Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo ka codsaday jabhadda TPLF inay raali galin ka bixiso xasuuqii shacabka Soomaaliyeed u geysteen Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaa ka codsaday mas'uuliyiinta Jabhadda Xoreynta Tigreega inay raali galin ka bixiyaan xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay qaybo badan oo kamid ah gobolka xilligii TPLF ay hogaamineysay xukunka EPRDF. "Halkani, waa mid ka mid ah meelaha xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ay u gaysteen dadka Soomaalida ah saraakiisha Tigreega. Halkan waxaa ku yaal mid ka mid ah xabaalaha ay TPLF ku dileen sagaal xubnood oo qoys ah," ayuu madaxweynuhu ku sheegay farriin muuqaal ah. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay intii uu hoggaanka hayey booqashooyin uu ku tegay goobo kala duwan oo dilalkii ugu badnaa ay ka dhaceen intii lagu jiray xukunkii EPRDF ee burburtay laba sano ka hor. Guud ahaan, 30-kii sano ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah xubnaha TPLF ee ku jira maamulka federaalka iyo jeneraalo militari oo uu ku jiro General Abrha ayaa xasuuq aan loo meel dayin iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka u gaysanayay shacabka Soomaaliyeed. Sida uu sheegay madaxwaynuhu, waqti xaadirka ah, kooxda TPLF ayaa ku hawlan cabsi gelin si ay u sii xajiso xaqiiqda xasuuqii loo gaystey dadka soomaaliyeed si ay u qaawiso ama ay u diido arinta guud ahaanba. Xigasho
  2. Machadka Hano Academy ayaa soo saaray dhowr kun oo qalabka afka iyo sanka lagu xirto ah {Face mask} si ay uga qeyb qaataan ka hortagga cudurka Covid19.
  3. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19.
  4. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) "Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore. Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo."
  5. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna.
  6. Ma Eritareeya ayuu deganyahay mise Yahuudda la deganyahay?
  7. Cadnaan, is this even a real statistic? I mean we just see a low-resolution cropped list, which does not include many major cities in Soomaaliya. Even if it is a real number, is it even related to the current undertaking of Baxnaan social assistance program?
  8. Kenyans Outraged After Govt Burns Fish Worth Ksh5 Million The decision by the government to torch 761 bags of dried fish on Saturday, April 18, worth Ksh5 million that was intercepted in Mokowe, Lamu County after being smuggled from Somalia has sparked fury from Kenyans. Kenyans wondered why the fish could not have been inspected to determine if it was fit for human consumption then distributed to the public if it met safety standards. A multi-agency security team at Mokowe seized the consignment after being ferried from after Mogadishu and Kismayu in Somalia via Lamu's Kiunga border point. The contraband weighed around 12-tonnes and was packed into sacks which numbered 761. Speaking to Kenyans.co.ke, Lamu County Commissioner Irungu Macharia who presided oved the burning of the dried fish give the reasons behind the action. "We decided to burn the fish because it was contraband. You know contraband is goods whose duty has not been paid. "The goods were from Somalia destined for the Kenyan market. When it gets into the country, you are never sure about the destination. It can go to Mombasa or anywhere else, I don't really know where the buyers were," he stated. Irungu further gave the rationale behind ignoring suggestions of confiscating and distributing the fish to the needy, especially at a time when many Kenyans were out of work over Covid-19. "You know Ivory costs a lot of money, why don't we sell it and inject the cash to our economy? "The fish could not be distributed because contraband is contraband no matter the value, so when you get contraband you have to make sure that you destroy it," he asserted. Impounded Ethanol This was inconsistent with a March 2020 decision by the government, in an effort to address the shortage of hand sanitisers amid measures to prevent spread of Covid-19, ordered the use of seized ethanol to manufacture free hand sanitisers for public use. Irungu explained why this approach was not used with the impounded fish, "They used ethanol to make sanitisers because that is an extraordinary case due to the crisis, so you cannot compare ethanol with other contraband." A number of Kenyans expressed their anger at the decision by the government to burn the dried fish. "Why not distribute it to the needy...bunning of food is an abomination in the African culture," on netizen stated. "State should apply the same wisdom in money recovered from corruption, we are sufficient, we got no problems at all," quipped another. "Instead of destroying all those bags, they should have been tested and checked if they're fit for human consumption, during this Covid-19, they could have saved one or two families if not three but our government are failures," one more netizen argued. Xigasho
  9. Jaadka la gubaayo markee arkeen ayee aargoosi bilaabeen. Sad for their own people, though. Kenya oo gubtay shixnad kalluun ah oo Soomaaliya laga keenay Dowladda Kenya ayaa gacanta kudhigtay oo gubtay shixnad kalluun ah oo ka kooban 12 tone oo laga keenay Soomaaliya, si loogu iibgeeyo dalkaas. Kalluunkaan ayaa ku qiimaysnaa lacag dhan Sh5 million oo ah lacagta Kenya ah, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaaa kalluun si sharci darro ah lagusoo geliyay dalka Kenya. Hay’adda amniga Kenya ayaa sheegay in kalluunkaan oo ku jiray 761 kiish ay koox ganacsato ah kasoo safriyeen Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana lagu qabtay gobolka Xeebta ee Lamu. Kalluunku wuxuu ku wajahnaa magaalada Mombasa sida ay booliisku sheegeen. Laamaha amniga ayaa dadweynaha hortooda ku gubay kalluunka, iyagoo sheegay inay tilaabo adag ka qaadidoonaan cidii isku dayda inay mar dambe isku dayda tilaabo nuucaan ah. Xigasho
  10. I know inay Soomaaliya jaad la'aan ka dhacday, but didn't realize meesha aad joogtidna marqaan la'aan kugu heyso. Rabi haka qabto dadweynaha Soomaaliyeed meel walba ay joogaan cudurkaan baas waqti ciyaar ciyaar iyo qosol qosol ah mala joogee, jeega dheere.
