Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Xasan Cali Kheyre dowladiisa iyo shaqsinimadiisaba Soomaali badan ayaa aaminsaneyd inay ahayd dowladda jiilka cusub. Maanta inuu dhexda socdo qaswadayaasha iyo bililiqodoonka waa ayaandarro weyn. All this for power, for any means? Shame. Kan garabkiisa taagana waa kii shalay dowladiisa ku eedeynaaye inay weerareen hoteelkiisa. Maantana asaguu agsocddaa in the name of qalalaaso. I will support any of these so-called bannaanbaxyaal leaders if they put their kids and wives in the front lines of bannaanbaxa. Let them bring ciyaalkooda back to Muqdisho from dalalka caalamka ee si nabad ah ugu noolyihiin carruurtooda.
  2. Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday isku-imaatinka dadweyne sababo la xiriira cudurka Covid 19 Shir jaraa'id oo ay wadajir magaalada Muqdisho uga qateen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada ayeey uga diggeen Shacabka Soomaaliyeed isku soo baxyada iyo isku -imaantinka dadweyne sababo la xiriira saameynta adag uu dalka ku yeeshay cudurka Covid 19. Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ay wehliyaan Wasiirradda Caafimaadka iyo Amniga ayaa sheegay in iyadoo laga hortagayo khatarta cudurka dowladdu go'aan ku gaartay in ay fasaxdo shaqaalihii dowladda, islamarkaana la ogolaan doonin isku imaatinka dadweyne si looga hortago faafitaanka cudurkan. Wasiirka Amniga Xassan Xundubeey Jimcaale oo wax laga weydiiyay dibadbaxa ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta ayaa sheegay ayaa sheegay in uusan jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaaray, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogolayn kulan dadweyne si cudurka looga digtoonaado. Go'aanka ay dowladdu qaadatay ayaa saameyn doona dibadbaxa ay ku baaqeen in maalinta Jimcaha uu ka dhacayo magaalada Muqdisho midowga Musharixiinta, madaama ciidamada iyo laamaha Amniga la faray in xaqiijiyaan fulinta dhamaanba qoddobada lagaga hortagayo faafitaanka cudurkan oo uu qeyb ka yahay qoddob mamnuucaya in bulshadu isku timaado. Laakiin dhinaca midowga musharixiinta oo dibadbaxan ku baaqay ayaa dhawaan uga diggay dowladda Soomaaliya in ay carqaladeyso dibadbaxaya ay dhigayaan taageerayaashooda, lamana oga sida ay uga jawaabi doonaan digniintan danbe ee ka soo baxday dowladda.
  3. Shan su’aalood oo ku saabsan Bannaanbaxa Jimcaha. Marka hore Afeef iga hoo. Xushmad iyo qaddarin weyn ayaan u hayaa murashixiinta damacooda sheegay ee raba in ay u tartamaan Madaxtinnimada dalka. Waa howl adag oo dhafar, daal iyo kharash badan oo inta bandan ku dhammaata guuldarro. Waan yara dareemi karaa culeyskaas oo hore ayuu ii soo maray. Waxaan si gaar ah xushmad ugu hayaa Madaxweynayaashii iyo Raiisal Wasaarihii hore. Waxaan caddeynayaa in aanuu jirin Hoggaamiye siyaasadeed oo aan kala tashaday iyo mid aan isla ognahay qoraalkan. Bannaanbaxa nabadeed ee ay madasha Murashixiintu ku baaqday in uu Jimcaha ka dhaco fagaaraha Dalkjirka Dahsoon ee Muqdisho, ayaa igu dhaliyay su’aalo dhowr ah. Waxaan is tusay halis aan is leeyahay hadda waa laga baaqsan karaa. Mid kastaa waxay ku saabsan tahay, sida aan is iri, halis hadda laga baaqsan karo. Bannaanbaxa waxaa yoolkiisa lagu sheegay in la doonayo in lagu muujiyo in aan shacabka Muqdisho ka raalli ahayn in ay sii joogto Dowladda oo xilligeedii uu dhammaaday. Waxaan goostay in aragtideyda shakhsiga ah oo kooban aan la wadaago murashixiinta iyo Dadweynaya Soomaaliyeed siiba kuwa Muqdisho. Marka laga soo tago xoogsatada faraha badan ee danyarta ah oo