-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Northern Vs Southern Somali:
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Come Learn Somali's topic in General
Waxaa rabtaa inaa naga dhaadhicisid in beyd, daqiiq, digaag, xamxam, et cetera laga isticmaalin Waqooyiga? Perhaps adiga shaqsi ahaantaa iska hadal, laga yaabaa deegaan kale ku soo kortay, but Waqooyi bred folks use ereyada aan kor ku sheegay. Even this Soomaali origin word 'erey' is used less frequently in Waqooyiga. Instead many of them use the Carabi version, 'kalmad/kelmad.' -
Is there any dowladda dhexe-owned lands that had been spared in selling frenzy in Waqooyiga? Do they think danta guud lands and places belonged to marxuum Maxamed Siyaad Barre, Rabi ha u raxmadee? Meesha tuugo baa isku baheystay; if they were controlling Xamar, Eebbe forbid, they would have mass sold meelihii iyo dhulkii muhiimka ahaa dowladda lahayd, sida hoteelladii Curuba, Jubba, Shabeelle, Taleex, goobihii taalooyinka ku yaalay, siiba meesha qurxoon Dhagaxtuur ku taalo. Baarlamaankii, Guriga Ummadda, wasaaradihii, safaaradihii hore xataa mala dhaafi lahayn. Warshadihii, isbartiibooyinkii...
-
Xamar has never seen any clan segrenation. The closest it came was in between 1991-1994, in the heyday of Caydiid vs Cali Mahdi conflict. Even then degmooyin la isla wada deganaa ayaa jiray, sida Hodan. Degmooyinka hal qabiil ku badan la dhihi karo waa Kaaraan iyo Wadajir, labada gees Xamar ayee ku kala yaalaan, saas ay tahayna waa lala deganyahay. But what Gooni described in Hargeysa waa cajiib iyo nuskeeda in this day and age.
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka hor-yimid in Kenya ay si gaar ah u beegsato ISLII Wasaaradda Caafimaadka dalka Kenya ayaa shalay bandow kusoo rogtay xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Nairobi, wuxuuna bandowgaasi ku kooban yahay xaafadaas oo kaleya, taasi oo lagu qeexay mid lagu beegsanayo Islii kaliya. Bandowga ay dowladdu saartay Islii ayaa socon doona mudo 15 cisho ah, mudadaas oo sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Kenya aan xaafadaas lasoo geli karin, lagana bixi karin. Wasiirka Caafimaadka Kenya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa amray in wax dhaqaaq soo gelid ama ka bixid ah aysan ka jiri karin xaafadda Islii mudadaas 15-ka cisho ah. Wasaaradda ayaa sababta ay xaafadaas ugu soo rogtay Bandowga waxay ku sheegtay inay la xiriirto faafitaanka cudurka Coronavirus oo maalmihii lasoo dhaafay kiisas badan laga diiwaan geliyay xaafadaas. Iyadoo dadka loo ogolaaday inay furaan karaan oo kaliya xilliga habeenkii ah, goobaha caafimaadka iyo dukaamada lagu iibiyo raashinka. Islii shalay waxaa laga diiwaan geliyey 29 kiis oo Coronavirus ah, kadib baaritaan guri guri ah oo ay ka sameysay wasaaradda caafimaadka dalka Kenya. Sidoo kale bandowgan 15-ka cisho ah oo ay soo saartay dowladda Kenya ayaa saameynaya magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa. Dhanka kale Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, isla markaana laga soo doortay degmada Kamukunji oo ay ka tirsantahay xaafadda Islii, ayaa si adag uga soo hor jeestay go’aanka ay maanta dowladda Kenya bandowga ugu soo rogtay xaafadda Islii. Xildhibaanka ayaa bandowgaas ku tilmaamay mid eex ku ah dadka reer Islii, isaga oo sheegay in marka loo fiiriyo tirada kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha Kenya ay aad ugu yaryihiin kiisaska laga diiwaan geliyey Islii, dowladana looga baahan yahay inay iyagana amaradan oo kale kusoo rogto goobihii laga diiwaan geliyey kiisaska kale. Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in Islii ay ku yaallaan ganacsiyo aad u waaweyn, isla markaana uusan macquul aheyn bandowga ay kusoo rogtay dowladdu, maadaama uu sheegay in kumanaan qofood ay suuqa Islii u soo shaqa tagaan ama kasoo dukaameystaan. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
On the frontline: The junior doctor at Mogadishu’s Covid call centre In June last year, 24-year-old Jihan Ali Mohamud landed in the Somali capital of Mogadishu for the first time in her life. She had travelled to the country from her home in South London to bury her father. Having graduated with a degree in medicine from the Brighton and Sussex Medical School in 2018, she had taken leave from work and planned to stay in Somalia for a few weeks, to learn more about her roots and heritage. A month went by. Every time she thought about returning to the United Kingdom her heart sank. “It felt like I would be leaving my dad behind and each day that passed I felt more connected to Somalia.” During this time she met Dr Abukar Jimale, the founder of the Dr Jimale Specialist Hospital in Mogadishu. He asked if she would be interested in putting her skills and clinical experience to use, and she jumped at the opportunity. Within days, Jihan was volunteering at the hospital where, among other things, she assisted in helping train medical students and junior doctors. This soon turned into a full-time paid position. “I was so grateful to have the opportunity to do this, especially as I noticed the stark difference in the information, training and knowledge we