Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Xiisadda ka dhex oogan Kenya iyo Soomaaliya oo xaalad adag ka abuurtay Kenya Xiisadda Diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somaaliya iyo Kenya ayaa saameyn taban ku yeelatay ganacsatada khaadka Kenya, waxeyna dadka ka ganacsada iyo kuwa tabcadaba ay sheeganayaan nolol xumo aad u liidata. Xiisada labada dal aad ayey usii xumaatay kadib markii todobaadkii hore ay dowladda Soomaaliya u yeertay safiirkii u fadhiyay dalka Kenya, waxaana xigay in midka Kenya u fadhiyay Muqdisho ay ku amartay inuu tashi ugu laabto dalkiisa. Horaantii sanadkaan dowladda Soomaaliya waxey joojinta khaadka sabab uga dhigtay jiritaanka xanuunka COVID19, balse waxaad moodaa in bilooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxday iney arintu ka weyn tahay maadaama khaad laga keeno dalka Itoobiya la geeyo magaalooyin ka tirsan Soomaaliya. Marry Ntonja oo ah haweeney dalka Kenya u dhalatay kana mid ah beeraleyda khaadka ayaa BBC-da uga warbixisay xaaladeeda nololeed tan iyo markii la joojiyay khaadka, waxeyna sheegtay iney waayeen wax ay cunaan. “Dhibaato noolaleed ayaan dareemeynaa, waxaa nasoo wajahay faqri, lacag la’aan darted, in aan wax cunno waa dhib, dharkii way naga dhammaadeen, caruurta wax aan siino ma lahan, dhibaato ayaa inagu habsatay tan iyo markii la mamnuucay in la dhoofiyo jaadka” ayay tiri Marry oo la hadleysay BBC-da. Beeraleyda Jaadka waa markii labaad oo ay la kulmayaan jab weyn maadaama lix sano ka hor dalweynaha Britain laga joojiyay in loo dhoofiyo khaadka, waxeyna taasi keentay in suuqa ugu weyn oo ay heystaan dadka reer Kenya uu noqdo Soomaaliya. Sida laga soo xigtay ururka ay ku midoobeen ganacstada jaadka Kenya, maalintiiba 50 tan oo khaad ah ayey u dhoofin jireen Soomaaliya, waxeyna ka heli jireen lacag lagu qiyaasay 140 kun oo Doolar, balse waxaas oo dhan meesha ayey ka baxeen waxaana soo wajahday nolol xumo baahsan. Inta la ogyahay Dowladda Soomaaliya waxey Kenya ku eedeysay ineysan dhanka diblomaasiyadda aad ugala shaqeyn, waxeyna hordhigtay shuruudo adag si loo fasaxo jaadka. Walow ay Kenya beenisay hadana Kenya waxaa lagu eedeeyay iney si dadban faragalin ugu heyso siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan garab siinta kooxaha mucaaradka ku ah dowladda maadaama lugaha lasii galinayo wakhtiyada Doorashada. Xigasho
  2. Majority of Reer Waqooyi xildhibaanno were out in force in unity and apparently have one leader by the name of Mahdi Maxamed Guuleed.
  3. Meantime, the hapless secessionists isqor bilaa liiskooda socdo:
  4. Siyadist? Ahahahaha. Eebboow ha cadaabin nimaan waxba ogeyn.
  5. I am sure the corrupt Xasan Sheekh and co. were on it as well. It is one of the many swindling cases that forced the then the newly nominated guddoomiyaha bankiga dhexe Yusur Abraar to unexpectedly resign. She realized how corrupt those people were.
  6. Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo Baledweyne gaaray Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada Federaalka Soomaaliya Janaraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa soo gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweyay masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo maamulka gobolka iyo sarakiil ciidan. Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii ay u xalin lahayeen tabashada dadka reer Hiiraan aay ka qabaan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle oo dhalisay xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga soo horjeedo madaxda Hirshabeelle ee dhawaan Jowhar lagu soo doortay. Wasiir Muqtaar ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato waxgaradka reer Hiiraan ee tabashada ka qaba Hirshabeelle iyo waliba hoggaamiyaha ciidamada diidan Hirshabeelle Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo siweyn uga horyimid inuu Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. Xigasho
  7. These xildhibaanno wanted to impeach the speaker of the regional parliament. They themselves are suddenly removed without committing any crime or breaking any laws. Sharci maashee saan? Barlamaanka Puntland oo xasaanadii kala laabtay 8 xildhibaan Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xasaanada kala laabtay tiro 8 Xildhibaan ah oo lagu soo eedeeyay falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka anshaxa gollaha wakiiladda dowladda Puntland. 35 Mudane ayaa gacanta u taagay in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqday. Waxaa diiday saddex Mudane. Hal Xildhibaana ayaa ka aamusay. Xildhibaanadaas oo magacyadoodu kala yihiin: 1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan 2.Xildhibaan Cabdiqani Surato 3.Xildhibaan Muuse Jajabsay 4.Xildhibaan Baduugaaye 5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre 6.Xildhibaan Saleeban Faarax. 7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore 8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim. Ka hor intii aan laga ceyrin shaqada xubnahani waxaa fashilmay dadaalo ay wadeen guddiyo ka tirsan isla gudaha baarlamanka kuwaas oo xal u waayay eedeymaha loo haystay mudanayaashaan oo ay ka mid yihiin iska horkeen gollaha dhexdiisa, abaabulka fawdooyin laga soo maleegay gacmo ka baxsan siyaasada Puntland. Xigasho
  8. Calaacal badnaa dadkaan difaacaayo Kiikuuyada iyo munaafuqooda ku adeegsadaan ee Madoobe. Waligooda ma arkeysid kuwaan mucaaradka sheegto oo dowladda Kiikuuyada wax ka sheego, xataa arrimaha badda oo sanodooyin socdo waligooda ma soo hadal qaadin.
