-
Content Count
17,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage is a rising star in the military. He is modernizing our military. He really reminds Jen. Daa'uud and his contribution to the early years of Soomaali military. That is why certain foreign countries, using their proxy Soomaali stooges, do not want this capable young man to lead Soomaali military. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la kulmay sarkaalka u sarreeya howlgalka midowga Yurub Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa kulan la qaatay taliyaha howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlay xoojinta tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Taliye Odawaa ayaa uga mahad celiyay taliska ugu sarreeya howlgalada midowga Yurub taageerrada ballaaran oo ay siiyaan ciidanka xoogga dalka, isaga oo ka dalbaday in la sii labo-laabo tababarada ciidanka oo ah kuwo mar walba baahiweyn loo qabo. Dhanka saraakiisha midowga Yurub ayaa cadeeyay sida ay mar walba uga qancsan yihiin wadashaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka iyo tababarada ay siiyaan ciidanka Soomaaliyeed. Midowga Yurub ayaa ka mid ah urrurrada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka taageerrada tababarada ciidamada.
-
Latest xeerar passed by baarlamaanka dhexe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga hor istaagay kulanka Golaha Shacabka Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ee ku sugan koontaroolka Isgoyska Dabka ayaa goordhaw u diiday iney ka gudbaan koontarool kaasi Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa sida uu sheegay Xildhibaanada laga celiyay koontaroolka Dabka ayaa qoraal uu soo saaraay ku sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo la socday aay ciidamada Booliiska Soomaaliya u diideen iney u gudbaan dhinaca Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu ka mid ahaa 15 Xildhibaan uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu ka joojiyay fadhiyada Golaha Shacabka, iyadoona Xildhibaanka uu sheegay inuu tagayo kulanka waxii masuuliyad darro ah ee ka yimaadana uu qaadanayo guddoomiye Mursal. "Isgoyska Dabka ayaa ciidamo Farmaajo ka amar qaata hadda nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale, Mas'uuliyadda waxii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya" ayaa yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo maanta uu jiro kulan la isugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waddo inuu ka dhaco Xarunta Villa Hargeysa kaasoo horayna loo sheegay in 15 Xildhibaan uu ka mid yahay Mahad salaad aaysan kasoo qeyb gali karin kulanka maanta. Saaka ayaa waxaa shacabka Muqdisho kusoo tooseen iyadoo inta badan Isgoysyada muhiimka ah aay u xiran yihiin ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida. Xigasho -
Latest xeerar passed by baarlamaanka dhexe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Historic parliament session opens and the spoilers shisheeye u adeego have been kept out: Kulanka Golaha Shacabka oo furmay Iyadoo goor dhaw xarunta Villa Hargeysa uu si toos ah u furmay kulan ay leeyihiin xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa hadda warbixin ka dhageysanaya Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur. Wasiirka ayaa ka hor jeedineysa xildhibaannada Golaha Shacabka warbixin la xiriirta xaalada cudurka Covid 19 ee dalka oo ah ajandaha koowaad kulanka, halka dhinaca kale ka hor khudbada Wasiirradda ay ansixiyeen xildhibaannadu labo xubnood oo ka mid noqonaya guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha. Fadhiga ayaa waxaa ka maqan oo dibad joog ka ah ilaa 15 xildhibaan oo dhawaan guddoomiyaha Golaha Shacabku uu ka mamnuucay in ay ka soo qebgalaan shan fadhi oo ka bilaabanaya kan maanta u socda xildhibaannada. Si gaar ah ayaa isha loogu hayaan kulanka iyo haddii uu jiro karo ajandaha laga cabsida qabo ee ah muddo korarsi xildhibaannadu u sameeyaan hay'addaha dastuuriga ah ee Dowladda oo muddo xileedkeedu dhamaaday. Xigasho -
