-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Calankaan waa calankii sagaashameyadii gobolka Soomaali Galbeed lahaa. Cabdi Ileey ayaa badalay in late 2000s, geel qaabdaran meesha ku dhajiyey instead of xiddigta cad iyo calaamadda baluugga Soomaaliweyn lagu yaqaano.
-
Gabadhaan qoraaga ah da'deeda aad u yar Ceerigaabo ayee ka timid. Waxaa ka arkeysaa inay kalsooni weyn ka muuqato. Eebbe ha u siyaadiyo aqoonteeda guud.
-
I also checked on his Foolbuug. His writing all seems very familiar and so Abtigiis-like, if I remember correctly. He wrote this on his wall on Agoosto 6th: "Dadkuu Cabdi Iley ka dhintay labada dhanba waxay isku raaceen Mustafa inaga dilee isna yuuna ka danbeeyn. Samir iyo iimaan alle ha idinka siiyo marka hore walaalayaal. Laakiin anigu Federalna ma ihi! Dawladna ma ihi! Abiy Ahmed na ma ihi! Ee ordaya baroorta cid kale kala dul dhaca! Cabdi Iley in dadka laga qabto inaan kaalin ka ciyaaro ceeb uma arko. Waxaan u arkaa sharaf. Dadka ciilka iyo baroorta dhulka isula dhacaya ama urur ha sheegtaan ama heego caadi ah ha ahaadaane waa tuug qabyaalad qaddiyad ka dhigaya oo Cabdi-doon ah! Waxaa ka mid ah qaar halgamayaal sheegta oo saddex cisho ka hor lahaa “maashaa allah, haddaan ka dagayaa Bole International Airport, Addis Ababa” ama u sii socdaa. Saaka marka ninkeey u socdeen meesha ka baxo waxay bilaabi doonaan “Addis Ababa yaan la tagin waa xaruntii guumaysigee”!!Waxaa kaloo ka mid ah rag isla maantadaa siyaasiyiin Kenyaan ah Addis Ababa u diraya oo leh fadhi inooma yaale hadii Cabdi dhacay waa inaan meeshii ka gaadhnaa yaan cid kale inaga qaadane. Isla kuwaa unbaa markay hungoobaan bilaabi doona hebel Addis Ababa ayuu joogaa oo dambiile!"
-
Waaaw. Meesha Adisababa miyaa? Abtigiis guul ayaan leeyahay, Eebbe hakaa madoobeeyo cadowga ummadda Soomaaliyeed, cadow badan ayaa nagu dhex jiree. I hope the so-called Soomaali 'journalists' who shamelessly keep writing 'Deegaanka Soomaalida Itoobiya' should listen to this clip. I also hope after ee dowladiisa salka dhigato to kick out Cabdi Ileey's biggest mouthpiece, see u buun buunin jireenka ka daalay - I am of course talking about Universal Tv. They should never be allowed to report from Soomaali Galbeed. Biggest cheerleaders of Cabdi Ileey will also sadly try to do inay Soomaali Galbeed u soo halgameen, sida Nimco Dareen, fannaanadii sharafta iska qaatay.
