-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Did Iley and co try to invoke Article 39?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Is this for real? Are sane Soomaalis defending tuugii weynaa, the Tigrey stooge Cabdi Ileey? I cannot believe this. Nothing, no one will be worse than the stooge's leadership in Soomaali Galbeed. He and his loyal Liyuu militia dantooda ayee fiirsanayaan, for they know what they had done to Reer Soomaali Galbeed in the dozen years years they mercilessly ruled. Xasuuqii, kufsigii, jirdilkii iyo barakicintii. It is better to be under the occupation of cadowga you know than kan kula dhashay haddana kula dhaqmaayo si ka saxariir badan Xabashada. Cabdi Ileey dad badan ayuu gaalshire ku aruuriee in the 12 years maanta markiisa waayee madaxa hasoo qooysto. His Tigrey masters won't save him, for they are as powerless as he is now. We can also see how desperate they are using their biggest stooge and his ruthless arxandaran militia for the final stand in order to weaken the new prime minister. I hope Cabi Axmed gives them a thorough beating because for the future wannabe stooges in Soomaali Galbeed ha arkaan their sycophancy will never save regardless how completely they followed for years. They will be discarded just as a used diaper. -
Getting ready for his handcuffs
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
He is in Burco. Does tolka insurance liability protection coverage extend to Burco vicinity? Does his tol even live in Burco? -
How long until they come after him? Next two to three days, I guess. We will see. Maxee meesha cagajugleyn iyo xayiraad ka socotaa.
-
MMA, is Germany still you team after Ozil?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dahireeto's topic in General
Daahir, this is a very unfortunate episode. Jarmalka football establishment were always anti-Mascuud from the get go. 'Doesn't sing the national anthem' or 'lazy and doesn't track back' and those stupid, unfounded excuses. Eniway, even though I am disappointed of Mascuud's premature retirement (there is a chance he could be back) and my support of Jarmalka is 50% off, I still support xulka Jarmalka because I have always supported them since 1990. -
Recruitment of a Governor for the Central Bank of Somalia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
I hope the current wasiirka maaliyadda, Md. Beyle, himself becomes one sooner. He seems to understand his wasaarad and the wider monetary policies. I don't think any before him since 1990 understood what wasiirka maaliyadda did. -
Djibouti statement on Cheeseman's visit to Asmara
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Suldaanka's topic in Politics
Galbeedi, ha aaminin waraaqdaan baaqa ah that is filled with grammatical and spelling errors. I don't believe it. Haddee run tahay wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti ayaa soo saari lahayd baaqa ama daljirahooda Muqdisho u fadhiyo, not an unsigned statement by a lowly disgruntled embassy employee, even if one wants to believe. -
All those 'dekedo' haddee dalka iyo dadkaba faa'ido u leeyihiin weyba fiicnaan lahaydba, deegaan walba haku yaaleenee. They are all for imports, from cheap and environmentally-bad goods from Shiinaha via Dubeey to daawooyin dhacay and the likes. They even import geedo, dhir, ubaxyo, shamiindo, bulkeeti - almost everything under the sun. Nothing to export, except the environmentally disastrous dhoofinta dhuxusha dalkeena nabadguuraa ka dhigtay and exotic animals, sometimes over-exporting xoolaha dhedigta u badan.
-
Gaal dil gartiisana sii: Max'ed Siyaad Barre
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Qeybta koowaad: -
Gaal dil gartiisana sii: Max'ed Siyaad Barre
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Qeybta labaad waxqabadkii iyo taariikhdii Maxamed Siyaad Barre: -
Taxanaha waxqabadkii dowladii Maxamed Siyaad Barre. Qofka tabinaaya wax yar oo buun buunis ah wuu ku daraayaa laakiin wuu u qirtay Maxamed Siyaad Barre wuxuu qabtay inaynan Soomaali soo marin hortiisa iyo gadaashiisa. Taas lagama been sheegaayo. Qeybta u dambeysay ee taxanaha:
-
Yaa ka masuul ahaa? Yaa sahlay? Yaa sababay? Yaa soo dadajiyey? Su'aalahaan iyo kuwa kale haddaa qabtid hoos ka daawo jawaabahooda. Afeef: Shaqsi ahaan kuma raacsani wax walba barnaamijka ka muuqdo ama tabayo.
