Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Hambalyo iyo boggaadin dhamaan walaalaheena ku guuleystay doorashooyinkooda: Ilhaan Cumar, Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur. Labada musharax dambe oo ku guuleystay baarlamaanka gobolka Minnesota. Kheyr ayaan u rajeynaa dhamaantooda. Khudbada Ilhaan xalay: Khudbada Hodan xalay:
  2. Haa, widaay, and if he truly resigns from his candidacy, he will throw his support behind Rooboow, his reer abti, plus Rooboow fits my enemy's enemy is my friend criteria.
  3. What was this so-called xildhibaan expecting from the Qaramada Midoobay's own special representative to Soomaaliya's get-to-know tour of Soomaaliya's maamul goboleed? Nicholas Haysom started his tour in Kismaayo, then Baydhabo, Garoowe, Hargeysa and concluded in Gaalkacyo. He earlier met guddoomiyaha Banaadir Yariisoow iyo Waare from Hirshabeelle in Xamar, after meeting when he first landed in Muqdisho madaxweynaha dalka, guddoomiyaha baarlamaanka, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha aqalka sare. At least Muuse Muqayil, the true local man, is lucky that he finally met a delegate after months of non-stop jaad session marqaamid of nothing to do. He dusted off his suit, which gathered dust for so long.
  4. Maxaa kusoo kordhay Koonfur Galbeed & Xildhibaanada kusugnaa magaalada Muqdisho Qaar kamid ah xildhibanada Koonfur Galbeed ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo maalmo ka hor ay ka yimaadeen. Xildhibaanadaan ayaa saaka la arkayay iyaga oo saaran gaadiidkii Dowladda Qatar ugu deeqday dowladda Soomaaliya, waxayna sii galayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Xildhibaano ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dib u laabashada xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Waxay xildhibaanada qaar ay sheegeen in marnaba dib u dhac uusan ku imaan doonin doorashada Koonfur Galbeed, islamarkaana magaalada Muqdishoa u tageen kadib casuumaad ay ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka oo isku deegaan ay kasoo jeedaan. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa inay ka horyimaadaan go’aankii malaaqyada Koonfur Galbeed ay shalay qaateen oo ahaa in doorashada dib loo dhigayo. Wali waxaa laga dhowr sugayaa isbadalka saacad kasta ku imaan kara xaalada doorashada Koofur Galbeed. Xigasho
  5. We will see that, Cadnaan. I don't think other maamul goboleed horjoogayaal would want that, though.
  6. This just in now. Is Shariifka pulling another so-called 'trick' now? I don't think he is going to resign from the candidacy. Shariifka oo laga yaabo inuu iscasilo iyo saxaafadda oo looga yeeray Madaxtooyada Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weriyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo looga yeeray madaxtooyada Koofurgalbeed. Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shir jaraa’id qaban doono balse lama oga in uu ku dhowaaqi doono inuu yahay musharax iyo in uu iska casili doono Madaxtinimada Koofur Galbeed,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu iscasilayo. Inkastoo wax kasta is bedeli karaan, hadana warka ugu badan ee Baydhabo laga helayo ayaa ah in Shariifka uu ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kana haray tartanka Doorashada Koofur Galbeed. Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socda Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaa kulamada ugu badan uu u dhaxeeyaa Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye. Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in galabta 4-ta galabnimo looga yeeray Madaxtooyada Koofur Galbeed shir jaraa’id oo aan loo sheegin cida qabaneysa, balse loo badinayo in Shariif Xasan qabanayo, si uu ugu dhawaaqo is casilaadiisa. Jawi aan daganeyn ayaa ka jiro Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxayna siyaasiyiinta buux dhaafiyeen madaxtooyada. Xigasho
  7. Now, the rest of remaining guddiga doorashada (12 members) are claiming they will hold the (s)election come on Nofeembar 17th.
  8. Shariifka and his silliness staying behind odey dhaqameedka Koonfur Galbeed, same odey dhaqameed he persuaded to accept three-gobol Koonfur Galbeed maamul, instead of lix gobol, back in 2014. I don't think the populace are that ready to accept this.