in the UK have access to in comparison to here. It felt like an honour for me to be able to share all that I had learnt and be part of the system.” Jihan had convinced herself that she would do this for a month and then return home. Then she said to herself, okay, just one more month — and then another. “One of things my dad was most proud of was my being a doctor, and it felt like such a fitting way to honour him by doing this in the country which he loved, which he was raised in, which he called home.” Although she has taken to life in Mogadishu, it is not without its difficulties. Her first experience of hearing and seeing a bomb blast left her with severe anxiety, something which she had to work through, reminding herself to learn to be comfortable with being uncomfortable. Finally, in November 2019, she boarded the flight back to the UK. On her return, she realised that she had left what felt like home. “I felt like I was cheating on the UK, but I realised that I can belong to two places.” Within a month she was back in Mogadishu, determined to use her skills to improve healthcare in Somalia. Earlier this year, as news of Covid-19 began to emerge, Jihan — who hopes to pursue a PhD in immunology — closely followed news about the pandemic, particularly as she continued to volunteer at the hospital. As cases began to spread around Africa, she received a call from Abdi Barud, an adviser at the office of the prime minister, to participate in the government’s national call centre. “I said yes within a heartbeat. With so much misinformation, panic and lack of awareness about the virus I knew lives could be at risk. I thought to myself, even if we save two lives a day, even if only five people take our advice, that’s still something.” The team at the call centre is a mix of doctors, medical students, analysts and mathematicians. Their roles vary from advising those calling in to analysing data and information. During the first week they received almost 16 000 calls from around the country. Jihan and her colleagues are often working from 7.30am to 11pm. “I live off coffee,” she laughs. When people call in and report their symptoms, these are noted down and then decisions are made about whether the case is an emergency and needs to be admitted to hospital, or if they need to isolate themselves and so need to be instructed on what actions to take. Her role primarily centres on collecting this information, analysing the data and providing it to senior colleagues. What is important for Jihan is that through the call centre they are able to create more awareness about the pandemic. “Somalia’s healthcare system is like a broken bridge and this pandemic is putting more pressure on it. This could ease that. There are people here who don’t know about Covid-19 or think it’s something being used to manipulate them. If we can just change one person’s mind about this, urge them to take government advice seriously, they will share that information with members of their community, and there will be a domino effect.” What has kept her in Mogadishu, what keeps her going through the long days, what keeps her travelling into work during the pandemic is empathy. “I may not know much, but what I do know is when someone calls in and they are in pain, I know what steps to take, and nothing is more important than that.” Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiirada Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikara Nur ayaa manta bulshada la wadaagtay sidii caadada aheed xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19. Wasiiraka ayaa 24kii saac ee ugu danbeesay xaqiijisay 38 xaaladood cusub oo COVID-19 ah. 35 xaaladood ayaa laga helay Gobolka Banaadir halka 3 xaaladood ee kale laga helay Maamulka Somaliland. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa COVID-19 ayaa ah 873 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan, waxaana bogsaday 12 bukaan. Wasiirka ayaa bulshada xasuusisay maahmaahdii aheyd ‘’Ka hortagga ayaa ka wanaagsan daaweynta’’ una sheegtay bulshada qeybaheeda kala duwan inay xil iska saaraan xakameynta caabuqa COVID-19, lana yimaadaan ficiladda ka hortaga ah sida dhaqidda gacmaha, kala fogaanshiyaha dadka iyo yareynta aadida goobaha la isugu yimaado. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Masaajidada waa weyn, sida Isbaheysiga, salaada taraawiix kama jiro. Kuwa yar yaraa xaafadaha ku yaalay waa sidooda caadiga ahaa. Waa ogtahay dadkeena madax adagyihiin. Soomaaliya aad ayuu ugu faafay ee Rabi haka badbaadiyo. -
Downed plane in Bardaale