45 ruux oo u geeriyootay isbuurasho ka dhalatay macsalaameynta meydka madaxweynihii Tanzania Saraakiisha Booliiska dalka Tanzanian ayaa shaaca ka qaaday in 45 ruux ay u dhinteen isbuurasho ka dhalatay macsalaameynta meydka madaxweynihii hore ee dalkaasi John Magufuli 21 bishan. Baliiska ayaa sheegay in dhimashadani ay timid kaddib markii kumanaan muwaadiniin murugeysan ay isku dayeen in ay xoog ku galaan gudaha garoonka la dhigay meydka madaxweynaha oo geeriyooday 17kii bishan aynu ku jirno ee Maarso. "Waxaa jiray dad badan oo doonayay in ay garoonka soo galaan, qaar badan uma aysan suurtagalin, waxaa ay isku dayeen in ay xoog ku soo galaan garoonka taasna waxaa ka dhashay is jiid jiid. 45 qof ayaa dhimatay," ayuu yiri taliyaha Booliiska dalkaasi Tanzanian Lazaro Mambosasa. Shan ka mid ah dadka dhintay ayaa ka soo wada jeeday hal qoys, sida uu sheegay taliyaha Booliiska oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP. Tobanaan kun ayaa u soo baxay si ay u xurmeeyaan, iyagoo safaf dhaadheer ku jira, ooyaya isla markaana la ordaya sanduuqa iyada oo mootooyin ciidan ay ku dhex wareegayaan magaalooyinka. Is-buurashadan ayaa ka dhacday maalintii labaad ee sharfidda meydka Garoonka Uhuru Stadium ee Dar es Salaam, markii dadweynaha loo oggolaaday in ay soo dhaweeyaan. Arrintan ayaa noqon karta dhacdo dhif iyo naadir ah marka ay timaado sagootinta meydka, waxaana ay muujineysaa sida dadka reer Tanzanian ay u jeclaayeen madaxweynahooda geeriyooday.
-
Shaneemo Super waxaa lahaa Uunlaaye soo ma'aha? Ibraahin Uunlaaye's brother iyo reerkiisa Xamar ayaa daris ku ahayn and his nephew worked on of these shaneemooyin he owned. He used to come back to xaafadda at night with his jeebab full of money, literally lacagta ka dhaceyso. Ciyaal xaafadda kuwa aad noogu waa weynaa ficiisa ahaa ka siiban jiray kistoo and he would let it go.
-
-
He just means Muhammad as any common individual, I think. Otherwise, bo idea.
-
Qaaraan is centuries old tradition of go-fund-me fundraising among Somali clans. It could be among a clan, sub-clan, sub-sub-clan and so on. Sometimes it is the whole community of Somalis, especially in diaspora. Again, it is read as it written, starting with q (qaf ق letter in Arabic).
-
Wasiir Xaamuud: “Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waa dowlado daciif ah” Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamuud, ayaa ka hadlay marxalada Dalka, isagoona sheegay in Puntland aysan noqoneyn sida Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo ah kuwo uu iska hoggaansado Farmaajo. “Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfurgalbeed waa dowlado daciifa oo meel ay maamulaan aysan jirin, kana amar qaata Farmaajo,” ayuu yiri Wasiir Xaamud. ____________________ Jawaabaha la siiyey wasiir ku sheegaan shisheeyaha u niikiya laakiin hoggaanka Soomaaliya moodo cadowgiisa:
-
Qaswadayaasha shisheeyaha kalkaal u ah waa in la tusiyaa tabartooda yar iyo.waxee yihiin. Baarlamaanka ha shaq shaqo oo markii horeba baarlamaanka qaranka inuu aamusnaado ma ahayn bilooyin. Xilkooda waa inay gutaan.
-
Puntland Minister Hasan Abgal threatens secession
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Markuu goosto magaca uu watana ma iska badali doonaa maadaama dadka magacaas leh waxee degaan meesha uu ka tagaayo? -
Karoona dad waayeel waa dhameeyey. Alloow ummadeena ka badbaadi. Marxuumka Rabi ha u raxmado.
-
You are welcome.
-
They are using their media mouth-piece to fear-monger.
