Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. While I was in Xamar back in Siteembar and Oktoobar, I saw my nieces studying at night with these books shown on the image below. There are seven books (one, tignaloji, is not shown in the image) published by dowladda dhexe and is given for free for every elementary school student in Muqdisho and many other schools in other gobollo. It is a new unified manhaj, too, starting in this ongoing school term. I was very glad to see a unified manhaj for the country, the first since the last one in late 1990. I also read some of them, including Afsoomaali one and is very professionally done and thoroughly researched. Also, remember some countries, like Kenya, public school books are NOT provided for free. Never was and is.
  2. Ninkii lagu dhaganaa waa hadlay, waana towbad keenay. Ninkaan laba mar si kadis isku aragnay in the last six months. Salaadii Ciidda u dambeysay isku meel ku wada tukanay. Bishii sagaalaad markaa Xamar u socday garoonka Nayroobi isku aragnay oo isku meel fadhinay. Calaa kuli xaal, back to the topic. CC Shakuur oo si shaacsan uga towbad keenay gefkii ka dhacay, cafisna dalbaday Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame oo ayaa caawa si shaacsan ugu dhowaaqay inuu Allah uga towbad keenay gefkii ka dhacay, wuxuuna weydiistay cafis. “Waxaan rabaa mar kale inaan cadeeyo xadiishkiis Nabiga CSW ee doodu ay ka dhalatay inaana diidaneyn oo aan ictiraafsanahay xadiiskaas inuu yahay mid saxiix ah, waxaan kaloo ictiraafsanahay sida Nabigeena Muxamed NNKH uu fasiraadda uga bixiyey, waxaan kaloo ictiraafsanahay diinteena Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Nabiga CSW inay tahay diinta xuquuqda ugu badan siisay haweenka, sidaas darteed wax kasta oo khalad ah oo khudbadaas ku jiray waxaan Ilaahey subxaanahu watacaalaa weydiisanayaa inuu iga cafiyo, waana uga towbad keenayaa,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame. Cabdiraxmaan oo sii hadlayey ayaa sheegay inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ka dhex jira iyo fasiraad khaldan oo uu sheegay in diinta laga sameeyay. “Waxaan markasta diidanahay oo u taagnaa doonaa iyadoo diinteenu ay xuquuqda ugu badan siisay haweenka inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ku dhex jira, fasiraad khaldan oo diinta laga sameeyey oo lagu dulminaayo xuquuqda dumarka, kaas oo aan anigu diidanahay waxaan ahay qof u taagan inuu ka hor tago oo dulmigaas ka dhiidhiyo, difaacana xuquuqda dumarka ay siisay shareecada islaamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdiraxmaan. Ugu danbeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Dhamaan doodihii ka dhashay khudbadeydii waan la socday in tooda badan tan culumada, tan siyaasiyiinta iyo tan bulshadaba, dhamaan waan cafiyey dadkaas kuwa iga soo horjeeday iyo kuwa i taageerayaba, iyagana waxaan ka dalbanayaa inay i cafiyaan, arrintu halkaas ha ku dhamaato, culumadana waxaan ugu baaqayaa inaysan la kala safan siyaasiyiinta, kuwa aan hadda siyaasada isku heyno anigaaba ku dhaama diintee haddey cid la safanayaan waxay aheyd inay aniga ila saftaan.” ( Baryo xumaa) Xigasho
  3. Calanka Kiikuuyada maxaa loo dajiyey? Is Muuse Marqaanle mad at them now since they used and discarded like a cheap condom? Oh, maan.