-
Aaboow, kan yar iga celi kan weyn...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Goormee dowladda dhexe Soomaaliya u hanjabtay gobol ka mid ah Soomaaliya? Mise Muuse Lokal wuu qarway? -
Madaxweyne Biixi: “Soomaaliya waxaanu u sheegayna haddii ay weerar soo qaadaan inaanu hayno difaac nagu filan” Talaado, Agoosto 21, 2018 - Guud ahaan dunidda islaamka ayaa si weyn loogu dabaaldegay maalinta Ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee ugu weyn muslimiintu ee ay iskugu soo baxaan. Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa ciidda Adxa ku ciiday nabadgalyo iyo wakhti barwaaqo ah, waxaana ciidani ku soo beegan tahay wakhti uu habeen walba roobku da’ayo, xalay waxa magaalada Hargeysa biyo dhigay roob, kaasi oo nadiifiyey garoomadii lagu tukanayey, waxaana saaka labaddii ragcadood ee sunaha ahaa lagu tukaday iyadoo saxansaxo udgoon iyo laydh qabow oo aan boodh iyo siigo lahayn ka dhacaysay goobaha lagu tukanayey. Dadku markii salaadda ka soo dareereen waxay isku salaamayeen ciid mubaarak iyo ciid wanaagsan, waxaana wadooyinka iyo goobaha laga cuntooyo buux dhaafiyey caruur ay galbinayaan waalidkoodda, kuwaas oo wajiyadoodda ka dareemaysay farxadda ciidal Adxa. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaanu dadweynaha u jeediyey khudbad duco iyo salaam ah, marka uu soo tukadayna waxa uu dadweynaha ku qaabilayey madaxtooyadda oo dadku ku soo salaamayeen. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey hadallada ka soo yeedhay Puntland, waxaanu yidhi “Walaallayaal ayaamahan ay xaaraanta tahay in dhiig la daadiyo ama colaadba la abuuraa, dawladdii Soomaaliya oo dhaar ku maraysay inay Somaliland soo weerarayso oo aanay dagaalka joojinaynin. Waa mid la yaab leh oo maanta Soomaaliya kama aynnu filaynin oo aynu ognahay wixii Somaliland ku dhacay inaynnu nabad iyo walaaltinimo ka taagannahay oo aynu leenahay dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa soomaali oo dhan ugu filan dadka masuuliyiinta ah Muqdisho iyo Garoowe jooga ee maanta ku dhaaranaya inay Somaliland soo weerarayaan waa Fal-nacuuduka billaahi, annaguna wixii na gaadhay ee horena waannu qabnaa, nabadna waanu ka doonaynaa, inay maanta Soomaaliyi isku dhimatona diiniyan iyo dadnimo midna sax ma aha.” Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay difaacayaan Somaliland, waxaanu yidhi “Soomaaliya waxa aan u sheegayaa haddii ay maanta weerarkaas soo qaadaan inaanu haynno difaac innagu filan iyo dalka iyo dadkaba ay ciidanka iyo dawladduba gelinayaan, waxanu u sheegaynaa inay dawladda iyo ciidamadu ku filan yihiin inay dalka ammaan geliyaan oo aan dalka lagu soo duulin oo aan khalkhal la gelinin oo nabadda aanu intaas ku baaqaynaa aanay ahayn baqe iyo taag-darro’e ay tahay waayo-aragnimo iyo danta guud oo la eegayo, ciddii ka maarmi weyda ee wixii hore ee maanta Xamar iyo Garoowe kasoo hanjabaysa miyir-qab uma aragno, haddii ay nasoo weeraraanna dadka iyo dalkaba waanu daafacaynaa.” Xigasho
-
Wey ku qaldantahay dowladda inay u magacowdo Fahad Yaasiin wakaalada nabadsugidda. Haddee wax u dhiibeyso ha u dhiibto wasaaradda warfaafinta iyo wixii la mid ah, not nabadsugidda. Sanadahaan u dambeeyaba dad aan u qalmin ayaa jagadaas loogu dhiibaayaa iyadoo loo raacaayo saaxiibtinimo siyaasadeysan. Maxee nabadda sugaan maba yaqaanaan meel ee ka bilaabaan ba iyo ta. Nabadsugidda ma'aha sida wasaarad caafimaad ama wasaaradda waxbarashada. Wey ka sareysaa mana haboona in sida wasaarad camal loola dhaqmo. Nabadsugidda has changed a lot professionally in the last four years, laakiin qof ka soo bixi karo howshaas waa in la geeyaa, lana loo daayaa howshiisa, not Sanbalooshe iyo wixii la mid ah ama kuwa ka tirsanaan jiray Barbaarta in lagu aamino jagooyinka sar sare ee nabadsugidda.