qaarkood waayi doono dakhligooda maalinlaha ah, waxaa jiri karta halis amni oo aan la sahashan karin. Dadweyne ay horkacayaan Madaxweynayaal hore, oo goor iyo goob la shaaciyay oo fagaare ah ku ballansan, Allah kama dhigee, sow halis uma aha qaraxyada iyo weerarrada noocyada kale ah ee ka dhaca Muqdisho? Haddii taas laga nabadgalo, waxaa jirta halis labaad oo amni. Waa haddii ciidanka murashixiinta ilaalinaya iyo ciidanka waddooyinka fadhiyaa ay kala shakiyaan. Waa haddii uu midkood uu falalka midka kale u fasirto in ay yihiin daandaansi u baahan in laga falceliyo ama ugu yaraan la is hortaago. Labada ciidan waxay ka wada tirsan yihiin ciidanka Qaranka, dhar isku nooc ah ayay ku lebbisan yihiin, waxay fuushan yihiin gaadiid isku nooc ah, waxayna sitaan hub iyo rasaas isla mid ah. Murashixiintu ma hayaan si ay u baajin karaan in labada ciidan uu dhex maro iska horimaad hubeysan? Labadaa qodob waxay igala culus yihiin ujeeddada Bannaanbaxa. Amniga kama baxsana oo waxaa lagu jiraa xilli uu Muqdisho ku laba kacleeyay Covid-19. In dad badani ay goob isugu soo baxaan miyaaneey sahli karin sii faafidda cudurkan laayaanka ah? Aan u soo laabto danta ay murashixiintu ka leeyihiin bannaanbaxa. Maaddaama la og yahay in Bannaanbuxu aanuu shacabka ka imaan ee ay Murashixiintu ku dhaliyeen, abaabulayaanna, ma muuqataa si uu wax uga beddeli karo mowqifyada hadda la kala joogo? Waxaas oo dhami waxay dhacayaan iyada oo uu maanta billowday shir hordhac u ah shir kale oo laga yaabo in uu isla Jimcaha ama maalmaha xiga ku dhawaaqo si’ iyo goor la isla oggol yahay oo doorashadu ay qabsoonto. Ugu dambeyn, sow ma mudna in maalmo fara ku tiris ah laga warsugo wadahadlka uu hordhiciisu maanta ka billowday Baydhowa? Waxaan hubaa in murashixiinta ay ka mid yihiin qaar iga khibrad iyo aqoon badan. Waxaan hubaa in ay talada hore u gorfeeyeen, haatanna ay rogrogi doonaan. Kama filayo in iyaga oo wadajira ay ku dhaqaaqi doonaan fal ay halis uga imaan karto dadweynaha Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaaliya. ________________ Xigasho: Yuusuf Garaad Axmed - bartiisa Facebook
  4. Why? Because they cannot join the wrong qabiil party miyaa?
  5. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maxkamadda ICJ ay Kenya ka diiday in dib loo dhigo dacwada badda Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ayaa sheegtay in aan dib loo dhigidoonin dacwadda dhinaca badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, sida uu sheegay raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed. Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay maxkamaddu go’aan shalay ku gaartay in dhageysiga dacwadda oo horayna ay u muddeysay haseyeeshee Kenya ay codsatay in dib loo dhigo, in aan la aqbaleynin in dib loo dhigo mar dambe. Maxkamadda ICJ ayaa Soomaaliya iyo Kenya ku wargalisay in ay u soo diyaargaroobaan dhegaysiga dacwada 15-19 bisha Maareo 2021. “Waxaan shacabweynaha Soomaaliyeed u sheegaynaa anagoo ku kalsoon ilaaheey iyo taageerada shacabkeenna in aan dooddeena xaq ku helidoono, inagoo weliba ku kalsoon dhexdhexaadnimada maxkamadda,” ayuu yiri raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya. Mahdi Guuleed wuxuu sheegay in dowladda federalka Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ay dadaal xoogan ku bixisay dacwada dhinaca badda, iyadoo kaashanaysay bulshada Soomaaliyeed.
  6. Yaryaruuracaan is an attention seeker who wants la karbaasho. But ciyaal yar la iskama karbaasho for it is against inherent universal laws. Ha iska afleeriyee iska daa.
