-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Ileen wuxuu xaafaddiisa Hargeysa iskaga fadhiyo waa plan B xataa ma heysto? Ha iska qayilo, ha iska qarawo dhib malaha inta laga soo dhameystiraayo bahlo rifida. Muuse Muqayil is so desperate these days he is calling around Axmed Madoobe in Kismaayo, Gaas in Garoowe iyo Xasan Sh. for an advise iyo isxulafeysi ka soo horjeedo dowladda dhexe. Such a desperation.
-
The original guulwade
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Only a truly sick, twisted mind, influenced by Western ways, would think something as innocent as that image implies anything but. Get your mind out of the gutter. -
A true wannabe geeljire. A muqayil geeljire waa ii koow laakiin. By the way, Saalax, maxaa ka jiro Muuse Muqayil's lieutenant in laga celiyey Adisababa a few days ago? Waa loo diiday inuu ku galo baasaboor beenaadka. Jabuuti ayuu ka dhoofay on his way to Ingiriiska, with his Jabuuti baasaboor. Cunaqabateynta dowladda dhexe weyba sii balaaraneysaa and that is why Muuse Muqayil qeylo, quuq, aflagaado iyo afxumo ka soo hartay baryahaan. Qof bahlaha laga rifay waaye oo xabsi xaafad laga dhigay.
-
Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Mar kale iyo dib u dhac ku timid xulashada (selection): Doorashada madaxweyne ee KOONFUR GALBEED oo mar kale dib loo dhigay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhawaan la magacaabay ayaa Maanta markale shaaciyay in ay dib u dhacday waqtiga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed. Doorashada ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta Bishan Diseembar oo ku began Arbacada soo socota hayeeshee markale dib loo dhigay dhowr sababood oo ay soo bandhigeen Guddiga. Doorashada ayaa la sheegay inay dhici doonto 19 Diseembar. Xigasho -
Afhayeenka Cagjar is Coldoon?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maskiinka daruufta ku sababtay inuu Jigjiga magangalyo u doonto. Mustafe Cagjar wuu ku mahadsanyahay. -
Afhayeenka Cagjar is Coldoon?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xarig iyo Xorriyad Bishu waa 12aad sanadkuna waa 2017, waxa aan soo gaadhay magaalada Hargeysa aniga oo ka soo kicitimay magaaladaydii Burco , barri oo kale waxa la caleemasaarayaa madaxweynaha loo dooratay Somaliland , waxa aan ku sii jeedaa magaalada Dooxa ee xaruunta dalka Qadar oo dalkugalkii aan u haystay waxa ku dhowyahay in uu dhoco . labo arimoodba qorshaha ayey iigu jiraan , in aanan gagida diyaaradaha ee Hargeysa ka dhoofin ka hor inta aanu madaxweynaha cusubi xilka la wareegin si haddii wax i soo gaadhaan la helo cidda loo raacayo ee mas’uuliyadda qaadanaysa maadaama oo lugu jiro xili u dhexeeya laba madaxweyne mid xilka sii hayya iyo mid la doortay, aniguna aan sidaydaba si joogta ah uga warwarqabo dhinacyo ku aargoosta awoodda sharciga, qorshaha labaadna waxa uu ahaa in aan goobjoog ka noqdo munaasabadda caleemasaarka, qorshaha koobaad waxa igu dhaliyey filasho aan ka qabay xadhig kaddib warbixin aan ka diyaariye wiil reer Gabilley ah oo loo dhiibay Jabuuti iyo faalo aan ka qoray taliyaha booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal iimaan markii uu madaxeynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo labadiisii tobood ee u dambeeyey u dalacsiiyey Fadal darajada ciidan ee sareeya-gaas. Arinkii aan isku beegayey dhac aniguna baxay sii maray Muqdisho oo hawlo kale oo shaqo ii yaaleen islamarkaana ahayd marinkayga, gaadhay Dooxa markii ay taariikhdu ahayd 26/12/2017 ,oo aan ku talogalsanahay in aan soo joogo ku dhawaad labo todobaad. Bilawgii joogtitaankayga Dooxa waxa i soo gaadhay war sheegaya in gagida diyaradaha ee Hargeysa la soo gaadhsiiyey amar qabashadayda ah kaas oo sababay in aan nagaado oo aanan ku