-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Rawla, mid kaa qoordheer aragtaa miyaa finally? _____________________ Turkiga - 2013 Dalka Turkiga Oo Si Weyn Looga Xusay Munaasabadda Koowda Luulyo Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Munaasabadda 1da Luuliyo oo ah 53 guuradii ka soo wareegatay maalinta Xornimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga. Xafladani oo ay soo agaasintay safaaradda JF Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Wasiiradda Adeega Bulshadda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mrs. Maryan Qasim, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee dowladda Turkiga Safiiro iyo Diblomaasiyiin ka kala socday Dhammaan safaaraddaha Caalamka ee ku yaala Dalka Turkiga, Madax sare oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Turkiga, shacabka Soomaalyeed ee Ku dhaqan Dalka Turkiga, Ardayda wax ka barata Dalka Turkiga iyo Marti Sharaf Kale. Xafladani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Safiirka JF Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Danjire Maxamed Mursal, Wasiiradda Adeega Bulshada Mrs. Maryam qasim iyo wasiirka Macdan iyo Biyaha ee Dowladda aan walaalaha nahay Turkiga Veysel Eroğlu ayadoo dhammaan madaxda ay ka hadashay muhiimadda ay ku fadhido maalinka Xornimada, xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarka ay Dowladda JF Soomaaliya ku talaabsanayso. Xafladda ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u qurux badan. Sawiro kale -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bristol, Ingiriiska -2013 Dabaaldega 1da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Bristol ee wadanka Ingariiska Xaflada lagu xusayay 53 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay dadaka Soomaaliyeed qaateen xuriyadooda ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Bristol ee wadanka boqortooyada ingariiska. Xafladaas oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybqaatay dadweyne aad iyo aad u fara badan oo aad wejiyadooda ka dheehan karto farxad iyo reynreyn. Xafladaas waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada Bristol. Martisharaf ka kala yimid magaalooyin kale sida London, Birmingham, Leicster, Northhampton, Coventry, Gloucster, Sweindon iyo Milton Keynes ayaa iyagana waxay qeyb libaax leh ka qaateen munaasabada xuska 1da Luulyo Mayorka Bristol, Xildhibaano dowlada hoose iyo tan dhexeba sida Lord Mayor Farouk Choudry, Hibaq Jama, Margret iyo Miss Hickman wwwy ka qeebqaateen munaasabada waxayna ka jeediyeen qudbado qiimo leh iyagoo xanbaarsan calanka quruxda badan een buluuga ah. Barnaamijkaan wuxuu ahaa mid si LIVE ah uga baxaayay RoyalTV. Faanaaniin waaweyn ayaa habeenkaas wacdaro ka dhigay magaaladan Bristol. C/risaaq Gaadaco, Kaltuun Bacado, Jihaan jalaqsan, Nabiil iyo C. Amoore ayaa heeso aad iyo aad u macaan ka qaaday goobta. Fanaanada da da yar ee reer Jabuuti, kuna nool magaalada Bristol ayaa iyana aad iyo aad loola dhacay heesaha aya meesha ka qaaday. Xafladaas oo guul ku dhamaatay ayaa waxaa la sheegay inay aheed xafladii 1da Luulyo ugu qurruxda badneed ee ka dhacda meel ka baxsan wadanka Soomaaliya. Waxaa mahadnaq balaaral loo jeediyay Mudane Axmed Xasan Geedoow oo ahaa abaaulaha xaflada. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
London - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Minnesota - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Boras, Iswiidhan - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Jidda, Sacuudiga - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xaydarabad, Hindiya - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Helsinki, Finland - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
London - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Finland - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Zurich, Iswiserlaan [ 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Stockholm, Iswiidhan - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Malaysia - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dooloow - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Garoowe - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Muqdisho - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Beledweyne - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koonfur Afrika - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Gaalkacyo - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
London - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Jowhar - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xamar - 2013 Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, waxaana munaasabadaasi ka qeybgalay masuuliyiinta ugu sareysay dalka,Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, maamulka Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Fanaanin iyo Dadweyne kale oo fara badan. Dhamaan madaxdii iyo marti saraftii ka qeybgashay Munaasabada ayaa waxaa ka muuqatay qiiro wadaniyadeed, waxaana goobta laga soo jeediyay hadalo lagu weyneynayo midowgii iyo israacii gobolada Koonfur iyo Waqooyi. Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo khudabd xasaasi ah ka jeediyay munaasabada ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay sida qiimaha leh ee Munaasabaddan loosoo qaban qaabiyey waxaana uu shacbiga Soomaaliyeed guud ahaanba u diray Hambalyo ku aadan koowda Luulyo. “Waxaan rabaa inaan qof kasta oo Soomaali ah oo aduunka ku nool inaan weeydiiyo hal su’aal oo qof walba uu shaqo guri u qaadanayo, dhammaanteen waxaan sheegnaa qiimaha iyo qadarinta aan u heyno dowladnimada iyo calanka la mideynayo, hadaba su’aasheeydu waxey tahay qof walba oo Soomaaliyeedoow maxaad ogoshahay inaad bixiso si aan u helno dowladnio buuxo ileyn aduunka dushiisa cisi iyo karaamo ugu noolaano waa Dowladnimo, marka maxey tahay ma doollaraa?ma dharaa? ma gabayaa? berri ayaan su’aashaas ka jawaabi doonnaa haduu Alle idmo markale waxaan idiin leeyahay Hambalyo,Hambalyo,Hambalyo Soomaaliya Hanoolaato”ayuu ku yiri Khudbaddiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Mudo Sideed daqiiqo ah markii ay ka harsaneyd 12ka saqda dhexe xiliga geeska afrika ayaa madaxdii iyo shacabkii ka qeybgalay Munaasabaddan qiimaha leh ka qeybgalay ayaa ugasoo baxay banaanka hoolka ay munaasabaddu ka dhaceysay ayaga oo isugu yimid barxada weyn ee xarunta gaadiidka Booliiska Soomaaliyeed halkaasi oo kooxda baambeydu ilaa ay ka gaarto waqtiga 12ka ku garaacayeen astaanta qaranka iyo suugaan wadani ah ayadoo ugu dambeynna goobtaasi lagu saaray calanka quruxda badan ee Jamhuuriyaddeenna. Sidoo kale R/wasaarha xukumada Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa umada Soomaaliyeed ugu hambalyeey maalintan qiimaha badan ee ku weyn Umada Soomaaliyeed. “Runtii gobonimada iyo midnimada Soomaaliya maanta maalin ay ka wanaagsantahay ma jirto, waxaan rabaa inaan umadda xusuusiyo gobonimada iyo xoriyadda umadda Soomaaliyeed waxey ku timid midnimo ay Soomaali muujiso, sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed xasuusinayaa ineysan dowladda kaliya ku haleyn difaaca midnimadan ee ay wada difaacaan”ayuu yiri Saacid. Dhinaca kale 1-da Luulyo ayaa ahaa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waana maalin qiima gaara uleh umada Soomaaliyeed. