-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Marna ma aqoonsani, marna saan u soo ordaayaa. Xaaf ma daalo miyaa, filinkaan boorsamiintada ah ku soo celceliskeeda dadka gobollada dhexe waaku daaleen. Qof iyo dowladiisaba hal lug ku taagan, haddana qash qashaad wado had iyo jeer dhibkaan ee leedahay. Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo ka qeyb galaya shirka ay DF ugu yeertay ee Muqdisho Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii madaxda maamul goboleedyada ay shirkii ay ugu yeertay kaga qeyb gali lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana dadaaladaasi kusoo biiray QM iyo Midowga Africa. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in halkaasi ay kulan ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali. Kulankaasi ayaa waxay inta badan diiradda ku saareen sidii Xaaf u aqbali lahaa inuu ka qeyb galo shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday maamul goboleedyada iyo sidii labadooda ay shirkaasi kaga qeyb gali lahaayeen. Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Xaaf uu aqbalay ka qeyb galka shirka Muqdisho, labadoodana ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro arrimo u baahan in xal laga gaaro. Haddii labada masuul ay ka qeyb galaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dhexmaraya dowladda iyo maamul goboleedyada, waxaa xal laga gaari doonaa madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado iyo Guddoonka baarlamaanka ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb, iyadoo labadoodaba ay dadkooda dhinac ka raaci doonaan. Waxaa muuqaneyso in markii seddexaad heshiis ay gaari doonan guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isku dhinac ah iyo madaxweyne Xaaf oo marar badan is qabtay lana heshiisiiyay. Beesha Caalamka ayaa la kulantay madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo dhamaantood laga doonayo inay ka qeyb galaan shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday dowlad goboleedyada. Xigasho
-
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Beesha Caalamka iyo ROOBOOW oo ka heshiiyey musharraxnimadiisa K/G Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray wafdi ka socday Q.Midoobe iyo Ururka Midowga Afrika, Wafdigan caalamiga ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu u indha indheyn lahaa qaabka ay u socoto qaban qaabada doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed. Nicholas Haysom oo ay Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa kulan albaabadu u xiranyihiin laqaatay dhammaan musharrixiinta utaagan xilka madaxweynaha Koonfur galbeed waxaana kamid ahaa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur. Wafdiga ka socday caalamka ayaa si rasmi ah u aqbalay musharaxnimada Mukhtaar Rooboow oo dowladda Federaalka ay horay uga joojisay in uu tartanka ka qeyb galo sida ay sheegayaan siyaasiyiin ku sugan magaalada Baydhabo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooboow uu kulamo laqaatay Nicholas Haysom uuna uballan qaaday in uu la shaqeyn doono haddii uu kusoo baxo xilka madaxtinimada Koonfur galbeed. Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in qaar kamid ah hay’ada Q.Midoobe ay gadaal ka riixayaan musharaxnimada Rooboow waxaana jira xifaaltan dhanka siyaasadda oo uu Afhayeenkii hore ee Al Shabaab kala kulmayo siyaasiyiin deegaanka ah oo ay wadato DF-ka. Doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed ayaa lafilayaa in ay qabsoonto 17,Novembar 2018 oo ay naga xigto 16 maalmood. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuusan Roobow doorashadaas ka qeybgeli karin iyadoo fulineyso heshiisyo caalami ah oo ay gashay. Dowladda Soomaaliya oo dhawaan Magaalada Baydhabo kula kulantay Roobow ayaa lasoo sheegayaa inay go’aankeeda ka laabatay inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin. Roobow Abuu Mansuur ayaa wado loolan adag oo dhanka Doorashada ah, wuxuuna ku jiraa Liiska Musharixiinta loo saadaalinayo inay xilkaas qaban doonaan. Xigasho -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xarunta labaad ee wasaaradda maaliyadda. -
World Bank approves first loans to Somalia in 30 years
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Finally, lacagtii koontada dowladda dhexe lagu shubay. Onward and forward. -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
In such short period of time, Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, has made a huge progress. Horaa loo soconayaa. -
Waraa Saak, beerta ciyaarta ka daa yaaqeey. Haddaa run sheegeysid, Abtigiis should post a proof of him wanting this, a la Reddit's AMA style of well known people.
