-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Independence Week - Soomaaliya at 60
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Furitaanka xarumaha dowladda -
Independence Week - Soomaaliya at 60
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN Muqdisho, Juun 26, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah. “Waxaa xusid mudan kaalintii SNL ay ku lahayd halgankii gobonimo doonka iyo xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koofureed. Labada urur waxay lahaayeen xiriir wanaagsan, ujeedooyin iyo aragtiyo mideysan.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wadahadalladii dhab u heshiisiinta ee ku dhisan qalbi furnaanta, is ogolaanshaha, walaaltinimada iyo daacadnimada ee ka furmay Jabuuti 14-kii bishan ay yihiin wadahadallo miro dhal ah. “Walaaleheenna Somaliland waxaan ka raadinaynaa midnimo. Geeska Afrika waxaa ka bilaabmay iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay fikirkiisa bilowday. Walaalkay Muuse Biixi waa nin Soomaali ah, waa nin waayo arag ah, mudo dheer soo shaqeeyay, wuu garoowsanyahay in aan Somaliland horey u socon karin anaguna aanan u socon karin, geesinimadeedii wuu leeyahay wuuna bilaabay.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Waxaa xaqiiqo ah, halganku in uusan marnaba dhammaan. Midka ina horyaal, waa uu ka duwan yahay kii gobonnimmo doonka. Waase lagama maarmaan inaan midnimo iyo geesinnimo ku wajahno, annaga oo Ilaahay kaashaneyna, si aan u xaqiijinno mustaqbalka jiilasha dambe ee Soomaaliyeed.” Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hobollada Qaranka oo suugaan ku cabirayey qiimaha midnimada, wadaniyadda iyo wadajirka. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay. Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. -
Independence Week - Soomaaliya at 60
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. -
Independence Week - Soomaaliya at 60
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Muuqaalka maanta ee xarunta wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya -
Independence Week - Soomaaliya at 60
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
DABBAALDEGGA DHALLINYARADA EE 60-GUURADA TODDOBAADKA XORRIYADDA IYO MIDNIMADA SOOMAALIYA Maashallaah. Adeer soo barbaara. Taalada Dhagaxtuur -
Dabaaldegga toddobaadkaan ee gobonnimada Soomaaliya. Today's re-opening of Tiyaatarka Qaranka (Golaha Murtida iyo Madadaalada):
-
The most disliked maryooleey video on Youtube
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Another useless song from Eeyaha Cusub, another mass dislikes. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
24 June 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya. > Laga Helay: 25 > Somaliland: 17 > Banaadir: 7 > Koonfur Galbeed: 1 > Lab: 19 > Dhedig: 6 > Bogsasho: 8 > Dhimasho: 0 -------------------------------- > Tirada Guud Laga Helay: 2,860 > Bogsashada Guud: 837 > Dhimashada Guud: 90 Kala soco wixii faah-faahin dheeraad ah: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 Whatsapp: bit.ly/MoHSomalia -
A classic case of... And also coincidentally (yea right), Muuse Muqayil suddenly allowed to open in Hargeysa all the marfishes, marqan session joints, shiisha spots Covid-19 damned or not. Waa iska garan gartaa waxa loola dan leeyahay.
-
Cadnaan, I see wali buruska ayaa musbaarada xanuunka badan ku garaaceysaa. War tacsi weyn ayaa u taalee ka yaree jugeynta.
-
Hore ayaa loo soconaayaa. In the next five years it is going to be crucial and we need capable leaders with the vision, foresight, aragtida fog iyo hoggaan bilaa masuqmaasuq ah.
-
Already dowladda dhexe's policies behind the scenes freeing innocent oppressed people. Somaliland oo sii deysay fanaaniin ku xirnaa Hargeysa Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga ka sii deysay labo fanaan oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Hargeysa. Fanaaniinta la sii daayey oo kala ah Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali ayaa muddo ka badan labo bil ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaaladaasi. Sababta loo xiray ayaa horey waxaa loogu sheegay inay la xariirto safar ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ku qabteen bandhig faneed, kadibna xabsiga la dhigay markii ay ku laabteen gudaha magaalada Hargeysa. Labada fanaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay xorriyadooda dib u helaan, iyagoo u mahadceliyey dadkii ka qeyb qaatay sii deyntooda. Arrintaan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Somaliland ay ogolaatay isku socodka koonfurta iyo waqooyiga, kadib wahada-hadalladii lagu qabtay dalka Jabuuti. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Somaliland ay xabsiga ka sii deysay Wariyaha caanka ee Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddo u xirnaa xukuumadda maamulkaasi. Xigasho
-
Sad reality. Baroordiiqii iyo tacsidii xataa la diidanyahay, dadkana loo xiraayaa. As I said before, Waqooyi Lives Matter.
-
Qalad ayaa ku jira warmurtiyeedka iyo waa na loo hoos galiyey. Dadka marqaansan oo 30 sano hurda (the cultists) loogu sheekeenaa, otherwise ciyaarta si fiican ayee hoos ugu socotaa. Walaa Faratoon, walaa Faraxawaaji, walaa Farasanjabiil, walaa Faraheyl waa wada ogyihiin.
-
The calaacals were swift:
-
Latest xeerar passed by baarlamaanka dhexe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Doodaha metelaada Muqdisho iyo Banaadir: -
On the road to Bu'aale
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
23 June 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 23 > Somaliland: 18 > Banaadir: 5 > Male: 18 > Female: 5 > Recovery: 11 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 2,835 Total recoveries: 829 Total deaths: 90 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia -
Cadnaan, Muuse Muqayil iyo his trolls tacsi ayaa u taalee musbaarkaa ku riixeysid ka dhaaf.
-
Popular Contributors