-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
R/W Kheyre oo la kulmay Max’ed Bin Salmaan Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan bin C/casiis. Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan bin C/casiis uga wada hadleen danaha labada qaran. Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan bin C/casiis ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salmaan bin C/casiis Al Sacuud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa. Xigasho -
Oh, Che. You really dignify this sewage-dweller who lives for the tiniest crumbles of responses from the decent members. The sewage-dweller ironically names Diinsoor, whose own name is 'diin' and 'soor,' meaning where religion is welcomed and honoured. But muxuu ka yaqaanaa waxaas the sewage-dweller, who lagu soo koriyey 'diintaada was' iyo 'nabiga iyo aabahaa...,' words which cannot be repeated on here. Regularly insulting both diinteena suuban iyo nabigeena (NNKH). The sewage-dweller who confusingly claims to be the product of the illegitimate offspring between cohabitation between an unknown Carab iyo islaan Xabashi ah. They would be the last to speak about others' Soomaalinimo. This same sewage-dweller historically worshiped and fought for anything gaal, be it gaalkii caddaa ee Ingiriiska ama gaalkii madoowaa ee Xabashida. To this very day still worshiping and fighting for them.
-
Galbeedi, Afmaay is as diverse as Afmaxaa. Have you ever heard a Reer Afgooye person speak? They speak the easiest and most diluted Afmaay. There are huge dialectical differences. There is Dooyoow afmaay, spoken in Jubooyinka and those deegaano close to it, sida Qansaxdheere and Diinsoor. Then there is the interior ones. Then the Bakool variation. The closer Afmaay gets close to Afmaxaa area, the diluted it becomes. It is vice versa as well, the close Afmaxaa gets close to Afmaay deegaan, the diluted Afmaxaa becomes. That is why Afmaay is understood easiest by Afxaayoow speakers iyo those who speak Banaadiri. A lot of interchangeable between those lahjado. It is also why Afgooye is called af gooye, it is the historical border between Afmaay and Afmaxaa, waa meeshee iskugu imaadaan and ku kala baxaan. It is still to this day. Of course, Afmaay waa aqaanaa, in kastoo Ciyaal Xamar iska ahaa and not as good as my my old man, Eebbe ha u raxmadee. He always spoke Afmaay 100%. I had never ever heard him speaking any other than Afmaay, whether the guest was Maxamed Abshir Mataan, Cali Mahdi or some random neighbour, Afmaay ayuu kula hadli jiray. They were forced to understand, unlike ciyaalkaan maanta qashinka ku koray, including kuwa wasiiro dowla sheeganaayo. Also baarlamaankii lixdamaadkii Afmaay ayaa lagu hadli jiray, those farodheer who needed turjumaan would get one.
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dowlada Jarmalka oo boqol malyan oo dollar ugu deeqday Soomaaliya Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay inay lacag gaareysa boqol malyan oo dollar ugu deeqeyso dalka Soomaaliya taaso Jarmalku ku taageerayo Soomaaliya. Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya ayaa ugaga dhawaaqday deeqdan lacageed munaasabad lagu xusayay midowga labada Jarmal oo lagu qabtay xarunta midowga Yurub ee magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha golaha shacabka, wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, diblomasiyiin iyo xubno kale. Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadashay munasabadda xuska ayaa aad uga hadashay xiriirka Jarmalka iyo Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in Jarmalka uu ka go’an yahay xoojinta xiriirka labada wadan. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay xuska munaasabadan inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama Jarmalka uu ka mid yahay saaxiibada Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u hambalyeeyay dhammaan dowladda iyo shacabka Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in Jarmalka uu hawlo baaxad leh ka hayo Soomaaliya. Xigasho -
Dariishadihii, iridihii iyo cirkii laga soo xiray is already bringing results dowladda dhexe wanted.
