-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Somalis are 6th largest tribe in Kenya
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to MoheyedinIssa's topic in Politics
Been badnaa Kiikuuyada. Tirakoobka Soomaalida ugu yaraan waa 4.5 million. They are suppressing the original census numbers from NFD, which they stopped reporting after and when they realized how big Soomaali numbers are. They did this in 2009 as well. There is no way the population of Soomaalis in NFD increased these mere numbers between 2009-2019. Their own numbers say average Soomaali mother has seven children compared to the average fertility rate of the rest being 3.5. -
Mandheera inuu ku fakanaayo ayuu mooday Janan kan la baxay. Tuugga baxsadka ah waa in la soo qabtaa. Mandheera oo ‘dagaal qarka u saaran kadib markii ay galeen ciidan Soomaali ah’ Barasaabka Mandheera Cali Rooba ayaa sheegay in ciidamo Soomaali ah ay usoo gudbeen dhankooda, islamarkaana xiisadda ka dhex oogan dowladda federaalka iyo Jubaland ay halis ku hayso. Cali Rooba ayaa sheegay in qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Beledxaawo ay soo barakicisay ciidamadii Jubaland, kuwaas oo usoo baxsaday, haatanna ku sugan Mandheera. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ceyrsanayaan wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo isna la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Mandheera. “Ciidamadii soo cararay waxay usoo gudbeen Kenya, waxayna hadda ku sugan yihiin gudaha Mandheera. Tani waxay halis amni oo weyn ku tahay shacabkeena,” ayuu yiri Cali Rooba oo la hadlay golaha Mandheera. Maamulka Isbitalka weyn ee Mandhera ayaa heegan la geliyey si ay ugu diyaar-garoobaan inay u gurmadaan dhaawacyada, haddii dagaal uu ka dhex qarxo ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka. “Arrintan kama sii aamusi karno. Inkasta oo aan qadarineyno mowqifka dowladdeena ee ku aadan xiriirka Soomaaliya, haddana ma aqbali karno halista ay wajahayaan shacabkeena. Waxaan dowladda ka dalbaneynaa inay arrintan si wanaagsan iyo deg deg ah ula tacaasho,” ayuu yiri Cali Roba. Cali Rooba ayaa ka digay in Nairobi ay mas’uul ka noqon doonto haddii dhib uu soo gaaro shacabka Mandheera. “Waxaan ka codsaneynaa dowladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada uga saarto ciidamada Jubaland, si loo nabadgeliyo Mandheera. Xaaladda waa ay sii xumaaneysa, waxaana qarka u saarannahay dagaal weyn oo shacabka waxyeeleeya.” Hadalka Rooba ayaa imanaya ayada oo horey ay u jirtay cabsi laga qabo in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka gudbaan xuduudda, si ay halkaas uga soo qabtaan Cabdirashiid Janan, oo 28-kii Janaayo kasoo baxsaday Muqdisho. Xigasho
-
Soomaali berigee Soomaali ahayd. Alloow u raxmo halyeydaas dalka u soo halgamay cajalka ka muuqdo.
-
P.M. Abiy Ahmed sends Somali minister to Hargeisa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dhaqaale's topic in Politics
Cagjar warkiisa lama maqlo bilooyinkaan intuu ka baxay? Shidahaan iyo Cagjarka ishaaye ayaa iigu dambeysay for Soomaali Galbeed influence. Yaa guuleystay? Aawey The Saak, afhayeenka Cagjar on SOL? -
Ra'iisul wasaare Kheyre waa afyaqaan codkar ah runtii.
