-
Content Count
17,627 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
323
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Since cudurkaan xun laga helay hal qof Xamar karantiil ku jiray, it is a cautious, necessary step of action to close regional schools in Banaadir for now. Amarkii R/wasaare Khayre ee xirida goobaha waxbarashada oo dhaqan galay Waxaa maanta inta badan magaalada Muqdisho ka dhaqan galay amarkii xalay ka soo baxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa in la xiro goobaha waxbarashada, sababo ku aadan cudurka Coronavirus. Xarumaha iskuulladda iyo kuwa Jaamacadaha ayaa maanta badi hirgaliyey amarkaasi, iyaga oo fasaxay ardayda, lana wadaagay fariinta ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee aheyd in la xiro muddo illaa 15 cisho ah, si looga hortago faafinta cudurka Coronavirus. Tallaabadaasi oo muhiim u ah xakameynta cudurkaan oo fara ba’an ku haya caalamka ayaa waxaa sidoo kale si aad ah u boggaadiyey dadka Soomaaliyeed. Dowladda federaalka ayaa horay u soo saartay amar lagu joojinayo duulimaadyada caalamiga ah ee ee garoonka Aadan Cadde, kaas oo caawa kadib dhaqan-gali doono. Sidoo kale taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hakiyey muddo 15 cisho ah howlaha waaxda faraha ee hay’adda CID oo bixisa warqadda dambi la’aanta. Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda dhexe ee Soomaaliya uga hortageyso COVID19, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday inay u dooneysay la tacaalida cudurkan lacag gaareysa 5 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah. Xigasho
-
I don't know about 90 xildhibaan, however I am sure they are at least dozens of them who are traitors and treacherously, openly support Kiikuuyada. Maxaa ka jira in 90 ka mid ah xildhibaannada BF ay taageersan yihiin Kenya? Korneyl Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Jookar ayaa wareysigaan ku sheegay inay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo si aad u taageersan dowladda Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Siyaasiga Korneyl Cabdinuur Jaamac Jookar ayaa ku eedeeyey xildhibaanadaasi inay xiriir dhow la leeyihiin madaxda dowladda dalka Kenya, islamarkaana ay taageersan yihiin siyaasad ahaan, inkastoo uusan carab dhabin magacyadooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kenya TV-yadeeda ay mar-weliba ka sheegto in kaliya ay wax ku heystaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse baarlamaanka dowladda federaalka ay ku dhex leeyihiin 90 xildhibaan oo uu shaaciyey inay dooneyso in ay u adeegsato, kuna dhabar jabiso madaxda Qaranka Soomaaliyeed. “Dowladda Kenya waxaad ka maqleyseen inay Tv-yadeeda ay ka leedahay anaga laba nin baa wax nagu heysata, waana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, 90 xildhibaan baan dowladdda Soomaaliya ku leenahay, iyaganaa Mooshin u isticmaaleynaa inaanu ku ridno labada nin” ayuu yiri Korneyl C/nuur Jaamac Jookar oo ah siyaasi Soomaaliyeed. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu maqan yahay doorkii baarlamaanka Soomaaliyeed, islamarkaana shaqo qurux badan aysan ka socon dhankooda, xilli uu dalku ku jiro marxalad adag oo u baahan in loo wada istaago wax ka qabashadeeda. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysaneysay xiisada Soomaaliya iyo Kenya oo horay isugu hayey kiiska Badda ee weli horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ. Xigasho
-
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Tirada dadka ay DF Somalia u karantiishay CUDURKA Coronavirus oo korortay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kasoo degay afar muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Talyaaniga oo ka mid ah dalalka uu sida weyn ugu faafay cudurka Coronavirus. Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay kamid ahaayeen askar leyli sarkaalnimo loogu diray dalka Talyaaniga, waxaana ay saarnaayeen diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda maanta ee Addis Ababa iyo Muqdisho. Xubno ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya oo maalmahaan howlo shaqo ka wadey Garoonka ayaa la wareegay, waxaana lagu warramay in afartan qof la karantiiley. Muwaadiniintan ayaa lagu hayn doonaa xarun ay diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka muddo 14 maalmood, waxaana ay mari doonaan baaritaan caafimaad, markaasi oo kadib lasii dayn doono marka laga waayo Coronavirus. Horey waxaa loo hayey afar qof oo kale. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday inay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo laga helo Soomaaliya, ayada oo laga helay qof ka yimid dalka dibeddiisa. Qofkaasi ayaa muddo lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ka hor inta aan la xaqiijin in laga helay cudurka. Si kastaba, dadkii diyaaradda la saarnaa qofkaas ayaan laga war-hayn xaaladooda, waxaana jirta cabsi ah in laga yaabo in qaarkood uu qaadsiiyey ka hor inta aan baaritaankiisa oo dibedda loo qaaday lasoo celin. Si kale, dadka diyaaradda la saarnaa dadkii maanta la karantiilay ayaa iyagana gudaha u galay magaalada Muqdisho. Si looga hortago arrimahan oo kale, islamarkaana loo yareeyo halista cudurka ayaa dowladda Soomaaliya waxay mamnuucday dhammaan duulimaadyada ka imanaya dalka dibeddiisa. Xigasho -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sharcigii dowladda dhexe oo hirgalay: Turkish Airlines suspends flights to Somalia Turkish Airlines on Monday suspended its flights from Istanbul to Somalia after the Horn of African country confirmed its first case of coronavirus and took a similar suspension. The flag carrier has suspended all flights to the capital Mogadishu for two weeks, said a statement by Turkey’s Embassy in Mogadishu. “As part of the fight against the COVID-19 outbreak, the Somalia government reported that all international flights, including humanitarian flights, have been stopped for 15 days, starting Wednesday, March 18,” said the statement. It added that Turkish Airlines “will suspend Mogadishu flights over the next 15 days, and the last scheduled flight to Istanbul will be held on the morning of March 17.” Turkish airlines started regular service to Mogadishu in 2012. Turkey is Somalia’s strongest ally and has spent over $1 billion on aid and infrastructure in Somalia since 2011. It also support Somalia’s National Army and has its largest embassy in the world in Mogadishu. Xigasho -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
The Tigrey agent above you is making more sense than a Soomaali like you. Waraa Mooge, saan isku dhaan. -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Finally. Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday dhammaan duulimaadyada caalmiga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada Caalmiga ah ee Soomaaliya iman jira Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo marka la gaaro dhammaadka maalinta 18 bisha Maarso lix saac habeenimo la joojiyey dhammaan duulimaadyadii kasoo dagi jiray iyo kuwii ka duuli jiray dalka Soomaaliya. Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inuu amarkaan soo baxay kadib markii uu kulan deg deg ah isugu yeeray Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono dhammaan dhulka Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray inay Dowladda Soomaaliya fasixi doonto kaliya duulimaayada xagga bini’aadanimada iyo kuwa gargaarka. Go’aankaan ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus laga helay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska. Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn. Xigasho -
Alloow ummadaada ka badbaadi
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kiiska ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus oo laga helay Muqdisho. M.FACEBOOK.COM Kiiska ugu horreeyay ee Cudurka CoronaVirus oo laga helay Muqdisho. -
Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday dhammaan duulimaadyada caalmiga ah Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyey ee koronavirus ah laga helay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska. “Ka dib karantiil iyo baaritaan aan ku samaynnay muwadaniintii afarta ahayd ee ka yimid dalka Shiinaha usbuucii hore waxa aan xaqiijinayaa in mid ka mid ah muwaadiniintaas laga helay cudurka caabuqa faafan. Wasaaraddu waxay ka shaqaynaysaa xakamaynta cudurka,” ayey tiri wasiir Fowsiya Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn. Waxay sheegtay in dowladda ay waddo taxaddar xooggan oo ay ku xaqiijineyso in dadka qaba fayruskan aysan soo dhex-gelin bulshada.