  9. Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay Doorashada Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu waday inay dhacdo 17-ka bishan November. Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada, iyadoo la safatay Musharaxiin, isla markaana dhaqaale iyo baabuur aan xabado karin ka soo dejisay Garoonka Baydhabo. Waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka in Xildhibaanadii Koonfur Galbeed u daabushay Muqdisho, isla markaana lacago laaluush ay siisay, si ay u doortaan Musharaxiin gaar ah. Odayaasha dhaqanka ayaa soo xigtay qodobka 60aad ee Dastuurka Koonfur Galbeed waxay go’aan ku gaareen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha ee loo balansanaa, inta laga helayo jawi degan. Sidoo kale Odayaasha waxay caddeeyeen inay marjac u yihiin Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama markey xaalad la soo gudboonaato Golayaasha dowladda Koonfur Galbeed, waxayna noqon karaan Garsoor lagu go’ i markii loo baahdo. Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya, iyadoo war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ku fartay Madaxda Koofur Galbeed in aan dib loo dhigi karin doorashada, kuna dhacdo xilligii loo asteeyay. Xigasho
  10. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo war saxaafadeed cusub ka soo saartay Doorashada Koonfur Galbeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa goor dhow war saxaafadeed ka soo saartay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo qabsoomideeda uu jahwareer ku yimid, kaddib markii ay is casileen inta badan xubnihii Guddiga doorashada. Sida lagu shaaciyay bogga Wakaalada Wararka ee SONNA waxaa wasaaradda Arrimaha Gudaha ay fartay madaxda dowlad goboleedka Koofur Galbeed on doorashada ay ku qabsoonto xilligii loo asteeyay oo ku beegan 17-ka November 2018. War saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koonfur Galbeed. Xigasho
  11. Baarlamanka Koonfur Galbeed oo la kala dirayo & doorashadii oo baaqatay Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqata inay sii cakirmayso kadib markii xalay ay is-casileen xubnaha guddiga doorashada, oo ku eedeeyey dowladda federaalka inay faro-gelin ku hayso doorashada. Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu ku dhawaaqi doono maantq inuu kala diray baarlamanakii Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale filayaa inuu shaaciyo in doorashadii Koonfur Galbeed, oo la waqtiyeeyey inay dhacdo 17-ka bishan aysan qabsoomi karin. Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu dowladda federaalka ku eedeeyo inay faro-gelin ku hayso doorashada, islamarkaana ay xildhibaanadii maamulka gaysatay magaalada Muqdisho.Ma cadda waxa xigi doona intaas, waxaase muuqata in xaaladd Koonfur Galbeed ay isku dhex yaacday. Guddoomiyaha guddiga doorashada, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan. Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed. Xog aan helnay ayaa sheegaya in dhammaan arrimaha is xiga xiga uu ku dambeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka go’an tahay in doorashada aysan dhicin. Xigasho
  12. Iscasilaadda gudiga doorashada K/Galbeed iyo qorshaha cajiibka ah ee uu dejiyey Shariif Xasan Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa is-casilaadda ay ku dhawaaqeen guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka, iyo inta badan xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo galabta is-casialy. Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahad Maxamed Ciise. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in arrintan ay tahay xeelad siyaasadeed oo cajiib ah, oo uu dejiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo doonaya in doorashada aysan dhicin. Caasimada Online ayaa goor hore oo maanta ah shaaca ka qaadday xog ku saabsan in Shariif Xasan uu ku dhawaaqayo in doorashada uu ka harayo, waxaana is-casilaadda xubnaha guddiga ay qeyb ka tahay qorshahaas. Qorshaha Shariif Xasan ayaa ah inuu sabab ka dhigto is-casilaadda guddiga, sidaasna uu doorashada ku baajiyo, isaga oo dowladda federaalka eeda dusha u saari doona Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo, balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay. Kadib markii lagu gacan seeray qorshaha dib u dhigidda doorashada, ayaa Shariif Xasan iyo guddoomiyaha guddiga waxay isla dejiyeen qorshe ah in Shariifka aanu doorashada ka harin, balse taa beddelkeed guddiga is-casilaan, oo Shariifka arrinta banaanka ka taagnaado. Si kastaba, waxaa xaqiiq ah in dowladda federalka ay faro-gelin cad ku hayso doorashada, ayna dooneyso in Shariif Xasan meesha laga saaro, taasi oo Shariifka siisay fursad iyo cudurdaar uu xukunka usii haysto. Xigasho