-
Nicknames for Somali politicians
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maalintaan sawirka hoose ka muuqdo mee naaneystaas baxday? -
It is about time to change the fake English system
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dahireeto's topic in General
I will expect some resistance, gaar ahaan from some special interest groups, waana kuwa mashruuc lacageed ka soo qaatay dalalka Khaliijka in the last two decades in order to use their flawed manhaj. -
Islam, Moslem, Muslim...in Chapiata Mexico Maya country
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Old_Observer's topic in General
Nothing called 'Moslem.' Actually, we Muslims find this term offensive, a deliberate misspelling of the Muslim name, same way we find 'Koran' misspelling instead of Qur'an. In the old days, it was 'Muhammadan' as well, some still insisted using this offensive term well up to a few decades ago. -
"You people this," "you people that" - maskax qablaayadeysan saan ayaa lagu gartaa. Regardless where tragedy, masiibooyin, xasuuq and the likes happen to Soomaaliya iyo Soomaalidaba, isku si ayee ii taabataa. Maan sun qabyaalad ka buuxo malihi. Waxee tahayba, Reer Koonfur Galbeed have moved on long ago, they don't dwell daily wailing about "waa nala xasuuqay" iyo "waana nala gumaaday" for three decades. Neither do they dig long dead bones of alleged victims in order to seek the ever elusive aqoonsi and score some cheap political points for international community's attention, which didn't and doesn't work. About Barbaarta's foot soldiers - waxa Xamar isku qarxiyo in the last few years waala ogyahay meeshee ka yimaadeen, from ex-xildhibaan to retiree odeyaal - none escaped from isqarxis in Xamar. Another maan marqaansan people perhaps.
-
Ethiopian & Eritrean leaders dine & wined by Gulf states
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Suldaanka's topic in Politics
We will see if Afwerki will allow his port to be sabotaged as Imaaraadka's ultimate plan is. Or if he will give out the majority of port's shares to DP. Time will tell dhoolacadeyntaan wixii ka dambeeyo. -
What is Dhurwaa doing in Brussels? He is being welcomed by danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub. _______________________ Muxuu Feysal Cali Waraabe u joogaa Brussels? Wariyayaal jooga shirka Brussels ayaa soo sheegaya in maanta safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub uu soo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid uuna dajiyey hotelka ay daganyihiin wufuuda Soomaaliya ee shirka u jooga Brussels Brussels ayaa waxaa ka furmaya shir ay joogaan madaxda dawladda Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha DFS farmaajo iyo kuwa Mamul-goboleedyadda si ay uga qeyb galaan Shirwweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo Beussels. Kulankaasi Caalamiga oo socon doona muddo 2 maalmin ah waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dowladaha taageeraadda siiya Somalia iyo Hay’addaha Samafalka ee Caalamiga iyo Ururadda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika, Hawlgalka AMISOM iyo Diplomaasiyiin kale. Feysal Waraabe ayaa ilo ku dhaw dhaw safaarada u sheegeen Dalsan inuu ka mid yahay martida shirka ku casuuman ee rasmiga ah isaga iyo xubno ururada bulshada rayidka Somaliland ah . Kulanka Brussels waxaa looga hadli doonaa Xaalladaha Ammaanka, Horumarka, Geeddi-socodka Hawlgalka AMISOM iyo Doorashadda Madaxtinimdda ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020-ka iyadoo aysan Somaliland si rasmi ah qeyb uga aheyn ayaa waxaa ay u muuqataa in lagu casuumo magaca Somaliland oo wali Soomaaliya qeyb ka ah. Ilo-wareedyo ayaa waxay sheegayaan inay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda si wadajir ah shirkaasi ugu soo bandhigi doonaa Qorshe dhinaac Ammaanka Soomaaliya iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka, waxayna Beesha Caalamka ka codsan doonaan Malaayiin Dollar oo dib loogu dhisayo Ciiddanka Qaranka, si ay Hawlgalak AMISOM ugala wareegaan Hawlaha sugudda Ammaanka iyo Deganaanshaha guud ahaan Soomaaliya. Shirka Brussels waxa uu sii ambaqaadi doonaa tallaabooyinka cusub ee lagu taageerayo Ammaanka, Horumarka iyo Deganaanshaha Soomaaliya. Dhinaca kale, bishii May ee la soo dhaafay, Shirweyne ka dhacay magaalldda Brussels waxay Dowladaha Midowga Europe ballan qaadeen 100 million oo Euro oo lagu taageerayo DFS. Si kastaba ha ahaatee, Shirweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo magaalladad Brussels waxaa lagu lafaguri doonaa Natiijooyinkii ka soo baxay Kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen magaalladda Baydhabo, inkastoo ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku kala aragti duwan yihiin Mideynta Ciiddanka Qaranka. Wali ma jiro war rasmi ah oo Somaliland laga helay ee ku aadan googitaanka Feysal Waraabe ee Brussels. Xigasho
-
Holac, you reminded me my brother being nominated for wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta in 2015, dowladii Cumar C/rashiid. He was in London and wasn't even consulted if he wanted to be a minister. He saw his name online. Suddenly within hours, though, his phone kept ringing, being called by agaasimayaasha shirkadahaan, xildhibaanno and others, not to congratulate but seeking wax aad iska ogtahay. He was surprised, telling them he wasn't even confirmed and is not even in Xamar. Calaa kuli xaal, he didn't become one because wasiiradaas baarlamaankii ayaa diiday since few of the nominated wasiirro were members of baarlamaanka.