-
Maareeye: “28 sano ayay Somaliland lahayd siyaasad looga taliyo marfishyada” Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la hadal hayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay inuusan isaga ka war qabin safarkaas la sheegayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa uusana diyaar u aheyn inuu ka hadlo. “Anigu wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, kana hadli mayo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye . Wasiir Maareeye oo kasoo jeedo Somaliland, ayaa kula taliyey shacabka halkaas inay ka faa’ideystaan fursadda hor taalo, isla markaasna ay isku dayaan inay la jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa iyo Beesha Caalamka. “Waxaan kula talinayaa shacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo talo ay kula jaanqaadi kartaan isbedelka siyaasadeed, Dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo adduunka oo haddii aad ka hartaan mar dambe aadan heli doonina fursad aad kula qabsan kartaan, ” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa is waydiiyey dhibaatada ku jirto in Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa xataa haddii ay u aqoonsan yihiin inuu yahay madaxweyne wadan daris la ah Somaliland. “Madaxweyne Farmaajo waa qofka ugu mudan ee Hargeysa lagu soo dhaweyn lahaa kaasoo ay dano uga xiran yihiin Somaliland, maxaa diidayo in Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyo Hargeyso sidii loogu soo dhaweyn lahaa madaxda wadamada dariska ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa Somaliland ku eedeeyey inay 28 sano isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo aan Somaliland dhaafsiisneyn. “28 sano ayay Somaliland lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfishyada looga taliyo oo aanay maskaxdu iyo siyaasiyiinta talin,” ayuu yiri Maareeye. Xigasho
-
As of today, madaxweynaha waala iska bareejeeyey. Aadaada aada.
-
Fowsiya Yuusuf: Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Hargeysa Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka, islamarkaana deegaan doorashadeedu tahay Somaliland ayaa ka hadashay safarka la sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegayo magaalada Hargeysa. Fowsiya oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso ‘safarka Farmaajo’, islamarkaana ay bogaadineyso. Sidoo kale waxa ay sheegtay in tallaabadaan ay tahay mid aad loogu farxo, ka xildhibaan ahaana ay soo dhoweyneyso. “Waxa aan leenahay Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Magaalada Hargeysa, waana ku bogaadinayaa tallaabadaas oo ah runtii wax lagu farxo, diyaarna u noqdo wax waliba uu kala kulmo”. ayey wareysigaan ku tiri Fowsiya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay soo dhaweyneyso dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ee uu ku doonayo inuu isugu soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland. Ugu dambeyn Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeysay in xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, islamarkaana ka soo jeeda gobollada waqooyi inay Muqdisho u joogaan midnimada iyo israaca Soomaaliya iyo Somaliland. “Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, waxa ay halkaan u joogaan Midnimada iyo in ay Soomaali is raacdo, oo ay dib u hesho sharafteeda iyo karaamadeeda, waynu taageereenaa hab waliba oo lagu gaari karo”. ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan. Safarka la sheegay in Farmaajo iyo Abiy ku tegayaan markii ugu horreysay magaalada Hargeysa ayaa noqday mid aad loo hadal hayo, waxaana ku kala qeybsamay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaasi. Xigasho
-
