Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Cagjar ma laga cabsaday maxaa loo taaban waaye? Jir oo joog calanka suubanoow samada u ekoow.
  2. Saalax, check this page: Labba saacadood kadib xadhigii Cabdiraxmaan Aar, Hargeysa dhalinyaradii waxay bilaabeen inay ku lebistaan Calanka Soomaaliyeed. Waxaana lafilayaa in dhalinayaradu magaalooyinkoo idil ku lebistaan. M.FACEBOOK.COM Labba saacadood kadib xadhigii Cabdiraxmaan Aar, Hargeysa dhalinyaradii waxay bilaabeen inay ku...
  3. Why does an avowed atheist in SOL defend a wadaad-turned-warlord-turned-madaxweyne-maamul-goboleed ku sheeg? That is the disease of qabyaalad. Cajiib iyo barkeeda. Madoobe, knowing his seef laboodnimadiisa, kanoo kale hadduu Kismaayo ku arki lahaa qoorta ayuu ka goyn lahaa.
  4. To be fair, bisha Soonka lagu jiraa saas ugu wacan, I guess. He could be straight from tarawiix prayers.
  5. Anyone who can go to Baxreyn, Qadar and Kuweyd wouldn't even think about going to Sacuudiga, albeit with the holy cities. Sacuudiga meel ma'aha xilligaan. I have a brother and his wife who moved from UK to Sacuudiga a few years ago for professional jobs. Since ay wadaado yihiin, they kinda chose Sacuudiga than other Khaliij countries.
  6. By the way, those two poor gabdho from Kanada were freed from the jaws of Muuse Marqaan: Muuse Muqayil, xarig ma'ahee wax kale ma yaqaano miyaa. Jaahil meeshuu u madax yahay ayaaba ka waalan. By the way, yaa ogaado this poorly informed girl was a die-hard secessionist before. Taloow does she still believe that cursed ideology?
  7. Shaalkiisa, hoosguntigiisa, cadeygiisa ha sii diyaarsado xarig ayaa sugaayee. Mise odeyga waa Reer Mareykan marka waa lama taabtaan maadaama uu ka dhashay reerkii tolka weynaa ee Mareykanka. Boorame inuu ka soojeedin ka jeediyo waaba loo diiday mise this is an old clip?
  8. What sane human would want to live in that fiefdom ruled by unrepentant and unrestraint murderous so-called prince.
  9. Maskiinka aawey tolkiisa? Mise kaligiisa meesha u shaqo doontay.
  10. Sanad ka dib waala mataaneeyey magaalooyinka Muqdisho iyo St Paul.
  11. Their late-come to basaasnimo amateurish game is being exposed even in Muqdisho. Maxaa ka Jira in sirdoonka Soomaaliya uu muqdisho ku qabtay rag basaas u ahaa Imaaraadka Saraakiisha Laamaha amniga dowlada Soomaaliya ayaa xiray nin jaajuus u ahaa Imaaraadka Carabta. Xubin sare oo ka mid ah dowlada Qatar ayaa u sheegay wargeyska wax ku qora afka carabiga ee Al-Raya in ciidanka Sirdoonka soomaaliya ay maalintii Khamiista ay xireen dhowr qof oo lagu tuhmayo in ay basaas u yihiin Imaaraadka. Xiriirka dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xumaaday sanadkii 2017-da kadib markii xukuumada muqdisho ay diiday dalab ahaa in ay jarto xiriirka Qatar. Dowlada soomaaliya ayaa xiligaas sheegtay in ay dhexdhaxaad ka ahaan doonto qilaaf dalalka Qaliijka iyo maamulka Dooxa. 9kii bishii Abriil ee sanadkii 2018-ka ayaa ciidanka amniga dalka ayaa waxay ku qabteen garoonka muqdisho diyaarad waday lacag dhan $9.6 million oo ka soo duushay Imaaraadka Carabta. Wasaarada amniga ayaa sheegtay in lacagtaan oo ku jirtay laba boorso loo adeegsan rabay qalqal galinta amniga. Xigasho
  12. Madax ku sheegaan maamul goboleedka filinkooda waa iska caddaa. Qalalaaso iyo jahwareer cusub abuurid ayee wadeen, taasoo laga soo alifay Nayroobi. Marka koowaad dowladaha Galbeedka ayee Nayroobi kula shireen bishii hore, iyagoo kula shiri karay safaaradaha ee ku leeyihiin Xamar. Jaajuusiinta ay u adeegaan ayaa ku yiri shir shirqoolid u ah ku qabta Garoowe, dowladda dhexena qodoba aynan waligeed yeeleynin hor geeya. Qodobadaas ay ku jiraan wax waa hore laga soo gudbay, sida wadaaga kheyraadka iyo maamul kororsiga ay rabaan Madoobe iyo Xaaf. Haddana waa kan Nayroobi u duulaayo, laguna bahdilaayo markee diyaaradahooda ku hakadaan Wajeer. Haddaadanan la iska qaban kuwaan...