-
Sababta keentay in wasiirkii awqaafta xilka laga qaado iyo fadeexadda musuq-maasuq ee xukuumadda Xasan Macallin Xuseen waxaa wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta u magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre 22-kii bishii May ee sanadkan 2018-ka, waxaana xilkan uu hayay muddo ku siman labo bilood. Wasaaradda waxey shaqadeeda ugu badan tahay maareynta arimaha xajka iyo cumrada oo loo aado magaalooyinka Barakeysan ee dalka Sacuudiga iyadoo kaa shaneysa shirkado gaar loo leeyahay kana shaqeeya duulimaadyada oo awood badan yeeshay tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka , waxaana qaarkood wax ku leh siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Wasaaradda ayaa isla sanadkan waxa ay qiimo dhimis ku sameysay qiimaha xajka lagu aado oo markii hore ahaa $3,800.00 oo doller waxana ay ka dhigtay $3,300 iyadoo tixgelineysa cabasho xujeyda ka gudbiyeen lacagaha faraha badan ee xajka looga qaato, oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida deegaanka, basaska, nolosha 6da maalmood xajka, viisaha, diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale. Markii uu qoraalka lacagtaasi lagu dhimayo soo baxay waxaa bilowday muran iyo khilaaf xoogan, shirkadaha ayaan cabasho ka gudbiyay wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta, waxaana xusud mudan in wasaaradda ay lacag dhimista kala tashatay shirkadahan: 1: Shirkadda Daalo Airlines 2: Shirkadda Jubba Airways 3: Shirkadda Ocean Airways 4: Shirkadda African Express 5: Shirkadda Freedom Airlines Waxaa kaloo muhiim ah inaad ogaato: muddo kahor adeegga xajka waxa fududeyn jiray guud ahaan Soomaaliya labada shirkadood ee kala ah Jubba Airways iyo Daalo Airlines oo iska heystay mashruucan wasiir walbo oo la magacaabana iyaga ayuu ku aragti ahaan jiray, waxa ayna wasaaraddu ku soo dirtay 3 shirkadood oo cusub, sidaas awgeed 5 shirkadood ayay wasaaraddu kadhigtay shirkadaha fududeynaya adeegga xajka sanadkan, waana halka saldhigga u ah muranka arimaha xajka. Sida caadiga ah shirkadaha u adeegga Xujeyda waxaa Wasaaradda Xajka ee Dowladda Sacuudigu ka doonaysaa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah si shaqadaas u qabtaan, haddaba shirkadaha cusub ee lagu soo daray shirkadaha bixinaya adeegga xajka sanadkan waxaa ku adkaatay in ay buuxiyaan shuruudaha ay boqortooyada Sucuudigu uga baahan tahay in laga helo shirkad walba oo qabaneysa ama fududeyneysa adeegga xajka. Waxaase soo ifbaxday in shirkadaha cusub ay diyaar u yihiin inay qabtaan adeega xajka iyadoo xujaydu ay ku sii hakan doonaan (transit) wadamada deriska sida Djabuuti iyo Kenya oo horay aan u jirin. Shirkadaha cusub oo wasaaradda ku soo dartay ayaa kala ah Ocean Airways, Freedom Airlines iyo African Express waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qiimaha xajka iney ku qabtaan sidii wasaaradda awqaafta soo saartay oo ahaa 3,300.00 (Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar) halka shirkadaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines, ay rabaan inay qiimaha xajka ku qabtaan sidii sanadihii hore oo ahaa $3,800.00 (Saddex kun iyo siddeed boqol oo dollar). Sababta keentay in xilka laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta Xasan Macallin Xuseen ayaa ah inuu dhexda ka galay is qabqabsi ka taagnaa Arrimaha Xajka oo ay isku hayeen shirkado horay u heystay leenka Xajka iyo shirkad kale oo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka si rasmi ah ugu sheegtay inaan la aqbali karin shirkadaha cusub isla markaasna Jubba iyo Daalo ay yihiin shirkado leh System iyo guryo la dajiyo Xujeeda. Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka usoo bandhigtay laba shurudoo: 1) In xajka loo dhaafo Shirkadihii horey u heystay maadaama waqtiga xajka la joogo haddana aan laga gaarin in shirkado kale lagu soo daro. 2) In sanadkaan la baajiyo Xujeyda Soomaalida. Wasiirka ayaa qaatay in loo dhaafo Shirkadihii hore isla markaasna wuxuu saxiixay in Jubba iyo Daallo ay howshooda wadan karaan waana sababta keentay in xilka laga qaado sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow wasiirka. Waxaa la sii dhaafayaa xiligii uu soo bixi lahaa dal kugalka ama Fiisaha xajka, illaa haddana lama xareyn oo waxaa go’aan lagama gaarin arimaha kor ku xusan oo la isku hayo, iyadoo laga cabsi qabo wali in Xujeyda Soomaaliyeed ay baaqdaan sanakdan. Xajka ayaa noqday ganacsi laga sameeyo dhaqaale badan taas oo sababtay in uu billawdo tartan xoogan oo ka dhexeeya shirkadaha duulimaadyada dalka, waxaana suurta gal ah in shirkadaha faa’ido doonka ah ay waxyeelo u geystaan gudashada ruknigan weyn ee ka midka ah shanta tiir ee Islaamku ku dhisanyahay. Xigasho
-
Xujeydii Soomaalida oo qarka u saaran inay sanadkan ka baaqdaan Xajka Xujeyda Soomaalida ayaa qarka u saaran inay ka baaqdaan xajka sanadkan kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay xaalad jaha wareer ah ka abuurtay qaabkii xujeyda Soomaalida sanad kasta u xajin jireen. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faragelin ku sameysay nidaamkii xajka Soomaalida oo xirnaa muddo dheer Shirkadda Jubba Airways oo qeyb ka siisay shirkadda Daallo, waxayna amar ay soo saartay ku sheegtay in Xujeyda sanadkan ay qaadi doonaan Shan shirkadood oo kala ah: Jubba Airways Daalo Airlines Ocean Airways Freedom Airlines African Express Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo aan wax xiriir ah la sameyn Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana hore u jiray heshiis adag oo ka dhaxeeyay Amiirada Sacuudiga ee Xajka qaabilsan iyo Shirkadda Jubba Airways, xiriirkaas oo qaab qarsoodi ah ku socday isla markaana hanti badan lagu kala qaato, ayna awoodi waayeen dowladihii hore inay kala furaan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya dhinaca kale oo rogtay in qiimaha xajka laga dhigo $3300 halkii uu hore u ahaa $3,800.00, taasoo ay u hoggaaansameen shirkadaha kale ee aan ahayn kuwii hore u heystay Xajka. Waxaase arrintaasi ka hor yimid Shirkadaha Jubba iyo Daallo. Ka sokow shuruudaha laga rajo shirkadaha diyaaradaha ee xujeyda qaada, waxaa Soomaaliya u wehliya dano shaqsiyeed oo muddo dheer soo jiray, kuwaasoo dowladda Soomaaliya looga fadhiyey inay si farsamo ah u xaliso ka hor inta aan laga soo saarin go’aan aan la ogeyn inuu ka fuliyo dhinaca Sacuudiga, ayna ka horjeedaan shirkadihii mudada dheer heystay leynkaasi. Shirkadda Jubba oo ay wehliso Daallo ayaan wax war ah kasoo bixin, waxayna Jubba Airways awoodi weysay inay dib u soo celiso dadii ay Cumrada u qaaday sanadkan oo ku xayirmay Sacuudiga, iyadoo hadda ay xaaladdii Xajka iyo xujeyda Soomaalida galeen mugdi iyo jahawareer laga cabsi qabaa inuu khilaaf iyo qorshe la’aan ay dhalisay xukuumadda Soomaaliya sanadkan u baaqo xajkii Soomaalida. Xigasho
-
Wax ifiskaaga dhanka qabyaalad bas mee wax ka arkaan? Jubba iyo Daallo far too long and decades ayee Soomaaliya monopoly ka wadeen, enriching their fat pockets by exorbitantly charging as they please against masaakiinta soo xajineyso. It is about time other smaller airlines get a fair chance for a fair playing field and have their share of dalkugalka Sacuudiga (fiisooyinka xajka). You also interestingly left the other two small airlines that were given some xaj visa quotas, namely Freedom Airlines and African Express.
-
Abdikarim Qalbi-Dhagax Released from Prison
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Halyeey halgame Qalbidhagax waxaa ugu digaa inaynan magaciisa isticmaalin kuwa dowladdiidka ah, waligoodba fowda iyo fidno lagu noolaado rabo. Heer xataa ay u wada dhoofeen Nayroobi see iskugu soo sawiraan Qalbidhagax dhamaantooda ee gaareen.