  7. Coronavirus uu kusoo laba kacleeyey Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyay kiisaska Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo la xiriir cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaasi oo muddooyinkii dambe hoos u dhacayay. Kiisaska cusub ee wasaaradda ay diiwaan-gelisay ayaa waxay gaarayeen 28-qof, kuwaasi oo ku kala sugnaa magaalada Muqdisho iyo maamulka Hirshabeelle, iyada oo tirada u badan laga diiwaan-geliyaya caasimada dalka. Cudurka Koronaha ayaa u muuqda mid markale si tartiib tartiib ah ugu soo labo kacleynayay Soomaaliya, midaasi oo laga dheehan karayo kiisaska marba marka kasii dambeysa kor usii kacaya. Wasaaradda ayaa bulshada kula talisay inay ka fogaadaan dhaq-dhaqaaqyada aan daruuriga aheyn, isla markaana ay muujiyaan taxadar dheeri ah, maadama uu weli dalka kusii fidayo cudurka. Hoos ka aqriso warbixinta wasaaradda; Laga Helay: 28 Banaadir: 27 HirShabelle: 1 Lab: 22 Dhedig: 6 Dhimasho: 2 Tirada Guud ee Laga Helay: 5,013 Bogsashada Guud: 3,733 Dhimashada Guud: 144
  8. Cudurka Covid 19 oo mar kale ku soo laba-kacleeyay dalka Soomaaliya Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo u warantay HOL ayaa sheegtay in cudurka Covid 19 uu dib uga soo cusboonaaday dalka Soomaaliya kaddib markii bilihii ugu danbeeyay cudurkani uu u muuqday mid dalka ka sii dhamaanaya. Wasiiradda ayaa sheegtay in laga soo bilaabo bishan Feberaayo 4keedii ilaa iyo 9keeda (4-9) ay cudurkan u dhinteen 10 qof halka ay u jeefaan cudurka dad gaaraya 14 ruux, ilaa saddex (3) qof kalana ay ku jiraan qeybta gargaarka deg deg ah ICU kuwaa oo xaaladoodu liidato. Wasiir Fowsiya ayaa intaa ku dartay in ay rajeynayaa in uu dalka soo gaaro dabayaaqda bishan tallaalka looga hortagayo cudurkan oo dhan 1,224000 (Hal Malyan Labo Boqol Labaatan iyo Afar Kun) oo cirbadood oo dadka ka faa'ideysanaya ay ugu horreeyaan dhakhaatiirka safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka. Sidoo kale Wasaarradda caafimaadka ayaa qorshaheyneysa in ay tallaalka gaarsiiyaan ilaa 3,000,000 (saddex milyan) oo qofood. Dhinaca kale Wasiiradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Covid-19ka deg-degta u faafa ee loo yaqaano (Variants) kana bilowday dalka Britain (UK) aan weli laga helin dalka Soomaalya inkasta oo ay jiraan mawaadiniin Soomaali oo ka yimid dalka Ingriiska oo laga yaabo in ay cudurkaas qabaan laakin aan la ogaan Karin maadaama aysan wasaaradda haysanin qalabka lagu baaro cudurkaan cusub ee Covid-19.
  9. Wasaarradda Gaadiidka oo daah furtay Diiwaangalinta diyaaradaha iyo ruqsad siinta xirfadlayaasha Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad oo daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha ayaa ka warbixiyey dadaalka mugga weyn ee dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sanadihii la soo dhaafay dib u soo celinta Astaamaha Qarannimadeenna oo aasaas u ah waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka. Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa wasiirka ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal soomaaliyeed. Xigasho
  10. Sacuudiga, Imaaraadka iyo kuwii Falastiinta dulmiyo will not be happy, I guess. I hope dowladda dhexe invite her and her committee members.
  11. DF Soomaaliya oo ‘diiday in markale dib loo dhigo’ kiiska badda ee horyaalla ICJ? Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay kiiska badda ee horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka, kadib markii ay Kenya dalbatay in markii afaraad loogu dhigo. Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in marnaba dowladda federaalka aysan aqbali doonin in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda biyaha ee kala dhexeysa Kenya. “Soomaaliya ma aqbaleyso dib u dhigis dambe oo afaraad iyo shanaad ah,” ayuu yiri wasiir Dubbe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii markale dib loo dhigo kiiskan inuu dhabarjab weyn ku noqonayo cadaaladda adduunka, sida uu hadalka u dhigay. “Arrinta dib u dhigista dacwadaha oo markii afaraad la rabo in dib loo dhigo oo aan saaka diidnay waxay dhabarjab ku tahay cadaalladda adduunka,” ayuu sii raaciyey. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay warqad u dirtay maxkamadda ICJ, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwaddaasi. “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saaka oo Khamiis ah 11-ka Febraayo, 2021-ka waxay maxkamadda cadaaladda dunida ICJ oo xarunteedu tahay Hague ee dalka Netherlanday u qortay warqad ay ku sheegeyso Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay ka qeyb-gasho dacwadda oo la muddeeyey dhowr isbuuc kadib 15-ka Maarso, 2021-ka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaaliya. Hadalkan kulul ee kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay Kenya ka dalbadatay maxkamadda ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda oo la muddeeyey 15-ka bisha soo socota ee March, waxaana haatan xukuumadda Nairobi ay ku doodeysaa in dhul dhinaca bariga ah uu kaga maqan-yahay gudaha Soomaaliya. Xigasho
