-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Xildhibaanada baarlamaanka wey diidi karaan, siiba sharciga in la rabo la badalo, taasoo baarlamaanka loo soo wado toddobaadkaan. Sharciga la rabo la badalo: Maxaa ku qoran xeerka ay DF dooneysa inay bedesho ee Bankiga Dhexe Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkan lagu wadaa inay baarlamaanka federaalka ah hor keento wax badalka “Xeer Maamul Bankiga dhexe”, iyada oo arrintn ay horudhac u tahay in qof ajnabi ah loo magacaaba guddoominta bangiga dhexe ee Soomaaliya. Sharci No. 130, qodobka 4aad waxaa uu ka hadlayaa maamulka bangiga dhexe oo faqrada 1aad ee qeybta 4aad ka hadlaya maamulka sida; inay ka koobnaadaan guddoomiye, ku-xigeen iyo 5 kale oo fulinta ku jirin. Qeybt hadda la badali rabo waa faqrada 2aad ee qeybta 4aad oo ku qoran: (1) Waa inuu noqdaa qof hufan oo: Soomaali ah. Heysta shahaado ama aqoon u dhiganta oo nidaamka maaliyadda, lacagta iyo guud ahaan xisaabaadka. In aaney wax ka hor istaagaya sida ku qoran, qodobka 14aad ee xeerkan (2). Looma magacaabi karo guddoomiye bangi ama ku-xigeen isaga oo aan heysan Shahaado Jaamacadeed oo xagga maaliyadda, sharciga, lacagaha iyo dhaqaalaha la xiriirta. Qof aan heysan khibrad ka yar 12 sano. Waa inuu maamul ka soo qabtay hey’ado maxali ah iyo dowli ah…. (3). Shuruudaha kale ee maamulka waxaa ka mid ah guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa magacaabaya madaxweynaha kadib markii ay soo jeediyaan golaha wasiirrada, isaga oo 4 sano xasfiiska heyn-doona, marka uu qofka shaqada ka tagayo waxaa uu qoraalka u dirayaa madaxweynaha. Haddaba, xukuumadda federaalka ah ayaa dooneyso in la badalo qodobka dhigaya inuu Soomaali yahay, waxaana muuqa inuu booska qaban-doono qof ajnabi ah. Xigasho
-
Of course it is, Cadnaan. It is childish of Ingiriiska and it says more about how they are irrelevant in international political scenes, and their failing and messy poor attempt of trying to exite Midowga Yurub. Wax ixtiraan u haayo dowladda Ingiriiska iska yar and the world can see it. I am sure they will privately try to explain to Soomaaliya's government. We expulsed their ambassador once in1964 regarding NFD and we can do it today if Soomaaliya deems fit.
-
Just today, maanta oo Jimco ah: Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo booqday magaalada Baraawe Wafdi ballaaran oo uu hor kacayo Madaxweynah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Maanta gaaray Magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaasi. Waxaa safarka Madaxweynaha qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed , C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyne, Lafta gareen, ayaa ka mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee loogu soo dhoweeyay halkaasi, isagoo xusay inuu Baraawe kula kulmay Dad u bisil Dowladnimada iyo maamul wanaagga. “Waxaa si wanaagsan noo soo dhoweeyay Shacabka Degmada Baraawe oo ah Dad aad ugu bisil Dowladnimada iyo maamul wanaagga”, ayuu yiri Madaxweyne, Laftagareen. Madaxweynaha ayaa booqday goobo dhowra oo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baraawe oo weli uu socdo dhismahiisa, wuxuuna sheegay in waqti dhow lasoo geba-gabeyn doono howlahiisa. Mudane, Laftagareen, ayaa muhiimadda safarkiisa ku tilmaamay inuu Indha-Indheeyo Gobolka Shabeellada hoose, isagoo Shacabka u ballan qaaday inuu booqan doono dhammaan degaannada maamulka Koofur Galbeed, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii laysugu furi lahaa degaannada kala xiran loogana xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab. Xigasho ____________________ Waxaa wafdigiisa la socdo suldaanka guud ee reerka dega Baraawe iyo guddoomiyaha gobolka Koonfur Galbeed oo ah qof ka soo jeedo Baraawe. Aawey xaaraan ku naaxa aad leedahay meesha ee maamulaan? Dhuxuloow iyo wixii la mid ahaa intee aadeen?