-
Somali Immigrants Face Deportation as State Flexes Muscles Somali immigrants living in Nairobi and people suspected of funding terrorism could be deported or have their properties requisitioned in the coming days as Kenya continues to flex its muscles amid deteriorating relations between it and Somalia. The decision, which is awaiting approval by the National Security Council, comes as Nation learnt that Kenya is reaching out to countries that have influence over Somalia to help mediate between them. Among the countries that have been approached by Kenya, according to security sources, is Qatar, which has in recent years taken a prominent role in positioning itself as the main backer of Somali President Mohamed Farmaajo. Somalia cut diplomatic ties with Kenya in December last year, accusing Nairobi of meddling with her internal affairs. Since then, everything has been going downhill before suddenly escalating last Monday after Kenya decided it will not take part in the hearings of its maritime dispute case with Somalia at the International Court of Justice (ICJ). With an amicable solution to the border dispute unlikely to be found in the near future and Somalia standing by her decision to claim the resource-rich 160,580 square-kilometre territory in the Indian Ocean, Nairobi has decided to play hardball. Already, Kenya has issued a 14-day ultimatum to the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) to close Dadaab and Kakuma refugee camps, a decision that has not gone down well with the international agency. Refugees Yesterday, the UNHCR pleaded with Kenya to put on hold that decision until a sustainable solution is found. "The decision would have an impact on the protection of refugees in Kenya, including in the context of the ongoing Covid-19 pandemic. We will continue our dialogue with the Kenyan authorities on this issue," said a statement from UNHCR. Dadaab and Kakuma hold at least 400,000 refugees who are mostly Somali. Shutting the camps down in two weeks and ordering the refugees home could create a humanitarian crisis in the horn of Africa nation that has been at war for 30 years and does not have a stable government. As if that is not enough, Kenya could crack down on Somali foreigners living in Nairobi in the coming days and send them home. A similar crackdown was carried out in 2014 after a series of terror attacks in Mombasa and Nairobi. Under a plan dubbed "Operation Usalama Watch", General Service Unit (GSU) officers backed by those from the Anti-Terror Police Unit (ATPU) rounded up thousands of Somalis who were in Kenya illegally from Eastleigh, South C, Lang'ata, Kawangware and Kasarani in Nairobi. Those arrested were detained at the Moi International Sports Centre stadium in Kasarani as their citizenship was being ascertained. Those found without papers were bussed to refugee camps or deported to Somalia. Eastleigh, in particular, is a bustling neighbourhood-cum-business hub, and is home to hundreds of thousands of Somalis who are either indigenous Kenyans or are in Nairobi illegally. Security sources have told Nation that the idea of weeding out illegal aliens has always been there due to terror concerns, but has only recently been kicked into high gear. Additionally, the government could, in the coming days, rein in on businesses suspected of being used as conduits to fund terrorism and the al-Shabaab terror group. Those in the know say that businesses ascertained to be funding terrorism will be put on a sanctions list and will be classified as specified entities. Terror sympathisers Under the Prevention of Terrorism Act 2012, 'specified entities' are Level One enemies of the state and are equated with terrorist groups. Being a member of a terrorist group is punishable with 30 years' imprisonment. The law, however, recommends that, for anyone to be declared a terrorist sympathiser, they should be allowed to demonstrate within seven days why this should not happen. A similar exercise last year ended up in nine people being classified as terror sympathisers. Those whose accounts and properties got frozen are Halima Adan Ali, Waleed Ahmed Zein, Sheikh Guyo Gorsa Boru, Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa, Nuseiba Mohammed Haji, Abdimajit Adan Hassan, Mohammed Ali Abdi, Mukhtar Ibrahim Ali and Mire Abdulahhi Elmi. The new plan by the government comes as Jubaland, a semi-autonomous state within Somalia and a key ally of Nairobi, suffered a blow as it emerged that one of its key security figures was planning to join forces with President Farmaajo. Mr Abdirashid Hassan Abdinur alias Abdirashid Janan, the Jubaland security minister, has, for months been hiding in Mandera where Kenya had given him asylum. Somali media yesterday reported that Mr Janan, in a move that could greatly tilt the power balance in the war-torn nation, had suddenly been sacked by Jubaland president Ahmed Madobe. Mr Janan, who hails from the **** clan, which occupies the Gedo region near the Kenyan border, has troops loyal to him. Immediately after the news of his sacking came out, it was announced that he had joined forces with Mr Farmaajo. The move by Mr Janan comes at a time when the Somali government continues to build up troop numbers in Gedo, fuelling speculation that President Farmaajo may be planning a move for the port city of Kismayu. Any military move by Somali troops may eventually put African Union Mission in Somalia (Amisom) Sector Two forces, particularly the Kenya Defence Forces (KDF), on a collision course with the Somali National Army (SNA). Mr Janan comes from the upper region of Gedo, whose large swathes are still in the hands of al-Shabaab militants. He was once the subject of bitter clashes between the SNA and Jubaland Security Forces (JSF) loyal to him, as the Somali government sought to arrest him from Mandera. In January, Somalia threatened to withdraw from the Intergovernmental Authority on Development (Igad) regional bloc after the group ruled in favour of Kenya, with the envoys saying they found that Mr Janan's troops were based inside Somalia under the command of the Jubaland forces. Daily Nation
-
-
Aw is a prefix word of an honorary title given to elder, respected men. Or a man known for being too wise for his age. The female version is ay. In suffix, it becomes oow, Cumaroow instead of Aw-Cumar. And female version is eey. Oow/eey is not as honourable as aw/ay, though. Also aw is the root of awoowe, which means grandfather in Somali language. In female version of ay becomes ayeeyo - grandmother. It is read as 'aaw.' I assume by now you know how Cumar is pronounced as. Remember 'c' letter in Somali alphabet is 'ayn (ع) in Arabic.
