-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Reer Koonfur Galbeed kii yimaado, kii iskeena waala shaqeyaan, mashaariicdana hoosta ka wataan. Endless mucaaradnimo inaynan waxba tareynin. Watch the below video. https://www.facebook.com/NasraBashirAli/videos/729730957893385/
-
Hirshabeelle shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maleeshiyo is-hortaagtay safarkii Cali Guudlaawe ee Beledweyne iyo xiisad taagan Waxaa mar kale maanta dib u dhacay safar uu Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulllaahi Xuseen (Guudlaawe) ku tagi lahaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Sababta baaqashada safarka madaxweyne Guudlaawe ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeedo safarkiisa ay aad ugu soo dhawaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Maleeshiyaadkan hubeysan, oo ku sugnaa deegaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Beledweyne, ayaa la sheegay inay xalay usoo dhawadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaladaasi. Waxaa fashil kusoo dhamaaday wada-hadal u socday xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo maleeshiyada hubeysan ee kasoo horjeedo safarka uu madaxweyne Guudlaawe ku imaan lahaa magaalada. Maleeshiyadaan hubeysan ayaa waxaa hoggaaminaya General Xuud oo ah sarkaal hore, islamarkaana kamid ahaa musharixiinta madaxweynaha maamulka HirShabelle. Generalkaan ayaa la rumeysan inuu aad uga soo horjeedo isbadalkii lagu sameeyey awood qeybsigii Maamulka Hirshabelle kadib markii xilka madaxweynimo laga wareejiyey Beesha Xawaadle oo horey u heysay. Waxaa socdo dadaalo dheeraad ah oo la doonayo in xiisadaan lagu damiyo, balse aad ayey u yar tahay rajada ah in Madaxweyne Guudlaawe tago Magaalada Beledweyne sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Magaalada. Xigasho -
Somalia: Health Worker Massacre!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kala Duwan Clan's topic in Politics
Secessionist, you don't give a hoot about dhibka Soomaalida heysto ee qashinka meesha kala tag. -
Wa caleykum salaam. I named my daughter Libin and son Liibaan. Pure Soomaali names. I also like the following boy names: Ladane = prosper Deeq = generous Ayaanle = fortunate Guuleed = success Samatar = doer of good Warsame = bearer of good news
-
Sad to hear this, sister. Hope and wish best for the future.
-
PM Abiy Ahmed Declares War on Tigray: First bullets fired
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Why would any sane Soomaali shed a tear for Tigray? Hala ciribtiro ciidamadooda, siiba saraakiishooda. No Soomaali can forget what they did in Soomaaliya. By the way, it is not about Xabashi wins/loses or Oromo wins or loses. It is about time Tigrayga hilfaha loo qaado. They have committed too many unpunished crimes in Soomaaliya since 1996. -
Hadduu qabqablihii weynaa Muuse Suudi Yalaxoow ka calaacalay labadaan, they must be doing something good then. Muuse Suudi: “Reer (magac qabiil) iyo Reer Waqooyi waa naga ceshan waayeen Fahad iyo Mahdi, balse…” Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada dalka, isagoo aad u eedeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay in labadaas nin uu mudo dheer ka xishoonayey, balse hadda kadib aan loo dul waadan doonin, isagoo ku eedeeyey inay siyaasadda dalka ku cayaarayaan. “Mahdi Guuleed Reer Waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,” ayuu yiri Muuse Suudi. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Fahad Yaasiin Rreer (magac qabiil) waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi. Senatorka ayaa sheegay in musharaxiinta uu Muqdisho shirku uga socdo ee diidan sida ay wax u socdaan ay uga damqasho badanyihiin sida wax loo maamulayo. “Dadka shiraaya waa ka qandho badanahay, waxaana uga qandho badanahay, dalka lagu cayaaraayo iyo dadka tirada badan ee aamusan, deeqdoodana la cunaayo ayaan ka qandhanahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Muuse Suudi Yalaxow. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Qaranka la beeleeyey, isla markaana la beegsaday kuwii ka soo jeeday hal beel, sidoo kale waxa uu sheegay in si loo dhimo awooda ciidankaas marar badan loo diray meelo khatar ah oo miinooyin lagu laayey, sida uu hadalka u dhigay. Ragga xukumada booliska iyo Nabad sugidda yaa waaye, ciidanka Qaranka meeqa ayey ku leeyihiin, shilin ayaan kugu gumeysanaa wax soconaaya maaha, sababtoo ah canshuurta dadkoodaa laga qaadaa, gobolkiisii ciidan ayuu leeyahay oo talis u gooni ah ayuu leeyahay, kaagana isagaa xukumaaya, wax la qaadan karo maaha” ayuu yiri Senator Muuse Suudi oo ka tirsan golaha Aqalka Sare. Xigasho
-
Horaa u aragnay filankaan oo ay atooriyaashiisa ahaayeen Sheekh Shariif iyo C/raxmaan C/shakuur. Xasan Cali Kheyre oo si weyn maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxeyna aheyd soo dhaweyn heer sare ah. Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya ayaa aad looga hadal hayay maalmahii lasoo dhaafay imaatinkiisa, waxaana garoonka diyaaradaha Aden Adde kusoo dhaweeyay xildhibaano, wasiiro, odayaasha dhaqanka iyo bulshada nuucyadeeda kala duwan. Isu imaatinka dadka waxey aheyd mid si weyn loo dareemay, iyadoo Xasan Cali Kheyre oo loo arko mid ka mid ah musahraxiinta ugu saameynta badan uu lug ku tagay hoyga laga wado olalahiisa doorashada oo aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha. Musharaxiin kale ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdulqaadir Cosoble iyo Xuseen Cabdi Xalane. Musharaxiinta mucaaradka ayaa dib ugu soo noqoshadooda Muqdisho kadib olole ay dalalka dibadda ka wadeen waxaa lagu qeexay iney doonayaan saameyn ay ku yeeshaan guddiga doorashooyinka ay soo magacowday dowladda oo ay diidan yahiin. Maalmaha soo socda, Muqdisho waxey martigalineysaa kulamo iyo xaalado siyaasadeed oo iska soo horjeeda, maadaama la guda galayo wakhtiga doorashada, sidoo kalana wali aan la isku raacin cidda maamuleysa doorashada.
