Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Back to the topic, suddenly today, May 6th, there are 17 new positive cases out of the gates. The last two days it was five positive cases each with one death. Still they are keeping the numbers very, very low.
  2. Ethiopia: Free Speech at Risk Amid Covid-19 The Ethiopian government has been using Covid-19 restrictions and a recently declared state of emergency as a pretext to restrict free speech. In the last month, the authorities have detained a lawyer, Elizabeth Kebede, and charged a journalist, Yayesew Shimelis, for comments on social media about the government’s response to the coronavirus. A new state of emergency declared on April 8, 2020 gives the government sweeping powers to respond to the pandemic, heightening concerns of further arbitrary arrests and prosecutions of journalists and government critics. “While misinformation about the pandemic can be a concern, it’s no excuse to limit free speech,” said Laetitia Bader, Horn of Africa director at Human Rights Watch. “The authorities should drop charges against Yayesew Shimelis, release Elizabeth Kebede, and stop detaining people for peacefully expressing their views.” After confirming the first positive Covid-19 case on March 13, Prime Minister Abiy Ahmed announced an initial series ofdirectives to stem the spread of the virus, which also urged “media institutions to deliver accurate information to the public.” On March 26, Yayesew, a journalist and producer of a political program on Tigray TV, a regional government-owned station, alleged on his personal Facebook page and on a YouTube channel he administers that the government ordered the preparation of 200,000 graves in anticipation of deaths from the virus. Government officials immediately condemned his remarks as “false.” The following day, Oromia police, along with two members of Ethiopia’s intelligence and security agency, arrested Yayesew at his family’s home in Legetafo, on the outskirts of Addis Ababa, and took him to the Addis Ababa Police Commission, where he was questioned about his political views and reporting. The authorities also seized his laptop, cellphone, and notebooks. It’s unclear whether they obtained a judicial warrant, as required for searches. Addis Ababa police alleged that Yayesew spread “false news” but held him for nearly three weeks without bringing formal charges. On April 15, a federal judge granted him bail, finding that investigators lacked sufficient evidence to proceed with the investigation. Federal police investigators then intervened in the case, appealing the court’s decision and accusing Yayesew of violating the revised anti-terrorism law. On April 20, a federal judge granted Yayesew bail a second time, again finding that investigators lacked enough evidence to charge him with terrorism offenses. Federal police finally released Yayesew on April 23. But, according to court documents Human Rights Watch reviewed, prosecutors have now formally charged him under the country’s new hate speech and disinformation law, citing as evidence postings and private messages obtained from Yayesew’s personal Facebook account by Ethiopia’s Information Network and Security Agency (INSA). The new law, which took effect on March 23, contains an overbroad definition of disinformation that provides authorities with excessive discretion to declare unpopular or controversial opinions “false.” The law also arbitrarily imposes harsher penalties for social media users who have more than 5,000 followers, as Yayesew does. On April 4, Addis Ababa police detained Kebede, a volunteer lawyer with the Ethiopian Women’s Lawyers Association (EWLA), one of the country’s leading women’s rights groups, and transferred her to the custody of Harari regional authorities. EWLA lawyers told Human Rights Watch that officials have not charged her with any offense but accuse her of disseminating false news in Facebook posts that officials claim could “instigate violence.” Human Rights Watch
  3. LoL. Don't mind our Tigrey agent. I don't know why would any sane pro-Soomaaliya and for midnimo Soomaali would criticize Abiy Axmed. For all his faults and policies in Xabashiland, he is helping for Soomaaliya judging from his policies towards to Soomaaliya. I for one do not give a hoot what he does in Xabashiland. He could easily have chosen to pursue the failed divide-and-rule policies of Tigrey generals in Soomaaliya. He did not. He removed the infamous Gabre from Soomaaliya's political spheres as well. He cut any contact to maamul goboleed and their monthly, if not weekly, pilgrimages to Adisababa. If it wasn't Abiy Axmed, Shariif Xasan in Koonfur Galbeed would still be relevant and continued his shenanigans. Axmed Madoobe would have been emboldened to do whatever he wanted. In Waqooyi Galbeed, they would not be this toothless and desperate for anything. And in Soomaali Galbeed, he removed the Tigrey top lapdog, Cabdi Ileey. He does not suppress for Soomaaliweyn symbols, the flag and the national song, Soomaaliyeey toosoo, which are now Soomaali Galbeed's astaan.
