sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa Madaxda ugu sareysa dalka Turkiga waxey Soomaalida dalkaasi kala qeybgaleen xuska Munaasabaddan qiima leh. Munaasabad si heer sare ah loosoo qaban qaabiyey oo ay qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa lagu qabtay Hotelka RIXOS oo isagu ah hoteelka ugu weyn magaalada caasimadda ah ee Ankara waxaana Munaasabaddaasi kasoo qeybgalay Ra’isulwasaare Kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag oo ay wehliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda,Caafimaadka,Saraakiisha ugu sareysa Ciidammada Qalabka Sida ee Dalkaasi,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalkaasi gaar ahaan xildhibaannada loogu magac daray walaalaha Soomaaliya iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay dhammaanba Safiirrada dalalka Caalamka uga wakiilka ah dalka Turkiga iyo Ardayda Soomaaliyeed ee iyagu deeqaha Waxbarasho ka helay dalkaasi ayadoo ardaydana ay Munaasabadda kusoo bandhigeen suugaan wadani ah oo ka hadleysay halganka gobanimo ee dalkeenna. Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey madaxda sare ee dalka Turkiga iyo Safiirrada dalalka caalamka uga wakiilka ah dalkaasi kasoo qeybgalka Munaasabadda waxaana uu dhanka kale Dowladda Turkiga uga mahad celiyey sida ay had iyo goor u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed. Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday taariikhda halganka xoriyadda Dalkeenna isagoo sidoo kalena ka hadlay xiligan doorkii lama ilaabaanka ahaa ee ay Walaalaha Turkigu ku lahaayeen gurmadkii ay caalamku Soomaaliya usoo sameeyeen sanadkii aynu kasoo gudubnay bartamihiisa xiligaasi oo dalka intiisa badan ay abaarro ku dhufteen. Ra’isulwasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa aad ugu dheeraaday xaalada guud ee Soomaaliya halka ay mareyso xiligan iyo sida ay aheyd billo ka hor waxaana uu dhanka kale mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ku ammaanay sida ay had iyo goor u garab taagan yihiin ardaydooda islamarkaana ay u dhiiragelinayaan ayadoo khudbadda Ra’isulwasaare Kuxigeenkana ay aad uga qiireysiisey dhammaanba kasoo qeybgalayaashii Munaasabadda. Munaasabadda ayaa guud ahaanba kusoo idlaatay jawi farxadeed waxaana Munaasabaddan oo ka mid aheyd Munaasabaddo ay soo qaban qaabisey Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga islamarkaana loogu dabaal degayey maalmaha Xoriyadda Dalkeenna ay qeyb ka tahay Munaasabaddo si weyn sanadkan uga dhacay dalalka Caalamka iyo gudaha Dalkeenna kuwaasi oo dhammaanba ay shacabka Soomaaliyeed ku muujiyeen qiimaha maalintan.
  4. Wuhan, Shiinaha 2012: Koowda Luulyo Oo Laga Xusay Magaalada Wuhan ee Dalka Shiinaha Xaflad balaaran oo lagu xusiyey 52 guradii kasoo wareegatay markii ay xuriyada ka qateen gobolada konfurta iyo midowgii gobolada waqooyi iyo konfur ayaa ka dhacday magaalda wuhan ee dalka shiinaha . Xafladani ayaa waxaa kasoo qayb galay safiirka somaliya u fadhiya ee china yusuf xasan ibrahim yusuf dheeg iyo ardayda somaliyeed ee ka kala yimi gobolada shinaha , walidiin iyo marti sharaf kale oo badan. Hadaba xaflada sungurada 1 luulyo ayaa lagu soo bandhigay ruwaayado , ciyaaraha hidaha dhaqanka iyo hadalo qiiro badan kaasi oo taabtay ardaydii somaliyeed . Safiirka somaliya ee shiinaha yusuf dheeg ayaa madasha xafladaasi kaga warbixiyey marxaladihi la so maray iyo waxbaqabadkii uu u soo qabtay umada somaliyeed , iyadoo uu safiirka so qabtay jagadani laba jeer , ayaa dardaaran u jeediyey ardayda somaliyeed ee waxkabarta china oo ku jira marxaldii iftiinka mustaqbalkooda.