-
Do you honestly believe repeating lies will make it to be true? Dhowr mar adigoo meeshaan ku leh Koonfur Galbeed habar kuuleey walba ayaa degto (not that anything wrong with that per se as any Soomaali can live there). Reer Koonfur Galbeed martida wey soo dhaweeyaan, as far as even incorporating the guests among the local clans for diyo reasons, while at the same letting those same guests keep their original clan identities. Ever heard 'geegii mariidi' (meaning 'waayadii hore' refering to their original places of residence)? However, do not ever mistake this generosity as ku qabso ku qadi meysidee of moooryaanimo. And about your Mudug, waa lagula degaa, whether you call yourself dominant or not, Xaaf can't even handle his deputies and guddoomiyaha baarlamaanka gobolkaas whose people live there. Kursiga meeqo mar ayee ka tuureen. He can't even go to Cadaado now, meel kaleba iska dhaaf. That deegaan is also deegaanka ugu liito Soomaaliya, horumar ahaan iyo wax soo saar ahaanba. Meela kale ha isku mashquulin, ku mashquul meeshaas, as Cabdi Qeybdiid and et al finally realized that a few years ago. And you too will realize that as well markaa qaangaartid.
-
Yaa haray, yaa haray?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sheekada waxee u egtahay yaa ku hor maraayo Jubbada Dhexe ay heysataan Barbaarta, been beena looguma saari karo unless ciidamo cirka ka caawiyo ka qeyb qaataan. Jubbada Dhexe Awmadoobe tolkiisa ma degano ka ahayn qeyb ka mid ah Bu'aale. Probably mid ilma adeer yihiin lagu badalaa, probably Ciilmooge. I have nothing against Awmadoobe ka ahayn how he blindly ignored (while profiting) the mass scale and unchecked deforestation of Jubbooyinka since 2011, whose profits were equally going to Barbaarta, Kiikuuyada generals and his supporters. It hadn't happened like this even during the worst years of warlordism. -
One by one. Awmadoobe iska qul qul inta aanan lagu qulqulin sida xirta kaa horeysay. Sawirkaan waxaa la qaaday bisha sagaalaad ee sanadkii 2016.
-
Meesha waxaa kale ku qoran inuu soo dhigtay Jaamacadda Gaheyr, qeybta afafka bartamihii ilaa dhamaadkii sideedamaadkii. My sister was a notable student qeybta kuliyada afafka of Gaheyr in mid to late 1980s, along with students such as Yuusuf Garaad and xildhibaan Dalxa, which I had seen sawiradee iskaga qaadeen Gaheyr xilligaas. I hadn't seen her talking about Deni. Waa soo weydiin doonaa if she had seen him. In 2012 at my father's funeral in Xamar, then prime minister C/weli Maxamed Cali Gaas had asked her if she remembers him from her Gaheyr university days. She was embarrassed and said no. He said he was a student in Gaheyr back then as well. She said waa laga yaabaa ardeydii ka horeysay inuu ahaa, kuliyad kalena dhiganaaye.
