Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Si heersare ah ayaa loo dhisaayaa. Wey ku hamadsanyihiin dowladda dhexe iyo shirkadda Hormuud.
  2. Waxa Xamar ku soo arkay toddobo bil ka hor is that almost every house's interior wall has bright fluorescent nalal sida luuqyada iyo jidadka kale mugdi u noqon. Marmar waxaaba isleedahay dowladda hoose maa ku qasabtay. I guess the fluorescent lights are energy efficient and hardly cost that much to run.
  3. When is gaalkaan xaarka aan iska dhaqin going to honour the poor Darwiish iyo eheladooda diyaaradahooda ay ku xasuuqeen Sool? Gaalka uraayo gaalkiisa dhintay u daran.
  4. Such as a shame. Markee Beledweyne igu sawir iyo istus tus ka wadaan ee meeshaan ka bilaabaan. Inta yar beesha caalamka laga soo tuugsaday Reer Beledweyne la isku tustusinaa. Also have you seen how that poor lady with Covid-19 symptoms was treated in Hargeysa? No care or concern at all. Her post went viral on Facebook.
  5. Ciidamada Itoobiya oo qirtay inay soo rideen diyaaraddii kusoo dhacday Bardaale Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qirtay inay toogteen diyaarad xamuul oo ay lahayd Keny, taasoo keentay lix dhimasho ah, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Daily Nation. Warbixin uu soo gudbiyay Taliyaha Qeybta III ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan Bardaale, oo 300km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho aysan ka warqabin wax duullimaad rayid ah oo soo gala waqtigaas. "Ma jirin wax macluumaad ah oo sheegaya in diyaaradda ay kusii jeeday Bardaale. diyaaradda ayaa ka duushay meel caadi ah oo ay si isdaba joog ah ugu sii dhowaatay dhulka," ayay yiraahdeen ciidamada Itoobiya. Ciidamada ayaa ka shakiyay in diyaaradda ay ahayd mid ismiidaamin ah oo ay dooneysay bartilmaameed si ay u weerarto. Sababtaas awgeed ayay ciidamada Ethiopia u toogteen unasoo rideen diyaaradaan oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Aftican Express Airways. Sheegashaan ayaa timid xilli dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay iska kaashanayaan baaritaanka sababtii ka dambeysay in ay soo dhacdo diyaaradaan, isniintii todobaadkii hore.
  6. Beesha Caalamka oo Soomaaliya deeq ahaan u siineysa 16 milyan oo doollar Beesha caalamka ayaa ka hadashay dhaqaale Soomaaliya loogu yaboohayo oo gaaraya 16 milyan oo doollar, lacagtaas oo qaar kamid ah loogu tala-galay la dagaallanka xanuunka COVID-19 sida uu sheegay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto . Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay khadka Online-ka ah Khamiistii shalay ayaa waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay bixinteeda iska kaashan doonaan beesha caalamka sidii Soomaaliya ay awood ugu heli laheyd maareynta xanuunka Coronavirus. Danjire Yamamoto ayaa intaa ku daray in kaalmadaan ay noqon doonto mid leh laba weji , waatan koowaade in Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallanto xanuunka COVID-19 iyo wejiga labaad oo ah in lagu xoojiyo miisaaniyadda dalka maadaama saameyn dhaqaale uu ku yeeshay xanuunkan. “Lacagtaan taageerada ah maaha mid keliya ka imaaneysa Mareykanka ee waxaan la kaashaneynaa dhinacyo kale” ayuu yiri Donald Yamamoto. Waxa uu sidoo kale qeexay in dowladda Mareykanka Soomaaliya ay ku garab istaageyso fududeynta lacagaha amaahda ah ee lagu leeyahay Waddanka, iyadoo la kaashanayo saaxiibada beesha Caalamka iyo Bankiga adduunka iyo hay’adda Lacagta dunida ee IMF. Dhinaca kale wuxuu ka gaabsaday su’aal ay weydiisay HOL oo aheyd “ Mar haddii Soomaaliya dagaalka Al-shabaab uu waqti soconayay , miyaa la gaaray xilligii lala wada fadhiisan lahaa, oo xalka wada hadal lagu raadi lahaa?’ Jawaabta su’aashaas iyo kuwa kel oo ay kamid aheyd “ Mareykanka diyaar ma u yahay bixinta magta dadka rayidka ah oo ay diyaaradihiisa dileen?” waxa uu sheegay in su’aalahaasi uu u celinayo howlgalka Mareykanka ee Afrika {Africom}, waxa uuna sheegay in isaga uusan ka jawaabi Karin. Xigasho