  5. Bristol, Ingiriiska 2012: Dalka Ingiriiska oo si qurux badan looga xusay 1-da Luulyo Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay laguna xusaayey maamuuska qiimaha badan ee ay leedahay maalinta Kowda luulyo oo ah maalintii ay xornimda qaateen Gobolada Koonfureed ahna maalintii ay Midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfureed ayaa lagu qabtay Xalay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska. Munaasabadan oo ay isugu yimaadeen Shacabka Soomaaliyeed ee iyagu ku dhaqan Magaalad Brisol ayaa waxaa ka muqatay farxad ay ku marxabeynayeen maalinta qiimaha badan tasoo ay ka soo wareegtay 52 sano, maalintaa oo ah maalintii Calanka Baluugley ee Shanta Xidileh si xor ah uu u babaday Hawada Caafimaadka qabta ee Dalkeena Soomaaliya. Xafladan oo ay ka hadleen masuuliyiin badan ayaa waxaa hadal Qirada shacabkii ku sugnaa Dhaqaajiyey ka jeedisay Xaajiya Dahaba Luula oo aheyd Hooyooyinkii goob jooga u ahaa markii halganka loogu jiray Calanka iyadoo halkaa ka tirisay Buraan buradii Hawenka ay kaga soo qeyb qaateen halgankii iyo Heesihii dhiirigalinta lahaa ee Calankan lagu keenay iyadoo ku dheeraatay ka sheekeynta halgankii nadiifka ahaa ee ay SYL Shacabka Soomaaliyeed usoo qabatay. Sidoo kale waa Xaflada ka hadlay Dr Cumar Sabriye oo isagu sheegay in uu aad u xusuusto Habeenkii Xoriyada walow uu sheegay in uu Da`yaraa hadane ay aheyd habeen Damaashaad weyn iyo kalgacal uu qaaday Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka haday Cabdiraxmaan Gentleman Maxamuud Dhagacade oo isna ka sheekeeyy qiimaha ay leedahay Maalmaha Xoriyada ee 26 juun iyo 1 Luulyo.
  6. Phoenix, Mareykanka 2012: Munaasabadda 1da Luulyo oo kadhacday Phoenix Arizona Munaasabadda lagu maamuusayay 52 guuradii ka soo wareegtay xornimadii Soomaaliya oo lagu qabtay gobalka Arizona ee dalka Mareykanka. Munasabadda oo ay soo qaban qabiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobalka Arizona (Somali Association of Arizona) ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ad u fara badan oo isugu jiray madaxda Jaaliyadda Haween Caruur iyo dhalinyaro ,Culuma’udiin Soomaaliyeed islamarkaasina lagu maamusayay dabaal-dega maalinta weyn ee 1 Luuliyo. Waxaana dadweynaha munaasabadda ka soo qeby galay la hadlay Madaxa Jaaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cali dhuux islamarkaasina tilmaamay muhiimda ay Soomaalida u leedahay 1luuliyo oo ah maalin taarikh ah. Waxaa farxad iyo sharaf inoo ah hadii aan nahay Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool degaanka gobalka Arizona inaan maanta u dabaal dageyno maalinta weeyn ee taarikhda ah islamrkaasina aan la qeybsaneyno Shacabka Soomaaliyeed meel walba ee ay aduunka ugu dabaal dagayaan munaasabadda weyn ee 1 luuliyo isla-markaasina an ku faraxsanahay inaan loo kala harin dabaal dega malinta muhiim-ka ah ee 1 Luuliyo . Munaasabadda intii ay socotay waxaa hadal ka jediyaay Xaliimo Cabdirizaaq oo ka mid aheyd madaxda Haweenka Jaaliyadda (Somali Association of Arizona) waxaana hadalkeedii ka mid ugu horeentii waxaa mahad iska leh allaha weyn ee inoo suurta geliyay inaan caawa xusno maalinta 1Luuliyo islamrkaasina aan la qeyb –saneyno umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yahiin. Waxaan intaasi ku dari hadii aan nahay Ururada Haweenka Soomaaliyeed ee Qaarada America inaan baaq nabadeed u jeedino wada-hadaladii Dowladda KMG iyo Dowladda Soomaliland dhawaan lagu gaaray wadanka (Isutaga imaaradka Carabta) in ay noqdaan wada-hadalo mirro dhal-yeesha .sido kalena ay labada dhinac ka sii shaqeeyaan sidii Soomaalida ay isu af garan laheyd.