-
Also another fadhi ku dirir site is reporting this, about my enemy's enemy is my friend: Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow oo isfahan siyaasadeed dhex maray Madaxweyne Sharif Xasan iyo Mukhtaar Rooboow oo maalmihii la soo dhaaafay wada yeeshay xiriir toos ah iyo mid dadban oo ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin kale ayaa waxa uu u muuqdaa mid miro dhalay. Labada dhinac oo horay colaad siyaasadeed uga dhaxeeysay ayaa waxa ay isku aragti ka noqdeen ka hortaga hujuunka siyaasadeed ee lagu soo qaaday dadka iyo deeganka Koonfur Galbeed. Mukhtaar Roobow aya aad uga carooday sida foosha xun ee uu Madaxweyne Farmaajo ula dhaqmay isaga. Dowladda Farmaajo ayaa markii hore ku dhiiri galisay in uu qeyb ka noqdo tartanka doorashada siyaasadeed hadana isla MW Farmaajo ayaa bilaabay in uu sharaftii iyo Karamaadii Mudane Roobow ku ciyaaro isaga oo si toos ah uga horyimid Musharaxnmadiisa kuna eedeeyay in uu wali ka tarsan yahay urur argagaxiso. Mudane Roobow oo la hadlay dad ay asxaab yihiin ayaa yiri, “Farmaajo waa mufaanaq aan amaana lagu amini karin”. waxa uu intaas ku daray qof ilaah u doortay in uu noqdo Uuuli Amri hadana been ku dhaqmayo waxa qof aan istaahilin in uu bogaamiyo umad islaam ah”. Iskahamka Siyaasaseed ee dhex maray Sharif Xassan iyo Mukhtaar Roobow ayaa waxa uu dhaawac gaarsiinayaa fursadii uu lahaa Cabdicasiis Laftagareen. Sidoo kale waxa uu xaqiijinayaa in uu abuuro isku soo dhawaanshaha shacabka iyo siyaasiyiinta dadka reer Koonfur Galbeed.
-
Rooboow ololihiisa labada musharax magaca dowladda ku socdo ayaa qash qashay, probably kala qeybinaayo xildhibaanada Koonfur Galbeed mucaaradka ku ah Shariifka. Also wararka fadhi ku dirirka waxee qorayaan this: Farmaajo oo (dowladda) Qadar ku amray inaysan taageeri karin Mukhtaar Roobow & Fahad Yaasiin oo... Xog gaara oo ay heleyso wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Taliye kuxigeenka Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Xaaji Yaasiin uu fulinayo qorshe Madaxtooyada Soomaaliya ay u abaabushay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Fahad Xaaji Yaasiin uu fulinayo qorshe Madaxtooyada Soomaaliya ay u abaabushay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlada Arrimaha Dibada Qatar ayuu u dhiibay fariin ku saabsan in Xukuumadda Doha aysan maalgalin karin Mukhtaar Roobow ama shaqsi kale oo u tartamaya Madaxweynaha Koofur Galbeed. Villa Somalia ayaa qorsheyneysa inay soo xirto ilaha dhaqaale uu doonayo Roobow inuu ka helo lacagaha uu ku maareynayo ololaha iyo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed uu isku soo sharaxay. Dowlada Qatar oo Saaxiib dhow uu la yahay Mukhtaar Roobow ayaa u balanqaaday Dhaqaale ay ku maalgalineyso Doorashadiisa. Fahad Yaasiin oo ah Wakiilka Qatar ee Soomaaliya ayaa fulinaya qorshe ay damacsan tahay Dowlada Soomaaliya oo ay dooneyso inay ku qasabto Abuu Mansuur inuu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa. Taliye kuxigeenka NISA ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago Dalka Qatar isagoo u bandhigaya qorshaha Villa Somalia ee ka dhan ka ah Mukhtaar Roobow. Si kastaba ha ahaatee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis ku heysa Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay ka hortimid markuu isu taagay Musharaxnimadiisa, waxaana dhinac kale ay wadaa Dowlada dhexe dadaalo ay ku taageereyso Musharixiin ay wadato oo ka degay Magaalada Baydhabo.
