Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Gaarisa Kenya oo xirtay suuqa ugu weyn xoolaha ee gobolka Gaarisa si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19 Maamulka gobolka Gaarisa ayaa xiray suuqa xoolaha ee Dhagaxley ee Dhadhaab si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus. Suuqa ayaa ku dhow soohdinta gobolka Wajeer halkaas oo la xaqiijiyay laba xaaladood oo ah Covid-19. Mas'uuliyiinta Gaarisa ayaa sheegay in xiritaanka ay ka dhalatay baahida loo qabo in la yareeyo dhaqdhaqaaqa dadka ee ka dhexeeya labada gobol. Labada degmo waxay xuduudo la wadaagaan Soomaaliya halkaasoo uu ku soo badanayay kiisaska cudurka coronavirus. Gudoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dagane ayaa sheegay in xiritaanka suuqa uu qeyb ka ahaa olole balaaran oo lagu xoojinayo u diyaarsanaanta gobolka ee wax ka qabashada faafitaanka cudurka. “Walaaca ugu weyn ee aan qabno waa in coronavirus uu yahay cudur zoonotic ah oo lagu kala qaado dadka iyo xayawaanka. Ma jeclaan lahayn in ay heerkaas gaarto maxaa yeelay waa musiibo, ”ayuu yidhi, Gudoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dagane. Bukaanada Wajeer Covid-19 ayaa ah labo nin oo da’doodu tahay 36 iyo 32 oo ka soo jeeda gobolka Gaarisa kuwaas oo ka yimid Diif oo ku yaal Koonfurta Wajeer iyada oo ay wehelinayaan saddex qof oo kale markii ay ka soo laabanayeen socdaalkii ganacsi ee xoolaha ee ay kaga yimaadeen Muqdisho-Soomaaliya.
  2. Puntland: Tirada dadka laga helay covid19 oo gaartay 30 qof xilli uu istaagay bandowgii saarnaa magaalooyinka Cudurka Coronavirus ayaa kusii kordhaya degaanada Puntland, iyadoo cudurku gaaray 30 qof. Waana tiradii ugu badnayd ee laga diiwaan galiyo Soomaaliya marka laga yimaado muqdisho oo cudurkun uu si aad ah ugu faafay. Labadii habeen ee ugu dambeysay ku dhawaad 20 qof ayaa laga helay cudurka, sida aan kasoo xiganay tirokoobka guddiga Puntland u qaabilsan la tacaalida covid19 Masuuliyiinta Puntland ayaa lagu dhaliilay inaanay weli xakamayn shirarka dadka badan iskugu yimaadaan ee hay'adda maamulka qabanayo. Waxaana sidoo kale iskiis u istaagay bandowgii habeenimo ee saarnaa magaaloyinka Puntland. Sidoo kale goobaha cibaadada ayaa furan oo sidoodii loogu tukanayaa, halka qaar kamid ah masaajida habeenkii lagu tukanayo salaadaha Taraawiixda.
  3. The average language used by the mass media in Soomaaliya is not based on a Northern nor Southern dialect. It is mostly a Central region standardized dialect. Anyway, what is up with Soomaali language and you?
  4. Haraad is a severe thirst, like in drought times, whereas ooman is your average thirst.
  5. Yea, right. No coronavirus case in Ethiopia over past 24 hours Ethiopia on Saturday said no COVID-19 case has been found in the last 24 hours. The daily update by the Health Ministry showed a record number of 2,016 tests were conducted over the past day. "No new infection has been found from the samples tested," it said. Meanwhile, the ministry said additional three patients have fully recovered. That brought the total number of recoveries to 69, surpassing active cases that now stand at 59. Of the total 20,770 virus tests conducted in the country so far, there are 133 confirmed cases and three deaths. According to Health Minister Liya Kebede, the country is well poised to step up its lab testing capacity. She also said her ministry was getting rundown ventilators repaired to be prepared for the worst. Ethiopia only has a few over 400 ventilators, but, according to Liya, the country is in the process of importing more ventilators. Xigasho
  6. Warka jidka la isla dhex maraayo oo aan la xaqiijin: Halkee ayuu ku biyo shubtay Khilaafkii Waare & Barre & mooshinkii jiray Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si hoose u xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay madaxweyne Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle,kaas oo sababay mooshin iska soo horjeedo la iska gudbiyo. Ilo ku dhow Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa inoo xaqiijiyay in guddoomiye Cismaan Barre Maxamed uu ku calaacalay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,islamarkaana ka dalbaday inuu soo kala dhexgalo isaga iyo madaxweynaha Maxamed Cabdi Waare si xal looga gaaro khilaafka jira. Cali Guudlaawe ayaa Waare ka wargeliyay iney muhiim tahay in laga haro mooshinka labada dhinac,islamarkaan xaaladda adag ee gobolka uu ku jiro loo baahan yahay in si wadajir ah looga gudbo. Sida wararka ay sheegayaan mooshinadii la iska gudbiyay ayaa buray,waxaana hadda labada dhinac ay yihiin kuwo howlahooda si caadi ah u wata. Maamulka Fadhiidka ah ee Hirshabeelle ayaa ku fashilmay howshii loo igmaday,wuxuuna Bulshada ku riday god mugdi ah oo laga soo bixi karin. Dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa iney la wareegto doorashada soo socota ee maamulkaas,iyadoo meesha ka saareysa wakiilada sare ee maamulkaas.
