-
Content Count
17,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Alankeey Maadeey Muudeey. Ar ma faaydaa? Inaa waa hore jana tagtay moodaayee. Waa kaa guddoomay salaanta. Sidoo kale adigana. -
Ninkaan hay'adiisa waxee maamulaan iskoolkii weynaa ee ahaan jiray Farsamada oo ku agyaalay Lambar Afar. Ninkaan hay'adiisa ayaa la wareegtay iskoolkaas afartii sano u dambeysay, oo dib u dhis weyn ku sameeye, waxeena u bixiyeen Badar. Waa iskool hoose dhexe ilaa dugsiga sare oo si casri u qalabeysan. Sabtidii ayee dowladda Soomaaliya soo saartay go'aan ah inay shaqaalaha iskoolkaas ka dhigo oo Turki ah ka baxaan dalka, taasoo ahayd codsi ka yimid dowladda Turkiga.
-
Coup is now underway in Turkey. Erdogan's whereabouts unknown
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
@ElPunto said: This is what passes for objective analysis in the west: 'Rule No. 2 in planning a successful military coup is that any mobile forces that are not part of the plot — and that certainly includes any fighter jet squadrons — must be immobilized or too remote to intervene. (Which is why Saudi army units, for example, are based far from the capital.) But the Turkish coup plotters failed to ensure these loyal tanks, helicopters, and jets were rendered inert, so instead of being reinforced as events unfolded, the putschists were increasingly opposed. But perhaps that scarcely mattered because they had already violated Rule No. 1, which is to seize the head of the government before doing anything else, or at least to kill him. The country’s president, Recep Tayyip Erdogan, was left free to call out his followers to resist the attempted military coup, first by iPhone and then in something resembling a televised press conference at Istanbul’s airport. It was richly ironic that he was speaking under the official portrait of Mustafa Kemal Ataturk, the founder of Turkey’s modern secular state, because Erdogan’s overriding aim since entering politics has been to replace it with an Islamic republic by measures across the board: from closing secular high schools so as to drive pupils into Islamic schools to creeping alcohol prohibitions to a frenzied program of mosque-building everywhere — including major ex-church museums and university campuses, where, until recently, headscarves were prohibited. Televised scenes of the crowds that came out to oppose the coup were extremely revealing: There were only men with mustaches (secular Turks rigorously avoid them) with not one woman in sight. Moreover, their slogans were not patriotic, but Islamic — they kept shouting “Allahu ekber” (the local pronunciation of “akbar”) and breaking out into the Shahada, the declaration of faith.' Ahahahahaha. Ciil ayee u dhiman rabaan. Warbaahinta Reer Galbeed dharka ayee iska siibeen maalin dhawayd, cheerleading the coup and calling Erdogan 'authoritarian' -- this by the 'liberal' Reer Galbeed media, iskaba dhaaf kuwii kale. Xataa the Guardian, a fine newspaper I respected, were in restrained jubilant in their live feed reports until it became increasingly the coup failed, which by then they slowly stopped updating the live reports as frequent or worse, selectively reporting the coup still on, just to keep their pipe dreams and wishes on. The worst was on Reddit's leading front page threads. Muslim iyo Islaam necbaa dadkaas. Maba xishoodaan, Abuulahab ayee isoo xasuusiyeen. A million abuulahabs. Yaa u sheego Abuulahab alone was more influential in his day than a billion of them living today, and yet he still couldn't extinguish the light that is diinteena suuban ee Islaamka. -