-
Isqornimada that is based on calaacal iyo beseeching to shisheeye is still on. What do they think Qaramada Midoobay is? A corporation like Starbucks that can open any franchise where they deem it and wish. Soomaaliya waa dal madaxbannaan, a member of Qaramada Midoobay itself as well. _____________________ Somaliland oo warqad ay ku qoran tahay dalab culus u dirtay QM kadib Haysom Maamulka Somaliland ayaa horey uga soo horjeestay ceyrintii dowladda Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom. Todobaad kadib Somaliland ayaa sheegtay inay warqad codsi ah u dirtay Qaramada Midoobay, taasi oo ah in wakiil gaar ah loo Soo magacaabo deegaanada maamulka Somaliland. Tan iyo sanadkii 1991 Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, waxaana ay shaaciyeen inay yihiin dal madaxbanaan, walow aysan helin aqoonsiga caalamka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay inay codsi u direen Qaramada Midoobay kaasi oo ah in loosoo magacaabo wakiil u gaar ah deegaanada Somaliland. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay sida ay kaga xun yihiin go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Nicholas Haysom, taasi oo shaki badan dhalisay, maadaama ay sheegan jireen inay yihiin dal ka go’ay Soomaaliya. Dadka taxliiliya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay adag tahay in Qaramada Midoobay ay wakiil u magacowdo Somaliland, iyadoo aysan helin aqoonsi caalami ah. Xigasho
-
Kaas bahdilnimo uma dhino. Tan iyo 2009 asagaa isbahdilaaye. Salaadii Ciidda Carafo ayaa isku meel ku tukaneynay. Toronto toddabaadyo uu u joogay qaaraan aruuris u yimid bishii sideedaad. Wax salaamaaye xataa ma jirin, asaga iyo koo daba ordaaye. Mar aan rabay inaa dhaho, salaada markii laga baxay, ma quusatid miyaa.
-
Puntland Election: Gas Is Done For
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xilligaan maya, when corruption is so rampant and when each cod from a single xildhibaan costs $25,000 and more. Qof Soomaali qarash intaas ah jeebkiisa kama dhiibaayo, especially not even knowing if they will give you their votes. That will stop markii la helo qof walba xaq inuu u leeyahay inuu codeeyo. -
Villa Somalia is happy, only Madoobe left
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Already wasiirada ka tirsan dowladda from gobolkaas are on their way to Garoowe: Waftigii uu xanibay Gaas oo ugu dambeyn ka dhoofay garoonka Muqdisho Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku sii jeedaan maagaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland. Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Puntland. Mas’uuliyiintan safarkooda ayaa ku soo aadaya kaddib markii uu doorashada ku guuledarreystay C/Wali Maxamed Cali Gaas oo Warqad uu horay u soo saaray ku mamnuucay in xubnaha dowladda Federaalka ah tagaan Magaalada Garoowe. Gaas ayaa dowladda Federaalka ah horay ugu eedeeyay in ay faragelin ku sameyneyso doorashada degaannada Maamulka Puntland. Horay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Axmed Ciise Cawad ayaa laga celiyay Garoonka Adan Cadde kaddib markii diyaaraddii geyn lahayd Garoowe looga digay in ay qaaddo. Xiriirka Gaas iyo dowladda Federaalka ah ayaa xumaaday inkasta oo Madaxweyne ku xigeenka C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey uu xiriir wanaagsan lalahaa Dowladda dhexe. Xigasho -
Puntland Election: Gas Is Done For
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xasan Sh. Maxamuud dowladiisa ayuu u ahaa wasiirka qorsheynta shan sano kahor. Asaga iyo Xasan Sh. xiriir dhow ayee leeyihiin. Also warar suuqeedka waxee sheegayaan inay dowladda Qadar $$ u soo dhiibtay, kuwee Imaaraadka wateena wey ku wada hungoobeen. -