  7. Puntland oo shaacisay kiisas badan oo Coronavirus ah Guddiga arrimaha Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyey gudaha deegaanada Puntland. Tirada kiisaska maanta laga diiwaan Puntland ayaa gaaraya 17, halka dhimashada uu sababay cudurkaas loo diiwaan geliyay hal qof, sida lagu sheegay warbixinta guddiga. Kiisaskan ayaa laga kala diiwaan geliyay gobollada Bari, Mudug iyo Nugaal ee Puntland, mana jirto cid kasoo bogsatay xanuunkaas oo lagu shaaciyey warbixintan. Guddiga ka hor tagga xanuunka COVID-19 ee deegaanada Puntland ayaa tirada guud ee cudurkan uu ka baaray saacadihii u dambeeyey ku sheegay 24 qof, balse waxaa laga helay 17 qofood, kuwaas 15 kamid ah ay yihiin rag, halka labada kale ay dumar yihiin. Tirada guud kiisaska cudurka Coronavisus ee deegaanada Puntland aya gaartay 76 xaaladood, dhimashada uu sababay xanuunkan ayaa gaartay seddax qof, halka qof kaliya uu kasoo bogsaday. Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa galabta shaacisay in 69 qofood laga helay cudurkas 48-kii saac ee u dambeeyey, kuwaas ku kala sugan dhamaan deegaanada maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, markii laga reebo deegaanada Jubbaland. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 997 xaaladood, bogsashada guud ayaa gaartay 110 qofood, halaka dhimashada guud ee uu sababay xanuunkaas ay gaartay 48 ruux, inta la ogyahay, sida ku xusan warbixintii u dambeysay ee heer federaal. Tirada ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kuma jiraan kuwa ay caawa shaacisay Puntland, balse warbixinta dambe ayey kusoo dareysaa sidii horay u dhici jirtayba, waxaana halkaas ka cad wada shaqeyn la’aan ka dhex taagan hey’adaha caafimaadka dalka, taas sida caqabad ku ah dadaalada ka hor tagga Coronavirus.
  8. Kiisaska CORONAVIRUS ee Soomaaliya oo ku dhow 1000 iyo gobollada oo uu ku faafayo Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta cudurka Coronavirus waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, islamarkaana 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 qof oo kale ay ka bogsoodeen cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, HirShabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux. Warbixinta ayaa muujineysa in cudurka uu hadda uu ku faafayo gobollada dalka, halka maalmihii hore uu ahaa mid ku xooggan magaalada Muqdisho. 48 kamid ah bukaannada cusub ayaa rag ah, halka 21 ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.
  9. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay maanta xaalado cusub oo COVID-19 ah. Tirada waxa ay gaareysaa 69 xaaladood, waxeyna ka kala yimaadeen caasimadda Muqdisho iyo Maamuada kala duwan ee dalka. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 39 xaaladood, Maamulka Somaliland ayaa laga xaqiijiyay 11 xaaladood, 8 xaaladood Maamulka Koonfur Galbeed, 8 xaaladood Maamulka Puntland, 2 Hirshabeelle iyo Galmudug oo 1 xaalad laga diiwaan geliyay. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 997 xaaladood, waxaa geeriyooday 4 bukaan, waxaana bogsaday 4 bukaan. Sida caadada aheyd, Wasiirka ayaa bulshada gaarsiisay fariimaha wacyigelineed ee lagu yareen karo faafidda caabuqa sida yareenta tagidda meelaha ciriiriga ah, gacmo dhaqashada oo la joogteeyo iyo in cudurka COVID-19 laga ilaaliyo dadka waayeelka iyo dadka qaba cuduradda raaga.
