-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Shariifkaas waa tuug weynaaday and Rooboow could be better than toban Shariif Xasan la isku daray. He is kinda rigid ideologue and not that corrupted. Morally and religious-wise, he could be corrupted, but not corrupt financially like Shariifka. He also knows Barbaarta's deepest secrets, hideouts iyo meelahee ku suganyihiin in Koonfur Galbeed iyo Jubbooyinka. Marka bir bir ayaa lagu jabiyaa, perhaps he can do it. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Waa runtaa, if Madoobe, Shariif Sh. Axmed and rest could go this route, xaa u diidaayo Rooboow. Aragaana meesha uu gaaro. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Kii la arkaba caddaalad iyo sinnaan ku haayaa. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
It is official now. He landed in Baydhabo today and declared his candidacy. Mukhtaar Roobow oo Baydhabo kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan jagada madaxweyne ee Koonfur Galbeed Sheekh Muqtaar Roobow Cali oo ku magacdheer “Abuu Mansuur” ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Soo dhaweyn kadib ayaa shir jaraa`id uu qabtay waxa uu u mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey, waxana uu ka hadlay ujeedka uu xilligaan u yimid magalada Baydhabo. Wadaadka aya sheegay in codsiyo badan ay uga yimideen shacabka Koonfur Galbeed, islamarkaana xilligaan uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Muqtaar Roobow ayaa horay uga mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Shabaab walow markii dambe uu isaga baxay, isla markaana uu dagaal kula galay kooxdaasi deegaanno ka tirsan gobolka Bakool. Musharraxnimada Roobow ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaanahan la hadal hayay in uu isu soo sharrixi doono xilka madaxtenimo ee Koonfur Galbeed. Xigasho __________________ Getting rid of cimaamad, dyeing the beard and on koofi baraawe iyo fresh fitishaari reminded me the early days of Shariif Sh. Axmed iyo Axmed Madoobe, after they left Maxkamadaha iyo Xisbul Islaam respectively. Filinkaan horaa u aragnay. -
Muuse Lokal: Axmedoow, meet me, see me, please
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
'Dibadii baa nagala soo xiray.' 'Baasaboor ayaan Xamar ka baryeynaa.' Feysal Dhurwaa uultimo waa qarsan waaye waxa bogtiisa ku heystay, telling the truth to marqaamistihii weynaa Muuse Lokal. -
Abubakar Ahmed Hussein: I am looking for work
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Shaqo uu helay. Guul aa u rajeynaa walaalkeena. He had many employment offers, too. -
Former Somali President to lead new political party
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Deeq A.'s topic in Politics
Isbeddel lama filaan ah oo lagu sammeeyey Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh Xisbi siyaasadeedka cusub ee magaalada Muqdisho laga sameeyey, islamarkaana uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sameeyey isbeddel lama filaan ah oo dhinaca magaca ah. Xisbigan oo magaciisa hore uu ahaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda ama Union for Peace an Democracy (UPD), ayaa waxaa loo beddelay Midowga Nabadda iyo Horumarka ama Union for Peace an Development (UPD), kadib markii muran la geliyey laguna qabsaday magacii hore. Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa markii xisbigaas lagu dhawaaqay durba sheegtay in magaca xisbiga uu leeyahay isaga, islamarkaana kooxda Xasan Sheekh ay bililiqeysatay. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya inuu magacaas isaga la baxay sanaddii 2011. Kooxda Xasan Sheekh ayaa markii hore ku doodday in magaca ay qaadaan karaan maadaama uusan Cabdullaahi Sheekh Xasan si rasmi ah u diiwaan gashan. Si kastaba waxaa hadda muuqata inay magacaas ka tanaasuleen una daayeen Cabdullaahi Sheekh Xasan. Xisbiga cusub ee Union for Peace an Development (UPD) ayaa waxaa si rasmi loogu dhawaaqi doonaa xaflad weyn oo maalinta khamiista ah lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xisbigan cusub ayaa waxaa ku midoobay kooxaha Damu-Jadiid, Daljir iyo Kutladda Horusocod, waxaana la sheegay inay xubno ka yihiin ilaa 80 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Xigasho -
Does the wretched secessionist's impotency and pipe dream surprise you? Not to me, though. From dowladda dhexe doesn't control Waqooyi airspace to this. At least he is finally realizing the reality. Muqdisho iyo Hargeysa are both Soomaali cities in Soomaaliya. There is no hostility between the two or its residents. Only a small, dying breed of miserable secessionists have hatred for Muqdisho and to its residents.