Puntland Election: Gas Is Done For
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Ninka ku guuleystay soo jeediin fiican ayuu jeediyey shalay. Khudbadii ugu hadal heynta badneyd ee Musharax Saciid Deni Khudbada Musharaxa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni Isniin - 07/01/2019 Salaan iyo Mahadnaq: Bismillaahi, Mahad oo dhan Eebbe ayay u sugnaatay, Naxariis iyo Nabad-gelyana hagaarto Suubahanaheenii Maxamed (SCW). Guddoonka Golaha Wakiiladda, Xubnaha Golaha, Musharaxiinta iyo dhammaan marti sharafta kulankaan fadhida, Assalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin; Waxaa sharaf weyn ii ah maanta inaan hortiina imaado si aan idiinkusoo bandhigo khudbadayda oo soo koobaysa barnaamijkayga siyaasadeed ee aan doonayo inaan ku hago Dawladda Puntland 5 ta sano ee soo socota haddii ALLE idmo, fursadaasna aad isiisaan. Taariikh Nololeedka: Sida ku cad lifaaqa warbixinta taariikh nololeedkayga, waxaan noloshayda inteeda badan ugu adeegay bulshadayda gaar ahaan xilliyaddii ugu adkaa ee ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe, aniga oo qayb ka ahaa yagleelidda dugsiyadii waxbarasho ee ugu horeeyay ee Puntland ka hirgalay burburkii dawladda dhexe ka dib. Dugsiyadaasi oo ay ka aflaxeen kumanaan arday oo laga yaabo qaybtiin inaad qayb ka tihiin mirihii dadalkaas. Sidoo kale, waxaan qayb weyn ka ahaa kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga deegaanadaan aniga oo wax ka aasaasy shirkadaha ganacsi ee ugu waawayn ee maanta Puntland iyo guud geyiga soomaalida ka jira. Waxaan kale oo aan ka qaybqaatay dhismaha hay’ado khayri ah oo u adeegga bulshada gaar ahaan kuwo nugul, iyadoo maanta hay’adahaasi ay yihiin kuwa ugu waawayn Soomaaliya. Waxaa sidoo kale xusid mudan farxad weyna ii ah inaan ka mid ahaa ergadii maamul u samaynta Puntland oo maanta 20 sano ka dib aan u tartamayo hoggaankeeda. Waxaan muddooyinkii u dameeyay ka shaqaynayay dib u-dhiska iyo taabogelinta dawladnimo sooomaaliyeed oo soo celisa karaamadii iyo sharaftii dadka soomaaliyeed aniga oo Mudane Baarlamaan iyo Wasiirba soo noqday. Waxaan leeyahay aqoon waxbarasho sare oo gaarsiisan heerka labaad (Master Degree) oo maamulka iyo maaraynta aan ku takhasusay, waxaan sidoo kale leeyahay in kabadan 30 sano oo khibrad ah dhinacyada maamulka dawladnimo, dhaqaalaha, ganacsiga iyo u adeegga bulshada, taas oo iga dhigaysa xog ogaal u dhuundaloola baahiyaha bulshada. Barnaamijka Siyaasadda: Mudanayaal iyo Murwooyin; 20 sano ka hor ayay ahayd markii la aasaasay Puntland. Hammigii iyo hankii lagu aasaasay waxay ahayd dhisidda nidaam dawladnimo oo u gaar ah deegaanada Puntland iyo baadigoobka dawladnimo soomaaliyeed si loosoo celiyo qaranimadii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed. Marka aan dib u milicsano guulaha laga gaaray hammigaas 20 sano ka dib, waxaa xaqiiq ah in wax badan ay qabsoomeen, dib-u-dhac badana uu jiro. Waxaa mahaddaas oo dhan iska leh, ALLE ka sokow, dadkii aasaaska Puntland maskax iyo muruq ba ku bixiyay, intii dhimatay ALLE ha u naxariisto inta noolna cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban ayaan u rajaynayaa. Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin; Suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay Puntland 20 sano ka dib ma joogtaa heerkii ay mudnayd? Hay’adaheeda dawliga ahi ma u tayaysan yihiin sidii loo baahnaa? Bulshadu ma u heshaa adeegyada ay u baahnaayeen sidii la rabay? Waxaa xaqiiq ah inay jiraan caqabo badan oo raggaadiyay hay’adihii dawliga ahaa iyo bixintii adeegga bulshada. Caqabadahaas waxaa ka mid ah: 1. Tayada hay’adaha dawliga ah oo liidata, iyada oo ay aad u hoosaysayso nidaamka islaxisaabtanka iyo isudheelitirka awoodaha hay’adaha dawliga ah, awoodiina ay iskugusoo uruurtay madaxtooyada. 