-
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
DF oo Ka Shiraysa Xayiraad Ay Ku Soo Rogto Kenya Iyo Itoobiya Oo Laga Helay Coronavirus Mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay ka shirayso sidii xayiraad dhinaca duulimaadyada ah loogu soo rogi lahaa dowladaha deriska nala ah ee Kenya iyo Itoobiya oo iyagu laga helay kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus. “Si joogta ah ayaan isha ugu heynaa, waxaan saacado ka hor la wadaageynay civil aviationka Kenya iyo kan Itoobiya, waddanka haddii hal kiis ama labo kiis laga helo ma ahan micnaheedu ma ahan in anagu aan xayiraadda is kala soo boodno, laakiin waxaan fiirinaynaa xadiga uu ku socdo kororka cudurkaasi, haddii uu xaddi sare ku socdo Notaamka aan diyuuradaha kula hadalno ayaa kordhinaynaa waddankaasina listiga ayaan ku darnaa, marka berri ayaan shir ka leenahay arrintaasi” ayuu yiri mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin. Dhanka kale maareeyaha ayaa sheegay in Nootaamka ay diyaaradaha kula hadlaan ay la wadaagi doonaan in aysan soo qaadi Karin dadka taransitka ah islamarkaana wax ka yar 14 maalmood ka soo maqnaa dalalka ay xayiraadda saareen ee uu sida ba’an u saameeyay cudurka Coronavirus. “24-kii saac ee la soo dhaafay Nootaamkii wax baan ka badalnay in daadkaas naftirkooda meel aan taransit point ahayn duyuuraddu ka soo qaadi Karin hadduu passapoorkiisa exist-ka ku dhegsan uu muujinaayo in 14 berri muddo ka yar uu moogyahay waddamada ay xayiraaddu saran tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay maareeyaha. Hadalka maareeyaha ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli kiisaskii ugu horeeyay laga helay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya. Xigasho -
If it was up to me, it should have been stopped its importation last year or last decade. However, now the banning is needed more than ever for security and safety reasons of the country and citizens. I hope the following news is credible. DF oo go’aan ka gaartay sida laga yeelayo qaadka ka yimaada Kenya Kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayna goob joog ahaayeen madaxda Qaranka ayaa lagu go’aamiyay in lagu dhawaaqo joojinta qaadka iyo guud ahaan duulimaadyada ka yimaada Kenya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in inta laga hubinayo in qaadka uu keeni karo xanuunka Coronavirus, maadama gacmaha lagu soo jaro baakadano ku jirin, la joojinayo dhammaan keenista qaadka. Waxaa sidoo kale la qorshaynayaa in la hakiyo agabyada kale ee ka yimaada Kenya iyo guud ahaan duulimaadka dalkaas iyo Soomaaliya. Xildhibaan Cali Jowhar oo ah Guddomiayah Guddiga Arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in maalinta berri ah ay qaban doonaan shir ayna dowladda Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqayaan joojinta qaadka. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kulan dhacay la isku afgartay joojinta arrintaan islamarkaana go’aanka lagu dhawaaqi doono wixii ka dambeeya maalinta berri ah. Shaqsiyaad badan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in la joojiyo qaadka oo halis ku ah Somalia, sidoo kalane sababi kara cduurka adduunka saameeyay ee Coronavirus maadaama aan la hubin inuu gudbin karo iyo in kale. Kenya ayaa shalay shaacisay in laba qof oo hor leh dalkaas laga helay Coronavirus, laba maalin kadib markii ay shaacisay kiiskii ugu horreeyey. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan mamnuucday dadka ka imanaya afar dal oo ka mid ah kuwa uu sida ba’an ugu faafayo cudurka Coronavirus inay soo galaan dalka. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran. Xigasho
-
Coronavirus: Troops sent to New York 'containment zone'
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
And Jarmalka isn't? Soomaaliya farmashiyo walba tabeelaheeda iyo calaamadii ku sawirnaan jirtay ma xasuusatid miyaa, shirkadda daawooyinka weyn Bayer oo xaruntooda ah Jarmalka. Dotard is childishly trying to score against Midowga Yurub since he currently does not have a good relationship with the leaders of Jarmalka iyo Faransiiska. -
Ninkaan xilligiisa ayaaba gabo gabo ah marka ha iska waramo inta meesha loogu imaanaayo. Tolkiisa qof kan dhaamo, Kiikuuyana horusocon inay keensadaan ayaa u dhaantay.
-
Mar Kale Midnimo's latest post:
-
Gooni, gacan ayaa kuu taagay how you lower yourself into the lowest ebb of boosaneero where this rat creature scavenges on. Maxaa iskugu wasaqeysaa with this qurun, widaayoow?
-
Horta ma istaagi karaa ninkaan? Too much ugali, methinks. And where the heck is his 'neck'?