-
I made this thread some four and half years ago honouring Maxamed Saxnuuni. I learned the passing of this great man a few days ago. Eebbe janadiisa fardowso haka waraabiyo Maxamed Saxnuuni, who passed away in Faransiiska 11 days ago. He is unacknowledged hero to Soomaalis, though jiilkaan cusub ma oga how this Aljeeriyaan brother really tried to save Soomaaliya from a complete catastrophe in early '90s. Unfortunately, his worries came to pass. I remember his tireless efforts in 1992, trying hard by shuttling between Caydiid and Cali Mahdi to come to the table and make a permanent peace in Muqdisho. Unfortunately, they didn't listen and, as they say, the rest is history. He wrote books about his efforts in Soomaaliya.
-
Former Somali President to lead new political party
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Deeq A.'s topic in Politics
Waa lagu dhaganyahay Xasan Sheekh. They usurped another 'political' party's name that was created seven years ago. Xisbiga uu Xasan sameystay oo muran galay iyo xisbi kale oo ku dhegan Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa lagu wadaa in Xisbi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga dhawaaqo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Xisbiga cusub ayaa waxa uu qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo maalinta Khamiista ee fooda nagu soo heysa waxaana soo baxaaya is qabqabsi Xisbiyeed oo ka dhashay magaca Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh. Is qabqabsiga Xisbiyeed ayaa soo shaac baxay kadib markii C/llaahi Sheekh Xasan oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed uu sheegay in magaca Xisbigiisa ay qaateen Xisbiga uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbiga uu sheegtay C/llaahi Sheekh Xasan inuu aas aastay 2011 ilaa 2012 ayaa lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU), halka Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (Union For Peace and Democratic- UPD) kaa oo isna lagu dhawaaqay 2018. Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ay dafiray in labada Xisbi ay isku magacyihiin isla markaana ay dadku yihiin kuwo isku khaldaaya. Waxa uu sheegay in uusan ka mid aheyn Xisbiyada uu diiwaan geliyay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, magacaabida Xisbigoodana uu yahay mid ay horay uga sii fikireen inta aanay ku dhawaaqin, si aanay u dhicin inay qaataan magacyo ka mid Xisbiyada la diiwaan geliyay. Marka la’eego magacyada labada Xisbi ayaa ah kuwo isku eg, waxaana muuqaneysa in Xasan Sheekh Maxamuud iyo garabkiisa ay afduubteen magaca Xisbiga C/llaahi Sheekh Xasan oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed. Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale fursad u arkeysa inay ku duulaan tagto in magaca Xisbiga cusub horay loo diiwaan galiyay isla markaana aysan suuroobi Karin in mar kale ay Koox kale isticmaasho. Si kastaba ha ahaatee, is qabqabsiga Xisbiyadeed ee ka bilowday Muqdisho ayaa mugdi galinkara badqabka Xisbiyada kale ee horay loo diiwaangaliyay, iyadoo ay cabsi dhanka magaca ah lasoo daristay madaxda kale ee Xisbiyada. Xigasho -
Muuse Lokal: Axmedoow, meet me, see me, please
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Since no body answered the endless knocking on the door of the Xabashi prime minister's office, Muuse Lokal iyo xirtiisa as a result of another deep marqaan session think they can come up with a new strategy - entering via the window in order to meet Xabashi leader. As if. Somaliland oo Abiy Ahmed u gudbisay dalab cusub oo ku saabsan Soomaaliya Dawladda Somaliland ayaa ugu baaqday Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo uu u xaliyo sidii uu u xaliyay arrimaha Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan. Wakiilka Somaliland u jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mr. Axmed Xasan Cigaal, oo u waramay wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysal wasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika. Mr. Cigaal wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysal wasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan, “Waxa aanu raysalwasaaraha ka rajaynaynaa in uu sida oo kalena u soo jeesto Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland. Waxa kale