-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
It was not Reer Koonfur Galbeed kii isku qarxiyey Xalane, the former xildhibaan. Sidoo kale kii diyaaradda Daallo isku qarxiyey Reer Waqooyi ayuu ahaa. Ditto to the biggest argagaxiso of them all, Godane, another fellow Reer Waqooyi of yours. So was that lady who isku qarxisay hoteelka Central four years ago, another fellow Reer Waqooyi of yours. War lee maa wadeynaa.
-
US Ambassador’s reaction to the election in Dhusamareb
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Beesha caalamka has no choice but to hambalyeeyaan madaxweynaha Galmudug. Sidii hore awood uma laha. -
-
Qoorqoor: Sharaf bey ii tahay inaan xiriir la leeyahay madaxda DF Soomaaliya Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay doorashadii uu maanta ku soo baxay iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaanada uu ka arimiyo maamulka hoggaankiisa loo doortay. Qoor-Qoor oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in doorashadiisu ay aheyd mid u dhacday si xor ah, muddo dheerna loo diyaar garoobayey. Mar wax laga weydiiyey tuhunka jira ee ah in dowladdu wadatay oo ay uga xaglisay musharaxiintii kale, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faanayo xeriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeysa madaxda dowladda federaalka, isla markaana uu ku faanayo. “Anigu inaan xilkan isku soo sharaxo xaqbaan u leeyahay sanad iyo wax ka badan ayaana musharax ahaa, inaan dowladda xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahayna sharaf ayey ii taha, anigu maahi dadka khilaafka iyo khalalaasaha ka shaqeeya, mar walba in dowladnimada Soomaaliya horay loo sii wado ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Galmudug. Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Qoor-Qoor in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug uu xalkiisa raadin doono, qolo kasta oo wax tabanaysana uu meeshooda ugu tagi doono. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale cid kasta oo tabasho qabta ka dalbaday inay soo fariistaan miiska wada hadalka, isagoo balan qaaday in uu xali doono tabashadooda. Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka mid ahaa musharaxiin afar ah oo maanta u tartantay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku soo baxay doorasho socotay wax ka yar 30 daqiiqo, waxuuna helay 66 cod oo ka mid ah codadka 77 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay. Xigasho
-
Xasan Sh. Maxamuud's former right hand man is congratulating madaxweynaha cusub. He knows the winds of change are not stoppable. Cabdikariim Guuleed oo u hambalyeeyey Qoorqoor Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Siyaasiga Cabdi Kariim Xuseen guuleed ayaa hambalyo u direy Madaxweynaah Cusub ee loo doortey Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Qoraal uu soo dhigey Bartiisa facebook ayuu ku sheegay in uu rajeynayo in uu Qoorqoor ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug. “Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay. Waxaan rajeynayaa in hogaanka cusub uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug. Marka lag soo tago Hambalyada uu u jeediyey madaxweynihii hore ee galmudug madaxweynaha Cusub ee loo doortey maamulkaas ayaa waxaa jira siyaasiyiin iyo Xildhibaano dhaliilsan doorshadaas. Xigasho
-
-
-
Qoorqoor oo loo doortay madaxweynaha Galmudug Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Qoor-Qoor ayaa ku soo baxay wareegii koowaad ee doorashada, isagoo helay 66 cod, halka musharraxii kale ee ku xigay ee Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod. Sidoo kale waxaa wareegaan ku haray Cabdiraxmaan Axmed Sabriye oo helay 1 cod iyo Axmed Shire Maxamed (Falagle) oo isna helay 1 cod. Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa shaaciyey inuu xil ka madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Qoor-Qoor, islamarkaana uu hoggaamin doono afarta sano ee soo socota. Musharraxa guuleystay oo ay wadatay dowladda federaalka ayaa horay loo sii ogaa inuu ku soo bixi doono doorashadaan. Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale isla markii guda galay u codeynta musharraxiinta u taagan xil ka madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo kal ah:- 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo 5-Cabdiqani Sheekh Cali Diini. Xigasho
-
The dude looks like a big time muqayiliste and marqaaniste. No wonder diinta caaydeeda carabka u saarantahay.