Coup is now underway in Turkey. Erdogan's whereabouts unknown
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Saa maalin dhawayd ugu damqaday, ugu walwalay dal shisheeye afgambi ka dhacay waligey uguma walwalin sidaas. Laakiin waa Eebbe mahadiis inay fashilmeen, oo afgambigooda dhicisoobay jaajuustii iyo basaasiintii la rabay inay Turkiga ka dhigaan si dalal badan oo Islaamka ah ka yeeleen iyagoo u adeegaayo dano shisheeye oo cadow Muslim ah. Nooloow Rajab Dayib Erdogan - waligaa jir oo joog, cadowgaa jab oo jiif. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Had iyo jeer halyeydii Soomaaliweyn u soo halgantay, naftooda iyo maalkooda u soo huray xushmad iyo xasuusin ayee naga mudan yihiin. Astaantoodana waa maalintaan. Kowda Luulyo wacan. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sanadguuro wacan oo wanaagsan dhamaantiina. Kowda Luulyo waa maalin aan la iloowi karin, la iloowi doonin. Maanta, maanta, maanta waa maalin weynee maantaa. -
another death and devastation in Mogadishu
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mooge's topic in Politics
Galbeeti, noo sheeg hoteel caan ka ah Xamar oo aanan la galin, aanan la weerarin ilaa iyo 2009? Shaamoow? Maka Almakurama? (Laba mar ka badan waliba.) Saxafi? Sentaraal (Central)? SYL? Jasiira? Wehliye? Ambasadoorkaan? Hoteelladaan waa kuwa ugu caansan, uguna amaan weyn, xildhibaanno iyo wasiirada wada deganyihiin. Hoteello ka caansan Xamar kuma yaalaan. Kuwa soo haray dhan waa kuwa yar yar. Kuwaas yar yar dadkaan qarxinaayo, oo galaayo iskuma qasaarinaayaan maadaama dadka ee baadi goobayaan aynan deganeyn hoteellada yar yar oo si sahlan ku gali karaan. Qaraxyadaan waa weyn oo aanan hore loo arag waxee bilowdeen sanadkii hore, waana qaraxyada lala beegsaday afarta hoteel ugu waa weyn Xamar: SYL, Saxafi, Jasiira iyo Ambasadoor. Dhamaantood sanad ka yar la wada qarxiye. -
Haa, Geelle. Micheal Weinstein ka hadlaaye. Ma siibtay, maba ogeyn. Waxaaba islahaa isqabqabsiga siyaasadda Soomaaliya aan dhamaad lahayn uu ka caajisay.
-
Faruureey, Fanguufar xaaku geeye? Faduulis lee ha dhihin. Salaan sare kaabo.
-
Maxaa ku dhacay baresare (barfasoorkii) siyaasadda Soomaaliya aad ula socday markee Maxkamadaha soo shaac baxeen 2006. Maqaallo joogto ah oo aragti dheer uu ka qoray Soomaaliya 2006-2011. Nin Reer Mareykan ah uu ahaa laakiin magaciisa ii gooye.
-
Djibouti Somali girls working for AMISOM
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mooge's topic in Politics
Intee badarkii loogu tala galay Soomaaliya been been ku cuni lahaayeen Reer Ugaandha iyo Burundi (haba sheegin Xabashada iyo Kiikuuyada), gabdhaheena Soomaaliyeed ha noo cunaan. Ka daaqa aan idin dhahay abaayooyinka. -
Wali marqaankii maa lagu jiraa? Wali gacmo iyo luggo daaliskii maa socdo? Dad ma quustiyaal ayaa SOL hore ugu gubtay, ka samray riyadaan iyo ruwaayadaan aan bilaabaneynin iyo aanan dhamaaneynin. Laakiinse jiilka cusub waxaa dhahaayaa noo wada taxanaha, sii fidiya sheekadii. Labaatan iyo shan kale waliba.
-
Sidee qabiil gaar ah ula shiri karaan dowlad shisheeye, siiba kuwa ah cadowga Soomaaliweyn? Waxaaba ka sii daran waxee ogolyihiin in darbi laga dhiso xadbeenaadka. Sidee loo kala qeybin karaa Mandheera iyo Buulaxaawo. Aawey dowlad ku sheegtii Xamar fadhisay. See ugu aamusi kartaa arrimo saan camal ah. Beri qole kale ayaa cirkii iyo baddii isku deyn doonto inay bixiso, dad kale u saxiixdo maxaa yeelay qolodooda ayaa 'leh' cirkaas iyo baddaas. Doorasho, sidee la isku dooranaa iyo musharax aan ahay ayee maalin walba isku qabsadaan. Yee xukumi doonaan haddeeba dadkii tahriib, gaajo iyo abaaro la halaagmeen, dhulkiina saan la iskaga qaadanaayo.