Muuse Marqaanweyne Muqayil dhuumasho ayuu ka bixi la yahay maalmihii u dambeeye. Intee ka baxaa meel Alle soo taaganyahay markee Xabashada ku qasbeen in uu magaalada Soomaaliyeed ee Hargeysa madaxweynihiisa ku soo dhaweeyo si qasab ah. Hurdo la'aan iyo marqaan badan ayaa ku dhacday. Reer Hargeysa ‘oo baafinaya’ madaxweyne Muuse Biixi Xisbiga Waddani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dadka reer Hargeysa ay baadi goobayaan madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi. Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenka Xisbigaas ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka dhuumanayo shacabka Somaliland isla markaasna laga rabo inuu caddeeyo tuhunka ka jiro safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa. “Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda,” ayuu yiri Barkhad Jaamac. Afhayeenka ayaa tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi ku sheegay inay ahaayeen kuwa liddi ku ah jiritaanka iyo dastuurka Somaliland. Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu si deg deg ah cafis furan u waydiisto Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Somaliland. Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa kusoo aadayo xilli Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan uu sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka ayaa safarkaasi Farmaajo ee la sheegay inuu ku imanayo Hargeysa ku tilmaamay mid ah ‘Riyo maalmeed’ aan marnaba suurto gal noqon karin. Xigasho
-
Saalax, madaxweynaha Soomaaliya hadda ka hor wuu tagay gobolka Waqooyi Galbeed, siiba Hargeysa as a prime minister in 2011. Diyaaradda Daallo ayuu saarnaa, rakaabka shacabka ayuuna la saarnaa. Transit ayuu ku ahaa Hargeysa saacad. Waliba gudaha ayuu galay. Secessionists marqaankooda iskaga fadhiyeen, waxee ka warqabeen ma jirin. Eniwey, Muuse Muqayil last time (only time invited then) orod ayuu Adisababa kaga soo noqday markii lagu qasbay in madaxweynahiisa ee Soomaaliya Hargeysa ku soo dhaweeyo. Waa ka soo fikiraa ayuu ku soo marmarsiyooday, Xabashada warkooda si toos uma diidi karee. I guess markaan xoog Xabashada ugu sheegeen. Intee ka baxaa meel Alle ayee ku noqotay Muuse Marqaanweyne.
-
Ethiopian Prime Minister (PM) arrives in UAE
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Lacagtii maa dhamaatay? Horta how is Xabashi relationship with Qadar? I don't keep abreast of Xabashi affairs. Where is Che, hanoo sheegee. -
Mudane Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle is the best wasiir Soomaaliya had for decades. I dare say since 1970s. Howlkarnimadiisa iyo xilka adag uu haaye suu ugu soo baxay qof loo dhigo ma jiro. I hope intuu wasiirka yahay in la soo daabaco lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga. Imagine wasiirnimadiisa shaqada dalka u haayo ku weyn lahaa in one of those useless dib u socod 'mooshin,' as it happened during his capacity as a foreign minister in 2014.
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ka naxoo nafta waa. Soomaalidiidoow silac u baqti. -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
IMF iyo World Bank oo ku dhowaaqay in Soomaaliya ay u qalanto deyn-cafin Guddiga fuinta ee Banka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ku dhowaaqay in Soomaaliya ay u qalanto in deynta laga cafiyo. Guddiga ayaa ammaanay dadaallada joogtada ah ee mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku sameynayaan is-beddelo maamul iyo kuwa dhaqaale, xilli ay wajahayaan caqabado dhowr ah. “Guddiga waxay isku raaceen in ayada oo la eegayo qiimeyn horudhac ah, ay Soomaaliya u qalanto caawimaad loo marayo barnaamijka HIPC ee dalalka ay dul-saaran tahay deyn ka tan badan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Banka Adduunka iyo IMF. Qiimeyntan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya oo gaareysa 5.3 bilyan dollar. “In Soomaaliya laga cafiyo deynta waxay ka caawin kartaa inay hesho kheyraadka ay u baahan tahay si ay sare ugu qaado kobaceeda, islamarkaana u yareyso saboolnimada, taasi oo ahmiyad u leh IMF,” waxaa sidaas tiri agaasimaha IMF Kristalina Georgieva. “Waxaan Soomaaliya ku amaanayaa inay sameysay is-beddelo muhiim ah oo dhiir-gelinaya yareynta saboolnimada, waxaana saaxiibada caalamka uga mahad-celinaya inay naga caawiyeen in Soomaaliya lasoo gaarsiiyo marxaladdan muhiimka ah,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Banka Adduunka David Malpass. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay marxaladda kusoo gaartay waqtigii ugu deg degta badnaa. Soomaaliya ayaa hadda waxaa u harsano in barnaamijka SPM Staff-Monitored Program ee lagula socdo nidaamkeeda maaliyadeed lagu dhowaaqo in lagu qancay, taasi oo dhici karta ka hor dhammaadka bisha March. Haddii sidaas ay dhacdo, Soomaaliya waxay gaaraysaa marxaladda loo yaqaan Decision Point, markaasi oo ay u billaaban doonto deynta cafinta. Xigasho -