  13. Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhabo iyo qorshaha doorashada Koonfur Galbeed Shacabka magaalada Baydhabo ayaa dhegtooda ay kor u taagan iyaga oo ka dhowr sugaya go’aanada xiga isacilaadii 15 xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada Koofur Galbeed. Xaaladda siyaasadeed ee magaalada ayaanan daganeyn ilaa xalay, waxaana socday ilaa xalay kulammo kala duwan oo ka dhacayay magaalada Baydhabo oo dhexmaraya dhinacyada kala duwan ee kusugan magaalada. Wararkii u dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan uu wado qorshe uu musharixiinta Koofur Galbeed kaga dhaadhicinayo in dib loo dhigo doorashada. Shariif Xasan ayaa horey u dalbaday in waqti dheeri ah la siiyo, laakiin hadda ciyaar cajiib ah ayuu sharaxay, maadaama culees badan uu kaga iaamanayay dhanka dowladda Soomaaliya kadib markii xildhibaanadii ugu badnaa Muqdisho la keenay. Musharixiinta aragti ahaan kasoo Horjeeda Shariif Xasan ayaa dhankooda xalay kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha guddiga ka harsan ee aan wali iscasilin, iyaga oo kala hadlay in doorashada waqtigeeda ay dhacdo. SHariif Xasan, ayaa ciyaarta ka bilaabay markii uu badalay dhamaan ciidamadii ilaalada madaxtooyada isaga oo dad ku heyb ah ku badalay, waxaana uu ka baqayay in ciidamada kale dhibaato ku keenaan. Wararka ayaa sheegaya inuu doonayo in doorashadan ay dib u dhacdo, waxaana sidoo kale soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu wado qorshe uu isku casilayo, waana qorshaha labaad haddi qorshaha iscasilaada xubnaha gudiga lagu guuleysan waayo. Shariif Xasan, ayaa hadda helay fursad uu wadahadal ku gali karo, waana ruux aad u yaqaana siyaasadda Soomaaliya. Afhayeenka guddigii shalay iscasilay ayaa saxaafadda u sheegay in waqtiga uu ku yaraaday ayna ka baqeen inay ku fashilmaan doorashada Koofur Galbeed, sidaasi daraadeedna ay isku casileen. Wuxuu ku eedeeyay xildhibaanada Koofur Galbeed inay marar badan u yeereen balse ay imaan waayeen, taasi oo ah goolka koowaad ee laga dhaliyay dowladda Soomaaliya maadaama magaalada Muqdisho ay kusugan yihiin inka badan 60 xildhibaan oo seddex jeer Baydhabo laga soo qaaday. Xigasho
  14. Doorashada Koonfur Galbeed oo dib loo dhigay iyo go’an kasoo baxay odayaasha Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ah cidda leh go’aanka kama dambeysta ee arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaga dhowaaqeen in dib loo dhigay doorashada maamulkaasi oo la filayey iney dhacdo 17-ka bishan November. Golahan oo cuksanaya qodob ka mid ah dastuurka Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyey in doorashadaasi dib loogu dhigay sababo la xiriira farogelinta ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku hayso doorashada. Waxa ay dowladda ku eedeeyen iney lacago laaluusha siisay xildhibaannada qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamabka Koonfur Galbeed oo loo soo daabulay magaalada Muqdisho toddobaadkii tegay.. Sidoo kale, Golahan ayaa dusha ka saaray dowladda dhexe gaar ahaan madaxda ugu sarreysa wax walbo oo dhacay oo ku saabsan doorashada. Ugu dambeyn, doorashadan ayeey sheegeen in qabashadeeda la go’aamin doono marka la helo xaalad siyaasadeed oo deggan. Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xalay ay is-casileen inta badan xubnihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo iyagana sheegay inay isku casileen farogelinta dowladda dhexe. Xigasho
  15. So, Shariifka is up to his old tricks, forcing the just nominated (and pro-Shariifka) election committee that were members of Koonfur Galbeed parliament, whom was selected by a pro-Shariif guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed. Last week, Shariif Xasan suddenly changed all the soldiers who were guarding his 'presidential' palace, removing them to outside the city camp. He instead brought some that were close to him and trusted. Shariif Xasan tried hard not even wanting his pro-guddoomiye baarlamaan to nominate this (s)election committee, waiting until the last days to nominate them. Then yesterday, Nofeembar 5th, a few days after they were nominated, most of them suddenly resigned, including (s)election committee's chairman, accusing faragalin by dowladda dhexe. Today, odey dhaqameedka (many of them in Shariifka's pockets) came out, calling the delay of the (s)elections. We had seen his political tricks in the last 14 years. This is his M.O. of Shariifka; he thinks he can pull maneuvering like this in a clear day light when he realized he had no chance of retaining the seat he holds. Shariifka should be careful, meesha dagaal sokeeye ayuu u horseedi doonaa. His clan is traditionally unarmed, he is guarded by his reer abti, whose clan is the late Xaabsade's and Rooboow's clan members. This clan has abandoned him, throwing their support behind their own son, Rooboow. Rooboow has his own militia outside Baydhabo. So is Saransoor, another musharax, who has loyal ones in Xuddur area. I am afraid they might bring their militias to inside Baydhabo and cause problems if this delay tactic succeeds.
