-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Eebba ha u raxmado Cumar Shooli
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Aaskiisa: -
THE RECOVERY OF MOGADISHU IN PICTURES.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to biyo-cad's topic in General
Waa wareey, guryo si heersare ah loo dhisay. Intee Xamar kaga yaalaan? Darusalaam? I hope kuwa sawirka hoose ka muuqdo si condo u dhisan if it is individually sold that the owners pay maintenance fees in order to maintain the quality and security of their homes. Otherwise dhirkaas iyo quruxdaan kama sii muuqan doonaan if each dayaco. This also reminds me haddaan gurigeena Xamar saan u dhisano. Waa lix boos, which can fit a lot of three-dabaq apartment, laamina saaran, xaafadda Hodan ku yaalo inta u dhaxeyso Isgoysyada Bakaaraha iyo kan Dabka. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Waa ogaa 'deeqda' Imaaraadka inay tahay qashin. Read on. Deeqdii Imaaraadka ay shalay keeneen Muqdisho oo noqotay wax aan la fileyn Caasimada Online ayaa xog ka heshay wixii ay siday diyaaradii ay soo dirtay dowladda Imaaraadka ee shalay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay keentay deeq caafimaad oo uga timid Imaaraadka Carabta. Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 23 tan oo lagu sheegay agab caafimaad oo looga hor-tago cudurka Coronavirus. Hase yeeshee, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tan caafimaadka ayaa Caasimada Online u sheegay in markii la furay baakadaha laga waayey wax dawo ama qalab kale oo caafimaad, balse ay siday oo kaliya Saabuunta gacmaha lagu meyrto. Arrintan ayaa la sheegay inay ka yaabisay mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah. Saraakiisha noo warantay ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegeen, xataa in aysan xaqiijin karin in Saabuunta Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya ay tahay mid dili karta fayruska korona, si la mid ah alkolada. Caadiyaan saabuunta gacmaha ayaa loo adeegsadaa kaliyaa nadaafadda, waxaana badanaa la dhigaa musqulaha, mana cadda in midda Imaaraadka ay ka duwan tahay maadaama aan weli la tijaabin. Arrintaan ayaa waxa ay aad uga yaabisay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo iyagu markii hore sheegay in dowladda Imaaraadka ay kala wareegeen deeq caafimaad oo iskugu jirta dawooyin iyo qalab kale oo lagula tacaalo cudurka Coronavirus. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa galabta dowladda Imaatadka Carabta ugu mahad celisay deeqdaas, waxaana lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda in dowladda Soomaaliya ay kaalmadaas caafimaad u aragto hadiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal. “Soomaaliya waxa ay uga mahad celinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaan caga badan ku taagneyn tan iyo horraantii sanadkii 2018-kii, waxuuna gargaarkaan noqonayaa kii ugu horeeyey ee Imaaraadku kasoo dejiyo Muqdisho, intii uu jiray madmadowga siyaasadeed ee xukuumadaha Muqdisho iyo Dubai. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dowladda Soomaaliya oo canshuur dhaaf u sameysay raashiinka qutul-daruuriga ah Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa canshuur dhaaf u sameysay raashiinka qutul daruuriga ah ee dalka soo galaya si uusan sicir barar u dhicin inta lagu guda jiro la dagaallanka xanuunka COVID-19, sida uu sheegay Wasiirka wasaaraddaasi Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle . Wasiir Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay si quta-dheer u fahmeyso cawaaqibka dhaqaale xumo ee ka dhalan kara suuq la’aanta haddii dadka ay guryahooda ku xaroodaan si cudurkaan looga adkaado, waxa uuna sheegay in raashiinka qutul-daruuriga ah sida burka, timirta, bariiska iyo saliidda canshuur dhaaf kala duwan loo sameeyay. Raashiinka sida bariiska iyo timirta ayaa loo sameeyay canshuur-dhaaf boqolkiiba boqol ah , halka burka iyo saliidda Wasaaraddu u sameeyay canshuur dhaaf boqolkiiba konton ah. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dhaqaalaha kasoo galo canshuurta uu yahay waxey ku shaqeyso dowladda, sidaas darteedna ay ku dadaalayaan in shaqaalaha qaranku ay si toos ah u helaan mushaaraadkooda, maadaama hadda ay si toos ah qaar ugu shaqeeyaan guryaha. Xanuunka COVID-19 ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida, si gaar ah waxa uu u taabtay waddamada Afrika ee xiriirka la leh Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha. -
