Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,692
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Waa sanad kale, mar kale iyo Kowda Luulyo. Hambalyo Kowda Luulyo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed.
  2. Jeebka maa loo buuxiyey? Ciyoow waa isdhiibee, even Shariifka resisted more.
  3. Kuuriyada Waqooyi at least wey isku kalsoonyihiin.
  4. Kiikuuyada saan uma waalateen haddee isku kalsoonyihiin. They went to Xabashada to pressure dowladda dhexe - did not work. They tried the Eritareeya route - didn't work either. They then went to see kaabihii Jabuuti - wax ka soo baxayna ma leh. They tried cunaqabateyn dowladda dhexe by doing childish games of banning direct flights from Soomaaliya; by detaining ministers and MPs; by closing xad beenaadka in Raaskambooni and NFD area; by entertaining shameless, always used secessionists; by expelling Soomaali ambassador; by arresting some prominent Soomaalis living in Islii; by trying futile character assassination against madaxweyne Farmaajo; by over-using their Kiikuuyo media propaganda; by their bogus claim that they arrested a Soomaali 'official' close to the president with millions of dollars at a Nayroobi airport; by using mindless qabyaaladist Soomaalis and so-called opposition groups; by using some so-called madaxweyne maamul goboleed ku sheeg; by using siyaasiinta, odey dhaqameedka Reer Sujuu; by undiplomatically critizing their own erswhile allies of Ingiriiska and Norway after seeing a Norwegian foreign minister land in Muqdisho. And now using their last, desperate card they were left with: Mareykanka. Nothing worked and nothing will work because Soomaaliya xaq ayee u taagantahay and hadduu Rabi idmo Soomaaliya xaqeeda buuxo wey heleysaa.
  5. Even the 'shaabo' requirements came after a heavy lobbying by dowladda in earliear this year after a delegation from dowladda dhexe went to Sacuudiga, led ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar iyo wasiirka xoolaha, dhirta iyo daaqa Xuseen Max'uud Xuseen, seen in the below clip of the news conference wasiirka held the other day. Wasiirka asagaa faafahinaayo. Secessionists should really thank dowladda dhexe.
  6. Muuse Muqayil and xulafadiisa are doing this for two reasons: Maalmaha gobonnimo oo toddobaadkaan ku beegan iyo the wind of change that is occuring in deegaanada Waqooyiga. The masses can no longer be misled and fooled. Dhabta wey arkaan, hence banning anything that will make them see the reality.
  7. Mudane Erdogan have done so much for Turkiga in the last 15 years than they have achieved in the prior half a century. Who now even speaks about Turkiga joining Midowga Yurub anymore? No body in Turkiga is bothered about EU nowadays. However, I remember the desperate days for longing EU membership back in late 1990s and early 2000s. It is human nature to get tired and bored waxa ay heystaan, even if it is great for them. Wax cusub lee raadinayaan.
  8. Wey fiicnaan lahayd, saaxiib, laakiin waa yaraa xilligaas marka dad iga xasuusqor fiican inay jiraan jeclahay.
  9. Saalax, secessionists saa ugu nixineysay mar dhow inaa dhaqaatiirta deg gega keeno SOL ku dhownahay. Wadno xanuun iyo walbahaar balaaran ku riday for your one-man halgan against their dying, misplaced idealogy.
  10. Dadkiisa ha u turo ee ha iska tago. Shariif Xasan markuu arkay inay jiq ku tahay wuu iska tagay, marka odeygaan tiisa wey soo dhamaatay ee Nayroobi ha iskaga noqdo meeshuu awalba degnaayee. Cadaado shir lagu qabanaa kulahaa. Kuwii mucaaradka isku ahaayeen ayaaba fadhiyee meesha.
  11. The clip's vitriol comments on Youtube by the dying, last breed secessionists caadi ma'aha, maankoodana ma joogo. Dad jaad iyo maandarooyin kale soo cunay, cabay then wax soo qoray u egyihiin.
  12. What do you mean never registered? Who registered Old Observer for you then? SOL at one time would only let you in after someone with reputable outstandings can sponsor you. It was kinda like Khaliij countries' iqama. It had been like that for long to weed out the trolls. But I don't think that is the case now. One only needs an email to register, I believe.
  13. Ma Soomaalinet ayaa wali jirto? Waaw. Markaa ka soo qaxaaye, back in the year 2001, some of you, I am sure, diaper u xirnaa. SOL was founded by pioneers of that wretched site, when it rapidly started deteriorating in quality back in 2000/2001. I was there when its forum section was started in 1998. Before the forums, the chat lines were very busy in those days. I used access it from my computer class in high school. Those were the days. So i thought it went down long ago.
