Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Maxaa keenay xil ka qaadista degdega ah ee C/risaaq Caato Wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in sababaha xil ka qaadista Xoghayihii KMG ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/risaaq Caato ay la xiriirto xadgudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ahaa ragga aadka ugu dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo maanta la isku dayay in gaari uu watay in lagala wareego. Yaxye Cali Hareeri oo gaariga aan xabadaha karin la socday oo ku tagay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore, waxaana markii uu ka degay, gudahana u galay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore, ayaa waxaa markiiba gaarigiisa hareereeyeen Ciidamo uu soo diray C/risaaq Caato, kuwaasoo darawalka waday gaariga ku amray inuu ka dego, dabadeedna la wareegay. Arrintan oo ay ka caroodeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa u tagay Madaxweynaha, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab dhaqanka qalafsan ee lagula kacayo raggii ku dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore, isla markaana C/risaaq Caato uu maalmahan beegsi iyo xadgudub ku hayay raggii la soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Intaas kaddib Madaxweyne Farmaajo ayaa degdeg u amray in xilka laga qaado C/risaaq Caato, waxaana uu la xiriiray Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed oo durba xil ka qaadis la socotay iyo Magacaabis soo saaray, waxaana xilka si KMG ah loogu magacaabay C/raxmaan Mucaawiye oo horay u ahaa Kuxigeenka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Xigasho ________________ @Saalax, do you know this Caato dude? Ma tolka siihayaha ra'iisul wasaarahaa? Deg deg badnaa.
  2. Cabdirisaq Caato oo noqdey Scaramucci-gii Soomaaliya Cabdirasaaq Xuseen Aadan, oo loo yaqaan Cabdirisaaq Caato, ayaa shalay noqday mid ka mid ah raggii ugu cimri xilka gaabnaa siyaasadda Soomaaliya, markii laga qaaday xilka xoghayahii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo uu hayey toddobaad kaliya. Cabdirisaaq Caato ayaa la mid noqday agaasimihii hore ee warfaafinta Aqalka Cad ee Mareykanka Anthony Scaramucci, oo uu Trump xilka ka qaaday toban maalmood un markii uu xilka hayey. Caato iyo Scaramucci ayaa arrimo badan isaga mid ah, sida in labaduba la magacaabay bisha July, xilkana laga qaaday toddobaad ama toddobaad un ka badan markii la magacaabay, iyo inay xilka ku waayeen fudeyd iyo qaladaad ay sameeyeen. Sidee lagu magacaabay xilkana ku waayeen Anthony Scaramucci iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan Caato? Anthony Scaramucci Madaxweyne Trump ayaa Scaramucci u magacacay agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad 21-kii July 2017. Magacaabistiisa waxaa ka hor yimid Afhayeenkii Aqalka Cad ee xilligaas Sean Spicer, oo isla maalintii la magacaabay ku dhowaaqay inuu is-casilay. Sida ay xilligaas werisay New York Times, Spicer ayaa iscasilay marii uu Trump ku wargeliyey inuu kasoo horjeedo magacaabista Scaramucci. Madaxii shaqaalaha Aqalka Cad ee xilligaas Reince Priebus ayaa sidoo kale si xooggan u diiday magacaabista Scaramucci. 26-kii July 2017, Ryan Lizza oo ka tirsan wargeyska New Yorker ayaa shaaca ka qaaday inuu soo wacay Scaramucci uuna ka codsaday inuu u sheego cidda siisay xog ku saabsan khilaaf u dhaxeeyay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Reince Priebus iyo la-taliyahii Trump ee xilligaas Steve Bannon. Maalin kadib Scaramucci ayaa twitter soo dhigay inuu wedyiistay FBI-da inay baaraan Priebus isaga oo rumeysan inuu yahay qofka xog maaliyadeed oo isaga ku saabsan uu siiyey wargeyska Politico. Qoraalkaas twitter ayuu daqiiqao kadib tiray. 28-kii July 2017, waxaa is-casilay Preibus, waxaana Trump uu isla maalinkaas madaxa shaqaalaha Aqalka Cad u magacaabay jeneralka howl-gabka noqday ee John Kelly. 