degdeigin laabasho. Waxa aan joogaba waxa aan go’aansaday in aan la soo xidhiidho ilo ii hubiya warka xadhigu in uu jiro iyo in kale , Waxa aan 5/2/2018 la soo xidhiidhay Faysal Cali-waraabe Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ii xaqiijiyey jiritaanka warkaas .waxa kale oo uu sheegay Faysal in uu hore uga maqlay afka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi isaga oo leh :”Ninkaa waan xidhi lahaaye wuu iga baxsaday “ arinkaas oo igu noqdo mid aan in badan ka fakaro oo aan is waydiiyo marar badan madaxweynuhu kursiga waabu ku cusubyahaye waa maxay xadhigan uu ku taamayaa ? sidoo kale hadalkaasi waxa uu lumiyey kolsoonidaydii aan ku soo noqon lahaa . Faysal waxa uu balanqaaday in uu hawsha galidoono oo uu xidhiidh la samayndoono madaxweynaha , wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha booliska somaliland aniguna sidaas baan la qaatay . xidhiidhadii Fysal samee, igu soo warceli ii sheeg in xeer-ilaalinta loo gudbiyey dacwad iga dhan oo nuxurkeedu yahau waxa aad ku kacday arimo ka dhan “qaranimada Somaliland “ sidoo kale Faysal xidhiidhada uu sameeyeyey waxa uu ku soo ogaaday iguna wargaliyey in uu jiro cadaadis Soomaaliland uga imanaya dhinaca Itoobiya oo lagu dhaliilayo in ay talaabo iga dhan ah qaadiwayday . Faysal Cali-Waraabe waxa uu ku taliyey in aan arji soo qoro hawshuna sidaa ku dhamaato , arjigaas oo aan ku cadaynayo in aan faraha kala boxo arimaha siyaasadda oo aan ku eekaado arimaha samafalka. Mudadii aan joogay Qadar ayaa igu dheeraatay, waxa aan u boholyoobay magaaladaydii Burco oo inta ay ii jirtaa fogtahay , waxa aan go’aansaday in ka tago Dooxa oo aan joogay 4 bilood iyo 20 cisho, waxa aan u soo duulay magaalada Muqdisho 14/4/2018. Aniga oo ku sugan Muqdisho oo naawaliya ku noqoshada Burco , aanan qorin arjigii la iga sugayey ayaa waxa aan bilaabay todobaadkii ugu horeeyey ee bisha 5aad ee 2018 qoraalo ku saabsan dugsi loo hoydo oo gaar ah oo la yidhaahdo Abaarso oo dhaca duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa , dugsigaa waxa aan ka diyaariyey warbixino aan hore nooceeda looga diyaarin oo muran dhalisay .Faysal Cali waxa uu ogaaday warbixinada aan ka qoray dugsigaas , aad buu uga “xumaaday” arinkaa,sidaa awgeed waxa uu go’aansaday in uu faraha kala boxo hawshii uu ku jiray ee uu hore u balanqaaday in uu dhammayn doono.xilliga uu go’aankaa qaatay curashada bisha Ramadaan 2 habeen baa sokeeyey. Qaraaladii ma aan joojin , halkii baan ka sii waday , dhinaca kalena waxa aan ka fakarayey waa maxay qorshaha xiga ee aad ku gali kartaa magaaladaadii, aniga oo sidaa ku jira waxa arinkayga ka wada xidhiidhay oo wadahadal ka yeeshay walaalkayga iga weyn Dr.Mubaarik Sh.Muuse Coldoon oo markaa ku sugnaa dalka Sweden iyo Agaasimaha madaxtooyada Somaliland Maxmed Cali Bile oo ay ka dhaxaysay garsho ay dalka Yaman mudo wada joogi jireen , wadahadlkoodu waxa uu salka ku hayey sidii xal loogu heli lahaa imaanshahayga Somaliland iyo cabashada dugsiga Abaarso oo soo gaadhay madaxtooyada ,dhinaca kalena isla cabashada dugsiga Abaarso waxa igala soo xidhiidhay Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi oo kulan nagu dhexmaray gurigiisa Muqdisho , ka hor inta aanu iga codsan in aan joojiyo warbixinada ku saabsan dugsiga Abaarso waxa uu igu yidhi Xaashi : “khalad weyn baan gali lahaa haddii aan la ii sheegin in aad adiga tahay “ “ laakiin markii aan ku gartay baan dib u noqday “ hadalkaa oo aan u malaynayo in uu sidaa ahaa buu igu yidhi Cabdi Xaashi oo aan u fahmay in uu qaadan lahaa talaabo iga dhan ah , laakiin markii uu ii gartay Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon buu is dajiyey, kulankaasi na dhexmaray. 