-
He is almost redeeming himself of what his regime did in Muqdisho and Shabeellada Hoose in 2006-07. Geedi and the then wasiir of arrimaha guddaha, Salaad Cali Jeele, did allow Xabashada to do some terrible things in Muqdisho. The incessant shellings and saf mar guri to guri raidings and then killing any men of fighting age were brutal. This brutality was what made my then 94-year-old father to finally leave Muqdisho. He refused to leave during the Caydiid-Cali Mahdi four-month non-stop wars and Maxkamadaha vs warlords wars. But the heinous acts of Xabashada was beyond anything he had seen.
-
"Anigoo ah Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddaniga Soomaaliyeed -XWS- (Somali Patriotic Party -SPP-, ahna Musharrax Madaxweyne doorashada 2021-2025, salaan kal iyo laab ah kaddib waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xisbiyada qaranka iyo wakiillada kutlada xildhibaannada badbaadada shacabka ee BFS ee ku kulmay HOTEL DECALE oo ku yaal garoonka dayuuradaha ee Aadan Cadde - Muqdisho 23.03.2021. Xisbiyada iyo Kutladu waxay ku midoobeen aragti siyaasadeed, amni, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale oo waddani ah ka tarjumaysa danaha dadka iyo dalka. Xisbiyadu waxay ku dhismeen sharci uu meel mariyey baarlamaankii 9aad ee JFS; baarlamaankaasi wuxuu sidoo kale meel mariyey, Madaxweyne Xasan Sheikh na uu saxiixay sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Dowladda Madaxweyne Farmaajo markii ay qorshaysay inay dalka doorashooyin u jiheyso, waxaa irid kasta soo xiray oo dimoqraadiyadda isbaaro u dhigtay xoogag siyaasadeed oo isugu jira xildhibaanno (haba tiro yaraadaane) ka kooban 2da aqal ee BFS iyo 2da Dowlad-Goboleed ee PL & JL oo ay horkacayaan 2 Madaxweyne ee Hore (Sharif Sheikh & Xasan Sheikh). Sida ku qeexan dastuurkeenna KMG ah sannadkii 2012 waxay ahayd in ay dalka ka qabsoonto doorasho qof & cod, waa la baal maray; sidoo kale 2016 wuxuu shacabka Soomaaliyeed naawilayey doorasho qof & cod ah, iyadana waa laga leexday oo la keenay doorasho dadban. Ummadda Soomaaliyeed sannadkaan 2021 shaki ugama jirin in ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo xisbiyo ku tartamaan hoggaaminta dalka, shacabkuna uu doorto wakiilladiisa siyaasadeed iyo Madaxweynihiisa; taasna waxa lugta ku dhuftay madaxweyneyaashii hore ee fuliyey 2da doorasho ee kor ku xusan oo kaashanaya mucaarad u taagan wax dumin iyo burburin qaran. Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxay diyaarisay hannaan doorasho oo ahaa kan ugu fudud ama ugu macquulsan laguna soo tijaabiyey dalal ka mid ah adduunka laguna soo guuleystay, hannaankaas oo lagu magacaabo "Matalaadda Isu Dheellitiran ee Liiska Xiran, Hal Deegaan Doorasho (Proportional Representation, Closed List, Single Constituency)" - waa la diiday; beddelkiisana waxaa la diyaariyey hannaan doorasho oo qof iyo cod ah oo sharcigiisii uu ansixiyey baarlamaanka 10aad, Madaxweyne Farmaajo na uu saxiixay - mar kale waa la diiday. Halkaas waxa lagu laalay hawlihii Guddigii Doorashooyinka Qaranka, Sharcigii