Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,520
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Xamar - 2013 Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, waxaana munaasabadaasi ka qeybgalay masuuliyiinta ugu sareysay dalka,Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, maamulka Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Fanaanin iyo Dadweyne kale oo fara badan. Dhamaan madaxdii iyo marti saraftii ka qeybgashay Munaasabada ayaa waxaa ka muuqatay qiiro wadaniyadeed, waxaana goobta laga soo jeediyay hadalo lagu weyneynayo midowgii iyo israacii gobolada Koonfur iyo Waqooyi. Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo khudabd xasaasi ah ka jeediyay munaasabada ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay sida qiimaha leh ee Munaasabaddan loosoo qaban qaabiyey waxaana uu shacbiga Soomaaliyeed guud ahaanba u diray Hambalyo ku aadan koowda Luulyo. “Waxaan rabaa inaan qof kasta oo Soomaali ah oo aduunka ku nool inaan weeydiiyo hal su’aal oo qof walba uu shaqo guri u qaadanayo, dhammaanteen waxaan sheegnaa qiimaha iyo qadarinta aan u heyno dowladnimada iyo calanka la mideynayo, hadaba su’aasheeydu waxey tahay qof walba oo Soomaaliyeedoow maxaad ogoshahay inaad bixiso si aan u helno dowladnio buuxo ileyn aduunka dushiisa cisi iyo karaamo ugu noolaano waa Dowladnimo, marka maxey tahay ma doollaraa?ma dharaa? ma gabayaa? berri ayaan su’aashaas ka jawaabi doonnaa haduu Alle idmo markale waxaan idiin leeyahay Hambalyo,Hambalyo,Hambalyo Soomaaliya Hanoolaato”ayuu ku yiri Khudbaddiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Mudo Sideed daqiiqo ah markii ay ka harsaneyd 12ka saqda dhexe xiliga geeska afrika ayaa madaxdii iyo shacabkii ka qeybgalay Munaasabaddan qiimaha leh ka qeybgalay ayaa ugasoo baxay banaanka hoolka ay munaasabaddu ka dhaceysay ayaga oo isugu yimid barxada weyn ee xarunta gaadiidka Booliiska Soomaaliyeed halkaasi oo kooxda baambeydu ilaa ay ka gaarto waqtiga 12ka ku garaacayeen astaanta qaranka iyo suugaan wadani ah ayadoo ugu dambeynna goobtaasi lagu saaray calanka quruxda badan ee Jamhuuriyaddeenna. Sidoo kale R/wasaarha xukumada Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa umada Soomaaliyeed ugu hambalyeey maalintan qiimaha badan ee ku weyn Umada Soomaaliyeed. “Runtii gobonimada iyo midnimada Soomaaliya maanta maalin ay ka wanaagsantahay ma jirto, waxaan rabaa inaan umadda xusuusiyo gobonimada iyo xoriyadda umadda Soomaaliyeed waxey ku timid midnimo ay Soomaali muujiso, sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed xasuusinayaa ineysan dowladda kaliya ku haleyn difaaca midnimadan ee ay wada difaacaan”ayuu yiri Saacid. Dhinaca kale 1-da Luulyo ayaa ahaa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waana maalin qiima gaara uleh umada Soomaaliyeed.
  2. Beledweyne - 2013 Baledweyne oo Xalay Laga xusay 1da Luulyo munasabada xuska lada 1da luulyo ayaa xalay siweyn loga xusay magalada baledweyne ee gobolka hiraan ayaa waxana kasoqeyb galay kumanaan dad ah oo kakala yimid xafadaha magalada iyo masuliyiinta ugu sareysay maamulka gobolka hiiraan saraakiisha ciidamada AMISOM Munasabada oo kubilabatay Sugaan katurjumeyso nabada iyo madaxbanaanida faa idada ay ledahay iyo dhibatada losomaray madaxbananida aan manta ku naaloneyno Qeybahii kaladuwanaa ee bulshada kasoqeyb galay munsabada ayaa waxaa ay bilaabeen in ay qudbado kaladuwan ay kajediyaan munasabada ugu horey munasabada waxaa kahadalay yusuf axmed hagar yusuf dabageed waxana ow ku dheraday hadalka madaxbanaanida waxana ow sodookale ow shegay in al shabab ay yihiin kuwa cadiow ku ah madax banaanida umada somaliyed Taliyahah ciidamada xooga dalka somaliya ee gobolka hiiraan tawane axmed maxamed oo goobta kahadlay aya shegay in manta ay tahay mid aan la ilaabi karin waxana siloo helo madaxbanaanida ladaadiyay dhiig ban oo ay kamid yihiin halgamayaashii uso dagalamay madaxbanaanida somaliya Gudomiyaha gobolka hiiraan cabdi farax laqanyo ayaa hamlayo udiray dhamaan umada somaliyed melkasto oo ay jogaan waxana ow intaa kudaray Mrlaqanyo in mamulkiisa ow dhawaan al shabab ow kasaaridoono guud ahan gobolka hiiraan Xigasho
  3. Khartuun, Suudaan - 2013 Sida looga dabaal degay 1-da Luulyo dalka Suudaan Munaasabada 1-da Luulyo ayaa gabi ahaanba laga xusay gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya. Waxaana ka mid ah meelaha sida weyn looga xusay dalka Suudaan gaar ahaan Magaalada Khartuum iyadoo shacab badan oo Soomaaliyeed ay muujiyeen shacuurtooda maalintaan. Sawiro kale