  16. Wasiir xukuumada Kheyre ka tirsan oo iscasilay Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu iscasilay wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasaiis Xasan Maxamed Laftagareen. Wasiirka is casilay oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruud looga dhigay inuu marka hore xilkiisa iska casilo. Laftagareen ayaa sheegay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/11/2018 uu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka haayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Aniga oo tixraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo shaqeynay ayuu yiri Laftagareen. Cabdicasaiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoiray u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxana xilligaa suu iska casilay xilka wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana uu waayay xilkii uu u tartamay waxaana intaasi kaidb loo Magacaabay Wasiirka Tamarta Biyaha ee Xukuumada Soomaaliya. Laftagareen ayaa kamid ah Musharixiinta loo saadaalinayo Koonfur Galbeed, waxaana la isla dhex marayaa inuu garab weyn ka helayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xigasho
  17. I guess he had no qualms paying the musharax fee of $20,000 US. Mukhtaar Rooboow oo noqday musharixii ugu horeeyay ee shahaadada musharraxnimo qaata Xilli Ololaha doorashadda Madaxtinimadda ay si xowli ah kaga socoto Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa bilowday Musharaxiinta doonaya in ay isdiwaangaliyaan si loogu ogolaado in ay tartamaan. Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Baydhabo ka socotay diiwaangelinta musharixiinta 10ka ku dhow ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Magalada Baydhabo. Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mukhtaar Rooboow in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Roobow wali saaran yihiin Xayiraadii la saaray xilligii uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Xigasho
  18. Daawo Gudiga Doorashada oo soo saarey Shuruudaha doorashada Koonfur Galbeed oo la soo saaray Shuruudaha ayaa kala ah:- 1 - Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah. 2 - Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka. 3 - Da’diisu in aysan ka yarayn 40 sano. 4 - Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas. 5 - In Dhimirkiisu dhan yahay. 6 - In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay. 7 - Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay 8 - Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka). 9 - Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada. Wuxuu kaloo guddigu soo saaray jadwalka loo marayo doorashada, sida diiwaangelinta murashaxiinta, shirarka guddiga doorashooyinka, iyo hadal jeedinta murashaxiinta. Doorashada waxaa ka qayb galaya dhowr iyo toban murashax oo ay ku jirto hal gabar – Aamino Maxamed Mursal – waxaana murashaxiinta ka mid ah madaxweynaha maamulka haya, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Qodobbada uu soo saaray guddiga ayaan la ogayn sida ay u saamayn doonaan murashaxiinta qaarkood, iyo in ay u hogaansami doonaan. Shalay ayey ahayd markii warbaahinta maxalliga qaarkood ay sheegeen in loo ogolaaday Mukhtaar Roobow oo hore u ahaa mas’uulka labaad ee ugu sarreeya Al Shabaab uu u tartami karo madaxtinimada Koofur Galbeed. Dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan in doorashadan ay muhiim u tahay maamul goboleedyada dawladda ku kacsan iyo xukuumadda federaalka, kuwaasoo si aan toos ahayn isugu bowdyo-qaawinaya, kuna dhex loollamaya doorashadan. Xigasho