  7. It is 135 cases now. Every day there is only one or two cases. The deaths had not changed from three since April 10th. They can lie all they want, but they should at least do 'been sheeg laakiin been run u eg' as the saying goes. It is same way they over-inflate the number of their population. I don't think it ever reached a hundred million.
  8. Kheyre oo arrimo muhiim ah kala hadlay madaxa WHO Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyey kulan khadka telefoonka ah oo uu la yeeshay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus. Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan cudurka faafa ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Coronavirus iyo sida ay u la taacaleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhankiisa Tedros Adhanom ayaa u ballaan qaaday xukuumadda federaalka Soomaaliya inay WHO si weyn uga gacansiin doonto dagaalka lagu jiro cudurka Covid-19. Kulankaan khadka taleefoonka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan socdaan dadaallo oo ay dowladda federaalka ay ku dooneyso inay ku xakameyso fidista cudurkaasi. Soomaaliya ayaa waxaa laga diiwaan-geiyey kiisas gaaraya 671 qof, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka xukuumaadda federaalka.
  9. Dowladda Soomaaliya oo deeq caafimaad ka heshay Turkiga Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la wareegtay deeq caafimaad oo ka timid Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana loogu tala-galay in xaaladda caafimaad ee waddanka wax weyn looga qabto. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Fowsiya Abiikar Nuur iyo wasiirka wasaaradda gargaarka iyo hortagga masiibooyinka ayaa la wareegay taakuladaasi caafimaad ee ka timid Turkiga. Waxaa sidoo kale madashada Soomaaliya ay ku guddoomeysay agabkaasi caafimaad joogay wasiirka arrimaha dibadda Amb. Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxeyna dhammaantood sheegaan in qalabkaan uu yahay mid kusoo aaday waqtigii loo baahnaa. Deeqdan maanta Soomaaliya la siiyay ayaa waxaa kamid ah mashiinnada bukaanka ka saacido neefta oo aad dalka ugu yaraa iyo dharka ay xirtaan shaqaalaha caafimaadka xilliga ay la fal-galayaan bukaannada qaba xanuunka COVID-19.
  10. Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay kiisas cusub oo Covid19 Wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay inaay sii kordheen dadka qaba cudurka Covid19, waxaana aay sheegtay in 48 saac gudahood laga helay 70 qof. Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in 67 qof aay joogaan gobolka Banaadir, 3 qofna aay ku suganyihiin Soomaaliland. Cudurka Karoona oo kusii faafaya Soomaaliya ayaa tirada guud ee laxanuunsan waxaay gaarayaan 671 qof. “24 saac waxaa soo kordhay 70 xaaladood oo cusub oo ah Covid19, 67 qof waxaay joogaan gobolka Banaadir, 3 qof waxaay joogaan Soomaaliland. Xanuunkan wuu sii faafayaa waxaana muhiim ah in laqaato talooyinka Caafimaadka oo maalin walba aan soo gudbino”. Fowsiya Abiikar. Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo aay ku xakameeyneyso cudurka, waxaayna sameeysaa wacyigalin, hasa-ahaatee dadka Soomaaliyeed ayaanan weli qaadan talooyinka kooxaha Caafimaadka.
  11. Puntland: 12 qof oo cusub oo laga helay Covid 19 Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa xaqiijiyey inay korortay tirada dadka laga helay cudurka Covid19. Wasiirka ayaa cadeeyay in la baaray 20 ruux oo 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah, xanuunkana laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga wayay. Da’dooda ayaa udhaxaysa 15jir ilaa 65jir Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 23ruux, uuna hal bukaan ahna uu ugeeriyooday xanuunka. Puntland ayaa maalmihii uu dambeeyay uu hakad ku jiray arimaha baaritaanka cudurka Covid19, iyadoo maamulku ku mashquulsanaa gurmadka Qardho. Dhinaca kale, muwaadiniin Ethiopian ah oo ka tagay magaaladda Bosaso ayaa markii ay ku laabteen dalkooda laga helay cudurka Covid19, waxaana taasi ay sababtay in Ethiopia ay adkaysay in loogasoo gudbo xadkeeda.
  12. Reer Baardheere iyo deegaanada kale daadadka ku dhuftay wey heli doonaan caawintooda hadduu Rabi idmo.