  10. Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa COVID-19 Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyay gudiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya, waxaana si weyn looga hadlayay habka ugu fudud ee looga wacyi-gelin kara bulshada Soomaaliyeed. Kulanka oo ahaa mid khadka internet-ka ah ayaa waxa uu dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galay ee guddigan qeybta ka ah ayaa waxa uu ku booriyay in ay la yimaadaan istiraatiijiyad wacyi-gelin ah oo la xiriirta dhalinyarada. Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu qeexay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta bulshada sidaas darteed ay muhiim tahay in loo helo wacyi-gelin dhab ah. Soomaaliya, waxaa aad u baahaya xanuunka COVID-19, dowladdana dadaal adag ayeey ugu jirtaa sidii xanuunkaasi loo xakameyn lahaa.
  11. Somaliland oo wajaheysa khatar hor leh oo si weyn looga deyrinayo (Warbixin) Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheysa khatar hor leh oo ku aadan faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kaasi oo si weyn ugu faafay qaar kamid ah deegaanadeeda, iyada oo ay gudaha Somaliland cudurkaasi ugu geeriyoodeen labo qof. Xukuumada Somaliland ayaa lagu eedeyaa in weli dagaalka Covid-19 uu ku jiro gaabis, inkasta oo ay wado dadaalo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkaasi oo ku fiday deegaano hor leh. Xaalada Coronaha ee gudaha Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayaa maadama aysan laheyn tayo caafimaad, iyada oo uu dhowr jeer oo horena uu si cad u sheegay Madaxweynaha Somaliland in taagtooda caafimaad ay liidato. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa hore u sheegay in tabartooda ku aadan dagaalka Covid-19 ay iska yartahay, xili ay u maaro waayeen dalal quwad iyo dhaqaale-ba ka horeeya Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye. Somaliland ayaa wajaheysa halistaasi ku aadan cudurkaasi, iyada oo la rumeysan yahay in xukuumaduna aysan weli soo saarin go’aamo si adag uga hortagaya faafitaanka cudurkaasi, maadama ay weli furan yihiin goobaha ay iskugu yimaadan dadweynuhu. Xukuumada Muuse Biixi ayaa dhawaan ku dhawaaqday go’aan u muuqday in uu wax ka tari doono faafitaanka cudurka oo ahaa joojinta Qaadka, walow ay ku fashilantay in deegaanadeeda si rasmiya uga joojiso qaadkaasi, iyada oo sidii caadiga ahaana loogu kala iibsado suuqyada magaalooyinka. Dadweynaha ku nool Somaliland ayaa wadnaha farta ku haya, maadama aysan haysan adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xukuumad u babac dhigi karta dagaalka Coronavirus, xili ay ku mashquulsantahay dagaalada ka dhanka ah mucaaridka iyo dhaliilaha loo jeediyo. Xigasho
  12. Somaliland oo qaab yaab leh ula dhaqanta dadka qaba cudurka COVID-19 Xukuumada Somaliland ayaa inta badan sheegata in qaab gaar ah oo adeeg heer sare ah ay u diyaarisay dadka looga shakiyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo dhowr jeer oo horena soo bandhigtay goobo ay ku sheegtay in lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi. Arrinta yaabka leh ee ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in xukuumada Biixi ay gebi ahaanba adeeg caafimaad oo habeysan aysan u diyaarin dadka cudurkaasi looga shakiyo ama uu aad u soo rito xanuunkaasi ka hor inta ay soo bixin natiijada baaritaankiisu, midaasi oo kor u sii qaadeysa halista caafimaad ee ka taagan gudaha Somaliland. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, shaqaale ka tirsan wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa qaab burinaya sheegashada xukuumada Muuse Biixi ula dhaqmay Gabadh dhawaan iskaga shikisay cudurka Coronavirus, oo ka dalbatay caawimaad deg-deg ah. Gabadhaasi oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegtay inay ugu horeyntii isku aragtay Qufac, xumad iyo neef qabatin, midaasi oo dhalisay inay iskaga shakiso cudurka halista ee Coronavirus, maadama ay isku aragtay astaamihii ugu waaweyn ee lagu aqoonsanayey cudurkaasi. Dhowr jeer oo ay wacday telefoonka ay wasaarada horumarinta caafimaadku u sameysay inay la soo xiriiran dadka iskaga shikiya cudurkaasi, ayaa haba yaraate laga jawaabin, iyada oo xaaladeeda caafimaad ay kasii dareysay marba marka kasii dambeysa. Qoyska Gabadha ayaa isku raacay inay Gabadhooda gar-gaar caafimaad oo deg-deg ah ay uga doontaan isbitaalada gaarka loo leeyahay, si ay u hesho Oxygen oo xiligaasi ay si aad ah ugu baahneyd, maadama ay laheyd neef qabatin saa’id ah. Iyada oo loo sii qaaday Isbitaalada gaar ah ee Hargeysa, ayaa waxa suurta-gashay in khadka telefoonka isku helaan wasaarada caafimaadka oo iyagu markiiba ka dalbaday in Isbitaalka dowladda ee Hargeysa la keeno gabadha, isla markaana lagula tacaali doono xaaladeeda, waa sida uu waqtigaasi u sheegay sarkaalkii caafimaad ee telefoonka kala hadlayey. Markii la geeyay gabadha Isbitaalka Hargeysa ayaa waxa markiiba la galiyey qeybta Emergency-ga maadama ay aad u qabaneysay Neeftu, walow aysan helin adeeg caafimaad oo dhameystiran, iyada oo aan lagu xareyna meel gaar ah maadama ay iskaga shaki qabto cudurka Corona oo si fudud ugu dhex faafi kara bukaanada kale ee xanuunada kala duwan u jiifa isbitaalkaasi. Arrinta la yaabka leh ee ay Gabadhu noo sheegtay ayaa aheyd in markii lagu xiray Oxygen-ta aysan dhakhaatirtu xirneyn wax qalab ka hortaga, iyagoona qaab aan wanaagsaneyn ula dhaqmayey, waxaana xiligaasi loo ogolaadeyna in gabadh walaasheed ah oo iyadana aan la siin qalabka la iskaga difaaco Coronaha ay xaaladeeda dul joogteyn ka noqoto, midaasi oo meesha ka saaraysa Karantiilkii ay hore u sheegtay xukuumadu Muuse Biixi, kaasi oo ahaa in goob gaar ah lagu baxnaaniyo qofka looga shakiyo iyo kuwa uu soo rito cudurkaasi Ugu dambeyntiina markii ay adeeg caafimaad oo tayo leh ka weyday Gabadhaasi Isbitaalka dowlada, waxay qoyskeedu go’aansadeen in iskaga noqdaan gurigooda, halkaasi oo lagu baxnaaniyo, isla markaana ay ku sugayaan natiijada baaritaanka cudurka ay iskaga shikisay ee Coronavirus. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid si dhab ugu diyaar garoobin cudurkaasi safmarka ah oo ku faafay qaar kamid deegaanadeeda, iyada oo ay dhowaana u geeriyoodeen labo qof oo cudurkaasi qabay, iyada oo lala xiriirinayo inaysan helin adeeg caafimaad oo tayo leh, walow ay dhamaatay saacadoodii.
  13. Wasiiro ka tirsan Puntland oo laga helay CORONAVIRUS Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus. Warbixintooda maalinlaha ee 7-da May sanadka 2020 ayay ku sheegeen in bukaanada ay kamid yihiin 23 lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe. Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay jirto hal dhimasho, balse lama soo sheegin soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay. Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 59 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Jaamax Faarax Xasan oo guddi ka tirsan, ayaa tilmaamay bukaanada cusub ay kamid yihiin laba wasiiro, balse ma uusan magacaabin. Bukaanadda 8-da ah oo dhamaantooda ah Lab ayaa laba kamid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, gobolka Karkaar waa 4, Mudug-na waa laba, sidda xogta ku cad. Wasiiradda cudurka uu soo ritay ayaa si gaar ah isku karantiilay, waxaana xaaladooda la sheegay in ay wanaagsan tahay. Intaas waxaa wehlisa, wadarta geerida waa laba qof; dadka ka caafimaadey, illaa iyo haatan, waxay ku taagan tahay hal muwaadin. Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka. Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.
  14. The word erey is more likely used by a Reer Koonfur than a Reer Waqooyi. Vast majority of Reer Waqooyi use 'kelmad.' Kelmad = erey. Kelmado = ereyo. Hadal = talk. Wadahadal = talking/discussion. Diiq, a Soomaali word, means rooster. Daqiiq, a borrowed Carabi word and used by Reer Waqooyi, means flour. Reer Koonfur use the Soomaali word bur for flour.
  15. Yes, many Waqooyi folks use the Carabi word milix. Add to the list as well.