Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Laakiin Muqdisho was 'pacified' by Maxkamadaha that was led by Shariif Sh. Axmed, though. It was bisha shanaad, sanadkii 2006, markee Xamar ka sifeeyeen qabqabliyaashii qaribay. It was them who opened the airport and dekedda.
  2. Uhuru oo laga dalbaday in uu taageero weydiisto Farmaajo, kadib go’ankii… Kenya ayaa ka mid ah dalalka uu la dagay musuq-maasuqa, waxaana hay’adaha dalkaasi ku badan wax is-daba marinta, sida marar badan wariyeen warbaahinta gudaha dalkaas iyo tan caalamiga ahba. John Mututho oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in xukuumaddu ay qaado tallaabo la mid ah tan ay qaaday maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay agaasimeyaal iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo lagu helay inay musuq-maasuqeen dhaqaalaha Covid-19. Xildhibaankan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya, lagana soo doorto magaalada Naivasha ayaa ka dalbaday Madaxweyne Uhu Kenyatta inuu taageero weydiisto Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), si uu uga caawiyo arrintaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray Soomaaliya ay bartay Kenya sida loo xiro, loona maxkamadeeyo dadka sameeya musuqa. “Soomaaliya waxay na tusisay sidda loo xiro loona maxkamadeeyo dadka musuqmaasuqa ee xaday dhaqaalaha Covid-19. Madaxweyaha waa in uu ka codsadaa Soomaaliya kaalmo ku saabsan arrintaan. Mudane madaxweyne, waanu og-nahay in aadan halkaan iska joogin, waxaad u joogtaa Kenya, hadda waa in aad la hadashaa madaxweynaha Soomaaliya si uu kaaga caawiyo arrintaan,” ayuu yiri John Mututho. Sababta ay xilligan taageerada uga baahan yihiin Soomaaliya ayuu ku sheegay inay tahay tusaalaha wanaagsan ee lagula macaamili karo dadka sameeya musuq-maasuqa, maadaama hay’adda dalka Kenya ay ku fashilmeen inay baaraan, soona xiraan dadkaasi. “Hay’addaheena waxay ku fashilmeen in ay baaraan ama soo xiraan dambiileyaasha, tanina waa sababta aan u sheegeyno in aan u baahan aan ka helno Soomaaliya oo na tusisay tusaale wanaagsan oo lagula macaamili karo tuugada deeqaha Covid-19,” ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Soomaliya ay xukun adag ku ridday mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo la horgeeyey maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii lagu helay inay musuq-maasuqeen gargarka iyo dhaqaalaha loogu talagalay Covid-9, tallabadaas oo loogu bogaadiyey dowladda federaalka Somalia.
  3. He is back. Ra'iisul wasaaraha cusub muu mid asaga wato u raadinaayaa? Shariif Xasan oo sanado kadib dib ugu soo laabtay dalka Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano iyo wasiiro. U jeedka safarkiisa ayaa waxaa lagu sheegay inuu qeyb-ka yahay is-bedalka siyaasadeed ee dalka, isagoona ka qeyb qaadan doono arrimaha doorashaa ee 20/21. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo ka bilaabi doono gudaha magaalada caasimadda Muqdisho, isaga oo marka hore la fariisan doono Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuued iyo Sheekh Shariif Sheekh oo haatan ay saaxibo dhow yihiin. Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu warbaahinta u qabto shir jar’aaid, kana hadlo xaaladda siyaasadeed dalka, gaar ahaan xilliga kala guurka ee haatan lagu jiro. Si kastaba ha’ahaatee socdaalka Shariif Xasan ayaa ku soo aadaya, iyad haatan uu dalku ku jiro marxlad doorasho, islamarkaana ay bilaaban doonaan wada-tashiyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. Xigasho
  4. Dhib miyaa saas? Of course Reer Arlaadi iyo gabdho faradheer buuqooda maa isfahmaayo. Mid Reer Arlaadi kale oo af gaaban inuu raadsado waaye oo Afmaaygana la taqaano. Nothing wrong with that.