31-kii July 2017, Trump ayaa xilka ka qaaday Scaramucci, kadib markii uu sidaas dalbaday Kelly. Kelly ayaa Scaramucci ku sheegay nin aan aadaab lahayn, fudfudud, oo lumiyey kalsoonidii lagu qabay, kadib markii toddobaad gudihiisa uu qaladaad badan sameeyey. Scaramucci ayaa 10 maalmood gudahood ku helay kuna waayey mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan Aqalka Cad. Cabdirisaaq Caato 25-kii July 2020, Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa saacado kadib markii la magacaabay wuxuu isna Cabdirisaaq Caato oo horey u ahaa agaasime ku xigeenka Villa Somalia, si ku-meel gaar ah ugu magacaabay xilka xoghayaha joogtadaha ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xilkan wuxuu u dhigmaa xilka agaasimaha madaxtooyada oo kale, waana shaqsiga kala wada dhammaan howlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, oo ay hoos yimaadaan shaqaalaha xafiiska. 26-kii July waxa uu Cabdirisaaq Caato billaabay olole uu doonayey inuu ku xisaabiyo dhammaan baabuurta aanay xabadda karin ee ay isticmaali jireen shaqsiyaadkii ku dhowaa ama la shaqeyn jiray ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre, isaga oo doonaya inuu ka wada qaado. 29-kuu July, qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay inay wajahayaan cadaadis badan oo dhanka shaqada ah, oo kaga imanayey maamulka cusub. 31-kii July, waxaa is-casilay agaasimhihii warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaraaha Calinuur Salaad. Calinuur Salaad ayaa la aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre. Calinuur ma sheegin in iscasilaaddiisa ay la xiriirto dhib uu ka tirsanayey Caato. Galabnimadii 1-dii August, Cabdirasaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa xadgudub kula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Yaxye Cali Hareeri oo watay gaari kuwa aysan xabadu karin ah ayaa hooygiisa ugu tegay Xasan Cali Kheyre, waxaana markii uu ka soo laabtay lagu celiyey afaafka hore ee madaxtooyada. Yaxye Hareeri waxaa la sheegay in askar ka amar qaadaneysay Cabdirasaaq Caato ay gaarigiisa isku geedaameen, isla markaana ay ku amreen in asaga iyo darawalkiisaba ay ka degaan, iyagoo sidaas ula wareegay gaarigii Hareeri. Xildhibaano iyo siyaasiyiin aad uga carooday arrintaas ayaa u tagay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab-dhaqanka lagula kacayo raggii la shaqeyn jiray Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Isla shalay galab, Madaxweyne Farmaajo waxa uu la xariiray sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka dalbaday in Cabdirasaaq Caato uu si deg deg ah u bedelo, taasi oo Mahdi Guuleed uu horey ka fuliyey, xilkana ka qaaday Caato. Cabdirisaaq Caato ayaa toddobaad gudihiisa ku helay kuna waayey mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan dalka. Anthony Scaramucci iyo Cabdirisaaq Caato-ba waxay na barayaan cashar ku saabsan in marka xil lagu dhiibo, wax kasta oo aad horey maskaxda ugu haysayba, ay habboon tahay inaad marka hore sal dhigato, kadib qorshayaashaada aad tartiib u fuliso. Xigasho
  3. 134 cisho kadib oo dib loo fasaxay duulimaadyada caalamiga ah ee dalka Waxaa saaka si rasmi ah dib u billowday duulimaadyada caalamiga ah ee dalka oo muddo 134 cisho hakad ku jiray, sababo la xiriira cudurka faafa ee Caronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay caalamka. Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macalin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta la fasaxay duulimaadyada dibadda, islamarkaana ay u diyaar garoobeen. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay qasab tahay in rakaabka baxaya iyo kuwa soo dagaya inay xirtaan maryaha afka lagu xerto ee Face Maska, si loo xakameeyo Covid-19. “Waxaan dhammaan fareynaa rakaabka baxaya ama kasoo degayo Garoonka Aadan Cade ay qasabtahay inay xertaan maryaha afka lagu xerto ee face Maska. Iyo sidoo kale gacmo gashiga iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Covid-19.” ayuu yiri Maareeye Axmed macalin. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay ay golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen in la qafiiyo xayiraadaha saarnaa dalka ee Coronavirus.