  13. Madax goboleedyada iyo beesha caalamka oo shir deg deg ah ku yeelanaya Nairobi Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay Nairobi ku yeeshaan kulan deg deg ah oo ku saabsan Shirkii Natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee Garoowe, sida ay ogaatay Caasimda Online. Shirkaan oo la filayo in uu dhaco Todobaadkaan ayaa la sheegay in uu dhax-mari doono qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka iyo qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka oo ugu horreeyaan wakiilo ka socda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa maanta u duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya markii uu ku dhawaaqay in uu fashil ku soo dhamaaday Shirkii Garowe. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu wadaa in uu dhowaan u Amba-baxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Xaaf ayaa Caasimada Online u sheegay in Xaaf uu Nairobi kulan kula qaadan doono Xubno ka tirsan UN-ka, Mareykanka Ingiriiska, iyo Midowga Yurub waxa uuna kala hadli doonaa Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada. Warar kale ayaa sheegaya in kulamada ka dhacay Nairobi ay noqon karaan gaar gaar oo ay Wakiilada Beesha Caalamka si gaar gaar ah u qaabilaan madaxda Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya si wax looga waydiiyo arrimaha Soomaaliya. Beesha Caalamka ayaa geed u fadhi ah Xaaladda Soomaaliya waxaana la sheegayaa in ay aad ISHA ugu heysay Shirka Garoowe inkastoo aysan wali ka hadlin, hadane waxaa jiray walaac ay UK ka muujisay Shirka oo maalmo dheeraad ah qaatay. Xigasho
  14. Our Tigrey guest always bringing his boogeyman Afwerki to everywhere. When did Soomaaliya side with Eritareeya and not Jabuuti? Soomaaliya has a good relationiship with Eritareeya, which is beneficial to both countries and a great relationship with our little brother Jabuuti. However, Jabuuti always comes first. Why don't your Tigrey region side with Kenya and undermine the Xabashi federal government. Let's see how Xabashi federal government would have dealt with. We know it saddens you seeing that Meles Sanaawi's blueprint and policy of dividing Soomaaliya's regions into a little controlled fiefdoms that are forever against their central government are unraveling.
  15. Reer Sool miyaa ninkaan? I don't know why the dying secessionists try so hard to de-emphasize and downplay maalinta Soomaaliya taariikh ku ah ee 26da Juun. I guess wali hiloow ayaa loo haayaa gumeysigii Ingiriiska oo waa loo bogay gumeysigiisa.
  16. Imaaraadka the only little evil country that can only bully civil-war strived unstable Muslim countries. Tabar kale ay haayaan malaha iyaga iyo Sacuudiga these days.
  17. Waa kuwa markee dalalka Galbeedka imaadaan safaaradaha Soomaaliya safka hore ugu jiro after their looooong tahriib to get sharci aqoonsi isku dhiibaan. Daqiiqadee ka baxaan safaaradana sheeganaayo sheeko baraleeydii lagu yaqaanay. Waxaas waa lagu yaqaanaa. Many of them used to be on this forum, too. Dalka Reer Galbeedka isku dhiibay Soomaaliya dagaalo ka socdo kuma noqon karno, kuna dhiiban wali.