  5. Malaaq la isku ogaa ugaas intuu ka yimid?
  6. This is a bold move and I wholeheartedly agree to this. It also puts Kiikuuyada into corner, a corner they cannot leave from since they will not accept some of the conditions. Maxay yihiin afarta shardi ee DF Soomaaliya ku xirtay keenista qaadka Kenya? Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo hore xiyaarado ugu soo rogtay qaadka ka imaan jiray dalka Kenya, sababo la xiriira Covid-19 ayaa go’aankaasi wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay xukuumadda Nairobi iyo sidoo kale ganacsatada Qaadka ee wadankaasi Kenya. Wargeyska The Business Daily ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu ka qoray xiyaarada ay Soomaaliya saartay Qaadka ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in dowladda federaalka ay ku soo rogtay Qaadka maalin-walba uga imaan jiray dalkaasi. The Business Daily ayaa shaaciyey illaa afar qodob oo Soomaaliya ay hor dhigtay Kenya, kuwaas oo kala ah:- In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed. In Kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya, sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah. In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya. Dhinaca kale Wargeyka ayaa warbixintiisa ku xusay inuu go’aankan saameyn ku yeeshay ganacsatada Kenya, islamarkaana uu dhulka galay dhaqaalahooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalab ay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya ay ku gacan seertay, si looga qaado xayiraada. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sii adkeysay xayiraadaha Qaadka ee saaraan duulimaadyada dalka Kenya, iyadoo digniin u dirtay diyaarado la sheegay in si qarsoodi ah Jaadka ku soo geliyaan dalka. Xigasho
  7. Somalia sets miraa ban lifting terms The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting blockade of Miraa imports. Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) reckon that talks to end the Miraa stalemate has hit a snag and Somali has issued demands that must be addressed by Kenya. The demands include: Kenya must treat Somalia as an equal, desist from interfering with Somalia’s internal affairs, apologise for violating Somalia airspace, allow in goods from Somalia including fish, rice, sugar, honey, meat and milk and Kenya stops forcing flights from Somalia to make a detour to Wajir for inspection. Somalia had also demanded government-to-government talks after it snubbed a delegation of traders and officials from Kenya crops regulator—Agriculture and Food Authority (AFA). “Top government officials in Somalia said Kenya has been unresponsive to the issues. We are banking on President Uhuru Kenyatta to resolve the diplomatic tiff,” Nyamita chairman Kimathi Munjuri said. He said traders had agreed to pay increased tax of $4 (Sh432) per kilo in Somalia and adhere to new guidelines aimed at preventing the spread of Covid-19. “Kenya must take a concrete position on miraa because we are still facing basic challenges locally. This will go a long way in countering the anti-khat campaigners from Europe who have pitched tents in Somalia,” Mr Munjuri said. Xigasho
  8. Che, Geeddi waxee isku laf yihiin Maxamed Dheerihii geeriyooday, Cali Mahdi, Shariifka iyo xirtooda kale. Hadduu madaxweyne Farmaajo uu u maleynaayo Cali Maxamed Geeddi ayaa sacabtume yar u noqonaayo, the president is dreaming then. Farmaajo had a chance to make history and set a precedent - the first president and prime minister of Soomaaliya xilligooda isla dhamaado. Ma dhicin taas.
  9. Dhismo iyadoo ku socoto ogaa, agagaarka Lambar Afar waaye. Shopping Mall moodaaye ee hoteel miyaa?
  10. Meantime, Xasan Sh. damac ayaa haayo: Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin oo shir gaar ah u socda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa wada hadalo saacado badan qaatay uga socdaa Hoyga Xasan Sheekh ka degan yahay Muqdisho. Kulankan oo bilowday galabta ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu soo dalbaday Fahad Yaasiin oo saaxibo hore ahaayeen Xasan Sheekh, waxaana wararku sheegayaan in laga wada hadlayo xaalada siyaasadeed iyo marxalada xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha laga wada hadlayo ay ku jirto magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxweyne Farmaajo ku dheeraatay, oo muddo 30 cisho ah ay caawa u buuxsameyso in dalka Ra’iisul Wasaare la’aan yahay, tan iyo markii la riday Xasan Cali Kheyre. Hadal heyn xoog leh ayaa soo xoogeysaneysay todobaadyadii u dambeeyay oo ahaa inay dhici karto in Mucaaradka lagula gorgortamo xilka Ra’iisul Wasaaraha ama Xukuumad qeyb ka yihiin mucaaradka. Qorshaha ka dambeeya arrintaas ayaana ah muddo kororsi, haddii ay dhacdo in Ra’iisul Wasaaraha lagula heshiiyo Mucaaradka, waxaana loo arkaa in Fahad Yaasiin yahay buundada isku xiri kartaa Mucaaradka iyo Farmaajo oo uu gacantiisa midig yahay. Xiriirkiisa dhanka mucaaradka oo saaxibo badan uu ku leeyahay ayaa dhici karta inuu soo galo heshiis siyaasadeed, si mucaaradka ay qeyb uga noqdaan Dowlad Wadaag u gogol xaari karta in la helo muddo kordhin ugu yaraan hal sano ah. Xigasho