-
Caalin asagoo joogo waxaa xoog ugu qaatay jagadiisa ninkii Qeybdiid ahaa; Qeybdiidna C/kariin Guuleed ka tuuray kursiga; C/kariina waxaa meesha ka bixiyey Xaaf. Xaafna... Meesha xoog ma'ahee si kale ma lagu kala baxo miyaa? Doorasho (selection) caadi ah ma lagu kala bixin ilaa iyo hadda. Horaa loo dhahay Xarardheere xoog, Xamarna xisaab.
-
Somalia to host the OIC meeting in Mogadishu
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to cadnaan1's topic in Politics
Another successful major international conference in Muqdisho that conveys Muqdisho's peaceful image. More to come. -
There is also this musharax, the just resigned taliyaha nabadsugidda. He went to Baydhabo, too, with his bulletproof car as well. Taliyihii hore ee NISA iyo gawaari xabada ay karin oo gaaray Baydhaba Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu halkaasi gaaray musharax si weyn looga dareemay magaalada oo halkaasi la tegay gaadiid, ciidamo iyo Hub. Musharraxan oo ah Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ayaa diyaarad gaar ah ka dejisay garoonka magaalada Baydhaba, waxaana ka sii horeeyay diyaarad xamuul oo geysay 4 Gaari oo kala ah: laba gaari oo aanay xabbadu karin, Toyoto Hilux, iyaduna aanay xabbadu karin, Gaari Cabdi Bille ah oo qori saaran yahay iyo ciidamo. Xuseen Uurkuus oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dadweyne fara badan. Xuseein waxaa loo galbiyey goob loogu diyaarshay boqolaal qof si uu khudbad uga jeediyo, waxaan halkaas lagu soo bandhigay heeso lagu gubaabinayo xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay doortaan Xussein Osman Xussein, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaano dalka. Taliye Xussein ayaa uga mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey wuxuuna yiri” Waan idinkaga mahadcelinayaa soo dhaweyntiina qiimaha badan, waxaana qaadan doonaa kulamo kala duwan, anigoo qaybaha bulshada la qaadan doona wada tashiyo ku aadan sidii loo bad baadin lahaa shacabka Koonfur Galbeed, oo dhibaato ka haysto dhanka amniga, dhaqaalaha, maamul xumada, caafimaadka iyo Waxbarashada” ayuu yiri Xusein oo war kooban siiyey shacabkii u la kulmay Dhowaan ayaa sidoo kale waxaa Baydhaba gaaray musharax kale oo sidan oo kale hub iyo ciidamo la tegay magaalada, kaasoo ah wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya C/casiis Laftagareen. Xigasho
-
Warkaan run uu noqday. Meeshuu gaaro aragaana. Wuxuu keensaday baabuuro xabadda karin uu ku socdo and unmentioned $$$$$ kursiga lagu gato. He is already meeting malaaqyada sarsare ee Koonfur Galbeed, xataa guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, who hadn't met none of the other candidates. Will he fail again since he failed his candidacy for guddoomiyaha baarlamaanka dhexe in earlier this year?
-
Gabre waa hore Koonfurta Soomaaliya laga musaafuriyey, maantana Gabraha Waqooyiga Soomaaliya, Berhe Tesfay, boorsiyaashiisa iyo asagaba wey israacoyaan, back to Tigreyland and out of Soomaaliya. The last Xabashi spy Muuse Muqayil la qayili jiray is departing. Good riddance.
-
Galbeedi, I thought you wanted to save this impulsive, arrogant but ignorant prince? Whatever he touched has backfired - whether the kidnapping of Lubnaan prime minister; the ongoing war crime against the civilians of Yeman and its humanitarian disaster; Qadar; throwing Reer Falastiin under the Zionist bus; warmongering against Iiraan, against Liibiya, against Soomaaliya... What a failed and failing fellow he is. Sacuudiga sumcadii caalamka Islaamka ku lahayd ayuu ka qaaday.