  18. Dowlada Turkey oo diiday in maalinta Somaliland ee May 18 lagu xuso dalkaas Waxa maalmihii udambeyay Baraha Bulshada la isla dhex-mareyay warar kala duwan oo ku saabsanaa in Dowladda Turkigu u diiday bulshada reer Somaliland ee dalkeeda ku nool inay xusaan Munaasibada 18-May. Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, C/naasir Axmed Xirsi oo wax laga weydiiyey arrinkaasi, ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey arrintaasi, isagoona eedo usoo jeediyey Dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Waxa ku nool dalka Turkiga jaaliyad iyo ardey u dhashay Somaliland, sanadihii hore ee lasoo dhaafeyna munaasibaduhu si caadiya ayey u dhici jireen oo ay u qabsan jireen, Baraha bulshada waxa ku jira in xaflad ay qabsanayeen ardeyda Somaliland ee wax ka barata dalka Turkiga magaalada Ankara laga joojiyay, iyadoo sababo kala duwan iyo tafaasilado kala duwan laga bixiyey, ardeyduna wey nasoo gaarsiisay cabashadooda oo toos-bey noola soo xiriirtay”. “Arrintaasi sida ay u gashay Baraha bulshada iyo sidey u dhacday runtii waa labo kala duwan, xaflada ha la joojiye, nidaamkii loo joojiyey iyo waxyaabaha lagu sababeeyay iyo waxay dadku ku fasireen ayaa runtii kala duwan, anaguna ka Wasaarad ahaan waanu ka howl-galnay oo waanu la xiriirnay dowlada Turkiga”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxay noo xaqiijiyeen in arrintaasi ay ku saabsantahay inayna marin nidaamkii xafladaha iyo isku soo baxyada noocaasa loo mari jirey, waxkale oo sal ku leedahay ma jirto, marka ay arrintaasi dhameystaan, wadadii saxda aheyd ee xafladahaa ogalaanshiyaha lagu siin-jiray, marka ay ogolaanshiyaha helaan ay sidaas ku bilaaban howshii, markaa wax intaas dhaafsiisan ma jiraan”. Agaasimaha ayaa sido kale waxa uu Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay inay markasta carqalad ku tahay horumarka Maamulkooda, wuxuuna yiri: “Markasta, wadan-kasta iyo meel-kasta oo la joogo Dawladda Soomaaliya waxay isku deydaa inay carqaladeyso waxkasta oo wanaaga oo ay bulshada Somaliland qabsaneyso meel-kasta oo ay joogto”. “Turkiga oo qudha maaha, wadamo badanba oo kale wey isku deyday, Laakiin waxyaaba u suuro-galaya iyo waxyaabo aan u suuro-galeyn baa jira, Wadamadaasi waa waddamo sharci leh oo nidaam leh, waan waddamo ogol in dadku xuquuqdooda aas-aasiga iyo cabirka fikirkooga iyaga oo xaflado nabad-galyaa isugu imanaya”. Wuxuuna hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Agaasimuhu “Dacwad kasta oo ay geeyaan iyo ka hor-imaansho kasta oo ay ka hor-yimaadan ma badelayso waaqica yaala, laakiin markasta waxaad ogaata Waddan kasta iyo meel-kasta inay Soomaaliya u taagan-tahay inay carqaladeeyan waxkasta oo wanaaga oo Somaliland u soo kordha ama ay qabsanayaan”. Xigasho
  19. Filinka Garoowe ka socdo muxuu yahay? Yaa sii faah faahin karo. Mise filin ayaa beesha caalamka - dadka maalgaliyey, kana dambeeyo shirka si qasab ah - loo jilayaa as usual. Shir meel uu ka socdo una socdo la garaneynin. Waa iska shimbiryaaloow heesa.
  20. Marna waxee leeyihiin dowladda dhexe is 'weak' haddana isla iyagii ayaa qirtay this 'weak' government pressured dowladda Turkiga to cancel. So is it weak or not? Anyway, why even bother these ridiculous celebrations especially since lagu jiro bisha barakeysan ee Soonka.
  21. Maxaa waaye barasaab? It sounds like a Hindi word. Guddoomiye gobol laga wadaa filaa. Why carabka loo adkeynaa iyadoo la dhihi karo guddoomiye.
  22. Title sax and write like a true secessionist as they do in the secessionist media, like this: Saudi envoy to Somalia and Waqooyiga visits Waqooyiga.