  4. Adiga Afsoomaaligaaga aqriskiisa iyo qoraalkiisa see waaye? Let's see how you can comprehend the previous sentence and write back your answer.
  5. Carwada Iidko maba aadan arkin marka suuqaan iyo carwadaas mida weyn yaa kuu sheegay? Laba dabaq ayee ahayd iyo qeyb hoose. Koley Soomaaliya waagaas carwadaas u weyneyd. Sheeko caan ayaa jirtay ninkii diiday in maqaayadiisa/biibatadiisa ka gado kuwii dhisan lahaa carwadaas Iidko. Dhulka inta kale ayee gadeen. Si walba lacag ugu sheegeen waaka diiday inuu ka gado. Carwada in si qaloocan loo dhiso ayee noqotay dukaankiina dhexda geeska ah ku yaalo. Waxaa la dhihi jiray waxee ku aadiyeen tubooyinkii biyaha roobka ka soo qaadaaye dabayada oo dukaankaas ayee ku dhici jireen markuu roob yimaado.
  6. Transport Minister promises independent investigation of Berdale crash Six people including the pilot perished Monday after their aircraft carrying COVID-19 health and aid supplies came down in what multiple sources said was a result of ground to air shooting in Somalia’s southwest region. The Captain of the plane, Hassan Musa Bulhan, along with his co-pilot Mabruk Islam were operating the ill-fated African Express aircraft as it was reportedly shot down at around 3:30 pm local time shortly before landing at Berdale, according to witnesses. Capt. Hassan Musa Bulhan is the son of the African Express founder and CEO Muse Bulhan. The flight was heading to Berdale from Baidoa in South West State. Ground engineer Charles C Nganga and trainee pilot Omar Abdulle Jamal were among the dead along with two other passengers who were employed by African Express. Five bodies have been recovered so far according to the Minister of Transport and Civil Aviation, Mohamed A Salad Oomaar. Hiiraan Online spoke with the Transport Minister as he was on his way to Bardale airport with investigators to recover the Black Box which can reveal critical information on the last moments before the crash. He also plans to repatriate the bodies of the crash victims
  7. Kenya demands answers from Somalia over downed plane Kenya has asked Somalia to investigate "unclear circumstances" under which a light aircraft was shot down in Bardale area. The cargo plane carrying aid supplies for use in the fight against Covid-19 was shot down in Somalia yesterday, killing all six on board. According to the Somali Ministry of Transport and Civil Aviation. the incident occured around 3.30 pm local time. Of the six who were in the Embraer 5Y-AXO plane belonging to African Express, two are Kenyan pilots and four Somali nationals. The Kenyans have been identified as Captain Mabruk Islam Sherman and Omar Chiraghdin from Mombasa. “The incident occurred under unclear circumstances. The aircraft had been and was supporting humanitarian operations during this Covid-19 pandemic period,” the Ministry said in a statement issued Tuesday. Daily Nation
  8. DF Somalia oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaradii ku dhacday garoonka Bardaale Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Bardaale, ayaa sheegtay inay si rasmi ah u bilowday baaritaan ku aadan shilkaas, oo ay ku dhinteen illaa lix qof oo saarnaa diyaaraddaasi. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa guddi khuburo ah saaka u dirtay goobta ay ku burburtay diyaadda oo ay laheyd shirkadda African Express. Guddigan ayaa soo baari doono, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka diyaaddaasi oo la sheegay inay si ula kac ah u soo rideen ciidamada Itoobiya. Wasaaradda gaadiidka ayaa sidoo kale shaacisay inay si deg-deg ah u shaacin doonto natiijada baaritaankaasi, islamarkaana ay la wadaagi doonto Ummadda Soomaaliyeed. Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay dhammaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa. Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sidoo kale sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka Bardaale, lagana war qabay xilliga duulimaadkaasi uu ku soo wajahnaa garoonka. Dadka ku dhintay shilkan ayaa kala ahaa, Kabtan Xasan Musse Bulxan, Kabtan Mubruuk, Kabtan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/laahi Maxamed, sida uu sheegay Xildhibaan Ibbi.
