-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Nin Shiinees ah oo amray dilka 4 qof oo Soomaali ah oo sanado kadib la qabtay Xukuumada Taiwan ayaa dacwad xasaasi ah ku oogtay Kabtan u dhashay dalka Shiinaha, kaasi oo sideed sanno ka hor amray toogashada afar qof oo looga shakiyay burcad badeednimo, isla markaana ahaa Soomaali. Kiiska dhacdadan ayaa waxa banaanka keenay muuqaalo 2014-kii laga helay Telefoon looga dhex tagay Taksi dadweyne, kaasi oo muujinayey ragga la dilay oo dul sabeynaya biyaha Badweynta Hindiya ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa muuqaalkaasi laga arki karayey qaar ka mid ah raggaasi oo xajisanaya qashin, kadib markii 40 xabadood oo rasaas ah lagu soo ridayay, iyada oo la maqli karayey Nin amar ku bixinaya toogashadaasi oo lagu sheegay inuu yahay kabtanka, sida uu baahiyay wargeyska Independent. Wang Fengyu, oo ah Kabtanka loo haysto dhacdadan ayaa lasoo warinayaa inuu qirtay inuu amar ku bixiyay ilaaladiisa inay toogtaan raggaasi, maadama uu ku dooday inay soo weerareen Toogashada ka hor burcad badeedda la sheegay ayaa toogtay doonida kalluumeysi ee Kabtanka iyo seddex kale, sida laga soo warinayo kabtanka. Waxaana muddo sideed sanno kadib ah ay ciidamada Taiwan gacanta kusoo dhigeen kabtanka ku eedeysan kiiskan, xili markabkiisa uu ku xirtay dekedda Kaohsiung ee Taiwan. Wang wuxuu wajahi doona haddii dambi lagu helo ku dhawaad xabsi 10-sano ah ama ka badan, iyada oo lagu taliyay in xukunka intaas looga khafiifiyo, maadama lasoo warinayo in burcad badeedku ay ugu horeyntii weerareen. Arrintan ayaa hay’addaha xuquuqdu ku tilmaameen sharci darada badda ka jirta, maadama muddo 8-sanno ah aysan cadaalad helin shaqsiyaadkaasi la toogtay, iyada oo falanqeeyayaasha qaarkoodna ku macneeyen inuu kiiskan dib usoo nooleystiisu qeyb ka yahay xiisada Taiwan iyo Shiinaha. Xigasho
-
Commemorating 7 martyrs from Tuliguleed
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Rabi ha u wada raxmado halyeeydaan. Kuwa beenta isku sheegaaye lahaa SYL koonfurta ayee ku ekeyd tan ha arkaan. It was a pan-Soomaali independent movement. NFD xarun kale ayee ku lahaayeen. -
Xisbiga talada haya ee Soomaalilaan oo xubno ku yeeshay xukuumada Soomaaliya Golaha wasiiradda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid noqday xubno ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ee haya talada maamulka Somaliland. Prof. Maxamed Cismaan Dubbe, oo ka mid ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa ee diyaariyey barnaamij siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye ku galay doorashada madaxtinimada uu ku guuleystay Muuse Biixi biixi 2017, ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Soomaaliya halka Cabdale Xaaji Cali oo isna xisbigaasi ka tirsanaa loo magacaabay wasaarada qorshaynta. Arrintaani ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Hargeysa maadaama xisbiga Kulmiye uu dhigiisa Waddani horay ugu eedayn jiray xiriir uu Somaalia la leeyahay xubno ka mid ahna ay ku biireen dowladda Somalia ayaa hadda eedeyntaasi waji kale yeelatay. Xubnaha cusub ee golaha wasiiradda ugu mid noqday gobollada Waqooyi ayaa meesha ka saartay xubnihii dowladdihii kala duwanaa xilal wasiiro kasoo qaban jiray sida wasiir Maareeye oo seddaxdii dowladood ahaa mas’uul aan dhicin.