-
Wasiirka arrimaha dibadda Eritareeya...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
N.B.: I wish they had also showed around xeebta Liido to Caabi Axmed, the Xabashi prime minister of land-locked Xabashiland. -
The long-time Eritareeya's foreign minister Cismaan Saalax Maxamed visited xeebta Liido a few days ago, si nabad ahna u soo indha indheeye. The minister has spent a few days in Muqdisho to facilitate the upcoming visit of Eritareeya's president to Muqdisho.
-
Saalax, Reer Hargeysa ha ogaadaan madaxweyne Farmaajo has bigger issues on his plates ee marka the local leaders should be suffice to handle this. Same way Yariisoow handles gobolka Banaadir, so Waqooyi Galbeed should be handled by the local ruler Muuse Local. By the way, does Hargeysa even have duqa magaalada ama duqa degmada? Waligeey meel kama aqrin if he even exists.
-
Kill two birds with one stone
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ka naxoo nafta waa! -
Kill two birds with one stone
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Keep having the nightmares, keep wishing the nightmares would go away if the South stays in constant turmoil in your marqaan ecstasy of ever elusive aqoonsi. -
Oh, maan. How you wish if this was very 'unfortunate' for Soomaalida and Soomaaliya. Turkiga isn't going anywhere at anytime. Our relationships had never been this strong in our long history. Soomaalis are going to Turkiga for schools, vacations, seeking medical treatments and businesses. My extended family and their own families alone have been vacationing in Turkiga in the past year, instead of going to the usual places in Imaaraadka and Nayroobi. Many, many other Soomaalis are doing this, some relocating there with their families as well. Soomaalis are done with Imaaraadka.
-
In the age of sudden and fierce anti-Oromism in Soomaalida, this thread is a timely reminder of what we share in our respective languages.
-
Kill two birds with one stone
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waligaaba calaacal wad. Intaa marqaanka ku jirtiin tuuladii yareyd ayaa lagu kala kici doonaa meesha. Iska quuriya oo hurda and keep dreaming negative results for Soomaaliya. Isbadal weyn ayaa ka jiro dalalka ku hareersan Soomaaliya, marka Soomaaliya wey ka faa'ideysaneysaa, unlike certain marqaanliyaal aqoonsi raadinaaye gabalka meesha ugu dhacay, their only wish being balaayo inay ku dhacdo dalkooda iyo dadkooda oo aanan la hormarin. -
Kill two birds with one stone
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Jabuuti Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay u ambabaxaan dalka Jabuuti. Wafiga Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka duulaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in safarka Madaxweynuhu uu ku qotoma xoojinta xiriirka soo jireenka ee labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood. “Booqashadan inta lagu guda jiro, Madaxweynuhu waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka xoogan ee u dhaxeeya labada waddan iyo labada shacab ee walaalaha ah iyo sidii loo xaqiijin lahaa danaha wada jirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti,” ayuu yiri agaasime Cabdinuur. Sidoo kale, Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa iska xog wareysan doona xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab , maadaama Jabuuti ay qeyb ka tahay howlgalka Nabad- Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Safarkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan dowladda Jabuuti ay si weyn uga xumaatay hadal uu Madaxweyne Farmaajo ka sheegay magaalada Asmara, kaas oo ku aadanaa in cunaqabeetna hubka laga qaado dowladda Eritrea oo uu Jabuuti kala dhexeeyo muran dhinaca dhulka ah. Xigasho -