  4. DF Soomaaliya oo ‘hawada ka celisay’ diyaarad ka timid Kenya, kuna socotay P/land Sida ay warisay warbahinta maxaliga ah ee dalka Kenya waxaa todobaadkan hawada Puntland ay dowladda Soomaaliya ka celisay diyaad sidday Qaadka nooca loo yaqaano Miirooga, taas oo ka soo duushay Nairobi, kuna soo jeeday gudaha magaalada Gaalkacyo, qeybta waqooyi oo ay maamushu Puntland. Wararka ayaa sheegaya in maamulka hawada Soomaaliya uu ku amray diyaaraddaasi inta aysan dagin, ka hor inay dib ugu laabato halkii ay ka soo duushay oo ah Kenya. Sidoo kale urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka Kenya oo ka hadlay tallaabadaasi ayaa sheegay in celinta diyaaraddan ay u gaysatay dhaawac dhaqaale. Guddoomiyaha ururkan ayaa xusay in diyaaradda sidday xamuulka ee dib loo celiyey ay raacday qawaaniinta iyo qaab dhismeedka sharciyeynta, islamarkaana markii hore loo oggolaaday in ay geli karto hawada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta diyaaraddaas iyo cabashada ka soo yeereysa ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Bishii hore ayey aheyd markii hawada Soomaaliya laga celisay diyaarad Qaad sidday oo laga leeyahay dalka Kenya. Si kastaba ha’ahaatee horey ganacsatada Qaadka Kenya aya sheegay inay lumiyeen illaa $ 80,000 kadib markii ay khasaare xoogan ay kala kulmeen xayiraadaha ay soo rogeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan xakameynta cudurka faafa ee COVID-19. Xigasho _________________ Mahadsanidihiin inta ka qeybqaadatay go'aankaan ee ka tirsan dowladda dhexe.
  5. Tahriibiyaal laga soo badbaadiyey dalka Iiraan oo Muqdisho lagu soo celiyey:
  6. Somali Livestock Traders Count Losses After Hajj Cancellation Due to COVID-19 Somalia's livestock industry has been reeling since Saudi Arabia canceled the hajj, the Muslim pilgrimage to Mecca, because of COVID-19. Somalia earns the majority of its export earnings from livestock, and it normally sells millions of cattle and goats to Saudi Arabia to feed pilgrims at the hajj. Hassan Farah, a livestock trader in southern Somalia, typically would be a busy man at this time of year, loading ships bound for Persian Gulf countries with livestock. But this year, he said, the coronavirus has destroyed his business. Farah, 42, said that before the virus struck, "we used to export livestock. We used to get our livelihood. Then the virus came, and everything we are doing came to a stop. Here in Lower Juba, we would export livestock two, three times a month, but now we export once every three months." According to a 2019 Veterinary Medicine and Science report, Saudi Arabia imports upward of 3 million goats, sheep, cattle and camels during the hajj season. Somali traders supply a large number of the animals. Khalid Saeed, a livestock coordinator for the U.N. Food and Agriculture Organization in Somalia, said that despite the virus and restrictions, Somali traders were able to export at least 1.3 million animals in four months this year. He said that from April to the end of July, the value of animals exported to the Middle East would be about $90 million to $95 million. However, Abdiaziz Bashir Adan, Kismayo livestock director, said that was a low number compared with figures from previous years. He said livestock traders target a time like this during the hajj period, and that the cancellation of the pilgrimage had made the situation worse, hurting prices. For example, he said, a goat that was going for $70 to $80 now was being sold for $50 and the cancellation of the pilgrimage was to blame. According to the World Bank, Somalia has an estimated 53 million head of livestock, which account for about 75 percent of Somalia's exports. The pandemic has left tens of thousands of families without an income and little hope of making a living unless COVID-19 is brought under control. Xigasho
  7. 02 Aug 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 8 > Puntland: 7 > Somaliland: 1 > Male: 8 > Female: 0 > Recovery: 36 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 3,220 Total recoveries: 1,598 Total deaths: 93 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia
  8. WAR MURTIYEED KU AADAN HABRAACA (CAAFIMAAD) EE DUULIMAADKA DIBADDA XILLIGA LAGU GUDA JIRO CUDUR DILLAACA COVID19 Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo kaduulaysa go’aankii Golaha Wasiiradda XFS ee soo baxay 30 kii Luuliyo, 2020 maalintii khamiista , waxaa maalinka bari ah ee 3 da August, 2020 dib u bilaabmaya duulimaayadii dibada. Sidaa Awadeed Wasaaradda caafimaadka iyo Wasaaradaha ay shaqa wadaaga yihiin waxey diyaariyeen habraaca safarada ee lagu hawlgalayo inta uu jiro cudur dilaaca COVID-19 si loo ilaaliyo fayo qabka bulshada loogana digtoonaado sahal u faafitaanka xanuunka COVID-19. Cudur dillaaca COVID-19 wuxuu saameyn mug leh ku yeeshay dhamaan caafimaadka, isku socodka iyo dhaqaalaha umadaha dunidda oo ay Soomaaliya kamid tahay. Hadaba, si loo ilaaliyo badqabka Musaafiriinta iyo shaqaalaha ka howlgala diyaaradaha waxaa lagama maarmaan ah in la dhaqan geliyo habraacaan iyo qodobadiisa si dhameestiran. 1.Wasaarada Caafimaadka waxay adkaynaysaa in la ilaaliyo fayodhowrka guud ee goobaha safarka iyadoo la qaadanayo tilmaamaha caafimaad ee kahortaga caabuqa COVID-19 sida kala fogaanshaha iyo gacmo dhaqashada iyadoo la isticmaalka jeermis dile. 2.Qof walba oo ka dhoofaya ama imaanaaya dalka waa inuu xirtaa af-xir (Mask) si loo yareeyo faaifidda caabuqa COVID-19. 3.Waa in ay dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19 kana soo qaataan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (Negative COVID-19) ka hor 72 saacadood inta aysan safrin. 4.Xogta qof walba oo dhoofaya waxaa lagu diiwaan galin doonaa hanaanka xogta shaybaarka waxaana ladhigayaa nidaam laga hubiyo xogtiisa dhamaan garoomada laga dhoofo si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha cadeynta barista COVID-19 ee uu wato qofka safraya. 5.Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha kahortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo faya qabka inta lagu gudo jiro duulimaadka 6.Qof walba oo dhoofaya ama safraya waa inuu yimmado garoonka uu ka dhoofayo 3dex saacadood kahor duulimaadkiisa si u maro hubinta caafimaadka iyo amniga. 7.Waa in dadka imaanaya dalka guud ahaan ay iska soo baaraan xanuunka COVID-19 soona qaataan warqada cadaynta baarista ah oo soo baxday muddo 96 saacadood gudohood ah. 8.Musaafirka aan wadanin warqada cadaynta baaritaanka COVID-19 ee yimaado dalka waxa uu mari doonaa karantiil inta laga xaqijinayo caafimaadkiisa iyadoo lamarsiin doono baaris caafimaad oo la xiriirta COVID-19. 9.Arimaha laxiriira kala badalka ciidamada nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 ee sumaddiisu NV/2020/065 si ilaaliyo caafimaadka guud dalka, loona yareeyo culeyska Airport Adden Cadde International. 10.Dhamaan Hay’addaha dowliga ah ee ku shaqada leh arimaha hawlaha gegida diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arimaha duulimaayada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah lagana taxadaro codurka COVID-19. 11.Wasaaradda caafimaadka waxey diyaar utahay in ay fududeeso helitaanka adeegga baarista COVID-19 iyadoo diyaarisay goobo loo asteeyay oo heesta ogolaanshiyaha sameynta barista iyo bixinta cadeymaha COVID-19 la’aan (Negative). Sida Hoos kucad . Goobaha Loo diyaariyay Baaritaanka 1 Banaadir - Muqdisho Shaybaaraka Dhexe ee Qaranka 2 Puntland - Boosaaso Shaybaaraka Boosaaso 3 Garoowe - Shaybaaraka Garoowe 4 Jubbland Kismaayo - Shaybaaraka Kismaayo 5 Balad-Xaawo - Shaybaaraka Balad-Xaawo 6 Koonfur Galbeed - Baydhabo Shaybaaraka Baydhabo 7 Hirshabeelle - Jawhar Shaybaaraka Jawhar 8 Galmudug - Dhuusamareeb Shaybaaraka Dusamareb 9 Soomaaliland - Hargeysa Shaybaaraka Hargeysa 10 Soomaaliland - Burco Shaybaaraka Burco FG: Dadka ku nool Gobalka Banaadir waxay adeegga baaritaanada ka heli karaan xarumahaan kala ah: De Martino hospital, Banaadir Hospital, UNSOS clinic iyo Chelsea clinic. 2 August 2020
  9. I don't see anything wrong if universal vote takes place on these magaalooyinka aad sheegtay. They are as secure as Muqdisho, if not safer than Muqdisho. And about Banaadiriga, I think the seats will remain the same, quasi-based 4.5 but but voted by the general population. So if Banaadiriga have, for example, 10 seats now, then they will contest those ten seats. And they might get extra seats from metalaada Banaadir as well. Rabi ha u raxmado Abuukaato Raajis Maxamed Raajis iyo inta kale geeriyootay. Reerkiisa ayaa aad u naqaanay.