Doorashooyinka iyo kii Xisbiyadii Dalka. Ugu dambayntii halgan siyaasadeed oo dheer kadfib iyo tanaasulaad ay samaysay dowladdu, gaar ahaan MW Farmaajo oo ka soo billowday Dhuusamareeb 1, 2, 3, 4 ayaa 17.09.2020 lagu gunaanaday Muqdisho iyadoo la saxiixay heshiis u dhexeeya DFS, dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Nuxurka heshiiskaas waxaa soo jeediyey dowlad-goboleedyada ay ugu horreeyeen PL iyo JL, haddana waa tan caqabadiisu ay maanta taagan tahay oo la kari la'yahay Hoggaamiyeyaasha PL iyo JL oo ay gadaal ka fadhiyaan kuwa aan doorasho rabin, dadka iyo dalkana aan wax dan ah u haynin balse u taagan "Cadkaanow Wallee Ama Ku Cunay Ama Ku Ciideeyey". Haddaba, Soomaaliyeey dadkeenna iyo dalkeennu xaaladdatan cakiran kuma sii jiri karaan. Sidaas darteed DFS, D/Goboleedyada waddaniyiinta ah, Kutlada Baarlamaanka ee Badbaadada Shacabka iyo Xisbiyada Horusocodka ah oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay fadhiga ka kacaan, u damqadaan dadkeenna iyo dalkeenna ay qowlaysatadu u tashatay, qaataanna go'aan geesinimo leh oo naf iyo maal loogu huro madaxbannaanida, gobannimada, sharafka iyo midnimada Soomaaliya. FARRIIN KU SOCOTA BEESHA CAALAMKA: Mahadcelin, qaddarin iyo abaal weyn ayaan u haynaa beesha caalamka sida hay'adaha QM, dowladaha, ururrada caalamiga ah, hay'adaha samafalka iyo guud ahaan saaxiibada Soomaaliya sida ay weligoodba u garab taagnaayeen welina u garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Intaas waxaa dheer, Soomaalidu shaki weyn ayey ka qabtaa hab-dhaqanka diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkeenna ka shaqerya qaarkood oo loo arko inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee JFS. Ha la ogaado, sida uu qabo cahdiga QM (UN Charter), diblomaasi ama danjire shaqadiisu waa maamulka iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah (bilateral cooperation) ee dowladdiisa iyo dalka uu ku matalo. Wixi intaas ka baxsan waxa loo yaqaan xadgudub, dowladda uu diblomaasigu la shaqeeyo ayaana xaq u leh in ay go'aan ka gaarto haddii uu la yimaado wax khilaafsan xeerarka iyo shuruucda dowladaha iyo cahdiga QM. Haddaba, waan uga digaynaa diblomaasiyiinta Muqdisho joogta in aay ku dhaqaaqaan tallaabooyin abuuri kara xiriirka dalalkooda iyo Dowladda Soomaaliyeed oo xumaada ama shakhsiyadda diblomaasiga oo uu soo gaaro dhib saameeya shaqadiisa ama mustaqbalkiisa. Mar kale, waxaan u mahadcelinayaa xisbiyadii iyo xildhibaannadii ku shiray HOTEL DECALE iyo talooyinkii ku qornaa warmurtiyeedkii ay soo saareen." - Cali Maxamed Geedi Hoggaamiyaha XWS
-
Like Kaa'hin. Exactly as it is written, starting with letter kaf (ك) in Arabic. By the way, if you have a unexplained question, like Huda, you can contact to Nuruddin Farah directly via his email: nfarah@bard.edu
-
Huda is an Arabic name. Or you spell it like Hoda? The story might have a character called Huda, that is my thinking.
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Xarunta gaadiidka badda
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Popular Contributors