-
Salaad Cali Jeelle: Nimaan dhaxeynin
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Salaad Cali Jeelle oo 10 sano kadib xil muhiim ah looga magacaabay DF Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka u taageera Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si hoose loogu magacaabay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalka Jabuuti. Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa rajo weyn ka qabay inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Soomaaliya ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taas oo markii dambe looga dhabeeyay. “Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhin doono dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad jaceelkayga iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay afartii sano ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. “Intii aan ahaa la-taliyaha Madaxweynaha iyo ka horba, si hagar la’aan ah ayaa ula shaqeeyay waxaana laygu abaal guday in dalka ugu dhow Soomaaliya oo waligiis na garab taagnaa aan u matalo dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ambassador Salaad Cali Jeelle. Salaad Cali Jeelle, waxa uu si indho la’aan ah u taageeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudda uu xafiiska joogo, waxa uuna dagaalka ugu badan ku qaaday siyaasiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay. Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Soomaaliya ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gudbeyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi. Balse dadka qaar ayaa u arka in Salaad Cali Jeelle taageerada Madaxweynaha Soomaaliya ku waayay sumacadiisa, dadkiisa iyo in badan oo k amid ah dadkii taageersanaa kadib markii si indho la’aan ah Farmaajo ugu taageeray qaladaad badan. Xigasho -
Yaabka baraha bulshada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Odeyga baryahaan waa ka sii daray. Bahashii xumeyd la cabaaye ayuu badsaday filaa. _________________ Maxaa ka jira in *** loo wado guddoomiyaha BF, si *** loo dhaafiyo xilka madaxweynaha? Madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga waxa uu shaaciyey inuu xog ka helay qorshe doorashada soo socota ee dalka lala damacsanyahay beelaha ***. Cosoble ayaa sheegay inuu xan ku helay in beesha uu ka dhashay ee *** la doonayo in loo sharaxo guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, qorshahaas oo hadii uu guuleysto meesha ka saareya in *** u tartamo kursiga madaxweynaha dalka. “Waxaa meelaha la wadaa nuxnux ah inuu *** baarlamaanka soo socda isu sharraxo oo lagu taageeri doono Guddoomiyaha BFS, taasoo looga gol leeyahay in *** laga reebo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cabdullahi Cosoble. Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Kuwa saa u fikiraya waxaan leeyahay *** kuma shaqeeyo munaafaqad mana dhaawici doono dhaqan siyaasadeedka ka jira Soomaaliya. *** wuxuu ka mid yahay beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed lagumana adeegan karo.” Cali Cosoble oo fariin u diray xubnaha in loo adeegsado fulinta qorshahaas ay macquulka tahay waxa uu yiri, “Xildhibaan doonka *** ee looga shakiyo iney sidaa ka suurta gashana Xawaadle kursi ma soo siin doonaan. Riwaayadaha iyo riyooyinka raqiiska ah ha la iska ilaawo intaan lagu hungoobin.” -
Kabtan u dhashay dalka Shiinaha oo lagusoo oogay dacwad ku saabsan inuu amray dilka burcad badeed Soomaali ah Dacwad oogayaasha dalka Taiwan ayaa dacwad ku soo oogay kabtan u dhashay dalka Shiinaha oo lagu haysto inuu bixiyay amar lagu dilay afar nin oo looga shakiyay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah sideed sano ka hor. Dilkan oo dhacay sanadkii 2012, ayaa soo shaac baxay ka dib markii la helay muuqaallo lagu duubay taleefanka gacanta oo ku saabsanaa sida ay wax u dhaceen laguna baahiyay baraha internetka. Dacwad oogayaasha Taiwan waxay sheegeen in eedeysanaha oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Shiinaha uu qirtay inuu amray dilka markii uu kabtanka u ahaa markabka Taiwan. Sida ay sheegeen xeer ilaaliyaashu, Eedeesanaha ayaa sheegay in uu ku amray ilaaladiisa Pakistan in ay toogtaan afarta nin si aysan uga baxsan oo u soo abaabulin burcad-badeedda kale in ay afduubtaan markabkiisa. Qareenada u doodaya ninkaan ayaa ku doodaya in afarta nin ee burcad badeeda ah ay ku dhinteen is rasaasayn dhexmartay iyaga iyo ilaalada markabka Taiwan. Xigasho
-
New wasiiro but same old faces and names. I am glad C/raxmaan Ducaale Beyle stays put.