  7. Malmo, Iswiidhan 2012: Xaflad lagu maamusayo 1 Luuliyo oo lagu qabtay Magaalada Malmo, Sweden Munaasabadan oo ahay mi aad loo soo agaasimay ayna si hufan uuga soo shaqeeyeen jaaliyad Soomaaliyeed ee dagan gobolka Skona ee dhaca koonfurta wadanka Sweden, ayaa waxa ay ka dhacday fagaare wayn oo ku yaalaa bartamaha magalaada Malmo oo ah magaalada sadexaad ee ugu wayn wadanka Sweden. Dabaaldegan ayaa waxaa lagu xusayey Konton iyo Lbao guuradii Xoriyada wadanka Somaliya oo ay ahayd markii calan Soomaaliyeed laga taago Ciida wadanka Somaliya. Xafladan ayaa waxaa ka qaybgalay dad gaarayaa ilaa 3000 oo qof, dadkaas oo isugu jiray Soomaalida degan Gobolkan Skona, madax ka tirsan gobolka Skona ee Sweden iyo dadkale oo ajaanib ah oo ay soo jiidatay muusiga, ciyaaraha iyo heesihii halaasiga ahaa ee fanaaniinta Somaliyeed ay ka qaadayeen goobta xafladu ka dhacaysay. Fanaaniinta Xaflada ka heestay ayaa waxaa ka mid ahaa Faadumo Ali Nakruuma oo ka soo baqooshay Waqooyiga Ameerika, Xassan Aadan Samatar, oo ka yimid wadanka Holland, Nicmo Yaasiin iyo Shamso Maxammed Food oo Iyaguna safar uuga yimid wadanka Ingiriiska. Fanaaniintan oo goobta ka dhigay Fantasiyo ay kun soo bandhigeen muusig iyo heeso quruxbadan oo ay aad uuga heleen dhamaan dadkii Somalida iyo Swedish ka ahaa ee daawanayeye xaflada ayaa waxaa kale oo ay suurta geliyeen in Dhalinyaro Soomaliyeed ay halkaa ku soo bandhigaan cayaaraha ay Soomaalidu hiddaha iyo dhaqanka u leedahay ee ay ka midyihiin Dhaantada, Saylici iyo Niiko, Dhalinayardaas oo in mudo ah uu tababar ku hayayey ururka Hidde iyo Dhaqan oo uu hogaamiyo Warsame Cismaan, xaruntiisuna tahay isla Magaalada Malmo ayaa waxay daawadayashu aad uula dhaceen qaab ciyaareedkooda iyo sida ay jaanta iyo Cidhibta isula helayeen. Waxaa iyaguna meesha ka maqnayn Haweenka Somaliyeed oo doorwayn ku lahaa Ababbulka iyo suurta gelinta xafladan iyoga oo dhamaantood xirnaa dhar ku dhaxran midabka Buluuga iyo xidigtii cadayd ee shant geesta ahayd, taas oo astaan unah calanka Somaaliyeed. Ururka Hidde iyo Dhaqan ayaa Fagaarha xafladu ka dhacaysay waxaa uu ka dhisay Aqal Somali, Aqalkaas o oka turjumayey in Somalidu leedahay Dhaqan soo jireen ah, Aqalkaas waxa uu ka samaysnaa Harar, Kabad, Duur iyo Caws oo ah waxayaabo ay miyiga Somaliya aad looga isticmaalo. Waxaa iyaiguna meehs yaalay Alaabo kale oo hida iyo dhaqan u ah Soomaalida oo ay ka mid ahaayeen, Haamo, Xeero, Barkin, Tip iyo Mooye iyo kuwa kale oo badan. Waxaa Halkaas qudbado ka turjumaya xoriyada wadanka Soomaaliya iyo dhibaatooyinkii laga soo maray helitaankeeda ka soo jeediyey waxgarad Somaliyeed oo isugu jiray rag iyo dumar. Ugudanbayntii, xafladu waxay ahay mid aad iyo aad uga fajicisay dhamaan ka soo qaybgalayaashe, waxaa kale oo ay xafladu bedashay fikirka dayarta Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray wadanka Sweden ay ka qabeen dhulkooda hooyo ee Somalia , taas oo dhalinyaradaad u bidhaamisay in ay leeyihiin wadan leh dhaqan iyo taariikh qani ah.