2. Ma jiro horumar wayn oo laga sameeyay nidaamka Siyaasiga ah ee Puntland, 20 sano ka dib waxaa wali la iskudooranayaa sidii la isku doortay doorashadii u horaysay (Doorasho dadban) ee dhacday 1998. 3. Waxaa laamihii dawladda raggaadiayay musuqmaasuq baahsan oo astaan u noqday dhaqanka dawladnimo, taasoo ay ugu wacan tahay islaxisaabtan la’aan iyo iskumilanka hay’adihii dawliga ahayd ee is-ilaalin lahaa. 4. Kaalintii Puntland ay ku laheyd dib u-dhiska dawladnimada Soomaaliya iyo hirgalinta nidaamka federaalka oo hoos u dhacday, taas oo ay sabab u tahay in aysan jirin aragti dheer oo hagaysa. 5. Midnimada dad iyo dhuleed ee Puntland sida ku xusan dastuurkeeda oo dhaawacantey, kaddib markii lagu fashilmay soo celinta dhulka maqan gaar ahaan qeybo kamid ah gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn. 6. Argagixisada oo aan laga sifayn deegaanada Puntland; taasoo abuurtay khalkhal amni iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca meelo fara-badan oo Puntland ka mid ah. 7. Sicirbarar baahsan oo saameeyay nolosha bulshada, sannadkii 2013kii bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 22,000 So. Sh, haddana 2018 wuxuu kusoo dhaw yahay in $1 lagu sarrifo 35,000 So. Sh celcelis. 8. Dhinaca garsoorka, ma jiro garsoor madax bannaan oo taabbagal ah laguna kalsoonaan karo sababo la xiriira faragelin, qoondada miisaaniyadda oo hoosaysa, musuqmaasuq, tayo xumo dhanka hawlwadeenada iyo agabka. Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin; Caqabadahaasi waxay iftiiminayaan in dadka reer Puntland ay dareemayaan inaan la gaarin filashadii shacabka dhanka maamul-wanaaga 20 sano kadib. Haddaba, doorashada 2019 waxay kusoo beegmaysaa marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, loona baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka hoggaan siyaasadeed oo leh aragti, waayo-aragnimo, hufnaan iyo waddaniyad, si loo gaaro maamul-wanaag dhamaystiran. Haddaba barnaamijkayga siyaasadeed waxaa saldhig u ah 2 arrimood oo ah (1) Tayeynta iyo dib u habeynta hay’adaha dawladda si ay u noqdaan kuwo taabbo-gal ah oo ka jawaabi kara baahiyaha bulshada Puntland. (2) Tiigsi oo ka turjumaya hiraalka iyo hiigsiga siyaasadeed waqtiga dhaw iyo waqtiga fog. Si loo xaqiijiyo loogana gun gaaro hammigaas, barnaamijkayga siyaasadeed waxa uu xoogga saarayaa gaarista 8 yool oo waawayn oo aan aaminsanahay inay isbedel horumarineed oo taabagal ah gaarsiin karaan Puntland. Yoolka 1aad: Hirgalinta isbedel siyaasadeed oo dhaxal-gal ah: 1. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa taabba-galinta Sharciga iyo Qaanuunka si loo helo Hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya isuna dheeli tiran (Checks and Balance). 2. Waxaan Dib-u-qaabeynayaa Hay’adaha Dawliga ah ee Puntland, iyadoo dib-u-eegis aan ku samaynayndoono tirada, tayada iyo xeerarka lagu asaasay Hay’adahaas si loo kala caddeeyo waajibaadkooda shaqo, sarena loogu qaado tayadooda, ayna ula jaanqaadaan isbeddelka cusub ee aan doonayo in laga sameeyo dhinaca siyaasadda iyo dhismaha dawladnimada, qorshahaan waxaa lagu dhamaystirayaa sannadka ugu horreeya ee Xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo 3. Waxaan hirgelindoonaa nidaamka Dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sannadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo 4. Waxaan xoojinayaa kaalinta Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah, iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland iyo Dawladnimadeeda ku dhisan hannaan dawladnimo oo ay sal u tahay in waxna la wada leeyahay waxna lakala leeyahay. 