-
Wareysiga lala yeeshay the founder. Mar Kale Midnimo on Facebook Watch M.FACEBOOK.COM Halkan ka dhageyso, wareysi ku saabsan ururka 'Mar kale Midnimo', oo maanta ay BBC Soomaali la yeelatay Maxamed...
-
Their Facebook page: Mar Kale Midnimo - Home | Facebook M.FACEBOOK.COM Mar Kale Midnimo. 1.8K likes. Political Organization
-
There is no need for mar kale since Soomaaliya ay tahay dal dhisan oo jira, aana kala tagi karin. However, I welcome this, dad badan ayaa riyadii xumeyd ka soo toosooyo. “Waxaan markale dooneynaa in Soomaaliya iyo Somaliland ay midoobaan” Koox aqoonyahanno ah oo intooda badan ka soo jeeda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay inay doonayaan inay dib u midoobaan Muqdisho iyo Hargeysa. Bayaan uu dhaqdhaqaasi ka soo saaray magaalada London ayey ku sheegeen in ujeedkoodu yahay feker iyo aragti abuur midnimo ku salaysan. Waxayna sheegeen in xubno badan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqooda ay ka shaqeeyaan magaalooyin badan oo Somaliland iyo Soomaaliya ah. Baaqa ayay sheegeen in ujeekiisu yahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa, loona xoojin lahaa wadahadallada ummadda Soomaalida iyo sidii loo heli lahaa midnimo macno leh oo waxtar dhinac walba u leh. "Sodon sanadood sida iminka Soomaalidu ahayd, gaar ahaan labada gobol laguma sii jiri karo, oo umadnimadu kuma sii jiri karto marka la eego dhibaatooyinkii waaweynaa ee dhacay iyo kuwa iminka labada dhinacba gudahooda ka jira iyo isbedallada waaweyn ee gobolka Geeska Afrika ka dhacaya oo u baahan in la helo jiho cusub oo ka duwan wixii sodonkii sano ee u dambeeyay lagu jiray," ayuu yiri Maxamed Baashe Xaaji Xasan, xiriiriyaha dhaqdhaqaaqa Mar Kale Midnimo oo BBC-da la hadlay. Wuxuu intaa raaciyay in xukuumadaha ay culeys ku saari doonaan, doorkooduna uu yahay feker iyo aragti abuur cusub oo ku saabsan midnimada labada dhinac. Waxaa kale oo uu Baashe sheegay in xubna kamid ah ay ku sugan yihiin gudaha Somaliland, gaar ahaan, Hargeysa iyo Burco degaannada kale iyo dibedda, waxaana uu yiri "si qarsoodi ah ayaanu gudaha uga shaqeynaa." Qorshahoodu ayuu sheegay in uu ahaa inay ku kulmaan gudaha Mgaalaada Hargeysa, balse aysan taas suurtagal ahayn, maadaama aanan laga oggoleyn doodda ay wadaan. Hase yeeshee hadalka kasoo yeeray ururkaas ayaa waxaa ku gacan seyray Somaliland oo sheegtay in taasi aysan shaqeyneyn. Read on
-
Waaw, tuugsi badanaa ninkaan marqaanka ka soo kacay. Gaalkaas cad - the ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya - muxuu u keeni karaa. I guess kistii yareyd la masuqmaasuqi jiray ayaa soo dhamaatay. And by the way, how many times within months does this ergey visit secessionist headquarters from Xamar? Is he trying to dabagal lacagtee bixiyaan meeshee ku baxdo? This must be 4th or 5th time since the beginning of the year.