  11. Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaal Martiini ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka uu soo rito #COVID19 ee xaaladoodu aadka u adagtahay
  12. Bashiir Qaasim Maxamed oo xaaladdiisa caafimaad la gula tacaalayo Isbitaal Martiini ayaa dhaqaatiirta ku dadaalaya dib-u-kabashadiisa uga mahad celiyay sida ay ugu taaganyihiin daryeelkiisa iyo daryeelka bukaannada kale ee isbitaalka jiifa
  13. DF Somalia oo war cusub kasoo saartay isbitaalka Martiini oo lagu daweeyo dadka qaba Coronavirus War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isbitaalka Martiini loo dhammeystiray qalabkii caafimaad ee loo baahnaa, kaas oo ka mid ah isbitaalada lagu dabiibo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah ACU ee Isbitaalka ku xirtay 20 sariirood oo loo dhammeestiray qalabkii loo baahnaa si loogu baxnaaniyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay, sida lagu sheegay qoraal goor dhaw kasoo baxay xukuumadda. Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal takhasus u leh xirfadaha loo baahanyahay, kuwaas oo kala ah 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka Digfeer horay uga howlgeli jiray. Saraakiishaas caafimaad ayaa hada qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale qoraalkan lagu sheegay in dhawaan ay ka howl billaabayaan Martiini la taliyaal sare oo caafimaad, kuwaas oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada ku dhaca neef mareenka. Isbitaalka Martiini oo lagu howl billaabay bishii hore Maarso16-keedii ayaa lagu qaabilay 218 bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay, halka afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ay ka bogsadeen xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay warbixintan. Haatan Martiini waxaa jiifa oo lagu baxnaaninayaa 17 bukaan, waxayna xukuumaddu sheegtay in lasii dardar gelinayo horumarinta isbitaalkan. Ugu dambeyntii dowladda federaalka ayaa mar kale bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad, si gaar ah waxaa looga deyriyey in dadka qaba xanuunada daaha hadii uu ku dhaco cudurkan ay gelayaan xaalad halis ah.
  14. Dadkii ugu badnaa oo maanta Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus iyo kuwa kale oo badan oo laga helay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixintii Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan. 6-qof ayaa lagu sheegay inay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19. Sidoo kale 49-qof oo ah kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah ayaa loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafa, sida lagu shaaciyey warbixinta wasaaradda caafimaadka. 30 kamid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin. Warbixinta caawa ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba qof ay kasoo bogsatay xanuunkaas, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badney oo bogsasho ah oo hal maalin la shaaciyo. Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Coronavirus ayaa gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay 14 ruux, hal ay ka bogsatay 6-qof. Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kuwa dhintay iyo kuwa ka bogsadayba. Xigasho
  15. Ciidamada DANAB oo la wareegay deegaano cusub Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa la wareegay deegaano ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay saaka ku qaadeen howlgal qorsheysnaa. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik oo u warramaya Idaacada Codka Ciidamada ayaa sheegay inay gaareen deegaanada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marko oo ay horay ugu sunaayeen kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in ay si nabadoon ku qabsadeen deegaanadaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda K/Soomaaliya.
  16. Ahahaha, what a fitting title. Cadnaan, I don't know how you can go to the lowest depth of boosaneero cesspool of where the sewage-dwelling creatures breathe in while still holding your breath while engaging with those creatures. Gacan ayaaba kuu taagay for tolerating that, especially sewage dwellers projections - since those lowest creatures always claim to be garacyadii Qureyshta, then discarded offspring of habro Xabashis, then the orphans of British and now apparently unwanted creatures of Yahuuda. All with no avail after centuries of baryo and claiming.