oo uu wakiilka Somaliland sheegay inuu ku rajo weynyahay in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee ka badheedha aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, “Waxaanu rajaynayaa in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee dunida u sheega in Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado.” Ayuu yidhi Wakiilku. Waa markii u horaysay ee ay dawladda Somaliland ugu baaqdo raysalwasaaraha Itoobiya inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya. Xigasho -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Midowga Yurub oo Soomaaliya u ansixiyey miisaaniyaddii ugu horreysay taariikhda Midowga Yurub ayaa waxa ay meelmariyeen dhaqaalihii ugu horreeyey abid ee ay ku tageerayaan miisaaniyadda Soomaaliya. Lacagta lagu kabi doono miisaaniyadda Soomaaliya ayaa gaareysa €100 million waxa ayna bilaaban doontaa rubuca dambe ee 2018 ilaa iyo 2021. Lacagta miisaaniyadda lagu kabayo waxaa la soo marsiin doonaaa dowladda Soomaaliya, iyada oo la adeegsanayo nidamka ka jira dalka. Fulinta waxa ay bilaaban doontaa Oktoobar kaddib markii lagu heshiiyey tallaabooyinkii ilaalinta, taas oo u ogolaaneysa in la dhiso awoodda dowladda Soomaaliya iyo maamul gobollleedyadeeda. Tani waxay ka dambeysay markii ay yaraatay cabsidii laga qabay in lacagtan lagu aamini karo dowladda, sidoo kalenna qiimeyn lagu sameeyey habka hanti-dhawridda Soomaaliya, taasi oo muujisay is bedello lagu sameeyey hab maamulka maaliyadda dalka. Midowga Yurub waxa uu Soomaaliya ka taageeri doonaa marka laga yimaaddo taageerada miisaaniyadda ee sidoo kale loo yaqaan (Dowlad dhisidda iyo qandaraaska adkeysiga), Federaalka iyaga oo u soo maraya xoojinta maaliyadda ay dowladda u gudbineyso dowladdaha xubnaha ka ah. Waxa ay xoojin doontaa heshiiska bulsho ee u dhexeeyey dowladda Federaalka ah iyo shacabka Soomaaliya iyada oo si tartiib tartiib ah u kordhin doonta awoodda mas’uuliyiinta Soomaalida u leeyihiin bixinta adeegyada aas aasiga ah. Ansixinta taageerada miisaaniyadan waxa ay qeyb ka tahay jawaabo baaxad leh oo ay caalmaku ka bixineyso tallaabooyinka wax ku oolka ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixisay isbdelka siyaasadeed iyo fulinta. Tallaabadan ayaa imaaneysa hal maalin kaddib markii uu Bankiga aduunka ku dhawaaqay markii ugu horreeysay in Soomaaliya ay gacan ka heli doonto taageerada caalamiga ah ee horumarka ‘Interational Development Assistance' iyaga oo dhaqaale taakulo ah siin doona dowladda Federaalka markii ugu horreeysay 30 kaddib. Xigasho -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Soomaaliya iyo Qadar oo kala saxiixday seddex heshiis oo shaqa abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed Dowladdaha Soomaaliya iyo Qadar oo xiriir wada shaqeyn wanaagsan uu ka dhaxeeyo ayaa magaalada New York ee Dalka Mareykanka waxay ku kala saxiixdeen seddex heshiis oo lagu hormarinayo dhalinyarada Soomaaliyeed. Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya. Munaasabada lagu kala saxiixday heshiisyadan waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Marwo Sheikha Moza Bint Naasir, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech. Dhawaan Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qadar ayaa saxiixay labo heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar kuwaasoo kala ah mashruuca ddeega duulimaadka iyo iskaashi dhinaca caafimaadka. Xigasho -
Abubakar Ahmed Hussein: I am looking for work
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Rabi ha u sahlo amuuraha uu rabo walaalkeena Abuukar Axmed Xuseen. -
At least madaxweyne Farmaajo has the choice to attend or not with invitation, the choice to go or not meeting with his madaxda dhigiisa ah. However, mdaxweyne Farmaajo does not have a time for meetings like that, where Soomaaliya's foreign minister ku filan. Many foreign ministers have attended, including foreign ministers from Ruushka iyo Jarmalka, who represented their nations. Madaxweyne Farmaajo is tirelessly working at home to improve Soomaaliya. In meantime, some dusty local open-air prison xaafad in Waqooyi, Muuse Lokal is still enjoying his daily marqaamid with his coos grass, imploring and beseeching Abiy Axmed for a minute meeting that never arrives: Keep chewing, Muuse.