-
Qof walba ayaa arko taas. Xataa Xasan Sheekh would readily admit if he was honest to himself. Waxaa qosol iyo yaab ah Shariif Sh. Axmed ka soo yiraahdo London in Xamar maamulaan kuwii afka duubnaa, intaas ay ka tahay dowladda ku xumee laakiin uunan arkin as a former president his words could be misused by kuwa ka soo horjeedo horumarka Soomaaliya. Kuwaas afka duuban waagee dowladiisa jirtay Tarbuunka ayee si toos u xukumi jireen iskaba dhaaf meel kale.
-
Waa runtaa. What tipped the scales in dowladda dhexe's favour was after kicking out kii Reer Koonfur Afrika ahaa ee Qaramada Midoobay u fadhiyey Soomaaliya. Many, including some so-called Soomaalis midnimada Soomaaliya ka soo horjeedo, were expecting severe repercussions. Others, especially Western diplomates based in Muqdisho, saw Soomaaliya fledging its newly re-acquired muscles that they started paying to respect more.
-
Guddoomiyihii baarlamaanka hore now admits how toothless and hapless dowladii Xasan Sheekh was vis a vis beesha caalamka; corrupt beesha caalamka wax walba ka dhameysan jireen. Jawaari: Sida xukuumadan ay talada u qabatay, waa la wiiqay awooddii beesha caalamka ee Soomaaliya Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo xalay ka qeyb galay Barnaamij Dood Wadaag ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo waliba faragelinta Beesha Caalamka Soomaaliya. Mudane Jawaari ayaa sheegay marka hore in muhiimad gaar ah leedahay dhameystirka Dastuurka oo soo afjaraya is qabqabsiga iyo loolanka u dhaxeeya madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada. Jawaari ayaa naqdiyay danaha caalamka uu ka leeyahay Soomaaliya xiligan waxaana uu si dad badan u taageeray inaan warkooda muhiimad gaar ah la siinin, isagoo yiri, "Intaan leenahay Beesha Caalamka maxey tiri, safiir hebal muxuu yiri horay uma soconeyno, safiirada jooga wadanka waa Danjireyaal, danahiisa inuu kaa fushado mooyee ujeedo kale malahan.” Waxa uu intaa ku daray Jawaari in Beesha Caalamka warkeeda meel la iska dhigo, isagoo tilmaamay ineysan ka hor imaan karin dowladda Federaalka maadama aan dano kala duwan ka leeyihiin. Jawaari ayaa xusay iney Soomaalida u kala dab qaadaan oo midba midka kale oo ay la kulmaan uga sheekeeyaan wixii dhexmaray kii ka horeeyay. Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qirtay in Dowladii Xasan Sheekh in Beesha Caalamka ay galaan gal weyn ku laheyd go’aamada la gaarayo islamarkana faragelin nuuc walba ah ay ku heyso dalka, wuxuuna uu tibaaxay in hadda aysan sidaas aheyn oo ay Ilko beeleen. “2016-kii Doorkii ay ku lahaayeen Beesha Caalamka Soomaaliya iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya, maanta waa ilka beeleen, laakiin markaas qoorta bey nooga dhaganaayeen, hadda waxey xooga saarayaan danta ay Dowladda Federalka ka rabaan, hadda doorkooda ma ahan in Dowladda Federalka ama maamul Goboleed ku soo hogaamiso danahooda, marnaba laga sugi mayo iney dadka isku keento iney Soomaalida isku imaadaan mooyee” ayuu yiri Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya hadana ah xubin katirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka. Xigasho
-
After all of these decades diintana la baray, they are still uttering blasphemy. They are still using blasphemous, sacrilegious words of nabigiina w.. iyo diintiina w... Read on. Culimada Boorama oo ugu baaqay badhasaabka Awdal “inuu dib usoo islaamo” kadib hadal ka soo yeeray Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayey qaar kamid ah Culimada Boorama ugu baaqeen in uu “dib usoo islaamo,” maadama ay sheegeen in uu diinta caayey islamarkaana “uu ka baxay.” Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu si weyn uga carooday Wiil xiriirinayey xaflada. Badhasaabka ayaa si weyn uga carooday in qof laga hor-mariyay oo hadalka lagu soo dhaweeyo, xili uu dalbaday in isaga loogu horeysiiyo, si uu hadalkiisa uga jeediyo xaflada kadibna uu u baxo. Midaasi oo uu ku gacan sayray wiilkii dhalinyarada ahaa ee xiriiriyaha ka ahaa xaflada, taasi oo dhalisay in Badhasaabku uu yiraahdo ereyo uu ku aflagaadeynayo Diinta isagoo kasii baxaya xaflada, oo ah, “Taga waan iska tagayaaye, diintiina w***” Sheekh Xasan Deheeye iyo Sheekh Maxamed Saaweer oo kamid ah Culimada waaweyn ee gobolka Awdal, ayaa khudbadii Jimcihii kaga hadlay arrinkaasi, iyagoona sheegay in Badhasaabku uu galay gaf weyn, maadama uu caayey Diinta Islaamka. Culimadan ayaa Madaxda sarre ee Xukuumada Somaliland ku canaantay in gobolka Awdal aysan u soo magacaabin Badhasaab ku fiican xagga diinta, isla markaana ugu baaqay inay talaabo adag ka qaadan Mas’uulkan. Waxay sidoo kale Culimadan ay ugu baaqeen Badhasaabka “in uu dib u soo Islaamo,” maadama uu caayay Diinta, iyagoona xusay in uu Xukunkiisu yahay in la dilo, haddii uusan dib uga soo laaban. “Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga rabaa inuu maanta Masaajidka ugu weyn Hargeysa uu ka khudbadeeyo oo isagu dadka uu hoogaamiyo oo khadiib uu noqdo sidii Cumar Binu Khadaab ilaa madaxdii muslimiinta waayo ninka Muslimiinta xukumaaya iimaam ayaa la yidhaahdaa, wax la hogaamiyo salaada ayaa ugu wanaagsan waa inuu salaadooda hogaamiyaa oo toosiyaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Deheeye. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Badhasaab kastana waxa laga rabaa inuu isna gobalka loo diray in sidaas u hogamaiyo oo diinta ku hogaamiyo oo khudbadeeyo oo tujiyo, kumaa maanta ina tujin ma ka diinta caayaya ma ka alle caayaya ma ka malaa’igta caayaya”. “Meel lagu shiraayay ayaa shalay waxa lay sheegayay oo hoolalka ah ninka gobalkan haystaa inuu diinta caayay oo alle uu caayay, anigu isaga canaanan maayo ee kuwa soo magacaabay ee sidaas raali ka ah inuu diinta caayo, waa gaal ninkaasi ee waa inuu dib u ashahaataa xukunkiisuna waa in la dilo, aniga ayaa dilaaya ma lihi ee shareecada ayaa dilaysa." Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo isaguna ka hadlayey arrinkaasi, wuxuu yiri “Dawaladu waa inay wax ka qabato ninka diinta caayay hadduu madax yahay haduu askari yahay , haduu cid kasta yahay waa in wax laga qabto oo la sheego, maaha in lays xanto qofku haduu alle iyo rasulkiisa caayo waa la dilayaa waa reer hebelnimo yaa loo dhimanayaa kuwa suuqa ku caayaya ee tolkeen ah maxaa wax looga qaban waayay”. “Miyaad aragtay qof diinta lagu dhirbaaxay, diinta ma sidaas ayaynu ku daynaa. Madaxweynuuna waa inuu dadka dhanka cibaadada ku doorto oo aan reer hebelnimo la eegin oo waa in la eegaa qof dhaqan fiican leh oo umadda masuul ka noqda” “Umaddu masuul wanaagsan ayay u baahantahay nin lagu daydo ayay u baahan tahay nin umadda la tukada ayay u baahan tahay oo jamaca soo dhexgala oo safka hore ku tukada oo umadda wax u sheega oo ay ku dayato”. Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu sii baxayey, midaasi oo dhalisay in loogu baaqo in uu Diinta dib ugu soo laabto. Xigasho
-
NISA oo shaqadeeda gudaneyso
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shaqo wacan, NISA. Look at how newly minted they are those qarax causing materials. You can bet gacmo iyo dalal shisheeye inay dalka kuu galiyeen. -
40 bastoolad iyo raggii watay oo lagu qabtay xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya Ciidamada Liyuu booliska ee dawlad degaanka Soomaalida, ayaa galabta gacanta ku dhigay hub, gaari iyo raggii wetay kuwaas uu gudaha u sii gelayey dhulka uu ka arimiyo ismaamulka Soomaalida. Hubkaan ayaa waxaa wetay oo lagu qabtay illaa seddax nin, kuwaas oo watay gaari HILUX ah, hubkaas ayaana dhamaantiis bastoolado ah. Bastooladaha lagu qabtay raggaas oo lasoo bandhigay sawirro laga soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 39 bastooladood. Seddaxda nin ee lagu eedeeyey inay wateen hubkaas ayaa laga qabtay magaalo lagu magacaabo Qaran oo u dhaw magaalada ku taalla xuduudda dowlad deegaanka iyo Somaliland ee Wajaale. TV-ga dawlad deegaanka ayaa baahiyay sawirrada gaariga iyo hubka lagu qabtay ragaas tiradooda lagu sheegay seddaxda nin, waxuuna weriyey in hubkaasi uu ahaa mid si sharci darro ah lagu gelinayey deegaanada maamulka, sharcigana lasoo taagi doono ragga ku eedeysan falkaas. Xigasho
