Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,693
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Kowda Luulyo waa maalin taariiq dheer nagu leh, aan la iloobi karin. Ha jirto Soomaaliya iyo Soomaaliweyn. Soomaali diidoow silic u dhimo. Aabiyaashii gobonnimodoonkana Eebbe janadiisa fardowso haka waraabiyo -- aamiin, aamiin. Sanadkaan Kowda Luulyo bisha barakeysan ee Soonka kusoo aaday. Saas ugu wacan inay xafladaha iyo dabaaldegga xoogahoo yaraadaan.
  2. Sanadguuro wacan inta Soomaaliweyn jecel. Kowda Luulyo waa maalin naga mudan amaan iyo xusuus gaar ah. Soomaaliya ha waarto, ha noolaato, cadowgeeda ha jabo -- aamiin, aamiin.
  3. Odey dhaqameed ku sheeg, wadaad ku sheeg, wasiir ku sheeg -- dhammaantooda si mooryåånimo ka weyn la isku wada baheystay, isbiirsi aan caadi ahayn. Kii afhayeenka u ahaa Barbaarta, magaciisna ahaa Cali Raage (Cali Dheere) wuxuu yiri asagana: "Afgooye ma yeelayno in meel aan Muqdisho ahayn laga xukumo." Inta ka dhageyso: http://daafeet.com/?p=15100 Afgooye iyo dadkooda iyagaa isxukumaayo, meel kale lagama xukumo karo. Iyagaa boqolaal sano isxukumi jiray, boqortooyana ahaa.
  4. Been badanaa dhagagaduutaan. Airborne virus soo ma ahayn 'human-to-human' la iskaga qaado. Haddee geelaha Soomaaliya keeneena, Soomaalida maka hor qaadi lahayn miyaa ama maku dhici lahayn miyaa jiradaan intuu soo gaarin Sacuudiga. Teeda kale geelahaan aad iyo aad loo baaraa intee Sacuudiga soo gaarin. Iska keen ma'aha. Inay siyaasad ka dambeyso u maleynaa.
  5. Naming clan names is not allowed. Don't post clan names, otherwise your post will be deleted.
  6. Hadduu kan odey dhaqameed yahay, anigana iimaamka masaajidka Xaramka ee Maka ayaan ahay. Xishood iyo ixtiraan odey lagu yaqaano malaha, mana istaahilo magaca odey dhaqameed. Dad magaaladee aasaaseen ee Xamar xoog iyo xabbad looga ciribtiray ku faanayaa. Haddana dad kale magaaladooda in laga ciribtiro ugu hanjaboyaa.