10kii dambe ee Bisha Ramadaan Maxamed Cali Bile waxa uu Dr.Mubaarik uga yeedhay Sweden oo uu fasax kula joogay qoyskiisa kuna yidhi kaalay Hrgeysa , ciidulfidrigii kaddib waxa uu Bile madaxtooyada ku kulansiiyey guddi ka socotay dugsiga Abaarso iyo Dr.Mubaarik ,dood dheer kaddib waxa ay gudidii soo bandhigtay in Cabdimaalik raaligalin ka bixiyo warbixinadii uu ka diyaariyey dugsiga, waxay taa raaciyeen in uu raaligalintaa bixiyo ka hor inta aanu soo cagadhigan Somaliland .sharuudahaa markii la i soo gaadhsiiyey ma ogolaan, waxa aan u rakayey warbixinada aan ka diyaariyey dugsiga in yihiin kuwo runta ku salaysan oo leh meel loo raaco,sidaa awgeed waan diiday in aan bixiyo raaligalin, waxa aan ka doorbiday in aan ka maqnaado magaaladayda halka aan iman lahaa aniga oo is hafray oo bulshadana dagay. Kulankii na dhexmaray aniga iyo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ee uu iga codsaday in aan joojiyo warbixinada ku saabsan dugsiga Abaarso waan ka ogolaaday , maadaama uu arinkii marayo heerkaa waxa aan go’aansaday in aan hakad galiyo hawshaa oo aan muujiyo in aan ahay nin qabsoomikara hadii loo baahdo iyo rajo aan ka qabo in aan dugsiga laftiisa booqdo oo aan ka diyaariyo warbixin madaxbanan oo aan waraaysi la yeelanayo maamulka, gudida iyo aradayda dugsigaas. 3 bilood iyo dheeraad markaan Muqdisho joogay, waxa aan go’aansaday in aan Burco uga ambaboxo , aroornimadii 26/7/2018 ayaan ka duulay Muqdisho, waxa aan ka degay magaalada Garoowe , isla galinkii dambe waxa aan ka soo raacay gaadhi ila soo maraya Laascaanood, Oog, iyo Caynaba, fiidkiiba waxa aan si nabad ah ku soo galay magaalada aan aduunka ugu jecelahay ee Burco , inta aan jidka ku soo jiray wadnaha Ayaan farta ku hayey , Allaah baa iga indhasaabay askarta istabaha, mahadi isaga ayey u sugnaatay. Burco markii aan maalmo kooban joogay waxa aan ogaaday in ciidanka booliska Burco la soo gaadhsiiyey amar lagu farayo in ay i soo qabtaan oo Hargeysa igu soo wareejiyaan amarkaas oo isla Hargeysa uga yimi .Hawlgalkoodii bay bilaabeen,waxa ay weerareen goobo ay ogaadeen in aan ku suganahay sida dugsi ku yaal magaalada Burco oo aanu shaqo waraabihineed u joogay aniga saaxiibkay diiriye Jaamac Cabdi , Allaah waxa uu qadaray in ay yimaadaan anaga oo woxogaa ka sii maqan , sidoo kale waxa ay ciidanku 18/8/2018 goor makhrib iyo cishe u dhaxaysa weerar culus ku soo qaadeen xafiiskayaga magaalada Burco ,weerarka in yar ka hor salaaddii makhrib baa taagnayd ,furaha xafiiskana maan haysan , gaadhi aan watay waxa aan hordhigay xafiiska ,aniguna waxa aan u dhaqaaqay si aan uga waysaysto dhinaca xaafad ila jaar ah oo iga soo horjeeday oo aan aalaaba u galo, salaadii marka aan dhamaystay iyo bariidadii reerka Ayaan is idhi dibedda u bax oo kaxayso gaadhigaaga , inan yar oo iga hor baxday oo adeeg dukkaanka looga diray baa albaabka igaga hor timi inta aanan bixin , waxa ay ii sheegtay in aaggba ciidan xidheen sidaa awgeedna aanan ka bixin guriga , meel daloosha oo albaabaka ah baan ka eegay , waxa aan arkay askar tuban , waxa aan arkay sidoo kale xafiiskaygii oo alaab taalay gaadhi lagu gurayo , askarta waxa la daadiyey horaanta iyo hareeraha xafiiska , waxa loo malaynayaa in aan ku jiro gudaha xafiiska , markii ay iga soo waayeen bay beelaabeen boolisku in ay baadhaan guryaha igu dheggen iyo kuwa iga soo horjeeda ,markii ay garaaceen gurigii aan joogay baan xagga dambe ka dhacay , guri kale Ayaan u dhacay , labo dumar ah oo joogay way igu saseen , qaylo ayey oodda ka qaadeen, cabbaar bay igu qaatay in aan fahansiiyo waxa jira , ugu dambayn way i garteen wayna aamuseen , labo wiil oo la joogay labada dumarka ah oo aan ku qiyaasay da’dooda 7 ama 8 jirro afkaa kama ay yeedhin dagnaansho iyo xasilooni baa saarnayd , iyaga aamusiiyey gabadh saddexaad oo dibedda qaylo kale ka bilowday ,gaadiid baan dalbaday si aan uga boxo goobta halista ,markii uu soo istaagay gaadiidkii aan u yeedhay ee aan is idhi bax aniga oo midig iyo bidixba aad u eegeegaya waxa na soo hormaray gaadiid kale oo taksi ah oo mar dambe aan ogaaday in ay askari saarnayd , kaana Allaah iga indhasaab , raacay gaadiidkii Bajaajta ahaa ee aan dalbaday ee uu waday saaxiibkay Diiriye Jaamac Cabdi , askartii oo dhinac walba taagan dhaafnay , Allaah mahaddii meel nabad gaadhay. Habeenkaa markii boolisku ku fashilmay qabashadayda waxa ciidan lagu daadiye wadooyinka halbowlaha u ah magaalada , waxa aad loo baadhayey gaadiidka iyo dadka saaran. Labo bilood oo aan Burco joogay waxa aan ku jiray digtooni , booliskuna waxa ay iigu jireen heegan iyaga iyo kuwo kale oo lagaga soo xoojiyey dhinaca Hargeysa , gurigayga si joogta ah uma seexan jirin , guri kalena labo habeen oo isku xiga badanaa ma aan seexan jirin , warwarkeyga ugu weyni waxa uu ahaa in ay igu soo helaan nidaamka ( GPRS)ka lambarka tiliifoon ee aan ku hadlayo , lambaradayda caanka ahna inta badan waan iska fogayn jiray , waxa aan qaatay lambaro cusub aniga iyo dadka igu xeeran ee ii gaarka ah ee ila soo xidhiidhayaaba. Aniga oo habeen ka mid ah habeenada gurigaygii amni ahaan la iiga soo kexeeyey oo uu ila socdo saaxiibkay C/qaadir Cismaan Dubadd oo uu guri kale igu keenay gaadhi Ayaan waxa aan ku idhi “ Ninyohow aan ku raaco oo aan sharaab iyo wax soo iibsado suuqa ee ina mari “ waxa aan sidaa u leeyahay waxa aan rabaa in aan soo yar nafiso , saaxiibkay amnigayga awgii wuu iga diiday , waxa uu ii sheegay in boolisku baadhayaan caawa gawaadhida , sidaa awgeedna ay tahay in aan gudaha ku sugnaado oo isagu ii soo iibiyo waxa aan rabo , amarkii waan qaatay meel daarad ah oo hawada u furan oo guriga ka mid ah baan caw iska dhigtay , aniga oo qalabkayga iska rogrogana ayaa waxa la’iga soo wacay Messengerka Faysbuuga 20/9/2018, waxa i soo wacay nin aanu hawada iska baranay oo ka mid ahaa dadkii halganka kula jiray taliskii Cabdi iley , markii uu i bariidiyey ee aan is waydaarsanay warran iyo waa nabad ayuu igu yidhi la hadal Madaxweyne Mustafe ayaa ila jooga oo kula hadalaya eh, aad baan ugu farxay soowicitaankaa marka loo eego xaalada aan ku sugnaa , Madaxweynihii woxooga is waraysanay , ugu dambayn isla qaadanay in aan u soo boxo dhinaca Jigjiga. Aniga iyo saaxiibaday Siciid Maxamed Cabdi iyo C/Qaadir Cismaan Dubbad waxa aan u diyaargarownay socdaal aanu kagaga baxayno Burco oo aanu ku gaadhayno Jigjiga , socdaalkani wuu ka duwanyahay socdaalada kale , waa in aan la ogaan oo aan la dareemin ,jidka aanu iska ilaalino , waxa aanu sahaminoba markii ay taariikhdu ahayd 30/9/2018 ayaanu ka baxnay Burco waxa aanu kaxaysanay gaadhi xaajiyad ah oo aanu si gaar u kiraysanay , maalintii iyo habeenkiiba waanu sii soconay , markii aanu gaadhnay deegaanka Riyo-xidho, goorsheegtuna ay ahayd inta u dhaxaysa 10ka illaa 11-ka habeenimo oo aanu in yar dhaafnay magaalada ayuu wadihii xaajiyaddu yidhi “hadda ammaan baad tihiin waad ka soo gudubteen xadkii “, waxa aan ku idhi jooji haddaba gaadhiga waxa aan arkaa riyo aan ku riyooday oo rumowday eh , waxa aan ugu warmay riyo aan arkay oo ahayd sidan : “Markii ay ciidankii boolisku isku hareereeyeen gurigii aan hurday, ee aan hubsaday in ay i qabteen ,ayaan arkay meel daloosha oo ka mid ah saqafka guriga , maan sugine iyaga oo dibedda igu sugaya ayaan halkii koray oo xaluulay ,kadibna waxa aan ka baxay oo ka dhacay xagga dambe,markii ay sidaa labadayda lugood dhulka ugu dheceen ee aan yaqiinsaday in aan badbaaday baan maqlay cod aanan garnayn meesha iyo ciidda uu iiga imanyey oo igu akhrinaya aayadan: (نجوتَ من القوم الظالمين ) ( Najawta min Alqawmi Addaalimiin) Oo micneheedu yahay waxa aad