  11. What is keeping the nomination of a new prime minister after 30 days? I see Kheyre wax dhaamo in la weysan yahay. It is a month now since his departure. Muddo bil ah oo laga joogo xil ka qaadistii raysal wasaare Kheyre iyo kursigiisii oo weli hawaanaya Muddo bil ah ayaa laga joogaa markii xilka laga tuuray raysal wasaarihii dowladda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku beegnayd 25-ka bishii july ee lasoo dhaafay, kadib markii barlamaanku kalsoonida kala noqday. Madaxweyne Farmaajo ayaa weli soo magacaabin raysal wasaare cusub oo shaqada kala wareega xukuumada xilka sii haysa ee hoggaaminayo Mahdi Maxamed Guuleed oo maalintii xilka laga tuuray raysal wasaaraha loo magacaabay sii haye. Xisbiyada mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sababta madaxweynuhu usoo magacaabi la’yahay raysal wasaaraha, inay tahay ujeeddo siyaasadeed oo ku saabsan in madaxweynuhu meesha ka saaro kaalintii raysal wasaaraha ku lahaan lahaa xilliga kala guurka. Soo magacaabid la’aanta raysal wasaaraha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay shirka Dhuusomareeb3, oo aysan ka qeyb galin labo maamul goboleed oo miisaan ku leh siyaasada Soomaaliya, waxayna diidmadooda ku sababeyen maqnaashaha raysal wasaaraha. Xigasho
  12. Waa rajeyneynaa. Somalia jails 4 health officials over corruption A regional court in Somali capital Mogadishu on Monday sentenced four senior Health Ministry officials for up to 18 years in prison over corruption and theft of public money. The convicted officials were in custody for over three months. Abdullahi Hashi Ali, director general of the health ministry, has been sentenced to nine years in prison with a $2,366 fine. Mohamud Bule Mohamud, director administration and finance department, was given an 18-year jail term, whereas head of accounting Mahdi Abshir, and head of Malaria and HIV/AIDs Bashir Abdi were imprisoned for 12 and three years, respectively. "We have listened to this case at least 14 times, and these officials were found guilty of corruption and public money theft," the court said. Meanwhile, five ministry officials were released after being found not guilty. Somali security forces arrested the officials in April on charges of embezzling official funds donated to curb the coronavirus outbreak, among others. The Horn African country of 15 million people has so far confirmed 3,269 virus cases, including 93 deaths and 2,396 recoveries, according to US' Johns Hopkins University. Xigasho
  13. By the way, try to read the Twitter comments by the Kiikuuyo. Maan.
  14. Qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ka jiro Garoowe support Dhuusamareeb/Samareeb agreement.
  15. Better questions would be: Tolkee ka dhalatay ma yeelaayaan? Will she be accused to belong to husband's or children's clan, if they are from different reer? _________________ A woman premier would be better for Somalia The coronavirus pandemic that has swept across the world since the beginning of 2020 has put all states to the test. Some reacted with positive results, limiting deaths and the rate of infections, others less so. Among the countries that have best tackled the pandemic, Iceland, Finland, Norway, Denmark, Taiwan, New Zealand, and Germany stood out. These seven countries have one thing in common: they are all ruled by women. In Iceland, Mrs. Katrín Jakobsdóttir governs; in Finland Ms. Sanna Marin; in Norway, Ms. Erna Solberg; in Denmark Ms. Mette Frederiksen; Taiwan is chaired by Ms. Tsai Ing-wen; New Zealand by Mrs. Jacinda Ardern and Germany by stainless Angela Merkel. Managing the pandemic crisis does not seem like a simple coincidence considering that women leaders in the world are just 7% of the total. Yet, female leaders have demonstrated a degree of competence under challenging and unprecedented condition, and got the job done. To fully grasp why women leaders have managed to combat the spread of the disease, researchers have found that women leaders have reacted proactively than their male counterparts. As the researcher’s findings further argue the COVID mortality rate were lower in countries led by women and, to some degree, this may be explained by the effective and coordinated policy responses implemented by women leaders. Despite women leaders rising to the challenge, as Antonio Polito recalled in an article published