  4. Muuse Marqaanle muxuu wareeray. Keep doing this. Ciidamada Somaliland oo xoog kula wareegay hotel la suray calanka Soomaaliya Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay si xoog ah kula wareegeen hotel maanta laga furayey magaaladaasi. Ciidamada ayaa markii ay xoog ku galeen hotelka xili ay socotay xaflada furitaankiisa, ayaa waxay isla markiiba dajiyeen calanka Soomaaliya oo hotelka sudhnaa iyo midka Kenya oo isaguna ku lamaana. Wararka aanu ka helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Mulkiilayaashii hotelkaasi, oo ku sugnaa xaflada furitaanka. Waxa sidoo kale Ciidamadu xabsiga dhigeen wariyayaal ka qeyb galay xafladaasi furitaanka Hotelka oo iyagu ka qeyb ahaa soo tebinta xafladaasi, iyadoona ay goobta ka carareen dad badan oo ku sugnaa munaasibada furitaanka Hotelkaasi. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa si adag uga biyo diidanaa calanka Soomaaliya ee la sudhay hotelkan cusub, midaasi oo dhalisay in ay khal-khal galiyaan xaflada furitaanka Hotelka, isla markaana xabsiga u taxaaban mulkiilayaashiisa. Somaliland ayaa inta badan qaada talaabooyin aan loo meel dayin oo ay kaga soo horjeedo calanka buluuga ah ee Soomaaliya, iyada oo horena deeganadeeda ugu xirtay dad ku labistay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya. Ilaa iyo haddana ma jirro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee gobolka iyo xukuumadaba oo ku aadan weerarkan ay maanta ka geysteen ciidamadu hotelka cusub ee laga daahfurayey magaalada Laascaanood. Xigasho
  5. Odeygaan xabsi guri ku jiro wali hanjabaad ayuu meesha ku haayaa. Yaab. Xasan Daahir Aweys: “Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku dhacay kufrinimo cad” Sheekh Xasan Daahir Aweys oo toos bulshada ugala hadlayey bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrin maalmahaan dambe ay isku hayeen qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Muuqaalka uu ka soo muuqday Xasan Daahir oo soconaya ku dhawaad 50 daqiiqo, ayuu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u leeyahay aqoon dheer, waxa uu haatan ku kacayna aysan aheyn xad gudub oo kaliya, balse uu ku dhacay fal “kufri ah” “Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer” ayuu yiri Xasan Daahir. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Midda ka sii daran waxay tahay inuu kor u qaaday gaaladii, haweenkoodii iyo manhajkoodii, isagoo dumiyey kii Nabigeenna NNKH waxuuna ku doonayaa cizo, igadaa culumadaan wax iska dhah-dhahaya, balse waxaan idiin sheegayaa qofka ku kaca falka intaan aakhiro la gaarin iyuu aduunyada ku khasaaraa”. Xasan Daahir ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay nin “agtiisa ay wax walba beec ka yihiin,”. “Wadanku waa beec, diintu waa beec, dadku waa beec, saas oo ay tahayna dad u sacbinaaya ayaan arkaayey waana khasaareen kuwaas, sababtuna waxay tahay waxa uu ninkaas ku jees-jeesayo inuu xadiiska Rasuulka yahay wey ogyihiin, isagaana la mid tihiine ogaada” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Xasan ayaa sheegay in “Cabdiraxmaan waxyaabaha nuucaas ah waligiis laga sheegi jiray, balse uu maanta ku dhiiraday inuu fagaaraha la soo istaago, isagoo sheegay hadii uusan ka toobad keenin inuu waligiis ku sejalnaa doono. “Waxaan rajeynayaa hadaad aqli leedahay anigu dadka khalfoofkaa ayaan kugu aqaanaaye oo aan shakhsiyada hoose laheyn meeshii ay dhalaan ku arkaana raacee waan ogahay in warkaas oo kale reer Galbeedka laga iibiyo waana markaan dhihi jiray tol belay seeftii ilaaheybaa galka gashan, marka meeshii Salmaan Rushdi uu maray inaa martaan rajeynaayaa” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Xigasho
  6. Ninkaan foolkiisa intee ku arki jirtay islahaa laakiin markaa arkay magaciisa then I remembered. Soomaali badan Toronto degan ayuu baxar galiyey, used to be a junior "accountant" in Toronto in mid 2000s. Soomaali badan ayuu been u xareeye canshuurcelinta (personal tax returns), filling bogus donation and charity claims. And when they received the unearned returns, certain percentage ayuu kalahaa. Dad badan ayaa audit lagu sameeye, asagana 2007 ayuu Imaaraadka u cararay after Canada Revenue Agency (CRA) came after him. Dib dambe uma soo noqon filaa.