ka badbaaday duulkii daalimiinta ahaa markii aan wadaha iyo saaxiibaday uga sheekeeyey riyada Ayaan ku idhi labada lugood baan dhulka ku dhufanayaa inta aan gaadhiga ka boodo sida riyada aan labada lugood dhulka ugu dhuftay , idinkuna aayadda akhriya , sidii bay sameeyeen ,meeshii wax yar oo nasosha ah baanu ku qaadanay , socdaalkii baanu halkii ka sii wadnay. Aroortii 2/10/2018 ayaa soodhwayn la noogu sameeye Degmada Qabribayyax oo aan ka fogayn magaalad Jigjiga , ugu dambayn Jigjiga ayaanu soo gaadhnay Kuwii ku dadaalayey in ay gacanta igu dhigaan sidaa iguma ay dayn eh, waxa ay iga soo dacweeyeen dawaladdan aan la joogo,balse sidii ay wax u rabeen looma yeelin , aniguna hadda waxa aan ku suganahay magaalada Jigjiga , waxa aan rajaynaa in aan maalin un ku noqon doono magaaladaydii Burco aniga oo nabad ah oo aanan ka warwarayn in gurigayga iyo xafiiskayga la iigu soo daato. Qore: C/maalik Sh. Muuse Coldoon -
Isdhexgalka barbaarta Soomaaliyeed waa loo baahanyahay. Kuwa aad u badan dhalinta Reer Waqooyiga ah Xamar u shaqo tagay sanadihii u dambeeye. Xataa kuwii jeelalka Liibiya laga soo badbaadiyey Xamar ayee ka shaqeystaan oo masii gudbinba. I guess asxaabtooda ayee soo kaxeeyeen oo ay Sanaag ee geeyeen, waana wax loo baahanyahay xilligaan.
-
Cabdicasiis Laftagareen oo beelaha Digil iyo Mirifle ka waayey wax taageero ah Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka niyad jabay sida ay u socdaan arrimaha doorashada ,gaar ahaan rabitaanka *** iyo ***. Lafta Gareen ayaa ilaa 4 jeer ku hungoobay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee *** iyo ***, waxaana la sheegay iney taasi walaac badan ku abuurtay. Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in *** iyo *** qaadan karin madaxweyne magac u yaal ah oo uu ula jeedo Cabdicasiis Lafta Gareen. Qaar ka mid ah xubnihiisa ololaha doorashada ayaa laga soo xigtay in markii ay diideen in odayaashu ay la kulmeen Lafta Gareen iney bilaabeen in dad iska caadi ah ay arrimaha qabiilada kala shiraan. Tiro labo jeer ah ayaa laga diiday Baydhabo iney ka dhacaan isu soobax loo abaabulay in lagu taageero Lafta Gareen, dadka deegaanka ayaana diiday oo u arka nin maqaar saar ah oo u shaqeynaya shaqsiyaad iyo beelo kale. Dowladda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney lacag badan ku bixineyso sidii loo dooran lahaa Lafta Gareen, laakiin ilaa hada waxey ka iibin la’a yihiin bulshada reer Koonfur Galbeed. Nabadoon Caliyoow Isaaq ayaa yiri “Xildhibaanada waa la iibsan karaa laakiin rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed lama iibsan karo, sidaa ha ogaato Dowlada dhexe”. Diidmada *** iyo *** ay diideen musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa laga yaabaa iney badasho mowqifka Villa Soomaaliya ee doorashada Koonfur Galbeed, madaama ay masuuliyad daro tahay in shacabka lagu qasbo qof ay diidan yihiin. Xigasho
-
Wararka suuqyada Koonfur Galbeed ka socdo maanta: Laftagareen oo beeshiisa ka waayey garab dhaqaale Wuxuu ahaa kulan wajigabax ah, mana uusan fileynin in sidaas ay ula dhaqmi doonaan beesha **** ,laakiin lama filaan ayuu la kulmay musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay joojisay taageero maaliyadeed oo ay siineysay musharax Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii ay hoos u dhacday rajada laga qabo inuu guuleysto. Dood badan ayaa ka timid sida uu Laftagareen ugu guuleysan karo doorashada dhici doonta 19ka bishaan December, waxaana aan xogta ku helnay in Dowlada dhexe ay dib u gurasho sameysay ,madaama ay adkaatay in *** iyo *** laga gado Cabdicasiis Laftagareen , oo gobalka taariikh madoow kuleh. Musharax Laftagareen ayaa asbuucan la fariistay ganacsatada iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay ee *** ee ku sugan Baydhabo waxaana uu weydiistay taageero maaliyadeed, laakiin kama uusan helin jawaabtii uu rabay. Mid ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb gashay oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa u sheegay Caasimada Online inuu Laftagareen dalbaday lacag dhan $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar). Wuxuu sheegay inuu aad ugu celceliyay “balan ayaa rag iiga baxeen, dadka qaar isku haleyn ma galaan” iyo ereyo kale oo loo fahmay inuu ula jeedo Dowlada dhexe. Ganacsatada beesha *** ayaa sheegay in aaney hada awoodin iney wax dhaqaale ah ku taageeraan Laftagareen, iyagoo ku dooday inuusan markii hore isku sharaxin talada beeshiisa. Nin ka mid ah odayaashii meesha ka hadlay ayaa yiri, “Qoladii kusoo dirtay ha dhameystirto howsha.” Waxaa la sheegay in musharax Cabdicasiis Laftagareen ay taasi niyad jab iyo rajo beel kusii riday. Kulankaan lagu hugoobay ayaa kusoo aadaya iyadoo ay maalmo uun ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Xigasho
-
Picture: Farmaajo the Ethiopian Stooge!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
A desperate pro-isbaaro cunug using a photoshopped Amiin Caamir political cartoon. This is the real political cartoon, created years ago: This maamul gobolleed so-called leaders and siyaasi Soomaaliyeed are exactly the corrupt opportunists dowladda dhexe iridaha ka soo xirtay, hence this lashing in unity from a wretched secessionist, a pro-isbaaro cunug like you and a lamenting Tigrey all united against to see a strong and rising Soomaaliya. Jecliyaa jabka Tigrey stooges and their Tigrey master. -
Raali gelin to Mudane President Roobow!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
Yarka yar ee isbaarodoonka ah oo dabeesha marba meel u raaco, at least I forced you to change Rooboow's thumbnail picture on SOL. I guess Rooboow's campaign promise of forcibly removing pro-isbaaro groups from Daafeed area should he be (s)elected forced you to change that. You should have known better before hurriedly posting a pro-Rooboow thread. -
The original guulwade
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Yaryaruurac yar ayaa tahay laba jir ah, meeshee dabeesha u socoto u duulaayo. Isbaaro iyo burcad wax dhaceyso meesha laguma gaayee ee nagu kala wad. P.S. - Don't force me to edit your posts by writing qabiil names on SOL. -
Siyaasiinta xanaaqsan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Siyaasiinta xanaaqsan daad aa qaaday: -
Galbeedi, fadlan fiirso the following clip si fiican u sharxaayo, particularly the first part: The so-called financial committee in baarlamaanka waxaa ku jiro the known spoilers iyo xulafadooda. They are also the failed politicians from dowladii Xasan Sheekh, the most corrupt one we have had possibly ever seen. They are all projecting what they used to do. Dowladaas yaala xisaabtami jiray? Waligaa dowladaas maka maqashay 'xisaabxir' iyo meelahee ku baxaan the budget, the specific allocations. Waa maya. Mudane Beyle modernised the financial ministry. And made it more transparent. When Xasan Sheekh's dowlad handed over, there was zero dollars left in the central bank and soldiers and civil servants were not paid at least seven months. This group of spoilers' attempt of manufacturing this bogus controversy had a prime target aimed at: International stakeholders. Since more international organizations - including IMF and World Bank - are paying directly to the financial ministry, they wanted to stop this source of income by creating this unfounded corruption allegation. Dadka iyo dalkeenaba uma daneynayaan those spoilers oo ka koow yahay Axmed Fiqi, Odowaa and other Dhiigacusub members. How come these same men meel walba been la taagan?