  12. Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hortimid qorshe Kenya ku doonayso in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada badda Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay dalab dowladda Kenya ugudbisay maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ICJ, si dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada dhinaca badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in warqad u qortay maxkamadda ICJ ayna ku caddaynayso in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwada bilaabanaysa bisha march. Maxkamadda ICJ ayaa 15-ka bisha Maarso ee sanadkan u muddaysan tahay in la gudo galo dhegaysiga dacwada badda oo marar kala duwan ay dowladda Kenya ku guulaysatay in dib loo dhigo kadib codsi ay u dirtay maxkamadda. Wasiir Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan marnaba aqbali doonin dib u dhigis dambe, isagoo tilmaamay dowladda Soomaaliya in ay u arkayso “caddaalad dib loo dhigay in ay lamid tahay cadaalad la diiday. (Justice delayed is justice denied). “Haddaad dib u dhigto xukun iyo maxkamad waxay ka dhigan tahay in aadan maxkamadda aqoonsanayn ama aadan rabin inaad cadaaladda hortagtid,” ayuu yiri wasiir Dubbe. Dowladda Kenya ayaa dooddeeda ku aadan dib u dhigista dacwada badda waxay sabab u dhigaysaa in aanay jirin dowlad sharciyad haysata oo xilligaan ka jirta Soomaaliya, sida lagu qoray wargeysyada waawayn ee Kenya. Xigasho
  13. I guess Kiikuuyo's hope of dowladda Soomaaliya hadda jirto inay dhacdo did not work as they and their stooges wished. Now they want once again to delay again the court date on next month. Dowladda dhexe says no way.
  14. Maryooleey qof af gaaban oo ixtiraan iyo xishmad badan ma jeclo. Mid afmiinshaar ah oo been badan ayee ixtiraamaan laakiin ma jeclo asagana. Mid macangag ah oo kaligiistaliye ahna ma rabaan. Rooble xilkiisa ayaaba iska yar and so far he seems a decent man, but maryooleey do not deserve him, same way they did not deserve C/qaasin Salaad in 2000. Here is Rooble's latest hadaljeedinta uu baarlamaanka ka jeediyey:
  15. Sharcigaa sheegeysid noo sheeg that says the president's term expired while at the same time the parliamentarians' term were not. If anything, xildhibaanada ayaa hordhaco before any president. Madaxweynaha will continue to self dalka as Shariifka (eight months in 2012) iyo Xasan Sh. (five months in 2016-17) did so without any fanfare.
  16. These xildhibaanno ku sheeg oo ku eedeynaayo dadka kale inay xilkooda u dhamaadeen isma oga miyaa kooda inuu hor dhamaaday haddee wax dhamaaneyso. Toddobaadyo ka hor ayuu xilkooda ku ekaa. And now failed politicians like Mahad Salaad, Firinbiile, Xayir Maareeye iskaashi urur loo joogin ayee sameysteen iyagoo fara ku tiris ah. Kudlad cusub oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho Xildhibaano badan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka oo ku kulmay Hotel-ka Jaziira, ayaa waxay ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen “Kudlada bad-baadinta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo. Xildhibaanadan oo u badan kuwo si toos ah mucaarid ugu ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxda uu waqtigoodu uu dhamaaday. Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ku shirsan Hotel Jaziira ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu lamid yahay madaxweynayaashii hore ee dalka, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ah. Waxa uu carabka ku adkeeyay in xildhibaanada uu qeybta ka yahay ay ka shaqeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa qorshe uu ra’iisal wasaare Rooble muddo kordhin kaga raadinayo baarlamaanka oo uu hortagi doono maalinta berri ah. Kutladan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee ay ku mideysan yihiin xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay laf-dhuun-gashay ku noqon doonaan damaca madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday. Si kastaba, waxaa laga deyrinaya xaalada dalka oo maraysa meel xasaasiya, iyada oo uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweynaha, xili aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin hanaanka doorashada, lamana oga sida ay wax u dhici doonaan maalmaha soo socda. Xigasho
  17. Waa runtaa. Kuligooda waa kalkaaliye shisheeye dabadhilif u ah. Shilimaanta loo soo dhiibo u daran, so dal, cir, dhul, dad iyo badba wey wada gadanaayaan haddee awoodaan.
  18. Actually the news in Xamar is that Covid wuu soo noqday oo dad badan ayaa geeriyoonooyo. I guess herd immunity can only last in a few months.