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Beledweyne - 2013 Baledweyne oo Xalay Laga xusay 1da Luulyo munasabada xuska lada 1da luulyo ayaa xalay siweyn loga xusay magalada baledweyne ee gobolka hiraan ayaa waxana kasoqeyb galay kumanaan dad ah oo kakala yimid xafadaha magalada iyo masuliyiinta ugu sareysay maamulka gobolka hiiraan saraakiisha ciidamada AMISOM Munasabada oo kubilabatay Sugaan katurjumeyso nabada iyo madaxbanaanida faa idada ay ledahay iyo dhibatada losomaray madaxbananida aan manta ku naaloneyno Qeybahii kaladuwanaa ee bulshada kasoqeyb galay munsabada ayaa waxaa ay bilaabeen in ay qudbado kaladuwan ay kajediyaan munasabada ugu horey munasabada waxaa kahadalay yusuf axmed hagar yusuf dabageed waxana ow ku dheraday hadalka madaxbanaanida waxana ow sodookale ow shegay in al shabab ay yihiin kuwa cadiow ku ah madax banaanida umada somaliyed Taliyahah ciidamada xooga dalka somaliya ee gobolka hiiraan tawane axmed maxamed oo goobta kahadlay aya shegay in manta ay tahay mid aan la ilaabi karin waxana siloo helo madaxbanaanida ladaadiyay dhiig ban oo ay kamid yihiin halgamayaashii uso dagalamay madaxbanaanida somaliya Gudomiyaha gobolka hiiraan cabdi farax laqanyo ayaa hamlayo udiray dhamaan umada somaliyed melkasto oo ay jogaan waxana ow intaa kudaray Mrlaqanyo in mamulkiisa ow dhawaan al shabab ow kasaaridoono guud ahan gobolka hiiraan Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Khartuun, Suudaan - 2013 Sida looga dabaal degay 1-da Luulyo dalka Suudaan Munaasabada 1-da Luulyo ayaa gabi ahaanba laga xusay gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya. Waxaana ka mid ah meelaha sida weyn looga xusay dalka Suudaan gaar ahaan Magaalada Khartuum iyadoo shacab badan oo Soomaaliyeed ay muujiyeen shacuurtooda maalintaan. Sawiro kale -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Oslo, Noorwey - 2012 Sidee looga dabaal degay 1-da Luulyo Magaalada Oslo ee dalka Norway Xaflada maalinta qaranimada Soomaaliyeed ee kowda luulyo ayaa lagu qabtay fagaare weyn oo ku yaalo magaalada oslo ee dalka Norway. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Madaxda ururka haweenka Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal dadweyne soomaaliyeed oo isugu jiray dad waa weyn iyo caruur, wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan Dowlada Norway waxaana ka qeybgalayaasha xaflada ay soo wada xerteen dhar lagu hardhay astaanta calankeena. xidigta shanta gees leh. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Norway Mr, Heikki Holmes oo sedex cesho ka hor muqdisho ka soo laabtay, waxaana uu umada Soomaaliyeed ugu hambaleeyey maalinta weyn ee kowda Luulyo, waxa uu sheegay in uu salaan macaan uu ka soo qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya , rwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,, waxa uu sidoo kale sheegay in uu soo arkay dal iyo dowlad horumar baaxad leh Sameynaysa, waxaan sidoo kale soo arkay meel ay dib u soo noqoneyso xuriyadii cadaaladii iyo nabadii, waana talaaba wanaagsan buu yiri qorshaha Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey xiriirka bilowday ee Soomaaliya iyo Norway. Munaasabada Kowda Luulyo oo sanad walba lagu qabto fagaare weyn ayaa waxaa soo abaabulay ururka haweenka oo ay hogaamiso Marwo Ayaan, waxaana khudbad ay halkaasi ka jeedisay kaga hadashay qiimaha maalinta weyn. Marwo Ayaan ayaa khudbadeeda sanadlaha ah hambalyo ugu dirtay guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida ku nool Wadanka Norway waxa ayna sheegtay in ay muhiim tahay midnimada iyo wadajirka , iyada oo ku celcelisay in maanta oo laga baxay nidaamkii KMG ahaa ay jiraan dad ka shaqeynayo kala dhantaalida midnimada, isla markaana u ololeynaya qabyaalad iyo luxitaanka calan goboleed. Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qudbado qiimo leh suugaan isugu jiray gabayo iyo heeso wadani ah, waxaana ka tumaayey fanaaniin uu ka mid ahaa xuseen niiruyoow, iyada oo dhinaca kalana halkaasi lagu soo bandhigay ruwaad aad u xiiso badneyd oo ka tarjumeysay dhibaatooyinka qoysaska ay kala kulmaan hay’adaha qaabilsan daryeelka caruurta. Raadiyo Muqdisho