in the Corriere Della Sera on 15th April 2020, it is not enough to have a female leader in charge to do better job - for example, Belgium which is governed by Ms. Sophie Wilmes, has been one of the countries hardest hit by the pandemic. It is also fair to state that it is too early to know the true economic and human damage of the virus, until there is reliable data. Having said this, Donald Trump's United States, Vladimir Putin's Russia, Xi Jinping's China, Bolzonaro's Brazil, Narendra Modi's India, Erdogan's Turkey are certainly among the countries most affected by COVID-19. It is not very clear why women in government have excelled well in the pandemic battle than the "alpha" males of world politics. Undoubtedly, it is arguable that the health structures already in place in these countries have contributed to their response to curb the scourge of the virus, but the speed of early lock down and the their test and trace approach to the pandemic is certainly attributable to their effective strategy in fighting the disease. It can, therefore, be concluded that when the situation becomes "really complex", it is statistically better to rely on women. Somalia has also been in a "truly complex" situation for decades and it is therefore not clear why we are yet to see a female Somali Prime Minister to help rid the country out of its security, health and economic woes, as this position remains vacant since the ouster of former Prime Minister Hassan Ali Khayre on 25 July 2020. Since Somalia had overcome the transition phase, it has remained for years in a limbo between security and civil war, destruction and reconstruction, 4.5 elections and the culmination for universal suffrage, quest for development, public service delivery, and political stability. Recurrent droughts had also inflicted damages on livestock and livelihoods of Somali pastoralist communities. In short, the country has been plighted by constant struggle between war and peace. It has proved impossible that an army trained for years by some of the best experts in the world (and Italy knows something about it) and supported by American drones to dislodge the sizable army of Al-Shabaab whose stronghold is well-known and perfectly demarcated areas of the country? It is never possible for a road to be asphalted in Mogadishu without providing for a sewer suitable for the discharge of rainwater so that, in the rainy season, it becomes a torrent that carries with it the few resources that the people manage to scrape together with many sacrifices? Is it ever possible that the Halane complex, which houses the structures of the United Nations, the EU, and the African Union in Mogadishu, as well as the embassies of countries including the US and the UK, be reduced to an open landfill with no waste collection facilities? These are not new problems, suddenly popping up like the coronavirus. Yet, men have not thus far managed to deal with these very serious problems, even though they have been selected up to the highest offices in the country and often through dubious and tainted processes. Therefore, it can be argued that despite male domination in Somali politics, they have not been able to deliver for their mandated duties, and therefore, the long practiced political culture of overlooking capable Somali women for top government roles is indeed a gender problem/stereotype that we as a society need to come over. There is no shortage of female talent suitable for the office of PM in Somalia. Among the many particularly competent figures, the name of Asha Hagi Elmi stands out who championed women voice and continue to play a vital role in bringing about a genuine, all-inclusive and serious reconciliation among Somalis. Also of note is Yussur Abrar. During her career, she was Vice President at CitiGroup, as well as Vice President of Credit Risk Management at the American International Group in New York City. Abrar is also the founder and president of Warsun International Communications Corp. From September to November 2013, with brief stint, she was governor of the Central Bank of Somalia. Also worth mentioning is Halima Ibrahim Isamail, known as “Halima Yarey”, Chairlady of the Electoral Commission of the Federal Republic of Somalia. The plethora of capabale Somali women talent include, current Minister of Health, Fawziya Abikar. These four committed bright Somali women are just examples of the limitless pool of female talent at our country’s disposal, who I am sure if given chance would excel in their job as a premier. So let’s try this time with a female premier! Shukri Saciid