-
21 October Anniversary. 21 Gun Salute From Cowke To Jalle Siyad
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Cowke's topic in Politics
Oktoobar waa tee, waa tumaa. Wax xusaayo ma leh miyaa. Ilmihii Kacaanka fuudkiisa ku soo dhargay, sida Feysal Dhurwaa, ayaa maanta iska dhigaayo they were all anti-Kacaan then. -
In this clip, did Feysal Dhurwaal really say 'waa la qadeynay, waa la qayilnay' Muuse Lokal? It is on 1:12 minute time on the clip. War xishood malaha miyaa those secessionist so-called 'leaders.' No ceeb iyo akhlaaq. Qayilkooda uuba bannaanka keenayaa. But I am not surprised Muuse Lokal iska noqdo Muuse Muqayil because what else to do than jaad iska ruug all the time. Cirkii, iridihii iyo meelihii dhan laga soo xiray and became qof xaafadisa iska fadhiyo. But Feysal Dhurwaa also admitting it waaba yaab. Then again Feysal Dhurwaa was a known drunkard back in 1980s in Muqdisho, dadkii yaqaanay xaafaduu ka deganaa ee Afrikan Filaj (African Village) ayaa og.
-
Another maalin caddeey been raad lahayn. Dalmar, beenta tolka mid gadmeyso oo quruxsan ha keensadaan. Speaking of this, aniga waxaa ogahay qof wasiir/wasiirad (ma rabi inaa qarxiyo qofkaas/qoftaas) oo qaraabo dhow nahnay mar ee wasiirad/wasiir ahayd, intii deeq wasaaradda ku soo dhacdo inay xaaskii Xasan Sheekh ku lahayd 25%, regardless noocee doonta deeqda ha ahaato. Wasiiradda/wasiirka afkeeda/afkiisa ee/uu ka sheegtay/sheegay taas oo ay aad ula yaabaneyd/yaabanaa maadaama qof daacad ah ahaa/ahayd. Wasaaradda uu/ee qofkaas/qoftaad ka shaqeynaaye/shaqeyneysay kuma ekeyn, many wasaarado were like that, that in order to keep one's seat, one has to cough 25% of deeqaha wasaaradahooda soo galo, ha ahaato daawo, ha ahaato agabyo, ha ahaato kaash, ha ahaato deeq waxbarasho... Marka whoever wrote this fabricated, poorly written article is projecting of what they used to do amd the crooks they were. They probably missed that corruption xad dhaafka ahaa in dowladdii Xasan Sheekh.
-
Another blatant been qaawan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Cadnaan, many Reer Waqooyi folks are decent, who believe Soomaaliweyn iyo Soomaalinimo. Many of them live in Koonfurta, gaar ahaan Xamar oo ay ka shaqeystaan, even if some of them believed goosashanimo, wey arkeen inay Reer Koonfurta dad walaalahooda yihiin markee Xamar shaqooyin u soo doonteen in the past six years, which made them question beentii labaatan iyo dhowr sano lagu aqrin jiray. They are far from those dying sewage-dwelling boosaneero zombies on here. -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dankis for sharing, Cabdul. -
Another marqaan session results another pipe dream based on a been maalin cad ah oo aan wax run ahba haba yaraatee ku jirin. Dying, hapless, hopeless are now claiming Afrikaankee jidka ka soo qabsadaan as foreign minister of another country. Before it was caddaankee jidka ku soo arkaan, now Afrikaantii aqoonsi laga raadiyey. Before it was fake Shiinees bank investing with fake billions. The dying secessionists are claiming foreign minister of Guinea Bissau gave a visit to their little town. Waa been cad. He is nothing close to the real Guinea-Bissau's foreign minister, who is this person, nothing like the person this video shows that they are parading around. Poor jaad-addicted masses are buying into this sham. Eebboow.