...excuses like this happen. One of the lamest excuses. It is about time dowladda dhexe la hadashaa dowladda Xabashada to stop their poison exportation. Read on. _______________ 'Soomaaliland' oo caddeysay in aysan awood u lahayn joojinta Qaadka Soomaaliland ayaa gacmaha ka taagatay wax ka qabashada qaadka ka yimaada dalka Itoobiya, xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Coranavirus ee gudaha degaanadaas. Inta la ogyahay illaa shan qof ayaa laga helay cudurka Covid19. Waxaa xusin mudan in Somaliland ay kaga duwan tahay qeybaha kale ee Soomaaliya, waxaa magaalooyinka caanka ah sida Hargeya, Berbera, Boorame iyo Burco laga helay cudurka. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore, ayaa saxaafada u sheegay in Somaliland aysan lahayn awood ciiddan oo ay ku joojiso Qaadka. Wuxuu tilmaamay ciiddamada ay haystaan in aysan ka badnayn sugida amniga gudaha. “Waxaanu qiimeynay waayo aragnimadii badnayd ee labadii jeer ee jaadka la joojiyay, 1983, 1984 iyo tii Ingriisku joojiyay ee 1950. Waxaan ku ogaanay in joojintu Qaadku u baahan tahay ciiddan valunteer ah,” ayuu yidhi Saleebaan Koore. Itoobiya oo ah meesha uu qaadka ka yimaado cudurka Coronavirus ayaa ka dillaacay, inkastoo fiditaankiisu yar yahay marka loo eego dalalka geeska Afrika sida Kenya iyo Jubuti oo cudurku aad ugusii faafayo. Xigasho
-
Madaalihii hobolada Waabeeri Cumar Shooli oo Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii caanka ahaa, madaalihii hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, Cumar Cabdulle Shooli ayaa caawo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu dabiiyay isbitaalka Aadan Cadde. Fannaanka ayaa u geeriyooday cudurka Sonkorta oo muddo la dheer uu la noolaa, markii dambena sariirta soo jiifiyay, sida ay sheegeen qaar kamid ah carruurtiisa oo kula jiray isbitaalka Aadan Cadde, iyagoo ka cabanayay in Aabahood uu waayay garabkii dowladda Fannaanka oo maalmo kahor wareysi bixiyay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka waayay qaymihii uu qarankiisa ku lahaa, isagoo sheegay inaanu jirin hal masuul oo xaaladiisa caafimaad ka warqabay ama isbitaalka kusoo booqday. Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux, ayaa sheegay Cumar Shooli iyo fanaaniinta lamidka ah inay hantidooda ahayd dhaxalkii faneed ee ay uga tageen qaranka Soomaaliyeed. Xigasho
-
Eebboow Xamar nabadeeda u siyaadi - aamiin.
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
DF oo WAR cusub ka soo saartay xaaaladii maanta ee Coronavirus ee dalka Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howlwadeenada kale ee caafimaadka ay ka qaadanayaan la dagaalkanka cudurka COVID-19. Wasiir Fowziya Abiikar ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed laga helay Coronavirus, maadaama dhakhaatiirtu ay safka hore uga jirto la dagaalanka cudurkan, iyadoo ku amaantay in naftooda ay u hurayaan, badbaadinta bulshada inteeda kale. Dhakhaatiirta uu ku dhacay cudurkaas ayey sheegtay in ay ku howlanaayeen gudashada waajibaadkooda, waxayna Alle uga barisay iyaga iyo dhammaan dadka kale ee cudurkani ku dhacay in uu caafiyo. Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar ayaa cadeysay in maanta aan la diiwaan gelin xaalad cusub oo COVID-19 ah, balse ay jiraan dad maanta baaritaano lagu sameeyay oo jawaabahooda weli la sugayo. Ugu dambeyntii Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geyneyso sidii looga hortegi lahaa khatarta cudurka Coronavirus, waxayna bulshada mar kale ka dalbatay in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaadka ee loo soo jeedinayo. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
KHEYRE oo amray lacag deg deg loo siinayo maamul Goboleedyada & gobolka Banaadir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la-tacaalidda cudurka COVID-19. Go’aankan ayaa lagu gaaray kulankii joogtadaa ah ee ay xalay mareegta internet-ka ku yeesheen Guddiga Qaran ee ka Hortagga COVID-19 oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu guddoominayey. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta lacag min hal Miyan oo dollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka oo maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan. Dhinaca kale, Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin. Dhinacyadii ka qeyb-galay kulankan ayaa waxay soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Reer Afrika need this, however dhaqaalo lagu gato lama haayo. People are dying because simple lack of breathing. -
Oh, maan. The Tigrey agent thinks we are some fishes with some flimsy memories. As always giving Cabdi Ileey a glowing admiration while at the same time always downplaying Ileey's atrocities and gross human rights abuses against other Soomaalis in Soomaali Galbeed, including continued rapes of innocent Soomaali girls by his Tigrey-trained war criminal militia and torturing Soomaali elders.