  16. This is a start of a fight against rampant, systemic corruption and it is timely needed. This case has been ongoing for sometime. Maxkamada gobolka Banaadir oo xukuntay masuuliyiinta katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ciqaabeed ku riday 9 qof masuul oo katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo lagu helay musuq maasuq ku saabsan xatooyo hanta dadweyne. Maxkamada gobolka Banaadir ayaa Cabdillaahi Xaashi Cali oo ah agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 59malyuun oo shilin Soomaali ah. Waxaa sidoo kale ay ka reebtay inuu maamulo xafiis dambe oo dadweyne. Sidoo kale, agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayay maxkamadu ku riday 18 sano oo xabsi ah iyo 59 malyuun oo shlin Soomaali ah. Isagana waxaa laga mamnuucay inuu mar dambe ka shaqeeyo xafiis dadweyne. Mahdi Abshir Maxamed, madaxii xisaabaadka mashruuca wacyi galinta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarrig ah iyo 59 malyuun oo shilin Soomaali ah. Masuulkaan waxaa isna laga reebay inuu ka shaqeeyo xafiis dadweyne ama dowladdeed. Bashiir Cabdi Nuur, ahna xisaabiyihii mashruuuca malaariyadda iyo iyo HIV/AIDs ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo 29malyuun oo Sh,So iyo ka reebista shaqo dadweyne muddo 5 sano ah. Dhinaca kale, maxkamadu waxay xoriyadooda usoo celisay 5 eedeesane oo katirsanaa shaqaalaha waaxyaha wasaaradda caafimaadka oo lagu waayay dambiyadii lagusoo eedeeyay wayna fasaxday. Xigasho
  17. Tallaabada ay qaadeen Puntland iyo Jubaland ma horseedi kartaa in DF ay hesho muddo kordhin? Diidmada Puntland iyo Jubaland ee heshiiskii shirka Dhuusamareeb 3 ee arrimaha doorashooyinka, waxay ka dhigan tahay inaanu heshiiskaas dhaqangeli doonin illaa mar kale la isku yimaado oo la qabto wada-hadallo ay qeyb ka yihiin. Diidmadaas waxay sidoo kale ka dhigan tahay in muranka la xiriira doorashada uu weli sii socon doono, taasi oo macnaheedu yahay in dhammaadka muddo xileedka dowladda uu soo dhowaanayo, ayna suurta-gal tahay in waqtiga dowladda uu dhamaado ayada oo aanay dowlad cusub iman. Hase yeeshee, haddii Puntland iyo Jubaland ay kasoo horjeedaan muddo kororsi ay xukuumadda iyo baarlamanka ay helaan, ma la dhihi karaa tallaabooyinka ay qaadayaan ayaa taas xaqiijinaya. Waxaa sidaas qaba xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan golaha shacabka. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in haddii labadaasi maamul “ay carqaladeeyaan” doorashada, oo aanay doorasho dhicin ay muddo kordhin heli doonaan baarlamanka iyo xukuumadda hadda jira. Waxa uu sababta ku sheegay inaanan la ogolayn in dalka ka dhacdo dowlad la’aan, illaa iyo inta dowlad cusub laga soo dhisaayana, uu sii shaqayn doono Baarlamaanka haataan jira. “Haddii ay is hortaag ku sameeyan eedooda iyagaa qaadaya, doorasho dhici doontaana malaha. Aniga warka horeyna waan u sheegay, haddii ay doorashada is hortaag ku sameeyan Baarlamaankaanaa sii jooggaa, lama ogolo dowlad la’aan. Dalkeenu waa Baarlamaani ee ma nihin dowlad la soo doorto. Baarlamaankaa joogaayo illaa ay ka ogolaadaan, xaqiiq waaye taasa” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Hase yeeshee, Prof. Cabdi Xuseen Gacal oo ku sugan Muqdisho ayaa qaba fikir kaas ka duwan, wuxuuna sheegay in kulamaa waqtiga sii dhowaado ay sii yaraaneyso sharciyadda xukuumadda hadda jirto. “Haddii dowladda ay doorasho qaban weyso waxaa iman doona xilli ay isku mid yihiin ayada iyo mucaaradka marka ay noqoto sharciyadda iyo awoodda, waxaana la gaari doonaa xitaa xilli ay saraakiisha ciidamada waxba ka maqal madaxweynaha,” ayuu yiri. “Waa macquul in baarlamanka iyo xukuumadda dhowr bil sii shaqeeyaan balse xaqiiqda ayaa ah in madaxweynaha uu bixi doono marka waqtiga uu dhammaado, haddii aanba la radin ka hor, waayo haddii xaalku sidan ahaado waxaa sii badan doona qalalaasaha.” Si kastaba beesha caalamka ayaa hadda ka shaqeyneysa inay meel isugu keento dhinacyadii saxiixay iyo kuwii diiday heshiiska Dhuusamareeb 3, si loo gaaro heshiis kama dambeys ah oo hogaamin kara in doorasho la qabto. Xigasho
  18. Haddee ishubeyn lahaayeen, xoreysan lahaayeena Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka, reero faradheer calaacalkooda ma dhamaadeen. Reer faradheer, siiba reeraha geeljiraha ah, walaalnimo waxba kuma fahmaan.
  19. Magaceeda loo daayo fiican. Huriwaa markee magaca ka badaleen waa socon weysay. Badanaa Huriwaa la dhahaa wali.
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa magaca ka badalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana uu yiri "Shirkii Dhuusamareeb2 waxaa la ii keenay soo jeedin la iyir magaaladaan waa magalo Taariikhi ah magaceduna waa magac ka duwan magacyada magaalooyinka Soomaalida marka si aan u casriyeyno magaca magaalada waxaa madaxweynuha iyo Masuuliyiin badan iga codsadeen inaan ugu dhawaaqo magac kale oo la yiraahdo Samareeb"