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
U.S. resumes security funding to Somalia to boost anti-terror efforts The United States said Wednesday it has resumed some direct security assistance to Somalia to help boost counter-terrorism operations in the southern region against al-Shabab militants. The U.S. which suspended food and fuel assistance for most of Somalia's armed forces over corruption concerns in 2017 lauded efforts taken by the government to improve the public financial management of the Somali National Armed Forces (SNAF). "The U.S. resumed providing direct security assistance to a non-mentored unit of the Somali National Armed Forces (SNAF) this week in support of counterterrorism operations in Lower Shabelle against al-Shabab," Washington said in a statement issued in Mogadishu. Washington called on the government to continue prioritizing security sector reforms, including asset management and human resources, as part of the comprehensive effort to build and sustain capable, professional, and accountable security forces. "We commend the steps taken by the Federal Government of Somalia to improve the public financial management of the SNAF as part of ongoing institutional reforms, which give the U.S. increased confidence in accountability mechanisms for donor resources," it said. The U.S. said while these ongoing SNAF reforms are important, it will only continue support to SNAF operations that are focused on defeating terrorist organizations. Xigasho -
How many times did this Xaaf dude $$ loo laabay? Ma dhargo miyaa? Xaaf oo lagu qancinayo in uu ka qeyb galo caleemosaarka Axmed Qoorqoor Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wada-hadal hoose kula jirto Axmed Ducaalle Xaaf, oo weli ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha Galmudug. Wada-hadalladan oo soo socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, islamarkaana ay suurtagal tahay in Xaaf uu ka qeyb galo caleema-saarka madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, haddii lagu heshiiyo. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay wadahadalkaan ay ka qeyb qaateen ayaga iyo siyaasiin kale, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne Xaaf loo balan qaaday lacag boqolaal kun oo dollar ah. Wararka ayaa sheegayaa in laba boqol oo kun oo dollar ay ku bixi doonto xalinta Xaaf halka warar kale ay sheegayaan in ay ka badan tahay. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la shaaciyo xiliga ay dhaceyso xafladda caleema saarka ah ee Madaxweyne Qoor Qoor, taas oo ay ka qeyb geli doonaan madax badan sida la filayo. Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo ay ku soo afjareyso tabashada Xaaf, halka wararku ay sheegayaan in dowladu ay sheegtay in aysan wax wadahadal dambe ah la geli doonin Ahlu-Sunna oo ay ku eedeeyeen in ay qal qal ka abuurayaan Galmudug. Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay cadaadis kala kulmeyso dowladda Mareykanka oo dooneysa in Xaaf la qanciyo, six al buuxa loo gaaro. Madaxweyne Xaaf ayaa dhowr jeer heshiis la galay dowladda Soomaaliya hase yeeshee waxaa jirtay in heshiisyadaas markii dambe ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, sida uu warbaahinta ka sheegay Madaxweyne Xaaf. Haddii dowladda ay ku guuleysato in Xaaf uu ka qeyb-galo caleemo-saarka, waxay sharciyad weyn siin doontaa Qoor Qoor, oo lagu doortay doorasho ay dowladda afduubatay. Xigasho
-
It seems madaxweynaha is engaging with xoghayaha Qamarada Midoobay.
-
Kanada waxee ka mid tahay mid ka mid ah dalalka ugu wanaagsan Soomaalida soo dhaweysay horaantii sagaashameyadii - all thanks to another Liberal prime minister in power then, Mudane Afqalooc, Jean Chrétien and then NDP premier of Ontario, Bob Rae. If those were not in power, I don't know if Soomaalida lagu soo dhaweyn lahaa dalkaan Kanada sida loogu soo dhaweeye.