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Not for domestic flights, especially for humanitarian ones, which this flight happens to be. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Kenya Records Highest Single-Day COVID Case Spike Kenya’s Heath Ministry says 45 new coronavirus cases have been reported in a single day as the nation takes steps to stop the infection from spreading. Health Minister Mutahi Kagwe released the figures Tuesday at a news conference in Nairobi. He noted the increase marked a big jump in the eight weeks since the first case came to their attention. “This of course is the highest number recorded in 24 hours, ever since the first case on the 12th of March. Out of this number 29 are from Nairobi, 11 are from Mombasa while five are from Wajir and one is a foreign national from Somalia. The five from Wajir have a history of recent travel to Mogadishu,” he said. Kenya shares a border with Somalia, which at last count had 756 recorded cases and 35 deaths, according to the Johns Hopkins University’s coronavirus tracking site. Kenya’s Ministry of Health recently announced that it had identified Eastleigh and Kawangware, two of Nairobi’s most densely populated neighborhoods, as coronavirus hotspots, as they had recorded cases of community transmission in these areas. “The 29 cases that we have from Nairobi are all from Eastleigh; that means that as we speak, there are 63 cases within the Eastleigh area alone. That tells you then that there is community spread happening within Nairobi specifically in the area of Eastleigh. This comes out as a result of mass testing in that area within the last 24 hours. Kawangware continues also to be an area of concern and there are 24 in that area and then in Mombasa. In Old Town alone we have 39 cases," said Kagwe. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
29 kiis oo COVID-19 ah oo laga helay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi Wararka la xariira xaaladda Kenya iyo xanuunka COVID-19 ayaa waxay sheegayaan in ay kor u kaceen xaaladaha cusub ee waddankaasi kusoo kordhaya, iyadoo maanta oo qura la helay kiisas badan. Wasaaradda caafimaadka Kenya oo dhowaan sii daaysay warka xaaladahan cusub la xiriira ayaa waxay tilmaantay in maanta oo keliya dalkaasi laga helay kiisaska 45 qof, 29 kamid ah waxaa laga helay xaafadda Islii oo ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee ku sugan caasimadda Nairobi. Warka wasaaradda caafimaadka Kenya ay sii daaysay ayaa lagu yiri "Ma jiro cid uu si gaar ah xanuunkaan u yaqaan sidaas darteed yaaney dhicin dad loo takooro". Guud ahaan Kenya ayaa xaaladaha laga helay wadar ahaan isu-geynta waxay gaarayaan 535 ruux sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka . Xaafadda Islii oo ah suuq ganacsi oo xooggan waxaa muuqanaya in hadda dowladda Kenya ay u yeelaneyso Il gaar ah, iyadoo bilowday in dadka lagu sameeyo baaritaan looga hubinayo xanuunka COVID-19. Xaafadda Islii ayaa kiisaskaan laga helay, iyadoo si rasmi ah uu u saaranyahay bandow ka jira xilliyada habeenkii ah, kaas oo ay horay dowladda u saartay si loo xakameeyo fiditaanka xanuunka safmarka ah ee Coranavuris. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Downed plane in Bardaale
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya sidii loo ogaan lahaa waxa sababay shilkii diyaaradeed ee Bardaale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay diyaaradii samafalka siday ee ku burburtay Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof oo saarnaa diyaarada oo ku sii jeedday Bardaale, oo qiyaastii 55 Km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, Soomaaliya. Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay wax kasta ku bixindoonto sidii loo ogaan lahaa waxa sababay musiibadaas. “Annaga oo ah qoyska Qaramada Midoobay, waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan kari karno si aan uga caawino mas'uuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa Koonfur Galbeed in ay fahmaan waxa sababay musiibadaas. Waxaan sii wadi doonnaa dabagalka horumarkaas muhiimka ah,” Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Dhinaca kale, howlgalka midowga Afrika ee Amisom ayaa soo dhoweeyay go'aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka. Madaxa howlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa yiri "Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaanan taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaannada looga golleeyahay caddeynta duruufaha ku xeeran dhacdadan. -
Downed plane in Bardaale
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kenya, Somali leaders agree on joint probe after plane crash Kenyan and Somali leaders on Tuesday agreed on a joint investigation into the aircraft crash that killed six people in southwest of Somali on Monday. Kenyan President Uhuru Kenyatta said he received a telephone call from his Somali counterpart Mohamed Farmajo who said Mogadishu has commenced probe into the incident to establish what led to the plane crash. Kenyatta said in a statement that Farmajo informed him that he had instructed the civil aviation authorities to immediately mount an investigation into the circumstances surrounding the crash of this aircraft which was supporting humanitarian operations in the country. "In this regard, President Farmajo invited the Kenyan civil aviation authorities to team with their Somali counterparts with a view to completing the investigations expeditiously," Kenyatta said in a statement issued after the telephone call. Kenyatta said the Somali leader called to express his regret and convey condolences for the loss of life after a Kenyan-registered aircraft which crashed while landing at Bardale airport. The Kenya-registered aircraft, 5Y-AXO, belonging to African Express crashed in Bardere, Somalia as it approached the airport under unclear circumstances. The plane which had six people, including the pilot, co-pilot, flight engineer, a trainee pilot and two airline workers, was carrying aid supplies for use in the fight against the novel coronavirus. Xigasho -