  17. Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay ololaha buufinta Covid-19 Maamulka gobolka Banaadir ayaa daahfuray ololaha lagu buufinaayo xaafadaha magaalada Muqdisho si looga hortago cudurka faafitaanka badan ee Caronavirus, wuxuuna maamulku sheegay in ololahan uu sii socon doono. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud (Cumar Filish) ayaa ayaa xariga kajaray ololahan wuxuuna sheegay in aay muhiim tahay in laga hortago cudurkan oo kiisaskiisu aay sii badanayaan marka la’eego gudaha Soomaaliya. Agaasimaha waaxda caafimaadka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aay wadaan qorshe lagu yareeynaayo faafitaanka Covid19, waxaana uu sheegay inaay isticmaaleen ant-virus ama kahortaga faayriska. Gudoomiyaha arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir ayaa sheegtay inaay buufin doonaan dhamaan xaafadaha gobolka Banaadir, waxaay sheegtay in cudurkan uu leeyahay kahortag islamarkaana aay ku dadaali doonaan in laga hortago. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoojin doono ololaha kahortaga cudurka Covid19. Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay in aay qaataan talooyinka caafimaadka. “Xiliga habiinkii ah oo bandoow uu jiro ayaan buufin doonaa magaalada oo dhan, waxaan ku buufineeynaa jeermis dilayaal, anaga iyo dowlada federaalka waxaan isla qaadanay inta laga tirtiraayo Covid19 in lasii wado buufinta iyo wacgigalinta” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir. Ololahan ayaa imaanaya xili magaalada muqdisho laga helay kiisas aad u badan, waana halka kaliya ee aay ka socdaan baaritaanada islamarkaana kiiskan uu aad ugu fiday. Caronavirus ayaa dhib badan ku haaya caalamka, waxaana Soomaaliya laga dareemayaa qal-qalka ku aadan cudurka, maamulada dalka iyo dowlada federaalka ayaa wada dadaalo ku aadan kahortaga cudurkan.
  18. Galmudug oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug, Naciimo Maxamed Catoosh ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeeyey ee cudurka halista badan Covid-19 laga helay deegaanada maamulkaasi. Wasiirada ayaa sheegtay in qofka laga helay xanuunka haatan lagu hayo isbitaalka weyn ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sidoo kale Naciimo Maxamed Catoosh ayaa carabka ku dhufatay inay jiraan dad kale oo looga shakiyey cudurka Coronavirus, kuwaas oo ay shaacisay nay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq oo hoostaga maamulkaasi. Wasiir Naciimo ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen isbitaal haddii ay xaalado soo baxaan lagu daaweeyo. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanada Galmudug inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu marba marka ka dambeyso cudurka Covid-19 uu ku sii baahayo gudaha dalka, kaas oo kiisas ugu badan laga helay Muqdisho. Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa illaa iyo hadda shaacisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, iyadoo dhimashaduna ay mareyso 8 ruux.
  19. Another useless maamul goboleed squabbles: CORONA oo Khilaaf cusub ka dhex abuuray labada maamul ee HirShabelle iyo Puntland Waxaa haatan soo shaac-baxay khilaaf xoogan oo u dhexeeyo labada maamul ee HirShabelle iyo Puntland, kaas oo ka dhashay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus ee dhowaan ka dilaacay Soomaaliya. Khilaafka ayaa yimid, kadib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu faray ganacsatada deegaanada maamulkiisa in aysan raashin u iib-geyn karin deegaanada kale, sida maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Deni ayaa arrintaan oo saameyn ku yeelatay reer Hiiraan ku sheegay mid lagu xakameynayo cudurka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. “Waxa aan halkaan ugu soo jeedinayaa Ganacsatada reer Puntland, inaga oo eegeyna go’aamadii xannibaadda aan soo saarnay in la joojiyaa Badeecadaha loo iibgeeyo meelaha ka baxsan Puntland si aan qiimo koror u imaan.” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee HirShabelle, Cali Jeyte Cismaan oo ka jawaabay arrintaan ayaa shaaciyey in wax laga xumaado ay tahay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, isaga oo sheegay in ganacsatada maamulkaas iyo kuwa gobollada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi oo aad u xoogan. Sidoo kale Jeyte oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Beledweyne ayaa raalli-gelin ka dalbaday Madaxweyne Deni, wuxuuna wacad ku maray haddii uu bixin waayo inay qaadi doonaan tallaabo ka daran mida ay qaadeen, sida uu hadalka u dhigay “Haddii uusan Deni Raalli gelin iyo ka laabasho ka sameyn hadalkiisa, waxa aynu qaadi doonaa tallaabo ka daran tan uu qaado, Puntland waxaa dadka Hiiraan uga yimaado Raashinka kasoo dega Dekeda Boosaaso, balse halkaan waxaa laga qaadaa Khudaarta, Caanaha, Xoolaha iyo badeecado kale” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii ay sii socoto arrintaan inay kor u qaadi doonaan ka maamul ahaan lacagaha Canshuuraha ee xoolaha iyo Khudaarta laga qaado gobolka Hiraan ee la geeyo deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. “Ganacsatada waxa aan u ballan qaadeynaa in aan Canshuur dhaaf u sameyno badeecadaha ay ka keensadaan Puntland, taa badalkeed waxa aan kordhineynaa Canshuurta Xoolaha iyo Khudaarta laga qaado Gobolka Hiiraan.” ayuu markale yiri Jeyte. Khilaafkaan ayaa durbo saameyn ku yeeshay xiriirka ganacsi ee HirShabelle iyo Puntland, iyadoona dhibaatada ugu daran ay wajahayaan ganacsatada labada dhinac. Xigasho