-
UAE Cancelled the construction of the military base in Berbera
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Ethiopia to develop new port in Sudan Ethiopia is to complete the formal possessing of acquiring land at Sudan to develop its own port. In different occasions the two countries agreed to develop a port in Sudan that will be an optional sea outlet for land locked Ethiopia. After Abiy Ahmed come to the premiership the two countries have strengthened the idea of developing a facility at Port Sudan, a major sea port town in Sudan. In the latest dialogue, Addis Wog, organized by Office of the Prime Minister on the logistics sector Matios Enser (PhD), lecturer at Addis Ababa University, said that the country should develop its own port in the region. On the discussion held on Friday March 6, he recommended Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise (ESLSE) to develop ports in the region as seeing the experience of others like DP World. “When the country normalize relations with Eritrea, the Ethiopian Freight Forwarding and Shipping Agents submitted a document for the PM to consider developing ports in a joint manner with Eritrean government,” he told Capital. “Expressing interest is not enough, action is required since it is a serious issue for the country,” he added. He further said that there are alternatives in the region that the government will really consider. Dagmawit Moges, Minister of Transport, told Capital that owning a port is part of the Ten Years National Logistics Strategy issued few months ago. “We are interested to develop ports and it is one of the interventions in the logistics strategy,” she says adding “but it should be determined by the deal with countries.” Regarding securing the plot at Sudan she confirmed for Capital that the issue would be one of the areas that will be discussed in the latest meeting with the delegation led by her counterpart from Sudan this week. A delegation that was led by Dagmawit paid a visit to Sudan and port facilities in the country early this year. Sources said that the current Sudanese delegation visit is the follow up of Ethiopian delegation visit. Mekonnen Abera, Director General of the Ethiopian Maritime Affairs Authority (EMAA), told Capital that finalizing the ownership of the plot in Sudan will be done in the near future. He said that the two countries have already agreed to give the plot for the port development, while the remaining process will be finalized in the coming few months. “I will write a letter for our embassy in Sudan to finalize the process in the near future and I hope the case will be done soon and the embassy will receive the plot,” he added. He added that ESLSE will be the mandated body to develop the port facility in Sudan. Roba Megersa, CEO of ESLSE, told Capital that the plot securing process will be developed in the current year but the development might not start soon. “Developing the area might commence in the coming year,” he added. Some sort of consignment is coming via Sudan Port currently and Ethiopia also export limited amount of oilseed products through Port Sudan. Ethiopia’s major port outlet is Djibouti, which enabled to develop the facility significantly compared with others in the regions. Ethiopia has also interest to get stake in Djibouti and the two countries agreed to swap shares on mega facilities in their countries. Ethiopia also took a 19 percent share on the new development of Berbera Port but it was reported this week that the project is fully suspended. Ethiopia has also interest to work with Kenya and Eritrea in developing port facilities. Xigasho -
UAE Cancelled the construction of the military base in Berbera
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
And Xabashidii la caabudi jiray, la isku qori jiray have officially left, too. Secessionists being used and discarded like an old condom - just another time and nothing new. Itoobiya oo ‘hakisay maal-gashigii’ dekedda Berbera una wareegtay deked kale Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay joojisay maalgashigii ay ku laheyd dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, sida uu qoray wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi. Wargeyska ayaa daabacay in todobaadkii la soo dhaafay xukuumadda Addis Ababa ay hakisay 19% saamiga maalgashigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaarinta dekeddaasi. Sidoo kale warbixinta wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Suudaan. “Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” ayuu yiri wargeysku. Illaa iyi hadda si rasmi ah dowladda Itoobiya ugama hadlin arrinta dekedda Berbera, balse wuxuu wargeyska Capitaal wareystay wasiirka gaadiidka Dagmawit Moges oo faah faahin ka bixisay qorshaha ay ka leeyihiin dekedda ay ka sameysanayaan dalka Suudaan. Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland oo ku aadan warbixinta wargeyskaasi. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan dalka Imaaraadka Carabta uu ka laabtay qorshihii uu saldhigga milatari uga dhisanayey magaalada Berbere ee Somaliland. Xigasho -
That is what I want to know. Why would a dear sister associate with these tuugo.
-
Activist Jawar Mohammed takes a dig at Abiy Ahmed Ali
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
We have to use Abiy Axmed. Soomaaliya is not currently that strong. We will use him as long as it benefits us. Remember, he could have continued the destructive Sanaawi policies of iskudirida Soomaalida and periodically humiliating Soomaalis by inviting them to that infamous yellow chair in Adisababa. So far, Abiy Axmed has not openly interferred and intervened in siyaasadda Soomaaliya against dowladda dhexe. He had not invited madax ku sheeg maamul goboleed without dowladda dhexe permission. Sanadkii 1991 ayaa fursad na dhaaftay markuu Sanaawi qabsaday; he too was initially openly supportive a unity government of Soomaaliya until 1996. We hope we do not repeat that lost opportunity again. -
By the way, does anyone know halka dumar sawirka kula muuqato tuugada waa weyn?
-
Amiin Caamir ayaa la helay tuugada.