5. Waxaan xoojinayaa awoodda Puntland u leedahay gelidda heshiisyo horumarineed iyo kuwo maalgashi si waafaqsan shuruucda dalka, iyada oo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daahfuran oo laga ansixiyo dhammaan golayaasha dawladda si furanna loogu soo bandhigo shacabka. Sidoo kale in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan heshiisyada horumarineed ama maalgashi ee horay loo galay oo ay ugu horrayso heshiiskii Dekedda Boosaaso. 6. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ilaalinta midnimada Puntland (Dad iyo Dhulba) iyada oo mudnaan gaar ah lasiinayo soo celinta dhulka maqan ee Dastuurku uu qeexayo, iyada oo dawladdu ka yeelanayso siyaasad horumarineed loona astaynayo qoondo miisaaniyadeed oo gaar u ah horumarinta iyo difaaca Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Yoolka 2aad: Xoojinta Amniga: 1. Waxaan dib-u-habayn mug leh ku samaynaynaa hay’adaha amniga ee kala duwan, dhinacyada shuruucda, istiraatiijiyadda, tirada ciidanka, tayadooda iyo xuquuqdooda. Miisaaniyadda haatan lagu hafro Amniga waxay ku filan tahay maareynta Amniga hadii si amaano iyo aqoon ku dheehantahay loo maamulo. 2. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ciribtirka canaasiirta argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Cal-madaw iyo Cal-miskaad. 3. Waxaan adkayndoonaa xuduudaha Puntland ee Bad iyo Berriba, iyadoo iskaashi dhow lagala sameynayo dowladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada ay xuduudaha wadaagaan dawaladda Puntland ee Soomaaliyeed. 4. Xaq-siinta ciidanka ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, iyadoo qof kasta oo ciidan ah uu helidoono mushahaar joogto ah, gunno-hawleed, duug, bixinta diyada/magta qofka si kama’ ah ugu dhinta gacanta ciidanka, daaweynta ciidanka xanuunsada, bixinta hawl-gabka iyo kafaala-qaadka agoonta ciidanka. Yoolka 3aad: Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha: 1. Waxaan dib-u-habayn ballaaran ku samaynaynaa nidaamka dakhli uruurinta, annaga oo xaqiijinayaa dhaqangelinta iyo ku dhaqanka miisaaniyadda Dawladda ee ay ansixiyaan Golayaasha Dawladdu. 2. Waxaan la dagaalamaynaa aafada musuqmaasuqa ragaadiyey nidaamka dawladnimo, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, lana adkaynayo maamul-wanaagga iyo sarraynta sharciga, madaxbannaani buuxdana la siinayo Hay’adaha Dawladda u qaabilsan islaxisaabtanka gaar ahaan xafiiska Hantidhowrka Guud. 3. Waxaan mudnaan-siinaynaa suuq-geynta iyo maalgashiga khayraadka dalka Alle ku galladay sida: Kalluunka, Xoolaha, Maydiga, Beeraha, Macdanta iyo batroolka. 4. Waxaan horumarinaynaa kaabayaasha dhaqaale sida: Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha iyo Waddooyinka, iyadoo la dhammeystirayo waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, dibna loo soo nooleynayo dhismaha waddada laamiga ah ee Garoowe-Gaalkacyo, loona hawlgalayo soo daynta mashruuca Shiinaha ee dhismaha Waddada Eyl iyo Garoowe, dib-u-eegista mashruuca ballaarinta dekadda Bosaaso, ka qeyb qaadashada dhismaha dekadda Garacad. Sidoo kale waxaa loo hawlgali doonaa dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Kalabayr iyo Caluula, Taleex iyo Garoowe, Sheerbi iyo Dhahar, Qardho iyo Baylo, Bosaaso iyo Qandalo, Galdogob iyo Garacad, iyo dhamaystirka iyo taabagalinta kastamka Tuur-dibi. Yoolka 4aad: Tayaynta Adeegyada Bulshada: 1. Waxaan mudnaan siindoonaa baahinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyada oo loo marayo joogtaynta iyo kordhinta qoondada lacageed ee ay ku leeyihiin miisanayadda Dawladda. 