-
...after 27 years of non-stop zombie marqaamid by dying secessionists, the realization dawned on an official secessionist. Welcome back to reality, Edna Aaden. __________________________ SOMALILAND oo shaacisay suuragal nimada ah inay la midooban SOOMAALIYA Maamulka Somaliland ayaa daaboolka ka qaaday inay diyaar u yihiin wadahadal iyo midow ay la yeeshan Soomaaliya inteeda kale. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn midowga Soomaaliweyn hase yeeshee ay doonayan in marka hore ay hubiyaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay midnimada. Haweeneyda lagu magacaabo Adna Aadan Ismaaciil oo ah Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in ay dib u midooban labada dhinac. Adna Aadan waxa ay sheegtay in midowga labada dhan uu ku imaankaro keliya in Soomaliya ay marka hore diyaar u tahay in la dhowro nidaamka dowladnimo, maadaama ay Soomaaliya ka jiraan sharciyo kala duwan. Iyadoo u warameysay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayey tiri, “Somaliland diyaar ayey u tahay inay la midowdo Soomaaliya inteeda kale waa haddii laga helo Soomaaliya shuruudaha, waayo labada dhanba waxa ay doonayaan nabad” “Midowga labada dhinac waxa uu yahay mid ku xiran in Soomaaliya marka hore ay hesho dowlad dhameystiran oo ay soo doortan shacabka” Adna ayaa sheegtay in Somaliland ay ka tanaasuli karto gooni isu taagga haddii Soomaaliya inteeda kale ay ka dhalato dowlad ay shacabka doortan islamarkaana garawshiyo ka bixiso tabashada Somaliland. Adna waxa ay carab dhabtay in Somaliland aysan caqabad ku aheyn wadahadalka labada dhinac, waxa ayna taa bedelkeeda sheegtay inay aad usoo dhaweynayaan wadahadal iyo midow dhexmara labada jiho. Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa dhawaan bilaabay dadaalo ay wadahadal iyo midow uga dhex abuurayan Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ka gadoodsan Soomaaliya inteeda kale. Danjirayaasha labada dal ee ka howlgala Kenya ayaa horaantii asbuucii tagay wadahadal la yeeshay mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac waxaana lagu wadaa in Somaliland ay muujiso tanaasul. Dhinaca kale, wadahadallada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka bilowdaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya. Xigasho
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Somali leader welcomes new envoys of Germany and France Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has received credentials from ambassadors of Germany and France at his office in the state house in Mogadishu In a statement released by the presidency, Somali President Farmaajo welcomed received the new Ambassadors of France and Germany Aline Kuster-Menager and Annett Gunther. Mr. Farmaajo wished the heads of diplomatic missions success in their work and expressed confidence that their work would contribute to strengthening ties and developing cooperation between the countries. The President assured his readiness to contribute to deepening of friendly relations between Somalia and France and Germany, after meeting at his office in the state house in Mogadishu. “President Farmaajo today receives credentials from the new French and German Ambassadors to Somalia Aline Menager and Annett Günther respectively. HE Farmaajo encouraged them to work closely in improving the bilateral ties between Somalia and their respective countries”. Germany and France have joined the western countries reestablishing their long absence diplomatic presence in Somalia as the Horn of Africa country is recovering decades-long bloody conflict. French Ambassador Aline Kuster-Menager expressed her gratitude for his welcome and good wishes, stressing that she would exert maximum efforts to raise the Somali-French friendly relations to a qualitatively new level. The trio sides discussed the strengthening of bilateral relations and cooperation between their nations and means of enhancing them to serve the common interests of the two friendly countries and peoples. Somalia has been on its way to make a diplomatic come back across the world after more than two decades of war and extremists violances by Al Qaeda linked Al Shabaab group. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Dowladda dhexe qaladkeeda wey garatay and as I wrote awalba hoggaanka sare wey ku kala qeybsanaayeen, that baaq from wasaaradda amniga was a published without a higher consensus. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Kulankii Mukhtaar Rooboow iyo DF oo soo dhamaaday iyo isfagarad lagu gaaray Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu soo dhamaaday kulankii u dhaxeeyey xubno ka socday Dowladda Soomaliya oo uu hoggaaminayey Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cismaan xuseen (Caloolkuus) iyo musharaxa u taagan xilka Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur. Kulankaan oo soo bilowday Xalay isla markaasna bilowgiisii aan si fiican la iskula fahmin ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhammaaday Magaalada Baydhabo. Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah xogheynta Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Dowladda iyo Musharaxa ayaa gaaray heshiis iyo isfagarad. Kulanka oo lahaa qeybo kala duwan ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu heshiyey inuu Rooboow sii wato musharaxnimadiisa isla markaasna uu noqdo hoggaamiye hoos imaado Dowladda Dhexe kuna shaqeeyo amarada Dowladda sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online. Dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar siisay raaligelin ku aadn warqaddii kasoo baxday Dowladda inkasto arrintaan aan la hubin. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay soo saarto waraaq kale oo ay ku caddeyneyso inay ka laabatay go’aankii hore ee ahaa in Abuu Mansuur laga joojiyo musharaxnimadiisa. Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan. Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo. Wafdigii Dowladda ka socday oo ay ku jireen qaar ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku matalo Dowladda Dhexe ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo kasoo duulaan Magaalada Baydhabo maadaama uu soo dhammaaday kulankii labada dhinac u dhaxeeyey. Dhanka kale Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda dalka ayaa isla ogeyn waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Amniga, waxaana la xaqiijiyey in waraaqdaas laga soo qoray Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre uusan xataa war u heyn Wasiirka Amniga. Sidoo kale waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan in Waraaqdaas cadaadiskeeda ay ka timaaday Beesha Caalamka, iyadoo warar aan la hubin sheegayaan in Beesha Caalamka aysan lug ku laheyn isla markaasna aysan ka warqabin waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Amniga. Xigasho -
Interview with honorable Caasha. A. Cabdalla
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to galbeedi's topic in Politics
Galbeedi, Beyle ha u gafin, see camal. I had never seen in post-civil war a wasiir as professional as he is. A wasiir who knows from A to Z in his ministry. In short time, he completely modernized wasaaradda maaliyadda. So he deserves to lead the highest office. Men like him are one in a million in Soomaaliya. -
Interview with honorable Caasha. A. Cabdalla
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to galbeedi's topic in Politics
Magaceeda iyo muuqaalkeeda dhawaantaan maba arag Caasho Cabdalle. Dadka ugu karti badan baarlamaanyadii kumeelgaarka Soomaaliya soo maray ahaan jirtay. I used to see her in Nayroobi, gaar ahaan at hoteellada Islii, between the years 2009-2011. Iyada, xildhibaan Dalxa, xildhibaan Jinniboqor iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf hoteellada waa weyn ee Islii lagama weyn jirin. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Cadnaan, dowladda dhexe inay ku kala qeybsantahay laga yaabaa. It appears there is internal division, one side being kan baaqa wasaaradda magaciisa ku qoran, Isloow. Also Shariifka can only be defeated by either Rooboow or former finance minister Farkeeti from Australia. Rooboow seems to be a people's guy in Baydhabo, plus he has the $ one needs. The populace are also tired masuqmaasuqa iyo wax qabad la'aanta baahsan by Shariifka. He can't even try to open jidka u dhaxeeyo Buurhakaba and Afgooye, the issue Rooboow already promised to solve. There is also a third candidate, Saransoor, but taageero badan ma heysto. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Dowladda dhexe baaqa ee soo saartay kaga soo horjeedo Rooboow wey ku deg degtay. Waa ogahay dowladaha Reer Galbeedka ayee u bandhigaayeen laakiin ninkaan taageero badan ayuu heystaa, meelna uma socdo marka inay ka aamusnaanto u dhaantay dowladda. Xataa eedeynta ee isticmaaleen ee ah dhaq dhaqaaqa iyo dhaqaalaha ayaa cunaqabateyn caalami ka saaran taas mid dhab u eg ma'aha maadaama bilooyinkii u dambeeye Rooboow ku maqnaa dalalka Sacuudiga, Cummaan, Suudaan iyo Kiinya uu dhaqaalo ololaha ka soo aruursanaaye - socdaaladaas wax dhib ah ma kala kulmin. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Roobow “Wadada Afgooye iyo Baydhaba 3 qolo ayey u xiran tahay, waan furayaa haddaad i doorataan" Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Musharax hadda u taagan qabashada xilka Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay shir weyn oo uu kaga hadlayey Musharaxnimadiisa. Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed,Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Baydhabo.. Shiikha ayaa khudbadiisa ku sheegay in wixii uu u qaban doono Koonfur Galbeed uu kusoo bandhigi doono Xildhibaanada hortooda balse wuxuu hadda kasii hadlay qodob kamid ah waxyaabaha uu qaban doono haddii la doorto. Muqtaar Roobow oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in hadii Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay doortaan uu Shacabka u furi doonaan wadooyinka ay Shabaab iyo qabaa’ilada ay xirteen. Wuxuu Shiikha Sheegay in haddii loo doorto inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isku furi doono jidka u dhaxeeyo Afgooye iyo Baydhabo. “Waxaan ku celinayaa maanta inaan musharax u ahay madaxtinimada Konfur Galbeed waxaan Ka shaqeyn doonaa saddex qolo oo Wadooyinka ay u xiranyihiin hadii aad i doorataan. “Alshabaab iyo Qabaa’ilada Wadooyinka KG xirtay wa idinka hor wareejinayaa," ayuu yiri Muqtaar roobow. Roobow ayaa tilmaamay in jidkaas uu u xiran yahay Seddex koox oo uu ku kala sheegay inay kala yihiin: 1 - Xarakada Al-Shabaab oo uu markii ugu horeysay u adeegsaday inay yihiin Khawaarij 2 - Ciidamo u abaabulan hab beeled. 3 -Sidoo kale wuxuu qolada seddexaad ku sheegay inay yihiin kuwa xiran dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhibaato ku hayo jidkaas. Wuxuu ballan qaaday inuu jidkaas ka dhigi doono mid nadiif ah oo ay si nabadgalyo ah ku isticmaali doonaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Soomaaliya oo ka hor istaagtay Mukhtaar Roobow in uu isu soo sharraxo jagada madaxweyne ee Koonfur Galbeed Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay musarraxnimada xilka madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ee uu shalay ku dhawaaqay Mukhtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur” kaas oo horay uga tirsanaa ururka Al-Shabaab islamarkaana ku jiray masuuliyiintooda ugu sarreysa. Dowladda ayaa sheegtay in musharraxnimada Mukhtaar ay ku horgudban tahay dhowr shuruudood iyo cunaqabateyno xagga caalamka ah oo saaran. Roobow ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Xigasho _________________ Amarkaan ma dhaqangali doonaa taloow? Aragaana.