Waxaa jeclaa markuu madaxweynaha booqashada ku tagay Eritareeya inuu soo maro Jabuuti, una sheego inaynan wax isbadal ah jirin iyo inuu heshiisiiyo Jabuuti iyo Eritareeya. Anyway, it is better now than never. I hope madaxweynaha heshiis waaro dhex dhigo Eritareeya iyo Jabuuti. Rabi ha u garab galo. _______________________ Muhiimad caynkee ah ayey leedahay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti? Waxaa lagu wadaa in maanta dalka Jabuuti ay booqasho rasmi ah uga bilaaban doonto Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo waxa uu kulan la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, si ay uga wada xaajoodaan madmadowga dhawaantan soo kala dhexgalay xiriirka dublumaasiyadeed ee labada dal. Dabayaaqadii bishii July ayey aheyd markii uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tegay dalka Eritrea, middaas oo dowladda Jabuuti ay si kulul uga soo horjeesatay hadal ay sheegtay in Farmaajo uu ku taageeray in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009. Haddaba si aannu arrintan u falanqeyno ayaa waxaannu studio-yaheenna ku casuunnay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid, oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay, muhiimadda ay leedahay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti? Xigasho
-
Is Axmed Madoobe in Kismaayo? Adisababa inuu ku maqnaa moodaaye, begging their new overlord regarding Ileey safe treatment. I thought Shariif and Gaas would be far much worse than Madoobe when it comes about anti-dowladda dhexe, but this Madoobe dude is increasingly becoming the most anti-dowladda dhexe. Meesha inuu tabar ku haayo muu moodaa mise Kiikuuyada isku haleynaayaa? From Maxkamadaha to Xisbul Islaam to Xabashi jail to madaxweyne maamul goboleed ku sheeg to this increasingly anti-dowladda dhexe stance. That saldhig Xabashida waxee ku soo siiyeen ma'ogi because ever since si kale asagoo ah ayuu soo noqday.
-
Blah blah blah...waa nala aqoonsan waaye calanka hala badalo...yada yada yada...JWXO ayaa xabadjoojin ku dhawaaqday ee calanka baluugga hala badalo...blah blah blah...Eritareeya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda kor u kacay ee calanka hala badalo...yada yada yada...Jabuuti ayaa ka xanaaqday arrintaas ee calanka hala badalo...blah blah blah
-
The forgotten tribes of Oromo in Somalia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Ah, the days when Che was very sympathetic to Oromo cause. -
Si caadi ah ayee u soo gudanaayaan xajkooda. Waa kaas habeen dhaweyd Xamar ka dhoofeen.
-
RRA's funny war song that defeated the invading warlord Caydiid
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
It is against this backdrop that members of the **** Resistance Army (RRA) kidnapped Aidid's second wife Fatouma -- who is not to be confused with his US-educated first wife, the daughter of the late Somali warlord General Ali Hashi. The RRA say they snatched Fatouma after overrunning the south-central town of Baidoa and its environs, in retaliation for atrocities committed by Aidid's henchmen. In particular, they accuse rival militiamen loyal to Aidid of having killed over 60 civilians in and around Baidoa. Aidid's top aide, Ahmad Dahir Abdul-Karim, has dismissed the allegations as "propaganda", denying that any such massacre took place. While some **** clans have opted to resist Aidid's growing dominance of Somali politics, others have decided to back the winning horse, thus leading to factional fighting among them. A couple of weeks ago, the Somali newspaper Xog-Ogaal reported that a large arms shipment for Aidid had arrived in the port of Marka, southeastern Somalia, and yet more arms were destined for Kismayo. Moreover, a UN report quoting "diplomatic and political sources" said the shipment included armoured personnel carriers. These statements chime with the claims of the Ethiopian-backed RRA, which accuses the governments of Yemen and Eritrea of arming Aidid and supplying his Somali National Alliance (SNA) forces with sophisticated weapons and ammunition. The RRA has also accused Egypt and Libya of footing the bill and meeting the shipping expenses. All the countries concerned have denied the allegations. According to the Somali newspaper Qaran, fighters belonging to one of Ethiopia's most powerful armed opposition groups -- the Oromo Liberation Front (OLF) -- are fighting alongside Aidid. ________________________ Xigasho. Only quoted relevant parts. If you want to read more, click the source.