  8. Orebro, Iswiidhan 2012: JAALIYADDA SOOMALIYEED EE MAGAALADA ÖREBRO OO SI WEYN UGU DABAALDAGAY XUSKA 1-DA LUULYO Xaflad ballaaran oo loogu dabaaldagayay 52 guuradii kasoo wareegatay 1:da Luulyo oo ku beegan markii ay xoriyadda qaateen gobalada koonfureed ee Soomaaliya iyo midowgii labadii gobal ee Soomaaliya ay kala gumaysan jireen ingiriiska iyo talyaaniga ayaa ka dhacday magaalada Örebro ee bartamaha dalka Sweden . Munaasabaddaan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee Dugsiga Vivalla ”Vivalla Skolan” oo ku yaalla xaafadda Soomaalidu ay ugu badantahay ee magaalada Örebro. Iyadoo shacabka Soomaaliyeed oo ay isaga soo kala soo kala hayaameen degmooyinka iyo tuulooyinka hoostaga gobolka Örebro Län, si ay uga qayb qaataan maalintaan weyn ee mudnaanta iyo maamuuskaba leh. Ugu horentii waxaa xafladda furay Farxaan oo ahaa xiriiriyaha barnaamijka isla markaana ka mid ahaa dhallinyaradii soo qaban qaabiyay xafladda ayaa dadkii munaasabadda isugu yimid uga sheekeyay qaabka ay ku qabsoontay xafladda iyo muhiimadda ay leedahay xusidda iyo weyneynta maalintaan 1:da LUULYO, waxuuna microfoonka ku wareejiyay Aweys Shiikhow oo ku furay ayado Qur'aanka kariimka ah. Ugu horeenti waxa lagu furay Aayado Quraanka Kariimka iyo wacdi uu soo jeediyay Awees Sheekhow,waxa kadib lagu soo dhaweeyay Guddomiye ku xigeenka Ururka Afrisom Xaliima Cali Siyaad,Mudane Yuusuf Cabdo oo xubin ka ah Golaha Dagaanka,Dr,Faduma Sabti iyo Oday Bashiir. Waxaa markiiba la guda galay barnaamijka munaasabadda. Waxaa madasha qudbado wax ku ool ah ka jeediyay aqoon ayan iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Marwo Xaliimo Siyaad oo ah guddoome ku xigeenka Jaaliyadda AHKC, siyaasiga soomaaliyeed ee ku jira golaha deegaanka degmada Örebro Mudane Yuusuf Cabdow, Xarbi Caamir, Drs Faadumo Sabtiile iyo Bashiir oo ah qoraa’ kana warramay halgankii gobonimo doonka. Waxaa xusid mudan waxgarad iyo aqoonyan aad u tiro badan oo munaasabadda ka soo qaybgalay. Waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo qayb galay ayaa oo ay ka mid ahaayeen Samiir, Sheykh Amiir, Baashe, Moonye, Guuleed Khadar, Khadiijo Raage, Canab, Cadar, Maryan Carriif iyo kuwo kale oo badan. Munaasabaddaani oo si qurux badan u dhacday ayaa run ahaantii la wada qiray in ay tahay mid si heer sare ah loo soo diyaariyay, waxaana lagu soo bandhigay heeso ay qaadayeen fannaaniinta kala ah Deeq Dheeg iyo Keyse Koofirow, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, majaajillado ka hadlaya xaaladda Soomaaliya iyo maanta, waxaana lagu qiimeeyay xafladdii 1:da Luulyo ee ugu weyneyd oo laga xuso magaalada Örebro ee bartamaha Iswiidhan.