  14. Gooni, abaartii xumeyd inkastoo ay soo socotay wali ma aynan bilaabin xilliga ee Cali Mahdi iyo Caydiid hilfaha isku qaadaayeen. Bisha Nofeembar, sanadkii 1991 ilaa bisha Maarso, sanadkii 1992 ayee toos dagaalkooda u socday. Nolol maalmeedka wey adkeyd waa runtaa laakiin abaar toos ah ma jirin. Sicirbararka waxaa keenay dalkii oo waxba soo galin afartaas bilood, gaar ahaan Muqdisho. Abaarta Koonfurta waxee aad u xumaatay bishii shanaad sanadkii 1992 wixii ka dambeeye, markaa ciidamadii Caydiid u dhaqaaqeen deegaanada Koonfur Galbeed markee asaga iyo Cali Mahdi xabad joojin ku heshiiyeen. Caydiid iyo Moorgan ku hardamay deegaanadaas, dhacayna beerihii iyo soo faagayna masagii duugneyd loogu badbaadi lahaa abaaraha. Cali Mahdi inkastoo dagaalka Caydiid la galay, he seemed like he was 'defending' himself, a reluctant fighter. Anyway, Xamar dhula ee la simeen. Waana xasuustaa mar aan Dayniile u qaxno, mar aan Afgooye u qaxno, mar aan Madiino u qaxno. Xaafadda gurigeenana Bermuuda loo bixiyey oo guryihii ku yaalay dhulka la simeen, waana agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee Hodan. Keena lee taagnaa maadaama my old man diiday ka baxo hal habeen. Habeenkii waxaa xaafadrena heysan jiray Ciyaal Siigaale oo Cali Mahdi la jiray, subaxdiina waxaa imaanaayo kuwa Caydiid. Afar bilood saas la ahaa. What a comedic farce war. Kuwa Siigaale fiidkii markee imaadaan cashada aabo loo kariyo la cuni jireen. Kuwa Caydiidna subaxdii canjeerada loo dubo ka cuni jireen iyagoo leh "odeyga madax adkaa, ma guriga dahab ugu duugan." Yanci ma garaneynin oo Mudug ka yimaadeen laakiin Ciyaal Siigaale garan jiray duqa, xishmadna u haaye.
  15. Cali Mahdi Maxamed is building the tallest, most modern building in Muqdisho. Good for him investing such a major project in Muqdisho. Laakiin waligey ma iloobi doono waxee Muqdisho iyo masaakiintii ku nooleyd ku dhigeen Cali Mahdi iyo odeygii kale ee waalnaa sanadkii 1991 dabayaaqadiisa iyo horaantii sanadkii 1992. Anigoo wiil yar ah ayaana joogay xilligaas Muqdisho, masiibadee sameyeen indhageyga ku arkayna. Muqdisho dhulka ayee la simeen afartii bilood bilaa micnaha ahayd ay duqeynta ku hayeen bilaa joogsi. Mida labaad aan iloowi doonin waxee tahay sunta kiimikada ah uu ku aasay xeebteena iyo baddeena bilowgii sagaashameyadii, asagoo maafiyada Talyaaniga xoogahoo shilimaad ah ka soo qaatay. Labadaas dhacdo Soomaaliya ilaa iyo hadda wey ka soo kabsan la'dahay.
  16. Haddee run ka tahay kuwa waxa xasuuqaayo waxee si toos ah u weerari karaan Xarardheere ay Barbaarta heystaan toban iyo dhowr sano. Waxaa sidoo kale arkaaye Muuse Suudi iyo xulufadiisa shir warbaahin qabtay, lehna dad gobolka Shabeellaha Dhexe ka soo jeedo ayaa lagu xasuuqay. Tolka Muuse Suudi lama dhaafin miyaa xataa?
  17. Xiisad ka dhalatay calanka Soomaaliya oo ka taagan qeybo ka mid ah Somaliland Ciidamada maamulka Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ah ku rasaaseeyay deegaanka Damalle-Xagarre oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Shaqaaqadan ayaa ka dhalatay, kadib markii dadka deegaanka Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka taageen halkaasi. Saraakiisha Somaliland ayaa la sheegay in shacabka ay ku amreen in ay dajiyaan Calanka Soomaaliya, balse taas ay ka biyo diideen dadweynuhu, kadibna ay keentay in Ciidamadu ay adeegsadaan rasaas nool nool. Rasaasta ay fureen Ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah, kuwaas oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Damalle-Xagarre ee gobolka Sanaag. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad ka dhalatay arrintaasi haatan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaaliland oo ku aadan dhacdadan xiisada ka taagan halkaasi. Deegaanada Somaliland ayaan laga ogoleyn Calanka Soomaaliya oo loo arko in ay tahay dambi Qaran, waxaana aheyd dhawaan markii Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) lagu xiray magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku soo labistay dhar laga tolay Calanka Soomaaliya. Xigasho
  18. Our chief bililiqo expert had spoken. Waa taqaanaa yaah all hantida bililiqada ah iyo meelahe ee kaga yaalaan Soomaaliya? Haye noo sheeg bililiqooyinka iyo guryaha la kala heysto ee magaalooyinka Baydhabo, Boosaaso, Berbera, Baardheere iyo Beledweyne. By the way, kala saar hanti guud iyo hanti gaar ah. Tan hantida guud waa la iska daba imaanaa, boqol sanaba ha qaadatee. Jardiinooyinkii qurxoonaa isgoysyada Xamar ku yaalay ayaana ka koow ah; dad aad ogtahay aadna difaacdid ayaa baqaaro, hoteello iyo gas stations ka dhistee. Laakiin hanti gaar loo leeyahay must be returned immediately, waa xaaraan tan u weyn ah.
  19. 2019 la marayaa, guri iyo dhul wareejin maa wali Xamar ka socoto? Waxaaba moodey wixii la kala heystay badankooda in xilligii Maxkamadaha ee 2006 loo celiyey dadkii lahaa.