-
This was from back in the new year: Well Known Scholar from Somaliland Announced Political Party in Mogadishu Professor Osman Abukar Dubbe who hails from Somaliland and is well known has officially announced a political party in Mogadishu, Somalia’s capital on Sunday. The scholar from Somaliland has been working closely with SL’s ruling Kulimiye party. He was among the campaigners during the last presidential polls in 2017 and which propelled the incumbent Somaliland leader, Musa Bihi Abdi to the office of the presidency. The party Mr. Dubbe announced in Mogadishu is dubbed Peace, Prosperity and Unity Party (HILOW). The party was officially registered by the Commission tasked to register the national political parties in Somalia which is transitioning from clan based election to one man one vote election mode. Professor Osman Abukar Dubbe “We have just left from the office of the Commission responsible of the registration of political parties in Somalia. Our mission and vision is to heed to the call of Somali populace. Somalia regained its independence back in the 1960’s but countries that gained their freedom the same year with Somalia made huge progress by leading their people to peace and prosperity. Somalia witnessed decades of tragedies, civil wars and backwardness.” Professor Dubbe narrated. And from yesterday's news of wasiirada cusub: 17 – Cismaan Abuukar Dubbe, Wasaarrada Warfaafinta iyo Dalxiiska Ciyoowba muufadiisa maraqa u gishay, I guess.
-
Yaabka baraha bulshada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
-
THE RECOVERY OF MOGADISHU IN PICTURES.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to biyo-cad's topic in General
-
What is causing the sudden rise in this year of kids being kidnapped daily in Soomaaliya, especially in Muqdisho? Kuwa ka mid ah waaba la kufsanaayaa. My God. It also seems like it is an organized syndicated illegal groups doing this. Haweeney soo ‘afduubatay’ caruur oo lagu qabtay Xamar Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta gacanta ku dhigay haweeney la sheegay inay caruur soo xaday, taas oo lagu qabtay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in haweeneydaasi goor dhow lagu qabtay xaafadda lagu magacaabo, Xasan Jiis oo ka tirsan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in marka la qabanayeyay aY la socotay mooto ay ku wadatay labo cunug, waxaana ceyrsanayey dadka deegaanka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammanka oo ka ag-dhowaa goobta ayaa markii dambe ku soo baxay buuqa, waxayna gacanta ku dhigeen haweeneydaas iyo ilmaha ay wadatay. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada ammaanka ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka deegaanka, taas oo la soo wariyey in markii dambe ku geeriyootay isbitaalka. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen falkaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa in haweeneyda la geeyey saldhigga. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa cabsi xoogan oo ku aadan caruurta la xado oo aad ugu soo badanayey caasimada, iyadoona shalay ay ugu dambeysay gabar 18 jir aheyd laga afduubtay gudaha degmada Howl-wadaag, sida ay warbaahinta u sheegeen waalidiinteeda, sidoo kale dhowaan ayey aheyd markii labo nin oo ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu qabtay falkan oo kale. Xigasho
-
Wasiir amniga iyo nabdsugid ayuu sheeganaayaa, tan iyo bishii toddobaad dalka wuu ka maqnaa because his friend jagada laga qaaday. Saan ayaa wasiir lagu yahay and the only reason he is back is because wasiiro cusub ayaa in la magacaabo laga yaabaa. And of all the countries to spend for three months, he chose Soomaaliya-hating Imaaraadka. Also who hadn't been seen since Luulyo is wasiirka arrimaha gudaha, probably chilling in Turkiga. Wasiirka Amniga Islow Ducaale oo dalka dib ugu soo laabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo mudooyinkii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho. Wasiir Islow Ducaale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo dadweyne kale. Dalka dibadiisa ayuu ku maqnaa Wasiirka Amniga gaar ahaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Munaasabada qado ahayd oo loo sameeyay soo dhoweynta sii hayaha wasiirka amniga Maxamed Abuukar Ducaale ayuu ugaga mahadceliyay dadkii ka qeybgalay soo dhoweyntiisa. Xigasho