Downed plane in Bardaale
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Downed plane in Bardaale
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Wafdi ka socda DF, Kenya iyo Itoobiya oo gaaray goobtii ay ku dhacday diyaaradda Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta gaaray goobtii ay shalay galab ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay. Wafdigaas waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ayaa halkaas u gaaray sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sababtii ka dambeysay in diyaaradaasi ay soo dhacdo, waxaana laga war sugayaa wixii ka soo baxay baaritaankaas oo sida muuqata ay iska kaashanayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa u balan qaaday in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono sababtii ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaraddu. War qoraal ah oo warbaahinta Kenya ay soo xigteen waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo. “Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa lagu yiri qoraalka. Lix qof oo laba Soomaali aheyd ayaa ku naf waayey shilkaas, kuwaas oo kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid Cabdullaahi Maxamed. Xildhibaan Cabdiraxman Aadan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha Shirkadda African Express ayaa sheegay in muuqaal Saterlite laga qaaday uu muujinayo in diyaaradda wax lagu dhiftay, xilli ay 5-KM u jirtay runway-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale. -
Northern Vs Southern Somali:
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Come Learn Somali's topic in General
Of course those and many more are Soomaalinized foreign words. Now bring the Waqooyi version of them and let's see how many of them are original Soomaali words. What we were talking about was the the words that have original in Soomaali language in one dialect while the other does not. If both dialects use borrowed foreign words - like 'biriij' and 'buundo' or tuweel and shukumaan - which were equally borrowed from Ingiriis and Talyaani, then both should not be counted. I was listing Waqooyi-borrowed words like beyd, daqiiq, digaag, xamxam whereas original words in Soomaali exist and used by Koonfurta, like ukun, bur, dooro, musqul respectively. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
DF oo shaacisay kiisas aad u badan oo Coronavirus ah iyo dad kale oo u dhintay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tirada kiisas cusub ee Coronavirus, ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyey Soomaaliya, kuwaas oo aad u badan. Warbixinta maalin laha ah ee wasaaradda ayaa maanta lagu shaaciyey in cudurkaas laga helay 79-qof oo ku kala nool Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. Gobolka Banaadir ayaa ugu kiisas badan, waxaana laga diiwaan geliyey sida ku xusan warbixinta 38-kiis, Jubbaland ayaa laga diiwaan geliyey 22-kiis, Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 11-kii, halka Puntland laga diiwaan geliyey 8-kiis oo xanuunka COVID-19 ah. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurkan ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay u geeriyoodeen 3-qof, inta la ogyahay, halka ay kasoo bogsadeen 14 qofood. 62 ka mid ah 79-ka qof ee maanta cudurkaas laga helay waa rag, halka 17-ka kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 835-kiis, dadka kasoo bogsaday ayey tiradoodu gaartay 75 qofood, halka 38-qof ay ugu dhinteen xanuunkan gudaha Soomaaliya. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Adiga oo aan ogeyn qof ha dilin – Farriin ka timid Dr. Fuje Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) oo ah La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada u diray fariin wacyigelineed, si gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed maadama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa COVID-19. Fuje ayaa ugu baaqay dhallinyarada in ay ku dadaalaan dhammaan siyaabaha looga hortago caabuqa, ayna ku nagaadaan guryahooda. Dr. Fuje ayaa halku dhig uga dhigay fariintiisa “ha noqon dilaaga dahsoon/qarsoon’’, wuxuuna baaq dheer u diray bahda caafimaadka guud ahaan, gaar ahaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan wacyigelinta caabuqa maadaama uu ku faafay dhamaan gobollada dalka si loo xakameeyo baahiddiisa. Waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu Soomaaliya si weyn ugu baahaayo , islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu soo ridaayo dad cusub. Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka. Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid-19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Rabi ayaa ummadeena u maqan. Indha adeygnimadooda maba aaminsana cudurkaan. 'Cudurkaan la sheegaayo' ayee meesha la taaganyihiin while dying dozens unaccounted daily.
-
Popular Contributors