-
Maanta kaliya: Timajaraha aan galabta aaday: Qabiil ka hadal ka socotay Banooni fiidkii ka sii aaday: Qabiil ka hadal maqlaaye Biibito maqaayad ah soo marnay banooniga ka dib: Qabiil ka hadal lagu haaye (tii u weyneyd waliba) Inta soo galay caawa: Qabiil ka hadal, midii ugu darneyd. Eebboow, Soomaali iyo qabyaalad godkee isla gali doonaan iyagoo ku ashahaadanaayo.
-
In Mogadishu, he said ” when you land at the airport, a Ugandan officer will check your passport. having them stationed in the airport perimeter is one thing , but to check your document while a Somali officer is there only symbolically , while doing nothing , really surprised me” Tan aan kaa saxo, Galbeedi. Ugaandha iyo ciidamadeeda shuqul ay ku leeyihiin ayaa iska yar dadka ka dego garoonka Xamar. Taas hay'adda iyo shaqaalaha Socdaalka Soomaaliya ayee u taalaa. Waana dad hawlahooda ku filan, waana wada Soomaali. Markaa ka baxeysid sidoo kale shaqaalaha Soomaalida ee hay'adda Socdaalka ayaa fiiriyo baasaboorada. Ciidamada shisheeyaha garoonka ka shaqeeyo waa booliis ka soo jeedo dalka Siiraliyoon (Sierra Leone). Dharka ciidan ee wataana midabkiisa wuu ka duwanyahay kan ciidan ee Ugaandheeska iyo Burundi xirtaan. Ciidamadaas booliiska waxee ku caawiyaan baaritaanka boorsooyinka markaa ka dhoofeysid garoonka, Soomaali ayaana la shaqeeyo. Baasaboor lagu dhufanaayo dalkugal iyo yaaka dhoofi karo iyo yaa soo degi karo howl u taalo ma'aha. Waxaa i soo xasuusisay markaa 2013 Xamar tagaaye oo aan safka ku jiray dalkugalka sugaaye (maadaama aan baasaboor shisheeye watay), waxaa iga horeeye mid Kiinyaati ah oo dalkugal shaqaalonimo watay. Gabar da'yar oo Soomaali ah ayaa baasaboorada fiirineysay. Su'aalo ayee ku wareerisay Kiinyaatigii, asagiina cabsi iyo indha taag taag ka soo hartay. Hoosaa kaga qanacsanaa in saas loo dhibo shisheeyaha qaarkood, oo la hubsado waxee yihiin. Dalal badan ayaa Soomaalida lagu dhibaa ee markeena waaye aargudashada niyadda iska iri.
-
Christmas Banned in Somalia - Does it get any lower?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Alpha Blondy's topic in General
Sax, saasaa la rabaa. Hala mamnuuca, gaalo iyo gaaloraac haku dhigtaan feestooyinkooda meelahee ka soo jeedaan. Waligeed Soomaaliya laguma dhigin laakiin kuwa wareersan oo reer dibadjoog ah oo hay'ado diimo kale faafiyo u adeego ayaa watay inay xaflad Muqdisho ka sameystaan 25ta bisha. Taas mid laga yeelaayo ma'aha. Sanadka cusub ha dhigtaan haddee rabaan oo qof u diidaayo maleh. -
Knowing Shariif Xasan, asagana beri 'xildhibaano' ayuu u diri doonaa dhulka Jubbooyinka iyo Gedo ee hadda heystaan Barbaarta, sida Baardheere, Luuq, Ceelwaaq, Saakoow, Bu'aale iyo Jilib, saying those deegaano are part of Koonfur Galbeed. Jug jug meeshaada joog ee noqonee sheekada. Soomaalida maxaa la isku mashquuliye, maxaa la isku diray. I can see Xabashi fingerprints in all over this. Iyagaa maamulo Ceelbarde oo degmo la wadaago ah. Nothing happens there without their approval. Barbaartiina meesha wey joogaan, Rabdhuure ee heystaan iyo deegaanada ku wareegsan oo u dhow Ceelbarde. Federal, federal,federal lagu haayee ha laga dheefo tan. Waxaan iyo wax ka daran wey soo socdaan. Same old endless qabyaalad conflicts, just different names.