  9. Gaalkacyo 2012: Ciyaaro lagu maamuusayay 1-da Luulyo oo galabta labada dhinac ee Gaalkacyo ku dhex martay garoonka Yamays Stadium Ciyaartan oo ay soo qaban qaabiyeen bahda sportska Soomaalida ee Holland oo hormuud uu ka yahay C/ladhiif Islaw (Foorgacan) ayaa galabta waxay dhex martay laba kooxood oo ka kala yimid Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ee kala hoos taga Puntland iyo Galmudug isagoo oga dan lahaa isdhex galka bulshada dabaal daga ku aadan munaasabada 1da Luulyo oo ah maalintii ay xornimada qaateen Gobolada koonfureed ee Soomaaliya ayna midoobeen Waqooyi iyo Koonfur 1dii bishii 7aad Sanadkii 1960kii.
  10. Baydhabo 2012: Sida Magaalada Baydhabo Janaay Looga Xusay Koowda Luulyo Shacabka Magaalada Baydhabo Janaay ayaa sanaddo kadib si xornimo leh ugu dabaal degay Munaasabadda Koowda Luulyo oo ku beegan sanad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee dalka ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen Gobollada Koonfur iyo Waqooyi.
  11. Dubeey, Iimaaraadka 2012: Fanaanka Kooxda Dubai Star Axmed Biif oo Xalay Wacdaro ka dhigay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Cabdikariin Maxamed ‘Axmed Biif’ oo ka Tirsan Kooxda Fanka Dubai Star ee Wadanka Isutaga Imaaradka carabta ayaa Xalay Kala qeybgalay Kooxdaasi bandhig faneed Lagu Weyneynayay Munaasabda 1Luuliyo 2012 waxaan sidoo kale Fanaan Biif Ku wehliyay bandhigaan Fanaaniinta Kooxda Dubai star oo ay ka dhex Muuqatay fanaanada Caanka ah ee horay uga Tirsanaan Jirtay Kooxdii Heegan Faadumo Duur. Axmed Cabdikariin Maxamed iyo Fanaaninta Kooxda Dubai star ayaa ka qaaday Magaalada shaaraiqa Heeso wadanio ah oo si weyn u soo jiitay ka qeybgalayaashii Barnaamijkaasi waxaana uu Hobalka iyo Fananaiinta la socotay ay Muujiyeen Dareenka ay u ahayan Maainta qadarinta iyo qiimaha leh ee 1da Luulyo Iyadoo Xalay jawiga Shaariga uu ahaa mid u Muuqday Midabka Baluuga iyo Cadaanka isagu Jira oo ay ku Labisnaayeen Dadweynihii Xafladaasi soo Camiray. Axmed Biif ayaa sheegay Mar aan wax ka weydiinay dareenkiisa 1da Luulyo inay Tahay Maalin ku weyn quluubta Umadda Soomaaliyeed waxa uuna xusay in Sanadkaan uu Runtii uga duwan Yahay sanadihii ak horeeyay isla Markaana uu ku Faraxsan yahay Maadeyska ay Kooxdiisa Dubai star ku soo Bandhigeen Magaalada Shaariqa ee isutaga Imaaraadka carabta isagoo u Mahadceliayya dhamaan fanaaniintii ka qeybgashay bandhigaan lagu xusayay Munaasabada 1 Luliyo iyo dhamaan sahacabka somaaliyeed waxa uuna u Rajeeyay 3 guurada Munaasabadaan ee Sanadka Danbe 2013ka inay ku gaaraan Nabad,Horumar iyo Cadaalad isagoo ugu Baaqay bahda Fankana inay daradargaliyaan Howlaha baaxada leh ee ay u ahyaan Dalkooda iyo Umadooda Maadam Fanku Yahay qodobada ka qeybqaata Isku keenida iyo Nabada Umadda Soomaaliyeed.