  7. Waxaa isweydiiyaa dhaqaalaha meesha uu ka keeno odeygaan. I remember his self-financed campaigning for madaxtinimada Soomaaliya from 2004, again in 2012 and again in 2017. He failed in all of them, never getting more than single digit votes after spending only Eebbe knows how much of his own. Waxaa ogahay inuu Nayroobi xaruntiisa tahay, yet one can hardly see his businesses in Nayroobi. Marka muxuu ka beecmushtaraa?
  8. Aah, Digfeer. Maxaa masaajidkaan agtiisa iyo isbitaalkaba ku dhex luggeeye toddobaadyo ka hor.
  9. I have walked on this road many times in last month. Sartaas dhismaha ku socoto Cali Mahdi ayaa dhisanaayo.
  10. Dowladda Jabuuti should have told them to design a more old-Soomaali style masaajid, like kuwa Seylac ka dhisnaan jiray or the masaajidka Cabdicasiis in Muqdisho. Tired of seeing Cismaaniya-style masaajido in Soomaaliya.
  11. This base is really huge. One can't help but notice how large it consists watching from descending airlines while landing at Garoonka Aaden Cadde.
  12. Muqdisho oo amni laga dareemayo iyo Shabaab oo wajahaya guul darrooyin Maanta ma jirto xili ay Muqdisho ka amni wanaagsan tahay markii loo eego 10kii sano ee ugu dambeysay waxaana sii xogeysanaya guulaha ay gaareen ciidamada amniga Soomaaliya. Ciidamada amaanka oo ka kooban Booliis iyo NISA ayaa ku guuleestay in magaalada ay ka joojiyaan weerarada Al-Shabaab ee qaraxyada iyo dagaalka isugu jiray, islamarkaana lagu beegsan jiray xafiisyada dowladda iyo hoteelada magaalada Muqdisho. Sidoo kale ciidanka ayaa ku guuleestay in ay joojiyaan weeraradii ay fulin jireen kooxihii gaadiidka watay ee dadka ku hor jari jiray, iyadoo hadda sidoo kale guulo waa wayn ay ka gaarayaan ka daba tagga dilalka qorsheysan oo ay Muqdisho ka geestaan Al-Shabaab. Todobaadkii la soo dhaafay, ciidamada amaanka waxay nolasha ku soo qabteen 4 dagaalame oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo gacanta kula jiray dilal iyo weeraro ay qaadeen halka ay sidoo kale dileen hal dagaalame oo Al-Shabaab ah. Ciidamada amaanka ayaa Wadajir ku qabtay laba dhagar qabe oo dilay Allah ha u naxariistii Askari ka tirsanaa Ciidamada amaanka. Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa toogasho ku dilay dhagar qabe Al-Shabaab ah oo isla todobaadkaan dil u geestay Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya waxa uuna falkaasi ka dhacay Xaafadda SII SII ee magaalada Muqdisho. Talaabadii ugu dambeysay oo ay qaadeen ciidamada amaanka ayaa aheyd kadib markii habeen hore ay nolasha ku qabteen laba dagaalame oo Al-Shabaab ah kuwaas oo weerar ku soo qaaday xarunta degmada Deyniile ee gobalka Banaadir, waxaana soo bandhigay saraakiisha amaanka Soomaaliya. Muqdisho ayaa in kabadan 100 maalmood ku jirta daganaansho amni iyo dareen soo kabasho ah markii loo eego bilo ka hor. Maxaa sababay in Al-Shabaab looga adkaado Muqdisho Magaalada Muqdisho muddo badan qaraxyo kama dhicin, gaar ahaan kuwii lagu weerari jiray xarumaha Dowladda iyo kuwii kale ee baabuurta looga xiri jiray saraakiisha Dowladda ka tirsan iyo kuwa kale oo shaqaale hey’adeed ahaa, sidoo kalana waxaa la yareeyey dilalkii ka dhici jiray Magaalada. Waxaa si weydiin mudan sababta keentay in la wiiqo awooddii ay Al-Shabaab ku laheyd Magaalada Muqdisho, Caasimadda Online ayaa ogaatay in sababta ugu weyn ee arrintaas keentay ay tahay in dhammaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir la siiyey qalab dhameystiran oo ka saaciday in saldhig kasta uu sugo amniga dagmadiisa. Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in dhamaaan Taliyaasha Booliska Saldhigyada loo sheegay in cid kasta lagula xisaabtami doono amniga, iyadoo degmo kasta loo qoray ciidamo dhar cad sirdoon ah oo howgalo ka sameeyo degmooyinka. Waxaa la dilay oo qaarna la xiray kuwii Al-Shabaab u qaabilsanaa inay Gawaarida dadka ugu xiraan waxyaabaha Qaraxo, waxaana ugu dambeysay kuwii lagu beegsaday Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kadib markii la helay xog ku saabsan sida ay u shaqeeyaan iyo halka ay saldhig ka dhigtaan. Inkastoo magaalada ay galeyso xaalad amni ah hadane waxay dadweynaha cabasho ka qabaan wadooyinka xiran oo dhanka kale sababay hoos u dhac dhaqaale oo aad u balaaran, hase yeeshee xirnaanshaha waddooyinka ayaa loo arkaa mid ka mid ah sababaha amniga u wanaagsanaaday. Xigasho
  13. Muuse Muqayil only knows one move - abusing, harassing, detaining and arresting masaakiinta Waqooyiga degan.
  14. Kiikuuyo: 0 Dowladda Soomaaliya: 2 Hal gool own goal iska dhaliyey Uhuru.
  15. Malaaq Wabar wali waa jacburinaayaa miyaa? Dagaal faa'ido malahee Rabi ha kala qaboojiyo.
  16. Here comes the Tigrey agent and his never ending wish to see Soomaaliya never progress. To him regarding any fact about Soomaaliya's unity, progress, development - anything positive, he seethes that in anger. He cannot even stand his Xabashi government new mutual respect policies vis-a-vis with Soomaaliya. Any decent person would have welcomed this, but not this Tigrey agent. His hatred cannot be hidden. To this Tigrey guest (and agent), his former vassals such Shariif Xasan, Cabdi Ileey and Cumar Cabdirashiid are outstanding folks. Any Soomaali collaborator that stalls Soomaaliya's progress and stability is a hero of his. He would even praise and paint as saints his erstwhile anti-Tigrey sworn enemies (like Rooboow) as long as he thinks they can delay the progress. It is very unfortunate many decent Soomaalis - not his boot-lickers - in SOL cannot see this blatant ploy of his.
  17. Yaa islahaa Muuse Marqaanle will be the one who will bury the long-dead secessionist wish. Jabhado kor, hoos iyo gees maalin walba loogu dhawaaqayaa Waqooyiga. What a failed marqaanle, a warlord always a warlord.
  18. R/W Khayre oo la kulmay madaxweynaha Faransiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Faransiiska ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron. Kulankan ayaa labada mas’u waxa ay uga hadleen arrimo ay ka mid tahay xiriirka labada dowladood iyo taageerada uu Faransiiska siiyo Soomaaliya. Madaxweyne Macron ayaa dowladda federalka ku booriyey horumarka kala duwan ee ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xaan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyey dowladda Faransiiska soo dhoweeynta ballaaran ee loo sameeyey, isagoona ku bogaadiyey, sida ay mar walbo u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Khayre ayaaa ka qeyb galaya shirka nabadda Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka. Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka taareeo dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiyaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, isagoona duqeymo ka dhan ah kooxdaasi ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Xigasho
  19. Tuugada waa kuwaa taageertid ee xaa isbadalay, widaay?