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Tallaabo hala yaabin, the habar wacasho waa lagu yaqaanaa sewage-dwellers in a boosaneero. Even Tallaabo qof daahirsan ayuu iska dhigaayaa, but habar wacasho couldn't be resisted. Mar dhow ayee taalo about my garuun ama bakoorad lagu tumo taalo loogu dhisi doonaa in some dusty town in Waqooyi in order to have some kind of memorial xus oo ah waa nala karbaashay, waa nala tumay by dowladii SOL ka jirtay, like that poor air force plane in that dusty square laga taagay. -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Laakiin bakoorada lagu tumo in order to keep the sewage-dwellers in their boosaneero inay jilicdo lama rabo. Too much tumid wey ku jabeysaa bakoorada ama garuunka, plus standing on the top of the sewage, keeping them in their wretched boosaneero, while holding your breath from the stunk, is not something any decent person enjoys as the sewage-dwelling zombies do. -
Another achievement by dowladda. First it was the relocation of the UN's political office from Nayroobi to Muqdisho. Then hay'adii maamulka hawada. Then this. There were other smaller hay'ado that relocated in the past year and so as well, including FAO's headquarters in Nayroobi to Muqdisho. So now canshuurta ayee dhiibayaan and can hire hundreds of Soomaalis, instead non-Soomaalis in Nayroobi.
-
Saalax, haye baasaboorkaaga ma soo qaadatay? In seriousness, it is better for the locals to have government services in their degmooyin, especially Reer Togdheer iyo Sool. Instead of going all the way to Garoowe and spending too much, now Soomaali government service is right on their door. Well done dowladda dhexe.
-
Another masterstroke result of marqaan session
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
If a mere post of mine - which does not even address the very existence of the sewage-dwelling creatures - can make the sewage-dwellers in a boosaneero to stay up way past 2am, 3am and sleepless, I guess I have done more than blood boiling because reality is sadly unbearable and insufferable for excrement breathers. -
Cadnaan, you forgot this. This is beyond comedy and satire. It is a buffoonery farce on steroids, err marqaan. Only a marqaan-addicted blank minds would come something like this. __________________________ MADAXWAYNE KU XIGEENKA OO XALAY KA QAYB GALAY XAFLADA XUSKA SAUDI NATIONAL DAY Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliand, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xalay ka qayb galay xaflad ballaadhan oo loo qabtay jaaliyadda Sucuudiga ee ku nool Somaliland, xafladani oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Guddomiyaha Xisbiga UCID, Maayirka, maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa, Guddomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somaliland, masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala duwan. ____________________ The rest of the article is blah blah blah. Jaaliyadda Sacuudiga kulahaa. Not a single Sacuudi national present. Cimaamad gaduudan iyo khamiis cad ayaa lagu noqonaa miyaa Sacuudiyaan. Few weeks ago it was Axmed Abiyoow meet me, see me supplication. Now xaalka waa ka sii karay. Sacuudiyoow, waa ku baryaa i aqoonso, we will even change dhaqan for you. For we might be your long lost illegitimate children. Ceebeey tacaal. Such a shamelessness waa dhalasho because there is no other way.