  12. Jabuuti 2012: Xaflad Lagu Xusayay Xuska Maalinta 1-da luulyo Oo Dalka Jabuuti Ka Dhacday Xaflad aad U Baalaaran oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka kala socota somalia, Djibouti Iyo Puntland Ayaa Waxaa Xalay Lagu Qabtay Safaarada Soomaalida ee Jabuuti.
  13. Mambaasa, Kenya 2012: 1-da luulyo oo maanta si weyn looga xusay magalada Mambaasa Ciyaar kubbadda cagta ah oo lagu maamuusayay 52 guurada ka soo wareegtay xorriyaddii gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii koonfur iyo waqooyi ee 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kii ayaa maanta lagu qabtay garoonka weyn ee makadara ee magaladani Mambaasa. Ciyaartaan oo ay hormuud ka ahaayeen gudiga jaaliyada Soomaaliyed ee ku dhaqan magaladani mombasa ayaa waxay dhex martay laba koox oo kala ahaa S.Y.L iyo Horseed kana dhisan magaalada Mambaasa.
  14. Khartuun, Suudaan 2012 (laba xafladood): 1-da Luulyo oo si weeyn looga xusay Magaalada Khartuun Munaasabad lagu xusay 1 Da Luuliyo iyo Sanad Guurada 52 aad ee Xornimada iyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxay ka dhacday Hoolka Shirarka Caalamiga ah ee Ribaad Al-wadani ee Magaalada Khartoum Caasimada dalka Sudan. Munaasbada oo si heer sara ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana ay ka soo qeeyb galeen madax iyo Xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sudan, Madaxda Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan ee Sanad kaan la doortay iyo Madaxdii Sanadkii hore ee uu xilkoodu dhamaaday, Marti sharaf reer Sudaan ah iyo waliba Qeeybaha kala duwan ee Ardayda Soomaaliyeed hablo iyo Wilalba ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo ay u wada riyaaqeen guud ahaan ka soo qeeyb galayaashii Munaasabada yimid.
  15. Edmonton, Kanada 2012: Soomaalida Edmonton oo Wadajir ugu Dabaaldagtey 1da Luulyo Shalay ayaa si habsami ah ay Soomaalida Edmonton wadajir ugu ciidey bariga magaalada. Dabaaldagan 1da Luuliyo ayaa waxaa si wadajir ah usoo qabanqaabiyey uruada Soomaalida ee magaalada oo igu sanadihii hore gooni gooni udhiganjirey xafladaha caamka ah ee bulshada ka dhaxeeyo. Dabaaldagan oo ay kasoo qaybgaleen dad lagu qiyaasay 2000 oo qof ayaa ahaa mid laga cabsi qabey in uu baaqda kadib markii ay roobab lixaadlihi da-een galingii hore. Balse roobabkaasi ma-aysan noqon kuwo dib udhigo himilada shacabkii u oomanaa in ay meel kuwada dabaaldagaan.