-
Siyaasiinta xanaaqsan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Quuqdooda wuxuu u batay kanaalkee ka shidaal qaadan jireen ayaa laga soo xiray. Since they are dad Xabashi adoonsatay, ciil ayee la baqtin rabaan Xabashi la'aantooda ay noolaan karin. Watch: -
Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay madaxii hore ee sirdoonka dalka Itoobiya Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhaqaale iyo mid socdaal ku soo rogtay madaxii hore ee sirdoonka dalka Itoobiya Getachew Assefa ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay xadgudubyo ba’an mudadii uu hayey xilka taliyaha sirdoonka wadanka. Talaabadan ayaa timid ka dib markii dhawaan aqalka wakiilada ee Mareykanka ay soo gudbiyeen qaraar lagu dalbanayo cunaqabateynta ninkan, kaas oo markii dambe meel mariyey Congress-ka Mareykanka. Getachew Assefa ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey in soo abaabulay isku day dil oo lagu khaarijin rabay ra’sul wazaaraha dalka Itoobiya, Abey Axmad intii lagu gudajiray dibadbax lagu taageerayey hogaamiyaha isbedal doonka ah ee la wareegay talada wadanka. Dambiyada loo heysto Getachew Assefa waxaa sidoo kale ka mid ah inuu gaboodfalo kula kacay kumanaan maxaabiis ah oo ku jiray xabsiyada wadanka intii uu ahaa taliyaha sirdoonka ee wadanka kuwaas oo isugu jira kufsi, jirdil iyo inuu koronto ku dilay maxaabiis ku xirneyd xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaalla dalka. Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada Federalka Mareykanka ayaa dhawaan tilmaamay in la helay xabsiyo badan oo qarsoodi ah oo sirdoonka Itoobiya uu ku tacdiibin jiray maxaabiista, kuwaas oo 7 ka mid ah laga helay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Dowlada Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga dhigtay in ka badan 10 sarkaal oo ka tirsanaa madaxda ugu sareysa ee sirdoonka Itoobiya, balse Getachew, taliyihii hore ee sirdoonka ayaa baxsaday ka dib markii uu ka warhelay raafka beegsanaya saaxiibadiisii hore. Getachew Assefa oo ah sarkaal aanan wax sawir ah laga heynin, weligiina ka soo muuqan warbaahinada, ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhuumaaleysanayo gobolka Tigreey oo ah halka uu asal ahaan ka soo jeedo. Xigasho __________________ Tigrey calankiisa dhacyey. I had seen yesterday American Ambassador in Xabashiland visiting the notorious torturing chamber by Ileey in Jigjiga, along with Cagjar.
-
BEYLE oo sharxay lacagtii dowladda Sacuudiga laga keenay iyo halka ay jirto Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay lacagtii dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya. Wasiir Beyle wuxuu sheegay in lacagtaasi ay aheyd mid dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya, isaga oo amaanay in lacagtaasi lagu aamino dalka oo toos loogu soo shubay Bangiga Dhexe ee dalka. Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi bil walbaa ay kasoo bixin jireen inta ay u baahdaan inay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda, oo aysan jirin cid si gaar ah lacagta kaga baxsaneysay Bangiga Dhexe ee dalka. Kalsooniyadda maaliyadeed ee ay sameeyeen xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay keentay in midowga Yurub dhankooda ay ku deeqeen 100 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda. Lacagta hartay ayuu sheegay inay gaareyso 15 milyan oo doolar ayna adeegsan doonaan marka ay u baahdaan sida uu hadalka u dhigay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. “Markii ugu horeysay Sacuudi Carabiga oo aan warbixin la siin jirin, ayaan warbixin ka siinay sidaan lacagta u adeegsanay, waxaan u dirnay labaatanka kun sidaan u adeegsanay, 15 Kun ee harayna waan u sheegnay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. Wasiirka maaliyadda ayaa dhinaca kale sheegay inaysan jirin dhaqaalo qaab aan la ogeyn looga bixiyo qasnadda dowladda Soomaaliya, waxaa kale oo uu beeniyay in xasaradaha siyaasadeed lagu bixiyo dhaqaalaha dowladda si loo xaliyo. Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in bil walbaa uu bixiyo warbixin la xiriirta dhaqaalaha wasaaradda maaliyadda soo galay iyo sida loo adeegsaday, halkaasna laga ogaan karo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wasaaradda. Xigasho
-
Somalia's Thorny Problems on the Horn of Africa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