  4. Oslo, Noorwey - 2012 Sidee looga dabaal degay 1-da Luulyo Magaalada Oslo ee dalka Norway Xaflada maalinta qaranimada Soomaaliyeed ee kowda luulyo ayaa lagu qabtay fagaare weyn oo ku yaalo magaalada oslo ee dalka Norway. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Madaxda ururka haweenka Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal dadweyne soomaaliyeed oo isugu jiray dad waa weyn iyo caruur, wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan Dowlada Norway waxaana ka qeybgalayaasha xaflada ay soo wada xerteen dhar lagu hardhay astaanta calankeena. xidigta shanta gees leh. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Norway Mr, Heikki Holmes oo sedex cesho ka hor muqdisho ka soo laabtay, waxaana uu umada Soomaaliyeed ugu hambaleeyey maalinta weyn ee kowda Luulyo, waxa uu sheegay in uu salaan macaan uu ka soo qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya , rwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,, waxa uu sidoo kale sheegay in uu soo arkay dal iyo dowlad horumar baaxad leh Sameynaysa, waxaan sidoo kale soo arkay meel ay dib u soo noqoneyso xuriyadii cadaaladii iyo nabadii, waana talaaba wanaagsan buu yiri qorshaha Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey xiriirka bilowday ee Soomaaliya iyo Norway. Munaasabada Kowda Luulyo oo sanad walba lagu qabto fagaare weyn ayaa waxaa soo abaabulay ururka haweenka oo ay hogaamiso Marwo Ayaan, waxaana khudbad ay halkaasi ka jeedisay kaga hadashay qiimaha maalinta weyn. Marwo Ayaan ayaa khudbadeeda sanadlaha ah hambalyo ugu dirtay guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida ku nool Wadanka Norway waxa ayna sheegtay in ay muhiim tahay midnimada iyo wadajirka , iyada oo ku celcelisay in maanta oo laga baxay nidaamkii KMG ahaa ay jiraan dad ka shaqeynayo kala dhantaalida midnimada, isla markaana u ololeynaya qabyaalad iyo luxitaanka calan goboleed. Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qudbado qiimo leh suugaan isugu jiray gabayo iyo heeso wadani ah, waxaana ka tumaayey fanaaniin uu ka mid ahaa xuseen niiruyoow, iyada oo dhinaca kalana halkaasi lagu soo bandhigay ruwaad aad u xiiso badneyd oo ka tarjumeysay dhibaatooyinka qoysaska ay kala kulmaan hay’adaha qaabilsan daryeelka caruurta. Raadiyo Muqdisho
  5. Maanta maanta maanta waa maalin weynee maanta. Ku damaashaada Kowda Luulyo.
  6. 'Liibaan';731811 wrote: 1 July Oo Looga Dabaal Dagay Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada). Nairobi(Allssc): Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay maalinta xornimada gobollada koofureed iyo midowgii labada gobol ee koofur iyo woqooyi ayaa waxa ay ka dhacday xarunta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo dhowaan soo Gabgabowday dacwad ku saabsaneed lahaanshaha dhulka safaaradda. Xaflada oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Safaarada, waxaana ka qeyb galay boqolaal Soomaalida ku nool dalka Kenya iyo marti sharaf wadamo kale kaga yimid in ay xafladaan ka qeyb qaataan, sida faanaaniinta kala ah Ustaad Axmed Naaji Sacad, iyo Saado Cali Warsame oo labadaba heeso wadani ah ka qaaday goobta, kalmadana ka jeediyay iyaga oo ammaanay dadaalka ay safaaraddu gashay soo celinta dhulka soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa martida ka mid ahaa xubno ka socday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab oo sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay ka qeyb galaan xaflad tan la mid ah, mudo 20 sano ahna ay dagganaayeen dalka Kenya, waxa ayna uga mahadceleyeen Danjire Cali Ameeriko oo marti geleyay, kafaala qaadayna inta ay magaalada Nairobi joogaan, isla markaana dib ugu celin doono xeryahooda, markii xafladu soo gabagaboowdo. Dhanka martida ajaanibta ah iyana waxaa kamid ahaa safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, iyo Safrro kale oo ka socday wadamo Soomaaliya saaxiib la ah, oo iyana aad ugu ammaanay sida ay soomaalidu ugu midoobeen in ay helaan dowlad ay u wada dhanyihiin. Safiirka oo hadal kooban u jeediyay ka soo qeyb galayaasha ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday arrinka qaxootiga isga oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee hantida heysta in ay barbar istaagaan walaalahooda dhibaateysan, waxa uuna Illaaheey uga baryay ummaada soomaaliyeed midnimo iyo nabad waarta, oo gaarta dhamaan geyega soomaaliya. Xafladan ayaa waxaa miisaan dheeeri ah sii siinaya goobta ay ka dhacday oo ah dhul ay soomaalida leedahay oo aan ahayn mid kira ah, walibana waqti xasaasi ah oo ay warbaahinta Kenya hadal heyso wararka ku saabsana maxkamadda iyo isku dayo racfaan oo dhanka Hididii iibsatay ka socdo. Habeenkaan goobtaas ayaa ku sugnaa. It was by far the best Kowda Luulyo Reer Nayroobi had seen. Thousands of them came out. Xusuus weyn ii tahay habeenkaas. Kowda Luulyo wacan mar kale.
  7. Kowda Luulyo wacan konton iyo sadex jeer. Farxad idiin rajeynaa.
  8. Calanka suubanoow samada u ekoow. Maalintii la suray... Farxad iyo damaashaad idin leeyahay mar kale Kowda Luulyadaan.
  9. Hambalyo iyo boggaadin Kowda Luulyo. Si wacan u ciida Soomaaliweyn.