-
Hadal jeedinta musharaxiinta doorashada Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goordhow magaaladaasi uu ka furmay kulan ay leeyihiin xildhibaanada 2aad ee baarlamaanka maamulka Galmudug. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya, Dr Maxamed Nuur Gacal oo ah guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, iyadoona ay soo xaadireen illaa 72 Mudane. Xildhibaanada ayaa haatan dhageysanaya khudbadaha musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Illaa 9 musharrax oo afar ka mid ah ay u taagan yihiin xil ka madaxweynaha iyo shan kale oo u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa jeedinaya barnaamijkooda waxqabadka, sida uu shaaciyey guddoonka cusub ee baarlamaanka Galmudug. Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha ayaa kala ah:- 1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) 2-C/raxmaan Axmed Sabriye 3-Axmed Shire Maxamed (Falagle) 4-Axmed C/laahi Samatar. Sidoo kale musharraxiinta u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa kala ah:- 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), 5-Cabdi Qani Sheekh Cali Diini. Dhinaca kale waxaa muuqata in weli go’aanka afarta musharrax ee ugu saameynta badan doorashada Galmudug uu sidiisii yahay, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere Musharraxiintaan ayaa si cad uga biyo diiday inay ka qeyb galaan tartanka doorashada, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda Soomaaliya Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo ay beesha caalamka ka digtay sii socoshada khilaafkaan, waxayna ugu baaqday dhinacyada isku haya Galmudug inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed. Xigasho
-
Xildhibaanada Ahlu-Sunna oo lagu arkay fadhiga maanta ee baarlamanka Galmudug In ka badan oo ka mid ah xilhibaanadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta soo xaadiray kulan uu baarlamaanka cusub ee Galmudug uu ku dhageysanayey hadal-jeedinta musharaxiinta xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmdug. Kooxda Ahlu-Sunna ayaa horey u qaadacday doorashada madaxweynaha, waxayna shalay ku dhowaaqeen liis xildhibaano oo cusub. Xildhibaanno ku dhow 10 ayaa sheegay in ay madaxda Ahlu-Sunna ay isku afgaran waayeen shuruurdaha la hor dhigayo wasaaradda arrimaha gudaha, kadibna ay go’aansadeen in ay ku biiraan xubnaha kale ee baarlamaanka. Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah xildhibaannada ka soo muuqday kulankii maanta, waxaana ka mid ah : 1) – Xildhibaan Mahad Kilic Warsame 2) – Xildhibaan Cabdi Maxamuud Fiidow 3) – Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed 4) – Xildhibaan Yaasiin Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan 5) – Xildhibaan Mowliid Sheekh Cali Tahliil 6) – Xildhibaan Mahad Cabdi Xirsi 7) – Xildhibaan Axmed Maxamed Aadan 8 ) – Xildhibaan Xuseen Axmed Carab Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in xildhibaannadan ay dhanka dowladda Soomaaliya ka heleen ballan-qaadyo kuu aaddan in xilal looga magacaabi doono xukuumadda uu soo dhisi doono madaxweynaha lasoo dooranayo. Ilaa afar musharrax ayaa u taagan xilka madaxweynahay Galmudug, iyada oo xilka ku-xigeenka madaxweyanahana ay u sharraxan yihiin 5 musharrax. Doorshada ayaana la filayaa inay dhacdo maalinta barri ah. Xigasho
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mareykanka iyo Somalia oo mashruuc cusub ku daah-furay Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay. Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa US$1.6Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka. Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada. Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda. Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Xigasho
-
Popular Contributors