Hambalyo ayaa leeyahay wiilkaaga, mustaqbal wacana waa u rajeynaa hadduu Rabi idmo. Dhalinta qalinjabineysay Soomaaliyeed yaa ogaado the ratio was 65-35 - 65% girls, 35% boys. Qurbahaan jaamacadaha iyo kuliyadaha waxaa aad ugu badan gabdhahaa than wiilasha. -
Raali gelin to Mudane President Roobow!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
Our pro-isbaaro boy wuxuu rabaa in saan dib loogu noqdo: Meel noolihii dhan - bini'aaden iyo noolaha kale - ka qaxay. Meel inta yar soo hartay isbaaro loo dhigto uu rabaa. Waraa Dalmar, waxaas ma soo noqonayaan ee iska iloow. No more isbaaro iyo xaaraan ku naaxid - those things went the way warlords Xaaraankunaax, Dhuxuloow, Seeraar, Indhacadde, Caato, Seerjito, Caydiid Sr and Jr iyo wixii la mid ah wada mareen - they are gone and will never come back along with their isbaaro-based ideas. -
Raali gelin to Mudane President Roobow!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
Qof macquul ah ku mooday oo runta loo sheegi karo. Aragaana Rooboow adigoo beri ka calaacalaayo, sida dabeesha ayaa marba meel u dhacdaa. Iljeexaan aad amaaneysidna waa kuwii xaasaskooda Koonfur Galbeed ugu soo cararay fuleynimo darteeda in 1999, including Caydiid Junior's xaas lagu qabtay Baydhabo, lana sii daaye. -
Waraa, if you think the secessionist sewage-dwelling creatures kuu dhoolacadeynaayo today inay dantaada wataan, think again. Those creatures were vehemently against Xasan Sh and Shariif Sh. Axmed as they are now against Farmaajo. Those creatures are more madder against dowladda Farmaajo because it achieved so much in a so short time and sidelined and kept their local Muuse Muqayil in his xaafad, in an open prison with no air travel. That killed them inside. Those secessionist creatures Soomaaliya (except Waqooyiga) iska burbursanaanto ayee rabaan and no horumar - so always keep that in mind.
-
Raali gelin to Mudane President Roobow!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
You think Rooboow would be lenient to pro-isbaaro groups isbaarada u taalo between Afgooye iyo Daafeed while using the national army dresses. He is campaigning to get rid of them, unlike Shariifka who pretty much looked the other way. My enemy's enemy is my friend amee kuu socon weydaa oo aad ka shaleyn doontaa. Rooboow and Saransoor are the ones who vowed to get rid and eradicate pro-isbaaro militias from all Shabeellada Hoose. Laftagareen amuu kuu roonyahay. Of all people, you should have been much more appreciative for dowladaan's leadership because they have yet to sign the execution letter that ilma adeer killer of yours who murdered wasiir Cabaas Siraaji., even as he was sentenced to death. -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Taliyaha AFRICOM oo qiimeeyey sida uu arko DF kadib markii Farmaajo uu kula kulmay Muqdisho Taliyaha ciidadmada Mareykanka ee AFRICOM Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa la shaaciyey inuu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya talaadadii shalay ahayd. Intii lagu guda jiray booqashada ayaa Waldhauser waxa uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sarakaiil sare oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya. “AFRICOM iyo dowladda Mareykanka waxa ay taageerayaan dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah, ayaga oo gacan ka siinaya dadaalka horumar waara iyo xasilooni amni looga hir-gelinayo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM. “Waxaan ku faraxsanahay xiriirka xooggan ee aan la leenahay madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa” ayii yiri Gen. Thomas D. Waldhauser. Waxa uu intaas ku daray in “Farmaajo iyo maamulkiisa ay horumar wanaagsan ka sameeyeen Soomaaliya ayna caddahay in hadafkoodu yahay nabad xasilooni iyo horumar ka dhaca Soomaaliya”. AFRICOM ayaa sheegtay in siyaasadda dowladda Mareykanka ay tahay in Soomaaliya ay ka dhaceen xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Dhinaca kale Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa sheegay in wax kasta oo Soomaaliya ay ka sameeyaan ay ku fuliyaan codsiga dowladda Soomaaliya taasina ay qeyb ka tahay caawimaada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay ugu talo-gashay Soomaaliya. Xigasho -
The original guulwade
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa runtaa, xaaji.