  9. Xabashi soldiers have downed a plane that was about to land in Bardaale town in Baay region. Dowladda dhexe waa inay arrintaan daba gishaa. Xog ku saabsan shilka diyaaradeed ee ka dhacay Bardaale Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka dhacay shil diyaaradeed sababay dhimashada lix qof oo saarnaa diyaaradda African Airways oo sida la sheegay halkaasi gaarsiisay agab caafimaad oo loogu talogalay shacabka ku dhaqan degmadaasi. Hadaba waxa ay warar is khilaafsan kasoo baxeen sababta shilka ku yimid diyaaradda. Hiiraan Online ayaa la xiriirtay madax ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si aan u helno xog sugan oo ku saabsan shilkaasi. Mid kamid ah saraakiisha sar-sare ee Koonfur Galbeed oo codsaday in aynan magaciisa xigan sababo la xiriira in uusan u idmanayn in uu warbaahinta xog la wadaago ayaa sheegay in shilku ahaa gantaal lala beegsaday diyaaradda. "'Inkastoo ay baaritaannadu socdaan oo ayadoo faahfaahsan warbaahinta kala wadaagi doono haddana xogta aan heleeyno 90% waa in ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka in ay gantaal ku dhufteen diyaaradda," ayuu sargaalkan u sheegay HOL. Mar aan weeydiinnay sababta ay arrintaasi ku dhacday, ayuu sheegay in ilaa hadda aysan garanayn, balse baaritaanka kadib la ogaan doono. Howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidanka Itoobiya iyo Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya weli kama hadlin arrintan. Xigasho
  10. Meeshaan magaalo lagu sheegaayo maa qabiil qabiil loo kala deganyahay xaafadaha? Magaala weyn ayeeba saas ku tahay.
  11. Kenya xayiraad kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa xeryaha Qaxootiga Kenya ayaa mamnuucday dhaqdhaqaaqa gudaha iyo ka bixida laba xero qaxooti oo waa weyn taas oo qeyb ka ah talaabooyin xakameyn ah oo looga golleeyahay ka hortagga faafitaanka coronavirus ee bulshada nugul. Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay in xayiraadda la saaray xerada Dhadhaab ee bariga Kenya, oo ay ku nool yihiin 217,000 oo qof, iyo xerada Kakuma ee waqooyi-galbeed Kenya, oo ay ku nool yihiin 190, 000 oo qof. Kenya, oo diiwaangelisay 490 kiisaska coronavirus, ayaa illaa iyo hadda, weli soo sheegin wax cudur ah oo laga helay labada xero, oo ay ku jiraan qaxooti ka kala socda Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya - oo qaarkood halkaas ku noolaa ku dhawaad 20 sano. Khubaro caafimaad iyo kooxo bini-aadamnimo ayaa muddo dheer ka digaya in uu ku faafo Covid-19 xerooyinka qaxootiga ee dadku ku badan yahay.
  12. Haddee gabadhaan qabto cudurkaan xun maxaa intaas dad meesha wada istaajiyey? War ummadaan indha adkaa. ________________ Bukaankii uu horeeyay oo ka faa’idaystay mashiin neef siiye ah oo uu sameeyay wiil dhalinyaro Soomaaliyeed Dowladda Soomaaliya ayaa bukaankii ugu horeeyay uga faa’idaysay mashiin neef siiye ah (ventilator) oo uu gacantiisa ku sameeyay Maxamad Cadaawe oo ah wiil dhalinyaro Soomaaliyeed, oo Muqdisho ku nool. Waxay kusoo beegmatay waqti aad loogu baahi qabo qalabkaan, iyadoo adduunka oo idil u qabo baahi isku mid ah, maadaama Covid19 uu sababayo inuu weeraro hab-dhiska neef mareenka, taasoo keenaysa in bukaanadu u baahdaan hawo la farsameysay oo ka imaanaysa qalabkaan. Si looga faa’iaysto xirfada wiilkaan dhalinyarada waxay Dowladda Soomaaliya bilowday inay badiso mashiiinadaan, si loogu maareeyo baahida bukaanada uu maalin walba soo ridinayo cudurka Covid19. Maxamed Cadaawe ayaa kasoo muuqday warbaahinta isagoo hagaya koox farsamayaqaano oo loo igmaday inay si degdeg ah kusoo saaraan tiro badan oo qalabkaan ah, maadaama aysan dowladdu haysan qalab ku filan.