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Soomaaliya oo xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya Ciidamo dheeraad ah oo kuwa Boolis ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la geeyey xadka dheer ee ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo xakameeyo cudurka Coronavirus. Wararka ayaa lagu sheegaya in ciidamadaasi ay fulin doonaan amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle, kaas oo ahaa in la xiro xadka labada dal. Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaamanayo ayaa booqasho ku tegay deegaanada dhaca xadka, isagoona u kuur galaya xaaladda guud iyo sida ay u howlgalayaan ciidamada Booliska la geeyey halkaasi. Sidoo kale Jeyte ayaa shaaciyey in haatan wixii ka dambeeya la hakiyey dhaq dhaqaaqa xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, si bulshada looga bad-baadiyo Fayruska Corona. Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay qeylo dhaan ka soo yeereysay madaxda HirShabelle, kuwaas oo ka cabanayey furnaashaha xuduuda labada dowladood oo maalmihii u dambeeyey laga soo gudbinayey Qaad fara badan. Dowladda dgexe ee Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu xakameynayo cudurka saf-marka ee Coronavirus, iyadoona horay u xirtay xadka ay dhanka gobolka Gedo kala wadaagto Kenya, sidoo kalena joojisay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah intaba. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiiradda iyo inta kale guddiga ka hortaga qaran ku jirto oo ku shiraayo si Zoom teleconference ah. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Somalia government confirms 35 more Coronavirus cases The Federal Government of Somalia on Monday confirmed 35 new cases of the novel Coronavirus, bringing the total number of COVID-19 cases in the country to 60. 32 of the new cases were registered in Mogadishu, while two cases were recorded in Hargeisa and one was found in Borama, making it the first Corona case in the town. In the daily COVID-19 update, Health Minister, HE Fowsia Abikar Nur explained that 52 of the confirmed cases are recovering in their houses where they self-isolated. One more patient is recuperating at an isolation center in the Halane camp. Minister Fowsia reiterated pleas to the public to stay at their homes, observe social distancing, and offer special care to the elderly and people with chronic illnesses. -
What is up with Abtigiis and his sudden antagonistic, hostile actions towards to halgamayaasha JWXO? And now he is demanding apology from them for their long struggle. Yaab. Madaxweyne Cagjar: ONLF waa in raaligelin buuxda ay ka bixiso xasuuqii ay geysatay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ka hadlayey dagaalkii jabahadda ONLF ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen halgankaasi ay dileen dad badan oo shacab ahaa. Cagjar ayaa ka dalbaday hoggaanka sare ee ururkaasi oo haatan soo afmeeray dagaalkii uu waday inay raaligelin iyo garowshiyo buuxda ka bixiyaan ‘xasuuq’ uu sheegay inay geysteen, xilligii ay dagaalka ku jireen, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxda ururka ONLF waa in ay ka xishoodaan shacabka, waa in aysan dadku u sheegin in dagaalka uu ahaa mid ehel, balse ay dadka u caddeeyaan in dagaalkooda halganka ee gumeysi diidka lagu laynayayay rayidka.” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in hoggaanka ONLF ay horyimadaan shacanka, una cadeeyaan khaladaadkii ay horay uga galeen. “Hoggaanka ONLF waa in ay shacabka hor yimaadaan oo ay u caddeeyaan dagaalka, looma baahno in xiligaan dadka murugsan dib loo dhaawaco maskaxdooda, dadka gubanayo ee ehelkooda la dilay waxa kaliya ay u baahan yihiin waa in raalli gelin buuxda lasiiyo” ayuu markale yiri Madaxweynaha is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya. ONLF oo muddo dheer dagaal dhiig badan uu ka daatay ka waday dhulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sanadkii 2018-kii heshiis la gashay Ra’iisul wasaaraha wadankaasi, Dr. Abiy Axmed oo isbedallo ballaaran sameeyey, tan iyo markii uu talada la wareegay. Xigasho