-
The new Puntland Presidential House in Galkacyo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mooge's topic in Politics
<cite> @Mooge said:</cite> This looks like the prefabricated, American-built houses of Baay Project of Baydhabo in 1980s for shaqaalihii dowladda. Qofkii arkaa garanaayo. -
Dhagaxtuur, you had a shower thought miyaa? Horta dad badan waayeelo ah ayaa decades sugaaye xajkooda, saving all those years. A considerable percentage of xaajiyaalka consist of this. Marka I don't think they will even wait another day if they have the full savings. Also I don't think it costs $3500 for the average. It can be much less for those coming from Afrika iyo Aasiya. Also reer xajka cannot be three million xaajiyaal. Haddaa ku dareysid reer cumro, haa. Plus, Sacuudiga alone can donate 10 billion US dollars at this very moment and won't feel any financial strain. Heck, even Imaaraadka or Qadar can do that and worry about nothing.
-
<cite> @Tallaabo said:</cite> With this new painful reality is it now fair to say that Koonfuria is an Ethiopian colony with General Gabre being its administrator? Koonfurta iyo labada Waqooyi waxba isma dhaamaan sidee Xabashada ugu adeegaan. Kuwaas waa hore isdhiibeen, maamuladoodana aad ula shaqeeyaan. Jidkee mareen ayaa Koonfurta la marsiinoyaa, saa ka aragtid. Garoowe iyo Hargeysaba 'qulsulo' Xabashada leedahay ayaa ku yaalo, laakiin waxaa aad u isticmaalo baasaasiinta Xabashada. Qofkee rabaana afduubtaan from there to Adisababa, waliba maamulada meeshaas ka jiro u soo qabto bilaa su'aal.
-
<cite> @nuune said:</cite> He was there at Jubba xulisteedi, Galmudug xulisteedi, taa waxaa ka daran, every xulis in Xamar, be it wasiiro cusub, isku shaandheyn, xildhibaano, he has the final say, ninkani sidaan mar badan dhahney waa madaxweynaha Somalia. War maa harey hee Waxaa kaaga daran wuxuu isticmaalaa magaca 'IGAD.' Meesha uu tagaba waxee warbaahinta Soomaalida qoraan ergo ka socoto 'IGAD.' Xataa kulanka sawirkaan laga soo qaaday magaca IGAD uu isticmaalaaye, waana kaligiisa iyo xubnahiisa. Yaa maan gaaban uu u been guuraa. Warbaahinta Soomaalida igu daranba waxaas qorto.
-
Waa kuu fiicanahay, abaayadiis. See tahay adigana. You've kinda mellowed down. Just kaftaming.
-
Here is 'Gen.' Gabre chairing guddiga soo xulista xildhibaanada Koonfur Galbeed on last week in Baydhabo. He has the final say and vets who gets in and not, probably all pro-Xabashi will get in. He is even higher in rank in the guddiga soo xulista xildhibaanada than Shariif Xasan's brother, who is Shariif's right-hand man and confidante, who is sitting on Gabre's left. This is beyond scandalous. Yaab iyo yaabkiisa. Wax ogna ma jiro, kuwii ogna waxba kama dhihi karaan. Acuudi bilaahi. Waa sababtaa ugu soo horjeeday, ilaa haddana ugu soo horjeedo maamul goboleed ku sheegyaasha. Xabashi waxee soo dhoob dhoobtay.
