Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed iyo shirar dhacay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay musharixiinta Koofur Galbeed ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Musharixiinta ayaa safiirka u gudbiyay walaaca ay ka qabaan doorashada Koofur Galbeed, waxaana dhankiisa uu kala hadlay sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xor ah oo Musharixiinta ay ku wada qanacsan yihiin. Mukhtaar Roobow ayaa kamid ah musharixiinta kasoo muuqday kulanka dhexmaray Safiirka UK ee Soomaaliya iyo musharixiinta Koonfur Galbeed, waxaana kulanka maanta uu ka dhacay xarunta QM ee magaalada Baydhabo. 7 Maalin ayaa ka harsan waqtiga loo balansanaa inay doorasho kaga dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashada sanadkaan ka qeyb galeynin Shariif Xasan Sheikh Aadan oo iska casilay xilka madaxweynaha kana tanaasulay Musharaxnimadiisa. Musharixiinta ayaa doonaya in dib loo dhigo doorashada, laakiin dowladda ayaa dooneysa inay waqtigeeda ku dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed. Safiirka UK ee Musharixiinta la kulmay ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo leh doorashadaasi u dhici laheyd. Xigasho
  2. Daahir, if Rooboow was Indhacadde, Daahir Aweys or any of former iljeex members of Barbaarta, our brother Dalmar would have written 180 degree completely different than what he just wrote on this thread.
  3. Cagjar iyo Shide oo soo biiray the three amigos.
  4. Thos won't be possible in our lifetime or next, but otherwise in ganacsiga la isku furo Soomaaliya ayee faa'ido weyn ugu jirtaa. More mini-Islii ayaa Adisababa laga furaa and our fishery industry can have a large land-locked market like Xabashiland. Kiinya, Tansaaniya iyo Ugaandha have been trying this integration thing for decades, and nothing is feasible yet. If anything, they will be the first.
  5. Dalmar iyo Samafal, banooniga isku meel aa u wadiin laakiin laba goal posts ku laadeysiin ee caadi iska dhiga. Degmo iyo magaalo walba oo hormarto waa Soomaaliya horumarkeeda.
  6. Keep friends close, enemies even more closer. Soomaalideena should not waste a political opportunity like this. Waa inaa dalkeena ku hormarinaa, iskuna keenaa without Xabashi interference. I am sure Farmaajo will go to Jabuuti, and tell them Soomaaliya will always be their big brother and our interests should always remain and be the same.
  7. I will never buy or fly with anything Xabashi owned, nevertheless I hope this new route by this airline will lower airfare prices to Muqdisho for Soomaalida. Kenya Airways will soon start another route as well in the next two months. And soon I hope Soomaali Airlines in dib loo howlgaliyo. This should also encourage to expedite Jubba and Daallo airlines to officially merge under one name and company, and buy modern airlines. Otherwise, flying domestically ayee ku soo hari doonaan or die all together. Sheekadii hore ma soconeyso.
  8. Diyaaradda Ethiopian Airways oo bilowday duulimaad toos ah oo labada dal Waxaa Maanta oo Jimca ah markii ugu horreysay muddo 41 sano ah soo Caga dhigatay Gegida Diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airways. Waxaa haatan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soconaysa munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynayo imatinka Diyaaraddan. Waxaa munaasabaddan goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya. Diyaaraddan ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport Muqdisha ka dejisay Rakaab Soomaaliyeed oo ka yimid Dalka Ethiopia. Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa indhawaalaba ku tallaabsanayay horumar xagga duullimaadyada caalamiga ah, waxanay tallaabadani qayb ka tahay guulaha isku xirka caalamka iyo kuwa dhaqaale ee ay gaadhay dowladda federaalka Soomaaliya. Xigasho
  9. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ka wada hadlaya dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray dalkan Itoobiya oo ay ka furmi doonaan wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Mudane Abiy Axmed. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah. “Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.” Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah. Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalalka Gobolka, xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga, daris-wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka. Xigasho
  10. A Soomaali can - and should - never trust a Xabashi, nevertheless the new Xabashi leadership so far seems to coincide our own special interest, hence we should take the complete advantage of it. In this transitional non-interference by Xabashi government, waa inaa ku soo dhameynaa aayaheena, first completely bringing all maamul goboleed under dowladda dhexe guardianship and tutelage. They should never - and must not be allowed - to deal with foreign affairs again. They are on their weakest point now. This opportunity should not go to waste. I am sure the three amigos' next meeting will be in Muqdisho.