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Waa istusnimo deeq ah from inkaarqabiyaashii Imaaraadka, but nonetheless anything helps. Imaaraadka oo gargaar caafimaad ku wareejiyey dowladda Soomaaliya Diyaarad sidda gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde. Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO. Waa gargaarkii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Soomaaliya ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hor leh, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kiis. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Madaxweyne Waare: Doorasho uma soo jeedno illaa uu Coronavirus dhinac noo dhaafo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi oo uu cabsi xoog leh ku abuuray cudurka Coronavirus, kadib markii uu u geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaaladda HirShabelle, marxuum Khaliif Muumin. Waare ayaa wareysigaan ku sheegay in cudurka uu saameyn ku yeeshay howlaha guud ee maamulkaasi, islamarkaana la joojiyey kulamadii golaha wasiirada iyo baarlamaanka. “Annaga hadda labo arrimood ayaa noogu daran, maskaxdeenna, tamarteenna iyo walwalkeennana aan isugu geyneynaa. Midda koowaad waa saameynta caafimaad ee uu keeni doono cudurkaan, Alle hanaga fududeeyee, tan labaad ee kasii walwalka badanna waa saameynta iyo dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ee ka dhalan doonta.” ayuu yiri Waare. Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo wax laga weydiiyey arrimaha doorashada maamulkaasi oo fooda nagu soo haya ayaa sheegay in illaa xaaladda Corona dhinac u dhacdo aysan u oollin talo ku saabsan doorashada, sida uu hadalka u dhigay. “Alle hanaga fududeeyee, haddii aysan nagu dheeraanin, oo uu dhammaado waqti doorashada la qaban karo, dabcan in uu Alle naga fududeeyo ayaan rajeyneynaa, laakiin taladaas ma aha talo maanta noo taalla, waa talo aan u gali doonno si wadar ah oo ka tashi ah, waqtigii uu Alle arrintaan dhinac noo dhaafsiiyo”. ayuu markale yiri. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xaalad karantiil ah Madaxweyne Waare iyo dhammaan xubnaha kale ee maamulkiisa, kadib geeridii ku timid Wasiir Khaliif oo Axadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka faafa ee Coronavirus. Xaaladda COVID19 ee Soomaaliya ayaa haatan ka sii dareysa, iyadoona kiisaskii ugu badnaa cudurka ay shalay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Galbeedi, Soomaaliya gurigaaga ka soo shaqee iyo shaqo joojin kama soconeysee ee Rabi ayaa ummadeena u maqan. Dowladda dhexe dadka danyarta Muqdisho degan toddobaadyo wey quudin kartaa. However, quudinta itself makes people congregate. Goobahaa degantihiin la idinku keenaa haddii la dhaho xataa ma sugi karaa meesha u horeyso la geeyo ku yaacaayaan. -
PM Khayre to lead Somaliland region talks in a new plan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
When did you become to garbage-talk like a sewage-dwelling vermin rat on SOL? Muuse Marqaanweyne as the old odey dhaqameed say waxba kama qaadi karo. -
PM Khayre to lead Somaliland region talks in a new plan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Saalax, Muuse Muqayil odeyaashii soo baraarugay ayuu u booteeyo rabaa. Jawaab fiican ayuu siiyey odeygaan. Suldaanka 'Somaliland' oo ka jawaabay hanjabaaddii uu Muuse Biixi ugula kulmay ku baaqa midnimada Soomaaliya Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa maanta si kulul uga jawaabay hanjabaadii uu dhowaan u direy Madaxweyne Muuse Biixi, kadib markii uu sheegay Suldaanku in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas. Suldaan Maxamed ayaa kamid ahaa Salaadiin ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo dalbanayey inay qeyb ka noqdaan