Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Dowladda waa inay xarun (base) ka dhisato Ceelasha Biyaha. Hubkaan la soo faagay tobaneeyo ka badan ayaa qarsan ama duugan. Meeshaas waligeyba waaka shakisanaa. It is also where Barbaarta raise major funds from ganacsatada meesha hanti ku leh, who themselves iska degay dhulal badanaan danta guud ahaa oo dowladda lahayd after 2006. Qalalaaso ayee maalkooda ku ilaaliyaan.
  2. Acuudi bilaahi. Mar dhowna Maykal Maryama amee boorka ka soo jafaan, saying 'we were the original gaalo of Soomaalis.'
  3. And here under that link commenting is a typical hatred of failed, wretched, boosaneero-dwelling secessionist: Ciil u baqti. A real Soomaali responding this wretched creature:
  4. Ka naxoo nafta waa. Soomaali diidoow silac u baqti. I am no fan of this fascist neo-con Zionist, but as long as he helps Soomaaliya, by all means I have no problem.
  5. I always believed and said Ceelasha Biyaha, Kaaraan, Yaaqshiid iyo aaga Balcad marka la aado inay Barbaarta dad la shaqeeyo joogaan, hubna ku heystaan. Especially deegaanka Ceelasha Biyaha, qaarkood waa ganacsato waa weyn.
  6. Maryooleey are ready to quote beelaha, jufooyinka, lafaha iyo jilibyadee ka soo jeedaan wasiiradaan cusub. Keyd mee ugu jiraan? About wasaaradda xeerka qaran, he can't do much. It seems it won't be finished in 2020/2021, so dowladda soo socoto la wareegi doonto as the current one inherited it too.
  7. Xaaska madaxweyne Ismaaciil maa loola jeeda gacantaas? It seems like she will hasten his downfall. He is tired and weary nowadays, so it seems she has a considerable influence on him. I was really surprised when Xasan Aaden Samatar out of no where started blurbing out and over-praising her in his speech in Muqdisho. Madax badan ayaa meesha fadhiday islaantaas amaanteeda uuba la soo shirtagay. Then I realized it is her who might be paying all his bills since he moved to Jabuuti in recent years.
  8. War Dhagaxtuur, see camal. Ha quusan, fadlan. Dal walba marxalad adag wuu soo maray, anaga waa markeena, hadduu Rabi idmana waa ka bixi doonaa xaalkaan mar dhow. Soomaaliya mar maanta ka fiican ma soo marin since 1990. Toban sano ka hor xaalka suu ahaa waa ogtahay. Labataan sano ka horna haba sheegin daruufaadka see ahayd.
  9. Jabuuti is ever more closer to her big brother, Soomaaliya. And Eritareeya is closer too. The one-stone-two-birds theory worked easily.
  10. Ileen Holac meeshaas ka soo jeedaa. Now I understand why you tolerate what the wretched, boosaneero creatures spew on here SOL. Ileen daris ayaa tihiin.
  11. Farmaajo oo lasoo gaarsiiyey farriin uga timid Afwerki iyo xogta safarkii Somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea Mudane Cusmaan Saalix iyo Lataliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gebreab. Wafdiga ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale warbixin ku saabsan booqashadoodii ay ku tageen Somaliland la wadaagay Madaxweynaha. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga reer Eritrea ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha gobolka, dardargelinta l isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. “Safarka wafdiga Eritrea ee magaalada Muqdisho waxa uu dabo socdaa booqashooyin ay hore ugu yimaaddeen Soomaaliya oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda wadashaqaynta labada dowladood.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo u baahiyay xafiika madaxweynaha. Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Danjire Cali Saciid Faqi. Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea ay booqasho labo cisho ku tageen magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Xigasho
  12. Wasiirka is back in Muqdisho. Ashtako ka timid DF oo horseeday in Eritrea ay wafdi soo dirto Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna maanta wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa noqonaya kii saddexaad oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku yimaado Muqdisho. Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad. Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa la sheegayaa inay la xiriirto arrimaha iskaashiga Gobolka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaase la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay ashkato ka keentay safarkii uu bishii la soo dhaafay ku tagay Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea loo galbiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo kula leeyihiin Madaxda dowladd oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lama oga in maalmo ay ku sii sugnaan doonaan & inay maanta dib u laaban doonaan, hayeeshe xiriirka dowladda Federalka Somaliya & dalka Eritrea, ayaa noqday mid wanaagsan, kadib markii Madaxweynaha Eritrea, uu soo gaaray Magaalada Muqdisho. Xigasho
  13. In the end, no shisheeye was needed. Waa ku faraxsanahay inay dowladda maqashay cabashada iyo diidka shacabka Soomaaliyeed ay kala hor yimaadeen in nin shisheeye loo magacaabo jagadaan. ______________________ Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo la magacaabay Dowladda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe. C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, kaasoo magacaabidiisa ku yimid guddi loo xil saaray xulidiisa oo ka tirsan Golaha Wasiirada. Waxaa uu leeyahay Guddoomiyaha cusub khibrad dhinaca maamulka Dhaqaalaha iyo Bankiyada. Waxaaa uu labadii sano ee la soo dhaafay ahaa La Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa uu ka soo jeedaa Gobolka Togdheer. Waxaa ay magacaabistiisa meesha ka saareysaa hadal heyntii ku saabsaneyd in xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabayo nin Ajnabi ah, kaddib markii Baarlamaanka ay horaantii sanadkan wax ka bedel ku sameeyeen wax ka bedelka Xeerka Baniga Dhexe. Xigasho
  14. Marmarsiyo muu Muuse Muqayil u raadinayaa? Maskiinkaan meesha ha iskaga tago inta dulinimo loola dhaqmi lahaa. Waxee u egtahay in mar dhow Ismaaciil Cumar Geelle loo gacan galin doono. Rabi haka haayo xaqdarradaan.
  15. LoL at Charles William magac. Mar dhowna ka filo Lord Dumbledore III.
  16. Or else shilinkii yaraa dowladda dhexe soo marsiineynay goosaneynaa miyaa? Goormee ahayd doorashadii u dambeysay baarlamaanka maamul goboleedka horta?