  13. Turkey delivers second batch of medical supplies to Somalia to fight COVID-19 Turkey sent a second shipment of medical supplies to Somalia on Monday to help the country combat the novel coronavirus outbreak. An A-400M military plane carrying supplies including stretchers, beds and quilt covers departed from Etimesgut Military Airport in the capital Ankara. On Saturday, Turkey sent a shipment of medical supplies to Somalia, including new Turkish-made ventilators. After Turkey’s all-out efforts to develop its own ventilators, which bore fruit last month, Somalia – which lacked the devices, which are critical for fighting the coronavirus – became the first country it sent the ventilators to. The medical aid packages bore the Turkish presidential seal along with the Turkish and Somali flags and a famous saying by 13th-century Sufi mystic Mevlana Jalaluddin Rumi: “There is hope after despair and many suns after darkness.”
  14. Dowladda Turkiga oo had iyo jeer la garab taagan taageerida dadweynaha Soomaaliyeed.
  15. Carwada Iidko ku taalay Jidka Sodonka, aaga Labadhagax ayaa soo xasuustay. Dharka ciidda ayaa aniga iyo walaalahey loogu soo gadi jiray dhamaadkii sideedameyadii. Cadnaan kuma soo gaarin carwadaas filaa.
  16. The first person who officially sung Soomaaliyeey toosoo, by the way. Qaasim HIlowle:
  17. Saalax, noo sheeg the man who composed Soomaaliyeey Toosoo asagana. Mise kaas tolka ma'aha.
  18. Mooshinkii Sheekh Cusmaan oo lagu joojiyay amar ka baxay Muqdisho Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in la joojiyay mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre, oo maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ku saabsan. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu u tagay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle islamarkaana uu ka codsaday in la baajiyo mooshinka, waxaana la sheegay inuu ku raacay arrintaas. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay door weyn ku laheyd in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah Sheekh Cusmaan Barre maadaama la joogo xiligii kala guurka ah ee HirShabelle. Kulamo oo aan wali dhamaanin ayaa la isku afgartay in la joojiyo mooshinka halka Sheekh Cusmaan Barre laga dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo warqad ku saabsan musuq maasuq ka jira HiSshabelle uu la wadaagay deeq bixiyaasha caalamka, arrintaas oo ay ka xumaadeen dowladda Soomaaliya iyo madaxda kale ee HirShabelle. Maamulka HirShabelle ayaa waxaa u harsan 4 bil oo kaliya mana ka muuqato dedaalo ku aadan in doorasho ay ka dhacdo maamulkaasi oo afartii sano ee la soo dhaafay ku dhameestay is qab qabsi iyo waxqad la’aan.
  19. Madaxweyne Farmaajo oo xiriir la sameeyey Erdogan iyo ujeedka uu u wacay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay khadka telefonka kula xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne fFarmaajo uu wacay Erdogan, isla markaana uga mahad celiyey taageerada walaalnimo ee dalka Turkigu u soo direy Soomaaliya. “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladda Turkiga ayaa maalintii Sabatida Muqdisho ka dejisey diyaarad nooca Milteriga ah oo sidey agabka looga hortago cudurka COVID-19. Kadib gargaarkaas, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliya, oo ay ka jirto mashiino yari aad u darran. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo ee iyo dalalka baahida qaba.” Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale.
  20. Turkiga oo markale qalab CAAFIMAAD ka soo dajiyey magaalada Muqdisho Labo diyaaradood oo ka yimid wadanka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo keenay gargaar caafimaad oo lagu talalagay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka warbixisay deeqdaasi markale ka timid Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda Turkish Airlines ay keentay qalab caafimaad. “Diyaaradii afaraad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri muuqaal la soo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Turkiga oo ah saaxibka dhow ee Soomaaliya ayaa labo jeer oo hore Muqdisho ka soo dajiyey gurmad caafimaad oo ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka, si looga hortago Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xiriir la sameeyey dhiggiisa, Recep Tayyip Erdogan ayaa kaga mahadceliyey hiilka walaalnimo iyo agabka caafimaadka uu sida deg-degga ahi ugu soo diray Soomaaliya. “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxuuna Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa tababarka ciidamada, siyaasadda iyo bani’aadanimada.