-
Yaabka baraha bulshada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ninka uu ka cabsi qabo inuu madaxweynaha Hiirshabeelle noqdo waa ninkaan hoose oo lagu xanto inay dowladda dhexe wadato: Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle "Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda waa mid sax ah waana lagu shaqeynayaa" Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle. Cali Cabdullahi Guudlaawe oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo caga dhigtay garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere waxaa loo galbiyay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle halkaasoo uu kula hadlay Saxaafadda. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa sheegay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Hirshabelle cusub uuna soo dhaweynayo Jadwalkii hanaanka doorasho ee Hirshabelle ay soo bandhigeen guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle. "Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda waa mid sax ah waana lagu shaqeynayaa waana ku amaanayaa sida masuuliyada leh ay usoo diyaariyeen hanaanka doorashada Hirshabelle" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe Waxuu sido kale Madaxweyne ku xigeenka amaan iyo bogaadin uu u jeediyay wassaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabelle oo uu sheegay iney si wanaagsan u diyaarin hayso dhismaha Hirshabelle cusub. Safarka maanta ee Cali Cabdullahi Cuseen Guudlaawe waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyeyaashi hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo C/fataax Xasan Afrax kuwaas oo iyagana ka hadlay madashii lagu soo dhaweynayay madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegeen in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Hirshabelle cusub. Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Hirshabelle markii horeba la dhisay iyadoo laga daba qeylinaayo hadana la dhisi doono oo aan cidna loo joojineyn. Walaac badan ayaa laga muujinaya qaab dhismeedka cusub ee Hirshabelle waxaana muuqanaya qilaaf cusub oo u dhaxeeya madaxda ugu sareysa ee Hirshabelle madama madaxweynaha Hirshabelle uu horay u diiday Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda madaxweyne ku xigeenkana uu maanta shaaciyay in Jadwalkaasi uu yahay mid sax ah laguna shaqeyn doono. Xigasho -
Yaabka baraha bulshada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Cali Cabdullaahi Cosoble "Reer Hiiraanoow dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan" Madaxweynahii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa shaaciyay dareenka uu ka qabo sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka maamulka Hirshabelle. Cali Cabdullaahi ayaa qoraal xasaasi ah soo dhigay bartiisa Facebook waxuu kaga hadlay sidii ay shacabka reer Hiiraan ay ugu diyaar garoobi lahayeen doorashooyinka maamul u sameynta Hirshabelle ee ka socota magaalada Jowhar in sido kale laga bilaabo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Cosoble ayaa si aan gambasho laheyn ugu sheegay shacabka reer Hiiraan iney dhistaan maamul u gaar ah maadama uu sheegay waxa Jowhar ka socda iney yihiin fowdo anan geed loogu soo gamban. “Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble Hadalka madaxweynahii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay gaareen magaalada Jowhar madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo safarkiisa ay qeyb ka ahayeen guddoomiyeyaashii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo C/fataax Xasan Afrax kuwaas oo Jowhar ka sheegay iney u joogaan sidii ay u dhisi lahayeen Hirshabelle cusub xili beelaha ay kasoo jeedaan aysan wali ku qancin hab dhismeedka Hirshabelleda cusub. Ugu dambeyntii madaxweynahii hore ee Hirshabelle Cali Csible ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay "Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa, fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan" Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa u muuqanaya iyagoo markii labaad diidan dhismaha maamulka Hirshabelle in la doonayo in markale lagu hordhiso maamulka cusub. Xigasho -
Mahad Salaad ayaaba rabo inuu talo wanaagsan bixiyo. Kan aragtida meesha soo dhigeyna lama yaabaayi waa iska another Sanbalooshe, even though he was a former 'madaxweyne.'