  19. Arrimo dhowr ah oo u horseedi kara Rooboow in loo doorto madaxweyne Musharax Madaxweyne Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa heysta dhowr Fursadood oo uu ku noqon karo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, kadib doorashada 17 Bishaan ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Wuxuu shaaciyay waxyaabaha uu qaban doono haddii loo doorto madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana uu sheegay inuu xooga saari doono iskuulada wax lagu barto iyo goobaha diinta lagu faafiyo. Fursadda koowaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha koofur Galbeed ayaa ah Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Shariif Xasan, oo sababi kara in labada dhinac “Shariif Xasan iyo Musharaxa DF taageersan tahay” aysan heli fursaddaha codadka xildhibaanada. Waxay taasi siin kartaa Fursad uu ku heli karo codadka ugu badan, maadaama Shariif Xasan uusan heysan taageero badan, Xildhibaanadana ay dhaqaalo qaadan karaan kadibna dooran karaan Musharax ay talo ku yeelan karaan go’aanadiisa. Fursadda labaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa ah inuu kasoo jeedo Beesha **** gaar ahaan ****, Xildhibaanada **** ayaa horey u taageersanaa Shariif Xasan oo Abti ay u yihiin, maadaama ay yaraayeen musharixiinta beeshaasi kasoo jeedo oo codadkooda ay siin karaan. Maadaama hadda ay heystaan nin kasoo jeedo **** oo taageero badan heysta, waxay taasi keeni kartaa in xildhibaanadii horey ugu codeyn jiray Shariif Xasan inay codkooda siiyaan Muktaar Rooboow, waxaana ay heystaan tiro xildhibaano ah. Arinta seddexaad ee keeni karta in Rooboow madaxweyne noqdo ayaa ah, inuu horey u balan qaaday in Goobta dhibaatada ugu badan ay ka jirto Koofur Galbeed oo ah Shabeellaha Hoose inuu wax badan ka qaban doono isbaarooyinka qabiileed ee yaala Shabeellaha Hoose iyo Al Shabaab. Balanqaadkaasi ayaa u sahli kara iyo xildhibaanada ugu badan ee **** inay taageeraan oo codkooda ay siiyaan, maadaama uu lasoo shaqeeyay Al Shabaab, uuna yaqaano xogo badan iyo hanaanka loola dagaalamo, maadaama Al Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shabeelaha Hoose. Wuxuu sidoo kale heli karaa taageerada beelaha kala duwan ee Koonfur Galbeed oo doonaya in deegaanadooda ay noqdaan goobo nabdoon, waxaana xildhibaanada qaar ay u balanqaadeen taageero badan. Xigasho
  20. Today, Rooboow met ardeyda Baydhabo iyo macaliimiintooda. It seems he has a considerable public support, but will that translate into xildhibaanada Koonfur Galbeed's support. It is usually who is paying the highest that will get the votes. Will Qadar fund Rooboow, though dowladda dhexe would not like that. We will see. He also seems to be the only musharax that talks about what he is specifically going to do and what his policies are. He should formulate those policies down, though. He needs real seasoned political advisers.
  21. This iyo solar panel farms could do wonders for us. We have a lot of land with a lot of untapped energy productions which is a lot more than our energy needs. We can export them even. We can also put endless wind power mills in the that big ocean of ours. Intaa isku maqanahay ayuuba adduunkii dhamaanaa, without ever using our natural resources.
  22. Che, you keep in tabs all Xabashiland issues. Our very own Tigrey guest resident disappeared into wilderness ever since Tigrey's power suddenly weaned. Poor them.
  23. They will receive as they did before without any fuss, but been beentii hore wey dhamaatay, now waa inay keenaan meeshee lacagaha ay heleen ku baxday, hence xisaabxirka dowladda dalbatay. Keenida lacagaha dowladda siiso meeshee ku baxday iyo inaynan kororsan karin xilkooda markuu waqtigooda dhamaado were the two key sticking points. Shariifka, Gaas iyo Madoobe all wanted to extend their reign and delay the selections.
  24. Madaxweynaha gave a wonderful speech in Juba, Koonfurta Suudaan. Madaxda maamul goboleedyada waa inay ogaadaan xadkee howshooda ku egtahay. Since Adisababa ay u carari jireen laga soo xiray, their useless meetings and its ever more baaq from those meetings, all in the name of staying politically relevant, doesn't help Soomaaliya. They just want to stay relevant since they won't receive any more direct deeq from caalamka without dowladda dhexe's knowledge.
  25. After seven years and half, it seems Reer Baydhabo are the first in Soomaaliya to implement Odey Soomaali's idea of cobblestone roads and streets. The stones are locally sourced and provides jobs to many of the locals.