-
Armenia surrenders Nagorno-Karabakh
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Masaajidkaan see ka dhigeen arka: At least they didn't destroy or burn down masaajidkaan after 25 years of occupation, I guess. -
PM Abiy Ahmed Declares War on Tigray: First bullets fired
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Tigray version of u calaacaling to Beesha Caalamka, I guess. The letter looks amateurish, though. Maamul goboleedka have mastered letters like this ee haka soo xirfad qaataan. -
Useless opposition party complaints
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
If this report is to be believed, I can't believe ra'iisul wasaare Kheyre would join these tuugo: Xubnaha mucaaradka oo ‘sameysanaya’ gole iyo baabul ka socdo Xamar Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ku aadan u diyaar garowga doorashooyinka soo socda ee la filayo in dalka laga qabto sanadkan 2020 illaa 2021-ka. Siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa wada abaabul xoogan, iyaga oo shirar siyaasadeeed ka bilaabi doono Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay caasimada soo gaari doonaan siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ka maqan dalka, waxaana xubnahaasi ka mid ah:- Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir iyo Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa wasiirkii hore warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa haatan Muqdisho ku sugan oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo maalmo ka hor dib uga soo laabtay safaro ay ku kala tageen wadamada Jabuuti, Kenya iyo Masar. Sida ogaatay Caasimada Online waxaa socda qorshe gaar ah oo musharraxiintan oo dhamaan u taagan xilka madaxweynaha ku ‘sameysanayaan’ gole ay ku mideysan yihiin oo la filayo in looga dhowaaqo Xamar, waxaase ka horreeya shirar ay yeelan doonaan. Ujeedka loo dhisayo golahaasi ayaa ah in musharraxiintu ay si isku mid ah ugu wajahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo doorashooyinka 2020/2021-ka. Si kastaba ha’ahaatee inta badan musharraxiinta ayaa horey uga horyimid dhismaha guddiyada doorashada, iyaga oo shaaciyey in lagu soo daray shaqaale ka tirsan madaxtooyada iyo askar ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliyeed. -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ganacsatada jaadka ee ku sugan Kenya oo fariin u diray madaxweyne Farmaajo Ganacsatada jaadka ee ku sugan dalka Kenya ayaa fariin u diray madaxweyne Farmaajo iyagoo ka cabanaya nolol xumo soo wajahday, waxeyna doonayaan in dib loo fasaxo qaadkii ay keeni jireen Soomaaliya. Dalladda ay ku mideysan yahiin haweenka jaadka kasoo dhoofiya Kenya oo ay ku jiraan hablo Soomaali ah ayaa tirsanaya nolol xumo soo wajahday kadib markii la joojiyay qaadkii ay Soomaaliya geyn jireen. Xaawo Cabdi Jaamac oo la hadashay idaacadda adduunka la hadasha ee BBC–da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayey sheegtay iney ka cabanayaan joojinta qaadkii ay geyn jireen Soomaaliya halka la fasaxay jaadka laga keeno dalka Itoobiya. Haweeneydaan waxey sheegtay iney saameyn ballaaran ku yeelatay isla markaana ay noloshooda ku tiirsaneyd ka ganacsiga jaadka, balse tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya xayiraadda saartay jaadka ka imaada Kenya ay culeysyo nololeed soo wajaheen. “Markii hore jaadka waxaa loo joojiyay sababo la xiriira cudurka COVID19, balse markii dambe gebi ahaan waa la joojiyay inaan jaad geeyno Soomaaliya, taasina waa dhibaato waayo waa shqada kaliya aan naqaano,” ayey u sheegtay BBC-da. Xaawo Cabdi waxey ugu baaqday madaxweyne Farmaajo in loo fasaxo jaadka ay u iib geyn jireen Soomaaliya ama gabi ahaanba jaadka laga xanibo in loo iib geeyo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxey xanibtay jaadkii laga keeni jiray Kenya, waana arrimo labada dal u dhaxeeya oo dhanka diblomaasiyadda ah sida la fahamsan yahay. -
PM Abiy Ahmed Declares War on Tigray: First bullets fired
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maafiyadii Tigreyga ahaa, siiba jeneralaadooda Soomaaliya ka taajiray, in la kaarbasho wey ku haboontahay. The Soomaalidiid Rashiid Cabdi is always with anti-Soomaalis. As always. -
THE RECOVERY OF MOGADISHU IN PICTURES.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to biyo-cad's topic in General
-
Secessionists wey sasaas haddii la sheego magaca halyeygii Sayidka. It is like telling Dotard in the White House you are a loser, sas ayuu ka qabaa.