wada-hadaladaa si looga gaaro natiijo wax ku ool ah. Suldaanka ayaa hore u sheegay inay muhiim tahay dib u furida wada-hadaladaasi, isagoona carabka ku adkeeyay midnimada iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed. Suldaanka ayaa hanjabaada Muuse Biixi ku tilmaamay mid aan meesha oolin, isagoona sheegay haddii uu ka fiirsan waayo arrinkaasi inay reer Somaliland ka tashan doonaan oo shir-weyne iskugu iman doonaan. Sidoo kale waxa uu Suldaanku shaki galiyay heerka aqooneed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u leeyahay arrimaha siyaasada, isagoona si dad-ban u sheegay inuusan u aqoonsaneyn Siyaasi hogaamin kara. “Madaxweynaha waxaanu leenahay, Arrinku meel aanu taagnayn inaad gaadhsiisaan waa Fool-xumo. Madaxweynaha isku gefi mayno. Dadka Koonfureedna waxba hadal u dhigan mayno” ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku “Meel aanu Arrinku nala gaadhin haddaad gaadhsiiso, Qaranka Somaliland baa ka wada-hadli. Ninka siyaasiga ah anigu waxaan u aqaan Ninka Jaamacad ka sita Shahaado, Siyaasada Jaaamacad baa looga soo baxaa oo Kuliyad dhan baa looga soo baxaa siyaasada”. Hadalka kulul ee Suldaanku uu maanta uga jawaabay Hanjabaadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kor usii qaadaysa xiisada kala dhaxeysa, xili ay ku kala aragti duwan-yihiin qaabka loo wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Lamana oga in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay talaabo ka dhan ah ka qaadi doonto Suldaankan iyada oo hore ugu hanjabtay, maadama ay hore u dhacday in Salaadiin iyo Siyaasiin kale oo aaminsan fikirka midnimada umadda Soomaaliyeed xabsiyada Somaliland lagu guray. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Madaxweynaha HirShabelle iyo xubno kale oo Jowhar ku xanuunsan kuna jira karantiil Wararka ka imanaya Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wajahayaan xaalad xanuun, waxayna dhamaantood la kulmeen wasiiru-dowlihii maanta u geeriyooday xanuunka COVID-19, kaas oo dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Ma jirto cid xaqiijin karta in xanuunada haya xubnahan ay yihiin Coronavirus, hase yeeshee masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah. “Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa mar wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.” Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Hirshabeelle waxa uuna sheegay in HirShabelle aysan haba-yaratee ka muuqan diyaar garowga cudurkaan iyo wacyi gelintiisaba. “HirShabelle waa dayacan-tahay mana jirto wax dedaal ah oo socda oo wacyi-gelin ah waxayna dadkaan ku jiraan xaalad halis ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cusmaan Barre oo la hadlay Radio Kulmiye ee Muqdisho. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dowladda malaayiin Soomaaliyeed dhaqaalle ee ku quudiso uma heyso. Waxa kaliya Rabi ka sakoow ugu baxsan karno cudurkaan waa dhalinyarada aad ugu badan Soomaaliya, duqooshinkana ku yar. Saas ee tahayna 50 jirka Soomaaliya joogo, badankooda sokoroow, dhiigkar iyo subagga wada qabo waxee u dhigantaa 75 jirka ku nool dalalka Reer Galbeedka. 50 jir iyo inta ka weyn, siiba kuwa qabo jirooyinka aan kor ku sheegay, Rabi ayaa u maqan. Cudurkaan baas wuu wada jiidan doonaa, qalabkii lagu neefsanaaye ku filana dalka ma yaalo. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Madaxweyne Farmaajo oo kulan talo wadaag ah, kuna saabsan ka hortagga... M.FACEBOOK.COM Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa... -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Muqdisho, Abriil 12, 2020 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageysta Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Sidoo kale, Kulankan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah. Dhammaad Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOffi cial/ Twitter: @TheVillaSomalia
-
Popular Contributors