  21. Baraawe Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe, kadib markii Ra’iisul Wasaare Khayre uu faray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 inay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Feyruska Karoona.
  22. Soomaaliya oo maanta laga helay 51 xaalad oo ah COVID-19, iyo xanuunka oo kusii fidaya gobollo ka fog caasimadda Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxey sii daaysay warbixintii maalilaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka Covid-19, waxaana lagu sheegay in maanta oo qura ay soo kordheen 51 xaalad, halka 10 bukaan ay ka bogsoodeen xanuunkaan, sida lagu sheegay Warbixinta dowladda Soomaaliya ay sii shaacisay. Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid kamid ah dadkii la xanuunsanaa cudurkaan uu maanta u geeriyooday, taas oo kor u sii qaadeysa bukaannaa ugu dhimanaya Soomaaliya COVID-19. Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Soomaaliya marwo Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo lagasoo duubay muuqaal ayaa waxay sheegtay in dadka maanta xanuunka laga helay ay kala yihiin 32 rag iyo 19 haween ah. Laakiin wasiirku ma aysan sheegin dadka guud ahaan maanta la baaray iyo haddii ay jiraan shakhsiyaad laga waayay, sida waddamada kale ay ku sheegaan warbixinnadooda. Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan ee uu xanuunka COVID-19 kusoo ritay bukaannada sida ku cad warbixinadda wasaaraddu ay sii daaysay, 37 kamid ah dadka maanta laga helay waxay ku noolyihiin Muqdisho, halka 12 ruux lasoo sheegay in ay ku suganyihiin Puntland, 2 xaaladna waxaa laga helay Galmudug. Wadarta guud xanuunka Coronavirus waxa uu soo ritay guud ahaan Soomaaliya bukaanno gaaray 722 ruux, waxaa ka bogsooday 44 qof halka ay u dhinteen 32 ruux, sida lagu sheegay warka dowladda kasoo baxay. Soomaaliya waxay hadda kamid tahay waddamada safka hore xagga dhimashada uga jira xanuunkan gobolka geeska Afrika.
  23. Injineer Soomaali ah oo soo saaray Mashiinka Neefta Injineer Soomaali ah ayaa soo saaray qalabka neefsashada , xilli ay kordhayaan dadka aan helin Mashiinka Neefta ee u dhimanaya fayruska COVID-19. Maxamad Cadaawe oo ah 21 jir ku nool caasimadda Muqdisho, ayaa ku sheegay waxa ku dhaliyay farsamada qalabka neefsashada inuu baraha bulshada ka daawaday Aabbe Soomaali ah oo sheegay wiil uu dhalay inuu u dhintay markii uu waayay Mashiinka neefta siiya bukaannada. " Dalkeenna ma leh awood lagu gaarsiin karo dhammaan bukaannada Mashiinka neefta ,taas ayaana igu dhalisay farsamo ahaan inan annigu isku dayo." ayuu yiri Cadaawe " Hadda waxaan u arkaa ugu yaraan in bukaannada uu caawin doono Mashiinka oo aan gurigeyga ku farsameeyay." ayuu ku daray. Dadaalkii uu u galay farsamada qalabkan ayuu ku sheegay inuu ku dhammeystiray muddo 20 cisho ah. " Qalabkan wuxuu ka sameysan yahay neef bixiyihii gacanka lagu siin jiray, balse ninkaan dhallinyarada ah wuxuu u farsameeyay hab sahlan oo ah inuu neefta gudbinayo iyadoon cidna gacan u adeegsan." ayuu yiri Dr Xuseen Cabdicasiis Fatxi oo ah agaasimaha isbitaalka Soomaali Suuuriyaan ee magaalada Muqdisho. Dr Xuseen , wuxuu xaqiijiyay in si rasmi ah uu isbitaalka u adeegsan doono qalabkan oo tayo ahaan caawinaya bukaannada u baahan mashiinnada neefta. Baahida ay dunidda u qabto qalabka neefsashada ayaa koradhay si aan horey loo qiyaaseyn, kaddib markii si safmar ah uu ugu dhuftay caalamka fayruska COVID-19 oo Soomaaliya ay u dhinteen 31 qof.