  10. Soomaaliya oo dib u fasaxeysa duullimaadyadii caalamiga ahaa Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 3-da, bisha August la furayo dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya , oo horay loo xayiray 19-kii, Maarso, ee sanadkan 2020-ka. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulimaadka hawada dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradihii dibadda ee la joojiyay uu waddanka ku yeeshay saameyn xooggan oo dhaqaale. Xanibaadda duulimaadyada Soomaaliya ayaa la xiriirtay xakameynta xanuunka Covid-19. Warka wasaaradda kasoo baxay ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in meel kamid ah garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho loo diyaariyay, hubinta dadka waddanka kusoo laabanaya si looga taxadaro in bukaanno sida Coronavirus ay si fudud u gudbaan. Duullimaadyada caalamiga ah ee soo gaara dalka iyo kuwa ka dhoofa ayaa waxay Soomaaliya u yihiin il dhaqaale oo xooggan , balse dhowr bilood hakad ku jirtay.
  11. Koonfur Galbeed Oo Ka Hadashay Fulinta Barnaamijka Baxnaano Ee Dowladda Kullan la xiriira heerka howlgalka Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Soomaaliya ay ku taageerrayso Bulshada nugul iyo saameynta uu Ayaxa u geystay qoysaska Koonfurgalbeed ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo,ka dib markii halkaas uu gaaray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa. Kullanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed, Cali Saciid Fiqi , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfur galbeed, Madaxa Barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi, wasiirro ka tirsan maamulka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Baydhabo. “Barnaamijka Baxnaano wuxuu gaaray deegaanno badan oo Gobolka ah wuxuuna gacan ka gaystay isbadal bulsho iyo horumarinta nolasha dadka nugul.” ayuu yiri Cabdukadir Cumar Cabdullaahi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfur galbeed. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inay dadaal galinayso horumarinta Bulshada iyo deegaannada dalka, isagoo caddeeyay Barnaamijka Baxnaano inuu door wayn ka qaaddanayo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada. “Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan ugu abuuri lahayn fursado qoysaska shaqeeya, kuwa ugu saboolsan iyo kuwa nugul ee dalka ku nool si ay u helaan kaalmo lacageed iyadoo ujeedku yahay in la soo afjaro saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Sadiq. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay Barnaamijka Baxnaano inuu gacan ka geysanayo sidii bulshada ay ugu nagaadi lahaayeen deegaannadooda ,halkaa oo ay ku helayaan taageerro, halkii ay magaalooyinka usoo barakici lahaayeen, wuxuuna Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ku ammaanay dadaalka la xiriira horumarinta Bulshada nugul,isagoo sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heerka fulinta ee Barnaamijka Baxnaano. Barnaamijka Baxnaano oo qayb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,waxaa bishii April ka daahfuray Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo, wuxuuna Barnaamijkan kaalmo lacageed muddo sannad ah ku taageerraya 1.3 milyan oo ruux ,kuwaaso ka mid ah qoysaska ugu nugul ee Soomaaliya.
  12. Saalax, adeerka tolka waaye yaah? Xamar iska xaadari yaaqeey, sida kii wariyihii Bakeyle la dhahaaye isla markiiba ra'iisul wasaaraha geeskiisa taagan. Xariifka dhanka bidix sawirka socdo ka hadlaayaa.
  13. Ma wacdin jiray? Intuu ka wacdiyaa, London? Wadaadoow xaal qaado. C/qaadir Nadaara waa lagu yaqaanaa howshaas. I can't believe I used to advocate his release 13 years ago on here SOL. Soomaali badan ayaa aaminsan in 'beesha caalamka' la'aantood inuunan dalka shaqeyn karin. Sodon sano qalalaaso lagu jiray ayaa keeneyso kalsooni la'aantaan.
  14. Wariye C/qaadir Nadaara as usual isku dir ayuu wadaa as he used to do on Universaltv.
  15. Ra'iisul wasaare Kheyre was a hands-on prime minister, waana loo baahnaa qof saas ah. Wasiradda qaarkood, siiba kuwa asaga uunan keensan ma jecleen saas. I hope he stays in Muqdisho, starts his own urur siyaasadeed and starts campaigning right away. A lot of cross-section Soomaalis are supporting him right now.