  9. Newest envoy to this council is nominated to be Yuusuf Garaad, it seems. Yuusuf Garaad oo ballan-qaad sameeyey, kadib xilka cusub ee loo magacaabay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo shalay loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo dhoweeyay xilkaasi loo magacaabay. Ugu horreyn Yuusuf Garaad ayaa uga mahadceliyey madaweynaha Soomaaliya, kalsoonida uu siiyey iyo xilka sare ee uu u magacaabay. Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu si daacadnimo ah, kartina ay ku jirto uu u gudan doono mas’uuliyadda culus ee loo xil-saaray. Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu si hufan oo khibrad leh uga qeyb qaadan doono xilli kasto arrimaha waa weyn ee mandiqadda Geeska Afrika. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay in uu ii magacaabo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Gobolweynaha aan ka tirsan nahay oo bad iyo berriba leh kuna baahsan laba qaaradood. Waxaan ballanqaadayaa in aan si daacadnimo ah kartideyda, khibraddeyda iyo aqoonteyda oo dhan aan u dul dhigo mas’uuliyadda la ii xilsaaray aniga oo ka amba qaadaya halka la soo gaarsiiyay, lana kaashanaya howlwadeennada iyo hey’adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso. Xilli doorasho iyo xilli kastaba, Arrimaha waaweyn ee mandiqaddan ka taagan waa kuwo toos u saameeya Dowladnimada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo dadkeenna Soomaaliyeed. Saameyntaasi waa mid maanta ah iyo mid istaraatiijiyadeed oo mustaqbalka ah. Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo taageerayaasha tirada badan oo ay ardaydeydu ugu horreyso oo fool-ka-fool, farriin cod ah, mid qoraal ah iyo baraha bulshadaba iigu hambalyeeyay, i dhiirri geliyay, iiguna duceeyay. Ducada Aammiin. Dalka waan wada leennahay, waana in aan u wada adeegnaa. Sabab kasta ha keentee, qofkii aan taasi suurta gal u ahayn am aka ahayn, ugu yaraan waa in uu dalku ka nabad galaa, sidoo kalena ay ka nabad galaan inta u adeegeysa iyo inta hore ugu soo adeegtay. Xigasho
  10. Galbeedi, waaku salaamay. Many people, including me, thought Tarbuunka was built by Kacaanka for 21ka Oktoobar. If Kowda Luulyo had this big of a parade at Tarbuunka, why did Kacaanka make it a lesser day that mattered than compared to Kacaanka? Siyaad Barre wuu ku qaldanaa taas.
  11. Watch the information minister's press conference.
  12. Streamable Video STREAMABLE.COM Watch this video on Streamable. My old man appears on the right side of the screenshot, along with madaxweyne Aaden Cadde, ra'iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen and wasiirka maaliyada C/qaadir Soobe. Waa dabaaldegii Kowda Luulyo, sanadkii 1966, goobtana Tarbuunka u egtahay.
  13. Ka biloow bidix iyo reerahooda iyo ilmahooda dalalkee deganyihiin: Iswiidhan, Ingiriiska, ?, Kiinya, Turkiga iyo Ugaandha, Turkiga, Norway, Turkiga iyo Kiinya, Kiinya, ?, Kiinya iyo Turkiga, Sacuudiga Hal qof kor ka muuqdo carruurtiisa iyo xaaskooda degan Soomaaliya ma jiro. Daneystiyaal shisheeye u adeego. Kheyre aad isku ceebeeyey inuu maafiyadaan godkooda la galo.
  14. Maki is the male version of Mako, I think. It is named after blessed city of Makka. However, it is not a common name.
  15. Wax baa lagu soo aqriye after his long extended stay in Nayroobi. He is now even refusing to implement the very exhausting agreement he signed, probably after Kiikuuyada cashar u soo dhigeen. Qof ay qaraabo yihiin tolkiisa ma heystaan miyaa ay ku badashaan, sida qof Laftagareen camal deegaankiisa ugu shaqeeyo horumarinta? Even if many people in Koonfur Galbeed did not approve or endorse how Laftagareen was selected, still he had won over many of his detractors and critics.
  16. If that Wiki page does not help you, I don't think anyone on here can. Why the particular interest for this rifle, though?
  17. Ninkaan Damjadiid waaye saa u maleeyo. Xasan Sheekh ku xiranyahay.
  18. Waaka soo horjeeday as a boy back in 1986 World Cup. Platini iyo Faransiiska ayaa la jiray waagaas. Waxaa xasuustaa hooyadey oo buugaag iskool Maradona ku sawiran ii soo gatay isla sanadkaas. Waaka diiday, celi iri oo kuwa "Balaatiini" ku soo badal.
  19. That is a very strong digniin. Cumar Filish made a stop to Muuse Suudi's warlordism in early 2000s as he was he was his fellow lieutenant qabqable. Dagaaladee ka geysteen degmada Wadajir xasuustaa. Marka kuwaan bootada wado wey isyaqaanaan.