2. Tayeynta, baahinta iyo kabista adeegyada Biyaha iyo korontada ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, si loo helo adeeg tayo leh oo jaban daboolina kara baahida bulshada. Waxaa si gaara dib u eegis loogu samayn doonaa hannaanka wax isku darsiga dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public Private Patnership). Yoolka 5aad: Taabba galinta Garsoor Xaqiijin kara Sarraynta Sharciga: 1. Waxaan dib-uhabeyn ku samayndoonaa garsoorka gaar ahaan hannaanka soo xulista hawl-wadeennada garsoorka, abuuridda hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka ee garsoorka dhexdiisa iyo dib-u-habeynta xeerarka iyo habraacyada Hay’adda Garsoorka. 2. Waxaan kordhindoonaa qoondada miisaaniyadda Garsoorka, iyadoo la sameynayo Sanduuqa Garsoorka (Judiciary Fund), si loo tayeeyo loona xoojiyo madax banaanidooda Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa la-dagaallanka jarista dhirta iyo xaalufinta Deegaanka, iyadoo aan dhisidoono haamaha lagu kaydiyo gaaska wax lagu shito si qiimo jaban loogu helo haamaha gaaska la shito, taasina ay gebi ahaanba meesha ka saarayso isticmaalka dhuxusha. Sidoo kale waxaa xoogga la saari doonaa ka faa’iidaysiga tamarta cadceedda (Sollar) iyo dabaysha. Yoolka 7aad: Horumarinta Dhalinyarada: Waxaan mudnaan gooni ah siinaynaa horumarinta dhalinyarada dhinacyada shaqo abuurka, sare u qaadista xirfadaha, u sinnaanta fursadaha shaqo si eex la’aan ah iyo ka ballaarinta qaybgalka siyaasadda iyo maamulka. Yoolka 8aad: Horumarinta Haweenka: Haweenka Puntland waxay laf dhabar u yihiin horumarka bulshada dhinac walba, sidaas darted waxaan xaqiijindoonaa xoojinta helitaanka xuquuqda haweenka si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo inay helaan xuquuqdooda bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhammaystiran. Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin; Waxaan ku kalsoonahay in barnaamijkaygaan siyaasadeed uu ku fadhiyo hanka iyo filashada dadka reer Puntland si looga gudbo caqabadaha aan horaykusoo xusay loona gaaro horumar dhamaystiran oo joogtaysan. Waxaan kusoo gunaanadayaa khudbadaydaan codsi aan waydiisanayo Mudanayaasha Golahaan sharafta badan inaad isiisaan codkiina iyo kalsoonidiina idinka oo igu qiimaynaya aqoontayda, khibradayda iyo baarnaamijkayga siyaasadeed. Mahadsanidiin. Xigasho -
Puntland Election: Gas Is Done For
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Waaba saa islahaa. Oh, the meme creators fursad weyn ayaa dhaaftay. -
Puntland Election: Gas Is Done For
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
I hope at least they all paid $20,000 la iska rabo. However, I am sure at least five or more ka haraayo because of this. Waa magac aan yeesho kaliya oo xil wasiirnimo lagu helo ee kama aha inay dhab ka tahay musharaxnimadooda. -
Inkaarqabtii ma nooshahay. Dhawaan magaceeda ma maqlin.
-
Puntland Election: Gas Is Done For
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Meeqo xildhibaan ayee heystaan Reer Sool? Haddee isku duubanyihiin, uguna wada shubaan, Cali Ciise can go far. Sadexda walaalaha ah booska isku balaariyey labaatankii sano u dambeysay ha u baneeyaan qabiilada kale ee sheegtaan inay maamulka ka tirsanyihiin laakiin aanan u ogalayn jagada sare. Meesha 1.5 ee ka dhigeen. -
Puntland Election: Gas Is Done For
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Since the newly selected guddoomiyaha maamul goboleedka baarlamaanka is anti-Gaas, we can all assume Gaas daaqada ayuu saaranyahay and ain't coming back.