-
Yax yax badnaa oo sharaf dhac ahaa. Askar xun oo dadkaaga gumeystay, boqol sano ka horna ka tagay dunidaan inaa ciidaada ay kugu xasuuqeen aad maanta ku xustid, ku sharaftid...ceebeey tacaal iga dheh.
-
PM Abiy Ahmed Declares War on Tigray: First bullets fired
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Abiy Axmed oo Madaxweyne KMG ah u magacaabay Gobolka Tigreega Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweyne Kumeel gaar ah u magacaabay gobolka ay dhibaatada ka bilaabatay ee Tigraay. Gobolkaan ku yaalla waqooyiga dalka ayey dhibaatada laga cabsi qabo iney dalka dagaal sokeeye galiso ka bilaabatay, balse Dr. Mulu Nega ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay inuu maamulo isla markaana soo dhiso xukuumad kumeel gaar ah. Markuu bilowday dagaalka u dhaxeeya gobolka ismaamulka Tigraay iyo dowladda dhexe waxey Baarlamaanka Itoobiya ku dhawaaqeen iney kala direen taliskii, waxaana xigtay in 39 sarkaal oo ka tirsanaa maamulka Tigraay xasaanadda laga qaado. Saraakiisha xilka qaadista lagu sameeyay waxaa ugu weyn madaxweynahii maamulkaas ee Debretsion Gebremichael, sidoo kale saraakiisha kale ee la xusi karo waxaa ka mid ah Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi iyo Gebregziabher Araya. Xaaladda Itoobiya ka jirta aad ayaa looga deyrinayaa iyadoo Qaramada Midoobey ay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka ku nool gobolkaas ee ka qaxaya dagaallada halkaas ka socda maadaama aysan jirin waddo lagu gaarsiin karo gargaar. -
PM Abiy Ahmed Declares War on Tigray: First bullets fired
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Anyone who karbaashes and weakens Xabashada overall, I welcome that. I will never forget what the Tigrey generals and colonels did in Soomaaliya in mid to late 2000. Gabre, Berhe Tesfaye and other Tigrey generals in Soomaaliya yaa iloowi karo. -
Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xasan Sheekh iyo Shariif oo shaaciyey mowqifkooda doorashada Guudlaawe Qoraal uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee dowlad goboleedka HirShabeelle. Doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo doortay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hoggaamin doona HirShabelle, halka ku xigeenkiisa loo doortay Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed). “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu bogaadinayaa dadaalka lagu bixiyay dhismaha maamulka HirShabelle oo uu ugu horreeyaan safarradi nabadaynta ahaa ee uu Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihi hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ugu noqnoqday Magaalo Madaxda Maamulkaas ee Jowhar,” ayaa lagu yiri qoraalka Xisbiga Sheekh Shariif. Bulshada reer HirShabeelle iyo dowladda federaalka ayaa qoraalkan looga dalbaday inay garab istaag u muujiyaan madaxda cusub ee maanta lagu doortay Jowhar. “Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, Madaxda la doortayna waxaan kula dardaarmaynaa inay u istaagaan Fulinta howlaha bulshadu ka sugayso, sidoo kale Bulshada HirShabelle iyo Dowladda dhexe waxaan ugu baaqaynaa inay u muujiyaan garab istaag iyo wadashaqayn guul horseedda,” ayuu ku sii daray qoraalka Xisbiga Himillo Qaran. Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga hambayo ugu diray Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee maanta HirShabeelle loo doortay. “Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)” ayuu yiri. Qoraalka Xasan Sheekh ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka.” Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda cusub “Alle uga baryay inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, isagoo ku baaqay in la garab istaago maamulka cusub, si ay u xaqiijiyaan rajada shacabka.” Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa aad u mucaarada siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, balse waxay doorashada HirShabeelle ka yihiin isku mowqif, sida ku cad qoraaladooda. Xigasho -
Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
So far it seems so since he was funded by dowladda dhexe, but not openly.
-
Popular Contributors