-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Afhayeenka Cagjar is Coldoon?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Coldoon is posting more pictures on Facebook from the trip Cagjar is undertaking in Soomaali Galbeed. -
Head of Ethiopian Consulate in Hargeisa arrested
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Their faces manifest it all: They are actual jaajuusiyaal maafiya ah. -
Head of Ethiopian Consulate in Hargeisa arrested
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
In Nofeembar 6 macsalaameys sagootin farewell, he received these: Balaayo kula shaarbo weynaato. -
Head of Ethiopian Consulate in Hargeisa arrested
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Look at this Tigrey jaajuus opening the session of baarlamaanka Garoowe ka dhisan: He should have no business to do things like this. -
Head of Ethiopian Consulate in Hargeisa arrested
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Yes, he removed the three Tigrey jaajuus from Soomaaliya. Kii Garoowe u fadhiyey laba toddobaad ka hor ayaa la qadaanqadiyey: Dowladda Puntland oo saagootisay Qunsulkii Ethiopia ee Garoowe Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garòowe munaasabad casho sharaf iyo sagootin ah xalay ugu sameeyey qunsulkii hore ee qunsuliyadda Itoobiya u fadhiyey Puntland Mr. Asmalash oo ay dhammaatay muddo xiliyeedkiisii shaqo. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa munaasabadda ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenkiisa Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Mr. Asmalash ku ammaanay shaqada adag ee uu kasoo qabtay Puntland iyo sida uu u xoojiyey wadashaqaynta Itoobiya iyo Puntland. ” Runtii ma dhicin in aan maalin dhibsano shaqadiisa Danjire Asmalash, marwalba wuxuu u shaqaynayey si hufan, mana ahayn nin xafiiskiisa kaliya ku eg ee si balaadhan ayuu uga shaqayn jiray wanaajinta xiriirka labada dal, waxaan jaraynayaa midka badali doona in uu noqdo mid la mid ah, aad iyo aad buu u mahadsan yahay, waana u hambalyeynaynaa meel walba oo uu tago” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa sheegay in Asmalash uu dhexgalay bulshada Puntland, waxaana uu tilmamaay inuu ahaa nin shakhsiyad wanaagsan oo markasta dhanka wanaagsan wax u xaliyo. ” Waxaan rabnaa dhammaantiin oo uu ugu horreeyo qusulku in aan idiinka mahadcelino wadashaqayntii wanaagsanayd ee aad dadka iyo dowladda Puntland-ba aad la lahay’deen, muddadii aad joogtey waxaad ka mid noqotay reer Puntland, sida aad dadka iyo dalkaba u kala garanayso, kan imaan doonana waxaan ka rajaynaynaa sidaas oo kale”. Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey Mr. Asmalaash iyo hadiyado gaar ah oo ay kamid ahayd dharka hidiyo dhaqanka Soomaalida, sidoo kale Madaxweynaha ayaa iyana hadiyado gudoonsiinyey laba sarkaal oo dhammaystay shaqadoodii iyaguna. Xigasho -
Waxee u egtahay inuu Coldoon noqday afhayeenka Cagjar dhanka baraha bulshada. Would SOL's own member Saak confirm this, baliis. On Coldoon's own Facebook page:
-
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maxaa ka jira in dowladda QADAR ay taageereyso musharax Abu Mansuur? Taleefishinka Al-Arabiya ayaa bogiisa ku qoray warbixin lagu sheegay in dowladda Qadar ay taageereyso Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Warbixintan ayaa lagu sheegay in Roobow uu yahay qeyb ka mid ah qorshaha ay Qatar ku ballaarineyso saameynteeda siyaasadda Soomaaliya. Qadar ayaa la sheegay in markii hore ay qeyb ka ahayd in Roobow kasoo baxo Al-Shabaab, islamarkaana noqdo siyaasi caadi ah, oo dadkiisa dhinaca ka raaca, sida warbixinta ay leedahay. “Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay in Roobow uu xiiriir la leeyahay Qadar, ayada oo warbaahinta Qadar [Al-Jazeera] ay gacan ka siiyeen isku day uu sumcadiisa dib ugu dhisayo kadib muddo uu Al-Shabaab ahaa” Warbixinta Al-Arabiya ayaa u muuqata mid dowladda Qadar ku eedeyneysaa inay hogaamiye argagixiso u gacan gelineyso awoodda mid ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya. Al-Arabiya waxaa leh dowladda Sacuudiga, oo xurguf ay kala dhaxeyso dowladda Qadar. Ujeedada horey ee loo aas-aasay Al-Arabiya waxay ahayd in lagula loolamo taleefishinka Al-Jazeera oo Qatar ay leedahay. Sacuudiga iyo xulufadiisa ayaa horey ugu eedeeyey Qadar inay taageerto kooxaha ay reer galbeedka argagixisada ugu yeeraan, sida kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, iyo kooxda Xamas ee Falastiin. Warbixintan Al-Arabiya ay Roobow kula xiriirisay Qatar ayaa waxaa suurtagal inay qeyb ka tahay ololaha dowladda dalkaas loogu eedeynayo inay gacan siiso kooxaha argagixisada. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Shariif 'abtigiisa' kama jano tago: Shariif Xasan oo la ogaaday inuu taageerayo mid kamid ah musharixiinta K/Galbeed Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo in magaaladaas laga dareemayo taageero uu Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ahaa mudaxweynihii hore ee Maamulkaas uu u fidinayo musharaxa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu heshiiskii uu galay ay kamid aheyd inuusan taageeri karin Musharixiinta Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa fuliyey laba qodob oo kamid ah qodobadii uu Dowladda ku heshiiyey oo kala ahaa inuu xilka iska casilo isla markaasna uusan isisoo sharixin, balse wuxuu si cad u jabiyey qodobkii ahaa inuusan taageeri karin musharixiinta Maamulkaas. Wasiiradii iyo xildhibaanadii sida weyn u taageersanaa Shariif Xasan ayaa la arkayaa iyagoo taageerayo Rooboow Abuu Mansuur oo ah wadaad dhawaan kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab iskuna soo taagay Xilka madaxweynimo ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegayo inuu Shariif Xasan uu ka taageerayo Roobow dhanka Maaliyadda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin arrintaan. Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu dhawaan Dowladda Soomaaliya ka qaatay lacag Laba Malyan oo Dollar ah si uu uga haro madaxtinimada Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa wadato Musharax Lafta Gareen, wuxuuna cadaadis xooggan kala kulmayaa Roobow oo heysto tiro badan oo ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Reer Afgooye want him too, I guess. -
Switzerland: the perfect system for the Somali people
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Tallaabo's topic in Politics
Reer Iswiserlaan isku af, diin, dhaqan iyo deegaanba midkoodba ma'aha. Dantaa ku qasabtay inay maamulkooda u sameystaan suu u sameysanyahay. Having said that, dal ka cunsireysan Yurub ma jiro. Abtigey 18 sano ku noolaa, 15 sano ka mid ahna u shaqeynaaye until pension noqday ma siinin dhalashadooda, only degnaansho la cusbooneysiinaayo every year. I met qoftoo baasaboorkooda heysato in Islii in 2009. She kinda seemed proud of having that Red Cross-flagged passport, with her thick Jarmal-speaking language. Qof isku dhaceyso ahayd. Waaba la iga casuumay inaa Zurich tago. She is still awaiting. -
Tanzania's big infrustructure project
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dahireeto's topic in Developement | Projects
Not Shiineeska but Turkiga? Waa wareey. Xaaji Erdogan's African vision for his country is becoming ever more tangible. -
When is this (s)election? Janaayo, 2019? Toogtaan inay jagada u daayaan Reer Sool ama Reer Sanaag ayaa u dhaanto. Ceeb weyn waaye labaatan sano inay sadex walaalo lagu sheegay isku bad badalaan jagada dadka deegaankaas dhan ka wada dhaxeyso. Haddeenan u deyn karin ama u ogoleyn madaxtinimada u sareyso, marka sheegashada gobolladaas ha iska dhaafaan, only Bari iyo Nugaal ha sheegtaan ama ku ekaadaan.
-
The evil Jeegaan has crossed all cultural and human decency.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to galbeedi's topic in Politics
Meeshii loogu hanjabi jiray in loo dhiibi doono the likes of Naciimo Qorane iyo Coldoon ayaa calankeena suuban ka babanaayo maanta, Naciimana hadal dhiiragalin heersare ah ka jeedineyso. Naciimo Qorane oo Jigjiga joogta. What a few months had it been. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Ciidanka Gaadiidka Badan heysta Duleedka Muqdisho oo la ogaaday waxay yihiin Taliyaha ciidamada Xooga dalka Gen Daahir Aadan Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxay yihiin ciidamada gaadiidka tirada badan ku xanibay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn. Indhaqarshe, ayaa eedeyn u jeediyay hogaanka Saadka ee ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay bixiyaan dharka ay xiran yihiin ciidamada gaadiidka isbaarada u dhigtay. Taliyaha ciidamada xooga, wuxuu sheegay in ciidamada gaadiidka heysta inaysan ka tirsan ciidamada meletariga Soomaaliya, balse ay heleen dareeska ciidamada meletariga Soomaaliya, sida uu sheegay. Taliska Saadka ayuu ku eedeeyay Indhaqarshe inay si qalad ah ku bixiyaan Tuutaha ciidamada meletariga, taasina ay sharaf dhac ku tahay ciidamada xooga dalka, sida uu sheegay. Ciidamo wata dareeska ciidanka Meletariga ayaa xaniban inka badan 200 oo gaadiidka Xamuulka qaada, oo ay ka doonayaan dhaqaalo badan sida maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen. Shan kun doolar ayaa la sheegay inay gaari walbaa ka doonayaan ciidamadan oo ka careysan mushaar xumo heysta, sida maamulka Shabeelaha Hoose uu sheegay. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Gadiidka xamuulka ee ka baxa muqdisho oo ku xaniban duleedka Afgooye Gawaarida xamuulka ee shixnadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku xaniban duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose, gawaaridaan ayaa shixnadaha ganacsi ee ay sidaan intooda badani waxay ku wajahan yihiin Gobolada Bay, Bakool, Gedo illaa xuduudka Itoobiya. Sida ay baahisay warbaahinta gudaha sababta ay gawaaridaan u xaniban yihiin ayaa lagu sheegay in gaadiidka lagu soo rogay canshuur aad u badan oo ay sheegeen in aysan awoodin bixintooda, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaadiidkan ay ku xaniban yihiin inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn, tira gawaaridaan ayuuna ku sheegay in qiyaas ahaan ay gaarayaan 200 oo gaari. Ciidamada dawlada ayaa la sheegay in gadiidlayda ay ka codsadeen in ay bixiyaan lacag ka badan midi ay bixin jireen, sababta ayaana lagu sheegay in mudo aysan ciidanku qaadan wax mushahar ah. Xigasho -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Among the reasons Reer Koonfur Galbeed vocally support Rooboow is this: There are so-called 'ciidamo' qaran, wearing dareeska ciidamada oo isbaarooyin u taalo between Afgooye iyo Daafeed in Shabeellaha Hoose, wixii baabuur, xaamuul ama ha yaraado maro baad ugu qaato lacag, hence the complaints of ganacsatadaan. Rooboow promised that won't be the same and will kick them out of Shabeellaha Hoose. Shariifka never cared about those mööryaan, even might have been close to their leaders. -
Galbeedi, are you sure you are talking about the same Mudug we all know. Mudug waa wada ognahay, deegaankaas dadka degan waa ognahay madax adeegooda, reer iyo qabiilkee yihiinba ha ahaadaanee. Walaa gumeystihii Talyaaniga, walaa dowladii rayidka, tii Kacaanka iyo burburkiiba ka dib. Dadkaas si sahlan kuma wada noolaan karaan. Xasan Sh. Maxamuud, wax uu kab kabay ee wax ma dhisin. If uu dhisi lahaa, saan si sahlan uma burburteen all the time.
-
Muuse Lokal: Axmedoow, meet me, see me, please
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
The shameless secessionist have missed this bow humiliation to Xabashis, which hadn't happened for half a year. Saf sidee ugu jiraan ayaa igu daran, sida ardey kindergarten camal ah. Such a brazen ignominy. Dhurwaa and his likes are agitating for one. -
Muuse Lokal: Axmedoow, meet me, see me, please
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Calaacal after endless calaacal. Dhurwaa wali quuqdiidsa ma joojinin. Wiil yar, wiil weyn, wiil dhexe waligaaba ku haay, Awdhurwaa. Xabashiland siyaaradooda ayee ahayd. -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Fadeexad Qabsatay Maanta Murashax Laftagareen & Guushii Rooboow (Kulanka Maanta Baydhabo) Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ka dhacay Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Safiirka UK Ee Soomaaliya iyo Inta badan Murashaxiinta utaagan Qabashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka David Concor iyo Murashaxiinta ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Doorashada dhaceysa sabtida dambe 17 Bishana ku beegan. Ilo ku dhaw Shirkaas waxay sheegeen in Murashaxiin uu ka mid ahaa Rooboow Abu Mansuur ay joogeen Kulanka ayna yimaadeen Murashaxiin uu ku jiray C/casiis Lafta Gareen. Safiirka UK ayaa Bahdil ku sameeyey Murashaxaas ay Dawlada Dhexe wadato oo Murashax kale wada socdeen laguna magacaabo Dr Ibraahim,maadaama loo diiday inay shirkaas ka qeyb galaan. Warar kale ayaa sheegaya in uu ubadan yahay Abu Mansuur Rooboow in Madaxweyne Loo doorto,marka loo eego Saadaalinta iyo sida ay wax usocdaan. Danjire Concor ayaa waxa uu si gaar ah markii Kulanka dhamaaday oo murashaxiinta istaageen codsaday inuu haro,isagoo yiri Madaxweyne Rooboow fadhiiso kadibna kulan kale oo Saacado qaatay la yeesheen. Shakiga waxa uu ka yimid meeshaas, maadaama Abu Mansuur ay ucarfeyso Xilka madaxweynaha Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xigasho _____________________ It seems danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya met Rooboow separately after he met him among with other independent candidates. Taloow maxaa laga hadlay? -
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
I think the (s)election will be delayed now. Holding it within a toddobaad won't be possible, all independent candidates want it to be delayed.