-
Wixii xunba xaawa leh
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I could have understood if the accusations were from an opportunist Kiikuuyo official in Mombaasa. But from all the way Nigeria? Sheeko. -
-
Xasan Kheyr shoots himself in the foot
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
"Waxa uu ballanqaaday Xasan Cali Kheyre inuu xallin doono khilaafka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya” Mid ka mid ah mudanayaashii ka tirsanaa baarlamaanka dalka Kenya Senator Falxad Deeqoow Iimaan ayaa sheegtay in kulan ay maanta la yeesheen qaar ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto deegaanada Soomaalida Kenya in arrimihii ay ka hadleen ay ka mid ahayd muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Senator Falhad Iimaan ayaa barteeda Facebook ku daabacday in kulankoodii quraacda ee ay yeesheen ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu u sheegay in uu yahay musharax madaxweyne kana codsaday inay gacan ka siiyaan sidii uu ugu guuleysan lahaa xilka madaxweynaha Soomaaliya. “Haddii la I doorto waxaan ka shaqeyn doonaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya taasina faa’ido ayay u tahay dalka Kenya,”ayuu noo sheegay Xasan Cali Kheyre ayay tiri Falxad. “Waxa uu noo sheegay inuu xoojin doono xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,waxana uu ballanqaaday inuu xal waara u keeni doono khilaafka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.”ayay sii raacisay Senator Falhad. Ugu dambeyntii Falxad ayaa sheegtay inay ka codsatay musharax Xasan Cali Kheyre in uu ku dadaalo awood siinta dumarka Soomaaliya,maadaama codka haweenka Soomaaliyeed yahay mid la dayacay. Si kasta ha ahaatee Senator Falxad ayaa qoraalkii ay soo dhigtey boggeeda Facebook markii dambe ka saartay iyadoo cudurdaar ka bixisay ereyadii ay ku soo daabacday. “Waxaan ka cudurdaaranayaa qoraal aan soo dhigey barteyda kaasoo ku saabsanaa kulankii aan la yeelanay Xasan Cali Kheyre.”ayay tiri Senatar Falhad. “Qoralkaas ma ahayn mid ka tarjumayay waxyaabihii laga hadlay waxaana aan ka bixineynaa aniga iyo xafiiskeygaba raaligelin dareenka xun ee laga fasirtey qoraalka.”ayaa ka mid ahaa ereyadii cudurdaarka ah ee ay soo daabacday senator Falhad Iimaan. Qoraalkii ay soo dhigtey barteeda Facebook Senator Falhad Deqow. -
Sanadkii guuradii saddexaad ee xasuuqii ka dhacay Soobe oo Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017, ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay ayaa maanta xustay dhibbanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas foosha xumaa waxayna carrabka ku adkeysay sida ay hay’adda adduunku u garab taagantahay dhammaan dadka Soomaaliyeed. "Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda dalka. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh. Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Weerarka waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Bololaal kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.
-
Jaajuus difaacaayo Kiikuuyada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
DF Soomaaliya oo ciidamo hor leh geysay xadka (beenaadka) ay la wadaagto Kenya Dowladda federaalka ayaa markale ciidamo hor leh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dagay garoonka diyaaradaha degmada Duulow ee gobolkaasi. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa kumaandooska Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa garoonka Doolow ku soo dhoweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa nabad-sugida ee ka howl-gala gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaas ay ku biiri doonaan kuwa dowladda ee horey u joogay labaasi magaallo. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda la geeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmada Beledxaawo. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyadoo bishii la soo dhaafay is-rasaaseyn kooban ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhexmartay xuduuda labada dal, taas oo digniin iyo hanjabaad ay kasoo saartay Kenya. Xigasho -
Xasan Kheyr shoots himself in the foot
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Kheyre tagitaankaan uu tagay dhulka Kiikuuyada hofseed ayuu ku galay, taageriyaashiisana u gafay. Qadar iyo Jabuuti ku filnaan weysay filaa.
-
Popular Contributors