  11. Waa runtaa. Shariifka would have never left if the Xabashi leadership that was in power earlier this year were in power still. No way he would have gone. He and his cohorts like Gaas and Madoobe so many trips ayee Adisababa ku aadi lahaayeen. But sheekadaas wey dhamaatay.
  12. Saalax, this is some pretty damning allegation. I googled and it seems the author is Maxamed Xaaji Ingiriis, so I will have my reservations about this. I remember Maxamed Xaaji being a pro-warlords back in 2001-2004, back during shirarkii Soomaalida loo qabanaaye in Kenya, when he used to publish qoraallo iyo maqaallo online while based in Nayroobi.
  13. For sure he will be back after a few months of relaxing in Nayroobi. The likes of Shariifka cannot stay away from Soomaali politics, unless there is something (e.g. health-wise) we don't know. His son is a seat holder in baarlamaanka dowladda dhexe, elected by Shariifka's subclan. So the son will step aside and allow him to get in baarlamaanka in 2019. After that, he will try to gather wixii anti-madaxweyne Farmaajo ahaa oo dhan, then try to unseat guddoomiyaha baarlamaanka. I can almost see how the production of this film will go on already now.
  14. That Nigerian is a Catholic, which is a huge plus in Talyaaniga. Soomaalida are Muslims, so no average racist Talyaani (while they give you friendly smile at your face) would vote one in. Plus, most Soomaalis who settled in Talyaaniga moved to other parts of Yurub, notably to UK during the '90s. This Nigerian also represents a racist, extremist party, which many members of it don't want him in their party either.
  15. Ilhaan will do American national media tour now, starting on Wednesday with Whoopi and her fellow talk show hosts:
  16. Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka. Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda. Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya. Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga. Xigasho
  17. Ka naxoow nafta waa - Soomaali diidoow silac u dhimo. Cayayaankii rabay inay Soomaaliya iyo Turkiga xiriirkooda xumaado ciil ha u baqtiyaan. Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, along with huge delegation, are in Muqdisho now, hosted by ra'iisul wasaaraha for a formal dinner at aqalka ra'iisul wasaaraha.
  18. Madoobe tolkiisa, who are my reer abti, ayaa si waalanimo ah ula jiro, plus the corrupt Kiikuuyo meesha ku haayo. Sidee tolkiisa qaarkood ula jiraan waa yaabeysaa. I think it has to do over-investing real estate market in Kismaayo by this section of tolkiisa in the last seven years, especially the diaspora ones. They are afraid losing this. Unless mid asaga ilma adeer yihiin dowladda dhexe meesha keento ku badasho or ciidamada Kiikuuyada ka baxaan, it won't be easy
  19. He will back Rooboow, if he publically backs anyone at all. What a seven and half years make. In Juun, 2011, the two Shariifs humiliated Farmaajo, forcing him to resign as a ra'iisul wasaare when majority of the population were against it. I was in Islii on that day, and there was a major protests, which I participated and took countless sawiro and videos of it, which I still have them to this day.
  20. And now gollaha maamul goboleed ku sheega afhayeenkooda is gone too. This means gollaha qarka u saaranyahay inuu burburo. Soon Xaaf will perhaps announce he too is no longer a member. __________________ Afhayeenki golaha madax goboleedyada oo iscasilay Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa Afhayeenimo. Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey inay tahay maadaama uu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo uu maamulkiisa ka mid ahaa. Waxa uu ahaa wasiirka dastuurka Koonfur galbeed Wuxuu tilmaamay inuusan afhayeen sii ahaan karin maadaama uu meesha ka baxay madaxweynihii uu markii hore meesha ku yimid. Hadalka Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa loo macneyn karaa in Koonfur Galbeed aysan iminka xubin kasii ahayn golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, taasi oo dhabar jab wey ku ah golaha. Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda. Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la filaaa inuu noqdo qof ku xiran dowladda dhexe ee Muqdisho. Xigasho
  21. Awshariif uultimo waa isdhiibay. Laakiin ninkaan siyaasadda been been sahlan uguma baxaayo so he must have something under his sleeve.
  22. Aqoonsi waa cirkoo dhiig ka soo da'o. Saalax, why do some so-called wariyaal in Waqooyiga lie to the poor folks when they call the ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya to ergeyga Soomaaliya iyo Waqooyi Galbeed. That is blatant lie. Ma xishoodaan miyaa?
  23. When will Reer Ingiriiska hurdada ka kici doonaan and send one to House of Commons? Also Reer Australia. Iswiidhan even has a Soomaali sister elected to their national assembly, Riksdag.